yagleel somali

18

Upload: qaylo

Post on 22-Jul-2016

338 views

Category:

Documents


8 download

DESCRIPTION

Wargeyska Yagleelka Aayaha - Ka soo baxa Magaalada Bosaso - Puntland, Somaliya

TRANSCRIPT

Page 1: Yagleel somali
Page 2: Yagleel somali

YAGLEELKA AAYAHA

Tirsiga 1’aad

Madaxa Wergays-ka

Ku xigeenka Madaxa

Tafaftiraha

Xog-hayn

Design & graphics

Address

Bosaso - Puntland, SomaliaTelephone: +252-90-7798022

E-mail: [email protected]

Wargeys 3 biloodle ah ka hadla ari-maha Siyaaasadda & Bulshada

Mar 2015 [ 1436 h ]

Liibaan Axmed Shire

C.fataax Nuur Axmed(Ashkir)

Faarax Biniin Boos

Khadar Axmed Nuur

Cabdallah YuSuf Muse

04

06

08

HORDHAC

A. SIYAASAD

A. BULSHADA

Ereyga Madaxa Wargeyska

Maxaa laga malayn karaa doorashada 2016

Hoggaamiyaha Hagaagsan ama Hallaysan

TUSMO

Page 3: Yagleel somali

14

12

10

SAMAFALKA

A. BULSHADA

A. BULSHADA

Kaalinta sama falku uu ku leeyahay horumarinta Bul-shada

Aragtida Afaraad (Fourth Theory)

dhacdooyinka Bulshada

Page 4: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha4

EREYGA

Waxay Mahad oo dhan u sugnaatay eebbihii waynaa,

Wargeyska YAGLEELKA AAYAHA unkiddiisu waxay ku soo beegantay bilowga san-nadkaan cusub ee 2015.

Waxay ahayd fikrad ku jirtay muddo dheer koox dhalinya-ro ah oo kaadiriin aqooneed ah, fikraddu waxay ku sa-laysneyd in la helo Wargeys cilmiyeysan oo tayadiisu aad u sarreyso qeyb libaaxna ka qaata wacyi galinta bulshada ayadoo waddada loo marayo tahay mid cilmi baaris ah,

Waxaa nasiib wanaag ah inay fikraddii heshay cid taabba galisa oo horumarisa, ilaahay galladiina waxaa soo baxay tirsiga 1’aad ee Wargeyska, waxaana si qoto dheer loogu tafatiri doonaa Arrimaha Bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda, wuxuu soo bixi doonaa 3 biloodba mar, wux-

uu ku soo baxayaa afafka Soomaaliga iyo Carabiga, wuxuuna hoos tagayaa wargeysku Xarunta Cilmi baarista ee Geeska Afrika oo Xarun-teedu tahay: Magaalada Bosaaso, Puntland – Soomaaliya,

Waxaan rajaynaynnaa in wargeysku noqdo mid nooleeya hal abuur-ka iyo farshaxanka qoraalka afka Soomaaliga, in uu noqdo meel ay ku soo bandhigaan aqoon baarayaashu xogaha ay u mareen habka cilmi baarista, maqaalada iyo aragtiyada ku wajjahan dhisidda iyo horu-marinta Mustaqbalka bulshada iyo dalka Soomaaliyeed,

MADAXA WARGEYSKA

Hordhac

Page 5: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 5

Dhinaca waxbarashada: wargeysku wuxuu soo jeedin doonaa aragtidiisa ku wajahan qaabka ugu wacan ee loo tayeyn karo manhajka heerar-ka waxbarashada ee kala duwan, saldhigna looga dhigo Diinta islaamka, ayadoo lala jaan qaadayo horumarka casriga ah ee laga gaaray aqoon-ta, loona sahlo adeega tiknooloojiyada, waxaan kala kaashanaynnaa culumada, xeel dheerayaa-sha aqoonta, maamullada waxbarashada iyo jaamacadaha Soomaaliya ka jira.

Wargeyska YAGLEELKA AAYAHA wuxuu si weyn xoogga u saari doonaa inuu xog mug leh ka qoro arrimaha iyo xaaladaha siyaasadda ka socda Dal-ka iyo tan Geeska Afrika guud ahaan ee saamey-nta dhow inagu leh, wuxuu wareysiyo xiiso leh oo gaar ah la yeelan doonaa siyaasiyiinta caanka ah, wuxuu ku dadaali doonaa Qeybta siyaasadda inaannu xog (Daraasaat) sii saadaalinaysa dhac-dooyinka siyaasadda ku meeraysan iyo talooyin wax ku ool ah u soo jeedino dadka go’aan gaaris-ta leh.

Wuxuu yeelanayaa Wargeysku qeyb ka hadasha arrimaha Dhaqaalaha & Ganacsiga waxaana ka shaqeynaya khuburo aqoon u leh dhaqaalaha waxaanu ku dadaalaynaa in Rugaha ganacsigu ay ku yeeshaan qeybta ugu muhiimsan.

Yoolka aan ka leenahay Wargeyskan wuxuu ya-hay inaan abuurno cimilo wax qorid iyo wax akhris, nolosheenna iyo aayaheenna oo dhan-na ku xireysa aqoonta iyo cilmi baarista, helno qoraa dhab ah, si wanaagsanna u saameeya aragtida guud ee dadka, Wargaysku wuxuu si dhow ula socon doonaa dhacdooyinka, shirarka,

Liban Axmed Shire

Madaxa Wargeyska Yagleelka Aayaha

iyo wixii horumar ah ee ka qabsooma dalkeena Soomaaliya iyo Bariga Afrika anagoo u falan-qeyn doonna si faahfaahsan, una akhrinayna si xeel dheer.

Waxaan kaloo uga golleenahay inuu wargeysku noqdo mid xog side ah, keydna u noqda dhac-dooyinka sida dabeylaha u soo mara Geeska Afrika,

Maamulka YAGLEELKA AAYAHA waxay xanbaar-sanyihiin himilo weyn oo ah Joogteyn, horu-marin, kobcinta tirada akhristayaasha, iyo ma-talidda sawirka ilbaxnimada Dalkeena.

Ugu danbeyntii, Eebbe haduu idmo waxaan howlkarnimo ugu shaqeynaynnaa sidii aan idinku soo gudbin lahayn, wax sare u qaada maanka, quudiya maskaxda, oo aad kula soco-taan waayaha aad joogtaan, idiinna tusaaley-naya sidii aad u dhisi lahaydeen aayihiinna.

Waxaan Mahad iyo qadarin u jeedinayaa cid kastoo oo ka qeyb qaadatay soo saarista shaqa-daan aqoonta ah, iyo cid kastoo ku darsatay fikrad, maqaal, xog, sixid, iyo soo saaristii ugu danbaysay.

Hordhac

Page 6: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha6

19 bilood oo keliya ayaa inaga xiga doorashooyinka madax-tinimo ee la qorsheeyey inay

qabsoonto 2016, waana waqtiga loo ballansanyahay in la qabto doo-rashooyin hufan ( waxa loo yaqa-an qof iyo codkiis) waana yididiilo qurux badan oo ay adagtahay in la gaadhaa sababa jira awgood.

Waxana sababahaas ka mid ah:

1- Iyadoo aanay dawladdu gacanta si buuxda ugu hayn am-maanka Gobolada dhexe iyo koon-furta Dalka, ayna adagtahay siday xukuumaddu waqtiga u hadhsan ugu xaqiijin lahayd hawshaas.

2- Jiritaanka maamulo Feder-

aal ah oo aan dawladdu saamayn awoodeed ku lahayn sida Punt-land, Jubbaland iyo kuwa hadda la filayo in maamulkooda la dham-maystiro sida Koonfur Galbeed, waxayna maamuladaasi laf dhu-un gashay ku noqon karaan in doorashooyinku u dhacaan si ka duwan qaabka ay iyagu u rabaan, iyadoo maamul kastina doonayo inuu hawsha doorashada ku lug yeesho, taasina waxay u ekaan doontaa maah-maahdii Carbeed ee ahayd ( haddii kuuk-yadu bata-an maraqa – suugada - ayaa xu-maata).

Haddaba maamuladan oo inta badan ku salaysan qaab qabali ah

MAXAA LAGA MALAYN KARAA DOORASHADA 2016

W/Q: Maxamuud Ciise FaaraxTarjumid: Faarax Biniin Boos

Arimaha Siyaasadda

Page 7: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 7

ayaa aloosi doona khilaaf iyo loolan dhex mara qabiila-da, iyagoo ku herdamaya awoodda siyaasadeed, taas-oo sii fogeynaysa arrimaha lagu muransanyahay isla markaana wiiqaysa fursadihii ay ku qabsoomi lahaay-een doorashooyinkaasi.

3- Xaaladda degenaansha la’aanta ah ee hadhay-say golaha sare ee xukuumadda ee hadda jirta oo ka dhigaysa masuuliyiinta sar-sare inay ku fekerayaan oo keliya sidii ay dhaqaale u urusan lahaayeen, halka hawl noocan oo kale ahina ay u baahantahay dadaal iyo go’aan adag, waana mid aan ka muuqan mudane Xasan madaxweynaha Dalka.

4- Waxan iyana sahlanayn in la sameeyo tira koob dadka ah, iyo sidoo kale in la helo kaadhadhkii cod bix-inta, si loo kala saaro qofka xaqa u leh inuu codkiisa dhiibto iyo qofka aan xaqaas lahayn, waxa iyana culeys-keeda leh in la doorto Guddi doorashooyin oo ay dham-maan qaybaha kala duwani isku raacsan yihiin; si ay u wadaan una dhaqan geliyaan hawsha doorashooyinka.

5- Maxkamadda sare oo laf dhabar u ahayd soo saarista iyo ku dhawaaqista natiijada ayaa iyana sal iyo baar kala daadsan.

Saadaasha la filan karo.

Haddaba waxa la filana karaa dhawr arrimood oo la saadaalin karo, waxana ka mid ah:

1- Fashilaad ku timaadda xukuumadda madax-weyne Xasan ka hor inta aan la gaadhin 2016.

Iyadoo ay isa soo tarayaan xinifta lo hayo kooxda Dam-ul Jadiid iyo hoos u dhacooda dhanka siyaasadeed ka dib markii ay ku kaceen khaladaad aan loo baahnayn ayaa la filan karaa inay keento fashil ku yimaadda xukuumadda madaxweyne Xasan, waana mid ku sa-laysan oo keliya in khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo Ra’isal-wasaaraha iskuna dayo inuu rido, taasoo sabab u noqon karta kacdoon balaadhan ii madaxweynaha ka dhan ah ugu danbaynna xilka laga tuuro.

2- Xil kordhin loo sameeyo dawladda hadda jirta.

Tani waa midda ugu dhow ee la saadaalin karo, taas-oo ay madaxa ku hayaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, waxayna ku andacoonayaan mar-marsiiyo aynu wada xifdisanahay oo aan sharax dheer inooga baahnayn,si kastaba ha ahaatee tan lafteedu maaha mid fudud oo qodox la’aan lagu tallaabsan karayo, balse waa arrin u baahan aragti laysku raacsanyahay oo aan ahayn baa-rlamaanka dhexdiisa keliya e gaadhaysa dhammaan maamulada jira iyo kuwa jiri doona, waxana iyana mee-sha ku jirta kala qoqobnaata Baarlmaanka, iyo qorshe wadaniyadeed oo aragti muuqata leh oo aan jirinba.

Is adkaynta madaxweynaha iyo miisaamid la’aanta ar-rimaha siyaasadeed taasoo ah in aanu madaxweynuhu waxba tix gelin waxa intaa sii dheer kooxdiisa oo iyana ku hareeraysan oo u dhaqmaya hab keli talisnimo, una harraad qaba haysashada maamulka, arrimahaasi wax-ay suura gelinayaan in la raadiyo waqti korodhsi sidii la rababa halagu keenee, shakina kama taagna gurrac-naanta qorshahaas oo keeni karta in Dalku mugdi galo.

3- In lagu noqdo qaab-beeleedkii odayaasha.

Dadka badankoodu waxay aaminsanyihiin in lagu no-qon doono sidii ay awelba ahaan jirtey, oo ahayd in ay oday dhaqameedyadu soo xulaan xubnaha Baarla-maanka, waana mid aan sina looga fursan karin, iyadoo la eegayo inaan la hayn wax suurta gelin kara qabasha-da doorashooyin madax-bannaani iyo hufnaan ku as-taysan. Taasina waa midda ugu sahlan ee lagu dhaqa-aqi karo.

4- In la balaadhiyo nidaamka xulista xubanaha.

fikirnkan waxa aaminsan oo ku celcelinaya dadka si-yaasadda falanqeeya ee u dhuun daloola arrimaha Soomaalida, waana in la ballaadhiyo dadka wax soo xulaya, ayna ka yimaaddaan dhammaan qaybaha bulshada sida: Dhallinyarada, Aqoonyahannada, iyo Siyaasiyiintii hore uga soo shaqeeyey Dawladihi hore (ruug-caddaa); si ay u soo xulaan xubnaha ka mid no-qon doona Baarlamaanka 2016.

Arimaha Siyaasadda

Page 8: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha8

HOGGAAMIYAHAHAGAAGSAN AMA HA LLAYSAN

Horta Hoggaanimo waa maxay?

Hoggaannimo waa saddex geesley: hog-gaamiye, hoggaanraace, iyo hayaan. Si kale haddaan u qoro, waa qof dad meel ka kexeeya oo meel kale geeya iyagoo ay dadku rabaan in ay halkaas u guuraan oo ayan iskood u guureen haddi uusan hog-gaamiyuhu kaxayn lahayn.Haddaba, qof-

ka wax hagaya, dadka uu hagayo, iyo meesha loo socdaa waa inay hagaagsan yihiin.

Hagaagsanaan waxaan ulajeedaa in mabaa-di’da hoggaamiyaha iyo hoggaan raacaha waddaa ay toosantahay. Sidoo kale in hawsha la higsanayo oo la rabo in laga jiba keeno ay mira wanaagsan dhasho.

Hoggaamiyaha hagaagsan waa inuu ku hubay-sanyahay xeerarka hoggaan-wanaagga kana dharla’yahay xeererka hoggaan-xumida ama hoggaan-liidashada.

Dhambaalkaan waxaan ku ifin doonna asta-amaha, summadaha, iyo xeerarka lagu kala garto hoggaamiyaha hagaagsan iyo kan hallay-san. Lix astaamood oo waaweyn oo mid kasta ubucdeeda ay ku jiraan dhawr sifo ama dhawr xeer ayaan halkaan kusoo bandhigaynaa:

1. Koritaanka iyo dhimashada hoggaami-yaha.Waa inuu hoggaamiyuhu baaraa oo bar-taa oo ku dhaqmaa waxyaabaha kor u qaada hoggaan wanaagga oo meel sare gaarsiiya maamulkiisa. Sidoo kale in uu u dawgalo waxy-aabaha hoos u dhiga oo rida, waxyaabaha dhisa iyo kuwa dumiya, waxyaabaha guusha u keena iyo kuwa guuldarrada kurida.

Arimaha Bulshada

Dr. Cabduraxmaan Axmed Nuur “Sulub”Email: [email protected]

Page 9: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 9

2. Dhabta iyo dhalanteedka kala sooca.Waa inuu hoggaamiyuhu garan karaa wuxuu yahay iyo wuxuu san ahayn, wuxuu ku fiicanya-hay iyo waxa uu ku liito, awoodda uu leeyahay iyo meesha uu san dhaafi karin, uu garanayaa wuxuu galo iyo wuxuu gudo. waa in uu kala ga-ran karo waxa isaga iyo ummadduba diyaarka u yihiin ama diyaarin kara iyo waxaayan diyaarka u ahayn, in uu leeyahay isaga iyo dawladdiisa iyo dadkiisuba aqoontii lagu gaari lahaa meesha loo hayaamayo.Sidoo kale in uu ku baraarugsanya-hay sida dadkiisu yihiin iyo sida ayan ahayn iyo weliba sida loo maarayn karo danahooda.

3. Xeerarka dadka u soo duma ama ka-didiya sida daacadnimada iyo daacad-darrida, dabacsanaanta iyo qalafsanaanta, kalsoonida dadku ku qabaan iyo kalsooni darrada, bannaan soo dhigidda sax iyo khalad wuxuu sameeyey oo ay ka soo horjeeddo qarin iyo been sheegid iyo ammaan been ah. Sidoo kale in meesha um-madda uu hoggaan u yahay u rarayo ay u qeex-antahay oo u caddahay isaga iyo dadkaba.

4. Hagaajinta xiriirka uu dadka la leeya-hay iyo xiriirka dadka ka dhexeeya. Xiriirka hog-gaamiyaha iyo dad kadhexeeya iyo kan dad kad-hexyaalla labaduba waa inay ku dhisan yihiin isfaham sare, wada-shaqayn wacan iyo khilaaf la’aan, midaysnaan iyo kalategid la’aan, nabad dhextaal iyo nacayb iyo colaad la’aan, iyo cadd-aalad iyo dulmi la’aan wada gaarta uumiyaha oo dhan.

5. Go’aan qaadasha wanaagga. Go’aan wanaagga hoggaamiyaha waxaa ka mid ah isu dheellitiridda go’aamada adag iyo kuwa jilicsan, kuwa caqliga ku dhisan iyo kuwa caadifada ku salaysan, kuwa gaar ah iyo kuwa guud, kuwa yar yar iyo kuwa waa weeyn, iyo kuwa abaal-marinta iyo ciqaabka.

6. Aragti-dheerid iyo hawl-fulin. Hoggaami-yuhu waa inuu aragti-dheer leeyahay oo uu is

hordhigi karaa mustaqbalka uu rabo in uu xaqii-jiyo siduu u ekaan karo iyo sida lagu gaari karo, waa inuu isbeddel xalaal ah keeni karaa, waa inuu hawsha sugaysa iyo waqtiga isku jaangooyn karaa, waa inuu xasiloonida iyo khatar-u-bareeridiisa dheellitiri karaa.

Ogaansha la ogaado sifooyinka, astaamaha, iyo xeerarka hoggaan-wanaag iyo hoggaan-liidashada iyo sidii loo maarayn lahaa waa saddex wejiley: si-fooyin loo baahanyahay in hoggaamiyuhu abuuro oo dhiso oo koriyo oo kobciyo sida horumarinta iyo guul-gaaridda; sifooyin la rabo in uu rujiyo, oo dabargooyo, ama yareeyo, sida daacad-darra-da, khayaamada, kibirka iyo qooqa iyo xoolo iyo awood sixun-u-adeegsiga; iyo kuwo loo baahanya-hay in la isu dheellitiro,sida go’aanka adag iyo kan jilicsan, arrimha gaarka ah iyo kuwa guud, kuwa yar yar iyo kuwa waaweeyn, iyo kuwa ah sida xub-naha jirka iyo jirk oo dhan ah.

Waxaan ku leeyahay qof kasta oo hoggaamiya u ah koox, sharikad, urur, wasaarad, magaalo, gobol, dawlad, ummad, ama caalamka “Car iyo Wir iskeen!” hoggaan wanaagga baro oo ku dh-aqan, oo hoggan xumida baro oo diid. “Car iyo Wir!” geesinimo la imaw oo hoggaan wanagga fuli oo hoggaan-xumida diid. “Car iyo Wir!” mucaarad hoggaan wacan dooro oo xabiib hoggaan xun ka tag. “Car iyo Wir!” diin, dad, iyo dal u adeeg adoon doollar xaaraan ah daar ku dhisan ama daabbad ku gadan, ama durriyad ku masruufin. “Car iyo Wir!” beel jeclaysi iyo beel nebcaysi qalbigaagu ka-biskoodo adoon eegayn yaa gar leh, yaa gardaran. “Car iyo Wir iskeen!” hoggaamiyaha hoggaami-yayaasha ugu sarreeya noqo, oo hoggaamiyayaas-ha ugu sarreeya dhisa, oo hoggaamiyayaasha ugu sarreeya doorta, oo maamullada ugu sarreeya dhi-sa, oo guulaha ugu sarreeya soo hooya.Ogoowe, “Car!” waa inoo wada iriye.

Hoggaan-wanaagga dhegeeyso, akhri, ku fakar, ka hadal, oo wax ka qor—wardi maalmeed ka dhigo.

Arimaha Bulshada

Page 10: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha10

Iyadoo maahsan ayay aqalka gudihiisa isha la raacday, waxay indhehee-du qabteen noocyada wicida kala duwan, sariirta giigsan iyo ubax-yada ku gadaaman, armaajada yaabka leh iyo daahyada sudhan ee aanay ishuba ka libiqsan karin, Allaylehe nooc kasti waa yaal waa guri nin maal qabeen ahi ku fara yaraystay, wax kastoo dhexyaallaa waxa uu caddayn u yahay deeqsin-imada halyeyga meesha cammirtay, hase ahaatee aad ayay u moral jaban-tahay, waxay hubtaa inay god madaw dalam tidhi, oo tolow waxan oo alaab, dahab, iyo duunyo is barkani mindhaa uma muuqdaan?!

waxbaa maankeeda ka guuxaya oo marba hir horle ayaa jiidhaya markaasay sidii xaashidii dul heehaabaysaa oo haddana meeshii ku soo laabanaysaa si ay hir horle u fuusho, hal mar ayay sida ilma yar afka furatay oo oohin ka wa-reegtey, dabadeedna barkimo baal gorayo lagu cufay oo jilicsan madaxa ku aastay, way isla hadashay oo tidhi:

Alla tolow ma riyaan ku jiraa mise waa dhab sheekadu?!

haddana inta ay is qabatay ayay muran iyada iyo nafteedi dood isugu dhaqa-

DHACDOOYINKA BULSHADA

Qore: Faarax Biniin Boos

E-mail: [email protected]

Arimaha Bulshada

Page 11: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 11

haddana inta ay is qabatay ayay muran iyada iyo nafteedi dood isugu dhaqaaqeen:

oo kaalay horta, maxa ku haya ood la murugoonaysaa waxan oo alaab iyo aqal gaashaaman sow laguuma goglin? sow mee-shaad rabtid iyo waxad rabtid-ba markaba heli maysid? … haa waa helayaa oo taasi shaki malahan, haddaa maxaa ku haya? maaqa-ani..!

su’aalahaasi qancin waaye, hadd-ana iyadii baa isla faqday oo tidhi:

Kaalay horta Aabbahaa ma amxaar xaasida baa?

istaaqfurallah...

haddaa ma jaahil dhega xidhan baa?

subxaanallaah ..

waayehee muxu ka wadey inuu god igu tuuro oo dhawr qaalmood igu il-loobo? maaqaani..!

inkastoo aanay afka ka odhan waxa hubaal ah inay uurka ka habaartay, waxay xusuusatay sida uu isu bihin bihinayay marka uu odayga 80ka baarka gooyey ee uu dhawrka tul-dood iyo xoogaaga shilimaadka ah ka qaatay ka dhaadhicinayey, weli-ba waxay la urugoonaysaa odayaas-hii saaxiibadiis ahaa ee uu soo kaxaystay ee iyaguna lahaa: maand-heey odayga maqal oo ducada qaa-do, waxay hoosta ka lahayd: Aabow shabbad yar baan ahaye hay hodin oo hog dheer haygu ridin..!! waxay odhan lahayd ba odayaashan ma-naxayaasha ah ee indhaha ku gu-baya ayay ka baqatay, sidaana hoos urugo ugula jeesatay. Dabadeedna isla galabtiiba inta durbaan baas loo tumay ayaa aqal kan lagu soo shu-

bay, xitaa Xaajiga arooska ah lama sii barine waxa loo sheegay habeen-ka aqal galka uun inay arkayso, si-daasay hadda meesha u fadhidaa oo aqalkeeda u daawanaysaa. Hal mar ayay maqashay jabaq iyo cif iyo hiinraag soo dhowaanaysa, way milicsatay, mise waa 80 jirkii oo soo hadaafaya, taaha iyo ( ah ) da ka baxaysaa ayaaba sii diley, intuu kadinka soo dhaafayay malaha ilaa saddex mar ayuu dhuusay, hore wax uma arkayne cabbaar ayuu inta gidaarka miciinsaday wax hoomaay-ey, Allaylehe caawaa gurigay ba’ay ayay hoosta ka tidhi, dabadeedna jidhkeedii gigsanaa ayay sal iyo baar isha la raacday, waxay xaqiiqsatay kani cam-camo maahee inaanu cibaara kale soo wadin, sidaa dart-eed inta adduun ka quusatay aakh-irana niyaysatay ayay is dhiibtey, dabadeedna odaygii oo aan weli wax arkayn ayay la hadashay:

Awoowe, istaaqfurallah Xabiibi soo soco...!!

xaajigiina qosol markii danbe qufac isu bedeley ayuu ka wagac siiyey.

Arimaha Bulshada

Page 12: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha12

afaraad (Fourth Theory)

Waxaa jira aragti lagu magacaabo aragtida afaraad (Fourth Theory) oo aadamigu uu ku baraarugey goortii ay il-baxnimadu fahamsiisey xeerarka nolosha iyo wax badan oo danihiisa ah. Aragtida afaraad waxay da-ba-socotaa aragtiyaal saddex ah oo fahamkoodu ay ka horeeyeen middan afaraad. Aragtida koowaad (First Theory) waxay tahay fikrad-kasta oo qofka ku dhalatey, taas oo uu ku saleynayo xuquuqda madax-bannaanida ah ee uu ku heley aadaminimada. Laakiin waxaa jirta xuquuq walba oo qof leeyahay maahan mid furan oo waxay leedahay xuduud ay ku joogsato. Qofka aanan garaneyn in xuduudda xuquuqdiisa ay ku eg-tahay xuduudda xuquuqda uu qofka kale leeyahay, wuxuu sababayaa xad-gudub badan. Waxaa halkaas ka dhala-naya in ay abuuranto aragti lagu magacaabo aragtida labaad (Second Theory). Taasi waxay ka-soo hor-jeed-daa aragtidii koowaad. Taariikh dheer ayuu aadamigu la-soo maray laba aragti oo la-kala qabo. Alwadka iyo kulka ka dhasha khilaafka labada aragti ee lakala qaato, waxaa cashar qiimi badan u ah colaaddii dhex-martey ilma Aadan (Haabiil iyo Qaabiil). Iyaga oo ahaa qoys keliya ee dunida ku nool ayuu dhulku qaadi-waayey. Markaas ayay is dileen. Colaaddii labada aragti ee sa-babtey dagaal-weynihii II-aad ee dunida, ayaa waxaa ku dhintey dad lagu qiyaasey 100 melyan oo qof. Casharkii laga dhaxley ayaa aadamigu wuxuu ku fahmey aragtida saddexaad (Third Theory). Taas oo ah in labada arag-ti midba qofkeeda uu ka tanaasulo qeyb. Dabadeed meel dhexe leysugu yimaado. Goortiise teknolojiyada iyo cari-edegeynta (Globalization) ay dinidii ka yeeshey aqal qura, waxaa dhacdey in aadamigii si xooggan isu

dhex-galay. Waxaa la fahmey in ay jiraan arimo ayan bulshooyinku ka tanaasuli karin oo ay kamid tahay dh-aqanka iyo caqiidada. Markaas ayaa halkaas waxaa ka dhashay fahamka ah aragtida afaraad (Fourth Theory) oo macnaheedu tahay, wixii aad qabto heyso 100 %, aniguna waxaan qabo waan heysanayaa 100 %. Laakiin aanu aadaminimo ku wada noolaanno iyadoo midkaay-agana uusan u tanaasulin midka kale. Bal xushmad iyo is xaq-dhowr ay naga dhexeyso.

Qore: Dr. Saadiq Enow

Waxaa jira aragti lagu magacaabo

aragtida afaraad (Fourth Theory)

oo aadamigu uu ku baraarugey

goortii ay il-baxnimadu fahamsiisey xeerar-

ka nolosha iyo wax badan oo danihiisa ah.

Aragtida afaraad waxay daba-socotaa aragti-

yaal saddex ah oo fahamkoodu ay ka horeey-

ARAGTIDA AFARAAD (FOURTH THEORY)Qore: Dr. Saadiq Enow

Page 13: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 13

een middan afaraad. Aragtida koowaad

(First Theory) waxay tahay fikrad-kasta

oo qofka ku dhalatey, taas oo uu ku sa-

leynayo xuquuqda madax-bannaanida

ah ee uu ku heley aadaminimada. Laakiin

waxaa jirta xuquuq walba oo qof leeya-

hay maahan mid furan oo waxay leeda-

hay xuduud ay ku joogsato. Qofka aanan

garaneyn in xuduudda xuquuqdiisa ay ku

eg-tahay xuduudda xuquuqda uu qofka

kale leeyahay, wuxuu sababayaa xad-

gudub badan. Waxaa halkaas ka dhala-

naya in ay abuuranto aragti lagu maga-

caabo aragtida labaad (Second Theory).

Taasi waxay ka-soo hor-jeeddaa aragtidii

koowaad. Taariikh dheer ayuu aadamigu

la-soo maray laba aragti oo la-kala qabo.

Alwadka iyo kulka ka dhasha khilaafka la-

bada aragti ee lakala qaato, waxaa cashar

qiimi badan u ah colaaddii dhex-martey

ilma Aadan (Haabiil iyo Qaabiil). Iyaga oo

ahaa qoys keliya ee dunida ku nool ayuu

dhulku qaadi-waayey. Markaas ayay is

dileen. Colaaddii labada aragti ee sa-

babtey dagaal-weynihii II-aad ee dunida,

ayaa waxaa ku dhintey dad lagu qiyaasey

100 melyan oo qof. Casharkii laga dhax-

ley ayaa aadamigu wuxuu ku fahmey

aragtida saddexaad (Third Theory). Taas

oo ah in labada aragti midba qofkeeda

uu ka tanaasulo qeyb. Dabadeed meel

dhexe leysugu yimaado. Goortiise te-

knolojiyada iyo cari-edegeynta (Global-

ization) ay dunidii ka yeeshey aqal qura,

waxaa dhacdey in aadamigii si xooggan

isu dhex-galay. Waxaa la fahmey in ay

jiraan arimo ayan bulshoo yinku ka ta-

naasuli karin oo ay kamid tahay dhaqan-

ka iyo caqiidada. Markaas ayaa halkaas

waxaa ka dhashay fahamka ah aragtida

afaraad (Fourth Theory) oo macnaheedu

tahay, wixii aad qabto heyso 100 %, ani-

guna waxaan qabo waan heysanayaa 100

%. Laakiin aanu aadaminimo ku wada

noolaanno iyadoo midkaayagana uusan

u tanaasulin midka kale. Bal xushmad iyo

is xaq-dhowr ay naga dhexeyso.

Page 14: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha14

Samafalka

Page 15: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 15

KAALINTA SAMA FALKUUU KU LEEYAH AY HORUMARINTA BUSLHADA

Sama-falku waa howl qiimo badan taasoo ah wax quurid iyo wax bixin, waana dhaqan

ilbaxnimo kasoo jeeda oo bul-shooyinka horumaray ay kaalinta hore kaga jiraan kuwaasoo leh dh-aqan iyo garasho masuuliyadi ku dheehantahay, maxaa yeelay sama falku wuxuu ka qaybqaataa horu-marka bulshada iyadoo ururada iskaa wax-uqabso fursad u siiyaan dadka jecel inay ka qaybqaataan dhismaha dhaqan iyo dhaqaale ee bulsho ay leedahay, waxayna sidoo kale Iskaa wax-u-qabso (voluntary) ku beertaa dadka u istaagaya how-shaas masuuliyad iyo caadifad nax-ariis huwan iyo waayo aragnimo ay ka dhexlaan dadka kale ee ay la shaqaynayaan.

Adeegyada sama-falku wuxuu ka qaybqaatay horumarka ilbaxnimo ee bulshooyin badan iyadoo dhaqa-mada iyo diimaha umadahaasi ay lahaayeen ku feeraarsaday qaara-do iyo umado kale maxaa yeelay howlaha sama-falka ahi waxaa ka baraxtiran faa’iido doon mana ahan xirfad dad gaar ah ay leeyihiin oo waa fal noocyo badan yeesha haba noqoto qofka naftiisa inuu si hufan wax u taro ama waxtar ka dadka dhibaataysan ee taakulada u baah-an gaar ahaan xilliyada colaadaha, abaaraha iyo musiibooyinka dabiici-ga ahi dhacaan.

Diinta islaamka ayaa caqiido iyo waajib ka dhigtay sama-falka, wax-

aana Aayado iyo Axaadiis badani kusoo arooreen farista arinkaas:

( Samo falku ma aha inaad waji-ga u jeedisaan Qorax kasoo bax iyo Qorax u dhac laakiin Sama fale waa ruuxii rumeeya Eebe, Qiyaame Malaa’igta, kitaabka (kutubta Alle), Nabiyada, oo siiya Xoolaha isagoo jecel Qaraabada, Agoonta, Masaaki-inta, Masaafirka, kuwa baryootama, Fakin qoor, oogana Salaadda, bixi-yana Zakada, oofiyana ballankooda, markay ballamaan, Samra (adkay-stana) Waqtiga saboolnimada, Jir-rada iyo Dagaalka, kuwaasina waa kuwa ku runsheegay Iimankooda waana kuwa dhawrsada). Albaqa-ra:177

Aayadaasna waxay sugaysaa xi-riirka ka dhaxeeya sama-falka iyo cibaadada iyo raaligelinta Eebe weyne SW. sidoo kale axaadiis soo aroortay ayaa adkaynaysa fadli-ga uu leeyahay camalka khayriga ah wayna badantahay, lakin xadi-iskan ayuu rasuulka SCW ku leeya-hay (Eebe wuxuu leeyahay adoo-mo uu u gaaryeeshay u adeegista dadka wuxuu jeclaysiiyey khayrka, khayrkuna wuu jecelyahay kuwaas-una waa kuwa ka badbaadaya cadaabta maalinta qiyaamaha)

Siirada Nabiga, Asxaabtiisa iyo ta-abiciinta waxaad ka dheehan kartaa sida ay Aayadahaas udhaqangeliy-een oo taariikhda Islaamka waxaa camiray kaalimahaas qiimaha bad-naa ee loogu gurman jiray dadka sa-

C/raxmaan C/risaaq C/raxmaan Email: [email protected]

Samafalka

Page 16: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha16

boolka ah, Agoonta, Ardayda, guur doonka, dadka qaamaysan, falista iyo bixinta wadooyinka iyo xitaa xa-naanaynta xoolaha.

Muxuu yahay Sama-fal?

Sidaan horayba ugu soo tilmaam-nay hordhaca, Sama-fal waa howl ama fal aan laga sugeynin inay kasoo noqoto faa’iido aduunyo ama dhaqaale, sidoo kale waa hurid iyo sifo aan huwanayn naf lajeclaysi, waa wax bixin si loo xalliyo mush-kilad nololeed oo haysata qof ama bulsho.

Sama-falka iyo Iskaa wax u qabso (voluntary)

Dad isxilqaamay oo u istaagay horu-marinta bulshadooda ayaa sabab u ahaa koboca dowladaha horumaray ee wax soosaar ka iyo warshadaha leh iyo dalalka sookorayaba qaar ka mid ah, oo waxay sameeyeen ururo iyo hay’ado sama-fal ah ku-waasoo buuxiyey baahiyo banaa-naa oo dowladaha dalalkaas aysan dhamaystiri karin sida: quudinta dadka baahan, ilaalinta deegaan-ka, la dagaalanka Jahliga (akhris iyo qoris la’aanta) waxaana tusaale usoo qaadan karnaa ololihii dowla-dii Kacaanka ee ardayda iyo dadka iskaa wax u qabso ahaa ay miyi iyo magaalaba ugu dirtay si dadka ay farta Soomaaliga u baraan iyo sidoo kaleba dugsiyadii iyo wadooyinkii lagu dhisay iskaa wax u qabso ee xilligaas iyo kuwa kaloo badan.

Hiigsiga Horumarka Guud

Waxaa isku lamaan sama-falka iyo horumarka Dalkeena, wuxuuna ka bilaabanayaa beegsiga qofka, qoys-ka ilaa aynu ka gaarno bulsho ka horumarsan dhan walba.

Ururada sama-falka waa inay qor-sheeyaan saamayn ay ku yeelan karaan hab dhaqanka qofka iyo badalista dhaqamada dib-udha-ca ah ee in badan sifo u noqota bulshooyinka reer guuraaga ah gaar ahaan Soomaalida oo tusaale ahaan ku ibtilaysan Qabyaaladda iyo danaysiga gaarka ah, waana in sama-falayaashu ay ladagaalamaan dhaqamadaas xunxun iyo waxa la midka ah. oo sama falku ma ahan kaliya qof in la daaweeyo ama la baahi tiro.

Marka qof wanaagsan la helo ayaa waxa abuurmaya qoys fiican ka dib-na waxaynu helaynaa bulsho taab-igelin karta qorshaha horumarineed ee uu urur rabo ama dal.

Kobcinta Qofka

sida ay ururada Sama-falka u badanyihiin marka ay fulinayaan mashruuc daryeel caruur, haween, ama ragba waxay siiyaan deeqo kabaya baahida markaas taagan kaliya, waxayna ilduufaan kobcin-ta qofka baahan iyo hormarkiisa ee isku filnaansha ah ama hadii si kalaba aynu u dhigno in qofka la-caawinayo uu ka baxo xaalada ku tiirsanaanshaha ururkaas. Tusaale ahaan marka la caawinayo Ilmo agoon ah waa inaysan ku koobnaan kaliya lacag yar oo lasiiyo ama dhar loo iibiyo ee waa in la qorsheeyaa daryeelis dhamaystiran oo leh wax-baristiisa, edbintiisa, nafaqayntiisa iyo kobcinta garaadkiisa si bari ka-maalin uu u noqdo qof isku filan dalkiisa iyo dadkiisana wax tara. oo waxaa foolxun ilmihii burburka dha-

shay ee maanta 24 jirka ah wali inuu sabool yahay oo uu cid kale ku tiir-san yahay.

Horumarinta Haweenka ayaa muhiim ah inay dhaafsiisantahay halku dhigyada ah dumarka xuquuq ayaa ka maqan ama qabashada shi-rar wacyigelin ee waa in loo abuuraa mashaariic wax kabadalaysa sabab-ta keenaysa dib dhacooda iyadoo Islaamku uu dhamaystiray xaqee-da, hadana waa in lagu tababaraa xirfado iyo aqoon wax kabadalaysa nolosheeda oo saamayn ku yeelan karta dhanka wanaagsan ee horu-

marinta bulshada.

Kobcinta Qoysaka

Qoyska waa lafdhabarka bulshada, daryeelka qoyska wuxuu asaas u yahay howl kasta oo sama-fal ah. caawinta qoys sabool ahina waa

Samafalka

Page 17: Yagleel somali

Yagleelka Aayaha 17

inuu barbar socdo kobcinta dhaqa-alihiisa taasoo fursad u siinaysa in qoyska uu noqdo mid wax soo saar leh oo lagu tababaro inuu ku shaqa-yn karo fursadaha deegaankiisa ka jira (Kaluumaysi, Beer, Farsamo gac-meed, IWM) taasoo marka dambe qoyska uu ka mid noqdo tiirarka wax soosaar ee bulshadu leedahay.

waxaa xusid mudan in kobcinta qoyska ay ka horayso hanuunintii-sa iyo ilaalinta ishaysa-shadiisa oo waxaa laga maarmaan ah in la baro hab maamulka wanaagsan ee qoys-ka, barbaarinta wiilasha iyo gabdha-

ha si loo dhiso dhaqankooda, wax-barashadooda iyo caafimaadkooda oo ay uga qaybqaataan wax soo saarka qoyska.

Kobcinta Bulshada

muran soo jireen ah ayaa ka dhex-

eeya horumarinta bulshada iyo howlaha sama-falka ah, oo su’aasha ugu badan ayaa ah Urur ma horu-marin karaa bulsho, ama NGO sida loo yaqaan ma u aragtaa bulsho inuu qayb ka yahay horumarkeeda.

waxay tilmaamaan dhacdooyinka casriga iyo taariikhduba in horu-marku kasoo bilowdo qofka, iyadoo qofku kor uqaadi karo horumar-ka dhanka dhaqaale, bulsho iyo caafimaad hadii dadaal lagu bixiyo horumarka qofka inta aan bulshada loo gudbin.

waxaa muhiim ah in Sama-falka uu u horseedo bulshada inay ka faa’ii-daysato hantideeda hodanka ay ku tahay si loo kobciyo dhaqaalaha. si aan u weelayno xiriirka labadaas ka dhaxeeyana waxaan tilmaamaynaa aragtiyada casriga ah ee dhaqaala-ha ka hadlaysa waxay oranaysaa “ yoolka waa inuu noqdaa kobcinta wax soosaar loona maraa howl-gelinta hantida (resource) bulshadu ay leedahay taasoo isugu jirta mid dhuleed, dad, dhaqaale, iyo maam-ul”.

wax soosaar kastana wuxuu u baa-hanyahay qarash iyo dhaqaale fara badan, waxaana lagu dhimi karaa in dadka lagu dhiiri geliyo sama-fal-ka ama iskaa wax u qabso si kobo-ca dhaqaale loo gaaro. waxaa laga faa’iidaysanayaa dadka khibrada leh ee iska fadhiya oo aqoontooda meel la yuurura waxaa laysugu gay-nayaa ururo iyo Ha’ayado si loogu dhaqaajiyo horumarinta bulshada.

si aysana dadkaas u daalin ama uga caajisin howshaas qiimaha bad-ana waa in ladhiirigeliyaa oo hal abuurkooda lala falgalaa.

Faa’iidooyinka ka dhalan kara ka qaybqaadashada sama-falka

1.Raalinta gelinta Eebe SW iyo abaal gud aduun iyo aakhiroba.

2.Helista bulsho horumarsan oo isku duuban.

3.Buuxinta arimaha/kaalimaha dowladu ay ka gaabiso.

4.Dhimista qarashka wax soosaar iyo qarashaadka ku bixi lahaa shaqaale dowladeed.

5.Waxtarka qaybaha nugul ee bul-shada sida Barakacayaasha, agoon-ta, Fuqarada IWM.

6.Kasoo kabashada musiibooyinka dhaca sida dagaalada, Abaaraha iyo Macaluusha.

Maxaa sama-fal noqon kara?! :-

1.Dhismaha Masaajidda, Dugsiyada waxbrashada iyo Jeelasha.

2.Dhismaha Isbitaalada iyo xaruma-ha caafimaadka.

3.Waxtarka iyo dhaqaalaynta Agoonta iyo masaakiinta.

4.Wacyigelinta iyo ka qaybqaada-shada xalinta khilaafaadka.

5.Soojeedinta Muxaadaaraad wacdi ah iyo farista wanaaga iyo reebista xumaanta.

6.Ilaalinta deegaanka iyo dhowrista fayadhowrka.

7.Asaasida Maktabado wax lagu akhristo.

8.curinta kutub wax tar u leh bul-shada.

9.aasaasida hay’ado sama fal ah oo bulshada waxtar u leh.

10.Gudbinta talooyinka waxtaraya bulshada.

Akhriste waxaan qaybta 2aad ku eegi doonaa, maxay Ururada Sa-ma-falka Soomaaliyeed u qabteen dalkooda intii burburka lasoo ahaa ....losoco

Samafalka

Page 18: Yagleel somali