galool magazine issou 5

32

Upload: galool-magazine

Post on 29-Mar-2016

449 views

Category:

Documents


17 download

DESCRIPTION

EDITOR IN CHEIF MohamoudAhmed Mohamed Abdi Galool Magazine waa Majal- lad bille ah oo ka soo baxda magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, Majalladan oo looga baraty barnaamijyo xiiso badan isla markaana tayadoodu aad u sarayso lagana dheehan karo aqoon iyo khibrado taaba- naya dhamaan dhinacyada kala duwan ee Bulshada . Ahmed Mohamoud Hamse Osman (Leeb) Abdikadir Barawani Abdirahim (Bidaar) Abdifatah Ismail Issa Yuusuf Erro Musawi Abdalah MANAGER & MARKETTING Hassan Ahmed Abdirashid Ali

TRANSCRIPT

Qarnigii islaamka...............................................27

Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Murtida Cabdillaahi Cabdi Shube(Q.3aad).....................8

DUMAR WAA MADHAAFAAN............................10

Marxaladaha Beermitaanka Ilmaha (Stages of Creation or Implantation).................................12Xakamaynta iyo dhawridda tayada daawooyinka ee waddanka soo galaya.....................................14

Qiimaha Suugaanta Iyo Ma Hadhadda Afka....................................13

Sadaqo iyo Sad Aakhiro.......................20

Page 8

Page 4

Page 10

Page 24

Page 31

Page 27

Contents

Waxbarasho

Diinta iyo Nolosha

Warar

Suugaan

Taariikh

Xikmad

Caafimaad

Ciyaaraha

Techonlogy

Madadaalo

Dhaqaalaha

Galool Magazine waa Majal-lad bille ah oo ka soo baxda magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, Majalladan oo looga baraty barnaamijyo xiiso badan isla markaana tayadoodu aad u sarayso lagana dheehan karo aqoon iyo khibrado taaba-naya dhamaan dhinacyada kala duwan ee Bulshada .

Contact Us

Sideed Ugu Diyaar Garoobi Kartaa Uguna Guu-laysan Kartaa Imtixaanada?.............................16

Milgaha guurka ..............................................17

Shirkadda Weyn Ee Hass Petroleum Oo Dabolka ka qaaday inay dabooli karaan baahida Shidaalka loo Qabo............................................4

In ka badan 1000 arday Oo ka qalin jebiyay dugsiyada nuuradiin oo markii ugu horaysay gabdhuhu ka tiro bateen wiilasha .....................6

Faiidooyinka Akhriska...........................................18

Taariikhdii Ciyaaryahanka Zinedine Zidane.....31

Taariikhda Shirkadda Wayn ee Microsoft iyo Asaasaheedii Bill Gates................................28

Hadii shiinuhu dib u habaynta dhaqaale sii wado, wuxuu kala wareegi doona US motorka dhaqaalaha dunida..........................................24

Boqor iyo afartiisii xaas....................................23

Xigmadii Mushaharka loo qaatay.....................26

EDITOR IN CHEIF

DESIGN & LAYOUT

MANAGER & MARKETTING

UK MANAGER

KENYA STAFFAbdirashid Ali

Ahmed Mohamoud Hamse Osman (Leeb)Abdikadir BarawaniAbdirahim (Bidaar)

Abdifatah IsmailIssa Yuusuf Erro

Musawi Abdalah

Hassan Ahmed

Mohamed Abdi

SUB EDITORS

MohamoudAhmed

TELL:+252 2 482655+252 7 9130085 TELL:00447956022045 (UK)LONDON E-mail:[email protected]:[email protected] : www.galoolmagazine.com

4 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

news

Mr.cumar Xasan Maxamed,Maareeyaha guud ee shirkadda Hass Petroleum, ayaa daboolka ka qaaday inay shirkadoodu

mar walba ay diyaar u tahay daboolista baahida keenista Shiidaalka, soona dhaweeyay go’aanka xukuummaddu ku fasaxday Qaadashada liisanada keenista shidaalka,waxa kale oo uu Maareeyahu dhaliil u soo jeediyey qaar ka mida Saxafadda dalka oo uu sheegay inay ka qoreen war,aan sal iyo raadtoona lahayn. Shirkadda HASS PETROLEUM waxay diyaar u tahay buuxinta wixii shuruudo ah ee looga baahanyahay ka-qaybgalayaasha tartanka keenista Shiidaalka, iyadoo shirkaddani hore uga mid ahayd shirkadaha keena shidaalka dalka, Shirkaddan Hass Petroleum waxay markasta ku dadaalaysey sidii ay bulshadeeda ugu keeni lahayd shidaal jaban oo saafi ah, ayaa xiligan waxay kaalinta koobaad kaga jirtaa shirkad-daha ugu cadcad SomalilandMr.Cumar , waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey dhawaan qaar kamid ah warbaahinta dalka Ugu horeyna waxaa lawaydiiyay bal inuu faahfaahin ka bixiyo wakhtigii aasaaska ganacsi shirkaddani Hass Petroleum,waxa uu yidhi. “ waxa la Aasaasay sanna-dihii 1997 kii waxaana lagu aasaasay wadanka Kenya gaar ahaan Magaaladda Nayroobi,imikana way sii fidaysaa hadda waxay ka shaqaysaa sagaal wadan oo geeska Afirca ah,KENYA,UGANDA TANZANiA,BRUNDI,RWANDA,KONGO,SOUTH SUDAN,SOMALILAND,PUNTLAND iyo

DUBAI oo ah xafiiskayaga guud,sababta loo sameeyeyna waxa weeye in aanu daboolno baahiyaha Shidaal ee dadka aanu u adeegayno, in aanu u keeno shi-daal fiican oo tayadiisu sarayso ahna ka ay dunidu isticmaasho iyo inaanu ka shaqaysano,maadaama oo uu shidaalku yahay shayada lagama maarmaanka ah ee ay ku dhisantahay nolosha Bina aadamku.Sidoo kale waxay shirkadda Hass Petro-leum si toosa uga hawlgalaysey guud ahaan Goboladda Somaliland,iyadoo Addeega ugu wayn ee ay bulshadda u haysaa yahay keenista iyo ka ganacsiga Shidaalka,Maareeyahu isagoo arrintaa sii sharaxayana waxa uu yidhi. “ adeegyada ama ganacsiga aanu bulshadda u qabanaa waxa uu ka kooban yahay afar qaybood,oo kala ah noocyada shidaalka kala duwan sida shidaalka Dayaaradaha ee(Jet A1ka , iyo ka Baabuurta oo ka kooban Baatrool iyo Naafto,iyo Saliida Mishiinada kala duwan laakiin imika Somaliland waxaanu keenay oo kaliya laba shay kuwaaso ah Baatrool iyo Naafto,dhawaana isha allah waxaanu ku talajirnaa inaanu keeno Shidaalka ay isticmaa-laan Maraakiibtu oo isagu u baahan in loo hagaajiyo Dekedda Berbera gaar ahaan Haamaha shidaalka oo aan iyagu la hayn waxa loo yaqaano Back loading oo ah waa lagu shibi karaa shidaalka laakiin lagama shubi karo,Mr.Cumar oo lawaydiiyay tayadda shidaalka ay keenaan dalka inta uu leegyahay,waxa uu kaga jawaabay.sidan.

“Anagu dalka shirkadd ahaan waxaanu keenaa shidaal saafiya oo tayadiisu sareyso ahna ka ugu fiican dunidda, oo ay macmi-ilshayada iyo Gaadiidka isticmaalaba, ay

nagu majeertaan had iyo jeer.Mr.Cumar oo ka hadlaayey sicirka shi-daalka oo ah mid uu had iyo goor ku yimaado isbadbadal iyo sababta keentay inuu qaali garobo,waxaanu yidhi. “Kor u kaca Shidaal ku maanta aduunyadoodhan ayuu ka jiraa oo maaha oo kaliya wax inaga inoo gaara ,Mr.Cumar oo ka jawaabayay su’aal la waydiiyay kaalinta ay shirkad ahaan kaga jiraan horumarinta dalka iyo abuurista fursadaha shaqo wuxuu yidhi. “Runtii wax-aan rajaynayaa inaanu mustaqbalka dhaw aanu kaalin mihiima ka ciyaari doono, marka aanu kor dhino qaybaha kala duwan ee shirkadayada imikana hadaanu nahay shirkad Hass Petroleum shaqo abuurista aanu sameynay shirkad ahaan waa mid ku saleysan baahida Shirkada runtiina waxa ka shaqaysta Shidaalka iyo Goobaha lagu iibiyo way fara badan yihiin kuwaaso leh dhalinyaro iyo waayeelba waxa kaloo noo qorshaysan in aanu ka qayb qaadano mashaariicda hormarinta dalka sida wax-abarashada , caafimaad ka , wadooyinka iyo Masiibooyinka sida Abaaraha Mr Cumar oo ka jawaabayey Su’aal ahayd Mudadii aad shaqadan bilaabayseen ka shirkad ahaan ma jiraan wax caqabado ah oo idinka hor-yimi ka Xukumad ahaan waxa uu jawaabay oo uu yidhi. ‘Runtii marka loo eego ka wadan ahaan kala-maanu kulmin wax caqabado ah haday tahay Dawladda oo ah ta noo fududay-sey Liisamadii, iyo waliba shacbiga reer Somaliland oo si wanaagsan noo qaabilay noona soo dhaweeyey,laakiin waxa iska jira caqabado guud ama caalamiyaba oo ah nimankan Maraakiibta afduuba ee la yidhaahdo Budhcad Badeeda,kuwaaso

Shirkadda weyn Ee Hass Petroleum oo Daboolka Ka Qaaday inay Dabooli Karaan Baahida Shidaalka loo Qabo

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 5

news

dhib ku haya Maraakiibta Badda maraya sida ay markii horaba ku sameeyeen qaar ka mida shirkadaha dhigayaga ah ee dalkeena,waxa kaloo ka midda shidaalkii oo ka cay markii la xidhay wadanka Iraan iyo Ciraaq lafteeda oo khilaaf dhexdooda ka dhacay taasina waxay ka mid noqotay caqabadaha kor u kaca shidaalka.Geesta Kale Maareeyuhu waxa uu ka dha-waajiyey shirkad ahaan inay u meel dayi doonan shidaal yaraanta lana dagaalami doonaan intii awoodooda ah kor u kaca shidaalka ee haan tan dalku ku jiro,iyada oo uu sicirkiisu yahay mid isbedelkiisu soo noqnoqdo oo aan cago ku taagnayn .Mr.Cumar oo ka jawaabayey Su’aal sidaad

shirkad ahaan u aragtaan xeerarka ganac-siga dalku waxa uu yidhi. “kolayba inaggu waxaynu nahay dal soo koraaya oo aan aduunka wali ictiraaf ka helin isla markaana ay haynteena dhaqaale kooban tahay waxaana muuqata inaaneyn u shaqayn sida Xeerarka ganacsiga ee caalamiga ahi dhigaayo amaba waxbadani ka dhiman yihiin,anago immika sharci haysana oo cashuur bixina,markaa ayaanu hadana waxaanu khaatiyaan ka taaganahay shi-daalada sharci darada wadanka ku soo gala oo suuqiina kaa xumaynaaya,hadday tahay tayadii shidaalka oo had iyo jeer dadka gaadiidlaydu ay cilado fara badan kala kulmaan,imika qudheeda waxa noo

socda wada hadal Wasaarada Ganacsiga iyo Wasaaradda Maaliyadda oo aanu kaga wada arrinsanayno sidii xal luugu heli lahaa arintan iyo in dib u habayn lagu sameeyo dhinaca xeerarka iyo shuruucda Shidaalka.Waxa kale oo ayaamahan dambe si aada looga dareemayiy kor u kaca xaga shi-idaalka ah waxaana kor u kacaasi saamayn ku yeeshay dadka iyagu Gaadiidlayda kala duwan ee isticmaala Shidaalka

6 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

news

Dufcadii 22-aad ee ka qallinjebisa qaybaha luuqadaha computerka iwm ee dugsiga NUURADIIN oo ka mid ah kuwa ugu waaw-

eyn Dugsiyada Somaliland ka jira, ayaa markii u horreysay inka badan kun arday oo ka baxay ay tirada habluhu ka badateen tiradii wiilasha.Dufcadan oo shahaadooyin ay ka qaateen 1038 arday oo wax ka kala bartay luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga, Faran-siiska iyo barashada xisaabta iyo xirfada kombiyuutarka ee dugsiyada Nuura-diin, ayaa markii kowaad ee taariikhda dugsigaas waxa tirada habluhu ka bateen 10% wiila-sha la qallinjebiyey, arrintaas oo muujinaysa horumarka haweenka Somalil-and ka sameeyeen dhinaca waxbarashada.Munaasibad si qurux badan loogu agaasi-may qallinjebinta 1038 arday ee waxbarashada kala duwan dhammaystay oo 3 /5/2012 lagu qabtay hoolka weyn eehuteelka Maansoor ee magaalada Har-geysa, waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhallinyarada iyo Dhaqanka, Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada, maamu-laha guud ee dugsiyada Nuuradiin, maamulayaasha iyo macalimiinta dugsigaasi, wakiilo ka

socday qaar ka mid ah hay’adaha taageera waxbarashada dalka iyo ardayda qallinjebi-say oo ku lebbisnaa dhar laga sameeyey astaanta dugsiga iyo waalidiintooda.Maamumala guud ee dugsiyada Nuura-diin Mr. Mahad Ibraahim Maxamed oo ka hadlay xafladaasi, ayaa ka warbixiyey sooyaalka taariikheed ee uu soo maray dugisgu iyo qaybaha uu ka kooban yahay, isagoo xusay in sannadkii 1995-kii uu ku aasaasay hal fasal iyo 8 arday, halka waqtigana uu ka kooban yahay dhawr qaybood oo ka mid yihiin dugsi sare, hoose/dhexe, luuqa-daha iyo xirfadaha oo ay wax ka bartaan tobanaan kun oo arday ah.Mahad Ibraahim Maxamed waxa uu shaaca ka qaaday in dufcadan 22-aad ee ka qallinjebisay qaybta luuqadaha iyo xirfa-daha oo tiradoodu tahay 1038 arday ay markii u horreysay habluhu ka badan yihiin wiilasha, iyadoo 55% tiradaasi yihiin hablo, halka 45% kalena yihiin wiilal, taas oo macnaheedu yahay in ilaa 571 ka mid ahi yihiin hablo, halka wiilashuna ka noqonayaan ilaa 467 arday.

“Ardaydaa ubaxa quruxda badan ee hor-tayda fadhida ee wiilal iyo hablaba leh waanu idinku faanaynaa haddii aannu maamulkii iyo macallimiintii Nuuradiin nahay waxaad tihiin raasamaalkayagii runta ahaa, haddii shirkadaha waddanku ay raasamaalka ka dhigtaan lacagta ay

faa’iidaan, wax-soo-saarkooda iyo daaraha ay dhistaan, annagana waa maxay lacagta aannu faa’iidno iyo wax-soo-saarka aannu samaynaa? Waa idinka (ardayda) oo weliba shirkadahaa in badan baanu ka sarraynaa. Nina miyuu jecelyahay in beer-tii uu qoday oo uu ku tabcay ay midho-dhaliwaydo? Maya ee suurtogal maaha, Ilaahay baanu ku mahadinaynaa inaad midhahayagii tihiin oo haddii aydaan ind-hahayga ilmo ku arkayn uu qalbigaygu la ooyayo farxad darteed,” ayuu yidhi Mr. Mahad Ibraahim.Maamulaha Guud waxa uu ardaydiisa kula dardaarmay inay aqoontooda ku ilaaliyaan akhlaaqda wanaagsan oo fure u ah guus-hooda, si ay ugu noqoto mid barakawda oo ay intifaacdo nafahooda, waalidkood iyo dalkoodaba.Agaasimaha Guud ee Waaxda Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, ayaa ku sifeeyey qallinjebinta ardaydaasi kunka ka badan ee wax-ka-bartay dugsiga Nuuradiin ay ka turjumayaan sida horumarka iyo nabadgelyada Somaliland uga qaybqaa-teen kobaca tacliinta dalka.Mr. Khadar Diiriye waxa uu ammaanay dugsiga Nuuradiin iyo maamulihiisa guud oo

In ka badan 1000 arday oo ka qalllinjebiyay dugsiyada nuuradiin oo markii ugu horay-say gabdhuhu ka tira bateen wiilasha

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 7

newsuu sheegay inuu sameeyey dadaal aanay cidina ka caawin oo keenay aqoon qiimo badan oo ay ka soo baxaan dhallinyaro wax ku soo kordhiya mustaqbalka dalkooda,

“Waxaannu rajaynayaa inay ka soo baxaan ubad qiimo leh oo dalkan wax badan ku soo kordhiya, kuwaas oo ay ka muuqato in Somaliland leedahay mustaqbal dheer.”Marwo Faadumo Siciid oo ku hadlaysay afka waalidka, ayaa ku bogaadisay hablaha reer Somaliland horumarka ay ka sameeyeen waxbarashada ee ay muuji-yeen hablaha ka qallinjebiyey dugsiga Nuuradiin oo ka farabatay wiilasha, arrintaas oo ay ku tilmaantay guul weyn oo ay gaadheen, waxaannay tidhi “Markii la ii sheegay in ardayda qallinjebinaysa ee tiradoodu tahay 1038 ay 55% yihiin hablo, 45% kalena wiilal waxaan naftayda ku idhi wallee Faa-dumooy in badan baad lahayd hablo ka kacee malaha maanta waxa la gaadhay sannadkii aad wiilasha xagooda u jeedsan lahayd oo aad odhan lahayd waar ka kaca

waa la idin dhaafaye. Waxaan ku hambalyeynayaa hablaha horumarkaa ay ka sameeyeen waxbarashada mar haddii aad ka soo bilowdeen eber ilaa aad gaadheen 55%, waxaan idiinku abaalgudo ma garanayo ee waan idiin ducaynayaa in Ilaahay cil-miga idiin barakeeyo oo aad nafihiina, waalidkiin iyo dalkiinaba ku anfacdaan.”Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Hidaha iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal oo xafladaasi soo gunaana-day ayaa hambalyeeyey guud ahaan dhallinyarada ka qallinjebisay waxbara-shada kala gedisan ee dugsiga Nuuradiin.Wasiirku waxa uu si gaar ah u ammaanay Maamulaha guud ee dugsiyada Nuuradiin, waxaannu yidhi, “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa dugsiga Nuuradiin, gaar ahaan maamulihiisa guud Mahad Ibraahim Maxamed oo anigu u haysto inuu kow ka yahay dadka ugu qiimaha badan ee Somaliland jooga, sababta oo ah ardayda kumanaanka

ah ee uu gacanta ku hayo iyo tayada wax-barashada uu u sameeyey oo dugsiyada Nuuradiin ka dhigay mid ka mid ah hor-muudka waxbarashada dalka.”Waxa kale oo xafladaasi lagu soo bandh-igay tayada aqoonta ardayda ka baxday oo dhawr ka mid ahi khudbado ku jeediyeen luuqadaha Ingiriisiga, Carabiga iyo Faransiiska, kuwaas oo qiiro geliyey dadw-eynihii madasha fadhiyey. Waxa kale oo mid ka mid ah ardaydu halkaasi ka jeedi-yey gabay si weyn loola dhacay oo ka warramayey dhinacyada arrimaha bulshada.Gebogabadii xafladaasi waxa shahaadoo-yin lagu guddoonsiiyey dhawrkii arday ee ugu sarreeyey 1038 arday ee ka qallinje-biyey luuqadaha, xisaabta iyo kombiyuutarka. Sidoo kalena waxa ardaydu shahaado sharafyo iyo hadyado ku maamuuseen qaar ka mid ah macallimi-intii waxbartay

8 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Taariikh

Dhooddi waxa la yid-haahdaa Banka Nugaaleed, Taleexna waxay xarun u ahaan jirtay Sayid Maxamed Cabdille Xasan. Waxaan filayaa in fardihii

Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwii ugu mudnaa ee uu ku dhaadan jiray mid ka mid ahaa la odhan jiray Dhooddi. Wuxu ahaa faras qurux iyo dheraynba caan ku ahaa; SayidMaxamed Cabdille Xasan hortiina waxa lahaa Xirsi Cartan Boos oo hadiyad Sayidka ugu keenay. (Ciise, Aw Jaamac, Diiwaankii Gabayadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan, CERD, Jabuuti, 2005tii).Miyaanu Sayidku ku odhan maansadiisii caanka ahayd ee Gudban:

“Waar ma Dhooddi baa gaammuroo, garabku weynaaday, Ma galaasyo miidaan ku shubay, gama’shigii deyrta, Gorgor kacay la moodyow durduro, ma

igu gooraamay,”

Cali Bucul oo degaammada Awdal ku noo-laan jiray ayaa isaguna ka mid ahaa dadka looga danbeeyo ammaanta faraska. Had-daan tuduc ka soo qaatana waa kii lahaa:

“Helmiyay oo helmiyay, Oo ammaantii heli waayee, Hoosiisow midabkaagu, Ma habeenkiyo waagoo, Kala haayirayaa,”

Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde mar uu isaguna ka hadlayay faras la odhan jiray Dan-seeg oo jiidda Gebilay caan ka ahaa, sow kii isaguna lahaa:

Sidii neefkii Dan-seegoo,Dirayskii Madgaskaar,Dahabkii Iglan yaallay,

Ilaa daa’in abiid,Daw wuxuu u lahaa,Dem intoo lagu siiyay,Sitaacii dalmanaayoo,Dawankii ka ciyaayoo,Koorihii la dul-saarayoo,Wiilashii dul-yaqaannay,Degtiisaa u baxeenoo,Dixda Aw Barkhadle,Ku dabbaal-degayaan,Rakaabkii deldellaa baad,Daf siisaa bidixdaada,Darbataa midigtaada,Dushiisaad u baxdaa,Markaasuu dirgadaayoo,Sidii haadda didaayoo,Dad jin oon la arkayn iyo,Dabayshuu af yaqaanne,Digtoonaa ma tukaa?

Cabdillaahi Cabdi Shube nin bulshaawiya oo kaftan badan ayuu ahaa. 26kii Juun

Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Murtida Cabdillaahi Cabdi Shube(Q.2aad)Qalinka: W.W.W. Boobe Yuusuf Ducaale cankaabo@ hotmail.com, www.dharaaro.com

Wasiirka.W.W. Boobe Yuusuf

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 9

Taariikh1960kii ayaa subaxnimadii la isugu soo baxay garoonkii ‘Polo’-ga oo ahaan jiray halkan maanta uu ku yaallo Istaadiyamka Hargeysa oo beryahaa bannaankaasi ka tirsanaa xeradii ciidammada ee maanta loo yaqaanno Bir-jeex. Ingiriiskii ayaa garoon-laa ‘Polo’-ga ku ciyaari jiray fardaha oo ul dheer kubbad lagu eryan jiray goolalna la iskaga dhalin jiray. Fardo la shaaximay oo wixii faras qurux lahaa lagu soo bilay ayaa bannaankii la isugu keenay. Cabdillaahi Cabdi Shube is-na maalintaa wuxu soo kaxaystay dameer uu ka soo lulay daasado iyo qalab wada sanqadhaya. Gees marka aad ka eegto Cabdillaahi Cabdi Shube wuu dabbaal-degayaa. Gees kale marka aad ka eegtana waxa ay ka ahayd “Ninba ceesaa-ntii ceel keen.”

Cabdillaahi Cabdi Shube, wuxu tixdiisaa maadda iyo murtidaba xanbaarsan ku yidhi:

“Dhooddi-meer faraskaygu, Dhalankiisa la yaabye, Ma dhey daadatay baa, Afartuu dhulka saaray, Ma baraar durdurshaa,

Ma ceesaan ximiroo, Sumal gaaban dhashaa, Taaganaa ma qoraa, Madoobaa ma tukaa, Neefku Meydal ka dheere, Ma Meygaag la cufaa,

Markaan bow ku idhaahdee, Beer-beerka u saareen, Badhtankiisa fadhiisto, Baxsanaa socodkiisu, Ma sarriir burburtaa, Carraabaa galabtii, Markaan caynka ku giijo, Calyadii ka dhacaysay, Ma caqaar nin tufaa, Wahsadow faraskayga, Wanaaggiisa la yaabye, Wanlo-weyn iyo Koonfur, Waqti dhow buu ku hoydaaye, Wanaagsanaa socodkiisu, Ma wadaad xaabo siddaa!Shaah aan shaahba ahayn:

Waa tix-maadeed kale oo uu Cabdillaahi Cabdi Shube kaga maansoonayo waxyaabo uu saluugsan yahay. Waxaanu yidhi:

“Shaah aan shaahba ahyni, Waa shay garam-xaali qaboobay, Oo islaantii Shaqlan ay haysoo, Oo ay shadaabkii ku dartayoo,

Dumar loo shushubaayo, Kaasaan shaahba ahayn,

Sheeko aan sheeko ahayni, Waa sharka cawdu billaahiye, Waa sheydaanu rajiimku, Been uu soo shak-shakaaloo, Kolba shaadh huwinaayo, Ninka kuu sharraxaaya, Taasaan sheeko ahayn,

Shinbir aan duuli karaynini, Waa Gorayo shaashku ku yaalloo, Kolkaad sheedda ka joogto, Orodkuun shirbisa, Shariiryo aan dux lahayni, Waa quraaca la shiilo,

Sheydaan aan la arkaynin, Waa naag shaadir hagooganoo, Indhihiina shareertoo, Shaanbinaysa agtaada, Bal yaad ku sheegi lahayd, Waa sheydaan la arkaynin,

Shaadh aan shaadhba ahayn, Waa shamiis ‘oferkoodh’ ahoo, Shaqaalahaa fasishoo, Shiraaq weeye adkaadayoo, Kaasaan shaadhba ahayn,

Baabuur aan shidh lahayni, Waa shufeerka curyaanku, Kan yar uu shafka saaree, Shirarka uu ku tegaayo,

Shooki aan cidi joogin, Waa xabaasha shareeran, Iilka yare e ka shisheeya,Rafad:Rafad, waa maanso kale oo uu Cabdillaahi Cabdi Shube ku soo qaadayo waxyaabo badan oo isku rafta, ama lala rafto ama iskoodba meelahaa ugu rafta, waxaanu yidhi:

“Geeraar laabta ku raagayoo, Calooshayda raftoo, Dadkaa ruuxa maqlaa, Qosol uu rafanaayo, Rax bal aan kaga siiyee, Ruux walowba dhegayso,

Rahu haduu biyo waayo, Dhoobaduu ku raftaa,

Inan kaan la rabayna, Edebtuu ku raftaa,

Reer magaale gaboobay, Hadday ruux murmayaan, Budka soo rogan maayee, Walluhuu ku raftaa,

Dilaal saylad ku roorayna, xadhigguu la raftaa,

Rubiyaddaan sarifnayni, Kiishadday rafataa,

Awrkii heeryo ridaa, Haamuhuu ku raftaa,

Ruuxa aan ilko haynini, Hilbuhuu la raftaa,

Nin qabyaalad rasaystayna, Ciil uun buu la raftaa,

Ramad geel ninka maalay, Kibrad buu la raftaa,

Meel rasaastu dhacaysana, Maydku wuu ku raftaa,

Diyaarad riin ka xumaaday-na, Samaday rafataa,

Rabbigay ninka diiday, Ee Rasuulkii ka ordaana, Cadaabtuu ku raftaa,

Wadaad aan ruugin Quraanku, Ruux gunaanadi maayee, Kitaabkuu rogro-gaayoo, Is-na wuu la raftaa,

Nin weyn oon run aqoonna, Xaaskiisa ways la raftaan,

Roob magaalo ku hoorayna, Ramaad soo bixin mayo e’, Laamiduu ku raftaa,

Anna waan shubma-yaayo, Xikmad aan cidi doonin, Iyo hadal baan la raftaa,

Baarlamaan aan run aqoon iyo, Shicibkuna waysla raftaan,”

Qalinkii: Abwaan Axamed Aw Geedi

10 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Suugaan

HHeestan waxa uu abwaanku allifay sannadkii 1995-kii . Waxa uu si dareen hoose leh innoogu sharrax-ayaa in dumarku kaalin muuqata ay kaga jiraan

bulshada dhexdeeda, la’aantoodna aanay suurtowdeen noloshu. Dumarku waa laf-dhabarta bulshada, xagga dhaqanka iyo dhaqaalahaba, waxaanu abwaanku maansadan si miisaan leh innoogu hogo-tusaaleynayaa, waxqabadka haweenku in uu yahay ma dhaafaan.Waxa ay maansadu si qiimo leh u qiray-saa, kartida, aqoonta, hufnaanta iyo xaq dhawrka ay haweenku mudan yihiin. Dhanka kale waxa uu abwaanku xasu-usan yahay in waxa rag is dhaafiyaa ay dumar yahiin, sidaa daraadeed, waxa uu ku duceysanayaa in uu Eebbe siiyo gabadhii uu ku degi lahaa.

Haween maxaan ku diidaaAma kaga durkaa tolow?

Sowtay dorraad galabAnigoo itaal daranDabka ii shideeneeIna soo dugsiyayeen

Haween maxaan ku diidaaAma kaga durkaa tolow?

Sowtay laf duudkiyoDusha sare i saareenDhabarkii dalooshamayCududuhuna daaleen

Haween maxaan ku diidaaAma kaga durkaa tolow?

Sawtay daleeliyoDiif iyo lalleemiyoDacas iiga dhaasheenSareedana i daajeen

Haween maxaan ku diidaaAma kaga durkaa tolow?

Sowtay gabbaan dihinIntey doobi qaateenDabeed ii gobsheeyeenBuqul iiga duugeenDunji dhalanka waayahaHayaanadii isdaba joog Wixii daal la soo marayDadaal kuu rag soo galayDumar baa kabaayooLa duduucay hawshiiNin kastoo dul qaatabaDumar baa bar-baarshooNin kastoo dadnimo lebaDumar baa kabaayooNin kastoo bah deeqabaDumar baa kal-kaalooNin kastoo la doortabaDumar baa u hiishooNin kastoo hal-doorabaDumar baa u liil galay

Haddaan dumar abuurraynDadku may tarmeenooHaddaan dumar abuurraynDirba muu jireenooHaddaan dumar abuurraynFarac muu durkeenooHaddaan dumar abuurraynDuug muu hadheenooHaddaan dumar abuurraynLama kala dab qaateen

Dugsi laga aflaxo iyo

Waa deris ma dhaafaanDunji lagu arooriyoDun tafiiran weeyaanDegel lagu nagaadiyoGallad weeye lagu degoDamal lagu nasanayiyoWaa deeq Rabbaaniya

Sidee baan u diidaa?Sidee baan u daayaa?Sidee baan u deyrshaa?Sideen uba dagaalaa?Dumar waa madhaafaanIyo duugga noloshee

Allahayaw mid diintiyoAhabtaadu deeqdooDerejeysa aayaha

Allahayaw mid diiqiyoDuco waalid sidatooOon loo dar-daar werin

Allahayaw mid deeqlooU dadaasha samahooOon didin goolmoon

Allahayaw mid aan dudinAma aan il dabinooDadku gacal u wada yahay

Allahayaw mid ii daranKaa dooni maayeeEebbow mid daacadaIi door AllahayawMiddii aan ku degi laa

DUMAR WAA MADHAAFAAN

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 11

12 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Quraanka Iyo Saynisk

Buugaagta sayniska ee casriga ahi marka ay qorayaan marxaladaha uu qofku maro muddada uu ku jiro uurka hooyada (gestation period), waxa

ay marxaladaha u qaybiyaan hab tiro ah, oo waxa ay ku xisaabtamaan todobaady-ada uu ilmihu caloosha ku jiro. Tirada ay adeegsadaana waa todobaadka 1aad, 2aad, 3aad, 4aad 5aad, illaa inta laga gaadhayo dhalashada ilmaha, habkaas-ina waa mid aan si wanaagsan loo fahmi Karin. Marxaladaha uu ilmuhu maro inta uu uurka hooyadii ku jiro, waxa uu quraanku u kala qabiyaa habab kala soocan oo la fahmi karo, ama qaabab kala gadisan oo uu ilmuhu maro inta uu ku jiro uurka hooyadii. Alle waxa uu ku yidhi Suuratul Muumin-uun, aayadaha 12-14

“ Waxaan ka abuurnay dadka wax laga soocay dhoobo (12) Markaasaan ka yeelnay dhibic ku jirta meel sugan (13). Markaas-aan ka abuurnay dhibicdii calaqo kana abuurnay calaqadii goosin, kana abuurnay goosintii lafo oon huwinnay lafihii hilib, markaasaan ka ahaysiinnay khalqi kale, waxaa khayr badnaaday Eebaha abuurki-isu fiicanyahay (14). ”Marxaladaha Quraanka ku xusani waa

“Nutfah”, oo macnaheedu yahay “Dhibic ama xaddi yar oo biyo ah”, taas oo noqonaysa manida (sperm) iyo beedka (egg or ova) oo isu taga marka koowaad ee ilmuhu samaysmayo.

“Calaqah”, oo noqonaysa wax u eeg lulume “leech”, xinjir ama wax laalaada. Erayga calaqa waxa uu leeyahay saddex micne oo kala ah :B. Calaqa, mar waa wax laalaada oo meel ku xidhan, waana sharrax sax ah haddii sidaas loo macneeyo, maadaama oo uu uurjiifku ka laalaado raximka hooyadaT. “Calaqa”, macnaha labaad ee ay leeda-hay waa ‘lulume’, oo ah xayawaan yar oo ku noolaada biyaha macaan (fresh water). Professor Moore waxa uu yidhi “Ilmuhu

marka uu marayo marxlada calaqada,

waxa uu u egyahay lulumaha”, muuqa-alada lulumaha iyo calaqaduna waa qaar aad isugu dhaw. J. Calaqa macnaha saddexaad ee ay leeda-hay waa ‘Xinjir dhiig ah’ waana tafsiir sax ah, waxaana la ogaaday in ilmuhu marka uu marayo marxaladan in ay ka dhex dha-caan dhacdooyin cayimani, sida samay-sanka xinjirta oo ku dhex samaysanta marinada dhiigga ee xidhan, illaa ay ka dhamaystirmayaan meertada falgalada jid-hka ilmaha iyo hooyada ee marta xudunta (umbilical cord) oo isku xidha hooyada iyo ilmaha. Xilliga calaqada dhiigga ilmuhu waxa uu ku dhex jiraa marino dhiig oo xidhan, taasina waa sababta uu ilmuhu ugu ekaado xinjir. Dhamaan muuqaaladaas saddexda ahi waxa ay ku sheegan yihiin hal eray oo quraanka ku jira oo ah erayga ‘Calaqa”.

“Mudqah”, oo ah walax calaashan. Ilmuhu marka uu ku jiro marxalada mudqada, waxa uu u egyahay walax calaashan. Pro-fessor Moore waxa uu soo qaaday dhoobo caydhin oo uu dabadeedna afkiisa gali-yay, kadibna waxa uu isbarbardhig ku sameeyay dhoobadii uu calaaliyay iyo muuqaalka ilmaha oo marxaladan u eg walax la calaaliyay. Moore waxa uu ku soo gabagabeeyay tilmaantiisa in ilmuhu marka uu marayo marxaladan mudqada, in ilmuhu dhab ahaan leeyahay muuqaal u eg walaxda calaashan.

Mudqadan waxa uu Alle sii raaciyay tilmaan ah in badhkeed abuuran tahay badhna aanay abuurnayn, , waxaana sawirka mudqada marka la fiiriyo la arkaa in xubnaha qaarkood ay samay-smaan( abuurmaan) xilliga mudqonimada, halka xubnaha qaarkoodna aanay weli samaysmin. ‘Cidaam”, oo uu macnaheedu yahay lafo (bones), waxaana la yaqaanaa in lafuhu ay ku dhex samaysmaan cufka mudqada u eeg. “Kisaa ul cidaami bi laxm”, oo uu macna-heedu yahay lafaha waxa la huwiyaa hilib.

“Nashaa’, oo ah abuuritaan dhamaystiran oo ilmeed.

Professor Moore waxa uu ogaaday in qay-bintan uu quraanku qaybiyay marxala-daha uu ilmuhu maraa ay dhab ahaan ku qotonto marxaladaha kala gadisan ee uu ilmuhu maro dhalashada ka hor. Moore waxa uu ogaaday in qaybintani ay bixi-nayso sharraxaad cilmiyeed oo qurxoon, oo la fahmi karo isla markaana la arki karo. Lakabyada Ilmuhu Ku JiroQuraanka kariimka ahi waxa uu 1400 sano ka hor ka warramay madawyada saddexda ah, ee kala sarreeya, ee uu Ilmuhu ku jiro xilliga uu ilmuhu yahay uurjiifka aan wali dhalanin. Ilaahay waxa uu ku yidhi suu-ratu Zumar Aayadda 6:

“Wuxuu idinka abuuray naf kaliya (Nabi Aadam) makaasuu Eebbe ka yeelay (ka abuurey) xagga Aadam haweenaydiisii (Xaawo) wuxuuna idiin soo dejiyey sid-deed nooc oo xoolaha ka mid ah, wuxuuna idinku abuurey uurka hooyadiin abuurid ka dambeyso abuurid saddex mugdi dhex-dooda, saasna waxa yeela Eebbaha idin barbaariya, isagaana iska leh xukunka, Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, ee xagge la idinka iili (6). ”Maxay kala yihiin saddexdaas madaw ee uu Ilaahay dadka ku abuuro markay ay ku jiraan dadku caloosha hooyooyinka? Saddexdaas madaw waxa ay kala yihiin :Daboolka uur-ku-jirta (Abdominal cav-ity) oo ah lakabka u soo sarreeya sadexda madaw ee ilmuhu ku jira. Daboolkani waa moqorka ubucda, waana ka ilaaliya kelyaha, caloosha, midhicirada, iwm. Madawga labaadna waa riximka (makaanka, ilmagaleenka) hooyada (uterus, womb). Ilmuhuna waxa uu ku dhex jiraa riximkaas hooyada. Madawga saddexaadna waa mandheerta (placenta) oo uu ilmuhu ku dhexjiro. Waxa lakabkan ku sii dhex jira dareere loo yaqa-ano “Amniotic Fluid”, oo ilmaha ka ilaaliya cadaadiska iyo naxdinta

Sharraxaadaha uu sayniska casriga ahi ka bixinayo daboolada ku hareeraysan ilmuhu, waa qaar 100% waafaqa sharrax-aada quraanka.

Marxaladaha Beermitaanka Ilmaha (Stages of Creation or Implantation)

Qalinkii :saciid maxamuud gahayr (hargeysaawi)

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 13

Qiimaha Suugaanta Iyo Ma Hadhadda AfkaQalinkii:Mawliid Aadan Biixi ,

E-mail : [email protected]

Suugaan

14 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Caafimaad

Sida aynu wada ognahay qofwalbaana garan-karo caafimaadku waa aasaaska koowaad ee nolosha,isaga ayaanay ku xidhan-

tahay hurumarka dhinacyada kaladu-wan ee aadamuhu sameeyo inta uu noolyahay isaga la’aantiina aanu waxba qabsankarin,mustaqbalkiisuna uu mugdi ku jiro ilaa inta uu Illaahay ugu deeqayo caafimaad kaas oo ah nimcada ugu wayn ee illaahay qofka ugu deeqo marka laga yimaado nimcada islaamka iyo iimaanka. Hadaba sida ay inafarayso diinteena islaamku waa in aynu ku mahad naqno nimcooyinkaa faraha badan ee aynaan soo koobi karayn islmarkaana aynu ilaalino si aanay inooga tagin, Intaa marka laga yimaado caafimaad daradu waxa ay ka mid tahay waxy-aabaha uu Illaahay ku imtixaano addoomihiisa waxkastaaba marka hore sabab ha u noqdaane ,iyadoo sidaa aynu tilmaanay illaahay keeno cudu-rada sidoo kalena waxa uu inoo soo raaciyey cudurkasta daawadiisa. Iyadoo diintu ina farayso in aynu is daaweeyno laakiin aan laysku daawayn waxyaabaha muxaramaadka ah ee aanu islaamku ogolayn,balse laysku daawayn karo waxyaabaha kale ee faraha badan ee aanay diintu mamnuucayn. In badan oo ka mid ah bulshadeenna ayaa waxa ay la liitaan xanuuno kale duwan,dadkaa ayaa waxa ay isugu jiraan qayb kasta oo ka mid ah bulshada sida Carruurta, Dumarka ,iyo dadka waay-aynba iyada oo dadkaasi ay u badan yihiin dad sabool ah oo aan daawo iska daaye laga yaabo in nolol maalmeed-koodu cidhiidhi ku jiro ayaa hadana waxaa dadkaasi suuq u noqdeen warsha-daha daawooyinka kale duwan soo saara ee ku yaala daafaha dunida kuwaas oo intooda badani ay soo saaraan daawoo-yin tayadoodu ay aad iyo aad u liidato oo waxay tarto iska daaye iyada xanuun kale laga qaadayo ,taas oo bulshada bukaanka ah badidood dhaxalsiisay cuduro loo caalwaayay iyo kuwo daba dheeraaday oo la hadhay mustaqbalkii noloshooda iyo kan waddankooda ay wax ugu tari lahaayeen illayn dalkasta

waxaa horumariya tayada iyo cududa ay dadkiisu leeyihiine.Inbadan oo ka mid ah ganacsatada daawooyinka ka ganacsada ayaa waxa ay daawooyinka uga soo daabulaan sidii raashinka oo kale warshado daawooy-inka ay soo saaraan tayadoodu aad u hoosayso iyaga oo eegaya kana fikiraya macaashka ay macaashayaan oo kali ah balse aan wax ahmiyad ah siinaynin tayada ay leedahay daawooyinka ay keenayaan iyo meesha ay ka keenayaan toona, iyagoo had iyo jeer macmiil u ah warshadaha daawooyinka qiimahoodu hooseeyo ee ugu tayada liita adduunka, sida warshadaha daawooyinka soo saara ee ay ka mid yihiin wadamada India, Pakistan, Bangladesh iyo kuwo kale,Sidoo kale waxaa iyaguna xaaladda uga sii daray goobaha tirada badan ee lagu iibiyo daawooyinka oo iyagu sidii Dukaamadii oo kale uga dhex furan xaafadaha kala duwan ee magaalooy-inka dalka,kuwaas oo marka aad u kuur gasho intooda badan xataa meesha ay ka jiraan aanay ahayn meel daawo lagu kaydin karo ,waxa kale oo intaa dheer dadka ka hawl gala goobahaas oo aan badidoodu lahay aqoon ku filan. Si kastaba ha ahaatee waxaa marba marka ka dambaysa wadankeena ku sii kordhaya cuduro kale duwan oo aynaan hore u arki jirin kuwaas oo ay la liitaan in badan oo ka mid ah dadka ku nool waddanka, iyadoo sababaha ugu waawayn ay ka mid tahay daawooyinkaa aanay tayadooda waxtareed haboonayn kuwaasi oo xaaladda uga sii daray korna u qaaday heerka caafimaaddarro ee bulshada.Sidaasi oo ay tahay ayaa waxaa loo baa-han yahay dhammaan bulshada dalka ku dhaqani in ay si isku mid ah uga hortagaan iskagana ilaaliyaan istic-maalka daawooyinka kale duwan ee ay iibinayaan farmasiiyada sida tukaamadii oo kale goob walba uga furan.farmasi-iyadaas oo aan wax mas’uuliyad ah iska saarayn caafimaadka bulshada isla-markaana ay ku xidhnaadaan dhakhaati-irta si ay u dhawraan caafimaadkooda oo ah wax aad iyo aad u qaali ah. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dawladda gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran caafimaadka,ganacsiga iyo waliba

hay’adda dhawrista tayada ee Somalil-and in ay si wayn isaga xilsaaraan una xakameeyaan guud ahaaan waxyaabaha kala duwan ee wadan ka soo galaya gaar ahaan daawooyinka oo iyagu muhiimad gaar ah leh kuwaas oo si xad dhaaf ah ugu soo qulqulaya dalka iyaga oo eegaya waraaqaha caddaynaya meesha laga keenay daawooyinkan iyo waliba kuwa caddaynaya tayada iyo waxyaabaha ay ka kooban tahay daawadu si loo dhawro caafimaadka bulshada taagta daran ee suuqa u noqotay daawooyinka taya-doodu liidato ee ka soo baxa warsha-daha heerkoodu hooseeyo ee ku yaala wadamadaa aynu soo sheegnay iyo kuwo kale oo badanba.Sidoo kale waxaa muhiim ah in daawada marka ay ka soo gasho dalka ka dib lala socdo halka ay ku dambayso sida meelaha lagu kaydiyo iyo meelaha lagu iibiyo labadaba ,iyadoo marka daa-wooyinkaa wakhtigoodu dhaco laga soo ururiyo suuqyada si aanay ugu gudbin bulshada oo aanay waxyeelo ugu gaysan.Ugu dambayntii waxaan hambalyo u dirayaa dawladda gaar ahaan wasaarada caafimaadka oo iyadu dhawaan bilaw-day qorshe ay liisano ugu samaynayso farmasiiyada kale duwan ee dalka gaar ahaan caasimada Hargeysa balse waxaa loo baahan yahay in qorshe kaa ka wayn lagaga hawl galo iyada oo la hubinayo goobtu inay tahay meeshii ku haboon-ayd kaydinta daawada iyo in ay ka hawl-galaan shaqaale aqoon caafimaad leh gaar ahaan cilmiga daawooyinka ee loo yaqaano (pharmacology) islamarkaana ay diyaar yihiin dhammaan qalabkii looga baahnaa kaydinta daawada.waxaa kale oo xusid mudan dawladda hoose ee caasimadda oo inta tamarteeda ah soo ururisa waxyaabaha dhaca oo ay daawooyinkuna ka mid yihiin balse baaxadda hawshu ay ka balaadhantahay una baahan tahay hawl gaar ah, waxaa kale oo aan ugu baaqayaa hay’adda sida gaarka ah ugu xilsaaran arrintan in ay si wayn oo ay masuuliyadi ku jirto uga hawlgasho arrimahan iyaga oo gudanaya waajibaadka ka saraan dad-kooda masakiinta ah ee la daalaa nolol maalmeedkooda.

Xakamaynta iyo dhawridda tayada daawooy-inka ee waddanka soo galayaa waa mid u baahan fiiro gaar ah

Qalinkii : Mohamed mawliid nour

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 15

16 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Waxbarasho

Imtixaan waa imtixaan haddii xataa lagu waydiinayo maga-cagaaga. Imtixaanku wuxuu muujiyaa in aad dadaal samay-say ee aad nafta ku hawshay akhris, qoraal, fahmid, xafidid,

ku celcelin, iwm. Geelaa loogu heesaa “ninba tacabkii, togaay kaa maal”. Mas-kaxdu waxay dhiiqdaa hadba intii hawl la galiyay. Carabtaa waxay yidhaahdaan

“weel kastaa waxaa ka soo burqada waxaa gudihiisa ku jira”. Waa Maxay Ujeedada Imtixaanka Loo Qaadaa? Aqoonta looma barto imtixaan, sidoo kalena imtixaan la’aan aqoontu ma xasisho. Culimada Fahamka Islaamka ayaa waxay yidhaahdaan “haddaanay jirin ‘waayo’, dameerkuba wuxuu noqon lahaa mid fahamkiisu dheer yahay oo cilmi badan”. Haddii aan imtixaan jirin lama kala sareeyeen, saaqid iyo xariifna qaamuuskaba kuma jireen. Mar waa mas-kax-carin, marna waa tartan, marna waa guubaabo. Hase yeeshee imtixaanku ma ujeedadada wax loo bartaa? Maya. Aqoontu maaha imtixaan kaga gudub uun. Bal dib u eeg maado kasta ood u baratay si aad imtix-aan ugaga gudubto. Marka aad imtixaanka maadadaa ka soo baxdo hal saac ka dib haddii imtixaan labaad lagaaga qaado, waxaa xaqiiqo ah inaanad u garanayn sidii hore, iskaba daa haddii ay maalmo, bilo ama sannado ka soo wareegaane. Mar haddiiba niyadaada ay ku jirto imtix-aanka kaga gudub, waxaa aad akhriyayso maskaxdu waxay dhigaysaa kaydkeeda ku meelgaadhka ah una gudbin mayso kaydka waarista ee mudada dheer. Haddiise ay kaa tahay aqoon kasbasho iyo inaad naftaada, qoyskaaga, iyo ummad-aadaba ku anfacdo haba yaraadee wuxuu u gudbi qaybta maskaxda ee kaydka waaraya. Taasaana ta kugu hadhaysa, hadhawna aad cidkale u sii gudbin karto. Waa Maxay Talaabooyinka Togan Eed Qaadi Kartaa SI Aad U Diyaar garawdo?Inta aanad imtixaanka gelin waxaa kuu taala hawl badan. “nin la sugayoow adna yaad sugi”. Goorma ayaad bilaabaysaa diyaar garawga imtixaanka? Ma maalinta imtixaanka? Ma wiig ka hor? Ma Bil Kor? Mise? Eeg qodobadan hoos ku qoran oo kaa kaalmaynaya sidii aad u diyaar garoobi

lahayd. 1. Diyaar garawgaagu haka bilaabmo maalinta aad casharka soo dhigataba. Sida in badan ardaydu ay yeelaan, ha sugin inta imtixaanku kabaabiga ku soo saarayo. 2. Garo qaybaha ugu muhiimsan ee darsiga aad imtixaanka u galayso. Ha is dawakhinin, hana qaybin buug dhan kor iyo kal sida dadka qaar sameeyaan. Darsi karta wuxuu leeyahay gobo’ iyo nuxur. Had iyo goor nuxurka ku tuntuunso, faahfaahintana adigu ku darso markaad imtixaanka timaado. 3. Isku day inaad saadaaliso su’aalaha suuro gal ah in lagu waydiiyo. Haddaad adigu macalin ahaan lahayd, oo aad maadadan imtixaankeeda qaadi lahayd maxaad ardayda waydiin lahay. Ka soo qaad in imtixaankaagu adkaan lahaa. Su’aalahaas aad ardayda mala awaalka waydiisay, waxaa suuro gal ah inay noqdaan ugu dhowaan inta ugu badan ee imtixaanka.4. Habeenka imtixaanka ka horeeya ha soo jeedin si aad hurdo wanaagsan oo kugu filan u hesho. Ardayda qaar baa wax akhriya iyaga oo luloonaya. Waa bar kuma taal. 5. Goobta imtixaanka kaalay wakhti ka hor si aad ula sii qabsato Sideed Imtixaanka Ugu Guulaysan Kartaa? 1. Na nixin, ha werwerin, hana wal-bahaarin. Waxaa lagu waydiinayaa waa wixii aad soo dhigatay ee aad soo diyaari-say uun. 2. Aamin, kalsoonina ku qab inaad garanayso waxaa lagu waydiin doono 3. Iska fogee buugta, waraaqaha, iyo wax kasta oo keeni kara in lagaaga shakiyo qish iyo khiyaamo. 4. Marka warqada laguu dhiibo, bisinka Allah ku bilaw intaanad wax kale qaban, magacaana ku qor. 5. Akhri tilmaaha dhammaan qay-baha imtixaanku ka Kooban yahay si aad u ogaato inta laga shaqaynayo, inta laga tagi karo, kuwa khasabka ah in laga shaqeeyo iyo wixii la mida. 6. Bilaw ka shaqaynta adigoo ka bilaabaya hadba su’aalaha aad hubto jawaabtooda 100%. Marka labaad ee aad ku soo noqoto ka fikir kuwa aad wax ka garato waxna ka garan waydo. Marka aad kuwaas dhammayso u kaalay kuwa kugu adkaada.

7. Waligaa meel madhan ha ka tagin. Ereyada, iyo weedhaha meesha ku yaal inta aad dhuuxdo haddii aanad xasuus-nayn jawaab saxa isku day inaad qiyaas xikmadaysan samayso waxaaba la arkaa inaad ku guulaysato ee. 8. Waydii macalinka ama cidda ilaa-linaysa haddii la ogol yahay weydiin. 9. Ha degdegin, hubi inaad dhamay-say, inaad saxday iyo inaad jawaabaha wada dhamays tirtay. 10. Marka aad hubiso inaad wax walba dhammaysay ilaahay la kaasho, ha walwalaacin si aanad su’aalo isaga qaldin. 11. Ha werwerin hana degdegin haddiiba ardayda qaar kaa hor dhamayso, waayo iskuma xidhnidin ee adigu wakhti-gaaga uun ilaasho inaanu kaa dhicin. 12. Mar labaad hubi inaad magacaaga, iyo wixii kale loo baahnaaba ku qortay. GunaanadArdayga wanaagsani waxbarashada hadaf buu ka leeyahay, ee kama aha qayrkaaba wuu bartaaye adna samee. Marka ay sidaa tahay ma noqonaysid imtixaan-u-noole. Imtixaan-u-noolayaashu way dhayal-sadaan waxbarashada, way iska baashaa-laan, marka dambana werwer, walbahaar iyo qulub ayaa u dhammaada. Waxaad arkaysaa goobta imtixaanka iyada oo ku soo hagaagi la’. Ardayga ujeedo wax u baranaya ee soo diyaar garoobayna waxaad arkaysaa isagoo hore u galaya goobta, buugta iyo wara-aqaha iska fogaynaya, diyaarna u ah inuu cariyo maskaxda iyo xusuustiisa. Wuxuu filayaa inuu garanayo su’aalaha la waydiin doodon. Ha noqon dadka werwera ee maskaxdu ka lunto marka goobta imtixaanka la yimaado. Is deji naftana u sheeg inaan mushkiladi jirin ee wax aad garanayso uun lagu waydiinayo. Noloshaada iyo wakhtigaagaba qofshee si ay suuro gal kuugu noqoto inaad diyaar garawdo inta aan imtixaanba kuu iman, maalmaha imtixaankana waa inaad xooga saartaa meelaha muhiimka ah, waa inaad is imtixaantaa adiga oo odorosaya su’aalaha kuu iman kara, jawaabna u raadinaya. Allah waxaan ka baryayaa inuu imtix-aanada dunida iyo kuwa aakhiroba inoo fududeeyo.

Sideed Ugu Diyaar Garoobi Kartaa Uguna Guu-laysan Kartaa Imtixaanada?“Qalinkii: Cabdiraxmaan Cali Xirsi

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 17

Qalinkii : Axmed C-laahi Aaden ( Shacbaan ) Email: [email protected]

Milgaha guurka

diinta iyo nolosha

Marka inanka ama inantu uu koro ee uu gaadho ama ku dha-waado qaangaadh waxa saameeya shucuur iyo dareen u jiidaya

dhinaca jinsiga kale waxa maskaxdiisa ku soo noqnoqda ka fikirka hawshaa iyo sawirashada qaabka uu u ekaan karo ruuxa nolosha kula wadaagaya sawirkaa isaga ahi intabadan waaqica iyo xaqi-iqda waa ka fogyahay , rag iyo dumarba waxay sawirtaan qof tilmaamaha wanaagsan aan loo miyinsifakastoo wanaagsan la siiyay sifakaste oo xunna laga ilaaliyay , waxa uu ku mala awaalaa nolol aad u qurux badan oo lafta laga guray oo haba yaraatee wax dhibaata ah aan lahayn waa nolol xaga khayaalxigta lakin maalinta uu goosto in uu hore u qaado haltallaabo oo uu guursado wax badan oo uu ka fikiri jiray wuu ka tanaa-sulaa waxa uu ku soo ururiyaa wixii suurta gal ah .Dhinaca kale qofka da.yarta ah hadiiba uu maqlo cid guur ka hadlaysa ama uu arko meel lagaga hadlayo aadbuu u daneeyaa.Duruufahan soo kordhayee ah qaali noqodka guurka cidda ugu badan ee uu saamaynayaa waa da,yarta , inantii uu waligiiba eeganayay marka uu wax gooya waayo ayuumbaa mid waxoogaa haystaa ka horqaadaa muraaradillaac baa u dhamaada ama wuu madluumaa amaba waxa uu goostaa in uu tahriibo .Sirtaguurka : ( ujeedooyinkiisa ) 1. U hogaansanka abuurka ilaa-hay , 2. waayo qofkastaa waxa uu ku abuuranyahay in uu guto dareenkiisa oo uu ku guto si xalaal ah ,cirka iyo dhulka ayay isu jiraan midka xaaraan doonka ah ee huluulaha galaya ee baqaya shimbirta dulduusha ayuu ka naxayaa waxa ka sii dambeeya macaasida iyo mugdigeeda waxa intaba ka sii daran waxan uu samaynayaa waa wax ehelkiisa ka go,an hadaanu ka toobad keenin waxa lagu

beegaa mid la mid ah waxa ilaahay yidhi : ka xumaanta iyo sinada lagu yaqaanno ma guursado mid lamid ah mooyee ama mid mushrikad ah , qofka dumarina waa la mid . waxa uu yidhi nin gabayaa ahi : Ninka inan ma gaydaa golqaniin ku maalee gurrac kaga danaystaw dan-bigaad galaysiyo gashigaad cunaysaa ruuxuu ka go,anyahay gabadhaada waayee godobtaad falaysiyo gashigaad cunaysaad galab kale kasheekayn,Halka ka xalaal doonka ahi uu dadka u yeedho kaadhadh ayuu daabacaa mashxaradda iyo durbaanka ayaa is qabta farxadda ayaa labadooda lala wadaagaa ducada ayaa afka iyo uurkaba laga simaa , ictiraafka ugu horreeya ayaa la siiyaa marka uu maqlo gurigii hebel isagaa xataa u qaadan waaya mala ka la sheegayaa adiga maaha, markaa iyo marka ilmo u dhasho wuu la qabsan-waayaa in uu aabo yidhaahdaa way ku adkaataa ilayn aabo ma soo ahaan jirin e , waa lagu xididayaa hadii uu xigaal hore u lahaa imika xilbaa soo kordhay xididna wuu yeeshay in uu is ururiyaa waa daruuri , waana laysku ogyahay oo waa laga waraysanayaa reerkii ka waran?

, xaaskii uur ma yeelatay?ma umushay? Maxay umushay ? ciyaalku waa imisa ? maxay kala yihiin ? .Waa suaalaha nolosha inay kaa had-haanna marada haw golayn ,hadii alle ku daayo xaasasku waa imisa ? caruurtii imisaa reer yeeshay ? yayka guurasadeen ama yay u dhexeen ? iwm .2- IN BINI AADAMKU SII JIRO: waa habka kaliya ee alle wayne ugu tala galay in noloshu sii socoto oo tafiiriba ta kale ka dhaxasho nolosha ,tacmiirta arla-duna ayna is dhimin , la helo dad ilaahay caabuda , sidaa awgeed ayaan marna la qasaarin guurka waxayna soomaalidu tidhaa : wax lagu talo xumoobo guur-baa u fiican , waayo waa guri islaam oo dhismay , waa cibaado ajar kaaga socdo marka ay xalaal isku arkaan , hadii ilaa-hay ilamo kala siiyana waa dhawr xaal mid uun :

In aad adigu ka hor xijaabato oo uu kuu soo duceeyoAma in uu kuu saqiiro oo ceelalyo kuu noqdo iyana waa faaiido kale , axaadi-ithta waxa ku cad in labadiisa waalid isku mar ay maalinta qiyaame uu u shafaaco qaadayo . Ama inta uu ka kacaamo ayaa xoogiisa loo aayayaa waase hadii alle hagaajiyo .3- DIINTA DHAMAYSTIRKEEDA :qofku rag iyo dumarba marka uu guursado waxa uu dareemaa daganaan , masuu-liyad , waayeelnimo , mid is yeelyeela mooyee inta kale way dagaan dantooda ayay gartaan , sidaa awgeed waa dawo dhanwalba ah , waxa ka sugan rasuul-keena ( scw) xadiith xasan ah : ninka guursadaa waxa uu buuxsaday diintiisa badhkeed badhka hadhayna ilaahay hakaga baqo .4- INAAD BADISO UMADDA NABIGA :Sida ka sugan nabigeenna ( scw) guursada gabdhaha kuwooda dhasha badan raggoodana jecel maxaayeelay waxan idinkula tartamayaa ummadaha maalinta aakhiro .Qofkasta oo guursadaa waxa uu ka qaybqaatay sidii umadani u badan lahayd, badashada la rabaana waa xaga tirada iyo tayada labadaba , horana waa loo yaqaannay maantana aad baa loo gartay qiimaha ay tiradu leedahay , waxa horteena yaalla tusaale cad oo ina tusaya sida loogu tartamayo faraha ibnu aadamka waa ta keentay in maraykan sannad walba kumanaan dad ah uu caalamka kasoo waarido , waa waxaugu wayne aduunka ugu harqiyay wax-soosaarkiisa ka ilaa uu cidhiidhsaday kaalmaha hore xaga dhaqaalaha iyo cududa milatariba .Intaa iyo in kabadanbuu guurku leeya-hay ee yaan dhalinyarooy loo daymo la,aan .La soco ….Alle hayna ilaaliyo adduunka oogadiisa iyo uurkiisa iyo aakhiraba .

18 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Waxbarashada

Faaiidooyinka Akhriska

Ilaahay ayaa mahadleh, Aada-maha baray waxaanay aqoon, una furay dariiq ay ku korodhsadaan cilmigooda,u hibeeyay caqli ay ku kala gartaan xaqa iyo xaqdarrada.Waxa aan qalinka warqadda u

duldhigay si aan kalmad kooban uga qoro ahmiyada iyo qiimaha akhriska aniga oo kala dooranaya kalmadaha waxa aan isku dayayaa in aan sikooban uga hadlo muwduucan ah Akhriska, markii aan arkay in aanu halmaqaal koobayn faai-dada akhriska ayaa waxaan ku gaabsaday kelmadahan kooban.Kalmaddii kowaad ee ku soo dagtay Nebi muxamed (scw) waxa ay ahayd“akhri”, taas oo ku tusinaysa qiimaha uu akhrisku ugu fadhiyo qofka muslimka ah.Quraanku waxa uu ka koobanyahay In ka badan 77kun oo kalmadood lakiin Ilaahay waxa uu u doortay kalmadda “akhri” in ay noqoto kalmadii koowaad ee soo degta quraanka.Akhriska waa shay dadka badankiisu ay u yaqaanaan kaliya magic ahaan lakin mac-naha ayaa ka ballaadhan sida la moodayo.Akhriska waxaan uga jeedaa qofka oo akhriya macluumaad uu ku siyaadsanayo aqoontiisa sida buugaag laga qoray fanni-yada kala duwan, wargeysyo, iyo bogagga internetka ee lagu ururiyo aqoonta guud.Akhrisku waxa uu ka caawiyaa qofka in uu xalliyo mushkiladiihiisa, inuu u fikiro si taban,akhriska waxa aad uga qiyaasan kartaa waxa dhacaya Mustaqbalka adiga oo eegaya waxa hore u soodhacay iyo

taariikhaha isi soocelcelinaya, umajeedo in aad QAYBKA ogaan kartolakin waa in aad qiyaasi kartaa sida ay wax u socdaan iyo xagay u socdaan.Akhriska waa astaanta aad ka garankarto qofka aad la dhaqmayso inta ay gaadh-siisantahay aqoontiisu, taas oo aad ka dareemi karto qofkaas Saqaafada iyo aqoonta uu xambaarsanyahay.Waxa jira tusaalayaal farabadan oo aynu u soo qaadan karno ahmiyadda uu leeya-hay akhrisku, laga soo bilaabo markii Aad-amuhu bartay akhriska waxna la qoray ilaa manta oo la joogo casrigii technology-da waxa ummadaha ku jiray dadka aqoonta-lahee waxna akhriya,.

Akhrisku waxa uu qofka aadamaha ah siiyaa isku dheelitirnaan xaga Aqoonta ah , waxaanu qofka hantisiiyaa garaad iyo garasho badan, oo uu kaga duwan yahay dadka aan waxba akhriyin .Akhrisku waxa uu siiyaa qofka labaatan-jirka ah caqliga 40 jirka sababtuna waxa ay tahay qofka oo koobsanaya Aqoon , dhaqan, iyo waayo aragnimo farabadan isaga oo adeegsanaya akhriska kuttubta kala duwan ee laga qoray dhinacyada kala duwan ee nolosha.Tusaale marka aad akhrinayso kitaabka

“Albidaayah wa nihaaya” ee taariikhda ah waxay ka dhigtahay in aad korodhsatay aqoon guud oo ku saabsan dadkii noolaan-jiray laga soo bilaabo bilawgii nolosha ee dhulka guudkiisa illaa laga soo gaadhayo waqtigii u markaas joogay sheekha qoray

kittaabkan ,

Haddaba kalmadahan kooban ee aan soo qoray waxaan uga jeedaa baaq aan u jeedinayo ummadayda inta aan akhriyin aqoonta guud ee ku kooban manhajka uu raacayo inta ugu qoran oo ah kaliya fure lasiinayo qofka si uu cilmigiisa u koro-dhsado , In ay akhriyaan kuttubta kala duwan korodhsaadanna aqoontooda, ka war hayaan koboca maskaxdooda, kor u qaadaan garashadooda. Culimadii soo martay taariikhda Islamka waxa aad arki kartaa In ay qiimaha ay u hayaan akhriska iyo waqtiga daraaded in ay qaarkood keensanjireen cid wax u akhrida inta ay u fadhiyaan waysada,Haddii aynu tusaale dhaw u soo qaadano culimadii waawaynaa ee Islamka soo maray waxa aynu arki karnaa in qaarkood ay wax akhriyijireen iyaga oo saran awrkooda, ama lugaynaya dariiqa , ilaa ay culimada qaar gaadheen in ay wax akhriyaan iyaga oo fadhiya xafladdii arooskooda,.Haddi aynu inyar ku noqono oo aynu tusaale u doonano culimadii Islamka soomartay:Imamkiiwaynaa ee Imam Muslim ee qoray kittaabka saxiix al muslim(saheeh Elmus-lim), waxa uu dhintay isaga oo wax akhri-naya, taasi waxa ay ku tusinaysaa sida uu u jeclaa akhriska iyo in aanu cilmiga cidlo ka helin ee uu u tabcay.Taariikhyankii la odhanjirray Khadiib Al Baghdadi waxa uu wax akhriyijiray isaga

“Qalinkii: Maxamed C/risaaq,

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 19

Waxbarashadaoo soconaya.

ElJahidh oo ahaa nin xaga luuqada ku caan ah, waxa uu u hoyan jiray maktabaddiisa iyo kuttubta dhexdooda ilaa markii danbe la helay isaga oo ay ku soo duntay kuttubtii uu isagu qoray, halkaasna uu ku dhintay.!Ragaas aynu soo sheegnay iyo rag kale oo badan waxay ay fahmeen qiimaha Akhriska, taas oo sabab u noqotay in magacoodu jiro ilaa manta oo cilmigoodii uu ina anfacay,. Wax ayay akhriyeen , fah-meen , kuna camal faleen, waxa aanay kor u qaadeen nafahooda iyo ummadooda waxa aanay inooga tageen wax wayn oo aynu tusaale kadhigano.

Akhriska iyo waxtarkiisu ma aha wax aan ku soo koobi karo halmaqaal iyo labo-toona , qalinka oo khadku kadhamaado mooyaane , faa idada akhriska maaha wax kooban oo hadal koobayo.:

Akhrisku waxa uu faaiido u leeyahay caafimaadka sida ay caddeeyeen diraasado badan oo la sameeyay,Akhrisku waxa uu la dagaalamaa warwarka iyo walbahaarka.Akhrisku waxa uu Ilaaliyaa wakhti ku lumi lahaa waxba la’aan.Akhrisku waxa uu qofka ka caawiyaa sidii diinta wax u gabaran lahaa una gudan lahaa waajibaadkiisa cibaado si sax ah.Akhriska waxa uu ka caawiyaa Ummadda in qofkaastaa hawshiisa sida u fiican u qabto hawlkarnimona muujiyo.Akhrisku waxa uu qofka baraa sabirka.

Maxay kayidhaahdeen culimada Islamka iyo kuwa reergalbeedku Akhriska:

“Cilmigu waxa uu ku jiray laabta raga (culi-mada iyo aqoonyahanka), kadib waxa uu u gudbay kuttubta, furihiisuna waa gacmaha raga (akhriska),”

Imam Shatby“Magaranayo saacado noloshayda igaga farxad badnaa waqtigii aan ku qaatay kut-tubtayda dhexdooda. “ James ShirleyWaxa la waydiiyey Imam bukhari dawada xifdiga waxa uu yidhi : waa Indhaha oo lagu badiyo akhriska.

“Adduunka ma jiro waddan horumarayaa ilaa uu ku bixiyo kuttubta lacag ka badan tau u ku bixiyo xanjada.” Albert Hubbard Waxa la i waydiiyey yaa hoggaaminaya Adduunka? , waxa aan ugu jawaabay : cidda garanaysa sida wax loo akhriyo. Voltaire

20 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

xikmad

Waxa uu ahaa miskiin sabool ah oo aan waxba hay-san mood iyo nool midnaba, iskama furo iskamana

faydo hadii laga tagi waayo waa ma qadaa ma dhargaan. Calafkiisu waa kolba halkii Alle luqmad maalintaa uu culquunto ka siiyo. Ehel iyo aqrab toona male aabbe iyo hooyo daa hadalkood. Busaaraadii iyo basanbaaskii adduunka kolkuu xamili waayey ayaa uu maalin maalmaha ka mid ah waxa uu u tagey nin ay aqoon isu lahaayeen waayo hore oo sub-agga iibiya waxana uu wediistay saaxiibkii kolkii uu u xaal waramay ka dib in uu u dhiibo tanag subag ah si uu masaariiftiisa ugala soo baxo, lacagta subagana isaga soo celiyo. Salaaddii subax markii fooda laga qaaday ayaa uu waxmahaystihii is daru-uray si uu subagii daynta ahaa u soo iibsho. Adduun hawli kama dhamaatee baxdo iyo dhacdo waxa uu wareegaba soo koobayna intii aqal ee ay magaalaadu ka koobnayd isaga oo ku dhawaaqaya “Waa sixinkii saa-figa ahaa ee laga lulayga ahaa” nasiib darro waa uu waayey cid kaam tidhaahda. Daal, dakaan, dacas iyo darxumo isaga oo la diifaysan ayaa uu gataati dhacay oo uu hurddo meel kula ciiray isagoon bir iyo bestoona doonayn. Hurdo dakhartii horeba tanagii subaga ahaa oo ay libidhadu dhalaaalisay ayuu lugta ku dhuftay halkaasoo subagii ammaanada ahaa dhulka afka daray. Ninkii subaga lahaa ayaa loo sheegay in subagiisii uu ninkii saboolka ahaa ee uu u dhiibay daadshay oo subag iyo lacagi toona aanay u soo soconin, isla markii inta uu budh weyn soo qaatay ileyn lexejeclo waa sune ayaa uu siduu u raadinayey helay miskiinkii oo gidaar fadhiya tanagii oo

madhanina horyaallo. Kamabuu hadline waxa uu ku miisay budhkii uu sitay oo uu sida dhibica roobka ugu darandooriyey. Meel nool isagoon miskiinkii lahayn oo uu meyd ahaan uga tegey ayuu iskaga dhaqa-aqay labo calina isma weydiinin waxa ku dhacay dulmanahan la quudhsaday. Gaajadii iyo harraadkii uu waayey meel uu uga ciirsado waxaba kaga sii darnaatay dhibta iyo hagardaamada uu subaglihii u geystay. Qalas waa uu riyooday waxaanu ku riyoo-day wixii maskaxdiisa iyo maankiisa ka guuxayey ee ahaa arsaaqadiisii xaga ay qabatay… miyaan Alle waxba kuu qorin adduunyada? Goormad rafaadka iyo raxanraadkan ka baxaysaa oo aad kol uun haakah odhan? Waa su’aalaha uu is weydiinayo... Waxa uu ku riyooday tiiyoo samadu sida ay u dhantahay ay ka soo jeedaan kaagag ama beebab midna aanu mid Af le e’kayn. Qaar aad u Af waaweyn, kuwo meel dhexaad ah, kuwo aad u af yar iyo kuwo afkaba ka qafilan oon meel wax soo mara-anba lahayn, waxaana la tusay in qof kasta oo adduunka korkiisa ku nooli uu leeyahay mid ka mid ah beebabkaas ha afweynaado, ha af yaraado amaba ha oodnaadee. Nasiib daradiisa Qalas kii isaga ku beegnaa waa uu dahaadhnaa oo afkaba waa uu ka xidhnaa. Nuxurka macnaha ay riyadu xambaarsan-tahay waxa uu tilmaamayaa in ninkani aanu arsaaqaba lahayn maadaama beeb-kiisiiba afka ka xidhanyahay, waa sida uu ku hawaawiraye. Dadkaba muuminkaa la dhibaaye Qalas oo quus ka jooga adduunyada ayaa dhabada cagta saaray isagoon garanayn meel uu ka jeedo iyo meel uu u jeedo toona. Sidii uu u socday ee uu dariiqa dabada u hayey ayaa waxa ka hor yimid safar socda, waxaanay u sheegeen in dariiqan uu socdo

uu joogo libaax dad qaad ah oon cidna bixi-nayn sidaas darteed ay haboonatahay in uu iskaga noqdo, hase ahaatee Qalas waxa uu safarkii u sheegay oo ku yidhi anigaa qado waayay oo gaajo la qonbabaye aan isaga qado u noqdo oon calooshiisa galo ee idinku iska socda. Sidiibaanay safarkii ku soo dhaafeen ninkan quusta ah, iyaa-goo dhabanka iyo gacanta isku haya oo la yaaban dhibaatada qofkan ilaa xadkaa gaadhsiisay. Siduu dariiqii u socday ayaa uu isha qac ku siiyey aar gaylamaya oo gaajo la soo gotay. Waxaanu bilaabay bahalkii in uu iskala bixiyo, jimicsado, afka kala waaxo, mici listo, oo miliqsado si uu u cabsi galiyo ninkan socotada ah, balse Qalas kama uu joogsan bahalkiiye xawaarihii socodka ayaabu sii kordhiyey. Bahalkii miliqsanayey ayaa kolkuu ku soo dhawaadaba dib u gurasho sameeya, isa-goo layaaban belaayadan meesha kaga soo mudh tidhi. Kolkuu ka joogsan waayey ayaa uu aarkii orod cagaha wax ka deyey, Qalasna cagta ayaa uu cagta u saaray, waxa la is eryodaba bahalkii waxa uu naf la caarigii galay god, Qalasna waa uu ka dabo galay godkii. Waa nin Alle wax la damcay e’ isla markiiba waxa ay gacmihiisii taataabteen dhagx-aanta qaaliga ah oo goglanayd dhulka. Waxa uu bilaabay in uu dhagxaantii urursado oo ka soo buuxiyo meel kasta maryihii uu xidhnaa. Wax mahaystihii waxa uu u xuubsiibtay ama uu ku soo biirayaa xayndaabka dabaqada tujaarta iyo dadka ilaahay wax siiyey, waxa uu dib ugu soo laabatay magaaladii uu ka dhuyaalay ee gaajadu ku dubatay isagoo la ciiraya dhagxaantii barakaysnayd. Dukaan ka mid ah kuwa ugu sumcada iyo suuqaba badan ee magaalada ayaa uu soo galay oo tusay xabad ka mid ah

SADAQO IYO SAD AAKHIRO

By: Haji Mahad Ibrahim Mohamed

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 21

xikmaddhagaxaantii uu siday taasoo ka mid ahayd kuwii ugu yaryaraa. Maalqabeenkii dukaanlaha ahaa waxa uu la yaabay dheemantan go’ casuhu sito iyo qiimaha ay leedahay. Dukaanlihii waxa uu u sheegay Qalas in aanu maalkiisa oo dhami goyn karayn dhagaxan yare ee gacanta uu ku sido qaa-linimadiisa. Ilaahay kolka uu qof duunyo la damco reermaad tihiin ma yidhaahdo!!! Waxaanu u sheegay in uu tago tuulada ay jaarka yihiin ee xagga koonfurta kaga beegan halkaas oo uu joogo maalqabeen taajir ah, dhagaxanna ka iibsan kara. Dukaanlihii oo hadalkiisii wata ayaa yidhi:”Qalasoow wixii aad u baahantahay dukaanku waa dukaankaagii, waad qaadan kartaa”. Qalas waxa uu u ambabaxay tuuladii ay jaarka ahaayeen ee loo tilmaamay si uu dheemanta uga soo iibiyo maal qabeenka halkaas lagu sheegay. Kolkii uu gaadhay goobtii waxa uu si toos ah u abaaray ninkii taajirka ahaa sidii kii hore oo kale markuu arkay dheemantii uu sitay Qalas Ayaa uu salbabakhay oo qaylo af labadii yeedhay isagoo ku dhawaaqaya: “Hadddii xoolahayga oo dhan aan ku siiyo ma goyn karaan dhagaxan yare ee dheemanta ah, laakiin waxan kuu tilmaamayaa nin maal qabeen ah oo Illaahay wax siiyey kaana iibasan kara dheemantan. Waana ninka degen tuulada inagu xigta. Isla markiiba waxa uu u baqoolay tuula-dii tilamaanteeda la siiyey, hadii uu gaad-hayna waxa uu la kulmay ninkii maalqa-beenka ahaa si fiican buu u soo dhaweeyay waxaanu ka iibsaday dhagaxii dheemanta ahaa oo uu ka siistay lacag aad u tiro badan

oo aan xaddi lahayn. Adduun waa hadh labadiisa galine oo nina faqrigu lama dha-lane waakaa wax mahaystihii busaarada la salcaansanaa Rabbi faraj u furay ee nimco adduun u dhameeyay. Aadamuhu sidiisaba waa indho ku garaa-dle weliba intiisa badani ay indhow garad tahay oo indheer garadku ku yaryahaye ninkii Qalas waxa loo bixiyey Xaaji Qumane. Qalas oo ahaa haad geed waayey dadka intooda badanina ay xaqiraan saboolni-mada awgeed durba waxa bilaabantay in la isugu faano anigaa xigtadii ah iyo qaraa-baanu nahay. Waxa ay tani ku tusaysaa in uu ehel iyo aqarab laawihii shalay noqday maanta laandheere geelu intuu adhiga ka weyn yahay dadka ka sareeya. Dabeecadaha aadamaha lagu yaqaanno kolka uu qof maal badan helo labo mid uun baa laga filaa : 1.In uu maro dariiqa togan 2.In uu maro dariiqa taban Alle (swt) waxa uu garansiiyey Qalaskii shalay ama Xaaji Qumanaha maanta in uu maalkaa faraha badan ugu tasarufo dariiq toosan (togan), kagana qayb qaato xoojinta barnaamijyada khayriga ah noo-cyadooda kala duwan sida : ] • Dhismahamasaajidada• Dhismahadugsiyadatacliinta• Quudintamasaakiinta• Daaryeelkaagoomaha• Taakulayntadadkanugul• Fidintadiintaislaamka• Ladagaalankadhaqanxumadaiyo dhamaan wax kasta oo bulshada horu-mar u keenaya if iyo aakhiroba. Xaaji Qumane mar labaad ayuu riyooday

isgoo bashbash iyo badhaadhe aduun badhtanka ugu jira. Markii uu dhinaca dhulka dhigay ayaa uu ku riyooday riyadan layaabka leh ee soo socota: Waxa ugu yimi riyada dhexdeedii malagii nafta qaadayey oo u sida fariin ah in Xaaji Qumane noloshiisii ay u hadhay 40 cisho oo keliya sidaas awgeed ay haboontahay in uu diyaargaroobo, waxaanu ku yidhi mal-akul-mawdkii: “Dadka kale looma sheego xilliga nafta laga qaadayo laakiin adiga khayrkaagii badnaa baa laguugu sheegay” Xaaji Qumane: “Waa tahay waad mahad-santahay, waan diyaar garoobaayaa hadii Alle idmo.” Waxaanu ku hayn kari waayey indhaha malagan oo aad u weji adkaa. Mudaddii 40-ka cisho ahayd Xaaji Qumane waxa uu qaybiyey dhamaan xoolihii Alle siiyey, waxbana lamuu hadhin waayo waxaba loo sheegay in uu dhimanayo oo waqtigaas yari ka hadhay. Maalintii afartaanaad ayaa uu iska jiif-saday isagoo diyaar u ah in malagii u yimaado oo uu ka qaado nafta. Malagii ayaa u yimid Xaaji Qumane oo jiifa waxaanu ku yidhi waaryaahe waa tii ballanteenu ahayd in maanta nafta lagaa qaado laakiin waxaan kuu sheegayaa in laguu soo kordhiyey mudadii oo lagaaga soo dhigay 40 sano. Xaaji Qumane: “Diyaar baan ahee kaalay oo iga qaad nafta.” Ayuu ku tiraabay. Sidii baanu malagii kaga tagay Xaaji Qumane, halkaas oo uu muddo dheer oo dambe sii noolaa. Qisadan waa in sadaqadu balaayo kugu soo foole kaa baydhiso bi’idni Rabbil Caalamiin.

22 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 23

Waxa jiray nin boqor ah oo qabay afar dumar ah, waxa uu aad u jeclaa xaaskiisa 4aad marka tirada

laga bilaabo sidii uu u kal hor guursa-day, waxa aanu ku dadaali jiray raali galinteeda , waxwalba oo ay u baahan-tahayn wuu u samayn jiray.Xaaskiisa 3-aad, wuu jeclaa sidoo kale , laakiin waxa uu naftiisa ka dareemi jiray in ay uga tagi karto qaf kale dartii.Xaaskiisa 2-aad,waxa ay ahayd , qofka mar walba uu la tashan jiray, marka ay dhib haysatana uu iyada la joogi jiray,iyaduna way soo dhawayn jirtay , dhibkana way ka yarayn jirtay.Xaaskiisa 1-aad, wuu dayici jiray, manuu daryeeli jirin, xaqeedana muu gudi jirin, dhinaca kalena iyadu aad ayay u jeclayd, waxa ayna ku lahayd dawr wayn noloshiisa.Boqorkii wuu xanuusaday, waxaanu dare-may in dhimashadiisi soo dhawdahay, wuu fikiray waxaanu yidhi: ( anigu waxaan leeyahay afar dumar ah, ma doonayo in qabriga kaligay tago).Gabadhiisi 4-aad, ayaa loogu yeedhay wax-aanu ku yidhi:( aad ayaan kuu jeclaa, waanan kaa jeclaa dumarka kale oo dhan , wax wal oo aad jeceshahayna waan kuu samayn jiray, ee qabriga ii raac oo wehel iigu noqo?Waxa ay tidhi: ( maaha wax dhici kara, waanay iskaga

tagtay, iyadoon wax naxariis ah dareemin ).Xaaskiisi 3-aad ayaa loogu yeedhay, wax-aanu ku yidhi:( noloshayda oo dhan waan ku jeclaa ee qbriga maad ila gali oo wehel maad ii noqon?Waxa ay ugu jawaatay: may , noloshu way qurux badantahay, markaad dhimatidna waxaan guursan nin kale.Xaaskiisii 2-aad, ayaa loogu yeedhay, wax-aanu ku yidhi : ( waligay adigan kula tashan jiray, dhib oo dhan adiga ayaa wehel iiga ahaa, imisa jeer ayaad naftaada ii soo hur-tay, ee manta ayaan kuu baahanee qabriga wehel iigu noqo?Waxa ay ugu jawaabtay, iga raali ahaw, ma samayn karo , laakin waxa ugu badan ee aan kuu samayn karaa wa in aan qabriga ku gaadhsiiyo.Boqorkii aad ayuu uga murugooday waxa uu kala kulmay dumarkiisii.Boqorkii waxa uu meel fog ka maqlay cod leh, aniga ayaa ku raacaya qabriga, meel wal oo ad tagtidna kuu raacaya, wuu eegay codka , mise waa xaaskiisii 1-aad, oo xaaladeedu wanaagsanayn , aad u dhuu-batay, daryeel li’iddii ninkeeda darteed.Boqorkii wuu ka murugooday in aanu daryeeli jirin.Waxaanu yidhi: waxa ay ahayd, in aan ku daryeelo sid aan u samyn jiray xaasaskayga kale, haddii wakhti dib iigu noqdo adiga ayaan aad kuu daryeeli doonaa..

Run ahaantii, dhamaanteen waxa aynu

leenahay 4 xaas .Xaaska 4-aad: waa Jidhka:Inta aynu doono haddii aynu ilaalino quruxdeena , Jidhkeena aynu dhisno, kuna dadaalno wax wal oo wanaajinaya, maalinka aynu dhimano, markiiba wuu inaga tagaysaa quruxda jidhku.Xaaska 3-aad waa Maalka iyo hantida:Marka aynu dhimano waxa uu Maalku hadhayaa dad kaleXaaska 2-aad: waa Ehelka iyo Asxaabta:Intay doonaan nafahooda ha inoo huraan, in ka badan in ay qabriga ina gaadhsiiyaan ma samayn karaan, markiiba way kaa soo noqonayaan.Xaaska 1-aad , waa Nafta iyo Qalbiga:Waynu ka mashqulna quudinta nafteena iyo qulubtena –quudinteedu waa dikriga ilaahay-ruuxdeena iyo quluubteenu waa waxa kaliya ee ina raacaya.Suaal..Hadii nafteena loo eekaysiin laha sidii qof..Sidee ayay u eekaan lahayd?Ma waxa ka muuqan lahaa daryeel la’aan?Mise daryeel badan ?

BOQOR Iyo Afartiisii Xaas

Madadaalo

By: Cabaas C/raxaman Ismaaciil

24 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Dhaqaalaha

Murti shiiniis ah ayaa tidhaa “marka shiinuhu hurdada ka kaco’ wuxuu gilgili doonaa aduunyada” ilaa iyo 1978 markii

Deng Xiaopin wadankiisa cagta u saaray dariiqa horumarka iyo barwaaqada, waxa uu GDPgiisu kor u kacayay 9.5% sanadkiiba, markiiba wuxuu sadex laab ka batay GDPga Ameerika waxa kaloo uu ka hormaray wadan kasta oo aduunka ku yaal, hadaba dhaqaaleyahanadu waxa ay odorosayaan in maalin uun la arki doono shiinaha oo hor kacaya dunida xaga dhaqaalaha.Xaqiiqdii shiinuhu marwalba waxa uu ka mid ahaa wadamada ugu tunka wayn xaga dhaqaalaha sida taariikhda lagu hayo ilaa iyo qarnigii 15th.shiinuhu waxa kaloo uu ka mid ahaa wadamada ugu dakhliga badan uguna horumarsan xaga Technoloji-yada, dabadeed mar qudha ayuunbaa lagu arkay isagoo figta ugu saraysa kaga jira dhaqaalaha aduunka, hogaamiyayaasha shiinuhu waxa ay ku soo rogeen xanibaado ganacsiga caalamiga ah ee wadankooda gudaihiisa soo galaya, waxayna aad u xoojiyeen siday hore ugu marin lahaayeen Technologiyadooda taasoo lagu qiyaasay in calaa qof GDPgu uu ka hor maray yurub sanadku markuu ahaa 1500.Badhtamihii 1820 Shiinuhu waxa uu xisaa-bsaday 30% gabi ahaan GDPga aduunka, si kasta ha ahaatee 1950kii ka dib qarni ay nidaam darro, qabqableyaal dagaal, siyaas-ado dibada kaga yimid, dagaalo sokeeye

iyo iska hor imaadyo Jaban dhex maray ayaa hoos u celiyay waxsoosaarkiisii oo gaadhsiiyay inuu aduunka ka noqdo 5%,Badi kobocan dhaqaale ee shiinuhu ku talaabsaday rubuc-dhamaadkii qarnigii ina dhaafay waxa lagu qeexi karaa ama lagu sheegi karaa inay ka danbaysay maal-galin xooga leh, guur guurka shaqaalaha shiinaha oo noqotay waxsoosaar mug leh dar darna galiyay warshadihii wadanka.Laakiin kor u kacan dhaqaale ee shiinuhu ku talaabsaday kuma salaysna oo kaliya shaqaalaha jaban ee shiinuhu caanka ku noqday mushaharooyinkooduna ka hoo-seeyaan wadamada Hindiya iyo Vietnam, waxa kaloo qayb laxaad leh ka qaatay kaa-bayaasha dhaqaalaha oo aad u wanaagsan, shaqaale xirfadoodu sarayso, dadka shii-naha oo aad wax u kaydsada (saving), dhaqaale aad u fur furan, shiinaha oo cashuurtii uu saari jiray alaabta lasoo dejinayo (tariffs) hoos u dhigay iyadoo ahayd 41% sanadkii 1992, waxa uu hada ka dhigay cashuurtaas 6% ka dib markii uu ku biiray ururka ganacsiga aduunka (WTO) 2001 taasoo ka dhigtay wadanka ugu cashuur saarida yar alaabta dibada laga keeno.Siyaasadahan shiinuhu hirgaliyay waxa ay aad u soo jiiteen maalgalinta dibada (for-eign direct investment), taas oo sababtay in waxyaabaha warshaduhu soo saaraan 27% ay soo saareen maalgalinta dibada kaga timid wadanka, shiinaha waxa waa-jahaya kobaciisan dhaqaale carqalado fara badan oo ay ka mid yihiin nidaamyo daciif ah oo bangiyadiisu ku shaqeeyaan, waxa

aan jirin nidaamyo sharciya oo tilmaamaya isla xisaabtan dhab ah, musuqmaasuq, khataraha iyo degenaansha xumada ka dhalan karta dadka aadka ugu kala duwan xaga jeebka, ku tumashada xuquuqda aad-amaha, iyo wasakhaynta cimilada laakiin hadii shiinuhu dib u habayntan dhaqa-ale sii wado kuwani waxa ay noqonayaan kuwo si dhibyar looga gudbo.Tusaale ahaan wali dad badan ayaa fursado u haysta inay sii kordhiyaan waxsoosaa-rkooda (productivity) iyadoo shaqaale badani ka soo haajirayaan dhulka baadi-yaha ah si ay shaqooyin uga raadsadaan warshadaha, walina 60% dadwaynaha shiinuhu waxay ku nool yihiin dhulka baadiyaha ah taasoo aad ay ugu kala duwan yihiin in wadanka Jaban in ay kula tartamaan xaga horumarka, yaraan-shaha ay sii yaraanayso ku luglahaanshaha in ay dawladu maamusho hantida ayaa iyana aad u kobcisay waxsoosaarka taasoo suuragalisay in si fiican loo maamulo ilaha waxsoosaarka, tani waxa ay dhiirigalisay hantida gaarka loo leeyahay (private sec-tor) taasoo imika kala badh ka noqotay GDPga shiinaha waxayna aad uga sii kord-haysaa sida aduunka kale uga kordhayso.

Hubaashiina shiinuhu waxa uu aad umaal-galiyay oo uu culayska saaray meelaha ay ka midka yihiin Baabuurta, Birta, iyo Hantida ma guurtada ah ( sida dhulka iyo guryaha), nidaamyada maaliyadeed waxa ay u baahan yihiin in dib loo habeeyo si loo hagaajiyo oo waliba go’aan adag laga yeesho maalgalinta, sanduuqa lagacta

Hadii shiinuhu dib u habaynta dhaqaale sii wado, wuxuu kala wareegi doona US motorka dhaqaala-ha dunidaQalinkii : Ahmed M.Abdi

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 25

Dhaqaalaha aduunku (IMF) waxay filaysaa hadii dib u habaynta qaab dhismeedka dhaqaalaha shiinuhu sii socoto, way cadahay in xaga bangiyada iyo shirkadaha ay dawladu leed-ahay aad u kobci doonaan shiinuhu waxa uu awoodi doonaa in uu ka helo korodh dhaqaale oo sanadkiiba noqonaya 7-8% ugu yaraan tobanka sano ee soo socda, mishiinka dhaqaalaha aduunkana wuxuu kala wareegi doonaa Maraykanka ka hor 2020, inkastoo GDPgiisu calaa qof aad uga yar yahay marka la bar bar dhigo Maraykanka, taasoo laga cabiray heerarka suuqyada wax lagu kalabadasho (market exchange rate).Daraasad uu sameeyay bangiga wayn Gold-man Sachs waxa lagu soo gabagabeeyay laguna soo ururiyay inayna dhacaynin in shiinuhu dunida u saameeyo sidan Maraykanku u raadeeyay dunida ilaa iyo 2040, markii hore waxa la saadaali-nayay in uu Jabaanka kaalinta labaad kala wareegi doono 2016 taasi wayba kasoo hormartay oo sanadkan aynu ku jirno ayuu kala wareegay kaalintaas, daraasa-dan waxa lagu saleeyay fikrado macquula ah oo laga soo ururiyay xaga hoos udhaca raasamaalka (slowdown in capital accu-mulation) iyo koboca waxsoosaarka (pro-ductiviy growth), xaqiiqdiina waa daraasad

dhinacna u xaglinayn waxayna saadaa-linaysaa hoos udhaca koboca sanadlaha ah ee GDPga shiinuhu ay gaadhi doonto, 5.5% 2010 ilaa 2020 iyo 4% wixii ka dan-beeya waxa kaloo la odorosayaa in maalin uun qadarka sarifka lacagta shiinuhu ka mabsuudi doonto sarifka Dollarka, tani waxay dardar galin doontaa koboca wax-soosaarka (productivity growth).Dhaqaalaha shiinuhu wuu ka koritaan yaraa dhaqaalaha Jabanka iyo wadamada kale ee ugu tunka wayn xaga dhaqaalaha ee laysku yidhaahdo Asian(East Asian Tigers) 25 sanadood ee u danbeeyay kuwaas oo heerka koritaankoodu ka dar dar bad-naa kan shiinaha, inkaste oo dhaqaalaha wadamada South Korea iyo Taiwan laga dareemay dib ugurasho, hadana heerka koritaankoodu waxa uu gaadhay celce-lis ahaan 8% afartankii sanadood ee u dabeeyay,hadana wadamadaas heerka koritaankoodu waxa uu hoos u dhacay si aan la joojin karin marka la barbar dhigo wadamada horumaray,. Laakiin GDPga shiinuhu waxa uu ka noqonaya marka laga eego calaa qof inta ku soo hagaagaysa, South Korea waxa uu ka noqonayaa ama ka galayaa kaalinta sadexaad, Jabanka kaalinta shanaad.Shiinuhu wali wuu kaga hooseeyaa

wadaagista ganacsiga aduunka Jaban iyo wadamada laysku yidhaahdo shabeelada bariga Asia (East Asian Tigers) wadama-daas oo kala ah South Korea, Taiwan, Singpore iyo Malaysia, hadii shiinuhu ku sii socdo dariiqan hada uu ku taagan yahay ee waxdhoofinta xawliga ku socota (rapid export growth), tusaale ahaan waxa uu hada xisaabsaday 13% waxyaa-baha Maraykanku ka soo dhoofsado Shii-naha (American imports), halkay Jabanka ka gaadhay inuu Maraykan la wadaago suuqyada wax lagu kala gato noqotay 22% sanadkii 1986kii.Xitaa iyadoo dhaqaalaha shiinuhu hada firfircoon yahay hada wali lama barbard-higi karo wadamadan kula tartamaya ee ku yaala Bariga Asia, runtiina shiinuhu door muhiim ah ayaa uu ka ciyaari doo-naa dhaqaalaha aduunka mustaqbalka maxaa yeelay waa dalka ugu waxsoosaar wanaagsan uguna rajo fiican xaga kori-taanka mustaqbalka, lehna shaqaale tiro badan oo waliba raqiis ah lana jibaysan dhaqaalohoodan dardarta badan ee ay dunidu ka qaylinayso.

26 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5 26 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

madadaalo

Nin ayaa beri waxaa uu kasoo anba-baxay reerkii-sii , si uu u soo shaqaysto

, waxaana uu soo aaday nin boqor ah oo uu isla-haa dhawr sanno u soo

shaqee , lacagta aad kasoo qaadatana xoolo kusoo iibso, ninku reer miyi Soomaaliyeed ayuu ahaa . Ninkii waa uu soo tegay waxaana uu u yimid Boqorkii

, isagoo dhawr sanno oo shaqo ah la saxeexday boqorkii , dabcan waagii hore Boqoro Soomaaliyeed ayaa jiri jiray , oo dhawr sanno ayaa loo shaqayn jiray kedi-bna lacagtii lagula heshiiyay ayaa laga qaadan jiray ninkii muddo dhawr sanno ah ayuu boqorkii u shaqeeyay , shaqadii goortay ka dhamaatay ee uu islahaa wax-aaga Ninkan kaqaado , ayuu boqorkii u tegay waydiistayna lacagtii uu kula heshiiyay . Lacagtu waxay ahayd 3000 ( Seddex Kun oo ginni)oo xiligaas ahayd lacag qiimo badan . Cajiib Boqorkii ayaa ninkii hadal aanu ka filanayn ku yidhi wuxuuna ahaa sidan: ,Ninyahow 3 Kun oo ginni waxaad iiga bedelataa 3 Xikma-dood !!! Ninka oo ahaa nin waayo arag ah waxna ka garanaaya hadal Murtiy-eedka , qiimaha uu leeyahay ayaa isagoo yara caga jiid ah ka yeelay boqorkii in uu 3 Xikmadood siiyo bedelkii 3 Kun ee ginni. Borkii waxaa uu ku yidhi ninkii sida tan : 1: weligaa wado lagaaga digay hamarin, Jid cabsi lagu sheegay ama xumaan hamarin! . 2: Weligaa waxaan hawshaada ahayn ha gelin. 3 cadhoo iyo ficil isku mar ha sameeyn ee haddaad cadhooto wax hubso. Ninkii waa uu ka yeelay waana ka tegay boqorkii waxuuna ku laabtay halkii uu reerkisa ku ogaa,

isagoo fara madhan , ayna isugu darsan-tay wax la’aan iyo dayacaadi reerka uu dhawrka sanno ’ usoo dayacay , inkastoo uu xooga ku kalsoonaa in uusan xik-madaa ku qadayn, Ninkii ayaa soo tegay xoogaa markii uu waddada ku soo jiray ayuu la kulmay nin boqor ah oo gabadh inta meel ku xidhay ulaynaaya(garacaya), wuu iska ag maray isagoon , la hadlin, balse markii uu dhaafay ayuu boqorkii la yaabay , ninkan aan gabadha ka celinayn. Boqorkii ayaa u yeedhay waxaana uu ku yidhi , waar ninyahow soo ima aragtid in aan gabadha ulaynaayo , miyaadan iga celinayn ? Ninkii ayaa ku jawaabay ” Waxaan haw-shayda ahayn dan uma galo ” Boqorkii gabadha tumayay ayaa yidhi , dadka aan rabo ayad tahay , qofka hawl aan loo dirsan gelayn ayaan jeclahay maxaa yeelay waa Akhlaaq fiican , gabadhaana waxaan ku dilaayay , hawl aan loo dirsan ayay gashay , Intaa kadib ayuu Boqorkii waxa uu ninkii socotada ahaa ku yidhi waxaan kusiina 3000 ginni (saddex kun), maadaama aad tahay Nin wanagsan abaal Marin ahaan inkastoo aanad wax ii qaban lakin dhaqan fiican ayaad leedahay. Ninkii waxaa uu dib u helay lacagtii uu boqorkii hore kasoo waayay . Lacagtii 3 kun ahayd ayuu qaatay safarkiisii ayuuna iska sii watay , (Ogaada Xikmadii 1 aad waa uu helay , midhaheedi-iye ). Ninkii wuu soo tagay waxa uu Qarda jeex ku jiraba markii danbe waxa uu ku soo dhacay jidkii waynaa , ee boqorka hore uu uga digay in aanu marin. Isla markii ayuuna arkay dhawr nin oo qaa qaawan oo jidka dhex taag taagan , wuu la yaabay , isa-goo waydiiyay , waxa qaawiyay , waxayna u sheegeen in , Tuugo/ Dayday , ay dharkii

ka furteen. Jidkii ayuuna ka leexday isagoo markale qarda jeexii ku socday. (Ogaada mar kale Xikmadii 2 aad ee boqorka midha-heedii waa uu arkay waayo jidkii tuugada wuu ka leexday.) Ninkii isaga ahaa waxa uu soo socdaba wuu soo gaadhay halkuu reerkiisa uga tagay , siduu u soo haybi-naayay , reerkiisa isagoo isla magaciisa ku haybinaayay ayuu markii danbe u yimid, wiilal geeleey ah oo gole geel jooga, oo isku diyaarinaaya in ay ciyaaran ( ciyaar dhaqa-meed waxaa uu waydiiyay , cidda reer hebel la yidhaahdo halka ay degganyihiin , wax-ayna u tilmaameen reer meel xoogaa ah u jira. Wuu sii socday cabaar kadib ayuu soo gaadhay reerkii,, markii uu gurigii soo gal isyidhi ayuu arkay wax Ka Yaabiyay ! : Waa Xaaskiisa iyo nin is garab jiifa !! Waxaa uu damcay Toori uu xidhnaa inuu ninka ku kala gooyo, waxaase uu soo xasu-ustay , xikmadii 3 aad ee uu boqorku soo siiyay , ee ahayd cadho iyo ficil isku mar ha kudhaqaaqin!. Ninkii halkii ayuu dib uga laabtay , wiilashii geeleyda ahayd ayuuna u tegay kuna qabsaday isagoo cadhaysan maxa ay reerka Islaameed iigu tilmaameen isagoo dhahaya Nin iyo naagtiis baad ii tilmaanteen , way ku qos qosleen waxayna ku yidhaahdeen ee waa wiilkaagii curadka ahaa ee aad intaa oo sanno ka maqnayd oo waynaaday !! Ninkii markaa ayuu gar-waaqsaday , Ogaadayna Xikmaddu in ay ka Qiima Badantahay Lacagta !!!

Xigmadii Mushaharka Loo Qaatay

By: Abwaan: Axmed Maxamed Faarax

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 27

Ma laga yabaa in qarniga 15aad ee hijrigi uu noqdo qarnigii islaamka? Ma jirtaa daliil ina tusinaya arintan

suurto galnimadeeda? Dariiqa loo marayo waa dariiq noocee ah? Su’aalahan waa su’aalo aan naftayda waydiinayo iyo walaalaha akhristay-aasha ah? Laga yaabaa in aynu helno jaawaabo ina qanciya.Waxa muuqata in islaamka iyo dadka mus-limka ahi ay la kulmayaan weeraro bal-laadhan , nidaamsan oo caalami ah, sida aynu wado ognahay weeraradaasi way sii balaadheen sanadahan u dambeeyey, taa-sina waxa ay muujinaysaa in islaamku ku sii dhawaanayo in uu noqdo awooda ugu wayn ee caalamka badalaysa , aqoon ahaan iyo awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba.Anigu shakhsiyan sidaan u malaynayo waa sidaas, waayo waxa ay ila tahay in ay soo dhawaatay wakhtiigii ay soo noqon lahayd sharaftii iyo karaamadii ay muslimiintu ku lahaayeen dadwaynaha aduunyada.

Maah maah carabeed ayaa waxa mac-nahedu uu yahay ( hadii aad aragtid in dadku xaga\ dambe kaa soo shiidayaan waxa aad ogaataa in aad xaga ugu horaysa taagantahay).Waxa aynu haysannaa malaayiin dhal-linyar ah, bal tobanaan malaayiin oo dhalinyar ah, oo u hanqal taagaya in ay sameeyaan waxyaabo umadeena muslimka ah sare u qaadaya, sharafta diinteenana muujinaya, laakin mushkiladdu waxa ay tahay in badan oo ka mid ah dhalinyar-taas ma garanayaan dariiqa arinkaas ay u mari lahayeen, qaar badanna waxa ka khaldamay dariiiqii ay mareen , ee dhalin-yartaas ma caawinkarnaa oo dariiqa saxda ah ma u shegi karnaa?Waxa muhiim ah in aynu ogaano in aynaan diinta sharafteeda meel gaadhsiin Karin iyada oo aan ehelkii diinta ( muslimiinta) aan sharaf loo yeelin.Sidoo kale waxa muhiim ah in aynu ogaano in aynaan dhisi Karin umadd awood badan inaga oo aan dhisin afraadda umaddu ay ka kooban tahay.

Sidaa darteed yididiiladeena ah in qarni-gan uu noqdo qarnigii islaamka waxa ay u baahantahay diyaargaraw faro badan iyo dhalinyar aad u diyaarsan oo u heelan sidii ay u soo bandhigi lahaayeen awoodooda oo dhan wixii islaamka anfacaya.Loolanka aynu ku jirno waa loolan adag, waxaana lagama maarmaan ah in qofkasta oo hamigiisu yahay mustaqbalka diinta iyo umadda halkuu joogo uu loolankaas uu ka galo dadaalkiisana uu muujiyo, kii shaqo ku jiraa uu shaqadiisa si fiican uu uga soo baxo, kii waxbarasho ku jiraa field ka uu baranayo uu si fiican uga soo baxo, guud ahaan in qof kasta uu ku dadaalo camal uu saro ugu qaadayo asluubta umadda iyo akhlaaqdeedaba, iyo wax wal oo sharafta umada kor u qaadideeda ka qayb qadanaya.Diinteena toosan mar walba waxa ay ku boorisaa qofka muslimka ah , in uu ka qayb qaato dhisida qiyamka iyo akhalaqda umadda, sida ay ku soo aroortay axaadiista nabiga S.C.W.Tusaale ahaan , xadiiskii ka sheekaynaayay saddexdii nin ee socotada ahaa ee roobku ku soo da’ay ka dib god ka galay, albaabkii ay godka ka so galeen uu dhagax wayn oo aanay qaadi Karin ku daboolmay, waxa ay isku waafaqeen in ay ilahay ku bary-aan acmaal wanagsan wixii ay sameeyen si uu dhagaxa ku dabolmay uu meesha uga faydmo, xadiiskan waxa uu tusaale u noqon kara akhlaaqda ay umadas lahayd iyo dhaqankooda suubanaa.Xadiiskii ka sheekaynayay ninkii ku wara-abiyay Ayga khufkiisii , iyo xadiiskii ka sheekaynayay ninkii dadka uu daynta ku leeyahay ee ay ku adkaato bixinteedu ka dhaafi jiray, iyo xadiisiiskii lagu tilmaamay todabada qof ee qiyaamaha hadhka carsh-iga ilahay hadhsanaya, iyo axaadiis badan oo kale , waxa ay dhamaan axaadiistaasi tilmamayaan acmaal kala duwan oo qiimo leh, qofkastana waxa lagu amaanay camal-kii uu qabtay, sidaa darted waxa muhiim ah in aynu ka faaiidaysanno axaadiistan oo aynu camal kor u qadaya sharfta diinta aynu samayno .Inagu maanta waxa aynu awoodi karnaa in aynu ummada u qabano acmaal waawayn oo kor u qaadaya wadciga umadda , waayo waxa aynu haysannaa dad aqoon yahanno

ah , oo ka qayb qadan kara wax ku soo kordhinta mujtamaca , sidoo kale waxa aynu haysannaa dadyaw owoodi kara in ay si shakhsiyan ah la yimaadan waxyaabo mumayas ah.Sidoo kale fardi kasta ama qof kasta oo ka mid ah umada waxa uu awoodi kara in camal yar ama camal wayn uu u qabto diintiisa iyo dadkiisa muslimka ah, taaso oo sharaf u ah dadka islaamka ah, had-dii qof wal oo muslim ah uu noloshiisa u arko mid islaamku iska leeyahay , oo taas darted uu mar walba u shaqeeyo diinta islaamka , waxa shaki la’aan ah in sharafta islaamku u soo noqonayso , umaduna aad u hor mayso, tusalena waxa kuugu filan sidii ay sameeyeen halyayadii islaamka ahaa , haday noqoto culimadii , mujaahid-intii ,ducaadii, hogamiyayaashii, ganacsa-tadii, iyo macalimintii qof walba waxa uu noloshiisa siiyay diinta islaamka, markas ayay meel gaadhsiiyeen dadkii muslimka ahaana.tiro muslimka ka mid ah oo si jamaaciy ah u wada shaqaynaysaa waxa ay samayn karaan acmaal yar yar , kadib hadhow way isku tagaysaa dhamaan acmaashaas oo waxay noqonaysa mid wax tar u leh dadka islaamka ah.Waxa aan doonayaa in aan halkan ku til-maamo in umadda saboolka ahi aanay ahayn uun umadda aan haysan wax aduun ah, laakin umadda saboolka ahi waa umadda mar ka la eego dadkeeda yar iyo waynba aan laga soo helayn dad lagu dayan karo.Mushkiladaas waxa aynu ku tirtiri karna si yar oo fudud, ama si tallaabo tallaabo ah, tusaale ahaan waxa aynu kaga bilaabi karna inago oo arimaha yar yar u noqonna dad lagaga daydo, ma laga yaaba in mid-keen Is way diiyay in uu tusaale u noqodo: ilaalinta wakhtiga , ama ku dadaalka salaadda jamaca ah, ama runta, ama u gargaaridda dadka muslimka ah Iwm.. fikradaas oo kale haddii ( 5%) ci inaga mid ahi ay fuliyaan waxaan aaminsanahay in qaab socodka aduunku isbadalayo isbadal wayn, sidaa darted waxa aynu samaynay camal wayn oo qarnigan ka dhigi kara qarnigi islamka

Qarnigii

Taariikh

islaamkaBy: Cabaas C/raxaman Ismaaciil

28 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Microsoft waa shirkad maraykan ah oo xarun-teedu tahay dalka maraykanka gaar ahaan magalada

Washington. Shirkadani waxa ay caan ku tahay waxsoosaarka la xidhiidha computer-da sida barnaamijya-da ay computer-adu ku shaqeeyaan. Shirkadan waxaa la aasaasay sanadkii 1975 balse waxay si toos ah caan u noqotay sanadkii 1983 markii ay samaysay bar-naamijka computer-adu ku shaqeeyaan ee MS DOS. Barnaamijkan cusub ee wakhtigaa shirkada Microsoft ku soo kordhisay aduunka ayaa ku shaqaynayay computer-ada ay samayso shirkada IBM. Barnaamijka ay soo kordhisay shirkadda Microsoft oo ku caanbaxay magaca windows ayaa marba marka ka sii dambaysa la sii casriyeeyey waxaanu soo maray marxalado kala duwan sida: Windows 3.11, Windows95, Windows 98. Windows Me, Windows NT, Windows XP, Windows 2000 server, Windows 2003 server, Windows 2008 server, Windows Vista iyo Windows 7. Dhamaan waxsoo-saaradan kor ku xusan ayaa mid walba ka kooban yahay qaybo kaladuwan oo loo isticmaaloo ganacsiyo iyo ujeedooyin kala duwan. Sidoo kale shirkadu waxa ay soo saartaa barnaamijyo lagu sameeyo barnaamijyada loo istimaalo computer-da sida .Net Framework iyo Microsof SQL server. Microsoft waxaa kale oo

ay caan ku tahay barnaamijyada loo isticmaalo xafiiska ee lagu amgacaabo Microsoft Office oo ka kooban qaybo badan oo ay ka mid yihiin: Microsoft Word, Microsoft Access, Microsoft Excel, Microsoft PowerPoint, Microsoft pub-lisher, Microsoft Project management, Microsoft Visio iyo qaar kale oo badan. Windows 8 iyo Windows Server 8 labaduba waa barnaamijyada computer-ada ee la filayo in ay shirkadda Microsoft soo saari doonto sanadkan 2012. Windows 8 kan soo socda ayaa shirkadda Microsoft ku tilmaamtay mid ka dhakhso badan win-dows 7 xaga soo kicida. Sidoo kale waxa uu awood u leeyahay in uu ka soo kaco USB drives. Markiii ugu horeysay ee microsoft soo saartay barnaamijka ay computer-adu ku shaqeeyaan waxa ay u magac bixisay

“ Interface Manager” balse Rowland Han-son oo ahaa madaxa suuq gaynta ayaa ku cadaadiyay in la qaato magaca Windows kaas oo uu ku tilmaamay in macmiilka ugu muuqandoono qaab fiican. Sanadkii 2011 waxay shirkadda Microsoft $ 8.5 million ku iibsatay Skype oo ah adeeg lagu wada xidhiidho oo maqal iyo muuqaal ah. Wax soosaarka kale ee caanka ah ee shirkaddu samayso waxaa ka mid ah MSN oo wadasheekaysiga internet-ka dhexdiisa ah loo isticmaalo iyo windows phone OS oo ah barnaamij ay mobile-adu ku shaqeeyaan. Hadaba shirkadan caanka ka ah dacaladda

dunida sidee ayay ku aasaasantay? Ayaa iska laha fikirkeeda?. Hadii aan si fudud uga jawaabo suaalahan. Shirkadan waxa fikirkeeda iska lahaa laba nin oo saaxiibo ah Paul Allen iyo Bill Gates. Labadan nin oo aad u jeclaa samaynta barnaamijyada computer-adu ku shaqeey-aan ayaa la yimid fikradii lagu aasaasay shirkadan. Magaca Micro-soft waxaa iska lahaa Paul Allen oo isagu soo jeediyay halka uu Bill Gates ka noqday maamulaha guud ee shirkada. Bill Gates waxa uu booskii maamulaha guud ee shirkada u baneeyay sanadkii 2000 saxiib hore oo ay isku school ahaayeen isla markaan shirakada u shaqaynayay ilaa sanadkii 1980, ninkaas oo magaciisu yahay Steve Ballmer halka uu Bill Gates shirkada ka dhexsamaystay boos cusub oo uu isku magacaabay Chief Software Architect. Bill Gates ayaa waxa uu ka mid noqday raga ugu lacagta badan aduunka isaga oo ka taajiray technology-ga uu hindisay. Shaqaalaha ka hawlgala shirkadda Micro-soft waxay dhanyihiin 92,000 oo qof. Dhaleecaymaha ugu waawayn ee shirkadda Microsoft loo soo jeediyo waxaa ka mid ah in macmil badan dhibtaato ka qabstay Tro-jan Horses taas oo loo arko in daciif ku jiro xaga amniga barnaamijka ay soo saarto shirkadu. Sidoo kale shirkadda Microsoft waxaa lagu dacaayadeeyaa inay xado bar-naamij-yada shirkadaha kale sameeyaan halka ay iyadu ka diyaarin lahayd ama la iman lahayd mid u gaar ah.

Taariikhda Shirkadda Wayn ee Microsoft iyo Asaasaheedii Bill Gates

Qalinkii: Xamse Cisman XasanBs.IT, journalist and writer.

technology

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 29

30 |Galool Magazine * May 2012 Issou 5

Issou 5 May 2012 * Galool Magazine | 31

Zinedine Zidane waxa uu dhashay 23 june 1972 waxa aanu ku dhashay magaalada Marseille ee dalka France.Zidane waxa uu ku bar-

baaray isla magaalada Marseille oo ahayd meeshii uu ka bilaabay xirfadiisa kubadeed.halkaas oo ay hooyadii iyo aabihii Smaïl iyo Malika ay ku yimaadeen tahriib dalka France magaalo madaxda Paris 1953 waxa aanay 1960 u soo guureen magaalada Marseille oo ahayd halkii uu ku dhashay Zidane.Zidane waxa ay xirfadiisa ku badeed soo baxday isaga oo 10 sano jir ah markii uu ku biiray koox ka dhisnayd xaafadii uu ku noolaa oo la odhan jiray US Saint-Henri, Zidane markii uu u ciyaaray sanad iyo badh kooxdaas ayuu u wareegay koox kale oo lagu magacaabo Septèmes Valons.Wixii intaas ka damabaysay maalinba maa-linta ka danbaysa waxaa isa soo taraysay xirfadii kubadeed ee uu la soo baxaayey Zinedine Zidane.Sanadku markii uu ahaa 1992 ayaa waxa uu ku biiray naadiga caanka ah ee Bor-deaux halkaas oo uu ka barbar ciyaaray ciyaaryahankii caanka ahaa ee dalka France Christophe Dugarry,intaas ka dib waxa uu Zidane soo jiitay indhihii tababa-rayaasha naadiyadii waawaynaa ee ka jiray dalka Europe kuwaas oo midwaliba uu doonaayey inuu mar uun naadigiisa ku soo biiro balse, ugu danbayntii waxaa nasiib u yeeshay in uu ku biiro naadiga Juventus sanadkii 1996 taas oo uu ugu soo wareegay lacag dhan 3.2 million pound .Waxa uu isla markiiba Zidane ku caawiyey xirfadiisii naadiga Juventus taas oo uu ku guulaystay 1996-1997 horyaalka dalka talyaaniga isla sanadkaa waxa uu Zidane Juventus ka caawiyey inay yimadaan

finalka koobka UEFA Champion League

taas oo aan u suuro galin inay ku guulay-staan kadib markii 3-1 ay kaga adkaatay naadiga Jarmalka ah ee Borussia Dort-mund.1997-1998 Zidane waxa uu Juven-tus kula guulaystay marlabaad horyaalka dalka talyaaniga.Zinedine Zidane waxaa lagu xasuustaa wacdarihii uu ka dhigay koobkii aduunka ee 1998 lagu qabtay dalkiisa France taas oo uu u suura galiyey dalkiisu in uu ku guu-laysto koobka aduunka isaga oo hormuud ka ahaa ciyaartii finalka ee dhex martay Brazil iyo dalkiisa france taas oo uu Zidane laba kamid ah sadexdii gool ee ay guushu ku raacday ka dhaliyey dalka Brazil.Intaas ka dib waxa uu Zidane magac aad u wayn ku yeeshay dalka France dhexdiisa kaas oo uu noqday ciyaaryanka kaliya ee ay ku dhaataan dalka Faransiisku .Zinedine Zidane waxa kale oo uu hormuud ka ahaa koobka qaarada Europe ee uu ku guulaystay dalkiisu sanadkii 2000kii taas oo ay kaga guulaysteen dalka talyaaniga.2001 waxa uu Zidane ku biiray kooxda Real Madrid kaas oo uu noqday ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan kadib markii ay Real Madrid ku iibsatay lacag dhan 75 million lacagta Euro ah.Zidane waxa uu Real Madrid kula guulay-sta koobka nadiyada yurub EUFA Cham-pion League 2002 halkaas oo uu u dhaliyey goolkii ay guushu ku raacday Real Madrid waxa kale oo uu ku guulaystay 2002-2003 horyaalka Laliga ee dalka Spain .Zinedine Zidane waxa uu ku guulaystay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Aduunka sadex jeer waxa kale oo FIFA u magacaw-day ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa 50 sano ee lasoo dhaafay taas oo ay gudoon-siiyeen abaalmarinta loo yaqaan Golden Jubilee Poll.Zidane waxa uu hogaaminaayey dalkiisa koobkii Aduunka ee lagu qabtay Jarmalka 2006 taas oo uu soo bandhigay ciyaar aad

loogu bogay taas oo uu dalkiisa soo gaadhsiiyey ciyaartii kama danbaysta ahayd oo uu dalkiisu la yeeshay dalka Talyaaniga.Zinedine Zidane waxa lagu xasuustaa ciyaartii kamadanbaysta ahayd ee dhex-martay dalka Talyaaniga taas oo uu u sax-eexay dalkiisa gool rigoore ah qaybtii hore ee ciyaarta waxa aanu noqday ciyaaryankii afaraad ee laba koob aduun ciyaarta kama danbaysta ah gool ka dhaliya nasiib daro waxaa goolka barbaraha ah isna u sax-eexay dalka Talyaaniga ciyaaryahankooda Marco Materazzi.Markii ciyaarta la isla dhaafi waayey 1-1 ayaa waxaa sidaan uu sameeyey falka ilaa hada lagu xasuusto oo ahaa in uu hirdi aad u layaab badan beerka kaga dhuftay ciyaaryahanka Marco Materazzi halkaas oo kaadhka cas loogu taagay Zidane ,wax-aanu sheegay in uu aflagaado kula kacay .Halkaasna waaxa rigoorayaal lagaga badi-yey dalkiisa France sikastaba ha ahaatee Zidane waxaa loo magacaabay ciyaaryah-ankii tartanka ugu wanaagsanaa.Gabagabadii Zinedine Zidane waxa uu ahaa ciyaaryahan ku suntan taariikhda kubada cagta in badana lagu xasuusan doono xirfadihiisii ciyaareed ee uu ku lahaa kubada cagta.Zindane waxa uu wakhti xaadirkan ka midyahay madaxda sare ee Naadiga Real Madrid.

Qalinkii : Abdikadir Barwanifreelicense researcher|& writter

Taariikhdii Ciyaaryahan-ka Zinedine Zidane

Ciyaaraha