final telesom newsletter issue 22 - 2.pdf

32

Upload: telesom-company

Post on 13-Sep-2015

112 views

Category:

Documents


0 download

TRANSCRIPT

  • 2 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015TUSMADA WARGEYSKA

    4

    6

    7

    8

    9

    10

    11

    12

    17

    18

    20

    21

    22

    23

    23

    24

    25

    26

    28

    29

    30

    31

    Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Guddida Waddada Alaybade

    Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah TELESOM oo ZAAD Ku Soo Kordhisay Adeegga Shilling Somaliland-ka

    Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Daladda Dhalinyaradda Heer Qaran ee SONYO

    Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawyan ah u Samaysay Hogaanka Sare ee SOLJA

    Qaarka Mid ah Shaqaalaha Telesom oo La Siiyey Tababar Gaar ah

    Telesom oo Lacag ugu Deeqday Guri Laba Dabaq ah oo Loo Dhisayo Dawladda Hoose ee Gabiley

    Shirkadda Telesom oo Si mugle uga qaybqaadatay Bandhiga Carwadda ganacsiga

    Telesom oo Qabatay Xafladda Abaal-marinta 12-aad ee Shaqaale Weynaha Shirkadda

    Telesom lacago Tabarucaad ah Ku Bixisay Wadooyin Ku Yaala Magaalada Hargeisa Ka Tirsan

    Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mashruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka Wargayska Caalamiga Ah ee New York Times Oo Wax Ka Qoray Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca Dhaqaalaha

    BANGIGA DARA SALAAM MUXUU KUU HAYAA?

    Shirkadda Telesom oo Si Weyn uga Qayb qaaday Ololaha Nadaafada Dalka

    Telesom oo Maal-galisay Tartanka Quraanka Kariimka ee Televisionka Universal

    Telesom oo Qalab Koombuutaro ah Ugu Deeqday Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

    Hayadda Geeska Afrika oo Dadweynaha Degmooyinka Magaalada Hargeysa u Qaybisay Sakadda Telesom

    Gabayga Hiddo-san

    Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigka?

    Maqaalka Adeega Facebook-ga

    TECHNOLOGY-YADA IYO XAWAALADA CASRIGA AH

    Baro Mid ka mid ah Shaaqaalaha Shirkadda Telesom

    Tababaradda Shaqaalaha Shirkadda Telesom La siiyey

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 3

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    WEEDHA TIFATIRAHA

    Marka hore waxaa Mahad balaadhan iska leh Illaaha weyn ee ina siiyey nimcooyin badan oo aan la soo koobin karin. Nax-ariis iyo Nabad-galyo korkiisa ha ahaato Rasuulkeenii Muxamed ahaa ee inoo kala caddeeyey xaqqa iyo baadilka.

    Intaaska dib, waxaa farxad weyn noo ah in aanu idinla waddaagno cadadkii 22-aad ee Wargayska Shirkadda Telesom. Waa Wargays soo baxa Afartii bilood bahal mar. Cadadkeenan bishan waxaanu ku soo qaadan doonaa war-bixino ku saabsan waxyaalihii ugu dambeeyey ee shirkaddu qabatay, Barnaamijyo caafimaad, sugaan iyo adeegyadii ugu dambeeyey ee shirkadu soo kordhiso sanaadkan.Kalkaaliyayaasha

    GUDDIDA TIFATIRKA

    Maxamed Ibrahim AbdilahiTifatiraha Guud

    Yaasin Nuur MogeLa Taliye

    Cabdisamad YasinNashqadaynta Boga Hore

    Eng. Faarax Sugaal Cabdiwahaam Maax Cabdisalaan Ismaacil

    Cadnaan DaahirMaxamed Cabdi Darbo

  • 4 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah TELESOM oo ZAAD Ku Soo Kordhisay Adeegga Shilling Somaliland-ka

    Hargeysa (Telesom-27.04.2015) Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa maanta daah-furtay Adeega ZAAD Shilling Somaliland-ka, adeeggan ayaa ka garab shaqayn doona Adeegga hore ee ZAAD Dollarka. Shirkadda Telesom ayaa shir jaraaid oo ka dhacday xarunteeda waxay ku daahfurka Adeegga ZAAD Shilling Somaliland-ka, munaasibadda daah-furankan waxaa ka soo gayb-galay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan, Wasiiru Dawlaha Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim, Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac, Gudoomiye ku-xigeenka Baanka Cumar Yuusuf Buux, Agaasimaha Guud ee Baanka Cabdilaahi Xasan, Xildhibaan Maxamud Axmed Oobsiye, Gudoomiyaha Shirkadda

    Telesom, Masuuliyiinta Sare ee Boodhka Shirkadda iyo maasiliyiinta kale ee shirkadda. Ugu horayn munaasibadan Daahfurka Adeegga ZAAD Shilling Somaliland waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid waxaanu shaaciyey in Shirkadda Telesom Adeeggi ZAAD-ka Dollarka lagu soo kordhiyey qayb cusub oo Somaliland Shillings Somaliland-ka lagu Isticmaalo doono, waxaanu yidhi, Runtii waxaa maanta farxad noo ah khaasatan shirkadd ahaan, caam ahaanna dal ahaan inoo ah in aanu halkan ku soo bandhigno daah-furka ZAAD Shilling Somaliland. Sida laga wadda warhayo waxtar weyn oo aan la soo koobi karayn u wadda yeelan doona bulshaddeena iyo dalkeena. Waxaa iyadduna xusid muddan in adeegyadda Lacagta Mobayladdu inoo keeneen Aqoonsi

    ganacsi iyo Mid tiknoolajiyadeed oo aynu maanta bahda aduunka hormuud ka nahay. Sidaasi Waxaa yidhi Gudoomiyaha Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid. Gudoomiyaha TELESOM wuxuu bandhig-muuqaaleed ugu sharaxay masuuliyiintii dawladda ee ka soo qayb-galay bandhigan qaabka ZAAD Shillings Somaliland-ka loogu isticmaalayo adeegan, waxaanu sheegay in adeeggan bulshadda dalka oo dhan loogu firi doono muddo dhawr todobaad guddaheed ah. Gudoomiyaha Baanka Somaliland Cabdilaahi Xaaji Jaamac ayaa soo dhaweeyey Adeegga ZAAD Shillings Somaliland waxaanu yidhi, Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in xafladdan lagu daah-furaayo Adeegga ZAAD Shillings Somaliland ay hawsha u galeen Shirkadda TELESOM aad iyo aad baan shirkadda ugu

    Adeegga ZAAD Oo Noqday Laba Lacagoodle

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 5

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah TELESOM oo ZAAD Ku Soo Kordhisay Adeegga Shilling Somaliland-ka

    mahadnaqayaa inay samayso adeegg kale oo kii hore ee jirijaray barbar socda oo Somaliland Shillings ah oo u fududaynaya dadkeena siday ugu macaamili jireen kii hore ugu macaamilaan. Waa arin soo dhawyn leh, waa arin sharafteeda leh maanta in shilling-kii Somaliland uu helay sharciyadiisii uu ka mudnaa ummaddiisa oo uu noqdo lacagta la aqoonsan yahay ee dalkan ka socon karta. Sidaasi waxaa yidhi Gudoomiyaha Baanka Somaliland. Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay adeegan cusub ee Somaliland Shillings ee lagu soo kordhiyey adeeggii hore u jiray ee ZAAD-ka, Wasiir Muuse ayaa yidhi, Runtii waxan aad ugu mahadnaqayaa shirkadda TELESOM dadaalka badan ee ay sameeysay juhdiga badan ee ay samaysay ee ay ku furtay adeegan Somaliland Shillings aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa waanay ku mahadsan yihiin waana Adeeg kor u qaadaya isticmaalkii shilling-keena Somaliland. Wasiir Ganacsiga Somaliland ayaa waxa ganacsatadda kale ugu baaqay in ay badeecadahooda ku iibiyaan lacagta Somaliland maadaama ZAAD-kiina loogu soo kordhiyey Somaliland Shilling. Wasiirka ayaa ku tilmaamay isticmaalka lacagta Somaliland shilling-ka inay ka mid tahay astaamaha jiritaanka dawladdnimadda. Xildhibaan Maxamud Axmed Obsiiyey oo ku hadlaayey afka Guddida Dhaqaalaha iyo ka Golaha

    Wakiiladda Somaliland ayaa isaguna ka hadlay adeegan cusub ee lagu soo kordhiyey Adeeggii ZAAD ee hore u jiray waxaanu yidhi, Adeegan cusub ee shirkadda TELESOM ay ku soo kordhisay adeegyaddeeda waa mid aad iyo aad aanu u soo dhawaynayno Gole ahaan, horena runtii shirkadda aanu ka wadda hadalnay markii aanu kulan la qaadanay sanadkan hortaantiisa. Runtii ayaguna waxaa weeye kuwii ugu horeeyey ee hirgaliyey aadna waanu ugu mahadnaqaynaa. Shacabkana waxaanu ku boorinaynaa inay talaabadaa ka faaiidaystaan oo adeegaa isaga ah sidii loogu talo galay u isticmaalaan oo la hirgaliyo maadaama ay astaan qaran u tahay dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Astaantaa qaran waxaa la rabaa in la xoojiyo, lacagta Somalilandna ay noqoto lacag dalka ka shaqaynaysa oo wax lagu iibsanaayo waxna lagu badalanaayo. Waa aasaaska q a r a n i m o sidaasi daraadeed shirkadda aad iyo aad baan uga mahadnaqayaa. Sidaasi waxaa yidhi Xildhibaan Obsiiye. Ugu dambayntii waxaa xafladdan daah-furka Adeegga ZAAD Somaliland Shilling soo afmeertay wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanay hadaladeedii ka mid ahaa, Waan idiin mahadnaqayaa madaxda TELESOM, wasiiradda

    iyo Xildhibaanka Jooga inaynu maanta daah-furayno ZAAD-kii Somaliland oo runtii wax weyn ka tari doona, waayo waxaan anigu ku rajo weynahay TELESOM Gudoomiyaheeda iyo team-kaa la shaqaynayaa inay ka mid yihiin tiirarka Somaliland oo ay Inoo keeneen inuu aduunku ku faano horumarka Technologiyadeed ee ay gaadhsiiyeen dalkeena oo uu ugu horeeyo ZAAD-kaa inta badan lagu shaqaynaayey, runtii waxaan isleeyahay kan Somalilandna hadday sidii ugu hawl-galaan sidii oo kale ayuu u shaqayn doonaa. Innaga ahmiyadeenu waxaa weeye waxay dadkeenu ku faraxsan yihiin oo ay xoolahoodii ku aaminayaan oo ay ku shaqaynayaan oo qofka aan dollar haysani uu doonayo intuu dollar sarifto inoo dollar

    ku diro oo uu Somaliland-tii uu

    haystay uu ku i s t icmaalayo

    waxay inoo tahay wax tar weyn.

    Waxaan aad iyo aad ugu

    k a l s o o n a h a y inay TELESOM

    hirgalin karaan inay qofka miiga jooga iyo ka magaalada jooga siday markii horeba u gaadhsiinayeen lacagaha inay imikana Somaliland-ta u gaadhsiin doonaan, annaguna aanu kula shaqayn doono wixii ay nooga baahdaan runtii aanan diyaar u nahay in aanu kala shaqayno. Sidasi waxaa tidhi Wasiiradda Maaliyadda Somaliland Marwo. Samsam.

    Adeegga ZAAD Oo Noqday Laba Lacagoodle

  • 6 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Hargeysa (Telesom-03.03.2015)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa gudoonsiisay guddida dhismaha waddada Alaybadey deeq lacageed oo ay kaga qayb-qaadatay dhismaha waddada Alaybadey ilaa iyo Arabsiyo.

    Munaasibadan gudoonsiinta lacagta ayaa ka dhacday Xarunta guud ee Telesom waxaaanay shirkaddu $20,000 oo dollar gudoonsiisay Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo. Waddadan oo cabirkeedu dhan yahay 50 km. Wajiga koowaad ee waddadan ayaa ilaa hadda caro-tuul la dhigay sideed kilo-mitir.

    Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ugu horayn ka hadlay deeqdan shirkadda Telesom kaga qayb-qaadatay wajiga hore ee Waddada Alaybadey ilaa Arabisyo, isagoo arintaasi ka hadlaya waxa

    uu yidhi, Waxay shirkaddu had iyo jeer u heelan tahay inay ka qayb-qaadato horumarka dalka iyo qaybaha lagu horumarinaayo dalka. Gobol kasta oo wax qabsanaaya oo horumar ka muuqda shirkadu qaybteeda way ka qaadataa iyadoo faaiidadii ay ka heshay dadka ay dib wax ugu celiso. Shirkaduna qayb laxaadle ayey ka qaadataa horumarka dalka waana arimaha shirkaddu u aasaasan tahay ee laf-dhabartada u ah. Shirkadda oo ah shirkad ay ummadda Somaliland oo dhan wadda leeyihiin cid walbaana ay ku jirto

    Maxamed Cabdi darbo oo ku hadlaayey afka shirkadda ayaa gudoonsiiyey guddida waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo lacag dhan $20,000 lacagtaasi oo qayb ka noqon doonta wajiga kowaad ee dhismaha waddadan.

    Ibraahin Xuseen oo ah Gudoomiyaha Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo ayaa

    shirkadda Telesom ka gudoomay lacagtan deeqda ah mahadnaqna u soo jeediyey shirkadda waxaanu yidhi, Waanu ka gudoonay shirkadda lacagtaa $20,000 ee dollar ah oo aad kaga qayb qaadanaysaa waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo oo muhiimad weyn dalka ugu fadhida. Waddadani waa waddo ummadda Somaliland oo dhami wadda leedahay aad baan idiinka mahadnaqaynaa Sidaasi waxaa yidhi Ibraahim Xuseen.

    Waxaa sidoo kale munaasibadan ka hadlay Muuse Yusuf Muxmumed oo ka mid ah xubnaha Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo waxaanu yidhi, Shirkadda Telesom waa halbowlaha dalka waa halbowlaha ummadda waa udubadda waaweyn ee ay ku taagan tahay. Horumarka dalka qayb weyn bay ka qaadataa meel kasta oo laga waddo wadooyinka dalkoo dhan iyo horumarka kaloo dhan. Umadduna abaalka shirkadda way celisay shirkaddu abaalka umadda way celisay

    Shirkadda Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 7

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom Oo $20,000 Gudoonsiisay Daladda Dhalinyaradda Heer

    Qaran ee SONYOHargeysa ( T e l e s o m - 0 3 . 0 3 . 2 0 1 5 ) - Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa gudoonsiisay Daladda dhalinyaradda ee SONYO deeq lacageed oo ay shirkaddu kaga qayb qaadatay dhismaha loo sameeyey daladan ee magaalada Hargeysa.

    Munaasibadan oo ka dhacday xarunta dalada SONYO. Ugu horayn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay doorka ay shirkadda Telesom ka qaadato horumarka dalka waxaanu yidhi, Horta marka hore waxaa mahad gaar ah u dirayaa boodhka todobaad ee SONYO run ahaantii sidii ay u xaliyeen khilaafkii. Telesom iyo SONYO xidhiidh weyn baa ka dhexeeya. Maadaama shaqaalaha TELESOM 85% ay yihiin dhalinyaro annaga muhiimad gaar ah ayey SONYO noo leedahay

    Maxamed Darbo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, Waxaanu kaloon dareensan nahay qiimaha ay SONYO

    dalka ugu fadhido maadaama ay tahay dalad heer qaran ah oo magacii dhalinyaradda ay huwan tahay

    Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay dhibaatooyinka dhalinyaradda Somaliland haystaa, kaalinta ay shirkadda Telesom ka qaadato

    shaqaalaysiinta dhalinyaradda, waxaanu ugu dambayn gudoonsiiyey maamulka SONYO lacag dhan $20,000.

    Kulanka waxaa isaguna ka hadlay Agaasimaha fulinta daladda SONYO Siciid Maxamed Axmed waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom waxaanu ka hadlay sida shirkadda Telesom u garab joogto dhalinyaradda Somaliland waxaanu yidhi, Waxaa mahad aan la soo koobi karin leh shirkadda Telesom oo runtii aad iyo aad qayb laxaadle uga qaadata dhismaha iyo kobcinta dhalinyaradda iyo ta qarankaba. Telesom waxaanu

    ku hambalyeynayaa in baahidii aanu dhalinyaro ahaan u qabnay ee dhismahan iyo qalabayntiisa, quruxintiisa iyo dhaqaajintiisaba ay ka jawaabeen Sidaasi waxaa yidhi Agaasime Siciid.

    Ugu dambayntii waxaa isaguna kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalada Dhalinyaradda SONYO Siyaad Cumar Cali waxanu yidhi, Farxad bay noo tahay in anaga oo ah boodhkii todobaad ee SONYO inaanu ka gudoono soo dhawayno hambalyeyna shirkaddaa

    Telesom. Aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa. Markastoy ururada SONYO ku jiraa ay shaqadoodu balaadhato dhalinyaro bay camal u abuurayaan. Markastoon dadaalno markastoon shaqo abuur samayno macmiil baa u soo kordhaya. Markaa aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, siyaabo kala duwan baanu idiinku soo celinaynaa waxaad nagu taageertaan.

    Gudoomiyaha Daladda SONYO Siyaad Cumar Cali ayaa sheegay in daladda SONYO ay u aqoonsatay shirkadda Telesom in ay tahay Wehelka dhalinyaradda Somaliland

    Wehelka dhalinyaradda Somaliland

  • 8 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom oo Casho-sharaf Soo Dhawayn ah u Samaysay Hogaanka Sare ee SOLJA

    Hargeysa (Telesom- 0 5 . 0 2 . 2 0 1 5 ) Shirkadda TELESOM ayaa casho-sharaf ku maamustay hogaanka cusub ee dhawaan loo doortay ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. Xafladan ayaa ka dhacday hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

    Casho-sharaftan waxaa ka qayb-galay maamulka iyo masuuliyiinta Qaybta Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda TELESOM, maamulaha Qaybta Iibka TELESOM, Hogaanka cusub ee SOLJA, Gudoomiyaha SONSAF, saxafiga rugg cadaaga ee Yoonis Cali Nuur, iyo Aadan Xaaji Cali oo ka Mid ah Garyaqaanadda sida dhow ula shaqeeya saxaafadda Somaliland iyo shirkadda Telesom-ba.

    Shirkadda Telesom, hogaanka cusub ee SOLJA iyo saaxibadda kale ee ka soo qayb-galay kulankan ayaa halkaasi isku dhaafsaday hadalo ku saabsan xaaladda Saxaafadda Somaliland

    sida ay tahay, dhibaatooyinka haysta saxaafadda Somaliland iyo sidii loo tayeyn lahaa saaxaafadda Somaliland.

    Cabdisalaan Ismaaciil Nuur, Cabdiwahaab Muxumed Maax, Maxamed Cabdi Darbo oo ku hadlaayey afka shirkadda TELESOM ayaa ka hadlay xidhiidhka Shirkaddu la leedahay saxaafadda Somaliland waxanay sheegeen in shirkadda Telesom ay ururka SOLJA ka caawin doonto xaga dhismaha xafiiska iyo tababaradda Saxaafadda si kor loogu qaado aqoonta saxaafada, sidoo kale masuuliyiinta TELESOM ayaa sheegay in loo baahan yahay in saxaafaddu ay noqoto mid bulshadda wax ku soo kordhisa loogana faaiidooyo dhismaha qaranka.

    Yoonis Cali Nuur oo ah saxafi rug cadaaya oo muddo dheer ka shaqaynaayey Idaacadda BBC-da tababaro badan siiyey saxafiyiin badanna oo Somaliland ah ayaa sheegay in saxaafadu tahay awood samayn badan leh loona baahan yahay in looga faaiidaysan karo

    inay bulshadda wax weyn ku soo kordhiso. Wariye Yoonis Cali Nuur ayaa sidoo kale sheegay in haddii saxaafadda si khaldan loo adeegsado in ay keento burbur baaxad leh. Waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay in la sameeyo Komishan Saxaafadeed oo madax-banaan kaasi oo ilaalinaaya xoriyadda saxafiga sidoo kalena saxafiga ka ilaalinaysa inuu si khaladan u adeegsado mihnada Saxaafadda.

    Gudoomiyaha cusub ee SOLJA Maxamed Cabdi Xuuto, Xoghaya SOLJA Xuseen Kurdi, Saynab Maxamed Cabdi oo ah xubin SOLJA ah, Gudoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad iyo Aadan Xaaji Cali ayaa dhamaantood soo dhaweeyey taageeradda TELESOM u hayso saxaafadda Somaliland waxay sheegeen in saxaafadda Somaliland ay u baahan tahay in la dhiso aqoontooda, sidoo kale ay shirkadda wadda yeeshaan wadda-shaqayn maadama Tiknoolajiyadii noqotay udub dhexaadka saxaafadda. Masuuliyiinta ayaa shirkadda Telesom u soo jeediyey in masuuliyiinta goboladu ay si gaar ah ula shaqeeyaa wariyayaasha ka hawl-gala goboladda dalka maadama ay ka duruufo iyo baahi badan yihiin kuwo ku nool caasimadda Somaliland.

    Kulankan dhex maray shirkadda Telesom iyo hogaanka sare ee SOLJA ayaa ku dhamaaday waji farxadi ku dheehan tahay waxaana kulankani uu ogogol xaadh u noqon doonaa in la sii dardar-galiyo xidhiidhka iskaashi iyo wada-shaqayneed ee u dhexeeya shirkadda Telesom iyo Saxaafadda Somaliland oo ay ku midaysan yihiin ururkan SOLJA.

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 9

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Jaamacadda Badar oo Tababar Siisay Shaqaalaha Telesom

    Hargeysa (Telesom-11.02.2015) Jaamacadda Badar ayaa u soo gabo-gabaysay 18 shaqaalaha shirkadda Telesom oo muddo saddex maalmood ah ku tababaraysay hogaaminta iyo maamulka.

    Munaasibadda gabo-gabada tababarkan waxaan ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Beder waxaanu si mug leh uga hadlay faaiidada ku duugan tababaradda noocan oo kale ah.

    Gudoomiye Mubaarik Aar ayaa yidhi, Waxaan maanta halkan uga mahad naqayaa dhamaan shaqaalaha shirkadaha, kolay ka Jaamacada ahaan markasta waanu raadinaa dadka aanu aqoonta bidayno kuwaas oo aanu ku soo casuuno Jaamacadda, nin shaqaale ah ayaa la waydiiyay imisa sano ayaad shaqadan waday, markaas ayaa uu ku jawaabay

    labaatan sano, markaas Labtaankaas sanaba waxa uu ku cel-celinayay hal Shaqo oo kaliya, markaas hadduu tababaro heli lahaa uu aqoonto ku korodhsado shaqo badan ayuu u qaban lahaa shirkadaas uu la Joogo.

    Intaas waxa uu ku dary Guddoomiyaha Jaamacadda Beder Mubaarig Ibraahin Aar waxaana uu yidhi,

    Markaas shirkadaha waxaan ku dhiiri galin lahaa in ay bixiyaan aqoon korodhsiyo shaqaalaha ay

    Tayadooda kor ugu qaadayaan. Shirkad Kasta hadda waxa ay ka fikiraysaa, dhaqaalaha kaga baxaya Aqoon-korodhsigaas ay u dirayso shaqaalaheeda lakiin taas ayaa uga munaafaac badan oo wax badan ayuu u qabanayaa.

    Aqoon-korodhsiga badan ee la siiyo shaqaalahu waxa uu ku tilmaamay aqoonyahan Mubarik Ibraahim Aar in tahay Muhiimada ugu wanaagsan ee shirkadahu ku helaan kobacooda dhaqaale.

    Shirkadba Shirkada ay ka tababar badan tahay way ka wax soo saar badan tahay. Sanadkasta haddii uu qofku qaato shahaado gaar ah waata sahlaysa inaanu qofka shaqaalaha ahi ka tagin shirkada uu leeyahay, madaama waxa uu ogyahay dhaqaalaha ay ku bixisay, sidaasi waxaa yidhi gudoomiyaha Jaamacada Badar Mubaarik Aar.

    Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Beder Mubarik Ibraahim Aar ayaa shahaadooyin gudoonsiiyey shaqaalaha shirkadda Telesom ee dhamaystay tababarkan saddexda maalmood u socday oo ay ku barteen hogaaminta iyo maamulka.

    Mubaarik Aar

    Telesom oo Abaal-marin Qaaliya Gudoonsiisay Mid Ka Mid ah Hablaha Ugu Hawl-karsan Shaqaalaha Shirkadda

    Shikadda Telesom ayaa abaal-marin qaali ah gudoonsiisy Sahra Cali Xirsi oo ka tirsan Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dad-weynaha Somaliland.

    Sahra ayaa la gudoonsiiyey Mobile smart-phone ah oo Qaaliya ka dib markii ay noqotay inantii ugu saraysay ee u adeegta macmiishii ugu badnay lixdii bilood ee ugu dambeeyey sanadkan 2015.

    Abaal-marintan Waxaa Sahra Cali Xirsi Gudoonsiiyey maamulka iyo Masuuli-yiinta Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha & Suuq-gaynta. Bidix: Sahra Cali, Ismaacil Aadan, Mustafe Asker, Maxamed Giire, Maxamed Darbo

  • 10 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom oo Lacag ugu Deeqday Guri Laba Dabaq

    ah oo Loo Dhisayo Dawladda Hoose ee Gabiley

    Gabiley (Telesom-04 Feb, 2015) Kulan kooban oo ka dhacay xafiiska Maayarka Gabiley ayaa lagu kala gudoomay lacagta tabarucaad ah oo shirkadda Telesom ugu deeqday dawladda Hoose ee Gabiley.

    Kulankan oo ay ka qayb-galeen maayarkii hore ee magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Xildhibaanka Golaha deegaanka ka tirsan Xildhibaan Cabdi Xabeeb, maamulaha Telesom Gabiley Sheekh Maxamed Muumin iyo Madaxa Iib-gaynta Telesom Gabiley Maxamed Dayid.

    Maamulaha Telesom Gabiley Sheekh Maxamed Muumin ayaa gudoonsiiyey $6,000 Maayarka Gabiley lacagta noo shirkadda Telesom kaga qayb qaadanayso dhimse laba dabaq ah oo loo dhisi doono Dawladda Hoose ee magaaladda Gabiley.

    Maamulaha Xarunta Telesom Gabiley oo ka hadlay kulankaasi

    ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ka qayb qaadato horumarinta gobolka, waxaanu xusay in shirkaddu ay taageero ka gaysato xarumaha waxbarashadda sida dugsiyadda ka jira magalaada Gabiley iyo Jaamacadda Tima-cadde.

    Ugu dambayntii waxaa uu sheegay maamule Maxamed Muumin in shirkadda Telesom ay ka qayb galays0 tabarucaadka dhisme loo waddo dawladda Hoose ee Gabiley.

    Maayarkii hore ee magaalada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo ka hadlay kulankan ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqay deeqdan ay kaga qayb gashay dhismaha loo waddao Dawladda Hoose ee Gabiley waxaanu yihdi, Shirkadda Telesom ee Gabiley waxaanu ka gudoonay deeq lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan horumarka ka socda degmadooda. Runtii waxanu leenahay waad ku mahadsan tihiin.

    Burco - (Telesom-11.04.15) - Shirkadda isgadhsiinta Telesom ayaa Toban Neef oo adhiya ugu deeqday Maxabiista ku Jirta Jeelka wayn ee Burco. Munaasiban wareejinta deeqdan xoolaha ah ayaa ka dhacay isla jeelka.

    Maamule Ku-xigeenka Xarunta Burco ee shirkadda Telesom Md. Kayse Maxamed Cabdi oo matalaayey shirkadda Telesom ayaa ku wareejiyey deeqdan xoolaha ah Taliyaha ciidamada Asluubta Gobolka Togdheer Gaashaanle Jaamac Baadi Cawad. Taliyaha ayaa shirkadda Telesom uga mahad-celiyey deeqdan xoolaha ee ay shirkaddu ugu talo gashay maxaabiista ku jira jeelka Burco.

    Telesom Xoolo Ugu Deeqday Maxabiista Jeelka Wayn

    Burco

    Kayse Maxamed Cabdi maaule Ku-xgeenka Telesom Burco

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 11

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Shirkadda Telesom oo Si Mugle Uga Qayb-qaadatay

    Bandhiga Carwadda Ganacsiga Boorama

    Boorama - (Telesom-07.02.15)- Shirkada Isgaadhsiinta casriga ee TELESOM q a y b t e e d a gobolada Awdal iyo Selel ayaa wacdaro ku soo bandhigtay carwada ganacsi oo ka dhacday m a g a a l a d a Boorama waxaana ay soo bandhigeen adeegyo casri ah oo ay dadweynihii ka soo qayb galay ay ka mabsuudeen.

    Maamule ku-xigeenka Telesom Boorama Md. Cabdiraxmaan

    Maxamuud Jaamac Iyo Madaxa iibgaynta xarunta Telesom Borama Sheekh Deeq Cabdi Xasan ayaa ka hadlay

    adeegyadda casriga ah ee ay ku soo bandhigeen adeegyadayo noocyadiisa kala duwan yihiin

    sida adeegga Internet Wireless-ka ah, flashyadda Internet xambaraara iyo Semicards Bilaashah, sidoo kale waxa ay

    masuuliyiintan sheegeen in adeega Zaadka oo bilaash ah la iska diiwaan galinayo inta carwadani socoto iyo adeegyo kale oo casri ah oo noocyo kala duwan ah.

    Masuuliyiintan ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka iyo gaar ahaan degmada in ay ka faaiidaystaan maalmahan ay carwadu socoto iyaga oo sheegay in ay ku soo kordhindoonaan adeegyo kale oo

    raaligalin doono bulshada.

  • 12 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom Xafladdii Abaal-marin 12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda

    Hargeysa (Telesom- 19.03.2015) Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa abaal-marin qaaliya gudoonsiisay shaqaalihii haldoorka ahaa ee sanadii 2014-ka hawl-kaarnimada dheeraadka muujiyey. Xafladan Abaal-marinta 12-aad oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa iyo guud ahaan xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

    Munaasibadan oo ahayd mid u gaar ahayd maamulka sare ee shirkadda iyo Shaqaalaha weynaha Guud ee shirkadda TELESOM waxaa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Guud Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid, Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan (Xadeed), masuuliyiinta kale ee hogaanka sare ee shirkadda, Masuuliyiinta Guddida Fulinta oo uu hormuud u yahay maamulaha hawl-galinta Md. Ciise Maxamud Faarax, Gudoomiyaha Baanka DAARA SALAAM Md. Maxamed Ibraahim, Gudoomiyaha Shirkadda SOMGAS Md. Cabdikarin Xaaji Muuse Muruq-liqqe, Gudoomiyaha

    Shirkadda Laydhka ee Telesom Electricity Company (TEC) Eng. Muuse Cali Cige, maamulayaasha iyo masuuliyiinta kale ee Qaybaha iyo Waaxaha Shirkadda iyo Shaqaalaha weynaha kala duwan ee shirkadda.

    Xafladan Abaal-marinta 12-aad ee shaqaalaha shirkadda oo ahayd mid wax weyn laga badalay qaabkii loo qiimayn jiray iyo noocyadda hadyaha la bixin jiray sanaddii hore waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey shaqaale tiradoodu dhan tahay kun iyo kow iyo labaatan (1,021 qof) oo shaqaale ah oo isugu jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarunta guud ee magaalada Hargeysa iyo shaqaalaha xarumaha waaweyn ee shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan. Abaal-marinta ayaa inteeda badan la gudoonsiiyey shaqaalihii keenay darajadda A+, A iyo B+.

    Munaasibadan Abaal-marinta 12-aad ee Shaqaalaha oo xafiiska Shaqadda iyo Shaqaaluhu uu si weyn u soo agaasimay noocyada Abaal-marinta shaqaalaha la siinaayo ayaa ugu horayn waxaa ka hadalay xafladan maamulaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha

    Md. Cabdiqaadir Maxamed Sahal waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey kaalinta shaqaalahu horumarka shirkadda uu kaga jiro iyo qaabka loo qiimeeyo qofka shaqaalaha waxaanu yidhi, Shaqaalaha la abaal-marinaayo waxay ka kooban yihiin Telesom guud ahaan kun iyo kow iyo labaatan qof (1021) shaqaalaha

    abaal-marinta ka helaaya waanan isla naqaanay shaqaalaha A+, A iyo B+. 22 qof ayaa gobolada shaqalaha sanadka ka ah. Xarunta Hargeysna waxaa ka ah 18 qof qaybaheed kala duwan intaasi waa qolada sanadkan calanka inoo sidda. Insha Allaah haddii ay sii haysan karaana way sii haysan haddii kalena waynu ku daba

    Cabdiqaadir Maxamed SahalMaamulaha Shaqada & Shaqaalaha

    Eeg Bogga 11-aad

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 13

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom Xafladdii Abaal-marin 12-aad U Qabatay Shaqaalaheedajirnaa. Sidaasi waxaa yidhi Md. Cabdiqaadir Sahal.

    Maamulaha hawl-galinta Shirka Md. Ciise Maxamud Faarax ayaa mahad balaadhan u jeediyey shaqalaha shirkadda Telesom ee hawl-karinimada iyo dadaalka dheer muujiyey sanaddii 2014. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka waramay adeegyadii ugu muhiimsanaa ee shirkadda Telesom soo kordhisay sanadkii la soo dhaafay waxaanu ku amaanay guud ahaan shaqaalihii adeegyada sida hufnaanta ah uga shaqeeyey, hadaladkiina waxaa ka mid ahaa, Waxan jecelahay in aan u mahadceliyo shaqaale weynaha shirkadda Telesom madax iyo mijaba meel kastow joogaanba waajibaadkii iyo shaqadii loo

    igmaday iyagoo quudka iyo risiqooda Ilaahay subxaanahu watacaala u qadaray ka doonanaya, haddana si hufnaana, kartinimo ah, wadda shaqayna walaaltinimo ah, kalkacaltooyo ah u wadda shaqeeyey uga wadda dhabeeyey ujeedooyinkii shirkaddu lahayd inay wadda xaqiijiyaan , Sidaasi waxaa yidhi Md. Ciise Faarax.

    Gudoomiye Ku-xigeenka Guud ee shirkadda TELESOM Md. Maxamud Xaaji Aadan (Xadeed) ayaa ka hadlay sida shirkadda Telesom u tahay markasta shirkadda

    Koowaad waxaanu tafaasiil dheer ka bixiyey adeegyadii ugu horeeyey ee shirkadda Telesom dalka ku soo kordhisay isagoo arimahaasi sharxayanna waxaa uu yidhi, Shirkaddu waxay lahayd halku dhag ah Telesom is first, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee moobayl waddanka keena, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee internet waddanka keena, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee EVC dalka keena, iyadoo scratch kaadh la xoqo baynu keenin in EVC-ga lacagta lagaga shubto, waxaynu ahayn, waxaynu

    ahayn, waxaynu ahayn way tiro badan yihiin runtii, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee ZAAD keenta, haddana waxaynu keenay inay xawaaladu ZAAD-ka ku soo dhacdo Sidaasi waxa yidhi Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan.

    Gudoomiyaha Baanka DAARA SALAAM Md. Maxamed Ibraahim oo ka mid ah marti-sharaftii xafladan kaga soo qayb-galay TELESOM GROUP ayaa sheegay in Baanka DAARA SALAAM uu yahay Baan ay shirkadda TELESOM leedahay waxaanu ka hadlay adeegyada baanku bixiyey iyo fursadaha qaaliga ah ee Baanka Salaam uu siiyo shaqaalaha shirkadda Telesom. Gudoomiyuhu oo ka hadlaya arimaas waxaa uu yidhi, Shirkaddu shirkadaha

    ay dhashay waxaa ka mid ah Bangiga Daarasalaam Baank. Bangiga Daarasalaam waa bangi

    ay leedahay shirkadda TELESOM oo laga yaabo inaan dad badan hore u ogayn ama maqalkiisa uun maqlayeen. Haddii aanu dib ugu noqon Bangigu labaatan cisho ka dib uu shan jir sanayaa, waxaa laga yabaa inaan shantaa sano malaha dad badani ay caawa uun ugu horayso magaciisa iyo in loo sheego in shirkaddu shirkaddaha ay leedahay uu ka mid yahay bangigu Sidaasi waxaa yidhi Md. Maxamed Ibraahim

    Waxaa isaguna munaasibadan ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo sharaxaad ka bixiyey adeega shirkadda SOMGAS bixiso. Gudoomiyaha oo la dhacsay shaqaala tiradda badan ee ka soo qayb-galay xafladan ayaa shaqaalaha TELESOM ugu baaqay in ay wadda Isticmaalaan shoolada cuntada lagu karsad ee shirkadda SOMGAS iibiso.

    Ciise Maxamud FaaraxMaamulaha Hawl-galinta

    Maxamud Xaaji Aadan Gudoomiye Ku-xigeenka Telesom

    Maxamed Ibrahim Gudoomiyaha Daarasalaam Bank

    Cabdikarin Xaaji MuuseGudoomiyaha SOMGAS

    Eeg Bogga 12-aad

  • 14 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Gudoomiyaha Guud ee Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo soo gunaabaday qudbadihii laga jeediyey madasha ayaa hadalo badan oo isku jira mahadnaq, dhiiri-galin, amaan iyo dardaaran u jeediyey guud ahaan maamulaha iyo Shaqaale weynaha TELESOM, waxaanu sidoo kale ku booriyey shaqaalaha inay la yimaadaan hal-abuurnimo iyo currin wax weyn ku soo kordhisa horumarka shirkadda. Gudoomiye Cabdikariin ayaa yidhi, Maxaynu hiigsanaynaa maxaynu d o o n a y n a a i n a y n u

    gaadhno. W a y n u ognahay halkii aynu ka soo bilaabnay ee ahayd inaynu moobayl iyo fixed line shirkadd ahaan shaqadeena ku bilownay, maantana halkaynu joogno waa dareensanahay.Cloude service oo ah inaynu adeeg dhamaystiran u qabano bulshadeena waa mid qorshaheena inoogu jirta sanadkan insha Allaah oo dhismihii, Waaxdii iyo shaqaalihii hawshaa hanan lahaa ay u dhamaystiran yihiin iyo qalabkiiba Insha Allaahna aynu gaadhi doono Haddii uu Allah yidhaahdo. Waxaanu kaloon ku talo jirnaa inaynu moobaylka horumar fara badan ku samayno iyadoo dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, dhaqaalaha iyo saxaafada aynu uga faaiidaysan doono biidni laahi tacaalaa. Waxaa kale oo aynu iyana horumar ku

    samayn doonaa sidaynu u qaybin lahayn adeegyadda kala gadisan ee aynu koox ahaan leenahay in aynu meel iskugu keeno oo aynu midayno insha Allaahu haddii Ilaahay yidhaahdo Sidaasi waxaa yidhi gudoomiyaha Shirkadda Telesom.

    Xafladan Abaal-marinta Shaqaalaha ayaa si habsami ah mar qudha uga wadda dhacday gobolada dalka oo dhan waxaanu maamulayaasha shirkadda ee

    gobolada dalku ay iyaguna dhinacooda si toos ah

    ugala socdeen q u d b a d i h i i

    k a l a

    gadisanaa e e

    masuuliyiintu ka jeediyeen

    xafladdii Abaal-marinta Shaqaalah ee ka socotay Hoteel Ambaassador ee magaalada Hargeysa.

    Maamulka Waaxda Shaqaada iyo Shaqaalaha iyo Qaybta Maamulka ayaa si wadda jir ah Abaal-marino u gudoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha hore ka galay Qaybaha iyo Waaxa Shirkadda. Hadyadahaasi oo isku jiray lacago, laptop-yo casri ah, tablets, moobaylo Smartphone ah, Shahaadooyin iyo hadyado kale waxaana la gudoonsiiyey dhamaan shaqaalihii kaalmaha sare ka galay qiimayntii shaqaalaha ee ka kala tirsanaa xarunta guud ee magaalada Hargeysa iyo xarumaha guud ee shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.

    Telesom Xafladdii Abaal-marin 12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 15

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom Xafladdii Abaal-marin 12-aad U Qabatay Shaqaalaheeda

  • 16 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 17

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom lacago Tabarucaad ah Ku Bixisay Wadooyin Ku Yaala Magaalada Hargeisa Ka Tirsan

    Hargeysa - (Telesom-27.03.2015) - Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa $10,500 oo Dollar ugu deeqday saddex waddo oo ku kala yaala degmadda Axmed Dhagax, Degmadda Ibraahin Kood-buur iyo Degmadda Gacan Libaax.

    Shirkadda TELESOM ayaa ugu horayn gudoonsiisay Guddida Dhismaha Wadda Xaafadda Aw-aadan lacag dhan $4000 oo dollar. Munaasibada lacag bixinta waxaa ka hadlay Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey kaalinta shirkadda TELESOM kaga jirto horumarka dalka waxaanu yidhi, Sidaad la wadda socotaan shirkadda TELESOM waxay xoogga saartaa xagga horumarinta, waxbarashada, wadooyinka, tababarucaadka kale, Jaamacadaha, madarasadaha, masaajidada wax Alla wixii khayr ah., Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo, isagoo hadlkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey, Shirkadda TELESOM waxay ka qayb qaadanaysaa wajiga koowaad ee waddadan la bilaabaayo, waxanay ugu

    talo gashay inay $4,000 ay ku wareejiso dhismaha waddadaas, wadadaas oo ay baahi weyn u qabaaan bulshadu qiimo badanna ugu fadhida magaalada isku socodka dadweynaha.

    Gudoomiyaha Guddida Waddada Xaafada Aw-aadan oo ka hadlay munaasibadaas ayaa yidhi, Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Guddida Dhismaha xaafadda Aw-aadan iyo Guddida xaafadda waxaan halkan kaga gudoomay shirkadda Telesom oo uu hormood ka yahay Maxamed Darbo $4,000 oo ay ugu tabaruceen waddo hal kiiloomitir iyo badh ah (1.5km) oo ka socota xaafadda Aw-aadan.

    Shirkadda Telesom ayaa sidoo bixisay deeq tabarucaad oo dhamayd $3,000 waxaanay gudoonsiiyey maamulka iyo masuuliyiinta dugsiga sare ee Ilays. Lacagtaasi oo lagu dhisi

    doono waddada soo hor marta Hoteel Mount Royal soona gasha Dugsiga sare ee Ilays. Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ku

    hadlayaa afka shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay goorkasta u heelan tahay inay qayb ka noqoto horumarka dalka waxaanu sharaxaad ka bixiyey sida shirkadda Telesom uga qayb qaadato tabarucaadka waxbarashadda.

    Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay maamulaha Dugsiga sare ee Ilays Sh.Cabdiraxmaan Axmed Sh. Cabdi waxaanu shirkadda Telesom uga mahad-celiyey sida ay uga qayb qaadato barnaamijyadda khayriga ah waxaanu yidhi, Aad iyo aad waxaanu ugu mahadnaqaynaa una ducaynaynaa shirkadda balaadhan ee qiimaha badan ee waddaniga ah ee dalku iyo dadku runtii wadda leeyahay sidaa uu sheegay Maxamed. Aad baanu ugu faraxsanahay aad baanu ugu ducaynaynaa Ilaahay inuu u barakeeyo, Sidaasi waxaa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.

    Shirkadda TELESOM ayaa ugu dambayntii waxay deeq lacageed oo dhan $3,500 ugu deeqday Dhismaha Buuntada xaafada Maandeeq ama Ex-Libaaxyadda halkaasi oo ay ku ooli jirtay Buundo la dhisay labaatan sanno ka hore dhibaato badanna ku haysay dadka degan xaafadaasi gaar ahaanna xiliyadda roobabka. Goobta lacagta lagu kala gudoomaayey waxaa ka hadlay Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay biirashkan kaga qayb qadan doono lacag dhan $3,500.

    Gaashaanle Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka Somaliland oo ka mid ah Guddida dhismaha waddadan ayaa shirkadda Telesom uga mahad-naqay t a b a r u c a a d k a n ay kaga qayb-q a a d a n a y s o d h i s m a h a b u u n d a d a n , waxanu ka w a r a m a y dhibaatadda ay xaafada Maandeeq ku qabtay intii uu burbursanaa biriijkani. Gaanshaale Dayib ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ugu soo dheeraysay dalabaadkii ay guddidu u gudbiyeen meelaha kale.

  • 18 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mashruuca Caruurta La Nool Cudurka Macaanka

    Hargeysa (Telesom-06.04.15) Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa daah-furtay wajiga labaad ee Mashruuca Caruurta la nool Cudurka Macaanka. Mashruucan oo ay fulinayso Xarunta Daryeelka Caruurta Macaanka Qabta ee Global Polyclinic ee magaalada Hargeysa. Shirkadda Telesom waxay Mashruucan bixin doontaa daawooyinka la siin doono 120 caruur ah muddo hal sanno ah.

    Xafladan Daah-furka wajiga labaad ee mashruucan oo ka dhacay huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Somaliland Marwo. Shukri Xariir, Gudoomiyaha Guddida Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Axmed Xaashi, Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda SONYO Siciid Maxamed Axmed, Maamulka Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom, Maamulka Cusbitaalka Global Polyclinic iyo qaar ka mid ah Waalidiinta caruurta la nool cudurka Macaanka.

    Ugu horayn xafladan waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi Axdar waxaanu ka hadlay mashruucan taakulaynta caruurta la nool xanuunka Macaanka waxaanu sidoo kale mahadnaq u jeediyey Shirkada Telesom, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa, In muddo ah waxaanu wadney hawshan in la taakuleeyo Caruurta qabta cudurka macaanka ee ka soo jeeda qoysaska aan tahli kareen in ay helaan dawooyinka iyo waxii ay u baahan yahiin. Waxaa aanu ku bilowney 50 caruur ah maantana waxaa aanu diwaan galinay oo aynu gacanta ku

    haynaa 120 caruur ah markaa waxaan odhan karaa waa arin aad u weyn waana firkir anaga naga yimid anaga oo

    halkan aad iyo aad ugu mahadnaqeyna Shirkada Telesom oo naga haqab tirtey dhamaan wixii daawooyin iyo wixii kale ay u baahneyeen caruurtani, waxaa kale oo iyaduna farxad leh in maanta ay Shirkada Telesom ay mar kale noo fidisey in mar labaad muddo sanad ah ay hawshaasi halkeedi ka sii socoto sidaai waxaa yidhi Agaasimaha Guud Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf.

    Madax Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha Shirkadda TELESOM Maxamed Cabdi Darbo waxaana ayaa ka

    hadlay kaalinta shirkadda ku leedahay mashruucan samafalka waxaanu yidhi, Waxaan odhan lahaa bulshadeenu waa

    qaar baahiyo badan qaba arintan caruurta yaryar ee maacanka qabtaana waa mid anaga haddii aanu nahay Telesom aad noo damaqdey markii uu noo yimid Dr. Cabdirisaaq maamulaha Cusbitalka Global nagana codsadey in arintaasi wax kala qabano ayaanu hadii aanu nahay Shirkada Telesom goaansaney in aanu wax ka qabano waxaan halkan aan maanta ka cadeynaaya in mar labaad Shirkada Telesom iyada oo rabta shacbigeeda in ay wax ku soo celiso in ay mar labaad bilaabeyso Wajiga labaad ee dawo siinta iyo kaafalo qaadashada caruurtaas yaryar ee macaanka la nool, Sidaasi waxaa yidhi Md. Maxamed Cabdi Darbo.

    Md. Darbo ayaa intaasi raaciyey in shirkadda Telesom ay markastaba u heelan tahaay bulshadeeda waxaanu shirkaddu kharashaka waxbarashadda ka bixiso sanad kasta 10 arday oo wax ka dhigta Jaamacadda Hargeysa iyo 10 arday oo wax ka barta dugsiga Sare ee SOS oo ka soo jeeda dadka dhaqaalaha qoyskoodu hooseeyo. Waxa kale oo uu sheegay in Shirkadda Telesom ay sidoo kale kafaalo qaaday 35 caruur ah oo aan lahayn aabaha iyo hooyadda kuwaasi oo ay shirkaddu guri uga iibisay xaafadda Xawaadle ee Degmadda Kood-buur. Shirkadda Telesom ayaa caruurtan wax kasta oo ay baahdaan noloshooda siin doonta ilaa inta ay ka gaadhayaan 18 jir noloshooda ku filan.

    Agaasimaha Daladda Dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Md. Sicii Maxamed Axmed ayaa tilmaamay in daladda SONYO ay ka qayb-qaadan doonto caawimadda caruurta qabta macaanka waxaanu yidhi isagoo arimahaasi ka hadlaya,

    Dr. C.risaaq Yuusuf C.laahi Agaasimaha Global Polyclinic

    Maxamed Cabdi DarboMadaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynah

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 19

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom oo Maal-galisay Wajiga Labaad ee Mashruuca Caruurta La Nool Cudurka MacaankaShirkadda Telesom waxaan isleeyahay waxay ku suntan tahay halgankaa dib u dhiska dalka Ilaahayna waxaan ka baryahaa inuu shirkaddaasi ka dhigo mid runtii jirta oo waarta, sidaa ay imika

    ugu mashquulsan tahay` horumarinta bulshadeedana runtii joogtaysa aad iyo aad bay shirkadda Telesom ugu mahadsan tahay. Cabdirisaaq iyo saaxibkay Dr. Bashiir iyo dhakhaatiirtaasina waxay geesteen wax weyn oo aan Ilaahay uga baryaaho inuu ka jasaaI siiyo. Sidaas waxaa yidh Agaasimaha SONYO Siciid Maxamed waxaanu intaasi ku daray in Daladdda SONYO ay garab joogsan doono cusbitaalka samayna doonaan shirar hawleedyo ay ku taageeri doonaan cusbitaalkan.

    Dhinca kale munaasibadan ayaa waxaa ka hadley Gudoomiyaha Dhakhatiirta Somaliland Dr. Cabdirashiid Xaashi Cabdi ayaa shirkadda Telesom iyo maamulka

    cusbitaalka Global Polyclinic uga mahad celiyey kaalinta ay u istaageen waxaanu xukuumadda ugu baaqay in sida shirkadda Telesom oo kale ay sanadkii ay miisaaniyadda ugu daraan sidii caruurta macaanka qabta loogu heli lahaa in daawo ku filan loo helo. Waxa uu sidoo kale ugu baaqay bulshadda qaybaheeda kale in ay u istaagaan sidii ay dadkooda xanuunsanaya u gacan siin laayeen.

    Dr. Cabdirashiid Xaashi ayaa tusaale u soo qaatay in dad gaalo ahi oo maal-qabeen ahi ay dadka ku nool waddama dunidda saddexaad ay ugu deeqaan

    xoolahooda. Dhakhtarka ayaa bulshadda ugu baaqay in xoolaha ay uruurinayaa iska daayaan oo ay bulshadooda kuwa baahan wax ugu qabtaan, maadaama xabaal laga wadda galaayo oo qofka xoolihiisu aanay qabriga u raacayn.

    Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah waalidiin caruurtoodu qabaan cudurka macaanka waxaanay si wayn ugu mahadnaqeen shirkadda Telesom iyo maamulka Cusbitaalka Polyclinic. Waalidiinta ayaa qaarkood sheegeen in caruur ay dhaleen ay hore ugu dhinteen cudurkan macaanka taasi oo ay ugu wacnayd aqoon laaan ka haysatay cudurkan iyo sida loola tacaalo. Waalidiinta ayaa ka sheegeeyey muddadii lixda bilood ahayd ee cusbitaalka Global Polyclinic ay ku xidhnaayeen inay wax badan ka barteen sidoo kalena ay awoodeen in ay xakameeyaan joogtaynta heerka la ogol yahay in heerka dhiiga macaanka Ilmuhu joogo.

    Ugu danbeyntii waxaa madasha ka hadashay wasiir ku xigeenka wasaarada W a r f a a f i n t a Dhaqanka iyo Waciyi Galinta Somaliland Shugri Xariir Ismaciil waxaana ay tilaamantey in arintani ay tahay mid ku dayasho muddan looga baahan yahay shirkadaha waaweyn ee Somaliland ka jira in ay

    arintan gacan ka geystaan waxaanay tidhi, Waxaan filayaa kulakan maanta in uu yahay kulankii labaad ee aynu iskugu nimaadno aad iyo aadna waxaa aynu ugu

    Dr. Cabdirashiid XaashiGudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta

    Shukri Xariir IsmaaciilWasiir ku-xigeenka Warfaafinta

    Siciid Axmed MaxamedAgaasimaha SONYO

    mahad naqeynaa cida iska xil saartey arintan iyada ah ee ay ugu horeeyaan Dr. Cabdirisaaq Iyo Dr. Bashiir oo ka socda Cusbitaalka Global waxaa kale oo iyaduna aanu aad ugu mahad celineynaa Shirkada Telesom oo iyadu markasta ka dhex muuqata sidii loo dabooli laha baahiyaha ay qabaan bulshadeen

    Jicilcsan. Waxaan idin leeyahay wax kasta oo bulshadiina u qabteen waa wax idinka horeeya Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo. Barnaamijkani waa mid ah sidii loo tageeri lahaa waxna looga qaban

    lahaa cudurkaas bulshadeena aafeeyey ee macaanka. Cusbitaalka Global Ilahay khayr ha ka siiye waxaa ay iska xil saareen sidii ay arintaasi ina wada taabatey wax looga qaban lahaa Sidaa waxaa tidhi Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada War Faafinta Dhaqanka Iyo Waci-galinta Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaciil.

    Dr. Bashiir

  • 20 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Wargayska Caalamiga Ah ee New York Times Oo Wax Ka Qoray Kaalinta Uu Adeegga ZAAD Kaga Jiro Koboca Dhaqaalaha

    Haweenku waxay udub dhexaad u yihiin maamulka dhaqaalaha qoyska, waxaanay kaalin laxaadle kaga jiraan dhaqaalaha bulshooyinka guud ahaan marka laga eego dhinacyada qorshaynta iyo maamulidda dhaqaalaha qoyska, ka qaybqaadashada kobcinta dhigaalka qoyska.

    Kaalintaasi ay haweenku ku jiraan waxa dhiirigelin weyn siiyay, una noqday hanaan xisaabeed oo ay dhaqaalahooda ku maamulaan adeegyada maaliyadeed ee electrniga ah ee moobilka, waxana tusaale fiican loo soo qaatay Adeegga Shirkadda Telesom ee ZAAD Services, sida lagu sheegay Maqaal ay 1-dii April, 2015 Wargeyska New York Times ku qortay Melinda Gates oo ah xaaska maalqabeenka, mulkiilaha shirkadda Microsoft ee Bill Gates, maqaalkaas oo ciwaankiisu ahaa: Cellphones for Women in Developing Nations Aid Asent from Poverty Iyadoo horena uu Bill Gates adeegga ZAAD ee Somaliland ka amaanay shir caalami ah.

    Maqaalku waxa uu sawir fiican ka bixinayaa muuqaalka nolosha dhaqaale ee haweenka dunida soo koraysa ku nool ee aan lahayn Bangiyada, kuwaas oo lacagtooda ku kaydsada barkimada hoosteeda ama meelo aan aamin ahayn, warwar badan ayaa xilli kasta ka haysta in uu tuug ka qaato ama xitaa cid kamid ah qoyskeeda oo aan masuul ahayn. Arrintaasi waxay muujinaysa cid kasta oo aan adeeg maaliyadeed lahayn inay nolol adag ku nool yihiin, maadaama aanay si hufan u maamulan karayn dhaqaalohooda, mustaqbalka noloshoodana aanay kayd u samaysan karin.

    Maqaalku waxa uu sheegay in adeegyada maaliyadeed ee mobile-ka ku dhisani ay suurta galiyeen in dad 2 bilyan oo qof oo dunida soo koraysa ku nooli inay Baan yeeshaan, malaayiin qoys oo faqri ku noolaa inay ka baxaan iyo in dhaqaalaha dalalkaasi uu horumar la taaban karo sameeyo maadaama adeegyada maaliyadeed ee Moobilka, sida ZAAD-ka oo kale, ay si isku mid ah u taabanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada dhaqaalaha doorka

    wayn ka ciyaara, gaar ahaan Haweenka.

    Melinda Gates waxay xustay in teknoolajiyadda Mobile-ka lacagta loo adeegsadaa in uu si wayn u korayo, waxaanay tusaale u soo qaadatay adeegyada ZAAD ee Somaliland Iyo BKASH ee Bangladesh.

    Adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom waxa uu kamid yahay tusaalayaasha dunida ee dhinaca horumarka adeegyada Mobile-ka lagu isticmaalo lacagta, sida in la isu diro, wax lagu iibsado ama lagu kaydsado; iyada oo bulshada Somaliland ee uu ka dhex shaqeeyaa ay in badani yihiin qaar aan waxba qorin waxna akhriyin isla markaana aanay hore uga jirin adeegyo maaliyadeed oo bulshadu ku tiirsan tahay.

    Kaalinta uu ZAAD ka qaatay u fududaynta Haweenka Somaliland inay helaan adeegyo maaliyadeed iyo qaababka ay shirkadda Telesom ugu bixisay fekerka habka haweenka loogu fudadayn karo ayaa ah mid dunida si wayn uga dhex muuqatay, taas oo saamayn toos ah ku leh koboca dhaqaale ee dalka waana sababta ay Melinda Gates ugu soo qaaday maqaalkeedan NY Times ay ku qortay. Adeegga ZAAD waxa fursad u siiyay haweenka Somaliland inay yeeshaan Baan oo Mobile-koodu u noqdo si ay dhaqaalahooda ugu maamulan karaan si hufan, ugu kaydsan karaan lacagtooda islamarkaana si hawl yari iyo kharash ah

    ay danahooda dhaqaale u fushan karaan.Faaiidooyinka ZAAD uu Bulshada u soo kordhiyay waxa ka mid ah in uu yareeyay kharashaad badan oo kaga bixi jiray in ay dadku u safraan si ay lacag isugu tebiyaan. Waxa kale oo uu bulshada miyiga & magaaladaba u suurtogeliyay in uu ka qaaday werwerkii ka haystay ilaalinta lacagta, waxana uu u noqday aalad u keentay in ay ka gamaan lacag ka lunta ama laga xado. Waxa kale oo uu shirkadaha & ganacsiyada u suurtogeliyay in uu ka dhigo nidaamyadooda xisaabeed mid hufan oo leh qoraal sugan oo ay tixraacaan. Adeegga ZAAD uu wax weyn ka beddelay nidaamkii xawaaladaha Dibadda, iyada oo qofka leh ZAAD uu si fudud moobilkiisa ugu helayo lacagaha looga soo diro daafaha Dunida.

    Ugu dambayntii, maqaalku waxa uu qeexayaa mustaqbalka dhaw in dhaqaalaha dunida soo koraysaa uu si wayn ugu xidhnaan doono adeegyada maaliyadeed ee electronig-ga ah (Digital Financial Services) bulshooyin-kuna ay ku kala tagi doonaan sida ay u maalgashadaan adeegyadaas ugana faaiideeyaan adeegyadaasi maaliyadeed qayabaha kala duwan ee bulshada ee kaalinta wayn ku leh koboca dhaqaalaha oo ay haweenku kamid yihiin.

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 21

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Bangiga Darasalaam waxaa laga furay Hargeysa 12 April 2010, wuxuu soo maray marxalado kala duwan, iyadoo magacii u horeeyey ee loogu wanqalay uu ahaa SALAAM REMITTANCE, muddo ka dib waxuu magacii isku bedelay SALAAM FINANCIAL SERVICES. Ugu danbayntii Bishii April ee 2014 ayaa si rasmi ah mar kale loogu wanqalay DARA SALAAM BANK.Bangigu wuxuu bixiyaa Adeegyada ay bixiyaan bangiyada Islaamiga ahi sida: furista xisaabaadka socoda iyo kuwa kaydka ah, dirista lacagaha iyo helitaankooda meel kasta iyo noocyada kala duwan ee Maalgalinta.

    HIIGSI BANGIGABangigu wuxuu higsanayaa inuu noqdo horseedka bixiya adeeg maaliyadeed oo casri ah isla mar kaana waafaqsan shareecada Islaamka

    UJEEDOOYINKA BANGIGA Inuu bixiyo adeegyada maaliyadeed ee waafaqsan

    shareecada Islaamka

    Inuu macaamiisha siiyo adeegyo hal abuur leh oo faaiido u leh macaamiisha

    Inuu ka qayb qaato horumarka dhaqaalaha ee dadka iyo dalka

    BARO NOOCYADA KALA DUWAN EE MAALGALINTA EE UU BIXIYO BANGIGA DARA SALAAM

    1. MURAABAXA: Waa nooca uu macmiilku dalbanayo in loo soo iibiyo alaab, sida gaadiidka, guryaha, qalabka dhismaha, bagaashka, beeraha iwm.

    Sidoo kale, waxuu bangigu kaa iibinayaa Laptop-yo aad ku bixinayo muddo 6 bilood ah.

    2. MUSHARAKA: Waa nooca Bangiga iyo macmiilku ay wada yeelanayaan mashruuc

    3. MUDAARABA: Waa nooca macmiilka keena fikrad ganacsi oo faaiido leh uu Bangigu ku maalgalinayo

    MAXAAD KA TAQAAN ADEEGYADA BANGIGA DARA SALAAM?

    XISAAB SOCOTA: Waa Xisaabta markaad furato lagu siin doono Cheque, isla mar ahaantana laguugu xidhi doono Adeega KAAFI

    XISAAB KAYD AH: Waa Xisaabta kuu kaydan, waxaana lagu siin doonaa Passbook aad kula bixi karto lacagtaada

    L/C: Waa adeeg uu bangigu kuu hayo, waana heshiis aad kula macaamili karto ganacsi aad ka dalbanayso soo saare (Supplier) adigoo adeegsanaya Bangiga, faahfaahinta la xidhiidh xarumaha Bangiga.

    L/G: Waa warqad Damaanad ah oo Bangigu bixiyo, caddaynaysana in Bangigu damaanad kaa bixinayo, faahfaahinta kala xidhiidh xarumaha Bangiga

    PAYROLL PAYMENT: Waa hab la jaanqadaya nidaamka caalamiga ah ee bixinta mushaharooyinka, la xidhiidh xarumaha Bangiga si shaqaalahaga uu u gaadhsiiyo mushaharooyinka bil walba

    Web surfur card: Waa kaadh si online ah aad waxaad doonto uga iibsan karto Internetka.

    Master card: Waa kaadh uu Bangigu bixiyo oo ATM-ka aad u adeegsan karto caalamka oo dhan.

    WAA MAXAY KAAFI? Waa adeega kuu sahlaya in la isku xidho Xisaabtaada kaaga furan Bangiga Dara Salaam iyo Xisaabtaada ZAADka.

    Adeegani wuxuu kuu sahlayaa inaad si fudud ugu wareejiso lacagtaada kuugu jirta Zaadka Xisaabtaada Bangiga kaaga furan, isla mar ahaantaana aad kala soo bixi karto lacagta kuugu jirta Bangiga oo aad ku soo wareejisan karo Xisaabtaada ZAADka.

    WAA MAXAY E-BANKING: Waxaad kala socon karta dhaqdhaqaaqa xisaabta, waxaad ka dheehan kartaa Websiteka Bangiga

    TELEX TRANSFER (TT): Waxaad lacag u diri kartaa Bangi kasta oo aad hayso macluumaadkiisa, isla mar ahaantana waad ka heli kartaa.

    E- DEPOSIT: Waa habka aad ugu shubi karto lacagta kuugu jirta Xisaabtaada ZAADka ama Xisaabta aad ku leedahay Bangiga, Xisaab kale oo ka furan Bangiga Dara Salaam.

    SARRIFKA: Adeega Sarifka ee lacagaha kala duwan ayuu Bangigu u sameeyaa macaamiishiisa.

    XARUMAHA BANGIGA DARA SALAAM

    XARUNTA HARGEYSA: 522500/522515

    GOBONIMO HARGEYSA: 522511/522513

    QUDHAC DHEER HARGEYSA (Dhawaan ayaa la furayaa)

    WAAHEEN HARGEYSA (Dhawaan ayaa la furayaa)

    BURCO: 710009/710010/710011

    BERBERA: 742002/742005

    BORAMA: 618000/618001

    WAJAALE: 644744/644745

    Ama booqo website-ka www.darasalaambank.com

    Email: [email protected]/[email protected]

    BANGIGA DARA SALAAM MUXUU KUU HAYAA?

  • 22 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Shirkadda Telesom oo Si Weyn uga Qayb qaaday Ololaha Nadaafada Dalka

    oo muruq maala isla markaan xashiish badan leh inay shirkadda Telesom ka qayb qaadato uguna deeqdo qalabkii Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo

    M a d a x a X i d h i i d h D a w l a d d a ee Shirkadda Telesom Cali M a x a m e d Saalax (cajab) oo isna ka hadlay kaalinta ay shirkadda T e l e s o m ku lahayd o l o l a h a n n a d a a f a d a Qaranka ayaa

    sheegay in shirkadda Telesom ay olole nadaafadeed ka fulisay

    xaafada State House oo u baahnayd in aad looga shaqeeyo. Muddane Cajab ayaa u mahadnaqay dhamaan dadka ka qayb-qaatay ololahan nadaafada ee dalka.

    Guddidda Haweenka ee xaafadda State House-ka ayaa si weyn uga mahad-celiyey shirkadda Telesom qalabka ay ku caawisay ee lagu nadeefinaayo.

    Hargeysa (Telesom- 07.04.2015) Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom waxay si weyn uga qayb qaadatay ololaha nadaafadda qaranka waxaanay dhamaan shirkaddu ka fulisay ololahan goboladda dalka oo dhan.

    Shirkadda Telesom ayaa dadweynaha magalaada Hargeysa kala qayb qaadatay nadiifinta xaafada State House oo ah xaafada isku raran ah oo ay ku nool yihiin dadka danyarta ah. Shirkadda Telesom ayaa dadweynaha xaafada State House ugu deeqday Kaaryoonayaal, majarafado iyo faralay waxaanay si fudud oo dhakhso badan uga nadiifiyeen xaafada State House.

    Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay hawl-galkan shirkadda Telesom kaga q a y b -q a a d a t a y m a a l i n t a o l o l a h a nadaafada, w a x a a n u s h e e g a y i n a y m u h i i m tahay in shirkadda Telesom ay bulshadeeda kala qayb qaadato dhamaan dhinacayada horumarka dalka, waxaanu ku tilmaamay hawsha ololaha nadaafadda ee xukuumaddu ku dhawaaqday inuu yahay wax weyn oo saxafadda iyo

    bilicda magaalada wax weyn ka tari kara, waxaanu ku baaqay in la joogteeyo arimaha sidan oo kale ah ee bulshaddu ay sida wadda jir ah uga qayb-qaadanayso.

    Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda

    Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo runtii arkay baahida nadaafadu iyo qiimaha ay dalka ugu fadhido oo maanta iclaamiyey in laga

    wadda qayb qaato oo aan loo kala hadhin, Shirkadda Telesom iyadoo ka jawaabaysa dareenkaa madaxweynaha waxay olole ka qaaday xaafadda Statehouse oo dad danyar ahi dagan yihiin

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 23

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Telesom oo Maal-galisay Tartanka Quraanka Kariimka ee Telafishanka Universal

    Hargeysa - (Telesom- 23.03.2015) - Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa ka qayb qaadatay maal-galinta tartanka Quraanka kariimka ah oo ka socda Telafishanka Caalamiga ah ee UNIVERSAL. Tartankan oo ay ka qayb galeen dhalinyaro ka socday madarasadaha magaalada Hargeysa.

    Tartankan ayaa todobaadkii laba maalmood lagu qabtaan xarunta Telafishanka Caalamiga ah ee UNIVERSAL waxaana iska kaashada Talafishka Universal, Shirkadda Telesom iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

    Hargeysa - (Telesom- 01.04.2015) - Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ugu deeqday Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA qalabka koombuyuutaro ah

    Telesom oo Qalab Koombuyutaro ah Ugu Deeqday Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

    oo dhamaystiran. Qalabkan ayaa ka koobnaa toban koombutar oo ay la socdaan miisaskoodii iyo kuraastoodo.

    Qalabkan waxaa si rasmi ugu wareejiyey gudoomiyaha

    SOLJA Maxamud Cabdi Jaamac (Xuuto), Xidhiidhiya warbaahinta Shirkadda Telesom Yaasiin Nuur Mooge iyo madaxa Warbaahinta Telesom Maxamed Ibraahin uu shirkadda Telesom uga wakiil ahaa gudoonsiinta qalabka ururka SOLJA.

  • 24 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Hayadda Geeska Afrika oo Dadweynaha Degmooyinka Magaalada Hargeysa u Qaybisay Sakadda Shirkadda Telesom

    Hargeysa - (Telesom-09.04.2015) - Hayadda Geeska Afrika ayaa u qaybisay 605 danyar ah oo ka soo kala jeeda shanta degmo ee caasimadda H a r g e y s a ka kooban tahay lacagta Sakadda ah ee shirkadda Telesom ay sanadkii dadka danyarta dib ugu celiso.

    Munasibadan lacagta lagu

    gudoonsiinaayey dadka danyarta ah ayaa ka dhacday dusiga Xamdaan ee magaalada Hargeysa. Waxaana ka soo qayb-galay madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi

    Darbo, Gudoomiyaha Hayadda Geeska Afrika ee Sh. Maxamed Cali Geedi iyo masuuliyiin kale.

    Gudoomiyaha Hayadda Geeska Afrika ee Sh. Maxamed Cali Geedi

    ayaa sheegay in Haydda Geeska Afrika ay lacagta sakadda ee shirkadda TELESOM ay gudoonsiin 605 qof oo dan yar ah kuwaasi oo iskugu jira dumar caruur agoona haysta iyo rag waayeel iyo dhalinyaro ah oo dan yar ah.

    Sh. Maxamed Cali Geedi ayaa shirkadda Telesom uga mahad-celiyeday lacagtan sakadda ah ee ay ugu deeqday dadka danyarta ah.

    Dhanka kale waxaa isagua madasha ka hadlay Madaxa Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Teleosm Md. Maxamed Cabdi darbo waxaanu si kooban uga hadlay kaalinta shirkadda Telesom ka ciyaarto horumarka dalka iyo taakulaynta dadka danyarta ah. Waxaa uu xusay in shirkadda TELESOM ay ka caawiso dadka iyo dalka dhinacyadda w a x b a r a s h a d d a ,

    caafimaadka, dhismaha wadooyinka, dhismaha Jaamacada iyo barnaamijyadda danta guud ah ee bulshadda iyo dawladdu ay shirkadda sida gaarka ah uga codsadaan.

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 25

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Maxaa Hooyada Uurka leh ku keena Dhiigkarka?Waxaa maanta adduunku isku raacsan yahay in xanuunka D h i i g k a r k u 13% ku dhaco h o o y o o y i n k a uurka leh taasi oo xaaladeedaa caafimaad ku keeni karta halis ama dhimasho ama ilmaha uurka ku jira oo koriinkiisu gaabiyo ama uurka ku bakhtiya. Lama yaqaano sababa keena in hooyooyinka badhna uu ku dhaco badhna aanu ku dhicin. Waxaase la tilmaama in ilmaha uu dheecaano sii daayo kuwaasi oo bedela habsami u shaqaynta jidhka hooyada gaar ahaan wadnaha iyo xididada dhiiga kuwaas oo ay ku timaado iney cidhiidhi geliyaan ama ay yareyaan dhiigi marayaayey dabadeeda ay timaado calaamadaha ama xanuuno ku yimaado xubno kala duwan oo jidhka ah.Si loola socdo iney khatartani timaado waxaa muhiima hooyo kastoo uur leh in la cabiro heerka uu taagan yahay isla marka la xaqiijiyo inuu uur jiro. Hooyooyinka aan hore u lahaan jirin dhiigkarka waxaa uu bilaabma kala badh uurka oo ah 20 week halka ay muddada uurku ku dhamaado 40 todobaatanaad.Xubnaha ay dhibaatadu ku timaado waxaa ka mida1. Maskaxda oo uu ku yimaado faalik (Stroke) kaasi oo keeni kara inay kala dhantaalanto laxaadkii hooyada2. Indhaha oo daciifa ama indho beel3. Beer xanuun iyo calool xanuun.4. Kelyo Xanuun iyo kaadida oo la waayo.5. Wadno xanuun iyo laabta oo cuslaata.Calaamada lagu garan karo waxaa ka mida ee marka ugu horeysa ay hooyadu dareento:1. Barar jidhkoo dhanna aadna uga muuqda lugaha.2. Haddii la cabiro dhiiga oo ka sarreeya 140/90 haddii aanay hooyadu dhiigkar u lahayn.

    3. Kaadida oo haddii la baadho ay protein la socdo.Haddii xalaada hooyada lala socdo la xakameeyo waxay sahashaa in xanuunka laga badbaadiyo khatarihii ku iman lahaa.Haddiise taasi ay dhici weydo waxay keentaa in xaaladu kasii darto 5 calaamadoodna ay soo ifbaxaan.1. Madax xanuun daran oo hooyada yeelato oo kiniinada madax xanuunka lagu daweeya aanay waxba ka tarin.2. Indhaha ama araga oo daciifa ama hooyadu waxna arki weydo.3. Labxada oo xanuunta4. Kalyaha oo istaaga iyo kaadida oo lawaayo.5. Yalaalugo iyo matag badan.Xaaladaasi waxaa la yidhaahda xaalada dhiigkarka khatarta ah haddii aan talaabooyin oo degdeg ah xaalada dhiiga hoos loo dhigayana aan la qaadin waxay keeni karta in hooyada ay gariir yeelato ama xiskeeda oo luma waxaanay u baahan tahay maarayn degdega.Maareeynta degdega ah ee dhiigkarka.1. Haddii heerka dhiigkarku uu yar yahay

    ama meel dhexaad yahay waxaa ku filan in xaaladeeda lala socdo iyadoo la sameynayo Cabiraad joogto ah.2. Haddii ay xaaladu aad u adag tahay waxaa xalku yahay in ilmaha sida ugu dhakhso badan looga umuliyo ee suurtogalka inuu dhiigkarka sareeyaa dego ama yaraado waxay ku xidhan tahay in lmaha ka soo baxo uurka hooyada. 3. Waana in hooyada ay muddo 6-8 saacadood ah lagu dhameeyo in ay hooyadaasi dhasho.4. ka dib markay hooyadu dhasho waxay weli halis ku sii jirtaa xaalad khatar ah 48 saacadood oo loo baahan yahay in cusbitaalka lagu sii hayo. 5. Muddadaa ka bacdina waa iney weli sii qaadataa dawadii dhiigkarka ilaa inta xaalada ku soo noqoneyso halkeedii.

    Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axdar

  • 26 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Ammin-khayrtii ayaan dhaayaha furay waxaan hoohaamiyey qorraxdii oo hal fadhigeed dhulka ka goday ood moodo gaari indho-kuulatay, cabbaar baan ku dhaygayay saa qorraxdiiba maahee waa Hiddo-san oo muusooneysa!

    Cagahaan boorimeystey, waxaan ku tibadey kobtey iiga gacan haadisay, mase helin! Bogox baan u jeestey mise waa gabadhii oo bil noqotey oo hoggeedii madaxa la gashay, saw talo igagama ururin inaan baadi-goobo oo buuraha dhaadheer dhaladooda koro!!

    Talaa la haloosiyaaHanaayaa la hojiyaaHaraa lagu oon baxaaHoobaan baa laga dhergaaHorweyn baa lagu tabcaaHantaa weel loo cushaaSengaa lagu hawl galaaHootaa lagu aarsadaaHor-fule waa lagu hirtaaHilbaa aqal lagu ridhaaHurgumo waa loo dhintaaHirwaa gaaf loo tumaaHubsiimo halbay jartaaHoo iyo deeq baa macaanMarkay hor illaahay tahayHaween iyo geel dirkabaHiddaa lagu soo xushaaAdduunyadu waa hillaacHadhkaa labadiisa gelinHashii gelgelmaysatiyoHabeen iyo waa dharaarWaayuhu ways daba hayaanNaftana hammi baa ku ladhanJacaylkuna waa hawooMarbuu kugu hoorayaaHaamaha cishqigeen gudhaynDharaarba ninbay habaanSiduu boodheri u helayAyuu anna ii hayaa

    Sidii hayinkuu i rarayHoggaan buu ii tidcadayHayaan buu ii lalabayHeeryuu igu qaaday culusSidii heemaasha lalaySidii habasta u gabadaySidii fulaha u habradaySidii geesiga hammiyeySidii heeraa cartamaySidii hunufaa gurxamaySidii heeshiga bulxamaySidii mawjadaha hirdamayHoobaan baan jirinayaaIndhuhu laacay hayaanMidhaha heegada ku yaalAyaan u halaan halaaInaan duulaa habboonDaaloo hamashawdayooIntuu mayey soo hirdiyeyHanjalas googoosa iyoDaruuruhu hoganayaanCadceed haaneeday iyoLibdhay gacan haadisooHummaageedaan arkaaHaddana way dhuumataaHareerteydey fadhidayHaddana way iga maqneydHadalkay iga gurtaaJawaabteedana ma heloHadhkeedaan fiiriyaaBidhaanteedana ma hedoHadhuubay ila dhantaaRugtana soomay hadhgelinHorteydey taagan tahayIndhuhu kuma hawl-baxaanHaloosey ila wadaaHawraarsana lagama heloHeshiis baa noo xidhnaa Haddana himiladi ma fulinHilbiyo gacal baanu nahayMisana waan kala hulleeleyHiraabtay ila faqdaaHiirtii bay iga gudaaDanteyday hoga tustaaHormood bay ii ahaydGuushay ila haybisaaHiyiga waan kala socdaaDushaasaan kala hayaaRiyaan kala haadiyaaCidlaan ka halaan-halaaHillaacaa biliglahiyoHabkii gaaraa bidhaankaAyey hadba meel ka baaqdayMaqaar bay i horsidaayeTalaabaan daba hashleeyey.Inaan helo waan jecla

    Hayeeshee hubanti maahaHaddaan hiddo-samo bilcamoHurdada waan bogan lahaa.

    Daauusoow halalacdaadaMarkaad heegada mushaaxdoIndhuhu way kugu haftaaneMaruun maad soo hilowdidWaxaan harareemayaaAmaba aan iga hadheynBishaan hoomaayayeeHagaag anigoon u boganHogeedii iga daf tidhiHabeenkaa iga qarshayeBuurtii Harawiyo GuraysHaddaan Himalaayo koroMalaa waan heli lahaaWaxaan la hudeecayaaKalgacal ay igu habtooCishqaan la hidhaan hidhaaHingaar lama naawileeHanaankeediyo hubqaadkaGashaantidan heemanaysaMarkaan helmiyeen hubsadayAnaa soo haabo idhiMaxaa helay heego quruxHibaaq sawtaan ku idhiHabdhabo oo hawl ha sheegan

    Illeyn gorgor haad ka weynHareerina geed ka dheerGamaan kala heenso wacanHaldhaa kacay baan qarsoominHaddaan asaraar la hayninHoryaal weeyaan GobaadSalaan hambalyaan u dirayHiddiyo waa gabadh qoxdiiyaFalaadkii hooyadeedJidkii bay haysataaHuluulaha kuma caweysoHabeen-qurux kuma habsaantoHugii dhaqankaw xideysanHagoog bay caan ku tahayMagaan iyo hooto maahaHaraayuubaan nirguhuHadduu aflahaar holodoHaraatida way taqaan.

    Marbaan sida haatufkii Daruuraha halabsadaaMarbaan hindisaha tagaa Hulkii dayaxiyo mariikhMarbaan hudiyaa badweynMarbaan hoonbaro dirtaa Marbaan haada u faraaInaanaan kala hadhayen

    Hiddosan

    Abwaan: Axmed Awgeeddi

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 27

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Marbaan halo iga maqnaa Ka doonaa hawd guntii Marbaan geel soo horaaUqaadaa hees walwaalMarbaan hoobali bilaash Hirwiyo dhaanto u tumaa Marbaan haasaawiyaa Hanaankey gobi lahayd Shaxdiyo hindisaha degnaaIlley hawo beenahiyo Marbaan hinjiyaa aroos Halqigu ii soo shiraaMarbaan ku hawaawiyaa Inaan telefoon ku heley Marbaan hoosaha magaalo Ka badhaa dul iyo hoos Marbaan reer soo hayaamay Wareystaa hiimse hiimse Marbaan bahalaha hunduda Dhammaantood habar dugaag Marbaan heel kula shiraa Marbaan harimacad boqraa Marbaan hoy daya idhaa Haddaad hebla soo heshaan Halbaan qalayaa dubaaxaHalawdaye meedey HaybisHalkay jirto way ogyiine Dadkaan ii hagar baxayn.

    Darbaa igu yidhi haddeynDedaal waa lagu hodmaaye Darbaa igu yidhi hidiid Inay habratana u dhawe Darbaa igu yidhi hafsii Haween waa dhabar garaace Darbaa i yidhi lama huraan Hotmaylada kala xidhiidh Darbaa igu yidhii ka hoyo Ma hayside hays haleynDarbaa yidhi hays hawirinHankaagaa buur koraye Darbaa yidhi lama hadree Ka toos hurdo yoomal kahafDarbaa yidhi kuma habanid Wadaadoow hoodo-badan Darbaa yidhi hadal nacoo Waxaad maal hidin kartiyo Aduun iyo halabo keen Darbaa igu yidhi ku hiil Midii hoos uga yarayd Habaar waa debed ku idhi. Habluhu way badan yihiine Tolow inantaan holodo Maxaa loo hadal hayaa Darteed qaar baa hengelen

    Darbuu habayaa wadnuhu Darbaa hononoay saq dhexeDarbaa hoorsaday gacmaha Darbaa hililiqey ilmada Darbaa hanaq goay jarmaad Darbaa halabsaday fardaha Dabaa u habsoobay ciilDarbaa hindiwaasayoo Darbaa habarwacasho yimi Darbaa halacsaday bidhaan Darbaa hadrayoo dhadhabay Naftooda darbaa hawirey Darbaa haahida sunsumayDarbaa hoohlaha dhunbahay Hadeyti darbaa dhanqalan

    Hacoo bay ii qabaaneMarbaan heegmaa difaacMarbaan hootada rogtaaMarbaan hankakoobsadaaMageyno raga igu haystaMarbaan hadateediyaa Marbaan haansaab idhaaMarbaan huudha u qoraa. Hibatiyo uur-guluuluc Hinfaadhay kugu dilaan Hilaab oy waxa lahaaNinkii libin laga hayaaHanuun waa laga qarshaa Ninkii hilin waaq ka luma Malaa hadimooy nin falay Hoobaaq kama baaqsan karo Hagaas baan moodey farasHayeys baan moodey roobHaadaan baan moodey daw Hawaan dabaq moodey dheer Halaanjaan moodey waracGabnana maxaan moodey horeyIlleyn dhalanteedku hogol Humaaguu uga egyahaySidee baan hagal abaarHirdoogleh u moodayaaWixii mar la halacsadaaHubsiimo u baahanaaWaxaan halka uga socdaaRaggii ii hiilin laaAyaa igu gabay halkoodaBadhbey hoosaasinaayaBadhbaa i habaabinaayaBadhbaa haaheey igu sabaBadhbaan ila hayn wadaantaBadhbaa hagarbiga iska jecel

    Badhbaa i hal gaadayooHinaase badhbaa ku maqan Haweenba midaan suntadayBadhbaa heensaha u xidhan Badhbaa hindisahaba moogCiyaayir inaan u heesayBadhbaa huuhaa u qabaHalyeeyadii ila safnaa Hoheey saaxiibadaySidee baan ugu hungoobay!

    Darbaa xididkood hagradaDarbaa hiifoo dagaalaHuroow gabadhay qabaaneHaddii hibo lay nikaaxoHilaan furi laa amaanaXariir baan huwin lahaaHaleeley maali leydHansaan ka ilaalin laaHadh-qoodaarkiyo duleedka Ayey hooshaari leydHabkii wiil curad sidii Haboo soo daadah baroHa dhicin baan odhan lahaaNaftaan u hibeyn lahaaXajkaan u hawalin lahaaHafriin iyo harag shabeelHuf iyo been kuma qabeenQalbiga may ka halwateenHinaasana may dudeenHanfade waa xilo bilaaleHuudh iyo qaariyo budh weynHangoolada lama dhaceenHuq iyo ciil lama derseenAsaageed kama hadheenCadaawana muu holeenHaydaarana may qabteenWadeecana may hesheenHoloobana muu jireen

    Warkaba aan kala hufeeWuxuu ku hakaday goaanHadday hanadadi janteenAmaba lagu wada hirdamayBilaash baa loo huqdayeHoobaan waa gumaradeyHaddeer iyo shalay haddaa Illaa meeshiyo habtiiIntaan haabiilba dhiman Caynaanka anoow hayooFoolaad mugga waan hantiyiHibada eebaa baxsheeNinkii hungureynayoowHannee lama jaariyee.

    Hiddosan

  • 28 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    TECHNOLOGY-YADA IYO

    XAWAALADA CASRIGA AH(Adeegga ZAAD Ee Shirkadda Telesom Iyo Kaalintiisa Xawaaladda Dibadda)

    Qore: Cabdisamad Xasan Hirad

    Daraasad uu sameeyey Baanka Aduunku ayaa waxay hoosta ka xariiqday mugga xawaaladda bulshada aduunka iyagoo ku qiyaasay 582 billion inay gaadhay sanadkii 2014. Bulshooyin-ka lacagta ugu badan isu diraa waxa ka mida Afrikaanka ka shaqaysta wadamada horumaray oo soomalidu qayb muhiima ka tahay.

    Hadaba, qaabka ay dadku lacagta isugu gudbiyaan oo ah qaabkii hore traditional ayaa waxaa in badan laga fakaray sidee ugu fudud ugu d h a k h s o b a d a n u g u n a aaminsan ee lacagta loo g a a d h s i i n k a r a a m a c m i i l k i i l a h a a

    (Beneficiary)?

    Suaashaas in la iswaydiiyo waxa qayb muhiima ka qaadatay Technology-ga casriga ah ee maanta aduunku haysto iyadoo kolba loo isticmaalo baahida taagan ee muhiimka ah oo ay ka mid tahay adeegyada lacag isu-dirista maadaama xawaalada traditional-ka ah dadka dhib badani ka haysatay dhanka u doonashada meel ka

    fog oo lacagtii loo soo diray ay u doontaan, kuyuu dheer oo ay galaan iyo wakhti badan oo kaga luma.

    Hadaba, dalkeena waxa ka hana qaaday adeegyada dunida soo koraysaa sida wayn ugu nasatay dhinacyada dhaqaalaha oo loo yaqaano ZAAD Services kaas oo casriyeeyay qaabka ehelka isjeceli ay isugu diri karaan lacagta xawaalada dibada. Adeegga ZAAD ee Xawaaladda dibaddu waa nidaam casri ah oo lacagta xawaaladaadu ay kuugu

    imanayso goobkasta oo aad ku sugan tahay iyadoo kuugu soo dhacaysa MOBILE kaaga.

    Hadaba macmiil ka faaiidayso oo hadii aanad ZAAD lahayn furo hadii aad leedahayna u sheeg ehelkaaga dibada in kuyuugii laga raystay oo Mobile ka lagu soo diri karo lacagta laguu soo dirayo arintan waxay xataa faaiido u tahay dadka dibada jooga oo lacagta markay dirayaan

    ka warwar laaanaya oo si ay hubaan u gaadhaysa ehelkoodii ay u wadeen lacagta sidoo kale waxaa jira shuraakooyin ku shaqaysta nidaamkan oo ay ka mid yihiin xawaaladaha TAAJ Express, TAWAKAL, World Remit iyo BAKAAL.

    Sidoo kale waxaad Mobile-kaaga ka diri kartaa lacag xawaaladeed oo dalka iyo dibadaba ah adigoo isticmaalaya adeega ZAAD waxay faaiido u tahay dhamaan waalidiinta ardayda lacagta u dira oo muddo badan ay qaadato

    inay gaadho ardaygii iyo ganacsatada wadamada dibada wax ka iibsada d h a m a a n s h a q a d a n w a x a a d qabsanaysaa a d i g o o g u r i g a a g a i y o xafiiskaaga jooga marka Z A A D -kaaga lacagi kuugu jirto a d e e g a n i w u x u u

    amaan ka yahay khatar kasta oo lacageed maadaama qofka lacagtu ku soo dhacayso aqoon fiican loo leeyahay maadaama uu ZAAD leeyahay.

  • Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015 29

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    Xafiiska Shaqadda iyo Shaqaalaha oo heegan ugu jira kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha ayaa tababaro kala duwan siiyey 54 shaqaale ah. Tababaraddan oo ahaa shan tababar waxaana la bixiyey intii u dhexaysay bishii January ilaa April 2015.

    Qaybahan hoose waxaanu ku soo qaadan doonaa tababar kasta oo la siiyey shaqaalaha kala duwan iyo nooca tababaradda la siiyey waxaana ka mid ah tababaran:

    1. Tababarka CISCOTababarkan waxaa loo qabtay shaqaale ka tirsan xarumaha Boorama iyo Burco; gaar ahaan qaybaha IT-ga. Tababarkani waxaa uu socday ilaa 10 maalmood waxaana la soo gabageeyey 11 February 2015 waxaana lagu qaatay Duruus ay ka mid yihiin: Sida looga shaqaysiiyo qalabka CISCO, Sida loo rakibo, Sidaa loo cilad saaro loona dayactiro.

    2. Tababarka Xadhkaha Laydhka iyo Landline-ka

    Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka tirsan Waaxda Landline-ka. Tababarku waxa uu socday muddo 5 maalmood. Waxaana ka qayb galay shaqaale tiradoodu dhan tahay 7 shaqaale ah. Tababarkan waxa lagu qaatay casharo la xidhiidha H o r u m a r i n t a Xadhkaha landline-ka sida: Xadhka Landline la iskugu xidhxidho si heersare ah iyadoo la adeegsanaayo qalab cusub waxaa sidoo kale lagu tababaray shaqaalahan qalab casri ah oo lagu ogaanayo halka uu ka ciladaysan yahay Xadhiga Landline-ka.

    3. Tababakra Hogaaminta

    Tababarkan waxa qaatay shaqaale ka tirsan Waaxaha Sahaysiinta , Shaqadda iyo Shaqaalaha, Xisaabaadka, TNI, C/W, Iibka, ZAAD-ka, Suuqgaynta iyo

    Xidhiidhka Dadwenaha, Xidhiidhka Caalamiga ah, Internet-ka & Horumarinta Ganacsiga. Tababarku waxa uu socday muddo saddex maalmood ah waxaana la soo gabogabeeyey 11 February 2015. Tababarkan waxaana ka qayb galay shaqaale tiradoodu dhan tahay 19 shaqaale ah. Waxaa lagu qaatay duruus la xidhiidha Aragtidda Hogaaminta, Maamulka iyo Hogaaminta, Astaamaha Hogaaminta toosan iyo noocyadda Hogaaminta.

    4. Barnaamijka Lagu Sameeyo Odoraska (SPSS):

    Tababarkan waxa lagu qabtay xarunta Hargeysa waxa ka qayb galey shaqaale tiradoodu dhan tahay 27 Xubnood oo dhammaantood ka tirsan xarunta Hargiesa. Tababarkani waxa uu soconayaa mudo todoba maalmood waxaanu bilaabmay 31 March, 2015 ilaa 07 April 2015. Waxaana ka qayb qaatay Shaqaal ka socday Waaxaha kala ah Xidhiidhka

    Dadweynaha, Suuq-gaynta, Iibka, Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda iyo Shaqaalaha, Xidhiidhka Caalamiga ah, C/W, Sahaysiinta iyo Horumarinta Ganacsiga.

    5. Qaababka Ugu Wanaagsan ee Wax Loo Suuq-geeyo iyo Isbadaladda Maamaulka

    Tababarkan waxa lagu qabtay xarunta Hargeysa waxa ka qayb galey shaqaale tiradoodu dhan tahay 23 Xubnood oo dhammaantood ka tirsan maamulayaasha xarunta Hargeysa. Tababarkani waxa uu soconayaa mudo laba maalmood (17 March 2015 ilaa 18 March 2015). Waaxaha kala ah

    Xidhiidhka Dadweynaha, Suuq-gaynta, vvIibka, Zaad-ka, Xisaabaadka, Shaqadda iyo Shaqaalaha, Xidhiidhka Caalamiga ah, C/W, Sahaysiinta, Ilaaladda, Internet-ka, Hanti-dhawrka, Landline-ka, TNI iyo Horumarinta Ganacsiga.

    Tababaradda Shaqaalaha Shirkadda Telesom La siiyey

  • 30 Telesom Newsletter | Issue 22-aad | Jan - April 2015

    Caddadka 22-aad | Jan - April 2015

    BARO MID KA MID AH SHAQAALAHA TELESOM

    Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waa mid ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xarunta Telesom Boorama. Md. Deeq waa madaxa Iibgaynta iyo ZAAD ee xarunta shirkadda Telesom ku leedahay magaalada madaxda gobolka Awdal ee Boorama.

    Waxbarashadda

    Sh. Deeq Cabdisamad waxaa uu Degree kowaad ka qaatay Shareecadda Islaamka Jaamacad ku taalo magaalo madaxda Pakistaan ee Islamabad sanaddii 2002. Sidoo kale Deeq waxaa uu Degree culuunta Koombuyuurta ka qaatay Jaamacadda Eelo ee magaalada Boorama waxaanu ka qalin-jabiyey sanaddii 2011. Sh. Deeq Cabdisamad waxaa uu sidoo kale Postgraduate Qorshaynta iyo maamulida mashaariicda ka qaatay Jaamacadda Camuuud.

    Shaqadda

    Sh. Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waxaa intii u dhaxaysay 1985 ilaa 1999-kii ka soo shaqeeyey ganacsiyo kala gadisan oo isku jiray meherado uu lahaa iyo kuwo uu shaqaale ka ahaa. Sh. Deeq waxaa uu shirkadda Telesom ku soo biiray 2002-dii

    waxaanu noqday Lacag haye iyo Lacag uruuriye.

    2005-tii waxaa uu madax qaybeed ka noqday GSM-ka xarunta Boorama. 2009-kii waxaa loo magacaabay khasnajiga guud ee xarunta Boorama. Sanaddii 2012-kii ilaa hadda waxaa uu yahay Madaxa Iibka iyo ZAAD-ka ee xarunta Boorama.

    Sh. Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi waa shakhsi dadaal iyo daacanimo badan, sidoo kale waa

    shaqsi hawl-karino leh, sidaasi daraadeed waxaa u sanaddii 2011 ku guulaystay shaqaalaha ugu wax qabadka badan xarunta shirkadda Telesom ku leedahay magaalada Boorama, waxaan Sh. Deeq Cabdisamad Xasan Waaberi la gudoonsiiyey shahaado sharafta shirkaddu ku maamuusto shaqaalaha ugu dadaalka badan shirkadda.