galool magazine issue july 2013

32

Upload: majalada-galool

Post on 21-Jan-2016

431 views

Category:

Documents


1 download

DESCRIPTION

Galool Magazine, Issue May, February, 2013. The Leading Somali Magazines

TRANSCRIPT

Page 1: Galool Magazine issue july 2013
Page 2: Galool Magazine issue july 2013

2 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Page 3: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 3

Beeralayda Somaliland Oo Muddooyinkan Danbe Xooga Saaray BeerashadaDalagyo Cusub..................................................22

“marka lagu jiro dagaalka waxaan ku heesayaa inaan ahay ka gaarka ah”.................................28

Dagaalka Technology-yada ee Hadheeyay Adu-unka (Cyber warfare)........................................26

Aynu hore u galno Masjid Al Aqsa Al-Mubarak si aynu wax uga barano taariikhaha ay leedahay qaybo ka mid ah dhisamaha Masjidka Barakay-san....................................................................20

Page 12

Page 8

Page 14

Page 28

Page 26

Contents

Galool Magazine waa Majal-lad bille ah oo ka soo baxda magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, Majalladan oo looga baraty barnaamijyo xiiso badan isla markaana tayadoodu aad u sarayso lagana dheehan karo aqoon iyo khibrado taaba-naya dhamaan dhinacyada kala duwan ee Bulshada .

Contact Us

Aasaasaha Jamacada Culluumta Badda Ee Ber-bera Marwo Faadumo Siciid...........................14

Somaliland: AU Snores While EU Runs (first printed in 2007 in Kenyan newspapers)..12

Dhacdadii Israaga Iyo Micraajka (dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabi-ga).....................................................................8

Waa Kuma Maayarkii Marti Galiyay Shirkii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taagga Somali-land...................................................................4

EDITOR IN CHEIF

DESIGN & LAYOUT

MARKETTING

KENYA STAFFAbdirashid Ali

Abdirisaaq ShaafiAbdirahiim(bidaar) Abdikadir Barawani

Abdifatah IsmailXamse Cisman

(LEEB)Issa Yuusuf Erro

Musawi Abdalah

Mohamed Mowliid

Mohamed Abdi

SUB EDITORS

TELL:+252 2 4826555 +252 7 9130085 E-mail:[email protected]

:[email protected]: www.galoolmagazine.com

Page 4: Galool Magazine issue july 2013

4 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

“Waxay Iigu Adkayd Markaan Arkay Mid Ka

Mid Ah Arday-dayadii …”

‘Waxaanu Golaha Wakiillada Isugu Nimi Rag Ay Ka Mid Yihiin M/Siilaanyo,

Jaamac Maxamed Qaalib, Axmed Xaabsade Iyo...’

Wasiirka wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxam-uud Xaashi Cabdi ayaa ka waramay mar-xaladihii kala duwanaa ee ay soo

martay waayaha noloshiisu iyo wuxuu ku hamiyi jiray markii uu ardayga ahaa in uu noqdo.

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa kaloo uu ka waramay waayihiisii halganka SNM iyo goortii uu ka midnoqday. Waxaa kaloo uu ka sheekeeyay halka uu siyaasada ka soo galay.

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu arri-mahaasi iyo kuwo kalebba kaga waramay waraysi uu la yeeshay cilmi baadhe Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan.

S. Ugu horrayn waxaad nooga warrantaa xiligaad dhalatay halkaad ku dhalatay iyo inta aad caruur la dhalatay iyo magaca hooyadaa?

S. Waxaan ku dhashay magaalada Cay-naba 1964.xiligii dagaaladii itoobiya iyo Soomaaliya lagu xasuusan karo,waxaan ahaa markaan dhashay dadka ay Soomaa-lidu ugu yeedho dhal dugeedka oo aabay oo aad u da,wayn ayaan dhashay waxaa xusid mudan in caruurtayada ka ugu wayn iyo anigu aanu ka waynayahay dhawr iyo konton sanadood walaalkay Maxamed Xaashi Cabdi.

Magaca hooyaday Sareedo yuusuf cali. Waxaanu ahayn laba bohood oo ka koo-ban 8 caruur ah oo dhamaantood wiilal ah.wax barashada .malcaamad quraanka waxaan ka bilaabay magaalada Caynaba.

Isguulka waxaan ka galay magaalada Burco halkaas oo Aahabay oo ahaa sarkaal boolis ah oo xiligaa hawl gab noqday loo soo bedelay Burco. Waxaan ka mid ahaa ardaydii la qoray isguulka 1972. Waxaan sanadkii koobaad wax ku baranay luuqada ingiriisiga sanadkii labaadna waxaanu wax ku baranay afsoomaali oo waxa dib naloogu celiyay sanadkii hore ee aanu af inririisiga ku baranay in aanu afsoomaali ku barano.dusigaygii dhexe waxaan ku dhigtay kheekh Yuusuf alkawnayn isla magaalada Burco dugsigaygii sare sanadkii koobaad waxaan galay isguulkii feras julay oo boodhin ahaa imikana ah Jaamacada Hargaysa ladexdii sano ee dambena wax-aan ku dhamaystay kheekh Bashiir Burco waxaanan dhameeyay sanad dugsiyeedkii 1983/84.

S. Waxaa jirta in qofku han leeyahay iyo meel uu higsado maxaad ku hamiyi jirtay in aad noqoto mustaqbalka?

j.waligay horta ismaan odhan siyaasi ayaad noqonaysaa ama hogaamiye waayo maan jeclayn siyaasada laakiin waxaan islahaa waxaad noqonaysaa dhakhtar ama saan-tiis. Laakiin marnaba niyadayda siyaasi noqo ismaan odhan.

S. Xiliyadaa aad dhamaysay dugsigaagii sare ayaad snm u talawday side ayay kuugu suura gashay?

J. Horta markaa aan dugsiga sare ka baxay waxaa taagnayd oo socotay xumadii hal-ganka oo waliba magaalada Burco xoog badan ku lahayd intaa waxaa noo dheeraa niyad jabkii aanu ka qaadnay in aanu sii wadano wax barashada oo ay xataa naga saamaysay galistii jaamacadaha oo la yidhi af talyaani ayaa wax lagu baranayaa, intaa waxaa sii dheerayd maamulkii dalka ka jiray oo cadaadis badan nagu hayay, waxaa a yaab badan in maalintii iigu horaysay ee aan maqlo magaca magaalada Xarshin aan ka maqlo madaxwaynihii dalka 1983 Burco yimi,habeenimadii ayuu la shiray odayaashii magaalada,maalin nimadi-ina dadwaynihii ayuu u qudbadeeyay markaasuu hadalkiisii ku soo daray reer Burcow ama xarshin baa la idiinka talin ama xamar,markaa dalka hogaamiyihii-sii sidaa yahay wax laga sii eegto oo aan halgan ahayn waan garan waayay sidaas ayaanan ku talaabay oo aan kaga mid noqday SNM. Waxaanan tagay magaalada Awaare halkaas ayaa aniga iyo arday kale oo tiradayadu dhan tahay 20 oo lagu xulay intayadii luuqada ingiriisida sida wanaag-san ugu hadlaysay ah loo diray waxbaasho waxaana nala geeyay Hamaraysa wax-aanan galay dugsiga siyaasada ciidamada itoobiya,mudo sanad ah ayaan halkaa ku

Waa Kuma Maayarkii Marti Gali-yay Shirkii Lagaga Dhawaaqay Gooni Isu Taagga Somaliland

HISTORY

Page 5: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 5

jiray.waxaanan soo baranay sida dadka loo kiciyo ,markaan wax barashadaa soo qaatay ee aan soo bartay sida dadka loo kiciyo waxaa la noo diray gudaha dalka,

waxaanu ahayn aniga iyo nin la odhan jiray axmed/kayse ILLAAHAY ha u nax-ariisto ee oo isna reer Burco ahaa wax-aan kazoo dhaqaaqnay magaalada la yidhaahdo Daalaco ilaa Burcona lug ayaanu ahayn waxaana naloo soo diray sidaanu dhalinyarada Burco u kicin lahayn oo aanu ugu guubaabin lahayn in ay SNM la shaqeeyaan oo ay hubka qaataan ilaa xataa haday suuragal tahay hadii halkooda lagu hubayn karo hawshaan oo ahayd mid aad u adag oo hawsheeda leh oo is qarin teeda leh oo cabsideeda leh oo adkaysi-geeda leh,hawshaana si wanaagsan ayay noogu fushay,wax yaabihii uugu darnaa waxaa ka mid ahayd markaa aan Burco hawl galka u joogay ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah anigoo is qarinaya oo is dhuubaya ii yeedhay oo I gartay nin ka mid ah ardaydii aanu Hamaraysa wada galay oo intuu soo galay noqday sarkaal nabad sugid ah maalintaasi waxay ahayd maalintii iigu adkayn ama maalmihii iigu adkaa mid ka mid ah.

S. waxaad ahayd maayarkii ugu horeeyay ee magaalada Burco yeelato adigoo dhalin yaro ah markaa bal waxaad ka warantaa waxyaabihii kusoo maray mudadaa aad maayarka ahayd.

j.waxay ahayd arin adag oo hashiisa leh waxaanan aamin sanahay in maanta oo aan ka gu,waynahay kana waayo aragsana-hay in aan maalintaa ka raganimo badnaa, ta kale anigu xilkaa maan filayn in la ii magacaabo waayo waxay ahayd maalin adag ooh awl badan oo dalka la qabsa-day oo markaasuun faqash laga saaray oo aanay waxba jirin oo eber wax laga bilaaba-yo,sidaa darted anigu xilkaa mana doonan mana filayn waxaanan is lahaa waxaa la magacaabi doonaa ragii waa waynaa ee

halgankana waday,umana jeedo markaan sidaa leeyahay in aanan han lahayn laakiin waxaan is lahaa maalintaadii maaha oo waa laaaga wayn yahay waana lagaaga waayo aragsan yahay.balse waxaa nalagu magacaabay sadex nin maayar,ku xigeen iyo xoghaye,

madaxdii waa waynayd ee Snm saraaki-ishii ciidanka ee magaalada qabsaday iyo wax garadkii ayaa shiray oo tashaday isla gorfeeyayna in magaalada maayar loo mag-acaabo aniga ayaana maayar la ii maga-caabay ku xigeena waxaa loo magacaabay axmed sheikh cismaan oo geeriyooday ALLAHA unaxariistee xoghayena Max-amed faarax Qabile. Waxaanu maamul ka noqonay magaalo imika la qabsaday oo ay ku sugan yihiin sadex kun iyo dheer-aad ciidan ah oo dhamaan noloshoodii ay saaran dawlada hoose,waxaan noqday maayarkii ugu horeeyay ee ugu da,da yaraa ee Burco soo mara waayo waligeed dhaqan umay lahayn in dhalinyaro maayar ka noqdo,markaan xilkaa qaaday waxaan ka faa,iidaystay oo aan maalay waxaanan nasiin u yeelanay in aan noqday maayarkii marti galiyay shirwaynihii ugu horeeyey ee beelaha Somaliland ay isugu yimaadaan ee lagaga dhawaaqay Somaliland waxaanan ILLAAHAY ugu mahadinayaa siduu noogu asduray,waxaanu noqonay magaaladii ugu horaysay ee ciidankeedii habaysay,-cashuur bilawday,maamulkeedii shaqeeyay ee noqotay halka ugu amaansan dalka ee la isku halayn karo,waana ta sababtay in lagu qabto shirwayihii koobaad ee Beelaha Somaliland ee lagag dhawaaqay gooni isu taaga Qarannimada Somaliland.

S. Markii aad xildhibeenka noqotay ka mid ah golaha wakiilada Somaliland iyo ragaad golahaa ka wada tirsanaydeen bal wax nooga sheeg?

J.1993 ayuu qabsoomay shirwaynihii labaad ee beelaha Somaliland oo ahaa shirkii ugu waynaa ee nabadaynta iyo

dhismaha golayaasha qaranka oo ay ku suntantahay magaalada Boorame,markaa anigu ka mid maan ahayn ergadii tooska uga qayb gashay laakiin kor jooge ayaan ahaa,intaan Boorame joogayna wax badan ayaa iiga kordhay haday dhaqanka tahay iyo haday dal iyo dad barasho tahayba waxaanan ka korodhsaday waayo arag-nimo badan oo xataa imikadan dib ii an facday,waxaan ka mid noqday 75 xubnood ee Golihii Wakiilada ee Somaliland ee ugu horeeyay ee halkaa lagu aasaasay,wax-aanan ahaa mudanihii ugu da,da yaraa xiligaa ee ka mid noqda baarlamaankii ugu horeeyay ee Booramae lagu soo dhi-say,wuxuu ahaa gole aad u miisaaman oo qamaamuur iyo qoorwayn fara badani ku jirtay.waxaa gudoomiye noo ahaa Axmed Cabdi Xaabsade,wasiirka hawlaha guud ee imika ku xigeenka koobaad waxaa ahaa ALLAHA u naxariistee C/ramaan baydaani. Waxaa ka mid ahaa Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo )madaxwaynaha imika.waxaa ku jiray,jaamac Maxamed Qaalib,fagadhe iyo ALLAHA u naxariistee Ibraahin Maygaag.markaa wuxuu ahaa gole aan wax badan ka korodhsaday,

S. Xiliyadaa aad golaha wakiilada ka midka ahayd maxaa sababay in aad inta badan madaxwaynihii xiligaa aad iska soo hor jeedsataan?

J. Runtii aniga iyo Madaxwaynihii Xiligaa ALLAHA u naxariistee Maxamed X.Ibraa-hin Cigaal waxaanu ku kala aragti duwa-nayn uun sida wax loo wadayo laakiin kumaanu kala duwanayn mabaa dii,da guud ee qarannimada quseeya Cigaalna wuxuu ahaa nin wayn oo siyaasiya oo bisil laakiin wax turxaan reeba ama cadaawad gaar ahi nagamay dhaxayn. Kolayna qoodhu mar iyo lababa way isku baxsataa.

Page 6: Galool Magazine issue july 2013

6 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Guyaashii la dhaqnaa , ee roobku dhawr xilli hoori jirey duunyadu iyadoo jaad jaadah ugu dugsan jirtey, dhirtu intey hawrto qofka dhex marayaa uu lafihiisa uga baqan jirey. Shinbi-ruhu hiraabtii iyo galabtii holoosiyi jirey. Duqeydu duleedka ku shiri jireen.Da’ yartu caddalooli jirtey. Haweenku hawshooda ka adkaayeen. Ayey heestani inagu xadan-teyneysaa. Haddana dalka ka deyrin meysee , waxay leedahay ha loo dalxiis tago dhul dihin ayaa jiree

Haddii dunida qaarkeedBeryo loo dalxiis tagoWax ka mudan dalkeeneeAan ku daadaheeyeeDaymadaada maad boganDegihii hebeer iyoHegaboo dul iyo daafDaraf iyo ilaa darafDirir gaaxsanaa iyoDulka hoor warmeeyuuToddobaad ku maax dumayOo mayey dihnaa iyoMiiraa195 ka daba yimiGabbalkii danbe u ridayDabadeed gudguduhuna196Maalaa daqiiquuWaagu ugu daalacayOo dayr hillaacdiyoDeydada197 biyaha badanGuna aanu daba MarinOo dooxadii gubanDaacul198 iyo maaraan199Galli jebiyay daadkiiOo raha dibboodhiyey200Luuqdiyo durbaanadaDadku seexan waayeenOo geel jir dirisiqay201Dardhaduu habeenkiiDab jeexeen ardaayadaOo duudka buurahaDixidiyo sifaarkiiFaraqa isku duubteenOo golis dusheediiDhirtu dookh macaaniyoDaymo gaara leedahay

Oo daray magooliyoDayibkiyo hareeriguDusha ubax ku yeesheenOo dhebiga deynkiyoIsdul baxay madheedhooHoobaan ku doogsadayOo dhabaqu dayrtiiSoo daacay malabooSida xabag barsheed da`ayOo xamudhka202 daatiyoLike debed usoo baxayDabagaalle ka hirqadayOo dugul karreeb ihiIyadoon burqudha deyinFataheen danbeedaduOo igadh mar curad dihinDaba dhoon salaaxuuKa daf siiyay jaarkiiOo baarqab deeblihiIntuu doobta soo ridayKa dideen shinbirihiiOo qaalmo deercadoo203Abasaxay degii horeDegta gooja saareenOo koranki dabarkiyoLaga daayay seetaduDulaha u mirood tegeyOo maqashu daaqiyoWeli debed u bixinooQaadhku204 u dugsoon yahayOo daylo naysheedKu dul weehanaysoyDaba rogan mareegtii205Oo degelka wayluhuDurduro u dhamaatoo

Soo daba shabeelleeynOo dibi tabaadidayGeesaha is dareenooDhulka daaqsin jeexeenOo cuudki daran iyoGulaan lagu dabbaalooKa dawoobay jeelkiiOo dulin dhibiiqiyo2 06Faradheerdillaacdiyo2 07Hulunbuhudanbaabidhin2 08Oo daratojaaniyo20 9Sanbab laga ducaystiyoLaga dayrey aafaadOo aan dad qaadiyoAarkii dabooliyoDacaw laga mildhaaweynOo digirin kurusiyoGalawgii digriyi jirayDaanshoonayaan kibirOo dareemo mooyeeDiinkii carmada nacayKu caweeyay doomaarOo maristaduushaa21 0Intay daadah kugu tidhiKu dulgeysay doocaan2 11

DALXIISQalinkii : Abwaan Axmed Aw geedi

SUUGAAN

Page 7: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 7

Dul ahaan ugaadhunaIyadoon dareen qabinDugsaneysa xoolahaOo wiyeerdurduurliyo21 2Dhaneduunyo loo horo2 13Darmijoolelays nacay2 14Oo gacal is daystooInna aan dareen jirinCidina is danqaabayn21 5Oo dayax habeennimoHurdo dakhar ka toosuuSoo direy fallaadhahaXiddiguhu damaashaadIntay farax la deexdeen21 6Daareen ifkoodiiDabadeed cadceedunaInta ay ka daba timiDusha laga ilaaqtamayOo daan cirrooliyo

Duqaydiyo waxgaradkiiDuleedada ku shirayaanDa’yartiina cuudiyo2 17Cadalool ku daahdooyBardoodideysaqii dhexe218Oo dumar kabdii iyoFalkiyeendarfooley21 9Jiibta isla doonteenOo hararoduubnaa22 0Toddobaaledaabacan22 1Hadba midab kadoorteenOo udubo duban iyoDhigahoo jillagu dahay22 2Loolkiidul quban yahay2 23

Oo laba-daryaaliyo2 24Aqal daahyo weynaaDudadii ka taageenOo duleedka sacabiyoCiyaar loo daleeyooAroos loo dabaal degeyOo duhur gammaankiyoFarduu deedameenoo22 5Ishu daawasho u timiOo doobkii guursadayYabadhloogu deeqoo2 26Kadimo uu dareersadaySoddohdiina diiqiyo22 7Fujaan dabaqu saaraaU daruurtay gabadheedDadba waa lammaaneeDalka aan tilmaamiyoDeeqdaa layaabka lehInagoo ul iyo diirDermo qudha ku wada noolDaayin haysku keen simo

Page 8: Galool Magazine issue july 2013

8 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Xilligaan oo ku beegan marxalad dacwadu ay waddadeeda ka dhex jeex-anaysay guul laga gaadhay meelaha qaarkood iyo jidhdilkii oo sii adkaaday

dhinacyada kale oo aad moodid in iftiin yididdiilo lihi meel fog kasoo ifayo, ayaa waxaa dhacay dhacdadii dheelmidda Nabiga (scw) iyo xagga samadda u qaa-didda oo isku habayn dhacay, waxaa had-aba jira khilaaf ka taagan in la xaddido taariikhda habeenkan Israagu dhacay, taas oo laga yidhi lix qowl oo kala ah. 1. Inuu ahaa sannadkii Nabiga (scw) Alle ku sharfay nabinnimada waxaana sidaas doortay Imamu Dabari 2. Inuu ahaa soo dirista Nabiga (scw) shan sano kadib waxaana rajaxay Imamu Nawawi iyo Qurdubi 3. Inuu ahaa habeen-ka ay bisha Rajab tahay toddobo iyo labaatan san-nadka tobnaad ee nabinnimada waxaana qowlkaan doortay taariikh yahanka wayn ee Almansuurifowri4. Inuu ahaa bisha Ramadaan san-nadka 12 aad ee nabinnimada, hijrada kahor lix iyo toban bilood5. Inuu ahaa bisha Muxarram san-nadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada kahor afar iyo toban bilood6. Inuu ahaa bisha Rabiicul Awal ee sannadka 13 aad ee nabinnimada, hijrada sannad kahor.Hadaba saddexda qowl ee hore waxaa lagu raddiyay in Khadiija ay dhimatay bisha Ramadaan ee sannadka tobnaad ee nabinnimada dhimashadeeduna waxay dhacay intaan la soo gaadhin waajibin-tii Salaadaha shanta ah, sida la ogsoon yahayna salaadaha shanta ah waxaa uun la waajibiyay habeen-kii Israaga iyo Micraa-jka khilaaf la’aan, saddexda qowl ee kale

Caalimka wayn ee Mubaarakfuuri wuxuu yiri: maanan helin wax xujo ah oo aan mid-kood si gaar ah ugu caddeeyo (ugu rajaxo) inkastoo habdhacmeedka suuradda Israa laga garanayo in xilliga Israagu aad u dambeeyay. Dhacdadaan oo Rasuulka (scw) lasoo tusiyay makhluuqaadka Alle ee waawayn faahfaahinteeda waxaa wariyay aqoon-yahannada xadiithka waana tan ayadoo kooban. Ibn Qayim wuxuu yidhi: Rasuulka Alle (scw) ayaa la dheelmay laf ahaantiisa sida saxda ah, waxaana laga qaaday masjidka Xaramka ilaa Baytul Maqdas, isagoo saaran Buraaq (Neef baqasha le’eg oo tallaabada dhigaya halka araggiisu ku dhamaado) safarkiisana uu ku weheliyo Jibriil (cs) halkaas oo intuu Buraaqii ka dagay uu tuji-yay Nabiyada Alle (cs) salaad uu imaam u ahaa, Buraaqiina wuxuu ku xidhay barxad barandaha hore ee Masjidka ku yaal.Isla habeenkaas gudihiisa ayaa Baytul Maqdas looga duuliyay xagga samada aduunka ee koowaad, islamarkiiba Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, halkaas oo Nabigu (scw) ku arkay Aadam aabihii bashariyadda, markii uu salaanta ka jawaabay ayuu kula hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaan uu aqoon-sanayo nabinnimada Rasuulkeenna (scw), waxaana Alle ka tusiyay dhiniciisa midig nafaha dadka shuhadada ah dhiniciisa bidixna nafaha dadka ayaan darradu ku dhacday. Kadibna waxaa la korsiiyay Samada labaad, Jibriil ayaa dalbay in laga furo waana laga furay, wuxuuna halkaas ku arkay Yaxya Ibn Zakariya iyo Ciise Ibn Maryam (cs), intuu la istaagay ayuu salaamay, salaantiina waa ka jawaabeen iyagoo soo dhaweeyay kulana hadlay hadallo ay ku jirto qirita-anka nabinnimadiisa.

Kadibna waxaa la korsiiyay Samada sad-dexaad, wuxuuna ku arkay Yuusuf (cs) oo uu salaamay, markii uu salaanta ka jawaabayna wuxuu ku hadlay hadallo ay ku jirto soo dhawayn iyo qiritaanka nabinnimadiisa. Kadibna waxaa la korsiiyay Samada afraad, wuxuuna ku arkay Idriis (cs), wuuna salaa-may, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka (scw).Kadibna waxaa la korsiiyay Samada sha-naad, wuxuuna ku arkay Haaruun (sc) wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimada Rasuulka Alle (scw).Kadibna waxaa la korsiiyay Samada lix-aad, wuxuuna ku arkay Muuse (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabin-nimada Rasuulka (scw).Markii uu dhaafay ayuu Muuse (cs) ooyay, waxaana lagu yiri: maxaa kaa oohinaya? Wuxuuna ku jawaabay sababtoo ah wiil yar oo dabaday lasoo diray waxaa ummad-diisa Jannada galaya cadad ka badan inta ummaddayda Jannada galaysa.Kadibna waxaa la korsiiyay Samada toddo-baad, wuxuuna kula kulmay Ibraahiim (cs), wuuna salaamay, soo dhaweeyay, qirayna nabinnimadiisa.Kadibna waxaa la korsiiyay Sidratul Muntaha (geedka la yidhi makhluuqu sare uma dhaafo), halkaas oo uu arkay muuqaalka Masjidka loo yaqaan Albaytul Macmuur.Kadibna waxaa loo geeyay Allaha awoodda wayn leh, wuuna u dhawaaday ilaa uu u jirsaday labo qaanso qowskood –xarig-geed—ama ka dhow, markaas ayuu Alle subxaanah addoonkiisa u waxyooday khayrkii uu u waxyooday, wuxuuna Alle ku waajib yeelay konton salaadood, markaas ayuu Nabigu (scw) lasoo laabtay wuxuuna soo maray Muuse (cs) markaas ayuu yidhi: maxaa Alle ku amray? Wuxuu ku jawaabay:

Dhacdadii Israaga Iyo Micraajka

(dheelmiddii iyo sare u qaadiddii Nabiga)

DIIN

Page 9: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 9

konton salaadood, Muuse (cs) ayaa yidhi: ummaddaadu ma awooddo konton salaa-dood ee ku laabo rabbigaa oo waydiiso in ummaddaada laga fududeeyo, Nabiga (scw) ayaa eegay Jibriil sidii isagoo kala tashanaya arrintaas, Jibriil wuxuu u til-maamay haah haddaad doonto, markaas ayuu Jibriil kor la aaday ilaa uu ula tagay Allaha awoodda wayn subxaanah oo halki-isii jooga –kani waa dacalka Bukhaari ee xadiithka—markaas ayaa laga riday toban salaadood, kadibna Nabigu (scw) waa soo dagay ilaa uusoo maray Muuse (cs) wuuna u sheegay, Muuse (cs) wuxuu yidhi: ku laabo rabbigaa oo waydiiso fuduydin, had-aba Nabigu (scw) wuxuu ku dhex laalaa-banayay Alle subxaanah iyo Muuse (cs) dhexdooda ilaa Alle salaadihii ka dhigay shan, markaas ayuu Muuse (cs) amray laabasho iyo inuu waydiisto fudaydin, markaas ayuu Nabigu (scw) yidhi: waan ka xishooday rabbigay laakiin waan ku raalli noqonayaa oo hoggaansamayaa, markii uu Nabigu (scw) fogaaday waxaa dhawaaqay mid qayliya oo yidhi: waan fuliyay faradkaygii waanna ka fududeeyay addoomadaydii. Ibn Qayim wuxuu soo guuriyay khilaaf ku saabsan in Nabigu (scw) arkay rab-bigiis subxaanah iyo in kale halkaas oo uu keenay hadalka Ibn Taymiya oo arrintaan ku saabsan, gabagabada masaladaanina waxay kusoo ururaysaa in aragtida isha ahi aysan marnaba sugnayn, qof saxaabada kamida oo sidaas yidhina ma jiro, hadalka Cabdullahi Ibn Cabbaas laga sheegay inuu yidhi: wuu arkayna markale waxaa ka sugan inuu yidhi: qalbiga ayuu ka arkay, waxayna u ektahay inuu ka wado arag-tidaan qalbiga ah ee dambe.Soo dhawaanshaha ku jira suuradda Najmi 53:8 iyo kan ku jira xadiithka Israaguna isma lahan ee kan suuradda ku jiraa waa soo dhawaanshaha Jibriil sida Caaisha iyo Cabdullahi Ibn Mascuud ay ku tafsiireen habka suuraddu ku socotaana uu muuji-nayo, Nabiguna (scw) labo goor ayuu Jib-riil (cs) arkay oo sidii Alle u abuuray ah, marna uu arlada korkeeda ku arkay marna Sidratul Muntaha, laakiinse soo dhawaan-shaha xadiithka Israaga ku jiraaayi waa soo dhawaanshaha Alle subxaanah, labada qis-ana waa labo qiso oo kala duwan, Allaana ku cilmi leh.Safarkaan mucjisada ah waxaa markale dhacay arrintii jeexidda laabtiisa (scw) la jeexay. sidoo kale waxyaalo badan oo habeen kaas gudihiisa uu Nabigu (scw) arkay waxaa kamid ahaa;In la kala doorran siiyay caano iyo khamri inuu midkood doorto, islamarkaana uu caanihii doortay, markaas ayaa lagu yidhi: waxaa lagugu hanuuniyay fidradii –sun-naddii qadiimka ahayd—amase fidradii

ayaad ku toostay, haddaadse khamriga dooran lahayd ummaddaadu waa lumi lahayd.In uu arkay afar wabi oo jannada ku yaal, wabiyadaas oo labo kamid ahi ay muuqdaan labada kalana ay qarsoon yihiin, labada muuqdaana waa Niil iyo Furaat, waxaana xigmaddaan tafsiirada laga bixiyay kamid ah in diintiisu ay sald-higan doonto wabiyaashaan barwaaqada ah ee Niil iyo Furaat, in dadka halkaas ku noolina ay noqon doonaan dadka Islamka xambaara faracba farac kadib.In uu arkay Jannada iyo Naarta sidoo kale Maalik gacan ku hayaha Naarta, wajigiis-ana kama muuqan dabacsanaan amase wax furfurnaan ah.In uu arkay kuwa xaqdarrada ku cuna xoolaha agoonta oo leh qawlallo u eeg qawlallada geela, oo afkooda lagu gurayo gaballo waawayn oo dhinbillo ah oo dhagaxaan guduutay lamoodo markaas ay dabadooda ka baxayso.In uu arkay kuwa caadaystay cunidda Ribada oo leh caloolo waawayn, oo aysan awoodin inay meeshooda dhinac uga hin-qadaan culayska caloosha darteed, waxaa marka jiiraya ummaddii Fircoon oo la cadaabayo, markaasay ku tumanayaan.In uu arkay kuwa caadaystay dhaqan xumada Zinada oo hortooda la dhigay hilib buuran oo fiican iyo hilib wayd ah oo qudhmay, markaasay intay hilibka fiican dhinac maraan hilibka qudhmay cunayaan kan fiicanna hareer marayaan.In uu arkay dumarka nimankooda u qariya ilmo aysan dhalin ee ay xumaan ku kee-neen oo xadhgo naasaha lagaga xidhay meel dheer lagaga soo lulay.Wuxuu kale oo arkay safar reer Makko usoo socday oo uu dhexda ku maray siisocod iyo soo socodba, sidoo kale wuxuu tusiyay neef geel ah oo safarkaas ka lumay wuxuuna ka cabbay biyo ay wateen oo u daboolan ayagoo hurda kadibna uu weelkii daboolay, arrimahaanina waxay noqdeen xujo uu ku caddeeyay socodkiisa markii subixii habaynka Israaga uu dadka u sheegay.Ibn Qayim wuxuu yidhi: markii Rasuulka Alle (scw) ku waabariistay reer Makka dhexdooda wuxuu uga warramay muc-jisooyinkii Alle tusiyay iyo makhluuqaadka Alle ee waawayn ee la tusiyay, islamarkiiba si kulul ayay u beeniyeen waxayna isla dhex yaaceen warar ay ku caayayaan rasuulka, iyagoo isku gacansiinaya dhib-kiisa, dabadeedna waxay waydiiyeen inuu u sifeeyo Baytul Maqdas –arrimo aanu Nabigu si fiican ugu fiirsan—sidaa darteed Alle ayaa u muujiyay muuqaalkii Baytul Maqdas ilaa hortiisa lasoo dhigay, markaas ayuu wuxuu bilaabay inuu tilmaamo calaamadihiisa, mana ay awoodaan inay

hal wax ah oo uu sheegay ku beeniyaan, sidoo kale wuxuu u sheegay safarkoodii dhexda soo socday ee uu arkay sii socod iyo soolaabadba wuxuuna u sheegay xil-liga ay soo gali doonaan, wuxuu kaloo u sheegay awrka safarkaas ugu soo horreeya, arrimahaas oo dhanina waxay u dheceen sidii uu u sheegay oo aan xaraf xaraf daba marin, hasayeeshee waxaas oo dhan kama aysan kororsan fogaansho uun mooyee wax kale, daalimiintaasina waa diideen wax aan ahayn kufri iyo beenin.Waxaana la sheegay Abaubakar waxaa Siddiiq loogu magacaabay, markii Nab-igu (scw) gaalada u sheegay inuu Baytul Maqdas tagay ayey ku yaaceen ayagoo leh

“Abuubakarow saaxiibkaa wuxuu sheegtay inuu Baytul Maqdas tagay” markaas ayuu yidhi: wallaahi hadduu yidhaahdo cirkaan tagay waan ka rumaysanayaa, markaas ayaa Siddiiq lagu magacaabay.Hadaba waxa ugu macna wayn uguna soo kooban ee laga yidi ujeeddada dheelmint-aan la yaabka badan laga lahaa waa qawlka Alle ee ((Si aan u tusinno mucjisooyinkay-aga)) 17:1

________________________________________ sidaanina waa dariiqada uu Alle hore ugu jideeyay nabiyadiisa sharafta leh halka uu ka yidhi: ((Sidaas oo kale ayaan u tusinnay Ibraahiim malakuutka –mulkiyadaha—samooyinka iyo dhulalka si uu –caalim ugu noqdo—iyo inuu kuwa yaqiinta gaadhay kamid noqdo)) 6:75, sidkoo kale Muuse (cs) Alle wuxuu yidhi ((Si aan kuu tusinno mucjisooyinkayaga waawayn)) 20:23,waxaa hadaba halkaan lagu caddeeyay ujeeddada laga leeyahay muujinta muc-jisooyinkaan oo kale ((Si uu uga mid noqdo kuwa yaqiinta gaadhay)) markii aqoonta nabiyada (cs) lagu xoojiyo aragtida muc-jisooyinkaan waawayn ayaa waxaa u hirga-laya yaqiinta aragtida ku dhisan wax aan heerkooda la qiyaasi karin lana awoodi karin, wax la sheegayaana lamid ma ahan wax ili aragtay, markaas ayey ugu dulqa-adanayaan Alle jidkiisa heer aan cidkale awoodin, waxa quwado dunida ka jiraana waxay ugu muuqanayaan wax aan garab kaneeco u dhigmin oo aan waxba yeeli karin, markasta oo mixnado iyo caddibaad la marsiiyo.Inkastoo xigmadaha iyo murtiyaha qar-soon ee safarkaan qaybihiisa ku guda jira lagu faahfaahiyey kutubaha xigmahada qarsoon ee shareecada laga dajiyay hadana waxaan halkaan ku muujinaynaa xaqiiqoo-yin fudud oo iska cad, waxaana kamid ah:Qofka akhriyay suuradda Israa waxaa u muuqanaysa in dhacdada Israaga lagu sheegay hal aayad oo kaliya, kadibna waxaa la guda galay in la kashifo fadeexadaha

Page 10: Galool Magazine issue july 2013

10 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Yuhuudda iyo eedaha ay aadanaha ka galeen, kadibna waxaa la sheegay in Qur’aankaani uu ku hanuuninayo wadada ugu habboon, waxaa hadaba qofka akhri-nayaa moodayaa inaysan aayadahaan wax isku xidhnaan ahi ka dhaxaynin, arrintuse sidaas ma aha ee waxaa Alle halkaan nagu baraarujinayaa in halka Israaga Nabiga (scw) loo dheelmiyay xagga Baytul Maq-das in hoggaanka aadanaha laga wareejin doono ummadda Yuhuudda kadib markii ay dunida ku harqiyeen foolxumada, dhaqanxumada iyo khayaanada ay galeen taas oo aysan suuroobi karin in xilkaan lagu sii hayo aysan una qalmin, sidaa dar-teed in labadii saldhig ee Dacwadii Nabi Ibraahim (cs) labadaba Nabiga (scw) la isugu daro.Sideebayse taasi ku hirgali kartaa

ayadoo Rasuulkii (scw) uu dhex waree-gayo buuraha Makka isagoo ummadda dhexdeedii laga takooray, tani waxay shaaca ka qaadaysaa xaqiiqo kale oo ah in dawr wayn oo dacwadaan Islamka ahi uu soo gabagaboobi doono, inuu sidoo kale bilaaban doono dawr kale oo kii hore si wayn uga duwan, inay dhismi doonto bul-sho xaq u dirir ah oo hannaanka quman uu Qur’aankaani ku toosinayo, sidaa darteed waxaan arkaynaa in aayaduhu xambaar-san yihiin digniin heerkii ugu cuslaa ah iyo caga juglayn kulul oo lagu aaddinayo mushrikiinta reer Makka ((Markii aan doonno inaan halaagno qaryo –magaalo—waxaan amarnnaa kuwa loo nicmeeyay dhexdeeda, markaas ayey ku faasiqnimo sameeyaan dhexdeeda markaas ayaan bur-burinnaa burburin: Imisa ayaan halaagnay

quruumo kadib –nabi—Nuux , waxaana ku filan rabbigaa dambiyada addoomadiisa khabiir aragti—dheer)) 17:16,17.Waxaa aayadahan dhinac socda aayado kale oo ay ku jirto tilmaamo xeeldheer in muslimiintu ay heli doonaan dhul amaan u ah sidoo kale inay dhisi doonaan bulsho gabi ahaanba ka duwan noocyada xilligaas dhisan, bulsho Alle rumaysan uu hogaami-nayo nuurka Alle ee ka iftiimaya aayadaha qur’aanka ah ee kusoo dagaya Rasuulkiisa sharafta badan (scw) kana dab qaadata irshaadaadka iyo hagidda Allaah.Tani waa tan keentay in taariikh yahan-nada Siirada Nabiga (scw) qaarkood jaan-gooyeen in Israagu dhacay sannadka kow iyo tobnaad ama kan labiyo tobnaad amase dhexdooda.

Page 11: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 11

Page 12: Galool Magazine issue july 2013

12 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

It was last January 28 when I boarded my plane from Newyork to London on my way to South Africa. I was reading the Financial Times when I noticed an article about Kosovo

declaring statehood, and how the Euro-pean Union (EU) is setting the stage for Kosovo to be an internationally recog-nized State.

I could not help asking myself questions like why the African Union (AU) is not playing the same role on my birthplace of Somaliland? On May 18, Somaliland Republic (former British Somaliland) cel-ebrated 16 years of self-rule and thriving democracy since it has decided to re-in-state its sovereignty from Somalia after the fall of Siyad Barre’s regime in 1991.

As a Somalilander, who ran away from Barre’s atrocities as a young man in the late 1980s and settled in the United States, I had mixed feelings as I saw my people celebrate the 16 th anniversary of Somaliland’s birth. On the one hand, I was extremely proud of the people of Somalil-and, and its leaders for what they have been able to achieve for the past 16 years.

On the other hand, I am less excited and amazed by lack of AU’s role in leading the way to promote Somaliland’s cause by sending a strong signal to other African countries that they do care and reward peace, stability and democracy (acknowl-edging people’s choice).

It is very clear why EU is very serious about

the status of Kosovo. EU is planning to avoid the risk of war and violence that would again destabilize the Balkan region. The million-dollar question is why our own AU is not far sighted enough to avoid a potential war between southern Somalia leaders and Somaliland that will under-mine the stability of the whole region?

Somalia leaders are not known to respect the rule of law and the wishes of their citizens. This is the main reason that Somaliland people are fully determined to fight for their sovereign status on the basis of independence from Great Britain on June 26, 1960.

Thirty-one countries that are members of the United Nations recognized Somaliland as an independent state before uniting with the Italian Somaliland on July 1, I960 to form what was known as Somalia Republic. Somaliland is only seeking rec-ognition within the borders inherited at that moment.

Somaliland , not officially recognized by any state, has been functioning as a con-stitutional democracy with a president directly elected by the people, aided by a parliament and local government also directly elected by the people.

Some people do not truly understand why people of Somaliland decided to go alone, and broke its partnership with the south. Some of the people even speculate that the issue of Somaliland is tied with the stability of southern Somalia, and the union will be back when the rest of the

south becomes stable.

As a matter of fact, there are many reasons why Somaliland reclaimed its indepen-dence by breaking its partnership, but in my personal view, I would only focus on two important reasons:

One, British Somaliland voluntarily entered a union with Italian Somaliland in pursuit of irredentist dream of “Greater Somalia” (including parts of Ethiopia, Kenya and Djibouti). It was very clear to everybody in both regions that it was never intended to stop with the union of the two regions, but to pursue the other three remaining regions.

That dream, therefore, effectively died when Djibouti got its independence in 1977 and decided to go alone without join-ing the existing union. If Djibouti people had the freedom to make that choice, it is only fair that the people of Somaliland can make a similar choice to over their fate.

The main argument here is that the Somali union in 1960 did not achieve the reason for which it had been formed which was a greater Somalia, and Somaliland’s vol-untary union at that time was based on that. And if that dream did not materialize, Somaliland could go it alone like the other regions did where Somalis live including Djibouti, Kenya and Ethiopia.

Two, Somalilanders decided to break from the south because of the suffering and injustices that the people of Somaliland endured for 31 years of marriage. They

Somaliland: AU Snores While EU Runs (first printed in 2007 in Kenyan newspapers) By Jamal Ali Hussein

Waa Maqaal Af-Ingiriisi ku qoran oo Musharaxa Madaxweynaha ee UCID, Jamal Ali Hussein ku qoray

jariiradaha Kenya 2007 oo Qadiyadda Somaliland ka hadlayo

POLITICAL

Page 13: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 13

suffered at the hands of southern govern-ments particularly during Barre’s 21-year rule. The whole world knows that those governments even bombarded Somaliland cities. Therefore, it is a trust issue.

If you had a business partnership with another person and you have suffered and lost everything, and you re-start your business, would you again create another partnership with that person? It is fair to say that the people of Somaliland have a trust issue with their brothers in the south, and will not join them again despite a lack of recognition by the international community.

Most Somalilanders, who only know Somaliland because they were either young or born after Somaliland re-took its independence in 1991, would tell you that if there was such a southern domination in the past, it is certainly history, and only refers to unity in the past tense.

It is important to note that AU sent a fact-finding mission to Somaliland in 2005 in order to respond to the concern that Somaliland recognition would create a fragmentation of Somalia, or other AU member states. The AU fact-finding mis-sion concluded that the case should not be linked to the notion of “opening a Pandora box”. The report recommended that AU

“should find a special method of dealing with this outstanding case” as soon as possible.

Unfortunately, AU actions stopped there. Why can’t we Africans decide for ourselves, while Europeans are doing so and the EU is leading the way? I hope I can one day be proud of our African leaders through the AU leadership when I see that they are taking a far sighted approach like the EU in Kosovo.

The more the African Union delays in

dealing with the Somaliland case, the more it makes the situation in East Africa dif-ficult, and risk a war, and, even equally importantly, the more the AU credibility is put into question. Somaliland’s case is a time bomb that the AU and the interna-tional community could not really afford to ignore.

On the other hand, Somaliland’s multi-party democracy system is rarity in Africa and the Muslim world, and the AU needs to seriously consider Somaliland’s formal application of AU membership to reward the people’s choice. Somaliland is a state where the power truly belongs to the peo-ple and facts are there for everyone to see.

Jamal Ali Hussein, The author is current presidential candidate during 2015 for UCID party in Somaliland.

- The article appeared first on Kenyan news-papers, and internet in 2007

Page 14: Galool Magazine issue july 2013

14 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Qalinka Siciid Max-amuud Gahayr (Hargeysaawi), Cil-mi-baadhe, Hal-abuur iyo Qoraa ka tirsan Akadamiga Waxbara-

shada iyo Cilmi-baadhista (ERA) Educa-tion and Research Academy

Tell: 4428604Email: [email protected] Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

13/06/2011-ka ayaan curiyay tix maga-ceedu yahay Hal-door, oo aan ku xusay dhacdooyin iyo dad mudan ah oo door weyn ugu jira Somaliland kala ahna siyaas-iyiin, saxafiyiin, guurti, haween, ganacsato, aqoonyahan iyo qaybo kale, taas oo laba ku ahayd gabayga Hal-maal la yidhaahdo ee Abwaan Maxamed Aw Cali Cartan “Hal-deeq” ku xusay goobo, gooro iyo diricyo muhiim ku ahaa halgankii SNM…Haweenka aan ku carrabbabay tixdaas oo door ahaa waxa ka mid ah: Edna Aden Ismaaciil, Faadumo Siciid Ibraahin, Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, Ayaan Maxam-uud Cashuur iyo kuwo kale oo intuba kaalin muuqata ka qaatay horumarka iyo koboca SomalilandHalyeeygu xusuus leh gaaraQofkaan hagran ciidda hooyoBulshadu ma halmaanto goornaHal-doorka gardaadshay uunkaIntuu ka haleelo maankuHal-maal ku labee boggiisa Haween waxtarlaanu leennayHayaan dhinacooda giijayCusbital huqda lagu daweeyo

Ednaa hindisiha ku keentayBerbera cilmi lagu habaayoBarbaar hibaloo la muujoHantaaq dibadyaal la ciidmoHormoodnimo Faadumaa lehHabayn bandhig loo han waynyayHorseedka Ayaan Cashuur dheMarkuu dal-sankii hiqleeyayHalaagga dhirteenna gaabshayDegaan Shukri baa u hiil ah

Gu’gii 2010 ayaan is-weydiiyay “Qoraal-ladan reer Somaliland sameeyeen waxa ay ku xusaan inta badan rag keliya… Miyaanu waddanku lahayn dumar ku habboon in sooyaalku dhigaal-keydiyo doorkooda?”.. Garaadku ii sheeg markiibay inay jiraan haween waxtarkoodu ifayaa.. Judhiiba Edna Aaden Ismaaciil ayaan ugu tegay cusbitaalkeeda Hargeysa si aan wareysi uga qaado laakiin waxa ii sheegtay inaanay haynin kansho (fursad) xog-bixineedna ayna ku fooggan tahay hawl. Anoo niyad-san, yoolkaygiina ka gun-gaadhay ayaan laabtay.

Dabayaaqadii 2011-ka ayaan aaday Xafi-iska Ur urka ODHA (Organization for Development and Humanitarian Affairs” oo ay Guddoomiye ka tahay Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo waxqabady-adeeda i soo jiitay ay ka mid yihiin aas-aaska jaamacadda culuumta badda ee Berbera, Xarunta Darbijiifka Hargeysa iyo dhiirrigelinta ciyaaraha fudud gaar ahaan orodka oo ay dhallinyaro ugu qabatay dalka, qaarna ay Jabuuti u kax-aysay.. Hiyigu wuxuu damacsanaa inaan la yeesho wareysi sooyaal.. Marwo Faad-umo si gobanimo leh ayay u guddoontay soo-jeedintaydii. Ballan ayaanu qabsannay,

waxaanan la yeeshay wareysi maqal iyo muuqaal ah oo ay duubayeen Agaasimaha Somaliland Space Channel C/Raxmaan Cismaan Cumar (Xaaji) iyo Liibaan Max-amed Axmed.. Gudbinta xogtan waan la daahay.. Waayo bilawgii sannadka 2012-ka ayaa waxa igu dhacay xanuunka macaanka (diabetes) oo jidh go’ iyo hanjab ii horsee-day markuu igu ugubka ahaa, eegga iyo gunaanadkii 2012-kaba waan ka ladanahay.

Aan toos u ibo-furo maqaalkayga’e, Faad-umo Siciid Ibraahim oo hadda ah Xogha-yaha Maaliyadda ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID), magaca hooyadeed waa Cadar C/Laahi Cabdi waxa ay ku dhalatay miyiga Oodweyne taariikhdu markay ahayd 1961-kii, amintaas waxa uu aabbeheed deggenaa dalka Ingiriiska, hooyadeedna waxa ay ku negayd ama joog-tay Berbera oo ay ka xanuunsatay sidaas aawadeedna waxa ay u baxday miyiga gaar ahaanna deegaanka Gobolka Daadmad-heedh oo ay Faadumo Siciid bah ayeydeed yaalleen si ay u dal-doorsato, hawo cusub iyo caano-geelba u hesho, caafimaadkeed-ana loo baxnaaniyo.

Waxa ay la dhalatay laba wiil iyo laba gab-dhood oo ay iyadu ku shan tahay uguna weyn tahay. Magacyada walaaleheed oo isugu xiga sida ay u kala da’ roon yihiini waa kuwan: • MaxamedSiciid• SucaadSiciid• CaliSiciidiyo• FarduusSiciid

Kolkii ay jirtay 2-3 sanno ayaa ay u waree-gtay dalka Ingiriiska, kobtaas oo ay ka bilawday waxbarasheeda barbaarinta

Aasaasaha Jamacada Culluumta Badda Ee Berbera Marwo Faadumo Siciid

SOCIAL

Page 15: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 15

(kindergarden) iyo dugsiga hoose oo ay ku qaadatay iskuul magaciisu yahay Bil quent.. Maadaama oo aanay tacliinta Britain lahayn dugsi dhexe waxa ay u wareegtay dugsiga sare oo ay dhammay-stay gu’yaalkii u dambeeyay 1970-nadii.. Waxa la kala doorransiiyay inay gasho college hordhac u ah Jaamacadda iyo inay sii joogto dugsigeeda 2 sanno si ay u qaadatay billad ama maamuus u dhigma heer macallin, waxaanay doorbidday inay qaadato shahaadada la heerka ah bareyaa-sha. Si toos ah uma ay gelin Jaamacadda, markii ay af-meertay cilmiga dugsiyada waxa ay 1979-kii ku aqal-gashay magaa-lada Muqdisho, caasimadda waddanka Soomaaliya oo ay isku guursadeen Alle ha u naxariistee Dr Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xan-naanada Xoolaha Somaliland oo sannadkii la dhaafay xanuun ku soo booddo ah..

Marwo Faadumo Siciid Ibraahin waxa yaraanteedii ay xiisayn jirtay akhriska oo ay illaa hadda si xooggan gacanta ugu hayso iyo dabbaasha. Shaqadii koowaad ee ay qabataa waxa ay ahayd 1979-kii oo ay Xoghaye u noqotay Wakiilkii USAID ee Soomaaliya, markii dambena waxa ay noqotay madax goobeed (field officer) ka tirsan haayaddaas, kumana ay sii raagin goobtaas. Xilligaa ay Ingiriiska tegeen ee 1963-kii waa ay yaraayeen dadka Soomaalida ah ee Biritan jooga, taas dar-teedna lama ay fasal noqonnin Soomaali. Jaamacadda waxa ay ku noqotay iyada oo saddex carruura leh, maaddooyinka ay baratayna waa luqadda iyo sayniska. Tirada ubadkeedu waa shan ka kooban afar wiil iyo gabadh, magacyadooda iyo gu’yaasha ay kala dhasheenna waa kuwan: Nuuradiin 1982, Nasrudiin 1986, Jamaala-diin 1991, Afnaan 1995-kii.

Xilligii uu Halganka SNM ka socday gudaha Somaliland, Faadumo Siciid waxa ay ka mid ahayd dadka qaadhaanka iyo dharka ka ururiya qurbaha ee u soo dira jabhadda, xannaanaynta dadka u soo dhoofa UK iyo qaxoontiyada ku sugnaa Itoobiya. Sidoo kale waxa ay ka qaadan jirtay in dhaawaca halista ah iyo barakacayaasha inta maan-galka ah loo qaado dibadda, iyaga oo furay. Dad badan ayaa hawshan kala shaqeeyay waxay fureen Somali Advice Center oo dawladda Ingiriiska ka dhaadhicin jirtay dulmiga dalka ka socda. Faadumo Siciid waxa ay samaysay cajalad muuqaal ah oo ka turjumaysa rushayntii diyaaraduhu ku hayeen maatida oo Ingiriisku weydiiyay safaaraddii Soomaalidu ku lahaa dhulki-isa, noqotayna mid faafta oo sababtay in Kacaanku ku daro Faadumo dadka la-raa-dinayo lana gaadhsiiyay heer dil ah. Waxa

ay cajalad labaad ku sameeyeen Jabuuti oo lagu xidhay, waxa se soo daayay Safiirkii Ingiriiska ee Jabuuti, iyagoo lagu qaaday diyaarad gaar ah oo Ingiriisku leeyahay. Kolkii dalku xoroobayna waxa ay sameey-een dabbaal-degyo waaweyn oo guusha la gaadhayna ka turjumaya.

Nasiib-darrada ay liqi kari waayeen qurbe-jooggii ku sugnaa dibaddu ee ay Faadumo Siciid ka mid ahayd waxa uu ahaa dagaalladii dhacay intii u dhaxaysay 1992-1996 ee ka huray Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex, oo saamayn aan badnayn ku yeeshay dadkii isku qurbe-joogga ahaa iyo xan-qarsi. Dawladda Ingiriisku waxa ay Faadumo Siciid markaas weydiisatay inay furto xafiis la shaqeeya daryeelka qaxoon-tiyo jinsiyado badan leh taas ayaanay ka shaqayn jirtay illaa ay dalka u soo guurtay May/1998-kii.

Markii ay dalka joogtay waxa ay shaqo ka bilawday Swiss Group gaar ahaanna waxa ay reer-guuraaga ka kaabi jireen samaynta barkadaha, deeggannada ay ka hawlgali jirtay waxa ka mid ahaa Balligubadle Toon iyo Sallaxlay. Waxa ugu xigay UNHCR oo ay ka tirsanayd adeegyada gaarka ah ee la siiyo carruurta iyo qaxoontiyada gaar ahaan kuwa Itoobiya ka yimaadda, Save the Children US ayaa ku sii xigtay oo ay xafiiskeeda markii koowaad Somaliland ka fureen ayna haysatay ilaalada carruurta oo ay ka shaqayn jirtay Somaliland iyo Itoo-biya oo ay midba saddex cisho joogi jirtay iyo UNDP oo ugu dambaysay haayadaha ay la shaqaysay. Intii ay UNDP joogtay waa xilliga aan bartay Faadumo Siciid wax-aan ogaa iyaga oo Booliska ka caawiyay samaynta ciidamada loo yaqaanno SPU (Special Protection Unit) ama Ciidamada Ilaalada Gaarka ah.

Garabna waxa ay u ahaayeen mii-no-baadhista, ciidanka asluubta iyo meelo kale. Sidoo kale xuquuqal insaanka ayaa ay masuul ka ahayd iyagoo sidoo kale dayactir ku sameeyay Xabaalaha Malko Durduro oo astaan u ah xasuuqii ba’anaa ee Taliskii milatarigu ka geystay Somaliland. Mud-dadan waxay rugo boolis ka dhiseen Zeylac, Xariirad, Boorama. Xabsiyada Hargeysa, Boorama iyo Gebileyna dayactir ayay ku sameeyeen. Guud ahaanna shaqooyinka UNDP waxa ay ahaayeen kuwo badan. Marwo Faadumo Siciidna waxa ay hawlo kala geddisan ka qabtay guud ahaan gobol-lada dalka.

Waxqabadyada gaarka ah ee ay Faad-umo Siciid hirgelisay waxa ka mid ah: Jaamacadda Culuumta ee Berbera. San-nadkii 2005-ta ayaa ay Faadumo ka fejertay

baaxadda khayraadka badda ee aynu leen-nahay, xeebteenna dheer, xuduudaha biy-eed ee bilaa ilaalada ah, waxa ay hindistay in Jaamacaddaas la furo, dhulka waxa sii-say Wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga oo markaas filayay inaan arrinkani maangal ahayn, Allena waa kuguuleeyay waxaase ragaadiyay amar uu soo saaray badhasa-baakii hore Ramaax oo kala diray guddigii jaamacadda, dacwad ka dhan oo maxka-madda loo gudbiyayna waa hirgali weyday.

Meelaha kale ee Faadumo Siciid iyo uru-rka ay Guddoomiyeha ka tahay ee ODHA oo la aasaasay hilaad noqonaysa 2009-kii ay hirgeliyeen waxa ka mid ah xarunta darbi-jiifka eek u taalla waaxda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa oo ay maal-gelinteeda ka qayb qaateen inta aan ogahay Shirkadaha DAHABSHIIL iyo TELESOM, dhulkana waxa bixiyay maa-yarkii hore Eng Jiciir.. Waxaana xarun-tan la wareegay dawladda Somaliland gaar ahaana Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, dayactir waxa ay ku sameeyeen Xabsiga dhaqan-celinta ee Mijacaseeye, goobo dhallinyarada ku kulmaanna waa unkeen oo ay ku diyaar yihiin Kubadda Saladda (Basket Ball), jidh-dhiska, xarumo lagu barto aqoonta dadban, dalxiisyo iyo dal-barasho dhallinyarada loogu qaaday goobo ay ka mid yihiin Gebiley, Laasgeel, Sheekh, Berbera iyo meelo kale. iyo tar-tanno kala duwan oo ahaa orodka oo Hargeysa lagu qabtay, sidoo kalena dhal-linyaro muwaadiniin ah ayuu ODHA u qaaday Jabuuti halkaas oo ay kaga qay galeen tartammo orod.

Faadumo Siciid oo aan weydiiyay xilliga ay ugu farxadda badnayd nolosheeda ayaa til-maantay in xilliyada wanaag ee soo maray ay ka mid ahaayeen xorowgii Soomaaliland oo ay ku tilmaantay farxad mug leh oo loo ooyo iyo dhalashadii wiilkeeda curad. Gooraha ay ugu darnaydna waxa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee markii uu geeri-yooday aabbeheed Siciid Ibraahin oo ku xijaabtay Landhan iyadoo Hargeysa ku sugnaa, xilli la joogtay Jabuuti oo ay raa-dinaysay Dawladdii Soomaaliya iyo mar ay safar ku tagtay Muqdisho oo ay ka mid ahayd dadkii ay xukuumaddii Siyaad Barre ku qortay dilka iyada oo doonaysa inay ka soo kaxayso saygeeda oo halkaa joogay, Allena waa ka samata bixiyay. Waa amin yar kahor intii aanu dhicin Xasuuqii xeebta Jaziira ee lagu gummaaday bulsho rayid ah oo Somaliland ka soo jeeday.

Rejooyinka u waaweyn ee ay Faadumo Siciid ay u filayso Somaliland oo dhawr ah waxa ay kala yihiin 1.In la sii wado hal-ganka loogu jiro aqoonsiga waddanka si

Page 16: Galool Magazine issue july 2013

16 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

calankiisa, sharcigiisa iyo dal-ku-galkii-suba u noqdaan kuwo la mid ah dawla-daha kale ee caalamka2.In la sii adkeeyo nabadgelyada qaranka si aan dawladnimadu u lumin looguna noqon xaaladihii adkaa ee aynu ka soo gudubnay3.In dhallinyarada Somaliland ku kalsoonaadaan dalkooda, niyaddana ka saaraan suudalka lagu le’day ee ay barbaartu ku qudh-baxeen, iyadoo ku dardaartay inaanay hillaaca dalalka kale ee caalamka eegin.

Shakhsi waxa ay rejadeeda iyo ducadeeda u weyn ku tilmaantay in Alle u barakeeyo caafimaadka, carruurta iyo camalka iyada iyo ummaddaba. Wareysiga kolkii aan la yeeshay oo ahayd dabayaaqadii gu’ga 2011-ka Faadumo Siciid ma ay go’aansan inay siyaasadda gasho. Laakiin hadda waa masuuliyiinta sare iyo Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga UCID iyada oo kaalin baaxad leh ka qaadatay ololihii

doorashada dawladaha hoose ee qab-soontay 28/Nofember ee Hirgelisay in UCID mar labaad ka mid noqdo saddexda Xisbi Qaran… Iyada oo safarro ku martay dalal ku yaalla qaaradda Yurub, Gobollada Somaliland iyo geyiyo kale. Iyada oo UCID yahay Xisbiga ugu facaweyn Somaliland, maadaama oo uu siyaasadda saaxaddeeda ka baxay UDUB oo ahaa kii koowaad ee dalku yeesho, kana da’ weynaa UCID muddo bil ah. Malaha haddii siyaasadda la galo hanku waa kordhaaye, waynu dhawri damaca siyaasadeed ee Faadumo Siciid oo aan filayo inuu kaalin ka sii sar-reysa jagada ay hadda hayso.

Ma illaawi karo in Faadumo Siciid ka mid noqotay boqolkii qof ee ku soo baxay bar-naamijkii qaran ee Qiimee Qofkaaga, gaar ahaana qaybta Samafalka oo ay si cad ugu astaysan tahay. Kaas oo loogu aqoonsaday Hal-door. Barnaamijkaa waxa fuliyeyay Somaliland National Evaluation Center oo uu Rashiid Sulub Caalin madax u yahay.

Aniguse illaa 2011-ka ayaan u aqoonsanaa inay Hal-door.

Inta aan ka aqaanno waa qof codkar ah, dhaqan wanaagsan, ballanta ilaal-isa, taageerta dhallinyarada iyo cidda gacan-qabad weydiisa, dhuuxeedana ay ku ladhan tahay daljirnimo iyo waddani-yadda Somaliland. Fagaareyaal badan oo aannu isugu nimi iyo qaar aan saxaafadda ka arkay oo aan xogtooda xusi karaa way jiraan ee xilli kale ayaan u dhiganayaa aniga oo Sooyaalkeeda ku dari doona dhiganeyaal aan timaaddada daaba-cayo haddii Alle idmo. Intaas ayaan ku af-meerayaa qormooyinkii ciwaankoodu ahaa Hal-doorka Haweenka: Faadumo Siciid Ibraahin… Waxa aan mahad-naq baaxad leh u jeedinayaa saxaafadda baa-hisay qoraalladan, inta igu hambalyaysay qormooyinkan oo badan, inta akhristay iyo inta jeclayd inay bogaadiso ee aan waayuhu na kulmin

Page 17: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 17

Page 18: Galool Magazine issue july 2013

18 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Page 19: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 19

Page 20: Galool Magazine issue july 2013

20 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Ma s j i d k a Al-aqsa waa qibladii ugu horeysay ee muslimiinta isla markaana

waa xaramkii 3aad ee muslimiinta, sidoo kale waa halkii Nabigeena Muxamed (SCWS) laga dheelmiyay .hadaba shaki malaha in uu yahay masjid qiima wayn u leh dadka muslmiinta ah meel kasta ay joogaan iyo waliba xili kasta oo ay joogaan.hadaba waxaan jeclnahay in aan u soo gudbiyo akhristayaasha Majaladda Galool qormo aan ugu magac daray ( Aynu Hore u galno Masjidka AL Aqsa al Mubarak) kuwaasi oo aan kagag hadli doono hadii alle idmo qeeybo muhiim ah oo ka mid ah qaybaha uu ka koobanyahy masjidka Al-aqsa.Hadda waxa aynu taaganahay qaybta galbeed ee magalada qudus ee u ku yaal masjidka sharafta badani ee Al Aqsa.

kani waa :

DAYRKA AL-BURAAQ Deyrka al buraaq al shariif, waxa uu ka mid yahay qaybaha asaasiga ee galbeed ee uu ka koobanyahay MASJID ALAQSA AL MUBAARAK, balaciisu ama masaafadda uu ku fadhiyaa waa 47M dhararkiisu na waa 17 M, waan albaabka galbeed ee laga soo gali karo Baytul Maqdis.Wailing Wall: waa magac ay yahuudu ula baxday dayrkan, idoo macanaheedu uu yahay gidaarkii ooyay, taasna waxa ay uga

jeedaan dhulkan shaam waa dhulkii anbi-yada laga soo saari jiray, marka uu nabi dhintoba waxa ay leeyihiin gidaarkan waa u ooyi jiray.Western Wall: wa magac kale oo ay yahuuddu ula baxaday dayrakan al buraq al shariif, iyadoo ay u jeedan deyrkiii gal-beed taasna uga socda in ay deegaan ahaan halkan leeyihiin.

Halkan waa meesha looyaqaan? Buraaq? waxa ku qarsoon sir badan:• waxaakasoobaxaynuurbadan,waa meeshii uu nabiga kaga koray samada markii la dheelminayay.• waahalkaaykagaleendhamaannabiyadii alle (NN) korkooda ha ahaatee.• waahalkiiSayidCumarBin-kha-dab alle ha ka raali noqdee uu kagalay markii uu furayay Magaalada Qudus, sida uu ?Ibnu kasir? warinayo waxa uuna sayid cumar ku dayanaayay nabigeena Muxamed (SCW).Sidoo kale waxa uu sheegay imaamka loo yaqaan Imam Al-xanbali in sayid cumar markii uu Baytul Maqdis uu yimid inuu socday ilaa uu Buraaq ka tago.waayo waa albabkii Anbiyada Alle,waa albaabka Buraaq waa Albaabkii Muxamed, waa albaabkii nabiga.Si kastaba ha ahaatee Albaakaan ayaa waxa uu noo tilmaamayaa soohdimaha iyo halka uu ku egyahay Masjidka Al-Aqsa, in kasta oo aysan shardi ahayn in uu masjidka barigaa lahaa baab laga soogalo iyo dar-biyo ku xeeran hadana waxa uu waaqicaga sheegayaa in dhinaca galbeed ee darbigaan Buraaqa iyo korkiisa ilaa iyo dhinaciisa

koonfureed uu ku yaalo Albaabka looya-qaan Baab AL-magaaribah.Hadba hadii aan dib ugu laabano taa-riikhda qeeybtaan qiimaha badan ee loo yaqaan Buraaq oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee uu ka koobanyahay mas-jidka Al-Aqsaa, ayaa ah meeshii uu ka galay sida aan horay aan u soo sheegnay nabi Muxamed (SCWS).Sanadka marka uu ahaa 672 ayaa waxaa dayactir ku sameeyay boqorkii muslimi-inta ee la dhihi jiray C/malik Binu Mar-waan isaga oo asalkiisii ku celiyay, waxaa sidoo kale kaga danbeeyey oo dayactiray boqorkii Al-walid oo ahaa wiilkii C/malik.Tiirarka BURAAQ ayaa waxa ay ka sameeysanyiin isla waxyaaabaha laga sameeyay labada Albaab ee kala ah Baab AL-RAXMA iyo BAAB ALMUSDAWAJ mar uu tilmaamayay Ibnu Fadlullah AL-cumari ninka la yidhaahdo buraaqa ayaa waxa uu ku sheegay kitaabkiisa la yidhaahado (MASAALIKAL ABSAAR FII MAMALIKAL AMSAAR) ayaa waxa uu sheegay in uu Buraaqa ka sameesanyahay tiirar laga keenay bari iyo galbeeedba islamarkaana ay ka buuxdo ciid adag; wadaadkaan ayaa waxa uu sheegay in ay suuragal noqotay in qaar ka mid ah tiirarkaas la qiyaasay dhararkooda halka qaarka kale la qiyaasi waayay.Arintaan ayaa waxa ay daliil u tahay sida ay sheegayaan dadka baadha arimaha Al-aqsa in goobta loo yaqaan Al-jaamaca oo ah halka lagu oogo salaada jimcaha iyo wadooyinka mara xaramka qudsiga aha iyo waliba geedaha ku beeran gudahiisa ay dhamaantood ay cuskanyihiin oo ay ku

Aynu hore u galno Masjid Al Aqsa Al-Mubarak si aynu wax uga barano taariikhaha ay leedahay qaybo ka mid ah dhisamaha Masjidka Barakaysan

DIIN

Qalinkii : Cabas Abdiraxmaan

Page 21: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 21

taaganyihiin darbiyada baabka Buaraaq.sidoo kale ay meesha buraaq laga galo ay ku geeyneeyso Al-aqsaa-gii hore iyo meesha lagu dukado oo loo yaqaan AL-marwani iyo waliba Al-baabka loo yaqaan Al-raxma.Al-baabka buraaq ayaa la xidhay xiligii halyeeygii Salaxu-diin ayada oo dalool yar looga furay gudaha.Al-baabkaan ayaa waxa waxyeelo soo gaadhsiiyay dhul-gariir ka dhacay masjidka , iyada oo dhismihiisa dib loo cusbooneey-siiyay xilgii boqortooyooyinkii uu dhax-eysay 707-732H kuna beegneyd markuu sanadka miilaadiga uu ahaa 1307-1336.xiligii Al-Xaaji Amiin Al-xuseyni ayaa buraaq qeyb ka mid ah la xidhay isaga oo qaybtaa ka qoday ceel, darbiga ceelka ayaa raadkiisa ilaa iyo hada ka muuqda dhinaca mixraabka masjidka.Albaabka buraaq ayaa jimca kasta dadka soo booqda loo furaa iyada oo ay jecesha-hay waaxda shaqada ku leh in uu furnaado mar kasta.KHATARTA LAGU HAYO BURAAQ Runtii waa meel aad u qiima badan sharaf badanna leh waa meel ay malaa?ikta ay joogto waa halkii uu maray nabi Muxamed (scws) waa meel ay sidoo kale ay mareen anbiyadaii Alle , hadaba waxa iska adag meel qiimahaa leh in ay ka nabad gasho kuwa wax xasda oo dabciga u leh in ay il xasid ay ku eegaan nicmooyinka la siiyay dadka kale.Hadaba mar ay musliminta ay ku jireen hurdo ayaa waxaa is aruursaday koox shar wadayaal ah si ay u sheegtaan goobtaas barakeeysan ayagoo iska keenay oohin albabkaa hortiisa, oohintaas oo ahayd boo-yin dawaco si ay dadka Muslimiinta ay ugu xayiraan iftiinka goobtaa barakeeysan oo ay iyaga isu siiyaan.kooxdaas markii ay badisay oohinta aan dhabta ahayn ayaa waxaa dhacday in uu isku dayay nin ka tirsanaa maamu-lkii ingiriska ee haystay dhulka falastiin ninkaasi oo la odhan jiray Wiseman in uu yahuud sheeganeysay goobtaa ay ula baxday(AL-MABKA) uu u iibiyo isaga oo u soo bandhigay 1918-kii dadkii muslmi-inta ahaa 80 kun oo Gini si ay goobtaa Yuhuudda ula wareegaan, hasayeeshee dadkii muslimiinta ahaa ayaa arintaa cod wada jir ah ku diiday.lakin diidmadaa reer qudus kama aysan reebin Yuhuudda iyo Ingiriiska oo iskaas-hanaaya in ay ku dadaaaan sidii au u tirtiri lahaayeen dhismahaa sharafta leh taasi ayaa waxa ay horseeday in uu dhaco kacdoon loobixiyay kacdoonkii Buraaq sanadka markuu ahaa 1929 bishii August, halkaas oo ay is dhexgaleen iskuna milmeen ilmaha ka daadanayay dhagaxdii Buraaq iyo kuwa ka daadanayay mujaahidiinta.

Kacdoonkaa ayaa waxa ku daatay dhiig badan sidii loo difaaci lahaa dhismahaa qiimaha badan.si kastaba ha ahaatee muslmiinti ayaa waxa ay suuragliyeen in ay dib u dhigaan in goobta Buraaq la yahuudeeyo ilaa ay ka timid dhibaatadii 1967 markaasi oo ay Yuhuudda ay ku sameeyeen qeeybo badan oo masjidka ka tirsan dumin yahuudiyeyn iyaga oo gabi ahaanba ka takhalusay qeybi-hii loo yaqaanay Al-magaaribah halkaa oo dhismihii Buraaqna lagu dumiyay.waa arin naxdin leh oo oohintii dib noogu celiso laakiin dhib malaha waxa laga yaabaa in uu Alle Sayid Cumar oo kale keeno si uu dib u furto amba qoomka laga helo Salaaxa -diin oo kale si uu dib ugu islaaxiyo.Waa nasiib daro in goobihii buraaq ay Yuhuudda sheegato kuna kaadiso xumaan badana ku sameyso.hadaba waxaa laguboohinayaa musliminta dhamaantood meelksata ay joogaan in ay galaan halkaas sidii uu Cumar uglay si ay oohinta uga baabiyaan dhagaxyadii Buraaq.Ugudanbeyntii waxaa alle waydiisaney-naa in uu naga dhigo kuwii arintaa fuliya kana soo baxo waajibaadkooda ku aadan masjidka Al-aqsa ee Barakeeysan.

MARXALADAHII DAYACTIRKA EE UU SOO MARAY AL-AQSA. Masjidka Al-aqsa waxa uu soomaray marxalada kala duwan marka la eega day-actirkiisa amaba dib u hanbeentiisa.Kadib dadaalkii Sayid Cumara Bin- al-kha-daab uu ku bixiyay masjidka xiligiisii iyo ka dib himadii boqorkii Al-waliid oo isna dadaal badan ku bixiyay hagaajinta mas-jidka ayaa waxa dhacday in uu masjidka uu soo gaadho bur-bur xoogan kaasi oo kadhashay dhul-gariir qabsaday masjidka.Waxa uu sheegay ninka la yidhaahado C/raxmaan Abu-mansuur in uu masjidka xiligii boqoraka Al-waliid C/malik oo si fiican u dhisanaa iyada oo xitaa albaaba-diisa ay ahaayeen dahab iyo fida, kuwaasi oo markii danbe bur-buray , Abuu-masn-uur waxa uu intaa kudaray in markii uu jagada qabatay boqorkii cabaasiyiinta ee Abuu-jacfar Al-mansuur in loo sheegay in uu masjidka wax ka qabto ka dib markii qeebihiisa bari iyo galbeed ay soo gaad-heen bur-bur ka dhashay dhulgariir soo gaaray masjidka.Sida uu warinayo C/raxman Abuu-mansuur markii loo sheegay abuu-jacfar arintaas ayaa waxa uu sheegay in aanu heyn wax lacag ah si uu arintaa wax uga qabto hasay-eeshee waxa uu amray in la fujiyo dahabka iyo fidada ku xardhan albaabda masjidka taasi uu lacag u badalay kadibna uu ku dayactiray masjidka sanadka ayaa markaa waxa uu ahaa (136-154H---754---775).

hasayeeshee farxadii ma siijirin oo waxa muda kadib masjidka gaadhay burbur kale oo kadhashay dhulgariir sanadku markuu ahaa (157H---774M) dhulgariirkaan ayaa waxa uu keenay in ay burburaan qeyba badan oo ka mid ah masjidka ; isaga oo xaalkiisa sidaa ahaa ilaa iyo xiligii khaliif-kii la odhan jiray Alcbaasi Al-mahdi (158-196H---775-785M) kaasi oo dib u habeeyay masjidka mar kale sanadka marka uu ahaa 163H---780M) .dib u habeenta uu sameeyay Al-mahdi ayaa waxa ay ahayd mid aad u qurux badan sida ay sheegayaan taariikhyahanada muslmiinta.Waxaa moodaa in dhulgariiradaan ay ku jiratay xikmada Alle, waana kan markii sadexaad oo uu dhulgariir qab-sanaayo masjidka waa sanadku marka uu ahaa(426H---1042M) dhulagriirkan sadex-aad ayaa wax uu baabi’iyay dhamaan waxy-aabihii uu dhisay Khaliif-kiiii Al-mahdi.Hasayeeshee mid ka mid ah madaxdiii dowladda Fadumiyiinta oo la odhan jiray Al-daahir Li’iczaazi dinilaah Al-fadimi ayaa waxa uu dusha saartay dib u habeenta Masjidka Qudsiga oo aad u qurxiyay si fiicanna u dhisay.Marka aan ka soo tagno dhibaatooyinka dhulgariirada ay u geesteen masjidka waxaa jiray dhibaatoyin kale oo bar-bar socday kuwaasi oo ka dhalanayay marka uu gacanta u galo masjidka cadawga dadka muslimiinta.Qabsashadaan yaa waxa ay bilaabtay sanadka marka uu ahaa 15-6-1099 waa markii uu masjidka gacanta u galay qoom-kii la odhan jiray Firinja kuwaasi oo ahaa dad kiristan ah iyaga oo ka geeystay mas-jidka dhibtooyin fara badan oo ku tuntay sharaftii masjidka iyo dadka muslimiinta.Dhibaatooyin aan ka liidan tan hada ay ku haysa Yuhuuddu masjidka .Boqoradii muslimiinta ahaa ee xiligaa joogay ayaa gabay difaacii masjidka ka dib markii ay u taag waayeen cadawga taasi oo ka dhalatay sida ay ugu mashquulsanaay-een arimahood gaarka aha .waxaa boqoradaa ugu caansanaa kii markaa joogay dalka Masar oo la odhan jiray Al-mustacli iyo hogaamiyaashii hoos imaanyay ayaga oo qaarkood ay ku sug-naayeen xiligaas magaalada Qudus.Hasayeehsee mudo ka dib Alla waxa uu u soo saaray muslimiinta hogaamiyihii Salaxu Diin oo fadliga Alla dartii gacanta muslimiinta ku soo celiyay Masjidka.Alla waxa aan weeydiisaneeynaa in uu muslimiinta ka soo dhaxsaaara qaa’idkaasi oo kale si uu masjidka dib ugu soo celiyo gacannta dadka muslimiinta.

Aynu hore u galno Masjid Al Aqsa Al-Mubarak si aynu wax uga barano taariikhaha ay leedahay qaybo ka mid ah dhisamaha Masjidka Barakaysan

Page 22: Galool Magazine issue july 2013

22 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Beeralayda Somaliland ayaa sannadahan dambe waxay bilaabeen in ay dalagyocusub oo aanay hore u beeran jirin in ay ku soo kordhiyaan

waxyaabihii aybeeran jireen, gaar ahaan beeralayda wax ka beeraashadoodu ay ku xidhantahay biyaha roobka.

Noocyada dalagyada cusub ee ay beera-laydu beryahan dambe bilaabeen ayaa ahnoocayada loo yaqaan geed gaabka isla markaan ah qaar ku baxa muddo aad ugaaban. Dalagyadaasi ayaa waxa ka mida xab-xabka, tamaandhada, toonta,Digirta, Basasha iyo noocyo kale.

Sannadahan danbe ayaa beeralayda dalag-yada ka beerta beera roobaadku waxay si aad u balaadhan ugu dadaalaan sidii ay u beeran lahaayeen dalagyomanaafacad leh oo ku soo go’aya muddo gaaban. dalagyadan aynu ka hadlaynoayaa ah qaar aad uga munaafacaad badan kuwii ay markii hore beeranjireen oo ku koobnaa Gellayda iyo Had-huudhka, kuwaasi inta badan ujeedada loo beertaa ay ahayd in lagu noolaado sida noocyada kala duwan eeloo yaqaan dalagyada gasiinka ah.

Tamaandhada, xab-xabka, basasha, Digirta iyo toonta ayaa ah kuwo ay beeralaydu ka helaan dhaqaale ay ku

kabaan nolosha qoysaskooda,dalagyadaa ay beeralaydu dhaqaale ahaan uga faa’iidaystaan ayaa waxa ka midah tamaandhada, Basasha iyo xab-xabka.

Inkasta oo dalagyadani marka ay u soo go’aan ay beeralaydu ka helaandhaqaale hadana waxa ay beeralaydu ka cawdaan in ay suuqyada kucidhiidhyaan qaar la mid ah kuwa ay beer-taan oo laga keenay wadamada dibadasida Itoobiya, Yemen iyo wadamo kale.

Dalagyada ay beeralaydu ay sida caadiga ah beeran jireen ayaa waxa aymararka qaar u adeegsan jireen in ay xoolo-hooda u siiyaan raashin ahaanxiliga lagu jiro jiilaalka ee ay xooluhu dhulka ka waayaan wax ay daaqaaniyo sidoo kale in ay dadka laftoodu ka helaan cunto.

Gellayda iyo hadhuudhku waxa ay ka mid ahaayeen waxyaabihii ay beeralaydusida aadka wakhtiyo hore u beeran jireen, labadan dalag ayaa ku kaladuwan waxyaabo badan oo ay ka mid yhiin muddada ay ku baxaan ama lagugoosto. Tusaale ahaan Hadhuudhku waxa uu ka mid yahay kuwa ugu caansandalagyada ay inta badan beeralaydu aadka u tabcan jireen muddo aad udheer, iyada oo uu Hadhuudhku ka duwan yahay Gellayda muddada uu ku

baxayo ama ku bislaanayo, xagga wax-tarka gaar ahaan xoolaha iyo xiliyadala beertaba. Hadhuudhku waxa uu ku baxaa ama lagu goostaa muddo dhanlix-bilood, hadhuudhka inta badan waxa la beeraa bisha ay beeralaydu uyaqaanaan Maansiya oo ah bil ka mid ah bilaha gu’ga.

Gellayda waxa la beeraa laba jeer inta lagu jiro gu’ga, iyada oo la beerobilawga Gu’ga iyo xagaaga, kuwaas oo kala ah marka uu roobka ugu horeeyaee gu’gu curto oo ay beeralaydu u yaqa-anaan baadhayso iyo ta ka danbaysa ooloo yaqaano Dayro. Gelaydu waxay ku baxdaa saddex-bilood oo kaliya, halkauu hadhuudhku ku baxo lix-bilood.

Gellayda iyo hadhuudhu waxyaabaha kale ee ay ku kala duwan yihiin waxa ka mid ah faa’iidooyinka ay beeralaydu ka helaan marka laga hadlayo cuntadaay dadku ka helaan iyo marka xoolaha loo siiyano raashin ahaan.

Labadan dalag marka laga eego dhinaca adeegsiga raashin ahaaaneed ee loosiinayo xoolaha aad bay u kala duwan yihiin, hadhuudhka ayaana ah ka aybeeralaydu sida aadka ah ugu dadaalaan beerashadiisa sababta oo ah hadiiaanu hadhuudhku midho bixin waxa laga helaa caleen mararka qaarkood laiibiyo ama ay xooluhu cunaan xilliga jiilaalka.Gellaydu ma laha qaran ayxooluhu quutaan ama cunnaan haddii aanay midho bixin.

Beeralayda Somaliland Oo Mud-dooyinkan Danbe Xooga Saaray BeerashadaDalagyo Cusub

BEERAHA

Page 23: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 23

waxa jira dalagyo ay hadda beeralaydu bilaabeen in ay beertaan kuwaas ooloo yaqaan geed gaabka, waana qaar beer-alayda faa’iido aad u badan u lehmarka laga eego dhinacyada u adeegsiga cuntada iyo marka dhaqaale ahaan looadeegsado. Dalagyadan loo yaqaan geed qaabku waa qaar aan inta badan waxfaa’iido ah u lahayn xoolaha, bal se waxtar badan u leh dadka dhaqaaleahaan iyo cunto ahaanba.

Inkasta oo beeralaydu ku talaabsadeen horumar muuqda oo dhinaca wax soosaarka ah, hadana waxa jira arrimo badan oo u baahan in gacan taageerolaga siiyo beeralayda, waxyaabahaasi oo ay ka mid yihiin in wax laga

qabto dalagyada la midka ah kuwa ay beer-taan ee laga keenayo wadamadadibadada, iyada oo midho ka bixi kara dalkeena oo ay beeralaydeenubeeraan in ay dad ganacsato ahi. arrinta-asi waxa ay sababtaa inbeeralayda wadaniga ah laga iibsan waayo dalagyadii ay mudda dheer kutabcayeen.

Hadaba wax hubaal ah in baahi aad u badan loo qabo in si dhab ah wax loogaqabto dhibaatada beeralayda ka haysatada dhinaca suuqgaynta dalagyada ay kutabcaan sannadka oo dhan.

Beeralaydu waxay u baahan tahay in la dhhiri galiyo oo lagala shaqeeyosidii ay u horumarin lahaayeen tacabka wax soo saarka beeraha oo ah ka aywadamo badan oo aduunka ahi ku gaad-heen heerka ay maanta joogaan ee ay kukas-badeen in ay noqdaan hogaanka dhaqaalaha iyo horumarka.By:Khadar Cabdi Muuse

BEERAHA

Page 24: Galool Magazine issue july 2013

24 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Page 25: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 25

Page 26: Galool Magazine issue july 2013

26 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

Cyber warfare ama Cyber war waa kalmada mudooyinka dambe loo isticmaalo marka weerar loogu qaado computer-da iyo networka wadan kale

si loo kashifo siradaha milatari ee uu leeyahay wadankasi isla markaan loogu gaysan karo dhaawac iyada oo weerar farsamaysan oo la adeegsanayo aqoon dheerada ah oo dhinca technology-ga ah lagu qaado computer-da iyo networka.

Hadaba sanadkan 2013 ayaa khatarta ugu wayn ee aduunka ka jirta lagu tilmaamay inay tahay weerarada iyo dagaalka com-puter-ka iyo networka lagu qaado dalal kare iyada oo loo adeegsanayo weerar milatari. Weerarada noocan ah ayaa soo xoogaysanay wakhtiyadi ugu dambeeyay, waxaanay saamayn xoogan ku yeesheen siyaasadaha ariamaha dibada ee quwadaha aduunka. Xoogaga aduunka ugu waawayn ee hogaamiya dhaqaalaha iyo siyaasada caalamka ayaa hormood ka ah wajigan cusub ee loo wareejiyay dagaaladi soo maray aduunka.

Xoghayaha difaaca ee maraykanka Chuck Hagel ayaa bishi shanaad ee isla sanad-kan 2013 badhtamihiisa ku dhawaaqay in kharta kaalinta koobad kaga jirta ee ku aadan dawlada maraykana ay tahay weer-arka ama dagaalka technology-ga, kaas oo lagu hayo xogaha iyo goobaha difaaca ee

wadanka maraykanka, isaga oo ku tilmaa-may xata in ay dagaalka argagixasada ka khatar badantahay. 2010 waxa dawlada maraykanku waaxda difaaca ee loga taliyo Pentagon-ka, Ku soo kordhisay waax cusub oo loogu magac daray Cyber command oo loogu talo galay difaaca computera-da iyo networka, si loo ilaaliyo xogta milatari ee wadanka.

Taariikh ahaan weerarada iyo dambiyada ugu badan ee lagu fuliyo computer-da iyo internet-ka waxay u badnayeen qaar loo adeegsado in lagu dhaco lacago tirobadan oo laga xado bangiyada iyo macluumaad la xidhiidha shirkadaha ganacsiyada, ashqaasta magaca leh iyo waliba xogaha caafimaadka. Sida ay xaqiijinayso warbixanta sanadkiiba xarunta difaca maraykanku u gudbiso golaha congress ka ee dalka maraykanka, weerarada computer-da ee lagu soo qaaday dalka maraykan-ka sanadkan, 90% waxay kaga yimadeen wadanka Chine.

Sanadki 2012 waxa dhexgalid lagu sameeyay computero badan oo aduunka yaal oo ay ka mid yihiin kuwa lagu istic-maalo USA iyada oo qaar badana lagu eed-eeyay inay si toosa weerar ugu soo qaaday dawlada Chine iyo militerigeedu. Sanad walaba waxa ay dawladaha waawayni ku bixiyaan balaayin dollar sidi ay u adkayn lahayeen difaaca computer-adooda, sidoo kale waxa awood badan la sii galiya in

technology-yada loo adeegsado hub qatara oo dagaal. Dhowan ayaa agaasi-maha National Security Agency ee dalka maraykanka, Gen. Keith Alexander isla markana ah commander ciidamada ah ayaa u gudbiyay golaha congress ka dalka maraykanka inuu diyaarinayo tobonaan kooxo yaryar ah oo u diyaar garooba sidii ay weeraro ugu qaadi lahayeen comput-er-da iyo network-a wadamada kale kolab sidi loogu baahdo. Arintani waxay qayb ka tahay dagaalka baxada leh ee ka taagan aduunyada, kaas oo lagu badalay dagalki sida tooska ah indhuhu u arkayeen.

Sidoo kale dawlada maraykanku waxay weerar computer-da ah ku qaaday qala-baka nuclear-ka dawlada Iran iyada oo markii dambena ku andacootay in laga yaabo dadkale ka dambeeyeen weerarada. Sidoo Sanadki la soo dhafay ee 2012 waxay dawlada marykanku ku eedaysay Iran inay soo weerartay warsahdaha korontada dhaliya ee wadanka maraykanka. Hadaba weeraradan side loo fuliya?Dawlada china ayaa samaysay qalab xanibaya signal-ka qamar sanaciga maraykanaka ee ku shaqeeya adeega GPS-ka. Dhamaan ganataalaha lidka dheer ee dalka maraykanku waxa ay ku shaqeey-ana GPS si loo la beegsado goobaha la rabo, arintanina waxay caqabad ku noqotay in gantalahas looga difaaci karo dalka china, taas oo walaac wayn ku abuurtay maraykanka in china uu technology-yadan

Dagaalka Technol-ogy-yada ee Had-heeyay Aduunka (Cyber warfare)

TECHNOLOGY

Page 27: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 27

u gudbiyo dalalka kale sida Iran.

2008 waxa dhacay dhacdo loogu magac daray duufaanta computer-ka taas oo ay weerararo ay si wada jira u filyeen shan dal oo kala ah (Australia, Canada, New Zealand, United Kingdom, and United States) sidoo kale 18 wakaaladood iyo 40 shirkadood oo gaar loo leeyahay ayaa ka qayb qaatay weerarkan. Ujeedooyinka laga lahaa duufaantan ayaa lagu sheegay inay ahayd in la cabiro heer diyaargarawga dalalkan ka sameeyeen dagalka computer ka iyo internet ka, sidoo kale sidi xogo badan loo heli laha.

September 14, 2007 warbixin ka soo bax-day xarunta Pentagon-ka waxay cadaysay in maraykanku diyariyay 735,598 com-puter oo shaqadoodu tahay inay weerar ku qaadaan, website-yada dawlada chine isticmaasho. Computeradani waxay

fulinayayan weerarada nooca loo yaqano (Denial of Service) oo ah inay haba yara-tee shaqada ka joojiyaan computerada ay weerarka ku yihiin, iyada oo dhaman computerada weerarka lagu soo qaaday aanay wax shaqo ah u filin doonin cidi isticmalaysay. Noocan weerarka ah ayaa ah in computer-ka loo soo diro fariimo joogto ah oo balaayin ah kuwaas oo aanu ka soo jawabi Karin computer, sidana uu ku gabayo shaqadisa iyada oo isla mar-kana aanu wax jawaba u diri Karin ama aqoonsan Karin meesha ay uga imanayan farimahan xadiga badan.

Weerada xaga website-yada oo iyaguna soo badana ayaa dalka Russia waxa uu weerar ku qaaday baraha internet ka ee dalka Estonian

Sidoo kale weeraradan waxa loo fulin kara in si toosa loogu soo qaado qalabka

iyo mishiinada, sida ay cilmi baadhayaal baadhis ku sameeyey waaxda tamarta ee dalka maraykanka ayaa cadeeyay in weeraro computer oo lagu soo qaaday ay ku sameeyen mishiinadi burbur toos ah. Waxa wakhtiyadi hore la aminsana in weerarka computer-ku mishanada ku samayn karo in lagu bakhtiiyo oo kaliya iyada oo hore u dhacdey in magaalooyin badan laga bakhtiiyo korontada, balse hada waxa dhacday in mishiinka lagu amro inuu iskii isu burburiyo taas oo dhaawac toos ah oo la taaban karo ku samaynaysa mishiinada. Wadamada carabta, Africa iyo Latin America!Wadamada carabta, Africa iyo Latin Amer-ica ayaad mooda inay mooganaan kaga jiran dhacdooyinkan aduunka ku soo cusboonaday.

Page 28: Galool Magazine issue july 2013

28 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

shaksi saamayn ku yeeshay kubada cagta iyo dunidaba. Dhaxalkiisu kaliya ma noqon taariikh balse khibrada uu kaga tagey meel waxa ay noqotey mid wali hadhaa

ku sii ah halkaas. Jose Mario dos santos mourinho felix oo si fudud noqonaya jose mourinho waxa uu dhashey( 26 January 1963). Waana tababare kubada cagta ah una dhashey dalka Portugal. 3dii sano u danbeeyay ku sugnaa real Madrid “spain” Se ha ahaatee xili ciyaaredka soo socda u digaroganaya dalka ingiriiska Chelsea halkaasi oo uu ku tilmaamey “hoyga xam-aasada kubada cagta”. Magaca guud ee loo yaqaano kana turjumaya hab dhaqanki-isa, khibradiisa tabobarnimo waa “the special one”ka gaarka ah”.waxaaney dad badan qireen, kuna jiraan ciyaaryahano tababarayaal inuu yahay tababaraha ugu fii-can tababrayaashii abid dunida soo marey, una suuro gelisey mucjisada caalamka six-irka kubada cagta uu ka sameeyay. Intaasi kuma eeka balse waxa uu saameeyay cid kasta oo ay wada shaqeyn jireen kuwaasi oo badankoodu ka dhaxleen khibradiisa, hab dhaqanka xaamasadu ku dheehan-tahay iyo waliba hanweynida, geesinimada marka ay timaado xaalad adagi. Mourinho ma noqon waligii ciyaaryahan balse waxa uu bilaabey isbedel Lama filaan ah oo xaga maamulka ah. Kadib markii uu ka soo shaqeeyay macalin cilmiga dabeeca-daha qaab muuqaaleedka oo uu mudo ugu shaqeynayay tababare dhalinyar ahaan koox dhaliyaro ah. Kadibna uu noqdey caawiye tababare goor hore 1990. Kadibna waxa uu u noqdey turjumaan sir Bobby robson 1992.Waxaana uu kala shaqeeyay robson sporting lisbon1992- 1994 iyo porto

1994-1996 ee Portugal, kadibna Bar-celona ee ka dhisan wadanka spain. Baaqi ayuu ku sii ahaadey Barcelona isagoo la shaqeeyay tababare Luis van gal. intii aanay kala tagin sir bobby robson waxa ay u ahayd rob-son wakhti fiican oo ay soo wada qaa-teen isagoo kula guulaystey Barcelona 3 koob. wada shaqaynta mourinho waxa uu ku tilmaamey. “waxa uu la iman jirey mar walba taatiko iyo baadhis qoto dheer oo ku aadan tabo-barka ciyaartoyda mana arag wali qof noociisa ah”sir robson. Mourinho isaga leftigiisu waxa uu qirey wakh-tigii wada fiicnaa ee ay soo qaateen

“waxa aan wada joogney 6 sano, waxa wakhtigaasi aan ahaa nin dhalin yar ah oo caawinaya mudanihiisa weyn kana dhaxlaya khibrad xil-igaasina waxa uu ahaa 10ka tabo-bare ee ugu sareeya Europe” kadib wada shaqaynta Luis van gal waa uu isaga tagey Barcelona isagoo kaligii u dhaqaaqey bortugal meteleyana tabobare una noqdey kooxda benfica 2000. 2001 waxa uu si kedisa u qabsadey koox yar oo la yidhaahdo uniao de leiria. 2002 u wareegay kooxda Porto una qaadey horyaalka wadankaasi 2002-03 isla sanadaasi waxa kale oo uu ku guuleystey UEFA cup. 2003-04 markale u qaadey horyaalka wadank-aasi uguna darey guushii ugu weyneyd ee abid soo marta champions league. Hadalkii mourinho ee uefa cup “waxa aan samaynay taariik waana markii ugu horeysey ee aan keeno koobkan wadankayaga waana wax weyn Maxaa yeelay waxaan sanad qudha ku guu-leysaney horyaalka wadankaya iyo

uefa cup waana wax

“marka lagu jiro da-gaalka waxaan ku hee-

sayaa inaan ahay ka gaarka ah”

SPORTS

Page 29: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 29

noo fiican anaga”kadib waxa uu isu badelay mourinho xidig geesi Markii

sanadii xigtey uu ku guuleystey 2003-04 horyaalka wadanka

iyo champions league. Kuna garaaceen ciyaartii ugu dan-beysey kooxda monaco. Hadalkii mourinho ee cham-pions league”waan hubey

ciyaartii iigu danbeysey inaan guuleysanayo laakiin waxa aan daydayay wakhti fiican iyo guul fiican. waxa keenay guushan naftayda sharafta

mudan iyo ciyaaryahana-dayda geesiyiinta ah sharaf-tana mudan waxa aan samey-

nay taariikh waa inaan ilaali-yaa shaqadayda si aan isugu dayo inaan helo guul kale talaabadayda xigta”mourinho waxa indhaha la wada raacay kooxaha waaweyn ee Europe iyaga oo dareensan

xidigan geesi ee mucjisada sameeyay. Waxa ka faaiday-

stey bilyanneerka ruushka ah roman abromavich

mulkiilaha kooxda Chel-sea. 2004 ayaa uu ka soo

degey London laguna soo dhaweeyey koo-

xda chelsea garoonka stand ford bridge. Shirkii jaraaid Ee ugu horeeyay mourinho qabtey kadib imaanshi-hiisa Stanford bridge waxa uu yidhi”waxaan ahay horyaalka Europe ma ihina qof caadiya waxaan ahay qof gaara hadii dagaal lagu jirana wax-aan ku heesayaa inaan ahay ka gaarka ah”the

special one” chel-sea waxay bilowdey

inay ku amar taag-leyso horyaalka ingiriiska la dareensanyahna awooda the special one. Mourinho waxa uu u suuro geliyey horyaalkii ugu horeeyay kadib mudo 50 sano ah xilli c iyaay re e dkii

2004- 2005 horyaalka ingiriiska. Hada-ladii mourinho ku guubaabin jirey ciyaaryahanadiisa markasta “waa inaan u ciyaarnaa natiijo hadii aan u ciyaarno natiijo waan guulaysnaynaa, mana khasaari doono cadaadisna idin ma saarayo laakiin waa inaan guu-laysano. kamana hadlayno inaan isa saarno nooc ka mida cadaadiska mana khasaari doono”qaadidii horyaalka ingirriska ee chelsea kadib 50 sano taageerayaashu waxay lahaayeen

“waxaan halkan joogney mudo 55 sano ah”Xili ciyaareedkii xigey chelsea waxay ku bilowdey sidii hore si ka sii fiican. FA Community Shield (1) 2005 horyaalkii labaad ee isku xiga ayuu u qaadey 2005-2006. Kadib 2006 -2007 waxa uu qaaday FA cup kuna garaa-ceen man utd 1-0 {Didier drogba}. Intaa kadib barwaaqadan ku habsa-tey chelsea waxay isu badeshey muran hadheeyay mulkiilaha kooxda iyo jose mourinho, khilaafkani ayaa waxa uu ka yimi mulkiilaha oo gacan kula jirey ciyaaryahanada iyo maamulkooda, mourinho waxa uu ka dalbedey inuu faraha kala baxo ciyaaryahanada laakiin ma suuro gelin, abromavich waa uu ka diidey. Murankani waxa uu ku saleysnaa Shevchenko iyo drogba waxa ay ka ciyaaraan isku meel wax-aanu mourinho go,aansadey drogba inuu u ahaado safka hore halka uu doonayey abromavich Shevchenko. Mourinho waxa uu si kedisa ugu dhawaaqey inuu ka tegeyo Chelsea 20 September 2007. “Culays aweed-eed”,Una dhaxeeya mulkiilaha koo-xda iyo mourinho. Waxay sheegeen gudida fulinta chesea shir deg-dega oo ay qabteen inay qayb ka ahaan-ayaan maamulkooda. Mourinho waa tegey isagoo ah tabobarihii ugu guusha badnaa ee chelsea soo mara una qaadey 6 koob 3 sano gudahood.iyo waliba isagoon gurigiisa lagaga adkaan ciyaarihii uu ciyaarey oo dhan. Oohin lama dhaafaan ah ayaa ku hab-satey ciyaartoyda chelsea maadaama ay waayeen geesi.2008 waxa uu mourunho 3 sano u saxeexay kooxda talyaaniga ah ee Internazionale Isla xili ciyaareedkaa u horeeyay ee uu qabsadey waxa uu u qaadey horyaalka wadanka talyaan-iga “serie A “ 2008-2009 uguna darey koobka super cope Italia, waxa isla xili ciyaareedkii xigey uu ku guuleys-tey horyaalka talyaaniga 2009-2010. 2010 inter Milan waxay noqotaa naadigii ugu horeeyay ee talyaani ah ee ku guuleystey 3da koob ee

serie”A” champions league, copa italia. Mourinho waxa uu noqdey tababarihii sedexaad ee abid taarikhda kubada cagta ku guulaysta champions league isagoo wata laba kooxood oo kala duwan. Mourinho waa ay is necbaay-een dowlada saxaafada . 2010 oo uu aad mourinho ugu dhibaatoodey shaqo adagna Geliyey siduu u iman lahaa ciyaarta kama denbeysta ah ee champions league. kadibna go,aan uu u gaadho go,aankaasina noqdo inuu qaato koobka dhagaha waaweyn leh una qaado intermilan. Wareega afarta kooxood oo uu ku qaabiley mourinho kooxda Barcelona ayaa ay ahayd tii uu ku soo bandhigey heerka maskaxda macquulka aan aheyn ee bani aadamka.lugtii hore ciyaarta waxa lagu garaacey Barcelona 1-3 inter Milan. Lugtii labaad ayaa waxa ay ahayd mucjisadii ugu weyneyd ee ka dhacdey nou camp kadib markii uu ku amrey inay galaan khibrada ku saleysan difaaca 90 daqiiqi ee ciyaarta. Gebebadii ciyaarta ayaa waxa ay noqotey Barcelona 1-0 inter-milan halkaasi oo uu mourinho ka bilaawey dabaaldeg xamaasadeysan dhex cararayna garoonka campnou

. hadalkii mourinho ciyaarta kadib” waxaan rajaynayaa halkaa waxa ku sugan Bayern munich maxaa yeelay Luis van gaal iyo arjen robben waan jecelahey midina yahay ciyaaryah-ankaygii iyo macalinkaygii ama mudanahaygii hadii aan ciyaarayo ciyaar kama danbeysa waxaan door-bidi lahaa inaan is aragno sida koo-xda lyon oo kale waana uu qosley” ciyaartii ayaa la gaadhey oo ka dhac-eysey garoonka “santiego bernabou” Madrid “spain”. Mourinho si ixtiraam leh jeceyla ka muuqdo ayuu u salaamey Luis van gaal ciyaartuna waa ay bilo-wmatey. Intermilan waxay heshey 2 gool Bayern munich umay jawaabin ugu danbeyna 2-0 ayaa siisey koobka intetmilan . taageerayaal farxad ooyey, ciyaaryahanadii oo dhulka is wada tuurey oohin iyo u qaadan waa ku habsatey, mourinho oo si degen qiirana ka muuqato ku galey garoonka, mulkiilaha kooxda oo qosol iyo farxad la soo galey garoonka, ayaa xaaladu noqotey markii ciyaartu dhamaatey. Waxa kor u qaadey koobka,” jeveir senneti” kabtanka kooxda intermilan. Sawiraan sabootin ah ayaa ay wada galeen mulkiilaha kooxda Massimo morati &José mourinho. “Italy waa meel adag maaha meel fudud maxaa yeelay ciyaar kasta waa ay adagtahey

Page 30: Galool Magazine issue july 2013

30 | Galool Magazine July 2013 galoolmagazine.com

waxaaney u baahantahey khibrad iyo ka fakar farsamooyin fara badan oo aad guul ku gaadhi karto” hadalkii jose mourinho mar wax laga weydiiyey dalka talyaaniga.Mourinho waxa uu qaatey jaa isada tabo-baraha ugu wanaag-san aduunka markii ugu horeysey.”FIFA BALLON D’OR” 2010. Jose mourinho waxa uu go,aansadey inuu u dhaqaaqo wadanka “spain” kooxda real Madrid. 2010 ayaa uu u saxiixey real Madrid. Ujeedooyinka uu u qabsadey real Madrid waxa ka mid ahaa i n u u B a rc e -

l o n a d h u l k a dhigo oo ku noqotey laf dhuun gashey real Madrid. Xili ciyaaredkii ugu horeeyay ee real Madrid waxa uu ahaa mourinho bilow fii-can cid kastaana waxa ay is laheyd real Madrid cid hor istaagi kartaa ma jirto markii ay muujisey awood aan

caadi aheyn iyo isku xidhnaan aad u sareysa oo uu ku sameeyay

mourinho ciyaartoyda kooxda waxa wax weyn

ka bedelay kooxda 3 ciyaartoy oo soo iibsadey bilowgii xili ciyaaredka.

mesut ozil, semi khedira, angel dimaria. Waxa timi qaabilaadii Barcelona

kulanka hore ee horyaalka ay yeesheen waxa uu ka dhacey nou camp Barce-

lona. Barcelona waxay ku horumartey goolal kadibna

nus darsin isu bedelay Bar-celona 5-0 real Madrid.

q a a d a n waa ayaa ay ku

noqotey ciyaar-toyda iyo taageer-

ayaasha real laakiin mourinho intaa kag-

amay ee kaan ee waa uu ogaa samirku in

uu fiican yahay wakh-tigiisuna iman doono.

Mourinho waxa uu aad ugu xanaaqey garsoorayaasha

isbaanishka ah isagoo ku tilmaamey inay u hiiliyaan Barcelona. Waxa uu gaadhsiiyey real Madrid kulanka kama

danbeysta ah ee copa del ray oo ay isku qaabileen Barcelona. Mourinho waa kaga adkaadey Barcelona koobka kuna garaacey 1-0 {cristiano ron-aldo}. Xili ciyaaredkii 2011-2012 waxa uu u qaadey real Madrid horyaalka wadanka spain.. Mar labaad Barce-lona waxa uu kaga adkaadey koobka

“super copa de spania” . Labo jeer oo uu soo gaadhey wareega afarta koo-xood ee champion league waa uu kuu fashilmey inay tagaan final. Mourinho waxa uu noqdey tabobarihii afraad ee ku guulaysta 4 horyaal 4wadan oo kala duwan. Tabobarihii ugu horeeyay ee ku guuleysta 3 horyaal ee Europe ugu qaalisan England, Italy, spain. Real Madrid waxy mourinho ka hes-hey 3 koob 3 xili ciyaareed. Mourinho waxa uu ku noqdey siduu horeba u sheegay” hoyga xamaasada kubada cagta England” Kuna noqdey chelsea. Mourinho uma suuro gelin hamigiisii

ahaa tabobarihii ugu horeeyay ee horyaalka Europe ku guuleysta

isaga oo wata 3 kooxood oo kala duwan. Balse hada uu doonayo

inuu taa ku suuro Geliyo chel-sea mar horena jeclaa inuu

ku qaado koox ingiriis ah. Ku soo laabashada chelsea waxa uu yidhi “mar horeba waan idiin

sheegay inaan idiin soo noqonayo laakiin imika

waxa aan ahay mid idinka mida imika” jose mourinho.

“Ma dhamaanayo orodkaygu waana uu jiri doonaa in badan

gaadhayana guulo badan” hadalkii jose mourinho markii la weydiiyey mustaqbalkiisa kubada cagta. Han-weynida, amar ku taagleynta meesha uu tago, kalsoonida, heybada guusha, geesinimada marka ay timaado xaa-lad adagi, saaxiibtinimada qotada dheer saameynta yeelatey barbaarinta ciyaartoydiisa . Ayaan lagu ilaaweyn jose mourinho. “Waxa uu yahay aabahaygii labaad” Frankie lampard” powered by= super special one m. samire.

SPORTS

Page 31: Galool Magazine issue july 2013

galoolmagazine.com July 2013 Galool Magazine | 31

Page 32: Galool Magazine issue july 2013

Professional, sophisticated, sleek and stylish are words used to describe who we are andour work but unlike others we combine playfullness and colour to give functionality and awesome

results.

Milgo multimedia is a digital, design, branding and advertising agency

Jirdeh Aw Ali Building26th June Avenue,

Facing Central Bank of Somaliland,Hargeisa, Somaliland.

Tel: 999 9 950/479 9 995

// indoor&

outdoor

signage

//event management

& decorations

Digital Signage

//brand image positioning

consultancy & public relations