galool magazine issue 4

32
February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 1

Upload: galool-magazine

Post on 03-Mar-2016

315 views

Category:

Documents


1 download

DESCRIPTION

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 1 2 | Galool Magazine Issue 4 February 2012 UK MANAGER SUB EDITOR EDITOR Hodan Ahmed Mohamed Abdi Musawi Abdalah Abdifatah Ismail Abdikadir Barawani Abdirahim (Bidaar) Hamse Osman (Leeb) Issa Yuusuf Cirro MANAGER & MARKETTING Abdirashid Hassan Ahmed February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 3

TRANSCRIPT

Page 1: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 1

Page 2: Galool Magazine issue 4

2 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Page 3: Galool Magazine issue 4

EDITOR

GRAPHIC DESIGN

MANAGER & MARKETTING

UK MANAGER

KENYA STAFFAbdirashid

Abdifatah IsmailAbdikadir BarawaniAbdirahim (Bidaar)Hamse Osman (Leeb)Issa Yuusuf Cirro

Musawi Abdalah

Hassan Ahmed

Mohamed Abdi

SUB EDITOR

Hodan Ahmed

CONTENTS4.Maxaad kaogtay waxqabadka dawlada hoose ee Hargeysa?6.Macaanka Iimaanka ( QAYBTII 3 AAD ) 8.Macallinkii Medrasaddii Maadda iyo Mur-tida Cabdillaahi Cabdi Shube (Qaybtii 1aad)12.HAWAAWI14.Doorka Shirkadda Casriga Ah Ee SOM-TEL Iyo Adeegyada Bulshada16Quraanka iyo Cilmiga Uur-jiifka (Embryology). (Qaybtii 1aad)18. Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha

(Qaybtii 3aad)

20.Sideed wakhtigaaga U maamuli kartaa? 22.Doorka caanaha naasku ay ka qaataan caafimaadka iyo koriinka ilmaha .24.Doorka website ku kaga jiro ganacsiga maanta26. Qiimaha Suugaanta Iyo Ma Hadhadda Afka

28.Suuban (Sheeko)30.Ciyaartoyga Muslimiinta Ah Ee Ka Ciyaara Dacaladda Dunidda.

TELL:+252 2 4116969 +252 2 4157038. TELL:00447956022045 (UK)LONDON E-mail:[email protected]:[email protected] : www.galoolmagazine.com

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 3

Page 4: Galool Magazine issue 4

Maxaad ka ogtay Waxqabadka Dawlada Hoose Ee Hargeysa?

4 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Kadib doorashadii Golaha Deegaanka ee ka dhacday Somaliland 2003 oo ahayd doorashadii ugu horeysay ee ay dadwaynaha reer Somaliland kusoo door-

teen xildhibaano si toos ah u matalaya bulshada.Waxa magaalada Hargeysa loo doortay 25 xildhibaan oo doorashadoodii kadib Gudoomiye iyo G/Ku xigeen u doortay eng: Xuseen Maxamuud Jiciir iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdilaahi Uur-cade oo noqday mayarkii iyo ku mayar xigeenkii ugu muddada dheeraa ee soo mara caasimada Somaliland ee Hargeysa .Si taasi la mid ahna noqday mayarkii iyo mayar ku xigeenkii ugu waxqabadka badnaa ee soo mara magaalada Har-geysa ,kuwaas oo isbedel la taaban karo ka sameeyay dhinacyada kala duwan ee baahiyaha Bulshada ku dhaqan Caasi-madda Hargeysa Sidaa darteeda ayaa Dawlada hoose ee Hargeysa waxa ka socda mashaariic horumarineed oo aad u tiro badan isla markaana qoraal kooban aan lagu soo koobi Karin,hadaba wargeyska Galool Magazine waxa uu cadadkan si kooban idiinku soo tabin doonaa qaar ka mid ah mashaariicdii u qabsoomay dawlada hoose ee Hargeysa . • DhisiddaWaddooyincusub• DhismahaBuundooyin• Dhismahakawaancusub• Dib u dajinta qaxoontigii

deganaa xarumaha dawlada iyo Guryo u samaynta qaysaska danyarta ah • Fayodhawrkacaasimada• DhismahaMCHiyosaldhigyoboolis oo cusub• Dhismahasariibadocusub• Dibudhislagusameeyaysayladaxoolaha ee Hargeysa Dhismaha cusub ee Golaha deegaan iyo Dib u Dhis lagu sameeyay xarumaha Degmooyinka caasimada

Dhisidda Wadooyin cusub

Dawlada Hoose ee Hargeysa ayaa mudooyinkii u danbeeyay horumar la taa-ban karo ka samaysay dhinaca wadooy-inka oo magaalada Hargeysa ay ku soo biireen in ka badan afar iyo afartan wado ( 44 roads ) oo ka kala tirsan dhamaan shanta waaxood ee ay ka koobantahay caasimada Somaalialnd ee Hargeysa oo kala ah Axmed Dhagax, Maxamud Haybe

,Gacanlibaax,26juneiyoKoodbuur.Wadooyinka magaalada Hargeysa ee hore u dhisnaa dhamaantood waxa lagu sameeyay dib u dhis iyo dahaadh cusub oo la saaray qaarkood.Waxa jira waddooyin cusub oo ladhamaystiray oo laga fuliyay dham-maan Degmooyinka magaalada Hargeysa kuwaas oo kala ahD/26 JUUN• Waddadabarigaidaacadaoodibloo dhisay dhamaanteed• WaddadaCabbaaye• Waddadaifiyoaakhiro• WaddadaMasjidunuur• WaddadasamaaleD/G.LIBAAXWaddada sheekh madarWaddada maamuusWaddada milgoWaddada uur cadeWaddada lug iyo lacagWaddada shiraaqleD/KOODBUURWaddada gabiileyWaddada muuse biixiWaddada total fual station

Page 5: Galool Magazine issue 4

Maxaad ka ogtay Waxqabadka Dawlada Hoose Ee Hargeysa?

Waddada ina xarbiWaddada dhinac marta sariibada koodbuurD/M.HAYBE +M/MOOGEWadada air port kaJarato dhinacayada star Sadex wado oo m.mooge ahD/A/DHAGAXWaddada star kasoo bilaabmata illaa October Waddada October illaa siinayWaddada siinay illaa ina naxarWaddada nacnac Waddada ilma sigistiinWaddadakabilaabantajaamacadailaabridge ka

Buunddooyinka laga hirgaliyay degmooyinkaMagaalada Hargeysa oo ah magaalo ay inteeda badan ku hareeraysan yihiin buuro waawayn isla markaana ay dhex-deeda maraan Dooxyo badan oo ka dha-shay biyaha ka soo shalwada buuraha ku hareeraysan magaalada ,biyahaas oo dhibaato wayn ku keena isku socodka bul-shada xilliga roobka,sidaasi darteed ayaa waxa ay dawlada hoose ku guulaysatay inay ka dhisto buundooyin qaar badan oo ka mid ah dooxyadaas sida A/Dhagax oo laga hirgaliyay labo buundoM/Mooge oo laga dhisay hal buundoG/Libaax labo buundoM/Haybe hal buundoIyo qaar kale oo badan oo anaan halkan kusoo koobi karayn

Dhismaha kawwaan cusubWaxa magaalada Hargeysa markii ugu horaysay ay dawlada hoose ee magaalada Hargeysa iyo shirkada Maandeeq u soorta gashay inay ka hirgaliyaan kawwaan cusub oo casri ah, kawwaankaas oo qayb

wayn ka qaatay fayo dhawrka xoolaha lagu qalo magaalada Hargeysa.

Dib u dajinta qaxoontigii deganaa xarumaha dawlada iyo Guryo u samaynta qaysaska danyarta ah Waxa ay dawlada hoose ee Hargeysi ku guulaysatayinaydibudejinusamaysodadkii muwaadiniinta ahaa ka soo noq-day xeryahii qaxoontiyada ee wadamada jaarkaaynunahaysidaEthiopiaiyoDji-bouti oo aynu ka xusi karno xarunta beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa

.sidoo kale waxa qaar ka mid ah degmooy-inka caasimada Hargeysa laga fuliyay dhismayaal guryo cusub oo gaadhaya 400 ooguriooaykuwareejisaydaddanyarah.

Fayo dhawrka caasimadaGolaha deegaanka ee casimada Hargaysa waxa ay ku guulaysteen in ay wax wayn ka badalaan faya dhawrka caasimada iyaga oo u xil saaray fayadhawrka caasi-mada labada shirkadood ee ka shaqeeya nadaafada iyo bilicda caasimada oo kala ah dhis iyo sabo wanaag .

Dhismaha MCH yada iyo saldhigyo boolis oo cusub

Sidoo kale waxa ay dawlada hoose ee hargeysa u suurto gashay inay dhisto MCHyo iyo Saldhigyo boolis oo laga hirgaliyay degmooyinka qaarkood sida degmada A/Dhagax oo laga hirgaliyay MCH iyo Degmada 26 June oo laga dhisay saldhig boolis oo cusub iyo M/Haybe oo laga hirgaliyay MCH.

Dhismaha sariibado cusub

Waxa dawlada hoose ee magaalada Har-geysa hirgalisay sariibado tiro badan si culayska looga yareeyo suuqyada waawayn ee caasimada sariibadahaas oo kala ah Sariibadda ina naxar Sariibadda koodbuurSariibadda daamiSariibadda idaacadaSariibadda M/MoogeSariibadda kilalka Sariibadda cabdi iidaanSariibaddainji

Saylada xoolaha Hargeysa oo dib u dhis lagu sameeyay• Hadhloodhisaydadkakuganac-sansada Saylada iyo Xoolaha• Dayrlaguwareejiyaydhamaanwareega dheer ee Saylada oo lagu dhamastiray• Gooboloodhisayraridaxoolaha(Raamam)• Barkadobiyoodoolagahirgali-yay saylada xoolaha Hargeysa• DhismahaXafiiskalamaamu-laha hawlaha saylada

Dhismaha cusub ee golaha deegaan iyo Dib u Dhis lagu sameeyay xarumaha degmooyinka caasimada Waxa dawlada hoose ee Hargeysa u suurta gashay inay dhisme cusub u dhisaan golaha deegaanka ee caasimada dhismahaas oo ku fadhiya dhul balaad-han kana kooban dabaq ,Waxay sidoo kale dawlada hoose ku guu-laysatay dib u dhiska iyo dib u habaynta xarumaha degmooyinka caasimada iya-doo qaarkood xarumo cusub loo dhisay.

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 5

Page 6: Galool Magazine issue 4

6 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Page 7: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 7

Astaamaha lagu garto qofka dhadhansaday Macaaka Iimaanka waxa ka mida :Quraan kariimka ah ayaa qalbigiisa ku wayn , xidhiidh

dhaw ayuu la leeyahay kitaab alle akhris ,dhagaysi , dhuuxid iyo ku camal fal isaga oo garawsan in uu yahay khatinkii kutubta samaawiga ah loosoo dhiibay nabigii nabiyada lagusoo khatimay ee loo soo diray umadii lagu soo gabagabeeyay umadaha sababta uu ugu xidhan yahay waa sidan ;Ciddaaadjeceshahayhadalkiisanawaaaadjeceshaykolhaddiiaadilaahayjece-shay ka xiisa gooyn maysid hadalkiisa akhris iyo ku camal falba .Farriinta laguu soo diro waxay qiimo u leedahay kolba qiimaha cidda soo dirtay ay leedahay kol hadaynu qirsanahay in uu yahayhadalkiiilaahaywaxaynuugajeed-sannaa ama u dayacnaa waa guul darro .Waa kitaab la galiyay sharafteena iyo karaamadeena adduun iyo aakhiraba sida uu ku yidhi Allaah (sw) suuratu zukhruf aayadda 10 aad ( waxanu idiin soodajinnaykitaabaykujirtosharaftiinuee miyaydaan garaad lahayn) .Waa kitaab Allaah galiyay caafimaad-keena wadareed ama kali ahaaneed , caafimaadqalbigaoouukadaweeyo(shubuhaadka & shahawaad )waa labada cudur ee qalbiga ku dhaca waa labada shaydaan ku dadaalo in laynaga helo waxanusiijecelyahay(shubuhaadka)ooah : wax kasta oo shaki & khalkhal galiya caqiidada qofka muslimka ah , hadii uu ku guul darraysto ayuu isku dayaa( sha-hawaadka) oo ah dunuubta nafteenna laga daba riday . Allaah waxa ku yidhi suuratul yuunus aayada 57aad “dadyahaw waxa idiin yimi waano xaga rabbigiin ah iyocaafimaadqalbigaahmuuminiintawuxu u yahay hanuun iyo naxariis” .Xaraf kasta oo aad akhrido waxaad ku helaysaatobanajarah,imamtarmathiwuxu soo saaray xadiithka uu warinayo C-laahi Ibnu Mascuud ( rdc) in uu yidhi

nabigu ( scw) qofka akhriya xaraf ka mida kitaabka ilaahay waxa uu leeyahay toban xasano ,alif laam miim xaraf iskuma ah ee waa sadex xaraf oo u dhigma sodon xasano .QofkakajeestakitaabkaAllaahwaxauu leeyahay nolol adag maalinta qiyaa-mana waxa uu imanaya isaga oo indho la’ intaa kadib waxa uu odhanayaa maxaad ii keentay aniga oo indho la’ sawnigii indho qabayaduunkii,waxaloogujawaabayaamarkii aayadahayagu kuu yimaadeen waadigii illaaway maantana waa sidaas oo abada’ ah . ( suuratu daaha 124-125).Waxa uu rasuulkeenu ilaahay uga cawday sidaquraankiiloogajeestayeenoloshiiwax kale loogu dhistay , dad badani waxa ay quraanka xasuustaan marka cidi ka xanuunsato ama ka dhimato amaba ram-madaan soo gasho , way yaryihiin inta lehraatubjoogtaahooaanumarnakatagin , cidda akhridana waxa ay u akhri-yaaninayajarkuhelaanakhrintiisaumaakhriyaan in ay noloshooda oo dhan ku bineeyaan dushiisa qofka qoyska iyo qarankuba lagama fogaado waxyaala kale lasoo waarito ama hallaga keeno bari ama galbeed . Waxa ka sugnaaday rasuulkeena kari-imka ah in uu yidhi : mu’minka quraanka akhriyaa waxa uu ka dhigan yahay ( utruja)-waageedmidhihiisuiskudarsa-deen macaan & udgoon- waa iimaanka oo dhadhankii ah & quraanka oo udugii ah , mu’minka aan quraanka akhriyinna waa timir oo kale macaan kaliya oo aan udug lahayn,munaafiqaquraankaakhriyaawaa sida ( riixaanada ) -geed shabbaha dhigriga udgoon buu leeyahay laakin waaqadhaadh-munaafiqaaanquraanakhriyin waa dacar oo kale -qadhaadh & udgoon la’aan ayay isku darsatay- waa iimaanla’aan&quraanla’aan,ufiirsoakhristawsidaquraankumunaafiqiiusiiyay urta xun !!!QofkaxafidsankitaabkaAlledadkawaaka horreeyaa adduunka iyo qabriga iyo bankaqiyaameiyojannadabamaxaacad-dayn u ah ?

ADDUUNYADA :Markalatukanayowaxalajideeyayinuu hor maro oo uu dadka tukiyo ka ugu quraan badan ha yaraado ama ha way-naado sidii u noqday Cuthmaan Ibnu Abil Caas imaamka waftigii reer thaqiif eerasuulkauyimiisagoo12jirahwaxauuyidhimaraigufilanmalahaynmarkaansujuudocawradaydaqaybkamidahayaamuuqanaysay markaasa la yidhi imaamka maro haloo iibiyo laba go’ waxaan noqday ilmihii ugu horeeyay ee labo maro xidha .QABRIGA : Haddii laysugu keeno laba iyo wixii ka badan qabri waxa la hor mariyaa ka ugu quraan badan sidii uu yeellay rasuul-keennu(scw)markiiuuaasayaymujaa-hidiintii ku shahiiday dagaalkii uxud ee ay ku hirdameen muslinka iyo gaaladu .BANKA QIYAAME :Waxa ka sugnaaday rasuulka (scw) inuu yidhi : “ka quraanka xariifka ku ah waxa uulajiraamaalinkaqiyaamemalaaiktawaxyiga qorta ee sharafta leh” maba joogo halka dadku joogaan dhib iyorafaad midna arki mayo waxaasaa sharaf & karaama ah , ka uu ku adag yahayna wuxuleeyahaylabaajar.JANNADA ; Marka Alle wayne uu amro mu’miniinta inayjannadagalaanwaxalaguyidhaahdakaquraankaqaybsanakhrioodarajaadkajannadafuuldeegaankaaguwaahalkaaayadda ugu dambaysaa kaaga dham-maato , bal sawiro akhristaw hadii adiga ama aniga lagu yidhaahdo dhulkaasaa lagu siinayaa tallaabso suradda suura-daha ugu yar akhri sida suurtul kawthar waa innaa acdayn eh halkay kaaga dhamaatokujoogsointaynugaadhsiinlahaysidaynuujiidjiidilahaynmaxaadu malayn hadii meesha lagu siinayaa ay tahayjannadiiilaahayuudhigaywaxaanili waligeed qaban dhagina maqal qalbi bini aadanna aan wali kusoo dhicin .Alle hayna ilaaliyo adduunka oogadiisa iyo uurkiisa iyo aakhiraba .

Qore : Sh/Axmed C/laahi Aadem ( Shacbaan ) .Email: [email protected]

Macaanka Iimaanka( QAYBTII 3 AAD )

DIINTA IYO NOLASHA

Page 8: Galool Magazine issue 4

8 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

SUUGAANTA IYO DHAQANKA

“Ilaahayoow cadawgeenna,Burjujuciyobagagac, Bukur awr ku raftiyo, Quraarad buur lagu tuuriyo,Beedmaroodikujoogiyo,Bisaduujiidhaytareeniyo, Bilaalahoo kala duuliyo, Bad aleel ku dhacdiyo, Buul dabeyli riddiyo, Buurigoo la afuufay, Ay dabeylina qaadday, Ilaahow baabbah ka yeel, Oo sidaasaan ku baryay,”

Ducadii Cabdillaahi Cabdi ShubeHordhac:Magaca Cabdillaahi Cabdi ayaa la odhan jiray,laakiinwuxukucaano-maalayooloo wada yaqaannay Shube. Curinta iyo hal-abuurka asaaggii tahan ayuu ka dhaqaaqayooda’diilafilkaahaydhigsiiyohayaanmidnakumaaygaadhijirin.Falkinta maansada murti-dhaadhi aan midhihiisa la qawadin ayuu ahaa. Mur-tida iyo maaddu agtiisa ayay iska yaal-yaalleen oo tabtii Timacadde ayuu ahaa kuna dhawaa in uu yidhaahdo: “U-meer-meeri maayoo tixaan meel dhow ku ogaa.” Si qurux badan oo fan iyo farshaxanni-moba ku dheehan yihiin ayuu maansa-diisaufalkinjiray.Hadbaseebayuuuroganjiray.

Cabdillaahi Cabdi Shube wuxu ku dha-shay magaalada Bullo-xaar 1926kii. Isaga oo yar ayuu halkaa ka yimid, waxaanu u soo wareegay magaaladan Hargeysa oo uu ku barbaaray. Markii uu yaraa ee

horewuxuahaan jiray reermiyi sidiidadkuba xilliyadaa u badnaa, laakiin markii uu Hargeysa soo galay wuxu u digo-rogtay oo uu noqday dhal magaalo. Beryihii ugu horreysay ee uu Hargeysa soogalaywuxukashaqaynjiraymeelkutaallay halkan fooqa Shirkaddii “Bis” oo ganacsatoHindiyideggeanaanjireenoouuuahaanjiraycunto-kariye,isagaoolasiiyayoowadanjiray‘Baaskiil’uukusooadeeganjiray.

Sida uu noo sheegay wiilkiisa Aabi, Cab-dillaahi Cabdi Shube intii uu halkaa ka shaqaynayay ayay is-barteen xubno ka mid ahaa Kooxdii Walaalo Hargeysa oo uu beryihii danbe ka mid noqday.

Cabdillaahi Cabdi Shube dhowr iyo kon-tannadii ayuu magaaladan Hargeysa ku guursaday Qamar Bile Cali Liibaan, waxaanay u dhashay toddoba carruur ah oo ay maanta ka nool yihiin: gabadh iyo saddex wiil oo kala ah: Axmed, Aabi, Aadan iyo Xayaat, halka ay ka shafeeceen saddex wiil.

Dad badan ayaa u haystay in ay maan-sooyinkiisa oo dhami Jacbur ahaayeen, bal se Cabdillaahi Cabdi Shube halka uu ka gaadhay curinta iyo farshaxannimada intabawuuiskudarsanjiray.Wuxulahaakarti la yaab leh oo uu ku dhowro xaraf-raaca isaga oo maansadiisa isla markaana ka ilaalinaya laaxinka, taasina waa ta u suuro-gelisay in uu Cabdillaahi Cabdi Shube yeesho heeso caadiya oo ay fannaa-niintu ku luuqeeyaan, sida aanu ka soo

xigannay Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay taariikhdii iyo curintii aabbihii. Aabi oo keliya iskuma aanu koobin bal se dad badan oo kale ayaanu ka hubinnay oo ay Cabdillaahi CabdiShubeaqoonfiicanisulahaayeen,heesahaana waxa ka mid ah:

1. Ma la dhuubtay awgaa: Maryan Mursal iyo Xuseen Tarabbi,2. Dhibtan I haysa hadmaan illaawi: Maxamed saleebaan Tubeec,3. Dul-qaad: Maxamed Saleebaan iyo Marwo Maxamed,4. Buur baa kugu gudbane: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle,5. Hal-xidhaale: Maryan Mursal iyo Cumar Dhuulle,6. Hees ay wada qaadaan: Axmed Muxumed Good (Shinbir) iyo Aamina Cabdillaahi,7. Astaantadalka:SeynabXaajiCali (Baxsan), marna Habboon XaajiCabdillaahi,8. Cabashiyo caloolyow: Maxamed Saleebaan Tubeec,9. Ii tali, aniga ii tali: Marwo Maxamed iyo Maxamed Saleebaan,10. Ma tallaabsan karaayee: Xaliimo Khaliif Cumar (Magool),

Riwaayadihiisii waxa ka mid ahaa:

1. Bililigo,2. Is-dhaafe dhallintiyo dadkii dhalay,3. Ama Muumina keen, ama maalki I sii, ama aduun baa ii mehersan,

Macallinkii Mederasaddii Maadda iyo MurtidaCabdillaahi Cabdi Shube

(Bullo-xaar 1926kii – Hargeysa 1978kii)

“Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –

cankaabo@ hotmail.com,

www.dharaaro.com”

Cabdillaahi Cabdi Shube

Page 9: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 9

SUUGAANTA IYO DHAQANKA

Haddanaseebkakaleayuuuroganjirayoo maansooyin Jacbur ah oo aanu xaraf-raacadhowrinbalselaaxinkakajiroayuulahaa. Xulashada ereyada, doorashada muuqaallada, sahansiga mowduucyada iyo sidii la yaabka lahayd ee uu ereyada u tixijirayayaasiinjirtayamamaansooy-inkiisiikadhigijirtyafangaarahooaanaycidinalawadaagijirinilaamaantadaalajooganaaanaylawadaaginoouuisaguhorseed ka ahaa. Foolaadkii fanka Jac-burka iyo maadda ah ayuu ahaa. Dhinac kale marka aad iska taagto curintii iyo hal-abuurkii Cabdillaahi Cabdi Shube, waxaad ku hafanaysaa tiraabtii uu xeel-dheerida iyo farshax-annimadabakufalkinjirayeeaanayjirinwaxloodhigaa,isagaooadeegsanjirayaqoontii iyo waayo-aragnimadii hodanka ahayd ee uu u lahaa suugaanta iyo dhaqa-nka Soomaaliyeed.

Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu ka wareysannay aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu ahaa nin bulshaawiya oo kaftan miidhan ahaa. Wuxu intaa noogu darayinuuhadiyojeerjeclaainuuxar-ragoodo oo suudh ku lebbisto. Waxa kale oo uu intaa noo raaciyay in uu ahaa nin nabadeed aan weligii dagaallamin rab-shadahanaaanjeclayn.Aabi oo aanu ka wareysannay geeridii aabbihii, waxa uu noo sheegay in uu sidii kuhaanka is-tafaafulay oo uu u dhintay sidii uu ku sheegay hees uu lixdannadii tiriyay oo Maxamed Saleebaan qaado oo uu kaga calaacalayay sidii loogu hun-goobay midnimadii lixdankii. Waa kii Cabdillaahi Cabdi Shube heestaa ku lahaa:

“Cabashiyo caloolyow, Ciil kaama bi’iyaan, Talo cayn wareegtana, La iskuma canaanto, Cirku nimuu ku soo dumay, Cidi kama dul-qaaddo, Dhulku nimuu la ciirana, Laga caawin maayoo, Anna caawa taydii, Iyaday cuslaysoo, Cidna eersan maayee,”

Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu intaa noogu daray: “Waxaanu deggenayn dooxa qarkiisa meel u dhexeysa Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar iyo Beerta Xorriyadda. Goor habeennimo ah Cabdillaahi oo soo hoyanayay ayaa ku dhacay ceel dooxa ku yaallay,kadibnawuxukajabaydhabarka.Muddo ayuu sii noolaa markii danbena nabarkii dhabarka ka gaadhay ayuu u dhintay.”

Waa dhaqan ay Soomaalidu leedahay in ay maansayahanka iyo kuhaanka isla xid-hiidhiyaan. Haddaad suugaanta Soomaa-lida dhex qaaddo tusaalayaal faro badan ayaad soo helaysaa.

Waxa ka mid aha geeridii naxdinta lahayd ee Maxamed Mooge Liibaan ku timid bishiiJuun4dii1984kiioojid-gooyolagudilay taas oo mararka qaarkeed loo nis-beeyoheesuuqaadijirayooHadraawilahaa oo tidhaahda:

“Waxyeello halkay u taallo, Naftayda maxaan ka waanshay, Walaalkay nimaan u haystay, Muxuu waddo ii fadhiistay, Qof aan wehelkayga mooday, Ka qayb-galay weerarkayga, Ruux aan la wadaagay oontu, Ku wiirsaday dhiilladayda,” Tusaalayaal kale oo badan ayaynu soo qaadan karnaa. Waxaan xusuustaa Deel-leydii oo la tiriyay intii ka horreysay hal-gankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd,ayaawaxakujirtaymaansouulahaaCismaanAskariootuduckujirayuu ahaa:

“Deeblaanujoognaa, Duryaa laga warramayaa, Subulaha dushoodaa, Dabku nooga baxayaa,”

Marka uu heestaa tirinayo Cismaan Aadan (Askari), saldhiggii ugu horreeyay ee SNM ee Durya lama furin, Hargeysa lagama qixin oo dadkii deggenaa Geed-deeble iskuma urursan markii duqayntii dadnimo-ka-baxa ahayd ee nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre bilaabantay. DhinacakaleSNMmadeginJigjigaoowaa marka uu leeyahay: “Subulaha dush-oodaa, Dabku nooga baxayaa.” Subuluhu waa gunburaha yar yare e xagga Itoobiya kaagamuuqdamarkaaadTog-wajaalejoogtoamaaadxadkakatallowdaba.

Tusaalayaal badan ayaynu soo qaadan karnaaye aan maanta halkaa kaga hadho.

Aynu ku noqonno mowduuceennii la xid-hiidhay noloshii iyo curintii Cabdillaahi Cabdi Shube oo suugaanta Soomaaliyeed suulkiisii iyo saxeexiisii oo aan tirmayn kaga tegay.Qamar oo ah xaaskii Cabdillaahi Cabdi Shube oo aanu wax ka weydiinnay murti-dii odeygeeda, ayaa noo sheegtay heestan oouuhabeenkiicalankaee26kiijuuntiriyay, waxaanu yidhi:

“Maalintii aynu caddaannay, Kolna aynu casaannay, Ee ay caynba cayn noqotay, Calankeenna la saarayee, Cirradii igu taallaayee, Nuuraddaa ka caddayd, Culaygaa noqotayee, Innammadii canbe weeye, Dumarkii waa canbaruud, Ka dib waa isku cun, Haddii ciidda dhulkiyo,Buurahalaiskucajiimo, Caawa caawo ka weyn, Waageedba ii ma caddaanine, Alla waa cawadayda oo, Calan Soomaaliya weeye.”

Mar ay Qamar ka sheekaynaysay Cabdil-laahi Cabdi Shube iyo hawlihii uu inta badanqabanjiray,waxaytidhi:“Cabdil-laahi farsamo-yaqaan ayuu ahaa. Kabaha wuutolijiray,birtanawaauutumijiray.Beryouuxamaamlahaanawaaayjirtayoo uu aad ugu cammirnaa.”

Aynu dib ugu noqonno Aabi Cabdillaahi Cabdi Shube oo soo xusuustay maanso gaaban oo kale oo la magac-baxday Duco oo aabbihii lahaa, waxaanu yidhi:

Duco:

“Islaan baa loogu duceeyay,Daacogoorwalbajoogtiyo, Wuxu doonayo saarkiyo, Wuxuu diidayo saarku,

Nin baa loogu duceeyay, Calan dheer dusha saar oo, Dawarsoo ha fadhiisan,

Mid baa loogu duceeyay, Markuu waagu dillaaco, Dubbe weyn degta saar oo, Dhagaxuun dil-dillaaci,

Mid baa loogu duceeyay, Dibbir oo iska seexo,

Inan baa loogu duceeyay, Mar habeen dem yidhaahdo, Daaraddiinna ka bood oo, Suuqa soo daddawaaf.”(La soco)

Page 10: Galool Magazine issue 4

10 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Qoorgooye

Hordhac:-waa cudur ka mid ah cuduradafidda,dadbadana waa uu gaadhi karaa oo wuu faafaa.wa cudur badanaa uu

keeni karo infegshanku (infection) ama caabuq ku dhaca xuubka ku dahaad-han xangullaha (lepto meningis) ee lafdhabarka iyo maskaxda taas oo u gudubtadareerahalafdhabartakujira(fluid in spinal cord and fluid that sur-round at the brain )waa cudur ku dhici kara qof walba,dadka waaweyn iyo caruurtaba waxa uu aad ugu badan yahay caru-uurta yar yar gaar ahaan kuwa shanta sano ka yar waxa uu ku badan yahay wadamada soo koraya waa cudur halis galiya nolosha qofka,sababana dhimasho iyo naafo oo qofka uu ku dhacaa uu u dhimana karo naafoobina karowaa cudur si dhib yar looga bogsan karo haddii si degdeg ah loo garto oo degdeg loo daweeyo

Yaa Khatar U Ah Cudurka Qoorgooyaha1. Ilmaha culayskiisu uu yar yahay marka uu dhasho ee uu ka yaryahay labo kiiloo iyo badh(2.5 killo)(low birth weight)waa uu uga khatar badan yahay inta kale oo dhan yar iyo waynba.2. Caruurta aan dhamayska ku dhalan ee aan dhamaysan mudadii uurka hooyada alle(sw)uu ugu talo galayinuukujiro(pretermchild).3. Hooyda foosha ku raagta ee uujaboxuubkamadheertuilmahaaydhashaa wuu uga khatar badan yahay ka kale.4. Meelaha dadku aadka ugu badan yahay ee laysugu yimaado sida suuqa,basaska,goobaha waxbarashada ,sinimooyada,iwm.caruurtajoogtaiya-gunakhatarayeyugujiraanxanuunkanmaadaamaoouukufidayoxanuunkaniqufaca ,hindhisada ,neefta. sababta oo ahxanuunkaniwaxauuufidaasidahargabka oo kale .

5. Qofkaayjugimadaxakagaad-hay isna waa u khatar cudurkan(head injury).6. Qofka nabar caabuq ah ku leh maqaarka (skin infection)isna wuu uga khatar badan yahay qofka kale.

MAXAA KEENA CUDURKA QOOR GOOYAHAWaxaa keena 1. Bacteria2. Virus3. Parasite 4. FungalWaxa ugu badan ee sababa waa bak-teeriyada (bacteria) waana ka ugu fididabadan.Maxaa lagu garan karaa cudurkanMaadaama oo uu cudurkani yahay cudurfidasababanadhimishoooqofkukudhacaa ku dhiman karo 48 saa-cadood gudahood qofku waxa uu yeela-nayaa xumad aad u badan oo ka saraysa 38.5co intaa ka dib qofku waxaa uu samaynayaa gariir ama qallal(seizures).Ilma yar hadii uu yahay waxa soo buurnaanaysa nasinta oo ah madaxa badhtankiisa kadibna ilmaha yar indhahiisu waxay noqonayaa qaar meel kaliya eegaya oo aan dhaqdhaqaaq kale lahayn.Sida cudurka magaciisa ka muuqata waxa adkaanaysa qoorta oo aan lasoo leexin karayn intaa kadib waxa wada adkaanayandhamaanjidhkaoodhan.Waxa cidhiidhi noqonaysa neeftii qofka illaa uu marka danbe qofku uu miyir beelo miyir beelkaas oo ay keenayso bakteeriyada xanaanku.Halka uu waxyeelaayao xanuunkani waxa weeye dareemayaasha ama neerfayaasha maskaxda ayaa uu wax yeelayaa qofkii markaa waxa dha-caysa inuu waayo mararka qaarkood aragtidii,maqalkiiHalka lagayaabo in ilmihii yaraa uu waxyeelleeyodheecaankiisiikujiraymaskaxda kadibna uu madaxu way-naado oo markaa uu qaado cudurkan la yidhaahdo (hydro cephlus) madax waynaan.Waxa markaa la arki karayaa in ilmihii

uu lumiyo istaagii oo uu kici kari waayo ooqaybjidhkiisakamidahibadkhtidoiyo inay wada noofoobaan iyo in ay talan taali u naafoobaan intaba waa la arkaa iyo mid dhinta.Waa cudurkaa keeni kara dhimasho isla markaana keeni kara naafo mudo badanjirikartaislamarkaanawaacudur hadii 24 saacadood ee u horeeya la garto loo bilaabo daawo si dhib yar looga bogsan karo.Si degdeg ah oo loo ogaadaa waxa ay keenaysaa si degdeg ah oo looga bog-sado, hadii dib uu u dhaco bukaaanku ama hore loo keeni waayo dhakhtarada waxay keenaysaa in uu si degdeg ah u dhinto isla markaan uu u naafoobo oo ay dawaduna waxba ka tari waydo.Markaa xalku waxa uu noqonayaa waa cudur ay wanaagsantahay in markiiba si degdeg ah loo ogaado si markiiba loo daawayn karoWaa cudur ummada oo dhan saamayn karahadiiuufidoookeenikarainay ummada oo dhamai wada qaado cudurkani oo sida kaneecada iyo sida hargabkiiookaleufidikara.Waa cudur haddii la arko in uu dad badan ku dhacay loo baahan yahay in dadkaa hore loo daaweeyo lana karan tiimeeyosiaanuufidinsababtaooahayaamo yar gudahood ayuu dad badan ku dili karaa.Ka Hortag CudurkanMarwalbana daaweyn waxa ka wanaagsan ka hor taggaMarkaa ka hortaga cudurkani waxa uunoqonayaawaxajiraoouuleeya-hay cudyrkani talaalka meningitis ka talaalkaasi in la qaataana waa muhiim oo markaa talaal kaasi waxa aad ku shaqayn kartaa ilaa 4 sano. Badanaa markaxajkalatagayowaalasiiqaataatalaalkanwaayecibaadadaxajkawaxaisugu iminaya dad badan oo kala duwanoogudanayaxajkawaanukudhexfidikaraa.Daawaynta Cdudrka Qoorgooyaha Daawayntii waa in la sii qofka qaba cudurka dawo ah (antibiotic)

(meningitis)

CAAFIMAADKA

Qalinkii:Dr:Maxamed Muuse -Garaad- oo ka tirsan dhakhaatiirta ku bahawday GARGAAR HOSPITAL

Page 11: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 11

HOSPITAL STATISTICAL REPORTQuarther ReportSeptemper………….Novemper /2011GargaarMultiSpecialityHospitalMaroodijeexregionHargeisaPLEASE FILL ALL ITEMS BEDS BASSINETSAuthorized bed 90 86Actual / implemented 86 86Percentage of occupancy 77.4%Additional (emergency used during) 92 beds

TYPES OF SERVICE No Of Pts Total No Of Patients day medicine pay Outcome Of recovery

Recovery improved Up inproved transfered DEATHS

Medicine 200 198 4 0 10Surgical pediatric 1 1 0 0 0

Surgical Adult 244 244 0 0 0

Gynecology 91 91 0 0 0DEATHSTotal deaths = 10 (under 48 hours from admission = 5, /beyond 48 hours =5)Type of deaths = intra uterine = 35 = maternal = 0Surgical Soperations

TYPES OF OPERATION Under 15 yrs Over 15 yrs totalmale female Male female Male female

Major operation 1 0 69 175

Caesarean section 0 0 0 91

Minor operation (out patient)

0 0 33 60

TOTAL 1 0 132 326

RECAPITULATION OF PATEINT IN THE HOSPITALTotal admission (excluding new born) 1144 (new borns _781)Total Discharge (including deaths) 1044Total patientslast day of the most 60Average number of in-patients per day 10Average length of hospital per patient 4 of 12 days Referrals’ 0Referrals from other hospital 10Referral from other health facilities 10DISCHARGES

Page 12: Galool Magazine issue 4

12 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

SUUGAANTA IYO DHAQANKA

Heestani waxa ay ka mid tahay suugaantii ugu horreysey ee uu abwaanku alifo. Waa ay adag tahay in abwaan xasuusto heestii ama

gabaygii ugu horreeyey ee uu noloshiisa sameeyo, haddii ay dhacdana waxa laga yaabaa in uu in yar ka xasuusto, haddaba abwaanku waxa ay u tahay tani, mid uga duwan dhammaan suugaantiisa kale oo dhan, waxaannu yidhaah-daa “ Waa hooyadii suugaanteyda”Heestani waxa ay ka mid ahayd, hees-ihii uu tartanka ku galay dugsiga sare ee Gacan libaax ee uu abwaanku dhi-ganjiray.Sidookalewaxaayahaydheestii uu kaalinta koowaad ku galay dugsiga Gacan libaax tartan suugaa-needkii la qabtay sannadkii 1985-kii. Heestani waxa ay ka mid ahayd kuwii caan baxay ee ay dadku aadka u hadal hayn jireen xilliyaddii ay socotay,waxaanay ku reebtey dadkii ama ardaydii wakhtigaa halheysyo badan oo aan duugoobin iyaga oo ula baxay magacaah“Hayhuruufin”

Haween waa lugooyooMa hantaan geyaankoodHaydaar kama xishoodaanAdiguna haweeyaayAxdigii haleysooKa hadaaftay wacadkiiHurdo seexan waayooMa hadhsado dharaartii

Adigaan ku haybshaa

HayhuruufinweligaaHaynahiifingacalooyHaye nabad walaaleey

Hooyadii ku dihatiyoHaween waa hantiyo maadhHa hilmaamin maandhowDhanka kale halyeeyoowGoor-maan heshiinooHaasaawe meel dhigey?Naf hawaawi booddaayHurdo seexan weydaye

KumahiifinwaligeyHaaraana kuma odhanHaddiiaanhafriinjirin

Onkod bay habseeyooHogolbaaijiidhooHanqadh baan ku tooseeNafta haabashiyo ciilHolloshaa u gaarooHadimaa ku gaadheeHohoy! Halaq qarsooniyoDumar waa huq iyo ciilRabbi noo haweeyee

HayhuruufinweligaaHaynahiifingacalooyHaye nabad walaaleey

NafjacaylhaleelaaHibashadu ku badanteeHiil iyo miyaan hooKuu hidin karaa maya?Haweenkaa calaacala

Hal adeyg rag weeyeeHa hiqleyn sidii dumarLa hulleel hammuuntii

KumahiifinwaligeyHaaraana kuma odhanHaddiiaanhafriinjirin

Onkod bay hadheeyooHilaacbaaIjiidhooHanqadh baan ku tooseeHogoshiijacaylkaanSoo haabo idhiyooHafteymawjaddiisiiHalbawlaha wadnaha iyoHalistaad ka lulataaHolin waayey socodkii

HayhuruufinweligaaHaynahiifingacalooyHaye nabad walaaleey

Waayeel hadraan nacayDadka ruux halaanhalayWaa laga haboonaaHogoshaajacaylkeeKugu hoortey keligaaXagayaga ma ay helinSidii hoota nuugiiHawdsarekulumijireyArmada kala halawdaa

KumahiifinwaligeyHaaraana kuma odhanHaddiiaanhafriinjirin

HAWAAWIQalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi (Dheeraad)Email: [email protected]

Page 13: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 13

Page 14: Galool Magazine issue 4

14 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

HordhacShirkadda isgaadhsiinta cas-riga ah ee SOMTEL waxay ka mid tahay shirkadaha ka farcama Dahabshiil Group waxayna cagaha isku taag-

tey sannadkii 2010kii bishii Mars taas oo ka dhigaysa muddadii ay shirkaddu jirteyLaboSanno.Runtii,markalagahadlayo taabbagalnimada shirkada isgaadhsiineed, muddadani waxay u muuqataa mid aad u yar. Waa xaqiiq in aanay suurtogal ahayn in aan qoraalkan keliya ku soo koobo waxqabadkii shirkad-danintiiayjirtey.Sidaadaraadeed,wax-aan isku deyayaa in aan taabto qaybo ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee SOMTEL u qabato macaamiisheeda iyo dhammaanba bulshaweynta ku dhaqan Somaliland iyo bulshada ku hadasha afka hooyo ee Soomaaliga. Adeegyadda SOMTEL Shirkadda SOMTEL waxay ku caanb-axday adeeg wireless-ka / (xadhigla’) casri ah oo ay tayadiisu aad u sarrayso iyo weliba qiime aad u hooseeya oo ay ku bixiso adeegyadeeda kala duwan. Qiimaha iyo tayada adeegyada shirkaddu bixisaa waxay ku sifoobeen kuwo la mahadiyey sumcad iyo kalsoonina u soojiideyshirkaddaiyodhammaanbaummadda ku hadasha afka Soomaaliga meelkastaooayka joogaandaafahadunida. Waxaan tusaalaha ugu horreeya u soo qaadanayaa qiimaha adeegga tele-phonnada oo ah mid aad macquul u ah una saamaxaya dhammaanba dabaqa-daha kala geddisan ee bulshada in ay ka haqab beelaan adeegga laga helo aaladda telephonnada haddii ay ahaan lahaayeen dhinaca hadalka; farriimaha kala duwan sida SMS and MMS; GPRS/EDGE modem barnaamijkaila-soo-hadal(VoIP)eelaguladhay telephoonka gacanta iyo weliba adeegga maqal iyo muuqaalka 3G video call oo shirkaddu (SOMTEL)noqotay shirkaddii ugu horreysey ee keentay

mandaqadda siiba Somaliland.Waxaa xusid mudan adeegga casriga ah ee Internet-ka, iyada oo ay shirkaddu SOMTEL ku caanbaxday Internet uu xawaarihiisu aad u sarreeyo unaMyriad Pro dhigma kan laga helo waddamada hore u maray ee ay ka mid yihiin Yoruba iyo America. Waxaan isna la hilmaami karin aaladda loo yaqaanno EDGE Modem-ka ee lagu walwaasho/qaato Internet-ka guura (wireless flash-ka)oo ay shirkadda SOMTEL markii ugu hor-raysey keentay kana hirgeliseyWadanka . Muran kama taagna in SOMTEL ku faani karto hoggaanka adeeggan Internet-ka oo waaayahan dambe noqday mid aan looga maarmi karin nololmaalmeedka banubasharka. Waxaa kale oo adeegyada SOMTEL kamid ah adeega Family Net-work service oo ah adeeg isku xidhayaa Qoys-ka iyo shaqaalaha adeegan oo ah adeeg isku xidhaaya koox (Group) si ay u wada xidhiidhaan adeega Family Network service ay shirkaddu ugu tala-gashay macaamiisheeda sida Koox wada shaqeysa,ama Qoys, adeegyadda Kale ee shirkaddu u soo kor dhisay macaamiish-eeda waxaa ka mid ah adeega interna-tional Roaming oo loo yaqaan DALMAR SERVICE adeegan oo kuu suuragalinaaya in SIMcard-ka SOMTEL adigoo aan saa-rin aad ku mushaaxaysid in kabadan 200 oo dawladood Doorka SOMTEL iyo Baahiyaha BulshadaDhinaca tabantaabinta adeegyada bul-shada iyo taakulada joogtada ah eeay shirkaddu (SOMTEL) ka geysato ayaa isna noqonaya mid aan marnaba la illooobi karin. Haddii aan waxyar ka taabto adeegyada bulshada ee ay shirkaddu ku bixisey hantida aan yarayn, waxaa ka mid ah waddooyinka; cus-bitaallada; dhallinyarada iyo ciyaaraha; taakulayanta dadka baahan iyo carru-urta agoomaha ah; ogaanshaha iyo u-gar-gaarka dhallaanka yaryar ee ku dacdar-raysan derbiyada magaalooyinka kuwaas

oolooyaqaanno‘Derbijiifka’; (streetchildren) gargaarka abaaraha; taaku-layntamasaajiddadaiyomalcaamadahaquraanka; dhiirrigelinta iyo taakulaynta ardayda dhigata marxaladaha kala duwan ee waxbarashada hadii ay noqon lahayd midhoose/dhexe,midsareiyoheerjaa-madeedba. Waxaa intaas dheer keenista iyosoo-bandhigistabarnaamijkiilagadabadhacay ee KAS-MAAL show program kaas oo ah mid laga dhaxlayo faa’iidooyin badan siiba kobcinta aqoonta bulshada ee dhinacyada, cilmiga diiniga ah iyo kan maaddiga ahba; aqoon-dhaqameed iyo weliba mid taariikheed, IWM.Waxaad kaloo la socotaan wacdaraha shirkadda ee dhinaca adeegga Internet-ka iyo sida ay u noqotay shirkaddii ugu horraysey ee suurtagelisey in TV yada ubaahinkaraanbarnaamijyadasitoosah (live coverage ) oo laga daawan karo caalamka dhammaantiis. Xusuuso baa-hintii tooska ahayd ee shirkaddu ku sharaftay xafladdii 18ka May 2011iyo labadii ku xigey ee ay nasiibka u heleen hawlwadeennadaxafiiskaqurbajooggaSomaliland ( Somaliland Diaspora agency ) lana xidhiidhey xafladdii xagaaga iyo kiidood-cilmiyeedkii laguqabtay jaa-madda Hargeysa isla sannadkii 2011. Aan kuugu sii daro dhacdada iminka ka socota garoonka ciyaaraha/kubadda cagta ALAMZEY stadium ee ku yaalla magaalada Burco iyo sida layaabka leh ee ayshirkadduSOMTELumuujiseyawood-deeda dhinaca technology-ga casriga ah siiba Internet-ka iyadoo shirkaddu ku guulaysatey in ay si toos ah u quudiso tiraba afar TV iyo weliba Radio Hargeysa kuwaas oo isku waqti tebinaya geeddi-socodka ciyaaraha gobollada Somaliland. Warmurtiyeedkan oo Ka soo Baxay Xafiiska xadhiidhka dadweynaha eeshirkadda isgaadhsiinta ee SOMTEL kuna saxeexanyahay madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda SOMTEL

Doorka Shirkadda Casriga Ah Ee SOMTEL Iyo Adeegyada Bulshada

Qalinkii Abdi Nasser Awad Mouse (DONYO)Position: public Relation manager

TECHNOLOGY

CELL phone: 252 79000488E-mail [email protected]

Page 15: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 15

Page 16: Galool Magazine issue 4

16 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

QUR’AANKA IYO SAYNISKA

Cilmiga uurjiifku “Embryology” waxa uu ka mid yahay Culuumta Sayniska ah ee ay aqoonta aadamuhu dhawaanahan wax ka ogaatay. Kadib

markii la ikhtiraacay waynaysooyinka casriga ah iyo qalabyada kale ee lagu sameeyo cilmi-baadhisyada sayniska ah. Quraanka kariimka ahina uu ka war-ramay muddo aad u fog ka hor. Xubnokatirsanhay´adaicjaaskacilmigaquraanka iyo xadiiska ayaa la kulmay mid ka mid ah saynisyahannada dunida ugu caansan ee looga dambeeyo cilmiga bara-shadaqaabdhismeedkajidhkabaniaad-amka (anatomy) iyo cilmiga barashada uurjiifka(embryology),oomagaciisanala yidhaahdo Professor Keith Moore. Professor Moore waxa uu qoray buugga uu magaciisu yahay “The developing human”. Professor Moore waxa uu cilm-igabarashadaqaabdhismeedkajidhkaiyocilmiga barashada unugyada ka dhigaa jaamacadaToronto,oouukaahaahor-mood ku xigeenka waaxda sayniska aas-aasiga ah oo ka tirsan qaybta culuumta caafimaadka.Muddosiddeedsanoahnawaxa uu ahaa guddoomiyaha waaxda barashadaqaabdhismeedkajidhka.Professor Moore waxa uu hore uga soo shaqeeyayjaamacadaWinnipegmuddodhan 11 sanno. Sidoo kale waxa uu guddoomiye u noqday ururo badan oo caalamiah,ooaykujiraanaqoonyahan-nada ku takhasusay barashada qaabdhis-meedkajidhkaiyogolahaaykumidoo-been aqoonyahannada ku xeel dheer cilmiga barashada noolaha (biology). Professor Moore waxa uu sidoo kale xubin ka noqday ururada ay ka mid yihiin:1. Royal medical association of Canada2. The union of American anatomists 3. The union of north and south American anatomists

1984-kii, Moore waxa uu helay

abaalmarintii u sarraysay ee waligeed laga bixiyo Kanada (Canada) ee qaybta la xidhiidha cilmiga barashada qaab-dhismeedkajidhkaooah“JCBGrantAward”. Abaalmarintan waxa guddoonsi-iyay ururka ay ku midoobeen dadka yaqa-ana cilmiga barashada qaabdhismeedka jidhka (anatomists). Moorewaxauudaabacay buugaag badan oo ku saabsan

“Clinical anatomy” iyo “Barashada uur-jiifka(Embryology)”.Siddeedkamidah buugaagtaas waxa loo adeegsadaa tixraacahaanmarkalajoogoiskuuladacaafimaadka,waxaanalooturjumaylixluqadood. Buugga uu magaciisu yahay “The develop-ing human” ee uu qoray Professor Keith Moorewaxalooturjumaysiddeedluqa-dood oo ay ka mid yihiin afka Ruuskha, Shiinaha, Jabaanka, Talyaaniga, Boor-taqiiskaiyoluqadaYuguslaafiya,buug-gani waa buug caalamka ugu baahay si xoog badan oo ay akhriyaan qaar ka mid ah saynisyahanada adduunka ugu caansani. Buuggan waxa loo isticmaalaa tixraaca shaqada sayniska. Guddi gaar ahooMaraykankajoogtaayaanabuug-gan u dooratay in uu yahay buugga ugu wanaagsanaa ee uu mawduucan ka qoro qoraa kali ahi. Professor Moore waxa la kulmay xubno ka tirsanhay´adaicjaaskacilmigaquraankaiyo xadiiska, waxaanay xubnahaasi u dhi-ibeen aayado badan iyo axaadiistii nabiga( naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaa-tee) oo la xidhiidha takhasuska Profes-sorMooreeecilmigabarashadauurjiifka(Embryology). Professor Moore waxa qanciyay daliiladii caddaankaahaaeekujirayaayadahaasquraanka ah iyo axaadiistaas, kadiba xub-nihiikasocdayhay´adaicjaaskacilmigaquraanka iyo xadiiska ayaa waydiiyay Moore su’aal ah “ waxa aad ku sheegtay buugaaga in waqtiyadii dhexe aan laga samayn wax horumar ah cilmiga bara-shadauurjiifka,ooaqoonyaruunlagahaystaycilmigabarashadauurjiifkaxil-ligaas, waqtigaasna quraanka ayaa lagu

soodajinayayNabiMaxamed,nabigunawaxa uu dadka ku hagayay waxyiga Alle, quraankana waxa laga helaa sharraxaad badan oo ku saabsan abuurka dadka iyo marxaladaha kala gadisan ee koritaanka bani aadamka, adiguna waxa aad tahay saynisyahan caan ka ah dunida, ee max-aad caddaalad u samayn wayday oo aad runtan ugu xusi wayday buugaaga ?”. ProfessorMoorewaxauukujawaabay

“Idinka ayaa daliilkaa haya, ee anigu ma hayo, ee maxaad idinku daliilkaas noogu keeni waydeen ?”. Kadibna waxa ay xub-nihiikasocdayhay´adaicjaaskacilmigaquraanka iyo xadiisku siiyeen Professor Moore caddaymo. Daabacaaddii saddexaad ee buugga “ The developing human”, waxa uu Professor Moore ku daray qoraalo, isaga oo ka had-laya xilliyadii dhexe waxa uu Moore buug-giisa ku qoray

“ Koritaankii saynisku waxa uu ahaa mid gaabisahintiilagugudojirayxilliyadiidhexe, qodobo sare oo yar oo ku saabsan baadhitaankacilmigabarashadauurjiifkaoo xilligaas la qaaday ayuun baynu hadda ognahay, qodobadaasina waxa ay ku jiraanquraankaooahbuugga(Kitaabka)barakaysan ee ay rumaysan yihiin dadka muslimiinta ahi, qodobadaasina waa in bani aadamka laga abuuro dhiiqyo (secre-tions)iskujir(mixture)ah,ookayimaadalabka iyo dhadiga, dhawr tixraac ayaa loo sameeyay ka abuuritaanka bani aadamka ee dhibicda manida ah, sidoo kale waxa lasoojeediyayinnoolahaabuurmayaauu dago haweenka dhexdooda sidii siidh ama iniinyo oo kale”. Quraanku waxa uu sidoo kale cad-daynayaa in dhibicda manida ahi ay isu badashoxinjirdhiigah(ilmahalabeerayiyo dhiciskubana waxa ay u ekaadaan xin-jirdhiigah),tixraacayaasidookaleloosameeyay in Ilmuhu u egyahay lulumaha muuqaalahaan,uurjiifkawaxasidookalela yidhaahdaa waxa uu u egyahay “goosan ama hudhmo walax ah oo la calaaliyay”. (La soco)

Qur’aanka iyo Cilmiga Uur-jiifka(Embryology). ((Qaybtii 1aad))

Qalinkii :saciid maxamuud gahayr (hargeysaawi)

Page 17: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 17

Page 18: Galool Magazine issue 4

18 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

DHAQAALAHA

Dhaqaaleyahanadu waxa ay ka siman yihiin qani-imadu in ay ku timaado in aad kordhisid oo waliba kobcisid wax soosaarka (productivity growth), labo

waxsoosaar mid uun ka ha noqdee horumarinta Technologiyada (Tech-nological Advances) ama waxsoosaar dhamaystiran oo ku dhisan waxdhoo-finkaafiyikaranaganacsigaaduunka,hadaba dhaqaalahan dhamayska tiran ee Shiinuhu waxa uu abuuray qaniimad dhab ah oo waliba xor ah.Ma odhan karno qaniimadaha waxa kaliya oo soo saara suuqyada maaliyadaha lagu gato (stock market) ama gadashada guryaha oo si xawliya u dhaqaaqda.sana-dihii u danbeeyay dad badan oo aduunka ku nooli waxay heleen dariiq sahlan oo ay ku raadiyaan hanti buuran kaas oo noqday in ay qiimaha raasamaalkooda kor u qaadaan si ay u helaan lacag tiro badan, halkii goobaha shaqada ka aadi lahaayeen ama ay ka xaadir lahaayeen, taas oo dhaqaale yahanka Capital Eco-nomics, Roger Bootle uu ku tilmaamay dariiqan mid gabi ahaanba faa’iido lahayn.Dhamaadkii 1990 waxa si xawli ah ugu soo butaacay suuqyada dunida qiimaha saamiyada guryaha kaas oo faa’iidooyin balaadhan u keenay saamilaydii guryaha Maraykanka oo gaadhay $7trillion afar sanadood gudohood, kaas oo u dhigan-tay laba sanadood gudohood dakhligii ay heleen dhamaan shaqaalaha maraykanku, iyaga oo waliba qoladaa saamiyada ku shaqaysataaaanaylaimanwaxjuhdiyaama xarakaad shoqo ah.Taas oo sababtay in afartii sanadood ee tagay in qiimaha guryaha maraykanku kordhaan in ka badan $5trillion, tani waxa

ay ka dhigtay dad badan oo Maraykan ahi inay dareemaan qaniimado laakiin dari-iqani waxa uu noqday dariiq lagu raadi-nayo hanti khayaali ah oo aan meeshaba jirin.khaladkiiuguhoreeyayeelagalaywaxa uu ahaa dhamaadkii 1990 markii la rumaystay in saamiyadu yihiin dariiq lagutaajiro,khaladkalabaadeemaantataaganina waxa weeye in la rumaysto in lahaanshaha guryaha qiimohoodu aad u sareeyaan ay kordhinayso qaniimadaha dadwaynaha (wealth).Mar marka qaarkood qiimaha saami-yada oo kor loo qaadaa waxa ay leedahay faa’iido aad u badan mustaqbalka, suuqy-ada maaliyadaha lagu gataana (stock market) waxa ay barwaaqoobaan oo laga helaa hanti rasmiya marka loo adeegsado farsamooyin waxsoosaar (productivity) ooayfaa’iidokujirto,hadabahadiiaadloo buun buuniyo qiimaha saamiyada waxa lagu noqon doonaa xasaradihii dhaqaale ee dhacay sagaashameeyadii.Hadaba korodhka qiimaha guryuhu uma taagna inay kordhiyaan dhamaan qaniimadaha wadanka sida ay udhanyi-hiin, shirkadihii guryaha dhisayay waxa ay guryohoodii galiyeen suuqyada lagu gato si looga iibiyo dadka guryaha aan lahaynkuwaasooka rajaynayay inaymustaqbalka iibsan doonaan, si kastaba ha ahaatee dariiqan dhalanteedka ah ee lagu raadinayo hanti cusub oo aan meelna loo soo marin ayaa sababtay dhamaan dadkii guryaha ku noolaa (households) inay waxyar kaydsadaan (save), waxyarna isticmaalaan (spend), in badanna soo amaahdaan (borrow).Marka taariikhda dib loogu noqdo saami-yada qiimohoodu hooseeyaan waxa ay si xaddhaafahudhaqaajiyaanguryogada-shada Maraykanka iyo waliba wadamo

badan oo aduunka ku yaala, marka heer-arka qiimaha saamiyada kor u kacaana, waxa ay ku khasabtaa macaamiishu in ay badi dakhligooda kaydsadaan (sav-ing), kharashkoodana yareeyaan (spend-ing), Shiinaha waa lagu eedayn karaa inuu qayb ka yahay qaniimahan dhalan-teedka ah ee wadamada hore u maray dawakhiyay, sababta oo ah bangiyada shiinuhuwaxaayiskutaxaluujiyeensidiiay gacanta ugu dhigi lahaayeen suuqyada caalamka si horumarka dhaqaalohoodu ugufidodunidanmaantalaciirciiraysaburburka dhaqaalaha, shiinuhu waxa uu soo saarayay badeecooyin aad u raqiis ah kuwaas oo caawinayay in hoos loo dhigo sixir bararka iyo qiimaha dulsaa-rka (interest rate).Tani waxay daaha ka rogaysaa dariiqyada faraha badan ee shiinuhu ku doonayo in dhaqaalihiisan sida dhakhsaha badan u korayaa ugu balaadhan lahaa aduunyada inteeda kale marka laga eego xaga fursa-daha shaqada, korodhka qiimaha saliida iyo sixir bararka, midawga 1.3 bilyanka dadwaynaha shiinuhu waxay ahmiyad wayn u leedahay dhaqaalaha aduunka sidii dhacday qarnigii 14th yurub wixii looguyeedhijiray“blackdeath”laakiintani saamaynta ay leedahay waxa weeye “black death” waxa ay galaafatay sadex meelood marka loo qaybiyo meel dadwaynihii barigaa yurub ku noolaa, mushaharooyinkiina waa ay kordheen, faa’iidadii laga helayay maalgashiguna hoos ayay u dhacday, geesta kale isd-hexgalka dadwaynaha shiinuhu waxa ay hoos u dhigaysaa mushaharooyinka dadka xirfadoodu hoosaysay iyo qiimaha waxayaabahaaadka loogu jecelyahay(most consumer goods).(La soco)

Mucjisada Dhaqaalaha Shiinaha (Qaybtii 3aad)

Sidaad u fikirayso laguma taajiro

Qalinkii : Ahmed M.Abdi

Page 19: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 19

Page 20: Galool Magazine issue 4

20 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Wakhtigu isaga ayaa ah nolosha”, “garaaca wadnahaagu waxa uu ku leeyahay, noloshu waa daqiiqado iyo sek-eno”, “qofka wax kala

garanayaa, waa qofka wakhtigiisa ka faa’iidaysta”, “wakhtigu waa sida seefta, haddiiaadjariwaydoisagaayaakujaraya”,“ninyaraankuloofaray,wuxuulumiyay raacdeeye”. Xikmadahaas iyo kuwa kale oo badanba waxaa ku tibaaxay dadkii xikmadda lahaa ee ama iyagu wakhtigooda uga faa’iideeyay sida ugu haboon amaba cid kula talinayay inay wakhtigooda ka midho dhaliyaan, isla markaana dhaxalkoodu hadhay ilaa maalinta aduunyada la rogayo. Nin aad u cilmi badnaa ayaa yidhi “ma habeenoodhanbaansoojeedayaaaniga oo cilmi wada, adna waxa aad waabariisanaysaa adiga oo hurda, markaasaad hadana doonaysaa in aad isoo gaadho”. Waxa uu iska reebayaa kuwa aan wakhtigooda ka faa’iidaysan, laakiin waxa uu la hadlayaa kuwa sida ka muuqata hadalkiisa maalintii

dadaalay, laakiin habeenkii seexday, markaasuu leeyahay anigu habeen iyo maalinba waan isku daray. WAA MAXAY MAAMULKA WAKHTIGU? Qaamuuska Oxford ee erey-bixinta ganac-sigu waxa uu ku qeexay “waa hanaan sahlaya in wakhtiga loogu isticmaalo intii suuro gal ah sida ugu wax ku-oolsan, gaar ahaan shaqada. Qaamuuska erey-bixinta ganacsiga ee uu qoray J.H. Adam waxa uu ku qeexayaa maamulka wakhtiga sida tan soo socota“ waa in uu qofku maamulo wakhtigiisa siuuuhagaajiyowaxku-oolnimadaiyowaxsoosaarka wakhtiga”. Isku soo ururiyoo Maamulka Wakhtigu

“waa in laga faa’iidayso wakhtiga aad markaajoogto,kasoosocdanaqorshewanaagsanaadudajiso,islamarkaanaay kaa go’naato fulinta qorshayaashaada adiga oo aan dib u dhigid samaynaheen”. SIDEE WAKHTIGA LOO MAAMULAA? Baadhis aan waa hore sameeyay oo ku saabsan maamulka wakhtiga ayaan ka qoray buug yar oo aanan daabacin. Qaybtan waxaan ka soo min-guuriyay buugaas, taas oo ah lix qodob oo kaa

caawinaya in aad wakhtigaaga maamu-sho si waxtar leh. Aan mid mid u eegno inaga oo aynaan ku tiigaalahayn: 1. SAMAYSO HIMILOOYIN AMA UJEEDOOYIN CAD CAD OO LA GAA-DHI KARO. Hadaf,himiloamaujeedowaawaxaaadhiigsanayso gaadhistiisa. Tusaale ahaan buug 300 oo xaashiyood ah in aad ku akhridohalwiigwaahadafwaaujeedowaa himilo. Haddii uu kuu cad yahay buuga aad akhrinayso, inta bog ee uu yahay, wakhtiga aad ku dhamaynayso, iyo waxa aad ka faa’iidayso, waxa aad hay-saa dariiq toosan oo kuu sahlaya in aad gaadho hadaf ah in aad aqoon korodhsato.

2. DAJI QORSHEYAAL FAAH-FAAHSAN OO LAGU HIRGALINAYO UJEEDOOYINKA AAD KA LAHAYD ISTICMAALKA WAKHTIGA. Si aad u gaadho hadafkaaga , waxa aad ubaahantahayinaadqorshefiicanoomacquul ah la timaado. Waxa aad is-waydiinaysaa su’aalo badan waxa aanad iskudayaysaainaadjawaabkushaafidau

Sideed wakhtigaaga U maamuli kartaa?

“Qalinkii: Cabdiraxmaan Cali Xirsi, Email: [email protected]

WAXBARASHADA

Page 21: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 21

hesho. Su’aalahaas waxaa ka mida: max-aan qabtaa? Goormaan qabtaa? Halkeen ka qabtaa? Sideen u qabtaa? Cid aan u xilsaarikaraamajirtaasiaananiguhawlokale u qabto? Imisa ayay qaadanaysaa inaan dhamaystiraa hawshan aan far-aha la galayaa? Iyo qaar kale. Jawaabaha su’aalahaasi waxa ay kugu hagayaan in aad hesho dariiq cad oo aad u marto xaq-iijintaHimiladaada.3. MUDNAAN KALA SII HAW-LAHA AAD QORSHAYNAYSO. Mudnaanta marka la kala siinayo haw-laha aad qabanayso waxa la eegaa laba arimood: muhiimada arinkaasi leeyahay iyo degdeg in loogu baahan yahay iyo in kale. Haddii arinku muhim yahay laakiin uu ku sugi karo, waxa aad ka horaysiinay-saa arin laga muhiimsan yahay oo aan ku sugi karin ama wakhtigiisu dhacayo. 4. HA SAMAYNIN DIB-U-DHIGIS.

“Dhib-u-dhigistu waa tuuga wakhtiga” iyo “arin aad maanta samayn karto haw dhigin berito” waa xikmado hore oo laga yidhi dib-u-dhigista. Qabo, samee, dheh, qor, akhri ama yeel wax kasta oo aad qaban karto marka ugu haboon ee uu taagan yahay, haddii kale waxaa isu kaa dul fuuli shaqadii maanta, tii shalay, tii doraad iyo kuwa kaleba. 5. MAR KASTA QABO HAL SHAY.Haddaad isku dul furto laba, sadex ama in ka badan oo arimo ah, waxaa xaqiiqo ah inaanad midna si tayo leh u samayna-hayn. Mar kasta isku day inaad hal shay dhamayso, deedna bilaw mid kale. 6. NOQO QOF ISKU FILAN SI AAD UGA HORTAGTO WAKHTI LUMISKA. Dadku waa sadex marka cidi damacdo inay wakhtiga ka lumiso: hogaansame (submissive), qalafsane (aggressive), iyo toosane (assertive). Ka koobaad wuu iska raacayaa qof kasta oo luminaya wakhti-giisaamadanihiisaseejinaya.Kalabaadsi qalafsan buu u dhaqmayaa qofkana wuxuuugujawaabayaasibilaaixtiraama.Ka sadexaadna wuxuu isku dayayaa inaan wakhtigiisa ama danihiisa la lumin isagoo ixtiraamaya qofka. Waxaa lagaa rabaa in aad barato odhaahda “maya” adigoo qadarinaya qofka kale. Markaasaad noqonaysaa dhexdhexaad. MAXAA WAKHTIGA LUMIYA?

“Ardaygaan dadaalini mar buu dibinta ruugaaye, Wakhtiguu daayacuu dib u jaleecaaye”. Muuse cali faruur. Waahubaal in qofkii wakhtigiisa dayacaa uu qoomamo iyo ciil ku dambayn doono. Habada maxaa wakhtiga lumiya? Wakhti-lumiyayaashu waxay u kala baxaan laba:

wax ay keento bii’adda kugu xeerani iyo wax aad adigu keento. Kuu doonaba ha ahaadee mid waliba wakhtigaaga ayuu luminayaa, waxaana loo baahan yahay in laga gaashaanto. Aan sheego kuwa aan is idhi way ugu lumin badan yihiin: o Qaadka – labo kuma muran sana in dadka Soomaalida intooda badan qaadkuugujirowakhti-lumiyahaugumuuqa dheer, waayo waxaa la fadhiyaa 2 ilaa 8 saacadood. Si ka duwan umadaha kaleeejaadkacunaooiyagukuqayilashaqadaiyagookujira,Soomaaliduwayku danseegaan, way yuurursadaan, wax-aanaymuddodheerkujiraanfaaloaanmidho dhal lahayn. o Filimada, musalsalada, iyo wixii la mid ah- muuqaal-baahiyaha laga daawadofilimada,musalsalada,iyobar-naamij-yadaaanfaa’iidadalahayniwaaay inagu soo badanayaan, imikana wax-aabalaguturjumayaf-soomaali.Wakhtibadan ayaa kaga luma dhalinta, dumarka, caruurta iyo waliba rag waaweyn. o Tilifoonka – gaar ahaan dhalinta, tilifoonku waa wakhti lumiye aad u daran. o Shirarka aan ku khusayn – shirku hadaanu ku khusayn, haddii aanad wax ku soo kordhinahayn, haddii aanad wax ka faa’iidasanahayn ha tagin. Haddii aad tagtona isku day inaad soo gaabiso joogitaankiisa,waayowaxauuhalaabi-nayaa wakhtigaaga. o Fadhiga maqaaxiyaha – haddii aad subaxii ama galabtii soo marto maqa-axiyaha waxaad arkaysaa dad badan oo fadhiya, iska faraxsan laakiin aan ogayn inay cimrigoodii cunayaan. Waxaa ka daran xoogii dalka ee waxsoosaar, aqoon iyo wax tar ka shaqayn lahaa ayaa mee-shaas yuurura. Ogow oo waa intii qaadka ka badbaaday, oo si kale wakhtiga u gubaya. o Inaad odhan kari waydo “Maya”

– inaad raacoo noqotaa waa waxa ugu badan ee aad wakhtigaaga ku habaabin karto. “Maya” dheh adigoo qofka u sheegaya dhab ahaan waxaa aad sidaa u tidhi. In uu kula fahmo iyo in kale adiga kuuma taalo. Haddii aad saaxiib-kaa u sheegto in aad shaqo leedahay isna uu doonayo in aad is-raacdaan, isagay xilkiisatahayinuufahmoujeedadaada.Haddii uu fahmi waayo, haysku lurin in badan, hana tuurin. o Dib-u-dhigista – dib-u-dhigistu waa shayga ugu daran ee wakhtiga cuna. Sida aan horeba u soo sheegnay waa tuuga xada wakhtiga qofka. Ka dhigo hal-hays “qabo imika oo dib ha u dhigin”.

o Himilooyinkaagaiyoujeedooy-inkaaga oo aan caddayn – waa run had-diiaanujeedooyinkucaddayninqofkujahawareerayo,islamarkaanauufalayowax aanay ahayn in uu qabto. o Muhiimado is-khilaafsan – had-dii muhiimadaha kuu yaallaa ay iska hor-imanayaan iyaduna waa mushkilad inteeda leeg, iyo mid subxaana leh. o Isku dayga inaad wax badan qabato – haddii aad noqoto habartii xaabada qaadi kari wayday ee inta kale ku dartayna waa mid kamida wakhti-lumiyayaasha. Qabo hadba waxa aad gacanta ku hayso, dhammee, kadib bilow mid kale. o Iyo qaar kaloo badan. SIDEE LOOGA ADKAAN KARAA CAA-DOOYINKA WAKHTIGA LUMIYA. o Inaad hesho wakhti-lumiyayaa-sha dhabta ahi kuwa ay yihiin, sababta ay ku timaaddo, gooraha aad lumiso wakhti-gaagabadanaaba,iyociddaaadlajirtomarka aad wakhtigaaga luminaysid. o Ka takhalus caadada wakhti-lumiska, kuna badal caado wakhtigaaga dhawraysa. o Ka fogow wax kasta oo ku xasu-usin kara caadooyinkii wakhti-lumiska waayo way fududahay inay naftu ku noqoto waxay taqaanay.

GUNAANADNabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee waxa u yidhi “Laba nimco dadka intooda badani way moogan yihiin: firaaqadaiyocaafimaadka”Bukhaari.Wakhtigu waa waxa ugu qaalisan ee qofka bani’ aadamka ahi haysto, waana waxaa qudha ee aan tagistiisa la soo celin karin. Sidaa daraadeed qofka waxaa ku waajibahinuukafaa’iideeyofursaddaiyo ayaamaha yare ee tirsan ee la nool yahay.Imaamushaaficibaayidhi“suu-fiyadawaxaankafaa’iidayqofkacaqligalihi waa qofka la nool wakhtigiisa ama ka faa’iidaystawakhtigauumarkaasjoogo”.Nasteexadaaaninoojeedinayaawaxaweeye “wakhtiga aynu dhowrno, oo aynu ka faa’iidaysano, oo aynu ka midho dhalino, si aynu nafaheena iyo umadeenaba u gaadhsiino horumar uganajawaabnosu’aalahauuAllemaa-linta qiyaamaha ina waydiin doono ee ah “maxaad wakhtigaagii ku qaadatay” iyo “maxaad dhalinyaranimadaadii ku gaboojisay”.Allehainagadhigokuwiijawaabahaaskuguulaysta.

WAXBARASHADA

Page 22: Galool Magazine issue 4

22 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Caanaha naasku waxay ka mid yihiin nimcooy-inka faraha badan ee Alle (SW) ku galaday noolaha gaar ahaan bini aad-amka oo Alle ka fadilay

noolahakalesiayunuujiyaanugunaquudiyaan ilmahooda,islamarkaana uu illaahay quraanka kariimka ah inoogu sheegay in ay waalidiintu ubadkooda nuujiyaannaaskauguyaraanlabadasanno ee ugu horeeya noloshiisa taas oo ay ka dambayso xikmad rabbaani ahoowaxtaraaduwaynulehcaafi-maadka hooyada iyo ilmaha.Hadaba faaiidooyinkaa faraha badan ee ku jiracaanahanaaskahooyadaayaawaxayu qaybsamaan kuwa la xidhiidha dhinaca caafimaad,dhinacadhaqaalaha,iyodhi-naca ku dhaqanka diinta islaamka iyo qaadashada awaamirta Alle (SW)Hadaba hadaynu soo qaadano faaiidooy-inkadhinacacaafimaadkamaadaamaoouucaafimaadkuyahaytiirkaugumuhi-imsan ee nolosha bini aadamku ku taagan tahay loona baahan yahay in la illaaliyo gaar ahaan dhalaanka yaryar ee nolosha adduunka ku cusub oo iyagu aad ugu nugul cudurada loona baahayn yahay in si gaar ah laysaga xil saaro . si kasto oo ay tahay waayadan dambe dunida gaar ahaan wadamada soo koroya waxaa fara baas ku haya cuduro iyo xaalado nafaqodarooosoowajahdacaruurtaiyohooyooyinkagaarahaankuwakujiraxilliga uurka. kuwaas oo intooda badan ka dhashay markii ay meesha ay ka baxday nuu-jintiinaaskaeehooyooyinkunuujinla-haayeen ilmahooda kuna doorsadeen caanaha qasacadaysan iyo masaasadaha dibada laga keeno taas oo ay ka dhalatay caafimaaddarradabaahsaneehaleeshayubadka yaryar iyo waliba hooyooyinkaa ooayqudhoodasaamayncaafimaadkuleedahay.tusaale ahaan hooyadu haddii ayjoojisonuujintanaaskaeeilmaheedawaxaasuurtagalahiniyadoonsifiican

uga soo kaban umushii hore ay hadana qaado mid kale taas oo keenta cuduro kala duwan, taagdari ,iyo waliba nafaqo darro,waxaa kale oo dhici karta haddii hooyadu ay caanaha naaska siin waydo ilmaha in caanuhu naaska ku sababaan xanuuno kale duwan taas oo sababi karta kansarka naasaha ku dhaca(breast can-cer).IWMCaanaha naaska hooyada ee illaahay ugu tallo galay ilmaha yar ee dunida ku soo kordhay ayaa waxay maraan marxalado kala duwan waxaanay isla badalaan hadba koriinka ilmahu halka uu marayo tusaale ahaan caanaha naaska ee ugu horeeya ee loo yaqaano dambarka (colostrum) oo ah qaybta ugu mihiimsan ee caanaha naaska hooyada waxay ka kooban yihiin waxy-aabo badan oo lagamamaarmaan u ah koriinka iyo habdhiska difaaca ee ilmaha taasoo haddii ilamaha la siin waayo dhax-alsiinkartadhibaatocaafimaadoodabadheeraata .Iyadoon bog iyo laba toona lagu soo koobi karayn faaiidooyinka balaadhan ee ay huwanyihiin caanaha naaska hooyadu bal aynu ka soo qaadano qodobo kooban inagoo u kala qaadayna waxtarka nuu-jintaeedhinacailmahaiyosidookaledhinaca hooyada.Faaiidooyinka caanaha naasku u leeyihiin ilmaha 1-Caanah naasku waxay ilmaha siiyaan nafaqokufilanwaxaanaysiwaynugaqayb qaataan koriinka ilmaha.2-Caanaha naasku waxay ilmaha siiyaan biyokufilankuwaasooaanu ilmuhuubaahanayn wax biyo ah oo kale gaar ahaan lixda bilood ee ugu horaysa. 3-Caanahanaaskuwaxayxoojiyaanhab-dhiska difaaca ee ilmaha kuwaas oo ka hortaga xanuunada faraha badan ee ragaadiyey inbadan oo ka mid ah dha-laankeena kuwaas oo gaadhsiiya ilaa heer dhimasho sida shubanka ,iyo xanuunada la xidhiidha nafaqa darada .4-Caanaha naasku waxay dhisaan mas-kaxda iyo garaadka ilmaha

Waxtarkanuujintaeedhinacahooyadanuujisailmaheeda1-Nuujintanaaskuwaxayhoosudhigtaakhatartaayhooyaduugujirtoinuukudhaco kansarka naasaha (breat cancer)2-Nuujintuwaxayhooyadausuurtagal-isaainayheshomuddoaysifiicanugukorisoilmaheedaiyadoonuujintudibudhigaysa qaadida uur cusub oo degdega.3-Nuujintu waxay yaraysaa halistacudurka lafaha ku dhaca ee looyaqaana (osteoporosis) 4-Hooyadu caanahan waxay ku helaysaa iyadoon wax kharash ah aanu kaga bixin wax wakhti ahina aanu kaga lumin Hadaba iyadoo faa iidooyinkaa aynu soo tilmaamnay iyo kuwo kale oo aad ubadanibaaykujiraancaanahanaaskahooyada ayaa in badan oo ka mid ah bul-shadeenu aanay wax ahmiyad ah siinin sababobadanoojiraawgeedsababahaasoo ay ugu horayso aqoon darri haysata in badan oo ka mid ah bulshadeena iyo doorkii dawladdu ay ku lahayd oo aan muuqan Waxaa sidoo kale si wayn u dhiiri galiyay shirkadaha soo saara caanaha daasadaha iyo waxa loo yaqaano masaasadaha ee laynooga keeno wadanka dibaddiisa oo si wayn looga xayaysiiyo warbaahinta kala duwan ee wadanka islamarkaana meelwalba ka taagay boodhadh ay ugu baaqayaan bulshada gaar ahaan hooyooy-inka aan fahamsanayn in Illaahay (sw) siiyay wax ay kaga kaaftoonto kana tayo badan marka laga eego dhinac kasta sidookalenaaankujooginwaxqarashah.Ugu dambayntii waxaan u soo jeedi-nayaa dawlada,hayadaha ku hawlan caafimaadkahooyadaiyodhalaanka,iyocidkasta oo waxkatarikarta in laga hawl galo sidii bulshada loogu dhiiri galin lahaa loogunawacyigalinlahaanuujintacaa-naha naaska ,loogana hortagi lahaa wax kastaoocaqabadkuahnuujintanaaskaeeubadka.Siayinoogusookacaanjiilcaafimaadqabamaskaxahaaniyojidhahaanba.

Doorka caanaha naasku ay ka qaataan caafimaadka iyo koriinka ilmaha .Qalinkii : Mohamed mawlid nor ,University of hargeisa faculty of science and technol-ogy department of nutrition and food scienceEmail :Mohamed [email protected]

CAAFIMAADKA

Page 23: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 23

Page 24: Galool Magazine issue 4

24 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Waa maxay webstie?Website ka waxaa lagu qeexaa: tiro faylal ah oo isku xidhxidhan oo ku dhex shaqeeya internetka iyada oo loo

maraayo waxa loo yaqaanno Browser, waxaana lagu astaystaa WWW (World Wide Web) oo uu ikhtiraacay nin Biritish ahaaoolaodhanjireySirTimBernerssanadku markuu ahaa 1989 isaga oo la kaashanayay xaruntii reer yurub ee cilmi baadhista ee CERN. 1993 ayay xaruntu si toosa ugu dhawaaqday in WWW ay u furantahay qofkasta inuu samaysankaro.Intaa wixii ka danbeeyey Website ka waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo berkedda (the pool) lagu ururiyo aqoonta iyo dhaqanka adamaha, kaasoo u ogaala-naya in dad kala duwan oo meelo kala duwanjoogaaaywaxkusooqorikaraaniskuna dhaafsankaraan wixii aqoon iyo macluumaad ah. Dhawr iyo tobankii sanee ugu danbeeyay, websitekuwuxuulafaafay,fiditaankiiku dhacay internetka oo wuxuu noqday wax goobkasta lagasoo geli karo, cid-kastaana samaysan karto, loona adeeg-san karo qaybaha kala duwan ee nolosha aadamaha.Website yada guud ahaan waxaa loo qaybiyaa:

-personal website (web shakhsi leeyahay)-commercial website (website Ganacsi ah)-government website (Website Dawladeed)-nonprofitorganizationwebsite(websiteaan macaash lagu doonahayn)Haddii aynnu si gaar ah u sii lafa gurno website ka ganacsiga ah waxaa suurto gal ah inaad is weydiiso su’aalahan: “max-aan website u samaysan waayay, maxaan website uga baahanahay…. Horeba waan

u lahaamacaamiil fiicane.” Jawaabtuwaxaytahay, haddaad website leedahay adeegyadaada (your services) ama wax soo saarkaaga (your products) waxaa laga heli karaa aduunyada oo dhan 24 saa-cadood, 365 ka maalmood ee sannadka. Dad aad iyo aad u badan ayaa imika u isticmaala internetka xidhiidhka kowaad ee ay la samaynayaa shirkad ama ganac-sigaiyagaoouguhorreynbakafiirinaayainternetka, sababta oo ah wakhti yar ayay ka qaadanaysaa. Haddii dadku ay uga baahdaan xog iyo faahfaahin ganac-sigaaga waxay markiiba is weydiiyaan

“tollow ma leeyahay website, aan eego”.Websitekuwaawejigahoreeelagadhee-han karo ganacsigaaga ( business inter-face) wuu ka fududyahay, ka dhakhso badanyahay dhamaan siyaabaha kale ee loola xidhiidho ama warbixin loogu gudbiyo macmiilka sidaa daraadeed, waxaad ku soo bandhigi kartaa sawirro, qoraallada iyo qiima yaasha ganacsigaaga, beryahan danbe shirkaduhu waxay kusoo bandhigaan website kooda xogo muhiim ah, ama MAPs tilmaamaya meesh uu ku yaallo iwm.Faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee website ku leeyahay ganacsiga iyo ganacsatadaba waxaa ka mid ah:1. Waxaad usoo bandhigaysaa ganacsigaaga ama adeegaaga iyo wax soo saarkaaga-ba malaayiin macaamiil iyo maalgeliyayaal ah oo ku kala nool aduunyada dacalladeeda, inaad website lahaataa waxay kordhinaysaa iibkaaga, sumcaddaada iyo adeegaaga wanaagsan iwm.2. Waxaad kusoo bandhigi kartaa wararkaagii ugu danbeeyey ama qiimay-aasha wax soo saarkaaga ama adeegaaga. Website ku wuxuu kuu beekhaaminayaa

lacag badan oo xagga xidhiidhka iyo maamulka kaaga bixi lahayd.3. Waxaad ku xidhi kartaa shirkad-daha wax xayaysiiya taasina waxay kuu noqonaysaa in la ogaado ganacsigaaga iyo magiciisa (brand awareness).4. Ganacsigaaga waxaad ku xayay-siin internetka 24 saacadood maalintii, 365 maalmood ee sannadkii.5. Website ku wuxuu u fudu-daynayaa macaamiisha inay wax kaaga iibsadaan gudo iyo debed ba.Fiiri hadda arrintan: macmiil ayaa kusoo wacay si uu kuu waydiisto xogo ku saab-san ganacsigaaga iyo waxaad soo saarto waxaa ugu mihiimsan ee aad telephone kaga odhankartaa waxaa weeye “ aan kuu keeno ama kuusoo dhigo postada/fax brochure kayga” ogow arrinkaasi wakhti bayqaadanaysaaye.Wayfiicnaanlahaydinaad ku tidhaahdo ”haddaad website kayaga eegto, waan hubaa inaad ka helayso waxaad u baahantahay oo dhan”. Inaad bar internetka ku lahaataa waxay dedejinaysaawakhtigaaduga jawaabilahayd su’aalaha macaamiisha, kuwaasoo aad u adeegsan karto email iwm.Haddii aanu ganacsigaagu lahayn bar internet ah, waxaa keliyoo ka faa’iidaaya tartamahaaga leh website isagu.Saddex talo oo ku saabsan sidaad website u samaysan lahayd.1) hel magac wanaagsan (Good Domain Name) oo tilmaamaya ganacsigaaga2)helshirkadfiican(webhostingcom-pany) oo kuu haysa website kaaga.3)waainaadfikradfiicankahaysataawaxaad kusoo bandhigayso website, kana qaado tusaale website hore oo shaqaynaya.

Doorka website ku kaga jiro ganacsiga maantaQalinkii: Abdirahman Osman GasBachelor Science in Information Technology

TECHNOLOGY

Page 25: Galool Magazine issue 4

(Dhir loo qaybinayo deegaanadda si muwaadinkastaa geed u beero) (Dhirtii Hore u beernayd oo la xanaaneeyay)

Ololihii Balaadhnaa ee ilaalinta deegaanka ee ururka bisha casi ka sameeyay deegaanno badan oo waddanka ah Sannadkii 2011

(Dhul dilaacay oo dhagxan lagu gurayo. si uu isu kabo) (Barkad lagu beeray xoday si dhirta loo madhxiyo)

Dhir lagu beerayo deegaanka si ay u badalaan dhirta la gumaadayo.

Deegaanka marka la dhawro ee dhirta la dhaqaaleeyo waakaa qurux iyo faa’iidoba leh.

Dhirtii oo laga dhigayo dhuxul iyo xaabo ayaa deegaanka baabi’inaysa.

Ilaalinta Deegaanka

Dhirta la gumaadayo ee dhuxusha iyo xaabada laga dhigayaa dhulka waxay kadhigtaa sida sawirkan ay kamuuqato carro guur iyo nabaad guur.

Page 26: Galool Magazine issue 4

26 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Somalidu waxay ku maahmaahdaa aqalkaaga hortiina oodbaa la dhigtaa eraygaaga hortiina afeefbaa la dhigtaa, waxaigaafeefahinuugoogooskanqubanahaahiuuxambaarsanyahayujeedooyinkaladuwansababtaooahwali umaan qali qaadan inaan abaar sugan yoolka saaro, balse waxa iga tahay meerisyo maankayga godlay oo aan aragtiday afsoomaali u badalay.Markii ugu horeysay ee gabay carabi ah soomaali loo badalo wxaana u horeeyay sayid maxamed cabdille xasan oociidanwaynihiidaraawiisheedmarkayfahmiwaayeenkitaabkii“caqiidatulcawaam”ooahaamarjicaayulano-

qdaanariimahakusaabsanrumayntaeebbeiyotilmaamahauukusifaysanyahayayuuugubedelayjiiftofududaysayfahankiiiyo korka qabashadii labadaba.

• Hadayfidisogeeridu

Faraheeda dhiiga leh

Fooxiyo qardhaasuhu

Dhibta kaama faydaan

• Muudaaga aaroo

Miciyaha lasoo baxay

Hawqaadan muunsee

Mashi baw sanqadhayoo

Wuxuumaaganyaajira

• Suburdhaha laciifkaa

Xumaha kama sariigtoo

Waa saamigiisee

Ninka maydsaraayoow

Damqanmaayso saantu

• Hadaad maalin urugooto oy umasho laabtaadu

La arkee ayaantaa inaad dib ugu oydaaye

• Carabkaaga qalinyahay

Taariikhda qarada leh

Ku qor oo ogsoonoow

Qudhan inuu kasoo baxo

Inta qaaday sharaftee

Qiyam iyo akhlaaqleh

• Waxaan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaal

• Hawmalaynaqoonkeliyiinaykaafitahay

Haddii aan asluub lagu kabayn kadeed bay dhashaa

• Ruux kastoo cimriga loo badshoo ,caabuq laga dhawro

Cashuunbaa wedkuba soo qaban , caw la saaraaye

• Dheehashada cilmiga yari lagu dhigtaa

Waa dhagax farshaxan lagu dhigay dushii

• Marka uu hantiiluhu ,hayntiisa sheegee

• Calkiisa heegada ,hawadaa ka soo lulo

• Adiguna han sare iyo,haybadii aqoontaad

• Calankeeda hidisaa

Qalinkii:Mawliid Aadan Biixi ,

E-mail : [email protected]

• Sidii yeyda hawd hurdada ma ladoo ilbaan ka hurdaa habeenkii

Qiimaha Suugaanta Iyo Ma Hadhadda Afka

Page 27: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 27

Page 28: Galool Magazine issue 4

28 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Suuban waxa ay ahayd gabadh somaliyeed oo Alle u dhameeyey qurux, ina rag waxa uu isku dayayaa inuu marwalba hanto Suuban, in kaste oo ay leegtahay hayn-

tiisaiyojeebkiisuba.Inkasta oo ay tahay raganimadiisu, iyo inkastaoouujirogugiisu.Sheekhiyoshariif kuu doono ha ahaadee.Quruxda ka sakaw suuban waxa ay ku darsatay qab iyo isla weyni oo gaadhsiiyey ilaa heer gashaanti weynaatay, waxa aad mar kastaba ogaataa in dumarka kalsoon-idoodu ku xidhnayn hadba inta ay caqli iyo aqoon badan yihiin, balse ay ku xidhan tahay hadba inta ay quruxdoodu gaadh-siisan tahay, suuban wuxuu hamigeedu yahay in ay guursato nin uu eebe siiyey afarta maal aduunyo( geel,gamaan,adhi iyo lo’o). ninkaa malaa-awaalka ah ayey suuban ka dhex daydaydaa ina rag idilkii.Kolba nin gayaankeeda ah ayaa u soo geedfadhiista,sewaxaaykafiirisaainuu leeyahay afarta maal-aduun, nasiib darro mar kastaba mid ka mid ah ayuun-baa maqan, guurkaasi halkaas ayuu ku beenooba, si kastaba ha ahaatee suuban waxa ay gaadhay heer ay cidnaba ina rag ay hawaysan weydo.

Qabka iyo isla weynida suuban waxa uu gaadhay inta badan deegaanadii ka agdhawaa , warka suuban waxa uu gaad-hay wiil dhalinyaro ahaa , oo baro xoolaad aan lagu aqoonin noloshiisuna ku xidhan tahay qadhaabsi iyo ugaadhsi, wiilkani sida shimbiraha ayuu u foofaa subaxii galabtiina waxa uu soo noqdaa isag oo dharagsan, ilaa iyo intii uu noolaana noloshiisuwaxaaykujirtaymeertadaas.Wiilkii waxa damac ka galay gabadhii suuban ahayd, waxa uu habeeno badan usoojeedaysidiiuusuubanuhelilahaa

iyo xeeladii uu ku soo xero galin lahaa arintu ma fududa.wiilkii waxa uu bilaabay sidii ay suuban afadiisa u noqon lahayd.

Wiilku waxa uu doontay laba go’o oo cadcad oo xiligaas ayba adkayd in la helaa, waxa kale oo uu soo qaatay ubo waxaanu ku soo shubtay subag, ay dadka deegaankiisu soo siiyey. Wiilkii go’oyadii cadcadaa ayuu soo gashtay, ubadii subag ahaydna dagta ayuu soo saartay, waxaanu usoodhaqaajiyayxagaaiyodeegaankiiay suuban ku noolayd. Waxa uu soo habeen dhaxaba ugu dambayntii waxa uu soo gaadhay deegaankii ay suuban ku noolayd, waa goor barqo dheer ah , nasiib wanaag waxa uu la kulmayba suuban ooadhi la joogtagoobaangurigoodaka dheerayn, salaan ka dib waxa uu ka waraystay reeraha iyo sida ay duunyadu u tahay.suuban waxa ay u sheegtay in dadka iyo duunyada deegaankani ay nab-doontay, cabaar markii la haasaawayey ayuu wiilkii meel kurtin ah dabada saaray waxaanu la soo baxay weysadiisii subagu kujiray,waabayaabewuufayd-faytaywaxaanu bilaabay in uu subagii ku wey-saysto , suuban way yaaban tahay , waxay tidhi: oo waa sidee maxaad subaga ugu weysaysanaysaa?Qosolgaabanayuuwiilkiijackasiiyey,waxa uu yidhi: oo deegaankiinan ma biyo ayaa lagu weysaystaa , anaga deegaankay-aga subag ayuunba lagu weysaystaa..(laaca aragtee looga ma ogtahay).Suuban waxay u aragtay in wiilkani yahayba kay in badan raadinaysay, ku tee oo deegaankiina ma sidaas ayaa loo barwaaqaysatay, haa yidhi wiilkii, halkiiba ayuu kaga dhameeyey nidaam guur , suubana way ku niyadsan tahay nasiibkeedan.Halkii ayuu wiilkii suuban kula soo tagay, safarkuna ma gaabna cagta ayaa

hoostalagagurayaa,intiiuujidkalagusoojirayayuuwiilkiisuubansoomariyeywadaad bayd gaaba oon diinta wax badan ka aqoon se bawsaday sida meherka loo rido,halkiiayaanumeherugajacsiiyey,wiilkina fursadaa ka faa’idaystay oo suuban halkii ayuu ku xaasaystay, wax-aanu rabaa in aanay suuban sinaba isku dhaqdhaqaajin oo dhulka qabadsiiyo,hamigaasina rumaw.Halkii ayaa socodkii laga soo watay, goor gaaban oo ay qoraxduba sii galbanayso ayey ku soo dhawaadeen deegaankoodii. Inyar ka diba waxa ay ku soo baxeen wiilka hooyadii oo quule dubanaysa(quule: midhahageedkajeerinka)siayxiligaasicunto uga dhigato,wiilkii hooyadii ayaa uu ka waraystay intii uu maqnaa waxa deegaanka iska badalay, suuban ma yaa-bana ma dareensana in halkani tahay halkii loo socday , waxa ay tidhi suuban waar hebel ina mari aan socodka sii wada-nee,,,. Jaba waa ka dambeeyee waxa uu wiilkii si fududugu jawaabay,halkanmeeli kama dambayso, gabadhanna waa hooyaday waxa ay dubanaysaana waa quule waxayna rabtaa in ay caawa ku cashayso. Noloshana deegaankani waxa ay ku xidhan tahay qadhaabsi iyo ugaadhsi ,adna reerkan ayuunbaad ka mid noqonaysaa. Suuban waxba uma had-hin waayo horaba waa loo xaasaystay oo meher ayaa ku dhacay oo inanimadeedii way lumisay. Qabkii weynaa ee suubana waxa uu ku dambeeyey qadhaabsi iyo ugaadhsi, hadana waa in ay u tababarataa sidii ay usoo dabi lahayd ugaadha teeda gaabisa iyo tan dheeraysaba, waa in ay ku tababarataa sida loo sameeyo qaaansada iyo leebka, waa in ay barataa sida loo gano falaadha.Sheekadanina waa abaalka qabka iyo isla-weynida, iyo baadigoobka nolol aan jirin…………….DHAMAAD

Suuban (Sheeko)Qalinkii : Sacad Maxamuud Haddi

MADADAALO

Page 29: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 29

Page 30: Galool Magazine issue 4

30 | Galool Magazine Issue 4 February 2012

Kubadda cagta oo wakhtigan noqotay maaweeladda ugu wayn ee dadyaw farabadan oo caalamka ah kulmisa ayaa sidoo kale noqotay mihnad lacag badan laga tabcado.

Hadaba kubadda cagtu waxay noqotay goob kulmisa dad dhaqan iyo diinba kala duwan. Qormadan waxaan ku soo qaadan doonaa kuwa ugu caansan ciyaartooyga muslimiinta ah ee daafaha dunidda ka ciyaara. Hadaan ugu horeysiiyo Nicolas Anelka waa ciyaartoy u dhashay wadanka France waana weeraryahan ku caanbaxay ciyaar wanaag iyo akhlaaq suuban. Anelka waxa uu u soo ciyaaray kooxaha ugu waawayn qaaradda yurub sida kooxda dalka Spain ee Real Madrid, kooxaha dalka England ee Manchester City, Arsenal, Bolton iyo Chelsea oo uu sanadihii dambe u ka tir-sanaa. Anelka waxa uu diinta islaamka qaatay sanadkii 2004 isaga oo wakhti-gaa safar ku jooga dalka imaaraat-ka(United Arab Emirates) waxaana uu lab-axay magac muslim oo ah Abdul-Salam Bilal. Anelka oo wakhtiga uu qaatay diinta Islamka ka tirsanaa kooxda dalka Eng-land ee Manchester City ayaa doorbiday

inuu u wareego kooxda dalka Turkiga ee Fenerbache si uu u sii wato xifradiisa ciyaareed isla markaana u helo aqoon diineed oo dheeraada. Ciyaartooga labaad ee aan soo qaadan-aynaa waa Frank Ribery waa ciyaartooy u dhashay dalka France sidoo kale isna waxa uu qaatay diinta Islaamka maadaama oo ay xaaskiisu ahayd gabadh muslim ah oo u dhalatay dalka France asal ahaana ka soojeedadalkaAlgeria.Riberyayaalabaxay magaca Bilaal wakhtiyadii u dam-beeyay waxay saxaafadda dunidu ka qor-tay inuu yidhi “ waxaan tukadaa shanta salaadood, sababta aan u tukadaana waa waxay iga dhigtaa qof xora waxaanan dareemaa wanaag”.MesutOziloodhalshoahaankasoojeedadalka Turkey ayaa waxa uu ka tirsanyahay kooxda xulka qaranka dalka Germany sidoo kale waa mid kamida xidigaha loogujecelyahaykooxdadalkaSpaineeReal Madrid isla markaana waxaa looga yaqaan boqorkii indhaha buur buurnaa. Mesut Ozil ka hor intii aanu u amba bixin koobkii aduunka 2010 waxa uu naqtiimay quranka kariimka ah.Sidoo kale ciyaartooyga caanka ku ah kubadda cagta ee muslimiinta ah waxaa

ka mida difaacyahanka u dhashay dalka Ivory Cost Habib Kolo Toure. Toure waxa uu u ciyaaraa kooxda dalka England ee Manchester City isaga oo soo maray laf dhabartii difaaca kooxda isla dalka Eng-land ee Arsenal. Kolo Toure waxa uu ka soojeedaqoysmuslimiinahwaxaanuladhashay Yaya Toure oo isna ah ciyaar-toy muslim ah oo ku caanbaxay kubadda cagta soona maray kooxda Barcelona.Ciyaartoyga muslimiinta ah marka la soo hadal qaado kuwa markiiba ku soo dhaca qalbiyada dadka ciyaaraha xii-seeya waxaa ka mida Frederick Oumar Kanoute. Kanoute waxaa uu asal ahaan kasoojeedadalkaMaalisidookalewaxauu haystaa dhalashada dalka France. Waxa uu khadka weerarka uga ciyaaray xulka qaranka ee dalka France isaga oo wakhtigan ku dambeeyay xulka qaranka Maali, sidoo kale waxa uu ka tirsanyahay kooxda dalka Spain ee Seville. Kanoute waxauu$700,000kabixiyaymisaajidkuyaal Seville kaas oo loo baabinayay lacagta cashuurta lagu lahaa. Kanoute waxa uu qabaa gabadh muslim ah oo la yidhaa Fatima waxaanu leeyahay laba caruur ah oo kala ah Ibrahim iyo Iman.Sidoo kale Karim Benzima oo ka tirsan

Ciyaartoyga Muslimiinta Ah Ee Ka Ciyaara Dacaladda Dunidda.

Qalinkii :Abdikadir Barawani

CIYAARAHA

Page 31: Galool Magazine issue 4

February 2012 Galool Magazine Issue 4 | 31

CIYAARAHA

weerarka xulka qaranka dalka France iyo kooxda dalka Spain ee Real Madrid ayaa ka tirsan ciyaartoyga muslimiinta ah ee wakhtigan ka muuqda saaxada kubadda cagta. Benzema waxa uu ku dhashay France waxaana iska dhalay laba waalid oo Al gerian ah. Benzima ayaa kooxda Real Madrid kala soo wareegtay kooxda Lyon ee dalka France iyada oo ka bixi-say lacag dhan 35 million oo euro. Sidoo kale waxaa la mida ciyaartoyga da,da yar ee Samir Nasri oo u safta xulka qaranka dalka France iyo kooxda dalka England ee Manchester City oo ay iska dhaleen laba waalid oo Al gerian ah. Nasri waxa uu hore u soo maray kooxha Marseille iyo Arsenal waxaana lagu magacaaba Zidane-ka cusub.HatemBenArafaayaaisnakasoojeedaqoys muslimiin ah oo asal ahaan u dha-shay wadanka Tunisia. Ben Arafa waxa uu ka tirsanyahay kooxda dalka England ee Newcastle iyo xulka qaranka dalka France. Khalid boulahrouz oo asal ahaan kasoojeedadalkaMoroccoayaakatirsan

ciyaartogya muslimka ah iyo xidigaha difaacada wadanka Holland. Boulahrouz waxa uu u soo ciyaaray kooxda dalka Eng-land ee Chelsea wakhtigana waxa uu ka tirsanyahay kooxda dalka Germany ee Stuttgart. Boulahrouz iyo qoyskiisuba waa muslimiin suni ah.Sidoo kale ciyaartoy farabadan oo mus-limiin ah oo u ciyaara kooxaha yurub ayaa jirasidaMahamadouDiarraookatirsa-naa xulka qaranka dalka Maali iyo kooxha Lyon iyo Real Madrid. Lassana Diarra oo u saftay xulka qaranka dalka France iyo kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Real Madrid. Arouna Koné oo ka tirsana xulka qaranka dalka Ivory Coast iyo kooxda Seville. Mohamed Lamine Sissoko oo ka tirsan xuka qaranka dalka Maali iyo kooxda dalka Italy ee Juventus soona maray kooxda dalka England ee Liverpool oo uu muda badan ka mid ahaa xidigaha difaaca kooxda tiirka ku ahaa. Nihat Kah-veci oo ka mid ah xulka qaranka dalka Turkey iyo kooxda dalka Spain ee Villar-real. Eric Abidal oo ka tirsan difaaca xulka

qaranka dalka France iyo kooxda dalka Spain ee Barcelona. Hamit Altintop oo ka tirsan xulka dalka Turkey kana tirsa-naanjiraykooxdadalkaGermanyeeBay-ern Munich hadana ka mid ah xidigaha kooxda Real Madrid. Halil Altintop oo kamida xidigaha dalka Turkey iyo kooxda dalka Germany ee Schalke 04. Seydou Keita waa ciyaartoy u dhashay dalka maali kana tirsan kooxda dalka Spain ee Barcelona. Tuncay Sanli oo kamida weerarka kooxda qaranka ee dalka Turkey.Dhamaan ciyaartoygan aan magacya-dooda soo xusnay iyo kuwa farabadan oo kale oo ku caan baxay ciyaarta kubadda cagtaayaakasoojeedadiintaIslaamka.Ciyaartoygan qaar badan oo ka mid ah waxay ku dhasheen diinta islamka iyada oo qoysaskoodu yihiin muslimiin sidoo kale qaar badan oo kale ayaa qaatay diinta islaamka markay arkeen inay tahay diinta kali ah ee xaqa ah.

Page 32: Galool Magazine issue 4

32 | Galool Magazine Issue 4 February 2012