soomaalilayn waa dal ka duwan soomaaliya: falcelin samatar ...tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa...
TRANSCRIPT
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 1
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 2
HERER (ISSN 1929-1272) is an independent literary, cultural, political, and social Journal in Somali.
It is printed monthly, both, in Ottawa (Canada) and Hargeisa (Somaliland)
Copyright © 2012
by
All rights
reserved. This
publication or parts of it may
not be reproduced, stored, or
transmitted in any way without
prior permission
from the
Editor.
ISSN 1929-1272
Published by
HAL-AQOON PUBLISHERS.
Qoraallada dhammaan
waxa lagu soo
hagaajinayaa:
HERER
Buulo-Barwaaqo
Xaafadda Koodbuur
Hargeysa, S/layn
Ama
HERER
861 Karsh Drive
Ottawa, Ontario
K1G 4T9
C A N A D A
Tel. (613) 247-0459
Soomaalilaand
Tel: 252-63-479-2393
E-mail:
Or
GOLAHA QURAARRADA
EDITORIAL BOARD
Quraarka Guud
(Editor-in-Chief )
Cabdiraxmaan C. Faarax
“Guri Barwaaqo”
Xayeysiiska iyo suuqgenta
(Advertising & Marketing)
Maxamed Cabdiraxmaan
Guuleed M. Yuusuf
Xoghaye ( Secretary )
Kawsar M. Faarax
Associate Editors
Xasan Cabdi Madar
Sahra-Kiin Cabdiraxmaan
Maxamed Caddaani
Muna Axmed Cumar
Axmed Aw Geeddi
Khaalid Jaamac Qodax
Xamda M. Xuseen
Hal-shaxanka (Graphics)
Herer graphics
Golaha Talabixinta (Advisory Committee)
Dr. Georgi Kapchits
Dr. Maxamed Nuux Cali
Dr. Jamaal Cabdi Gaboobe
Dr. Keenadiid Cali Xasan
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 3
Buugga Mahadho waxaad ka helikartaan Hargeisa Redsea
Bookshop iyo oo ku yaal Hudheelka Oriental ka hoostiisa
iyo Personal Computer oo ku yaal ka soo horjeedka garoonka
kubbadda Koleyga ee Timacadde.
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 4
Tusmo
Ereyga Quraarka .................................................................................................................................................... 5
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin ........................................................................................... 6
Hordhac: .................................................................................................................................. 6
Waxyaabaha ay Soomaalilayn iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin .................................... 6
Tixraac ........................................................................................................................................................................................... 14
Ha Illoobin Sooyaalka Fartaada .............................................................................................................................. 18
1. Aabbo wiilkiisii warqaad u diraya ..................................................................................... 18
2. Warcelintii wiilka .............................................................................................................. 21
3. Dhanka maahmaahaha: ...................................................................................................... 22
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 5
Ereyga Quraarka
Wargeysyo tiro badan baa dalka ka soo baxa. Intooda
badani waxay awooddooda saaraan dhanka siyaasadda.
Waxaanad mooddaa wargeysyada maalin laha ah inuu
qof wada qoro. Taasi ayaa dad badan oo aan xiisayn
siyaasadda ku riddey niyad jab weyn. Si taasi
looga baxo ayaan ku dadaalley bal in la
helo warside aan weyneyn (bogag
badnayn) hayeeshe ah mid mac oo
xambaarsan aqoon korodhsi ku
saabsan dad, diin, iyo dalba.
Waxaannu haddaba tirsi kasta ku
soo qaadan hal ama laba mawduuc oo aannu u aragno inay
dadweynaha xiiso gelindoonaan aqoontoodana kor u qaadi
doonaan. Sidaasi awgeed, waxaanu tirsigan si kooban ugaga hadli
doonnaa laba qoraal oo uu mid kooban yahay filaynana in wax
badan laga taransan doono.
HERER: Warsidaha Afka, Dhaqanka, Diinta, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Waxbarashada
Afeef:
Xubnaha Golaha Quraarrada Warsidaha HERER marna daanyaqaad uma aha, loomana aanayn karo,
aragtiyaha maansooyinka iyo qoraallada ku soobaxa warsidahan. Aragtiyaahaasi waxay kolkasta gaar u
yihiin hal-abuurrada iyo qorayaasha soo gudbiya qoraalladooda si ay dadweynaha ugu soo bandhigaan.
Waxaanuse daw u leennahay inaannu quraarro ereyada, gaar ahaan kuwa qoraallada, annaga oon
waxba ka beddelidoonin ujeeddada ereyga ama qoraalkaba, soona gaabinno qoraallada sabada oo nagu
yar awgeed. Wixii qoraallo ah ee xambaarsan af lagaaddo ama wax ka baxsan asawda iyo anshaxa
toona ma soo saaridoonno, mana u celin doonno ciddii soo gudbisey.
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 6
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin
w/q Samatar Faahiye Cali, Hargeysa Soomaalilayn
Hordhac:
Qoraal uu ladhkiisu ahaa kolka la turjumo 'Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya'
oo uu qoray Cabdi Axmed kuna soo baxay degelka www.wardheernews.com bishan Mey
5dii, 2016ka oo uu ku diiddanaa warbixin uu bixiyey weriyaha idaacadda layska arko ee
CNN-ta, lana yidhaa Anderson Cooper ayaan filayaa inuu mudan yahay in wax laga
yidhaa. Run ahaantii, kolka la eego ama la tixgeliyo xilliga kooban ee uu weriyuhu dalka
joogey, anigu qof ahaan waan ku raacsanahay hadalkaasi uu yidhi. Taariikh ahaan waxay
ahaayeen laba dal oo laba gumeysi ku kala jiray. Midhkaasina maaha mid uu qoraha
qoraalku diidi karo. Anderson Cooperna inuu midhkaa yidha wuu ku hagaagsanaa.
Hayeeshee, waxaa jira waxyaabo badan oo qoraha iyo weriyuhuba mooggan yihiin oo ay
Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya oo aan rabo inay akhristayaashu ila
wadaagaan.
Waxyaabaha ay Soomaalilayn iyo Soomaaliya ku kala duwan yihiin
Aan ku bilaabee, arrinta uu Anderson Cooper muddo yar ku ogaaday, hayeeshee, Cabdi
Axmed aanu ogayn, demmanaanshana ay ka tahay ama is diidsiis, baa ah inaanu Xasan
Sh. Maxamed, Madaxweynaha Soomaaliya, ka talin Soomaalilayn oo sawir uu leeyahay,
haddii siraad lagu doono, amaba dawo loogu baahdo, xafiisyada iyo guryaha
Soomaalilayn laga soo heleyn.
Arrinta xusidda mudan baa ah inaanu Anderson Cooper dal-ku-gal ka qaadan safaarad ay
Soomaaliya leedahay ee uu toos u tegey Soomaalilayn. Gegida diyaaradaha ee Cigaal
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 7
International Airport-na uu ka qaatay dal-ku-galkii uu u baahnaa, taasina waa caddayn kale
oo Anderson Cooper u caddaysay in Soomaalilayn ka geddisan tahay Soomaaliya.
Haddii aan ka hadalno dhanka calammada ay kala leeyihiin labada dal baa waxaad
dareemaysaa ama si aan madmadow ku jirin aad u arkaysaa inay Soomaalilayn leedahay
calan ka duwan ka Soomaaliya. Calanka Soomaalilayn, sida sawirka bogga 2aad ka
muuqata, wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo kala ah: Cagaar, caddaan iyo casaan.
Cagaarka dhexdiisa waxaa ku qoran Tawxiidka oo ah
. Caddaanka dhexdiisana waxaa ku
sawiran xiddig shan-gees ah oo madow oo tilmaan u
ah in aragtidii Soomaaliweyn ay shiiqday, tahayna
aragti laga koray.
Casaanku wuxuu astaan u yahay dhiiggii loo huray halgankii dib loogu hantiyay
madaxbannaanidii Soomaalilayn.
Calanka Soomaalilayn waa calanka labaad ee adduunka jira ee dhib kasta oo dhacda
aan hoos loo dhigi karin.1
Halka calanka Soomaaliya uu yahay mid midabka badda oo kale
leh, dhexdana ku leh xiddig cad oo shan-gees ah sida ka muuqata
sawirka dhanka bidix ku yaal. Sidaasi ayey haddaba, sidii uu
Anderson Cooper sheegay ay, Soomaalilayn uga duwan tahay
Soomaaliya.
Soomaalilayn xeerarka way dejin taqaan, in lagu dhaqmase la ma jecla oo waa lagu
cadanyoodaa. Tusaale ahaan, qodobka lixaad ee dastuurka dalku wuxuu dhigayaa in luqadda
rasmiga ahi tahay afka hooyo.
1 Calanka kale waa ka Sacuudi Areebiya
Calanka Soomaalilayn
Calanka Soomaaliya
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 8
Hase yeeshee, baabuurta dawladdu waxay sidataa lambar ku qoran afaf qalaad sida ka
muuqata sawirkan dhanka midig ku yaal.
Dawladda oo gar iyo gardarraba la taageeraa waxay ka
mid tahay waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay
Soomaaliya. Xeerkaasi kor ku xusan kolkii ay dawladdu
ku tumatay cidi kama hor iman.
Dadku dhankooda way ka hawl yaraysteen. Goobaha
ganacsiyada oo dhanna waxaa loo yeelay magacyo
shisheeye sida ku cad sawirka hoos ka muuqda.
Inkasta oo ay magacyada goobaha ganacsatadu afaf
qalaad ku kala qoran yihiin, haddana haddii aad
maalin dhan magaalada wareegto ma dhici karto in
aad la kulanto qof qudha oo shisheeye ah. Waxaana
markaa maskaxdaada ku soo degdegeysa inaad
isweydiiso cidda loogu talagalay magacyadaas!!
Dhinaca baabuurta laga wado ayaa ka mid ah
waxyaalaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay
Soomaaliya. Sida aanay Cabdi Axmed iyo Anderson
Cooper ka warqabin
baabuurta Hargeysa joogtaa shookaanta dhinaca midig ayey ku leeyihiin, waddadana dhanka
bidix ayaa la maraa. Halka Soomaaliya ay baabuurta iyo haadka la maraaba ay is leeyihiin.
Aan idin xasuusiyee, xeerkaa kor ku xusan waxaa loogu dhaqmaa: la jiifiyaa bannaan, la
joojiyaana bannaan. Madaxweynaha iyo dawladdiisu dhankay doonaan ayey jidadka,
sida carsaanyada, u maraan. Waxaa midhkaa marag cad u ah in kolkii uu dhowaan
Madaxweyne Axmed Siiraanyo ka soo laabtay dalka UAE, ay asaga iyo wafdigiisii,
waddada dhanka kale u soo mareen sida ku cad sawirka dhanka midig ka muuqda. Sidaasi
Baabuur ka mid ah
baabuurta dawladda S/Layn
oo sita lamabar sidan u
qoran: GT 1754 ٤٥٧١
Hargeysa
Ka soo horjeedka Cajabkii Hore
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 9
awgeed qalajireennadu iskuma hawlaan inay cidna ku ganaaxaan. Waayo qof kastaa mar-
marsiiyo dhab ah ayuu haystaa.
Arrinta kale ee aanay Cooper iyo Cabdi Axmed
midkoodna ogayn ee ay labada dal ku kala duwan yihiin
baa ah inay Soomaalilayn leedahay laba gole oo kala ah:
Golaha Guurtida iyo Golaha Xildhibaannada. Golaha
Xildhibaannada shantii sannadoodba in hal mar la soo
doorto ayaa qoran, hayeeshee, tobankii gu’ ee la soo
dhaafay sidii ayey isaga fadhiyaan. Cid ku haysataana ma
jirto. Golaha kale sida magaciisu tilmaamayo waxay ahayd
in xubnihiisu ahaadaan duqay waayo arag ah oo laga soo
xulay beelaha reer Soomaalilayn. Golahaasi
wuxuu isu rogay mid la kala dhaxlo oo haddii xubin ka mid ahi geeriyooto, qoyska
marxuunka cid ka tirsan, wiil iyo gabadh kuu doono ha noqdee, lagu beddelo. Sida la ii
sheegayna, xubnaha golahaasi waxay hadda u badan yihiin dad aad u da’yar. Waxaana
imminka loo yaqaan Golaha Dhalinta!!
Tabaha shaqooyinka sare lagu helo baa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan
tahay Soomaaliya. Dhawr qoraal oo ammaan ah oo aad maguujisaa wasiirnimo inay kuu
gooyaan baa xabka ah. Dhawr kale, oo dab iyo naar ka kulul, oo aad mucaaridka gadhka u
gelisaa iyana waa tab kale oo wasiirnimo lagu hantay. Boolo xooftada iyo hanjabaadda
dawladda lagu asqeeyo qudheedu way kuu goyn karaan jago aan taa hore ka liidan. Toban
ilaa shan-iyo-labaatan tukhaan (baabuur yaryar oo la kiraysto) oo aad sawirkaaga dhag
intaad ku siiso is daba gelisaa kaaga darimayso. Haddii aad sawirka hoostiisa ku bisho in
ugaaskii reer Qansax ama kii reer Qudhac laguu caleemasaarayna, waxaa hubaal ah in dhawr
beri kaddib uu wasiirka loo yaqaan ‘Wasiirka dirani’ uu kula soo xidhiidhi doono kuna
ogeysiin doono in misgeedkii hasheenni Maandeeq uu kuu caanageliyey, xooxdana aad
dhawaan adiga iyo reerkuba ka dhergi doontaan!!
Madaxweynaha iyo wafdigii uu horkacayey oo waddada dhanka kale u soo maray
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 10
Waxyaabaha aanay Anderson Cooper iyo Cabdi Axmed aqoon ee ay labada dal, waa
Soomaalilayn iyo Soomaaliya eh, ku kala duwan yihiin waxaa ka mid ah in halka ay
Soomaaliya ka joogaan ciidammada AMISOM, ay Soomaalilayn ka joogaan ciidammada NGO-
yadu.
Arrinta xiisaha leh ee ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya ayaa iyana ah inay reer
Soomaalilayn u af duuban yihiin nabadda, halka Soomaaliya sidii la doono laysu qarxiyo.
Madaxda iyo ganacsatada ayaa heshiis u ah inay dadka iyo dalkaba boobaan. Haddii la ogaado
jiritaanka dad is leh arrintaa wax ka qabta waxa lagu khuukhiyaa inaan nabadda la dhaawicin oo
aan laga hadal wixii arrintaa waxyeello u geysanaaya.
Dadka aqoonta leh inaan wax loo diran oo ay aqoondarradu sarraysaa ama na biyadhigtaa, iyana
waa arrin kale oo aan is leeyahay Soomaalilayn way kaga duwan tahay Soomaaliya. Tusaale
ahaan, laba beri ka hor baan racay jalahay. Wuxuu rabay inuu soo iibsado dawo dhakhtar u soo
qoray. Farmasigii aanu tagnay buu inankii joogay noo sheegay in labada dawo ee warqadda ku
qoran uu mid ahaan hayo. Jalahay inta uu yaabay buu yarkii farmasiga hayey ku yidhi, “Adeer
iska daa meel baan ka wada iibsanne.” Markii aannu ka soo baxnay farmasigii, waxaan ogaaday
in yarku uu akhriyi kariwaayey saxeexii dhakhtarkii dawada qoray oo uu mooday dawo labaad.
Farmasi kale ayaannu tagnay. Kan dambe isaga haweenay baa haysey. Kolkii ay warqaddii
akhriday waxay noo sheegtay in dhakhtarka fartiisu ay aad u xuntahay oo aanay akhri karayn
wixii meesha ku qornaa, loona baahan yahay in dhakhtar far wanaagsan loo geeyo oo dib loo
soo qoro magaca dawada!
Jirid la’aanta adeegga diiwaan gelinta hanti maskaxeeddu wuxuu isna ka mid yahay, baan u
malayn, waxayaabaha ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Toddobaadkii hore buu
nin aan saaxiib nahay tegey Maxkamadda si uu u soo diiwaangashado hanti maskaxeed
(Intellectual Propery) uu isagu iska lahaa. Xafiiskii u horreeyey ee uu galay waxa fadhiyey buu
yidhi saddex dumar ah. Bariido wacan kaddib wuxuu codsaday in loo tilmaamo xafiiska laga
diiwaan geliyo hanti maskaxeedda. Illayn aqoondarradu waa balaayee, gabdhihii mid ka mid ah
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 11
ayaa iigu jawaabtay buu yidhi, “ Samada iyo aradku halka ay ku kulmaan baa laga
diiwaangeliyaa!!”
Doorashooyinka iyo geeddi socodka dimuqraaddiyadda ayaa iyana ah arrimaha ay
Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya. Tusaale ahaan, 25kii gu’ ee ugu dambeeyey
Soomaalilayn dhawr doorasho ayaa ka dhacay. Kuwaasi oo lagu soo doortay madaxweynayaal
si nabad ah xilkii ula kala wareegey. Halka Soomaaliya aanay haba yaraatee midna ka dhicin.
Arrinta kale ee xiisaha leh baa ah inaan beelaha reer Soomaalilayn cidina u soo gurman oo aan
la heshiisiin. Hayeeshee, sida laga wada warqabo waxaa Soomaaliya loo qabtay 13 shirweyne
oo la rabay in dib loogu heshiisiiyo. Dadaalladaasi oo dhammina waxay noqdeen hal bacaad
lagu lisay. Ilaa haddana arrinkoodu sidii buu u laalan yahay.
Arrin aan laga tegi karin oo ay Soomaalilayn kaga duwan tahay Soomaaliya baa isna xus innaga
mudan. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siiraanyo’ wuxuu kursiga ku yimid cod
dadweyne, halka uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxamed uu isagu ku yimid cod hab gacan-ku-
rimis ah oo aan weligeed meel laga adeegsaday la aqoon, lana arag.
Lacagayawga laga kala adeegsan jirey
Soomaalilayn iyo Soomaaliya, iyo kuwa
hadda laga kala adeegsado qudhooda ayaa
marag u ah kala duwanaanshaha labada dal.
Soomaalilayn waxaa waagii gumeysiga laga
adeegsan jirey lacagta muuqaalkeedu uu
dhanka bidix ka muuqdo.
Lacagtii Soomaalilayn laga
adeegsan jirey 60kii ka hor
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 12
Halka Soomaaliya laga adeegsan jirey tu taa ka duwan oo iyana muuqaalkeedu uu ahaa sida
dhanka midig ka muuqda.
Maantadan aan joogno Soomaalilayn waxa laga adeegsadaa lacag la yidhaa Somaliland
Shilling, sawirradeedana hoos ka fiiri.
Halka Soomaaliya maanta laga adeegsado lacagta loo yaqaan Somali Shilling sida ay
sawirradan hoose tilmaamayaan:
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 13
Labada astaamood ee labada dal baa ah markhaati cad oo tilmaamaya kala duwanaanshaha
labada dal .
Astaanta Soomaalilayn
Astaanta Soomaaliya
Darajooyinka ciidanka Soomaalilayn iyo kuwa Soomaaliya ayaa ayana marag u ah kala
duwanaanshaha labada dal sida ka muuqata sawirradan soo socda.
Gaashaanle G/le dhexe G/le sare
Darajada Ciidanka Qaranka
Soomaalilayn
Darajada Ciidanka Qaranka
Soomaaliya
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 14
Runtii sida aan kor ku soo taxay ka geyoon mayno waxyaabaha ay Soomaalilayn iyo
Soomaaliya ku kala geddisan yihiin. Dhanka afka qudhiisa haddii aan ka eegno, in kasta
oo ay dadku Soomaali wada yihiin, lahjadaha lagaga hadlo Soomaaliya ayaa ka badan
kuwa lagaga hadlo Soomaalilayn. Halka Soomaalilayn lagaga hadlo lahjadda la yidhaa
Maxaad Tidhi oo qudha, Soomaaliya waxaa lagaga hadlaa, taa hore ka sokow, kuwa kala
ah: Dabarre, Tunni, Garre, Af maay, Banaadiri iyo qaar kaloo badan.
Ugu dambayntii qoraalkan oo aan kaga falceliyey kii uu cinwaankiisu ahaa:
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya ee uu qoray Cabdi Axmed kuna soo baxay
mareegta www.wardheernews.com waxaan ku sheegay sida uu hadalkaasi dhab u yahay.
Waxaanan tilmaamay ama taxay dhawr qodob oo marag u ah hadalkaasi isaga ah.
Haddii aan wax idinka xasuusiyo waxaan sheegay inaanu Madaxweyne Xasan Sh.
Maxamed ka talin Soomaalilayn. Aniga weliba sheegay sifaha uu kursiga ku fuulay oo ah
hab gacan-ku-rimis ah, halka Madaxweyne Axmed Maxamed ‘Siiraanyo’ uu ku soo
baxay doorasho dadweyne. Waxaa kale oo aan tilmaamay sida ay labada dal u kala
leeyihiin laba calan oo kala duwan, loona adeegsado laba lacagayow oo kala goonniya.
Waxaa kale oo aan xusay in 25kii sanno ee u dambeeyey ay Soomaalilayn ka dhaceen
dhawr doorasho oo madax bannaani, halka aanay Soomaaliya mid qudhihina ka dhicin.
Waxaa kale oo aan soo sheegay in haddii AMISOM ay ka amarkutaaglayso Soomaaliya
ay NGO-yaduna Soomaalilayn ka cagajugleeyaan iyo qaar kaloo badan. Sidaasi awgeed
waxaan leeyahay hawraartii ahayd: Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya waa
midh dhab ah oo aan indhaha laga lalin karin.
Tixraac 1. http://www.wardheernews.com/somaliland-is-a-different-country-from-somalia-cnn-anderson-cooper/
By Abdi Ahmed, May 5, 2016 2. http://www.somalbanca.org/currency.html
3. https://en.wikipedia.org/wiki/Somali_shilling
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 15
4. https://en.wikipedia.org/wiki/East_African_shilling#/media/File:1925_East_African_1_Shilling_coin_
obverse.jpg
5. https://www.google.so/search?q=Somaliland+national+army+ranks&oq= S&aqs=chrome.3. 69i60j69i
59l3j69i61j69i60.10996j0j7&sourceid=chrome&ie=UTF-8
6. https://www.google.so/webhp?sourceid=chrome-instant&ion=1&espv=2&ie=UTF-
8#q=somaliland%20national%20emblem
7. https://www.google.so/webhp?sourceid=chrome-instant&ion=1&espv=2&ie=UTF-
8#q=somaliland+national+flag
8.https://www.google.so/search?q=somali+national+army+ranks&espv=2&biw=1366&bih=667&tbm=isch&imgil=
qFeEp7YojOsXMM%253A%253BFTPmfgMDVmGnLM%253Bhttps%25253A%25252F%25252Fen.wikipedia
.org%25252Fwiki%25252FNavy_of_Somalia&source=iu&pf=m&fir=qFeEp7YojOsXMM%253A%252CFTPm
fgMDVmGnLM%252C_&usg=__cVIPy-
lKVBpizfiJOdhZSA71ZAk%3D&ved=0ahUKEwi9yMPpyN_MAhUDOxoKHaYzAdYQyjcINA&ei=nT86V_2
FHoP2aKbnhLAN#imgrc=qFeEp7YojOsXMM%3A
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 16
Hayaan baa lagu tashaday
Higsigu waa meel qudhoo
Hir doog laa loo socdaa
Hayaanka qofkii hadhow
Abaar baa kuu hantiya
Aqoon baa lagu hodmaa
Haleelo ad soo dhacdaa
Hamuunta ma kaa tirtee
Hayaanka ha baal marine
Hareerta war hooy ka raac!!
Cabdiraxmaan C. Faarax ‘Guri Barwaaqo’
HAYAAN
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 17
Buug dood xiiso badan ka dhex aloosay bulshada iyo aqoonyahaynnada
Soomaaliyeed.
Haddii aad danaynayso waxaad ka heleysaa oo aad ka
iibsan kartaa Redsea Bookshop oo ku yaal Oriental
Hotel
Warsidaha HERER
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 18
Ha Illoobin Sooyaalka Fartaada2
Fartan hoos ku qoran ciddii dejisey, xilligii la dejiyey iyo sooyaalkii qoraalka af Soomaaligaba
waxaad ka heli buugga ladhkiisu yahay Far Tasawdey oo dhowaan soo bixidoona. Waxaa isugu
kiin soo dubbaridey Cabdiraxaam Cabdillaahi Faarax ‘Guri Barwaaqo’.
1. Aabbo wiilkiisii warqaad u diraya
*Haddii aad akhriyi kariweydo bogga kale ka akhri iyada oo fartan lagu haltebiyey
2 Cerulli, Enrico. 1964. Somalia III - La poesia dei somali, la tribù somala, lingua somala in caratteri arabi ed altri saggi
Ha illoobin Sooyaalka Fartaada
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 19
Hargeysa Ku: Cadan 24kii Soon, 1351
Inankaygii barakada lahaa Maxamed Warsame Habar Awal Eebbahay wax xun
ha kaa hayo -Aammiin. Intaa waxaa ii raaca - Aabbo waannu nabad qabnaa.
Sidaa li ajligeed Eebbahay hay diin yeelo. Haatan, waxaaad naga
maqnayd sagaal bilood. Intaa iyo intaa jawaab kaamaanaan helin.
Annagu waxaan-nu kuu soo dirray shan waraaqood, inaad heshay iyo
in kale Eebbahay ayaa og. Aabbo waxaa la yidhi; fule xantii ma
mooga. Haatan, inaanu wax kaaga baahannay waad og tahay. Salaad
walba dabadeed waan kuu soo duceeyaa. Sidaa iyo nabad.
Aabbahaa
Warsame Cali
Ha illoobin Sooyaalka Fartaada
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 20
Waa buug qof kasta oo jecel sheekooyinka mala awaaka ahi uu
akhriskiisa u baahan yahay. Meel kasta oo buugaagta
lagu iibshana waad ka heleysaa
Ha illoobin Sooyaalka Fartaada
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 21
2. Warcelintii wiilka
(Warcelin)
Berbera Ku: Hargeysa 30kii Soon, 1351
Aabbahaygii udgoonaa Warsame Cali, Habar Awal, Eebbahay
cimrigiisa ha dheereeyo. Intaa waxaa ii raaca, warqaddaadi isoo
gaadhay. Wixii ku yiil gartay, waana ku farxay. Haatan, waxaan helo
Ha illoobin Sooyaalka Fartaada
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 22
iyo waxaan haaban karo bisha dambe ayaan kuu soo diri. Sidaa
caloosha geli iina soo ducee. Inantii ninka Habar Yoonis qabay
hadday timaaddo ha qadinnin haddaynu tolliimo kala damacayno.
Laf walba lafta xigtaa lagu kabaa sidaa u ogaada. (Sidaa iyo nabad
gelyo)
Inan kaagii
Maxamed Warsame
3. Dhanka maahmaahaha:
Af macaan gacan macaan iyaa (ayaa) dhaanta
Biyo meeshii (meel) godan iyey (ayey) isugu tagaan
Intii calooshu buki lahayd cagtu ha bugto
Ha illoobin Sooyaalka Fartaada
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 23
Biyo kaa badan iyo col kaa badani way ku hafiyaan
Socod raaxo ma laha, sibraar sahay maaha, doqoni sokeeye maaha
V
* / \
* * * *
Warsidaha HERER Waa warsidihii
u horreeyey ee
jaadkiisa
ah ee
ka
soo baxa woqooyiga
Ameerika & Geeska Afrika
Ha illoobin Sooyaalka Fartaada
Soomaalilayn waa dal ka duwan Soomaaliya: Falcelin Samatar Faahiye 2016
Warsidaha HERER Xidhmada 2aad, Tirsiga 1aad 2016ka / Vol.2, No 1 2016 24
Tel: 1-613- 247-0549, 252-63-479-2393, 252 -953-9966, 252-63-479-6079