1 | P a g e
XEER-NIDAAMIYAHA LA DAGAALANKA LACAG-
DHAQIDDA &
MAALGELINTA ARGAGIXISADA (AML/CFT)
EE
HAY’ADAHA MAALIYADEED EE SOOMAALIYA
XARUNTA WARBIXINNADA MAALIYADDA
MAAJO 2018
2 | P a g e
TUSMO
EREYADA LASOO GAABIYAY ...................................................................... 4
CUTUBKA 1aad: GOGOL-DHIG GUUD ........................................................ 5
1.0. HORDHAC ............................................................................................................................................ 5
1.1 Awoodda xeer-nidaamiyaha ............................................................................................................. 5
1.2 Heerka awoodda xeer-nidaamiyaha ................................................................................................. 6
1.3 Ujeeddada Xeer-nidaamiyaha: ......................................................................................................... 6
1.4 Ahdaafta iyo Yoolasha Xeer-nidaamiyaha ................................................................................. 6
CUTUBKA 2aad: Hagayaasha AML/CFT ..................................................... 8
Xeer-nidaamiyaha 1aad: Siyaasadaha iyo Habraacyada iyo Xakameeyayaasha ........................................ 8
Xeer-nidaamiyaha 2aad: Magacaabista Mas’uulka ka warbixiya AML/CFT iyo Hantidhowraha Gudaha .. 9
Xeer-nidaamiyaha 3aad: Sameynta Qiimeynta Halista ............................................................................ 10
CUTUBKA 3aad: Ka Taxadarka Hufan ee Adeegga Macmiilka (CDD) ....... 12
Xeer-nidaamiyaha 4aad:Arrimaha looga baahan yahay aqoonsiga macmiilka iyo adeegga hufan ee adeegga macmiilka (CDD) ......................................................................................................................... 12
Xeer-nidaamiyaha 5aad: Tallaabooyinka CDD ee Sameynta Xiriirka Ganacsi........................................... 13
Xeer-nidaamiyaha 6aad: Aqoonsiga iyo Xaqiijinta Shakhsiyaadka Sharci ah ........................................... 14
Xeer-nidaamiyaha 7aad: Aqoonsiga iyo Xaqiijinta Qofka Dabiiciga ah ee Wakiilka ka ah Macmiil .......... 15
Xeer-nidaamiyaha 8aad: Aqoonsiga iyo Xaqiijinta Milkiilaha Faa’iidaya .................................................. 16
Xeer-nidaamiyaha 9aad: Tallaabooyinka CDD ee Macaamiisha marmarka ah iyo Dhaqdhaqaaqyada Marka Keliya ah. ....................................................................................................................................... 17
CUTUBKA 4aad: KA TAXADARKA HUFAN EE ADEEGGA MACMIILKA EE LA SII XOOJIYAY (ECDD) ............................................................................... 18
Xeer-nidaamiyaha 10aad: Aqoonsiga iyo la Tacaamulka Dadka Siyaasadda ku Lugta Leh (PEPs) ............ 18
Xeer-nidaamiyaha 11aad: Xisaabyada Bankiyada ee NGO-yada, NPO-yada iyo Hay’adaha Khayriga ah 18
Xeer-nidaamiyaha 12aad: Tallaabooyinka CDD ee la sii xoojiyay ee Halisaha ML iyo TF ......................... 19
Xeer-nidaamiyaha 13aad: CDD-ga fudaydiyay ee Halisaha ML iyo TF ...................................................... 20
Xeer-nidaamiyaha 14aad:Wakhtiga aqoonsiga iyo xaqiijinta macmiilka .................................................. 21
Xeer-nidaamiyaha 15aad: Xogta macaamiisha ee dheeraadka ah ee loo baahan yahay .................... 22
CUTUBKA 5aad: LA-SOCOSHADA JOOGTADA AH EE DHAQDHAQAAQYADA ............................................................................ 23
Xeer-nidaamiyaha 16aad:La-socoshada Joogtada ah ee Dhaqdhaqaaqyada Macmiilka ......................... 23
Xeer-nidaamiyaha 17aad: Xiriirrada Macmiilka ee Reebban iyo Jarista Xiriirka ....................................... 24
Xeer-nidaamiyaha 18aad: Ku Tiirsanaanta Dhexdhexaadiyayaasha Dhinacyada saddexaad ................... 25
Xeer-nidaamiyaha 19aad: Xiriirrada Bankiga Wakiilka ah iyo Bankiyada Qolfoofka ah ........................... 26
Xeer-nidaamiyaha 20aad: Calaamadaha Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada ......................... 27
3 | P a g e
CUTUBKA 6aad: SIYAASADDA IYO WAAJIBAADKA WARBIXINEED EE DHAQDHAQAAQYADA QAABKA ELEKTROONIGA AH ............................... 29
Xeer-nidaamiyaha 21aad: Siyaasadaha iyo Habraacyada Dhaqdhaqaaqyada Qaabka Eleketroonigga ah (xawilaadda lacagaha) .............................................................................................................................. 29
Xeer-nidaamiyaha 22aad: Warbixinta Dhaqdhaqaaqyada Shakiga leh (STRs) ee loo baahan yahay ....... 31
Xeer-nidaamiyaha 23aad:Warbixinta Xadka Dhaqdhaqaaqyada Waaweeyn ee loo Baahan yahay ........ 31
Xeer-nidaamiyaha 24aad: Soo-sheegista Fal-dembiyeedyada ................................................................. 32
Xeer-nidaamiyaha 25aad: Badeecadaha iyo Adeegyada Cusub ............................................................... 33
Xeer-nidaamiyaha 26aad: Nidaamyada Xakameeyayaasha Gudaha, Mas’uulka U-hoggaansanka iyo Hantidhowrka ........................................................................................................................................... 33
CUTUBKA 7aad: HAYNTA DIIWAANNADA, TALLAABOOYINKA KA DHANKA AH IYO CAWAAQIBTA ............................................................................. 35
Xeer-nidaamiyaha 27aad: Haynta Diiwaannada loo baahan yahay ......................................................... 35
Xeer-nidaamiyaha 28aad: Dalalka Halista BADAN .................................................................................... 36
Xeer-nidaamiyaha 29aad: U-hoggaansanka xeer-nidaamiyaha AML/CFT ee Qabashada iyo La wareegista Hantida ..................................................................................................................................................... 36
Xeer-nidaamiyaha 30aad: Ilaalinta/Dhawrista Sirta ................................................................................. 37
Xeer-nidaamiyaha 31aad: Tabobarka iyo Wacyiga Macaamiisha............................................................. 37
Xeer-nidaamiyaha 32aad: Kormeerka Goobta ......................................................................................... 38
Xeer-nidaamiyaha 33aad: La shaqaynta Sharci Fulinta ............................................................................ 39
Xeer-nidaamiyaha 34aad: Ciqaabaha iyo Cunaqabataymaha .................................................................. 39
Xeer-nidaamiyaha 35aad: Hay’adaha Maaliyadeed ee Shisheeye ee Rukhsadda ka haysta Soomaaliya 41
Xeer-nidaamiyaha 36aad: Mas’uuliyaadka Ururrada Xirfadeed ee Hay’adaha Maaliyadeed .................. 41
Lifaaq I: Dadka Laga Yaabo inay Siyaasadda Ku lug leeyihiin (PEPS) ........ 42
LIFAAQA II:DOKUMENTIYADA UGU YAR EE LOOGA BAAHAN YAHAY MACAAMIISHA KALA DUWAN SIDA AY DHIGAYAAN XEER-NIDAAMIYAYAASHA AML/CFT ................................................................ 42
LIFAAQ III-TUSAALAYAASHA XAALADAHA HALISTA BADAN IYO KUWA HALISTA YAR EE U BAAAHAN KA DIGTOONAANSHO HUFAN OO ADEEGGA MACMIILKA EE LA SII XOOJIYAY AMA LA FUDAYDIYAY ........................... 44
LifaaqaIV: Lacag-dhigista iyo Maalgelinta Argagixisada (Calamada Cas) .. 47
Lifaaq V: Qeexitaanka Ereyada Sharciga .................................................. 49
LifaaqaVI: Foomka Warbixinta Dhaqdhaqaaqa Shakiga leh (STRs) ......... 53
4 | P a g e
EREYADA LASOO GAABIYAY
AML - Anti-Money Laundering / Ka-dhan ah Lacag-dhaqidda
AMLRO - Anti-Money Laundering Reporting Officer /Mas’uulka
Warbixinaya ee Ka-dhanka ah Lacag-dhaqidda
ATM - Automatic Teller Machine /Mashiinka Otomatigga ah ee
Lacagta Lagala baxo
CBS - Central Bank of Somalia / Bankiga Dhexe ee Soomaaliya
CDD - Customer Due Diligence / Taxadarka Hufan ee Adeegga
Macmiilka
CFT - Combating of the Financing of Terrorism / La dagaalanka
Maalgelinta Argagixisada
CTR - Cash Transaction Report / Warbixinta Dhaqdhaqaaqa Kaashka
FATF - Financial Action Task Force / Guddiga Farsamo ee Hawlgallada
Maaliyadeed
FRC - Financial Reporting Center/ Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed
KYC - Know Your Customer / Baro Macmiilkaaga
LCT/LCTR - Large Cash Transaction Report / Warbixinta Dhaqdhaqaaqa
Kaashka Badan
LEA - Law Enforcement Agency / Hay’ad Sharci Fulineed
ML - Money Laundering /Lacag-Dhaqid
MTBs - Monet Transfer Businesses / Ganacsiyada Xawilaadda Lacagta
NGO - Non-Governmental Organisation / Urur aan Dowli Ahayn
NIC - National Identity Card / Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka
NPOs - Non-profit Organizations/Ururrada aan Faa’iido Doonka Ahayn
PEP - Politically Exposed Person / Qof Ku Lug leh Siyaasadda
STR - Suspicious Transaction Report/Warbixinta Dhaqdhaqaaq Tuhun
leh
TF - Terrorist Financing / Maalgelinta Argagixisada
5 | P a g e
CUTUBKA 1aad: GOGOL-DHIG GUUD
1.0. HORDHAC
1.1 Awoodda xeer-nidaamiyaha
Lacag-dhaqidda (ML) iyo maalgelinta argagixisu (TF) waxay noqdeen mushkilado
caalamku ka siman yahay, waxaana beryahan dambe isa soo taraysay garawsashada
in lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisadu khatar ku yihiin nabadda iyo
ammaanka caalamka. Tani waxay sidoo kale mijoxaabin kartaa ka soo kabashada
Soomaaliya ee dagaallada iyo sidoo kale horumarkii la sameeyay. Waxaa la sameeyay
dadaallo caalami ah oo isku-xiran oo lagula dagaalamayo dembiyadan maaliyadeed.
Taasi waxay keentay in cadaadis isa soo taraya oo joogto ahi fuulo hay’adaha
maaliyadda si loo sii wanaajiyo tallaabooyinka hay’adahaas ee ka hortagga,
nidaamyada iyo xakameeyayaasha lagu ogaanayo, lagaga hortagayo, lagagana fal-
celinayo khatarta lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
Xeer-nidaamiyahan AML/CFT oo daba socda dhaqan-gelinta Xeerka La-dagaallanka
Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada, 2006, waxay Soomaaliya ka helaysaa
baraarujinta ay uga baahan tahay la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo maalgeinta
argagixisada. Xeerka AML/CFT, 2016 iyo Xeer-nidaamiyahan AML/CFT waxay
waxtar miro-dhal noqonayaan oo keli ah marka ay wadashaqeeyaan Xarunta
Warbixinnada Maaliyadeed (FRC), Bankiga Dhexe ee Soomaaliya(CBS) iyo hay’adaha
kale ee awoodda u leh, iyo sidoo kale markay hay’adaha maaliyadeed ee rukhsadda
haystaa u hoggaansamaan.
Xeer-nidaamiyahani waxa ku jira dhinacyada looga maarmi waayey ee xeerka
AML/CFT 2016, Soo-jeedimaha FATF iyo dhaqannada kale ee wanaagsan ee
caalamiga ah ee la xiriira La-dagaalanka Lacag-dhaqidda iyo Maal-gelinta
Argagixisada (AML/CFT). Si xeer-nidaamiyahani uga dheeraado madmadowga,
saafid dheeraad ahna loo bixiyo, xeer-nidaamiyaha waxaa la socdo Lifaaqyo waxtar
leh oo ku saabsan arrimaha ay ka mid yihiin: Taxadarka Waafiga ah ee Adeegga
Macmiilka (CDD), Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada (calaamadaha) iyo
Dadka ku Lug Leh Siyaasadda, si hay’adaha looga taageero buuxinta shuruudaha la-
dagaalanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (AML/CFT). Hay’adaha maaliyaddu mar kasta waxay u beylahsan yihiin haliso lacag-dhaqid oo
kala duwan iyo waxyeello maaliyadeed iyo sumcadeed oo weyn, haddii ayna si
munaasib ah u maareyn halisaha AML/CFT. Hirgelinta taxadarka waafiga ah ee
6 | P a g e
adeegga macmiilku ma dhimayo oo keli ah halista in hay’adaha maaliyadeed ee
rukhsadda haysta looga faa’iideysto dhaqidda lacagaha laga sameeyo dembiyada,
balse waxa uu sidoo kale ka ilaalinayaa hay’adahaas khiyaanada, khasaaraha
sumcadeed iyo maaliyadeed. Sidaas darteed, hay’adaha maaliyadeed waxaa looga
baahan yahay inay qaataan habraac halis ku dhisan marka ay aqoonsanayaan ee ay
maareynayaan halistooda AML/CFT.
1.2 Heerka awoodda xeer-nidaamiyaha
Xeer-nidaamiyahani waxa lagu dhaqayaa hay’adaha maaliyadeed sida bankiyada,
ganacsiyada xawilaadda lacagta (MBS) iyo xafiisyada sarrifka lacagaha qalaad ee ka
furan Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya sida lagu qeexay xeerka AML/CFT
2016. Xeer-nidaamiyahani waxa uu dejinayaa shuruudaha loo baahan yahay ee la
dagaalanka lacag-dhaqidda iyo maalgalinta argagixisada. Waxa uu koobayaa
dhinacyada siyaasadda ee AML/CFT ee ay ka mid yihiin: magacaabista iyo
waajibaadka Mas’uulka Warbixinnada Maaliyadeed ama Madaxa u Hoggaansanka,
waajibka ah in lala shaqeeyo hay’adaha kormeerka sida Xarunta Warbixinnada
Maaliyadeed (FRC) iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, habraacyada Taxadarka Hufan
ee Adeegga Macmiilka (CDD), warbixinnada loo baahan yahay, haynta diiwaannada
(diiwaan-gelinta), siyaasadaha iyo habraacyada gudaha, tabobarka hawl-
wadeennada AML/CFT, kala-shaandheynta iyo barnaamijyada.
1.3 Ujeeddada Xeer-nidaamiyaha:
Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (FRC) waxay ka doonaysaa dhammaan
hay’adaha maaliyadeed ee rukhsadda ka haysta Bankiga Dhexe, gaar ahaan
bankiyada iyo ganacsiyada xawilaadda lacagaha inay dejistaan tallaabooyin ka-
hortag, nidaamyo, xakameeyeyaaal iyo dhaqanno ay ku maareeyaan halisaha lacag-
dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada (ML/CFT). Waa waajib in hay’adaha
maaliyadeed ee ka shaqeeya Soomaaliya ay yeeshaan xakameeyayaal iyo habraacyo
lagu qanco oo ay ku ogaadaan macaamiisha ay xiriirrada ganacsi la leeyihiin. Qof
kasta ama hay’ad kasta oo hor istaagta ama diidda inay kala shaqeyso FRC-da ama
hay’adaha kale ee awoodda u leh gudashada sharciga ah ee waajibkooda, waxa uu
galeen fal-dembiyeed. Waxaa lagu qaadayaa ganaaxyada iyo ciqaabaha munaasibka
ah ee maamul, madaniga ah ama kuwa fal-dembiyeed ee ku xusan Qaybta IV ee
Xeerka La-dagaalanka Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada 2016.
1.4 Ahdaafta iyo Yoolasha Xeer-nidaamiyaha
Ahdaafta iyo Yoolasha xeer-nidaamiyuhu waa ogaanshaha, ka caajis-gelinta iyo kala-
daadinta lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee ka dhacaya meel kasta oo
hoos imanaysa awoodda FRC-da. Yoolasha xeer-nidaamiyahan waxaa sidoo kale ka
7 | P a g e
mid ah in hay’adaha maaliyadeed laga ilaaliyo in looga faa’iideysto hawlaha dembi
ee maaliyadeed, sidaas darteedna loo dhowro sumcaddooda, hoosna loo dhigo/la
dhimo halisaha hawlgalladooda. Hay’adaha maaliyadeed waxaa looga baahan yahay
inay si buuxda ula shaqeeyaan xeer-nidaamiyahan, waajibkoodana ka gutaan la
dagaalanka dembiyada maaliyadeed, gaar ahaan inay bixiyaan xog horseedi karta
dembi-baarista iyo maxkamadaynta lacag-dhaqeyaasha iyo dadka maalgeliya
argagixisada. Wadashaqeynta hay’adaha maaliyadda, Xarunta Warbixinnada
Maaliyadda (FRC) iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) iyo hay’adaha kale ee
awoodda u leh waxay ugu dambeyntii horseeddaysaa sugidda amaanka maaliyadeed
ee dalka.
Sidaas darteed, hay’adaha maaliyadda waxaa looga baahan yahay inay u
hoggaansamaan shuruudaha iyo mas’uuliyaadka uu dhigayo xeer-nidaamiyahan. U
hoggaansamidda halbeegyada xeer-nidaamiyahani dejiyay waxaa kormeeraya
hay’adaha awoodda u leh iyagoo adeegsanaya baaritaannada goobta shaqada ah iyo
gorfeynta xogta.
Xeer-nidaamiyahan, arrimaha uu ka doonayo hay’adaha maaliyadda waxaa ka mid ah in ay:
a) dejistaan siyaasado, habraacyo, iyo xakameeyayaal ka hortaga dhicitaanka
fal-dembiyeedyada maaliyadeed.
b) si wax-ku-ool ah u ogaadaan/bartaan macaamiishooda.
c) siyaasado ka yeeshaan aqbalaadda macaamiisha, kuwaas oo si cad u
muujinaya xaaladaha macmiilka loo diidayo in xiriir ganacsi lala sameeyo.
d) hayaan diiwaannada dhaqdhaqaaqyadooda.
e) magacaabaan mas’uulka u hoggaansanka xeerarka la-dagaalanka lacag-
dhaqidda oo mas’uul ka ah meelmarinta siyaasadaha, habraacyada iyo
xakameeyayaasha.
f) Madaxda u Hoggaansanku ka mid noqdaan maamulka, iyo in lagu tabobaro
halbeegyada FRC si ay u gutaan waajibaadkooda sida uu dhigayo xeer-
nidaamiyahan.
g) FRC-da u gudbiyaan warbixinnada dhaqdhaqaaqyada kaashka ah ee badan
iyo dhaqdhaqaaqyada shakiga leh.
Macnaha erey-bixinnada iyo ereyada sharciga ah ee ku jira xeer-nidaamiyahan oo ay
kala siman yihiin Xeerka AML/CFT 2016 (haddii aan mowduuca ama siyaaqu u
yeelaynin macno kale) waxaa lagu taxay Lifaaqa V.
8 | P a g e
CUTUBKA 2aad: Hagayaasha AML/CFT
Xeer-nidaamiyaha 1aad: Siyaasadaha iyo Habraacyada iyo Xakameeyayaasha
Hay’adaha maaliyadeed waa inay buuxiyaan arrimahan looga baahan yahay:
1.1. Waa inay dejistaan siyaasado, habraacyo, nidaamyo iyo xakameeyayaal
gudaha ah oo ku saleysan halista oo ay kula dagaalamaan lacag-dhaqidda
iyo maalgelinta argagixisada. Siyaasadaha iyo xakameeyayaasha guduhu
waa inay caddeeyaan siday hay’adda uga go’antahay u hoggaansanaanta
xeer-nidaamiyahan iyo Xeerka AML/CFT 2016, si looga hortago
mucaamalaadka suurtogelinaaya ML/FT.
1.2. Siyaasadaha iyo xakameeyayaasha guduhu waa inay dembiilayaasha ka
caajis-geliyaan in ay hay’adahan u adeegsadaan lacag-dhaqidda iyo
maalgelinta argagixisada. Waa inay si cad u tilmaamaan xaaladaha
macmiilka la diidayo, lagana hor istaagayo in uu xiriir ganacsi la sameeyo
hay’adda.
1.3. Hay’adaha maaliyadeed waa inay hubiyaan in siyaasadaha, habraacyada,
nidaamyada iyo xakameeyayaashooda guduhu ay maraan baaritaan iyo
qiimeyn madax-bannaan. Nuqul qoran oo siyaasadahaas iyo
habraacyadaaas ah waa in la siiyaa baarayaasha FRC, si hay’adda kormeerku
ugu qanacdo in siyaasadda loo hirgeliyey qaab gaarsiisan halbeegyadeeda.
1.4. Siyaasadaha iyo habraacyada guduhu waa inay awood u leeyihiin inay
aqoonsadaan oo la tacaamulaan xawilaadaha qaabka elektrooniga ah
iyadoon xog dhammaystiran laga helin cidda ay ka timid. Xogta cidda
xawilaaddu ka timid ee aan dhammeyskatirnayni waa inay dhalisaa
qiimeynta dhaqdhaqaaqa tuhunka leh iyo in laga fikiro in loo gudbiyo FRC-
da.
1.5. Siyaasadaha, habraacyada, nidaamyada iyo xakameeyayaasha gudaha waa
inay isla-qaataan Guddiga Sare ee Agaasimayaasha ee Hay’adda
Maaliyadeed. Waa inay ku habboonaataa baaxadda hay’adda iyo isku-
dhafnaanta shaqadeeda.
1.6. Siyaasadaha, habraacyada, nidaamyada iyo xakameeyayaasha guduhu waa
inay ka dhaqan-galaan dhammaan laamaha hay’adaha ee dalka gudihiisa
iyo dibaddiisa, iyo ganacsiyada kale ee hay’addu ku leedahay saamiga ugu
badan.
9 | P a g e
1.7. Siyaasadaha, habraacyada iyo xakameeyayaashu waa inay ku koobsadaan
qiimeynta halista macmiilka, badeecadda, adeegga, goobta, iyo hababka
gudbinta adeega, iyo sido kale mucaamalaadka/dhaqdhaqaaqa.
1.8. Hay’aduhu waa inay hubiyaan hirgelinta tallaabooyinka taxadarka hufan ee
adeegga macmiilka, aqoonsiga iyo xaqiijinta macmiilka ama milkiilaha
faa’iidaya, oo ay ka mid yihiin macmiilka marka keliya ama macmiilka
marmarka ah, iyo dadka siyaasadda ku lugta leh (PEP).
1.9. Waa inay hayaan diiwaannada iyo xogta laga helo hannaanka CDD-ga iyo
xogta dhaqdhaqaaqyada.
1.10. Hay’aduhu waa inay la socdaan dhaqdhaqaaqyada, oo ay ku jiraan
aqoonsiga iyo la socoshada dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn ama
shakiga leh.
1.11. Dejinta siyaasadaha, habraacyada iyo xakameeyayaasha gudaha waa
inay la socotaa magacaabista madaxa u hoggaansanka oo ka tirsan
maamulka sare ee hay’adda, si loo hubiyo u hoggaansanka qodobada
Sharciga Dembiyada ee Ka dhanka Lacag-dhaqidda iyo Faa’iidada Ka
Dhalata Dembi.
1.12. Hay’aduhu waa inay hubiyaan hirgelinta habraacyo kala-shaandhayn
oo lagu qanco si loo hubiyo in la buuxiyay halbeeg sare marka la qorayo
shaqaalahan, iyadoo la siinayo barnaamijyo tabobar iyo tabobarro joogto in
la siiyo shaqaalaha hore u joogay, agaasimayaasha, xubnaha Guddiga Sare,
maamulka fulinta ama kormeerka.
1.13. Hay’adaha maaliyadeed waa inay hubiyaan buuxinta halbeegyo sare
marka ay qoranayaan shaqaalaha. Waa inay dadaalkan kamid noqotaa
shuruudo u gaar ah shaqaalaha qabanaya boosaska maamul ama kuwa loo
arko inay u dhow yihiin halista lacag-dhaqidda ama maalgelinta
argagixisada.
1.14. Waa inay FRC-da u gudbiyaan dhaqdhaqaaqyada shakiga leh iyo kuwa
xadkii loo dhigay gaaray, shaki ha lahaadaan ama yay lahaanin.
Xeer-nidaamiyaha 2aad: Magacaabista Mas’uulka ka warbixiya AML/CFT iyo Hantidhowraha Gudaha
2.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay dejiyaan barnaamij u hoggaansanka xeerarka
oo munaasib ah. Waa in barnaamijku koobsadaa, ugu yaraan, magacaabista
mas’uul heer maamul ah oo ah Madaxa U Hoggaansanka (CCO) sida uu dhigayo
xeer-nidaamiyahani.
2.2 CCO-ga iyo kooxdiisu waxay si gaar ah mas’uul uga noqonayaan dejinta iyo
hirgelinta tallaabooyinka AML/CFT ee ku jira xeer-nidaamiyahan.
10 | P a g e
Xakameeyayaasha guduhu waa inay hubiyaan in FRC-da loo gudbiyay
warbixinnada loo baahan yahay.
2.3 Khasab ma aha in mas’uulka AML/CFT uu qabto shaqada u hoggaansanka oo
keli ah. Waxa uu hay’addiisa u qaban karaa shaqooyin aan la xiriirin u
hoggaansanka AML/CFT.
2.4 Mas’uulka AML waa in uu magacaabaa hantidhowre gudaha ah oo gaar ah, kaas
oo mas’uul ka noqda la socoshada hirgelinta siyaasadaha iyo habraacyada
gudaha.
2.5 Hantidhowruhu waa in uu sidoo kale mas’uul ka noqdaa qiimeyntaa guud ee in
barnaamijka ka dhanka ah lacag-dhaqiddu ku filan yahay hawshaas, isagoo
tixgelinaya halisaha lagu ogaado qiimeynta halista ee gudaha. Waxa uu sidoo
kale mas’uul ka yahay qiimeynta in hay’addu u hoggaansanto siyaasadaheeda
iyo habraacyadeeda AML iyo xeer-nidaamiyayaasha FRC.
2.6 Hantidhowraha guduhu waa in uu toos u hoos tagaa Guddiga Sare ee
maareeyayaasha ee hay’adda maaliyadda. Warbixinnadiisu waa inay taabtaan
heerka mas’uulka u hoggaansanku ka hirgeliyo siyaasadahaas iyo
habraacyadaas.
2.7 Shaqaaluhu waa inay helaan tabobarro ku filan, si loo hubiyo inay ka war hayaan
horumarka cusub iyo farsamooyinka ML iyo TF ee cusub.
Xeer-nidaamiyaha 3aad: Sameynta Qiimeynta Halista
3.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay yeeshaan hannnaano lagu ogaado,
qiimeeyo, lagula socdo, laguna dhimo halisaha lacag-dhaqidda iyo
maalgelinta argagixisada. Sidaas darteed, waa inay si waxtar leh u
qiimeeyaaan halista lacag-dhaqid ama maalgelin argagixiso ee uu leeyahay
xiriir kasta ama mucaamalo marmar ahi iyadoo la eegayo nooca macmiilka,
xiriirka, badeecadda ama dhaqdhaqaaqa. Qiimeynta iyo gorfaynta halista,
iyo xog kasta oo lagu saleeyo waa in lagu diiwaangeliyaa qoraal, la
cusboonaysiiyo mar kasta, loona gudbiyaana FRC-da ama marka ay codsato
hay’ad kasta oo awood u leh.
3.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay awoodaan inay u muujiyaan FRC-da iyo
hay’ad kasta oo kale oo awood u leh in tallaabooyinkooda CDD-du ay yihiin
11 | P a g e
munaasib marka la eego halisaha lacag-dhaqidda iyo maalgelinta
argagixisada, iyo weliba inay xog ku filan ururiyeen markay sameynayeen
qiimeynta halista.
3.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay hayaan oo cusboonaysiiyaan diiwaan
qiimeyneedka halis kasta. Waa inay diiwaannadaas u gudbiyaan FRC-da iyo
marka ay ka codsato hay’ad kasta oo awood u leh.
3.4 Hay’adaha maaliyadeed waa inay tixgeliyaan qodobadan soo socda marka
ay sameynayaan qiimeynta halista.
a) Xogta macmiilka oo dhammaystiran, oo ay ku jirto nooca ganacsigiisa,
xirfadda ama dhaqdhaqaaqa mucaamalada ee laga filayo. b) Dalalka macaamiishu ka shaqeeyaan ama meelaha ay ka soo bilaabanto
dhaqdhaqaaqu ama meesha ay u jeeddo. c) Isha iyo meesha ay ka imanayso lacagta macmiilku iyo hilinnada loogu
gudbinaayo adeegga. d) Ujeeddada xisaabta bankiga ama xiriirka iyo badeedacadaha iyo adeegyada
macmiilku codsaday (halisaha lala xiriirin karo badeecadaha iyo adeegyada la bixiyo).
e) Qiimeynta halisaha la xiriira xajmiga dhaqdhaqaaqa ama lacag-dhigashada macmiilka.
f) Qiimeynta halisaha la xiriira soo noqnoqodka mucaamalada/dhaqdhaqaaqa iyo muddada xiriirka.
3.5 Hay’adaha maaliyadeed waa inay fiiro dheer u yeeshaan halisaha lagu xusay
xeer-nidaamiyaha 3aad, gaar ahaan marka ay naqshadaynayaan ama
hirgelinayaan siyaasadaha iyo habraacyada aqoonsiga macmiilka. Sidaas
darteed, hay’adaha maaliyadeed waa inay hirgeliyaan tallaabooyinka soo
socda si ay u maareeyaan, una dhimaan halisaha lacag-dhaqidda iyo
maalgelinta argagixisada:
a. Inay xog dheeraad ah ka helaan macmiilka, milkiilaha faa’iidaya, qofka
ka faa’iidaya iyo dhaqdhaqaaqa la fuliyay.
b. Inay helaan dokumentiyada loo arko lagama maarmaan ee macmiilka
suurtogalka ah, si loo qiimeeyo halista macmiilka. Dokumentiyadaas
waxaa kamid ah xisaabaadka sanadlaha ah, bayaannada maaliyadeed ee
ka taageeri kara helitaanka tafaasiisha dhaqdhaqaaqiisa, ilaha iyo
adeegsiga lacagaha.
c. Dejinta warbixinta macmiilka iyo dhaqdhaqaaqa ee ku salaysan halista.
Warbixinta macmiilku waa inay ku dhisnaataa aqoon ku filan oo laga
haysto macmiilka oo ay kamid tahay ganacsiga laga filayo in macmiilku
12 | P a g e
la sameeyo hay’adda maaliyadeed, iyo marka laga maarmaynin, ilaha
lacagta iyo hantida macmiilka.
d. Macaamiisha halista badan inay mariyaan ka taxadarka hufan ee adeegga
macmiilka ee la sii xoojiyay.
e. Si joogto ah inay u cusboonaysiiyaan xogta macaamiisha.
f. Qaadaan tallaabooyinka kale ee ay soo jeediso FRC-du ama CBS.
3.5 Lifaaqa III ayaa lagu taxay tusaalayaal xaalado halis badan iyo kuwo halis
yar oo u baahan Ka Taxadarka Hufan ee Adeegga Macmiilka ee la xoojiyay
ama la fudaydiyay.
CUTUBKA 3aad: Ka Taxadarka Hufan ee Adeegga Macmiilka (CDD)
Xeer-nidaamiyaha 4aad:Arrimaha looga baahan yahay aqoonsiga macmiilka iyo adeegga hufan ee adeegga macmiilka (CDD)
Kuwani waxay kamid yihiin tusaalayaasha xaaladaha loo baahan yahay in
tallaabooyinka CDD la dhaqangeliyo iyadoo ujeedadu tahay aqoonsiga
macmiilka:
4.1 Hay’adaha maaliyadeed waa in aanay furin ama yeelan xisaab banki oo
qarsoon ama xisaab banki in lagu furto magac been ah. Waa inay sidoo kale
meel dhigaan nidaam diiwaangelin, oo loogu talogaly aqoonsiga
macaamiisha iyo xaqiijinta haybtooda marka mucaamalad loo sameynayo.
4.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si ay u
hubiyaan in macaamiisha loo aqoonsado si munaasib ah marka shaki
yimaaddo, ama marka laga shakiyo in macmiilku ku lug leeyahay lacag-
dhaqid ama maalgelinta argagixisada.
4.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay hubiyaan inay ogyihiin haybta dhabta ah
ee macaamiishooda oo ay aqoon waafi ah u leeyihiin ganacsiga macmiilka
inta ayna la sameynin xiriir ganacsi. Waa inay ogaadaan milkiilayaasha
faa’iidaya.
4.4 Hay’adaha maaliyaddu waa inay adeegsadaan tallaabooyinka CDD-ga si ay
u aqoonsadaan macaamiisha si wax ku ool ah. Sidaas darteed, ka taxadarka
hufan ee adeegga macmiilka waa in la sameeyaa xaaladaha soo socda:
a) Marka la furayo xisaab banki ama macmiil lala bilaabayo xiriir ganacsi, marka laga reebo xaaladaha lagu sheegay xeer-nidaamiyaha 13aad ee xeer-nidaamiyayaashan (CDD-ga la fududeeyey).
13 | P a g e
b) Marka lala tacaamulayo macaamiisha marmarka ah iyo dhaqdhaqaaqyada halka mar ah ee le’eg ama ka badan xadka ugu sarreeya ee USD 10,000 ama inta u dhiganta ee lacagaha kale.
c) Mar kasta oo shaki ka yimaado ku kalsoonida ama ku-filnaanshaha xogtii aqoonsiga ee macmiilka hore looga hayey.
d) Xaaladaha kale ee uu jiro shaki lacag-dhaqid iyo/ama maalgelin aragixiso, iyada oo aan loo eegaynin xadkii in la gaaray.
e) Mar kasta oo la dirayo ama la helayo lacag kaash ah inta ay doonto ha noqotee, ama dhaqdhaqaaq kasta oo xaddiga kasta ah oo looga shakiyo lacag-dhaqid ama maalgelin aragixiso.
Xeer-nidaamiyaha 5aad: Tallaabooyinka CDD ee Sameynta Xiriirka Ganacsi
5.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay qaadaan tallaabooyinkan taxadarka hufan
ee adeegga macaamiisha marka ay yagleelayaan xiriirrada ganacsi:
a) Aqoonso macmiilkaaga iyo milkiilayaasha faa’iidaya, xaqiiji aqoonsigooda/haybtooda adiga oo adeegsanaya ilo madaxbannaan oo lagu kalsoonaan karo.
b) Aqoonso oo xaqiiji cid kasta oo wakiil ka ah macmiilka, iyo in ciddaas awood loo siiyay inay wakiil noqoto.
c) Fahan oo si munaasib ah xog uga hel ujeeddada iyo dabeecadda looga dan leeyahay xiriirka ganacsi.
d) Hel lambarka aqoonsiga canshuurta ee macmiilka (TIN) iyo bayaannada canshuurta (haddii ay ku dabbaqmayso), xaaladaha shakhsiyaadka sharciga ahna bayaanno maaliyadeed oo hantidhowr lagu sameeyay iyo faahfaahinta shakhsiga.
e) La soco xiriirka ganacsi si joogto ah, baaritaan ku samee dhaqdhaqaaq kasta oo la sameeyay si loo hubiyo inay waafaqsan yihiin aqoonta loo leeyahay macmiilka, dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo warbixanada haliseed, iyo marka loo baahdo isha lacagaha.
f) Macmiilku marka uu yahay Shakhsi Qaanuuni ah waxaa loo baahan yahay fahanka iyo diiwaangelinta qaab-dhismeedka mulkiyadda iyo maamulka ee macmiilka.
5.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay dadaal macquul ah ku bixiyaan aqoonsiga iyo
xaqiijinta haybta macaamiisha marka lala sameynayo xiriir ganacsi. Taas awgeed, macaamiisha kala duwan waxaa laga qaadayaa dokumentiyo kala duwan sida lagu sheegayo Lifaaqa II.
5.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay xogtan soo socda helaan, xaqiijiyaan, oo ku
diiwaangeliyaan foomka KYC/CDD ama foomka furashada xisaabta bankiga si macmiilka loo aqoonsado, loona mariyo ka taxadarka hufan ee adeegga.
14 | P a g e
a) Magaca oo dhammaystiran sida uu ugu yaallo dokumentiga haybta/aqoonsiga;
b) Baasaboorka Asalka ah ama Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka marka macmiilku yahay qof dabiici ah, diiwaangelinta ama lambarka shirkadaynta ama lambarka diiwaangelinta ganacsiga (marba kan ku habboon);
c) Cinwaanka goobta degganaanshaha ee u diiwaangashan ama cinwaanka ganacsiga (sida loogu baahdo), lambarka taleefoonka iyo email-ka (marba sida ku habboon);
d) Taariikhda dhalashada, shirkadeynta ama diiwaangelinta ganacsiga (marba sida ku habboon);
e) Jinsiyadda ama goobta dhalashada, shirkadeynta ama diiwaangelinta (marba sida ku haboon);
f) Nooca ganacsiga, degaanka ku lugta leh; g) Ujeeddada xisaabta bankiga ama nooca xisaabta bankiga. h) Isha lacagaha ama isha laga kasbaday lacagaha.
5.4 Hay’adaha maaliyadeed waa inay helaan oo ay hayaan diiwaanka xogta iyo
dokumentiyada muujinaya inay ku qanacsan yihiin in la ogyahay oo la xaqiijiyey aqoonsiga milkiilaha faa’iidaya ee xisaabta bankiga ama lacagaha.
5.5 Iyadoo ku saleysan heerka halista iyo u daneynta kobcinta helitaanka adeegyada maaliyadeed, waa in aqoonsiga qofka dabiiciga ah lagu xaqiijiyaa kaarka aqoonsiga muwaadinka, baasaboor, ama shahaado dhalasho oo asal ah, ama xog iyo dokumentiyo kale oo lagu kalsoonaan karo sida lagu faahfaahiyayLifaaqa II.
Xeer-nidaamiyaha 6aad: Aqoonsiga iyo Xaqiijinta Shakhsiyaadka Qaanuuniga ah
6.1 Hay’adaha maaliyadeed ee ay khusaysaa waa inay xaqiijiyaan aqoonsiga
macaamiishooda. Marka macmiilku yahay shakhsiyad qaanuuni ah, haybta
dadka dabiiciga ah ee ka mas’uulka ah waa in laga xaqiijiyaa hay’adaha ku
shuqulka leh, ama ilo madaxbannaan oo lagu kalsoonaan karo. Waa in la
hayaa diiwaannada dokumentiyada tixraaca ah ee loo adeegsaday xaqiijinta
iyo aqoonsiga.
6.2 Hay’adda maaliyadeed waa inay ku qanacdaa in macmiilku yahay qofka uu
sheeganayo. Marka waraaq bayaan ah laga qabto qof xirfadle ah, waa in
waraaqda ay ku jirtaa lambar taleefoon oo lagala xiriiri karo si loo xaqiijiyo.
6.3 Hay’adda maaliyadeed waa inay il madaxbannaan ka xaqiijiso xogta uu
bixiyey qofka xirfadlaha ahi.
15 | P a g e
6.4 Nuqullo la akhrin karo waa in laga reebaa aqoonsiga iyo dokumentiyada
taageeraya aqoonsiga, macmiilku ha noqdo qof dabiici ah ama shakhsiyad
qaanuuni ah. Bog kasta oo kamid ah nuqulladaas waa in laga helaa saxiixa
ama calaamadaha faraha ee macmiilka.
6.5 Hay’adaha maaliyadeed waxay u dejisan karaan shuruudo dheeraad ah
aqoonsiga iyo xaqiijinta macaamiisha shakhsiyaadka caadiga ah.
6.6 Hay’adaha maaliyadeed waa inay xaqiijiyaan in qof dabiici ahi sheeganayo
in uu wakiil ka yahay macmiil ah shakhsiyad qaanuuni ah ama heshiis
sharci. Shakhsiyaadka qaanuuniga ah waxaa looga baahan yahay arrimaha
ay ka mid yihiin:
a) Magaca, foom sharci ah iyo caddaynta jiritaanka shakhsiyadda
sharciga ah.
b) Goobta ay ku taallo xarunta ugu weyn ee ganacsiga shakhsiyadda
qaanuuniga ah.
c) Go’aanka Guddiga Sare ee Agaasimayaasha ee furitaanka xisaabta
banki iyo aqoonsiga shakhsiyaadka awoodda u leh maamulka
xisaabta iyo magacyada dadka haya xilalka maamul ee sare.
d) Boostada iyo cinwaanka boostada ee u diiwaangashan shakhsiyadda
qaanuuniga ah.
e) Nooca iyo ujeeddada ganacsiga.
f) Aqoonsiga milkiilaha faa’iidaya.
Xeer-nidaamiyaha 7aad: Aqoonsiga iyo Xaqiijinta Qofka Dabiiciga ah ee Wakiilka ka ah Macmiil
7.1 Shakhsiyaadka dabiiciga ah waa in hay’adaha maaliyaddu xaqiijisaa aqoonsiga looga
baahan yahay iyagoo adeegsanaya ilo, dokumentiyo, iyo xogo lagu kalsoon yahay oo
madaxbannaan sida lagu faahfaahiyay Lifaaqa II ee Xeer-nidaamiyahan.
7.2 Hay’adda maaaliyadeed ee ay khusayso waa inay aqoonsataa igmashada qof
kasta oo wakiil ka ah macmiil, waana inay xaqiijisaa wakiilashadaas iyadoo
adeegsanaysa caddaymo dokumentiyo ah oo uu kamid tahay saxiixu, si loo
hubiyo in macmiilku yahay shakhsiyad qaanuuni ah.
7.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay si joogto ah ula socdaan xiriirka ganacsi, oo
ay baaraan dhaqdhaqaaq kasta oo la sameeyo si loo hubiyo inay waafaqsan
16 | P a g e
tahay aqoonta loo leeyahay macmiilka, dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo
warbixinta halista, iyo marka loo baahdo, isha lacagaha.
7.4 Hay’aduhu waa inay fahmaan oo diiwaan geliyaan mulkiyadda iyo qaab-
dhismeedka maamulka macmiilka ah shakhsiyadda sharciga ah.
Xeer-nidaamiyaha 8aad: Aqoonsiga iyo Xaqiijinta Milkiilaha Faa’iidaya
Hay’adaha maaliyadeed waa inay tallaabooyin macquul ah u qaadaan sidii
ay xog uga heli lahaayeen milkiilayaasha faa’iidaya, si ay u aqoonsadaan oo
u xaqiijiyaan aqoonsiga dhabta ah ee milkiilayaasha faa’iidaya.
8.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay qaadaan tallaabooyinka loo baahan yahay
si ay u ogaadaan in macmiilku naftiisa u shaqaysanayo iyo in uu wakiil ka
yahay milkiilayaal faa’iidaya.
8.2 Xaaladaha hay’adda maaliyadeed aragto in macmiilku wakiil ka yahay
milkiile faa’iidaya, waa inay qaadaan tallaabooyin maangal ah oo ay ku
xaqiijinayaan haybta milkiilaha faa’iidaya iyagoo adeegsanaya xogta ku
saabsan ama xogta laga helay ilo lagu kalsoon yahay si hay’addu ugu
qanacdo haybta milkiilaha faa’iidaya.
8.3 Tallaabooyinka lagu xaqiijinayo haybta iyo xogta/dokumentiyada looga
baahan yahay milkiilayaasha faa’iidaya waa inay waafaqsanaadaan kuwa
looga baahan yahay aqoonsiga macmiilka ee lagu xusay Lifaaqa II ee Xeer-
nidaamiyahan.
8.4 Marka macaamiishu yihiin shakhsiyaad qaanuuni ah oo kale, hay’adaha
maaliyaddu waa inay qaaddaan tallaabooyin ku filan ogaanshaha
mulkiyadda iyo qaab-dhismeedka maamul ee macmiilka, oo ay kamid tahay
haybta qofka dabiiciga ah ee ugu dambayn iska leh ama maamula hay’adda,
sida lagu faahfaahiyay hoos:
1. Hay’adahaas qaanuuniga ah, waa in la aqoonsadaa qof kasta oo dabiici
ah oo:
a) Iska leh ama si toos ah ama si dadban u maamula hay’adda
qaanuuniga ah;
b) Mas’uul ka ah maamulka hay’adda qaanuuniga ah; ama
c) Maamul ku leh hay’adda qaanuuniga ah isagoo u maraya qaab
kale.
17 | P a g e
2. Marka la eegayo heshiisyada sharciga ah, waa in la aqoonsadaa qofka
heshiiska gelaya/ka tanaasulaya milkiyadda, qofka ammaanada
haynaya, ilaaliyaha iyo cidda ka faa’iideysa ama dadka ku jira
boosaaskaas oo kale.
8.5 Ururrada aan Dowliga ahayn (NGOs) iyo Ururrada aan Faa’iido-doonka
ahayn (NPO), hay’adda maaliyadeed waa inay sidoo kale ku qanacdaa in
ujeeddadoodu tahay mid sharci ah, iyadoo qabanaysa arrimaha, ay ka mid
yihiin, qiimeynta axdiga ururka iyo dokumentiga maamulka.
Xeer-nidaamiyaha 9aad: Tallaabooyinka CDD ee Macaamiisha marmarka ah iyo Dhaqdhaqaaqyada Marka Keliya ah.
9.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay:
a) Markay u shaqaynayaan macaamiisha marmarka ah iyo
dhaqdhaqaaqyada marka keliya ah:
I. Macmiilka ka qabtaan nuqulka kaarka aqoonsiga muwaadinka
ama baasaboor, waana inay ka buuxiyaan foomka LCT marka
dhaqdhaqaaqu le’egyahay ama ka badan yahay xadka loo dhigay
ee ah USD 10,000 ama lacag kale oo u dhiganta; iyo
II. Inay qabtaan nuqulka kaarka aqoonsiga muwaadinka iyo/ama
baasaboor markay xawilayaan lacag iyadoon loo eegaynin xadka.
b) Qabtaan nuqulka kaarka aqoonsiga muwaadinka iyo/ama baasaboor
(iyadoon loo eegaynin xadka) marka ay sameynayaan dhaqdhaqaaqyada
qaabka elektroonigga ah ee macaamiisha marmarka ah ama marka keliya
ah.
9.2 Hay’adaha maaliyaddu waa in aanay oggolaan mucaamalaad in loo
sameeyo macmiilka diida in uu sheego haybtiisa dhabta ah ama aan
oggolayn in uu sheego isha ama halka lacagtu ka timid haddii
dhaqdhaqaaqu le’egyahay USD 10,000 ama lacag kale oo u dhiganta.
18 | P a g e
CUTUBKA 4aad: KA TAXADARKA HUFAN EE ADEEGGA MACMIILKA EE LA SII XOOJIYAY (ECDD)
Xeer-nidaamiyaha 10aad: Aqoonsiga iyo la Tacaamulka Dadka Siyaasadda ku Lugta Leh (PEPs)
PEPs waxaa lagu qeexaa ashkhaasta haya ama hore u hayay xilalka sarsare ee dowladda Soomaaliya ama dalal qalaad iyo dadka xiriirka la leh. Tusaalayaasha dadkan waxaa lagu taxay Lifaaqa 1aad.
10.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay siyaasado, habraacyo iyo xakameeyayaal gudaha
ah oo munaasib ah ka yeeshaan Dadka Ku Lugta Leh Siyaasadda iyo qoysaskooda ama dadka xiriirka la leh, si loo go’aamiyo in macmiilku ama milkiilaha faa’iidayaa yahay PEP. Haddii uu yahay sidaas, waxaa la marinayaa tallaabooyinkan CDD-ga ee dheeraadka ah:
a) Marka macmiilku ama milkiilaha faa’iidayaa yahay PEP waa in
oggolaansho laga helaa maamulka sare ka hor inta aan la bilaabin xiriir ganacsi, ama inta aan la sii wadin marka macmiilku ama milkiilaha faa’iidayaa gadaal ka noqdo PEP;
b) Waa in la qaadaa dhammaan tallaabooyinka loo baahdo si loo aqoonsado ilaha hantida iyo lacagaha macaamiisha ama milkiilayaasha faa’iidaya ee loo aqoonsado PEP;
c) Inta uu socdo xiriirka ganacsi, waa in lagu sameeyaa dabogal/la-socod la sii xoojiyay oo joogto ah.
10.2 Habraacyada lagu go’aaminayo in macmiilku ama milkiilaha faa’iidayaa yahay
PEP waa inay ku jiraan, balse ku koobnaan, arrimaha soo socda:
a) In xog ku saabsan laga raadiyo macmiilka ama milkiilaha faa’iidaya.
b) Helitaanka iyo qiimeynta xogta ku saabsan macmiilka ama milkiilaha
faa’iidaya ee laga helo il kasta oo lagu kalsoon yahay.
c) Baarista iyo helitaanka, haddii ay jiraan, xog-kaydiyeyaal (databases)- aan
sirta ahayn ama kuwa ganacsiga ee PEP-yada.
Xeer-nidaamiyaha 11aad: Xisaabaha Bankiyada ee NGO-yada, NPO-yada iyo Hay’adaha Khayriga ah
Marka ay xiriir la sameynayaan NGO-yada, NPO-yada iyo Hay’adaha Khayriga Ah,
hay’adaha maaliyadeed waa inay sameeyaan EDD si ay u hubiyaan in Xisaabaadkan
bankiga loo adeegsado ujeeddooyin sharci ah iyo in dhaqdhaqaaqyadu waafaqsan
yihiin ujeeddooyinka iyo ahdaafta hay’adda.
19 | P a g e
11.1 Xisaabta bankiga waa in loo furaa NPO-ga iyadoo la hubinayo in magaca
xisaabtu ay waafaqsan tahay kan ku qoran dokumentiyada hay’adda.
Ashkhaasta awoodda u leh inay maamulaan xisaabtan waa in la mariyaa
CDD la sii xoojiyay. Xisaabaha shakhsiga ah waa inaan la oggolaan in loo
adeegsado NPO-yada ama ururinta qaaraanka.
11.2 Waa in la qiimeeyaa oo lala socdaa dhammaan xiriirrada lala leeyahay NPO-
yada iyo Hay’adaha Khayriga Ah si loo hubiyo in ururradan iyo
saxiixayaashooda awoodda leh, xubnaha maamulkoodu iyo
milkiilayaashooda ka faa’iidayaa ay yihiin isla kuwa hay’adda qaaraanka
codsanaysa. Haddii uu jiro wax farqi ahi, waa in dhakhso xisaabta loogu
calaamadiyaa taxaddar, laga fikiraa in arrinta laga gudbiyo STR.
11.3 Haddii waajibaadka kor lagu xusay iyo xeer-nidaamiyayaasha xiriirka la leh
aan la fulin, hay’adda maaliyadeed waa in aanay xisaabta bankiga furin, ama
sii wadin xiriirka ganacsi, ama sameyn wax dhaqdhaqaaq ah. Markaas oo
kale, hay’adda warbixinta sameynaysaa waa inay Xarunta Warbixinnada
Maaliyadeed u gudbisaa warbixin dhaqdhaqaaq shaki leh.
Xeer-nidaamiyaha 12aad: Tallaabooyinka CDD ee la sii xoojiyay ee Halisaha ML iyo TF
12.1 Marka ay jiraan haliso ML ama TF, hay’adaha maaliyadeed waa inay
qaadaan CDD la sii xoojiyay, oo la jaanqaadaya halisaha la aqoonsaday.
Hay’adaha maaliyadeed waa inay sidoo kale kordhiyaan baaxadda iyo
nooca la-socoshada xiriirka ganacsi, si loo hubiyo mucaamalaadkaas ama
dhaqdhaqaaqyadaas u muuqda kuwa aan caadi ahayn ama kuwo shaki leh.
Waa in la tixgeliyaa in FRC-da loo gudbiyo iyo in kale.
12.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay u fiirsadaan iyagoo xog dheeraad ah ka
ururinaya macmiilka, xogtaas oo ay ka mid tahay sababta dhaqdhaqaaqa,
ujeeddada dhammaan dhaqdhaqaaqyada waaweyn ee isku-dhafan (LCT),
iyo dhammaan dhaqdhaqaaqyada leh hab-u-dhacyada aan caadiga ahayn ee
aan lahayn ujeeddo dhaqaale ama mid sharci ah oo cad.
12.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay tallaabooyinka ay ka mid yihiin kuwan
CDD ee la sii xoojiyay ka qaadaan xiriirrada ganacsi ee halisaha badan:
20 | P a g e
a) Xog dheeraad ah in laga helo macmiilka (tusaale ahaan xirfadda,
baaxadda hantida, xogta laga hayo macmiilka), iyo cusboonaysiinta
joogtada ah ee xogta aqoonsga macmiilka iyo milkiilaha faa’iidaya.
b) Xog dheeraad ah in laga helo dabeecadda/nooca xiriirka ganacsiga ee
la doonayo.
c) Xog in laga helo ilaha lacagta/hantida macmiilka.
d) Xog in laga helo ujeeddooyinka dhaqdhaqaaqyada la doonayo ama la
sameeyay.
e) Oggolaansho in laga helo maamulka sare si loo sii wado ama loo
bilaabo xiriir ganacsi.
f) Xiriirka ganacsi in la-socosho la sii xoojiyay lagu sameeyo, iyadoo la
kordhinayo tirada iyo wakhtiyada la dhaqan-gelinayo
xakameeyayaasha, iyo iyadoo la xulanayo hab-u-dhacyada
mucaamalaadka ee u baahan baaritaan dheeraad ah.
g) Waxa ugu horreeya ee baxa xisaabta bankiga la mairyo xisaab ku furan
magaca macmiilka oo uu ku leeyahay banki leh isla tallaabooyinkan
CDD.
12.4 CDD la sii xoojiyay waa in lagu dabbaqaa macaamiisha halista badan heer
kasta oo ka mid ah hannaanka CDD-ga, iyo in loogu dabakho si joogto ah.
12.5 Habraacyada CDD ee la sii xoojiyay ee ku dabbaqmaya xiriirrada ganacsi ee
lala samayanayo ashkaasta dabiiciga ah ee maqan si loo aqoonsado waa inay
ka mid noqdaan:
a) Dokumentiyada oo loo xaqiijiyo si waafaqsan xeerarka iyo xeer-
nidaamiyayaasha ku habboon;
b) Codsashada dokumentiyo dheeri ah iyo diyaarinta tallaabooyin
xaqiijineed oo madaxbannaan iyo/ama la xiriirista macmiilka.
Xeer-nidaamiyaha 13aad: CDD-ga fudaydiyay ee Halisaha ML iyo TF
13.1 Macmiilku waa in la mariyaa ka taxadarka hufan ee adeegga macmiilka oo
dhammaystiran sida uu dhigayo Lifaaqa III ee Xeer-nidaamiyahan.
Haseyeeshee, marka halista loo aqoonsado inay yartahay, hay’adaha
maaliyadeed waxay adeegsan karaan tallaabooyin CDD oo la fudaydiyay,
iyagoo diiwaangelinaya qiimeynta halista ee xiriirka ganacsi.
21 | P a g e
13.2 Hay’adaha maaliyadeed waxay go’aansan karaan in halista ML iyo TF ee
macmiilku ay yartahay, islamarkaana macmiilka iyo milkiilaha macmiilka ee
faa’iidaya labadoodaba haybtoodu tahay mid aan qarsoonayn oo si fudud
loo heli karo, ama marka xakameeyayaal ku filani ay ka jiraan qaybaha kale
ee nidaamyada qaranka. Waxa markaas la adeegsan karaa CDD la
fudaydiyay.
13.3 Marka macmiilku uu xiriir ganacsi la leeyahay ama ganacsigiisu ku yaallo
dalalka lagu xusay Lifaaqa III, ama marka uu jiro tuhun lacag-dhaqid ama
maalgelin argagixsio, hay’adaha maaliyadeed waa inaanay adeegsan
tallaabooyinka CDD ee la fudaydiyay, waa inay sidoo kale tixgeliyaan inay
FRC-da u gudbiyaan warbixin dhaqdhaqaaq shaki leh (STR).
13.4 Hay’adaha maaliyadeed waa inay FRC-du markay ka codsato u gudbiyaan
tallaabooyinkooda qiimeynta halista iyo aasaaska ay u cuskadeen CDD-ga la
fudaydiyay. Waa inay FRC-da u diyaariyaan dokumentiyada hannaanka iyo
habraaca la xiriira qiimeynta halista.
13.5 Habraacyada CDD ee la fudaydiyay waa inay ka turjumaan qodobbada
halista. Marka halista loo garto inay yartahay, tallaabooyinka CDD ee la
fudaydiyay waxaa kamid noqon kara, balse aanay ku koobnayn:
a) Dhimista inta jeer ee la cusboonaysiiyo aqoonsiga macmiilka.
b) Dhimista heerka la-socoshada iyo u fiirsiga dhaqdhaqaaqyada.
Xeer-nidaamiyaha 14aad: Wakhtiga aqoonsiga iyo xaqiijinta macmiilka
14.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay xog ku filan ka helaan macaaamiisha iyo
milkiilayasha faa’iidaya iyadoo ujeeddadu tahay keliya yagleelka xiriirka
ganacsi.
14.2 Hay’daha maaliyadeed waa inay habraacyada maareynta halista uga shidaal
qaadataan shuruudaha macmiilku kaga faa’iidaysanayo xiriirka ganacsi, inta
aan la xaqiijin aqoonsigiisa.
14.3 Hay’adaha maaliyadeed waxay xiriir ganacsi oo xaddidan la yeelan karaan
macmiilka ka hor inta aan la dhammeystirin hannaanka xaqiijinta, haddii la
buuxiyo shuruudaha ay ka mid yihiin kuwani:
22 | P a g e
a) Marka xaqiijinta loo sameynayo sida ugu dhakhsiyaha badan ee
suurtogalka ah.
b) Marka ay lama-huraan tahay inaan la hakin qaabka caadiga ah ee
ganacsigu u socdo.
c) Marka si waxtar leh loo maareeyo halisaha ML iyo TF.
d) Matka la jarayo kaarka ATM ama buugga jeegagga ilaa inta la
dhammaystirayo xaqiijinta haybta macmiilka.
14.4 Habraacyada maareynta halistu waa inay koobsadaan tallaabooyin lagu
maaraynayo, oo lagu dhimaayo halisaha ML iyo TF ee ay kamid yihiin:
a) Dejinta xadka tirada, noocyada, iyo xaddiga dhaqdhaqaaqyada la
sameyn karo.
b) La socoshada nooca iyo isku-dhafnaanta dhaqdhaqaaqyada la
sameynayo ee ka baxsan waxa laga filaayo nooca xiriirka ganacsi.
14.5 Hay’adaha maaliyadeed waa inay hayaan liiska macaamiisha/xisaabaadka
banki ee ay tahay in loo jaro xiriirka ganacsi sababta oo ah xaqiijintii oo guul-
darraysatay.
Xeer-nidaamiyaha 15aad: Xogta macaamiisha ee dheeraadka ah ee loo baahan yahay
15.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay diiwaangeliyaan oo hayaan xogta
macaamiisha inta lagu gudo jiro xiriirka ganacsi. Macluumaadka
macaamiilka, xogta, iyo dokumentiyada la ururiyo inta lagu jiro hannaanka
CDD-ga waa in la cusboonaysiiyaa iyadoo diiwaannada la hayo la
qiimeynayo muddooyin go’an marka ay ka so wareegtaba, sida hadba
hay’addu u aragto munaasib. Tusaale ahaan:
a. Marka dhaqdhaqaaq lixaad leh la sameynaayo;
b. Marka dhaqdhaqaaqyadu bilaabaan inay ka leexdaan hab-u-dhacoodi
caadiga ahaa, ama isbeddel lixaad lihi ku yimaaddo qaabka loogu
shaqeeyo xisaabta bankiga.
c. Marka xogta laga hayo macmiilku ayna ku filnayn shuruudaha xeer-
nidaamiyahani ka rabo hay’adda maaliyadeed inay buuxiso.
d. Marka xogta laga hayo macmiilku ayna hay’adda maaliyadeed ku filnayn,
si ay u fahamto dabeecadda dhaqdhaqaaqyada la sameynayo ama guud
ahaan dabeecadda xiriirka ganacsi.
15.2 Marka macmiilku yahay shakhsiyad qaanuuni ah, hay’adaha maaliyadeed
waa inay hubiyaan in la buuxiyo shuruudaha ay ka mid yihiin, balse aan ku
koobnayn, kuwan soo socdaa:
23 | P a g e
a. Diiwaangelinta hay’adda, ganacsiga, shirkadda iyo dokumentiyada
rukhsad-siintu waa inay noqdaan kuwo sax ah oo shaqaynaya (aan dhicin) muddada xiriirka ganacsigu jiro.
b. Hay’adaha maaliyadeed waa inay macaamiisha si joogto ah uga heshaa
bayaannada maaliyadda oo cusub/wakhtigoodi taagan.
c. Hay’adaha maaliyadeed waa inay hubiyaan in xogta canshuurta (nuqulka canshuur-bixinta iyo shahaaddada cashuur-bixinta) laga helo macaamiisha oo loo cusboonaysiiya si sanadle ah haddii ay ku dabbaqmayso.
15.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay CDD-ga xeer-nidaamiyahan mariyaan
macaamiishii hore, iyadoo lagu salaynayo ahmiyadda iyo halista.
15.4 Foomamka furashada xisaabta bankiga (foomamka KYC) waa in macmiil
kastaa ku buuxiyaa isaga oo Af-Soomaali, ama Ingiriisi ama Carabi ah haddii
macmiilku yahay shisheeye.
15.5 Iyadoon la eegayn qodobbada kale ee xeer-nidaamiyahan, hay’adaha
maaliyadeed waa inay cusboonaysiiyaan foomamka KYC ee macmiilka ugu
yaraan sanadkii hal mar.
CUTUBKA 5aad: LA-SOCOSHADA JOOGTADA AH EE DHAQDHAQAAQYADA
Xeer-nidaamiyaha 16aad:La-socoshada Joogtada ah ee Dhaqdhaqaaqyada Macmiilka
16.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay hirgeliyaan nidaamyo, iyadoo la
doorbidayo inay noqdaan kuwa otomaatik ah, oo lagu baaro soo-
noqnoqshada dhaqdhaqaaqyada macmiilka iyo xiriirka lala leeyahay
macmiilka.
16.2 Dhammaan xiriirrada ganacsiga ee lala leeyahay macaamiisha waa in si
joogto ah loola socdaa, si loo hubiyo in dhaqdhaqaaqyadu ay waafaqsan
yihiin waxay hay’addu ka taqaanno macmiilka, ganacsigiisa iyo
warbixintiisa halista iyo, marka ay munaasib tahay, ilaha lacagta.
16.3 Dhaqdhaqaaqa xisaabta bankiga ee macmiilka waa in loola socdaa si joogta
ah oo leh jadwal macquul ah, si loo ogaan karo hab-u-dhacyo ka
24 | P a g e
leexashadoodu ay tilmaami karto dhaqdhaqaaq shaki leh. Waxa ka
dambeeya iyo ujeeddada dhaqdhaqaaqyadan waa in la diiwaan geliyaa,
loona gudbiyaa hay’adaha awoodda u leh marka loo baahdo.
16.4 Hay’adaha maaliyadeed waa inay si joogto ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyada
isku xiran, oo ah dhaqdhaqaaqyo taxane ah oo uu sameeyo macmiil sharci
ahi, ama waxay noqon karaan dhaqdhaqaaqyo u muuqda inay kala
madaxbannaan yihiin balse dhab ahaantii ah dhaqdhaqaaq loo qaybiyay laba
ama in ka badan si aan loo ogaan. Sidan badanka waxaa la sameeyaa marka
macmiilku isku dayayo inuu iska qariyo xakameeyayaasha ka dhanka ah
lacag-dhaqidda, isagoo dhaqdhaqaaqa u qaybinaya xaddiyo yaryar oo ka
hooseeya heerka ay tahay in la weydiiyo kaarka aqoonsiga ama isha lacagaha.
16.5 Hay’adaha maaliyadeed waa inay awoodi karaan isku xirka taxane
dhaqdhaaqyo ah oo macaamiil kala duwani sameeyaan wakhtiyo kala duwan
oo u socda meel keliya. Haddii gancsaigaagu leeyahay laamo ama wakiillo,
nidaamkaagu waa inuu ogaan karaa xiriirrada isku xiran ee laga sameeyo
goobahaaga oo dhan. FRC-du waxay ku talinaysaa in hay’adaha maaliyaddu
ay hubiyaan dhaqdhaqaaqyada isku xiran ugu yaraan 90 kii maalmoodba
mar.
16.6 Hay’adaha maaliyaddu waa inay si joogto ah u qiimeeyaan in xogta laga
helayo macaamiisha iyo milkiilayaasha faa’iidayaa yihiin kuwo lagu qanco
oo cusub, gaar ahaan noocyada macaamiisha ee halista badan, sida lagu
faahfaahinayo Lifaaqa III. Muddada qiimeynta iyo habraacyadeeda waa in
lagu qeexaa siyaasadaha hay’adda ee AML/CFT, iyagoo noqonaya habraac
ku salaysan halista.
Xeer-nidaamiyaha 17aad: Xiriirrada Macmiilka ee Reebban iyo Jarista Xiriirka
Macaamiisha Hore u Jiray
17.1 Marka hay’adaha maaliyadeed ay awoodi waayaan inay tallaabooyinka
CDD ee loo baahan yahay mariyaan macaamiisha hore u jiray, iyagoo ka
duulaya qiimeyntooda iyo halista, waa in ay jaraan xiriirka macmiilka ee ka
horreeyay dhaqan-gelinta xeer-nidaamiyahan, warbixin in loo diro FRC-da
waa in la tixgeliyaa.
Marka aan la dhammaystirin tallaabooyinka CDD-ga.
25 | P a g e
17.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay iska ilaaliyaan inay xisaab banki furaan
ama mucaamalaad sameeyaan marka ayna xaqiijin karin aqoonsiga
macmiilka iyo milkiilaha faa’iidaya. Xaaladahaas oo kale, hay’adaha
maaliyadeed waa inay ka fikiraan inay FRC-da u gudbiyaan warbixin
dhaqdhaqaaq shaki leh.
Xisaabta bankiga ee qarsoon ama ta Beenta Ah
17.3 Hay’adaha maaliyadeed waa in aanay furin ama sii hayn ama ku shaqayn
xisaab banki oo qarsoon ama leh magacyo aan jirin.
Xiriirrada reebban
17.4 Hay’adaha warbixinta bixinaya waxaa ka reebban inay xiriir la yeeshaan
ama sii wadaan xiriir ganacsi oo lala leeyahay banki qolfoof ah (ama hay’ad
maaliyadeed oo aan deganaansho ku lahayn) goobta laga diiwaangeliyay
ama rukhsadda laga siiyay.
17.5 Hay’adaha warbixinaya waxaa ka reebban inay xiriir ganacsi la sameeyaan
dadka ama hay’adaha xayiraadda ay ku soo rogto Wasaaradda Maaliyaddu
ama hay’adaha kale ee caalamiga ah ee awoodda loo siiyay. Tilmaamo
maaliyadeed ayaa loo baahan yahay in laga soo saaro faahfaahinta dadka iyo
hay’adaha la xayiro.
Xeer-nidaamiyaha 18aad: Ku Tiirsanaanta Dhexdhexaadiyayaal Dhinacyo saddexaad ah
18.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay fiiro gaar ah u yeeshaan halisaha lacag-
dhaqidda iyo maalgelinta argagixiso ee la xiriira dalalka ay ka deggan yihiin
dhinacyada saddexaad ee ay isku-dayayaan inay xiriirro ganacsi la
yeeshaan.
18.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay ogaadaan inay iyagu saaran tahay
mas’uuliyadda ugu dambaysa ee aqoonsiga iyo xaqiijinta macmiilka, ee
aanay saarnayn dhinaca saddexaad ee ay ku tiirsan yihiin.
18.3 Hay’adaha maaliyadeed waxay ku tiirsanaan karaan dhexdhexaadiyayaal
dhinac saddexaad ah, si ay u sameeyaan waajibaadka CDD ee xeer-
nidaamiyahani dhigaayo, haddii la buuxiyo shuruudahan soo socda:
a. Ay ku qanacsan yihiin in dhinaca saddexaad u dejisan yihiin xeer-
nidaamiyayaal, la kormeero ama lala socdo waxqabadkooda, ama uu
26 | P a g e
leeyahay tallaabooyin ay ugu hoggaansamaan shuruudaha ka
taxadarka hufan ee adeegga macmiilka iyo diiwaangelinta;
b. Ay ku qanacsan yihiiin inay si baaqasho la’aan ah dhinaca saddexaad
uga helayaan nuqullada xogta aqoonsiga macmiilka iyo
dokumentiyada kale ee la xiriira ka taxaddarka hufan ee adeegga
macmiilka, marka ay codsadaan.
c. Mas’uuliyadda ugu dambeysa ee aqoonsiga iyo xaqiijinta macmiilku
waa inay saarnaataa hay’adda maaliyadeed ee ku tiirsan dhinaca
saddexaad.
Xeer-nidaamiyaha 19aad: Xiriirrada Bankiga Wakiilka ah iyo Bankiyada Qolfoofka ah
Bankiyada wakiilka ah
19.1 Marka laga soot ago tallaabooyinka CDD ee caadiga ah, hay’adaha
maaliyadeed waa inay qaadaan tallaabooyinkan inta aanay gelin xiriirro
wakiilnimo banki oo ka tallaabsan xuduudda ama xiriirrada la midka ah:
a) Xog ku filan inay ka ururiyaan bankiga wakiilka ah si ay u fahmaan
dabeecadda hawlgallada waaweyn ee ganacsi ee bankigaas.
b) Ogaadaan meesha uu deggan yahay bankigu iyo dalkiisa.
c) Qiimeyn ku sameeyaan tallaabooyinka lagu ogaanayo iyo
xakameeyayaasha bankiga wakiilka ahi ka qaado lacag-dhaqidda iyo
maalgelinta aragagixisada.
d) Qiimeyn ku sameeyaan hufnaanta hay’adda wakiilka ka ah iyo tayada
kormeerka ay hoos timaaddo, oo ay ku jirto in dalkeeda lagaga
sameeyay dembi-baaris ama tallaabo ayka qaaddey hay’ad nidaamin oo
la xiriirta lacag-dhaqid ama maalgelin argagixiso.
e) Si buuxda u aqoonsadaan, una diiwaangeliyaan mas’uuliyaadka
AML/CFT ee banki kasta.
f) Helitaanka oggolaanshaha maamulka sare inta aan la yagleelin xiriirka
wakiilnimo banki.
19.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay taxaddar dheeraad ah ka yeeshaan
yagleelidda ama sii wadista xiriirka wakiilnimo ee bankiyada ama
27 | P a g e
hay’adaha maaliyadeed ee ku yaalla goobaha FATF u aqoonsato inay liitaan
halbeegyadooda AML/CFT ee la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo
maalgelinta argagixisada.
19.3 Marka lacagta laga bixinayo xisaabaadka bankiga, hay’adaha maaliyadeed
waa inay ku qancaan in:
a) Bankiga wakiilka ahi uu dhammaan macaamiisha ka hesha xisaabaadka
bankiga mariyey CDD-ga looga baahan yahay.
b) Bankiga wakiilka ahi bixin karo xogta CDD ee ku saabsan marka
bankiga wakiilanayaa ka codsado.
Bankiyada qolfoofka ah:
19.4 Hay’adaha maaliyadeed waa inaanay xiriir ganacsi la sameynin ama la sii
wadin banki qolfoof ah, waana inay ku qancaan hay’adaha maaliyadeed ee
wakiilka u ahi inaanay xisaabaadkooda u ogfolaan bankiyadaas qolfoofta ah.
19.5 Waajibaadkaas sare waa in hay’adaha maaliyadeed ku dhaqangeliyaan
xiriirrada ay la leeyihiin bankiyada wakiilka ah ama xiriirrada lamidka ah ee
la sameeyay ka hor dhaqangalka Xeer-nidaamiyahan ama Xeerka AML/CFT
2016.
Xeer-nidaamiyaha 20aad: Calaamadaha Lacag-dhaqidda iyo Maalgelinta Argagixisada
20.1 La socoshada iyo ka warbixinta joogtada ah ee dhaqdhaqaaqyada shakiga
lihi waxay shardi u yihiin wax-ku-oolnimada AML/CFT iyo u
hoggaansanka xeerka. Sidaa daraaddeed waxaa hay’adaha maaliyadeed
looga baahan yahay inay dejistaan barnaamijyo wax-ku-ool ah oo lagula
soconayo dhaqdhaqaaqyada oo fudaydinaya buuxinta
shuruudaha/waajibaadka xeer-nidaamiyahan iyo Xeerka AML/CFT 2016.
20.2 In kastoo ay badan yihiin noocyada dhaqdhaqaaqyada looga faa’iidaysan
karo lacag-dhaqiddu, waxaa suurtogal ah in la aqoonsado astaamo aasaasi
ah oo laga heli karo sabab macquul ah oo looga shakiyo lacag-dhaqid sida
lagu taxay Lifaaqa IV. Liiskan calaamaduhu waxaa laga yaabaa inaanu qoto-
dheereyn ama waafi ahayn, balse wuxuu ka turjumayaa qaar ka mid ah
hababka lagu yaqaanno inay u shaqeeyaan dadka lacag-dhaqidda sameeya.
28 | P a g e
20.3 Dhaqdhaqaaqyada iyo waxqabadayada lagu taxay liiskan qasab ma aha inay
ka turjumayaan lacag-dhaqid dhab ah haddii ay waafaqsan yihiin ganacsiga
sharciga ah ee macmiilka. Aqoonsiga mid ka mid ah noocyada
dhaqdhaqaaqyada lagu taxay liiskan waa inay hay’adda maaliyadeed
gelisaa xog-baaris iyo baaritaan dheeraad ah si loo xaqiijiyo xaaladda sharci
ee dhabta ah ee dhaqdhaqaaqa.
29 | P a g e
CUTUBKA 6aad: SIYAASADDA IYO WAAJIBAADKA WARBIXINEED EE DHAQDHAQAAQYADA QAABKA ELEKTROONIGA AH
Xeer-nidaamiyaha 21aad: Siyaasadaha iyo Habraacyada Dhaqdhaqaaqyada Qaabka Eleketroonigga ah (xawilaadda lacagaha)
Ujeeddada Cutubkan awgeed,
21.1 Ereyga Faa’iide waxaa looga jeedaa shakhsiga dabiiciga ah ama qaanuuniga
ah ee qofka lacagtu ka timid uu tilmaamay inuu yahay qofka helaaya
xawilaadda elektrooniga ah, marar badanna waxaa looga jeedaa qaataha
lacagta.
21.2 Ereyga hay’adda maaliyadeed ee faa’iidaysa waxaa looga jeedaa hay’adda
maaliyadeed ee xawilaadda elektroonigga ah ka helaysa bankiga ama
hay’adda maaliyadeed ee dhexdhexaadiyaha ah, lacagta siinaysa qofka
faa’iidaya ama qaataha.
21.3 Marka la sameynayo xawilaad elektroonig ah, hay’adda maaliyadeed ee
faa’iidaysaa waa inay xaqiijisaa aqoonsiga qofka faa’iidaya, haddii aan
aqoonsigiisa hore loo xaqiijin, xogtanna waa inay u haysaa si waafaqsan
shuruudaha diiwaangelinta ee xeer-nidaamiyahan.
21.4 Shuruudaha xeer-nidaamiyahani waxay ku dabbaqmayaan hay’adaha
maaliyadeed marka ay dirayaan ama helayaan xawilaad elektroonig ah oo
le’eg ama ka badan USD $1,000 ama lacag kasta oo u dhiganta.
21.5 Waa inay xawilaadda elektroonigga ah ku diiwaangeliyaan xogta cidda ay
ka timid lacagtu iyo qofka faa’iidaya, oo ay hubiyaan in xogtaasi la socoto
xawilaadda elektroonigga ah hannaanka lacag-bixinta oo dhan. Xogta looga
baahan yahay xawilaadda elektroonigga ahi waa inay mar kasta ku jiraan:
a. Magaca qofka ay ka timid oo dhammaystiran, taariikhda iyo goobta
dhalashadiisa.
b. Faahfaahin ku filan oo ku saabsan xawilaadda elektroonigga ah oo ay
ka mid tahay:
i. Taariikhda xawilaadda elektroonigga ah;
ii. Nooca iyo xaddiga lacagta;
iii. Ujeeddada iyo faahfaahinta qaataha lacagta; iyo
30 | P a g e
iv. Xiriirka ka dhexeeya qofka ay lacagtu ka timid iyo qaataha, sida
munaasibka ah, iwm.
c. Lambarka xisaabta qofka ay ka timid lacagtu ama, marka aanu jirin,
lambar tixraac oo gaar ah.
d. Taariikhda iyo goobta dhalashada qofka lacagtu ay ka timid,
cinwaanka ama, marka aan la haynin cinwaan, lambarka kaarka
aqoonsiga muwaadinka;
e. Magaca iyo lambarka xisaabta ama lambarka tixraaca ee gaar ah iyo
cinwaanka qofka faa’iidaya/qaadanaya lacagta.
21.6 Marka xawilaaddu ka tallaabayso xuduudka ee lacagtu le’egtahay ama ka
badan tahay USD $10,000 ama lacag kale oo u dhiganta, hay’adaha
maaliyadeed waa inay helaan dokumentiyo taageeraya oo ku filan marka
laga yimaaddo xogta ay heleen ee sare (21.15a).
21.7 Haddii la buuxin waayo shuruudahaas, hay’adaha maaliyadeed waa
inaanay hirgelin xawilaadda elektroonigga ah, balse ay ka fikiraan inay FRC-
da u gudbiyaan warbixin STR.
21.8 Bankiga codsiga sameynayaa waa inuu xogta xawilaadda elektroonigga ah
ku bixiyaa saddex maalmood gudahood oo ka bilaabmaya maalinta ay ka
codsato hay’adda maaliyadeed ee faa’iidaysa ama FRC-da.
21.9 Si looga hortago kororka halisaha la xiriira lacag-dhaqidda ama maalgelinta
argagixisada, hay’adaha maaliyadeed waa inay hubiyaan inaan la isku
xirin/israacin xawilaadaha elektroonniga ah ee aan caadiga ahayn.
21.10 Hay’adaha maaliyadeed ee dhexdhexaadka ahi waa inay hayaan
dhammaan xogta xawilaadaha elektroonnigga ah oo ay ku jirto xogta cidda
ay ka timid iyo cidda qaadanaysaa marka xawilaaddu ka gudbayso
xuduudda.
21.11 Marka gaabis farsamo awgeed ay xogtii looga baahnaa xawilaad dibadda
ahi ay ka harto xawilaadda dalka gudihiisa ah ee la xiriirtay, hay’adda
maaliyadeed ee dhexdhexaadka ahi waa inay ugu yaraan shan sanno haysaa
diiwaanka dhammaan xogta ay ka hesho hay’adda maaliyadeed ee codsiga
sameynaysa ama hay’adda maaliyadeed ee kale ee dhexdhexaadka ah.
21.12 Hay’adaha maaliyadeed waa inay lahaadaan habraacyo wax-ku-ool ah oo
ay ku qiimeeyaan halista marka ay go’aan ka gaarayaan:
a) Hirgelinta, diidista, ama laalista xawilaad elektroonig ah oo aan wadan
xogta cidda ay ka timid iyo cidda helaysa ee loo baahnaa, iyo ka fikirista warbixin in loo gudbiyo FRC-da.
31 | P a g e
b) Qaadista tallaabo dabasocota arrintaas oo ay ka mid tahay jarista ama xaddidaadda xiriirrada ganacsi.
Xeer-nidaamiyaha 22aad: Warbixinta Dhaqdhaqaaqyada Shakiga leh (STRs) ee loo baahan yahay
22.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay u hoggaansamaan axkaamta Xeerka AML/CFT 2016 iyo xeer-nidaamiyahan iyagoo hirgelinaya siyaasadaha, habraacyada iyo xakameeyayaasha gudaha ee munaasibka ah.
22.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay fiiro dhow u yeeshaan dhammaan
dhaqdhaqaaqyada waaweyn ee aan caadiga ahayn, iyo hab-u-dhacyada dhaqdhaqaaqyada aan caadiga ahayn, ee aan lahayn ujeeddada cad oo dhaqaale iyo sharci.
22.3 Faahfaahinta STRs-ka waa in loo gudbiyaa FRC-da sida uu dhigayo foomka
ku jira Lifaaqa VI soddon maalmood gudahood oo ka bilaabmaya maalinta ogaanshaha ama bilowga shakiga dhaqdhaqaaqa ama isku-dayga dhaqdhaqaaqa/mucaamalada. Lifaaqa IV ayaa lagu taxay xaalado tusaale u noqon kara dhaqdhaqaaqyada shakiga leh ee keeni kara baaritaan dheeraad ah oo ku aaddan ML/CFT.
22.4 STRs ka loo gudbinayo FRC-du waa inay la socdaan dhammaan
dokumentiyada taageeraya oo ay ka mid tahay: dokumentiyada aqoonsiga (baasaboor, kaarka aqoonsiga muwaadinka, rukhsadda ganacsiga iwm), KYC-ga macmiilka oo cusub, foomamka furista xisaabta bankiga iyo dokumentiyada kale ee taageeraya sababta uu u dhashay shakigu.
22.5 Haddii FRC-du u aragto in tayada STR-ka loo soo gudbiyay aanay ahayn
mid lagu qanci karo, ama ay ka dhiman yihiin qaar ka mid ah dokumentiyada taageeraya, FRC-du waxay diidi kartaa aqbalista STR-ga iyadoo sheegaysa sababaha diidmadaas. Markay sidaasi dhaco, hay’adda maaliyadeed waa inay saxdo khaladkeeda oo warbixin dhammaystiran u soo gudbiso FRC-da.
22.6 Shaqaalaha iyo maareeyayaasha hay’adda maaliyadeed waxaa ka reebban
inay macmiilka ama cid kale u sheegaan in STR ama xog xiriir la leh loo gudbiyay FRC-da. Arrintan waa in lagu daraa Xeerka Anshaxa/akhlaaqda ee hay’adaha maaliyadeed ee ay saxiixayaan shaqaalaha iyo agaasimayaasha hay’addu.
Xeer-nidaamiyaha 23aad: Warbixinta Xadka Dhaqdhaqaaqyada Waaweyn ee loo Baahan yahay
Hay’adaha maaliyadeed waa inay FRC-da kuwargeliyaan:
32 | P a g e
23.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay FRC-da ku wargeliyaan dhaqdhaqaaqyo
kasta ama dhaqdhaqaaqo taxane ah oo u eg inay isku xiran yihiin oo ka
badan xaddiga loo dhigay ee USD $10,000 ama lacag u dhiganta ah.
Dhaqdhaqaaqyadani waxay noqon karaan lacag la bixid, dhigasho ama
xawilaad. Arrintani waxay hoos imanaysaa Qodobka 14aad ee Xeerka
AML/CFT 2016.
23.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay faahfaahinta dhammayskatiran ee
Warbixinta Dhaqdhaqaaqyda Waaweyn (LCTR) ugu gudbiyaan FRC-da 15
maalmood gudahood, iyo kowda iyo shan iyo tobanka bil kasta, 5:00-ta (11
saac) galabnimo, iyagoo ah xirmo ka kooban dhaqdhaqaaqyadii ka
horreeyay kowda iyo shan iyo tobanka bisha.
23.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay warbixintooda ku soo daraan dhammaan
xogta looga baahan yahay ee ku cad foomka LCTR. Haddii warbixin aan
dhammaystirnayn, ama foom aan xil la iska saarin buuxintiisa loo gudbiyo
DRC, hay’adda awoodda u lihi waxay hay’adda maaliyadeed ku soo rogi
kartaa ciqaab iyo ganaax u dhigma dembiga sida lagu faahfaahiyay Qaybta
IV ee Xeerka AML/CFT 2016.
Xeer-nidaamiyaha 24aad: Soo-sheegista Fal-dembiyeedyada
Qaybta II ee Xeerka AML/CFT 2016 waxay dhigaysaa inay fal-dembiyeed yahay in qof la ogeysiiyo ama looga digo in uu dul hoganayo tuhun lacag-dhaqid ama in foomamka STR/SAR laga gudbiyay dhaqdhaqaaqiisa ama dhaqdhaqaaqii uu isku dayay.
24.1 Marka hay’adaha maaliyadeed ay ogaato calaamad ama dhaqdhaqaaq leh
lacag-dhaqid, hay’adda waxaa laga rabaa inay si dhakhso ah u yeelato Fadhi
Qiimeyn ah iyada oo uu guddoominayo Madaxa U-hoggaansanka
AML/CFT, waana in si cad loo diiwaangeliyaa tallaabo kasta oo la xiriirta
arrintan. Liiska hubinta ee calaamadaha waxaa lagu sharraxay Lifaaqa IV.
24.2 Shaqaalaha iyo agaasimayaasha hay’adda maaliyadeed waxaa uu sharcigu
ka doonayaa inay dhowraan sirta dembi-baaristaas oo kale iyo warbixin
kasta oo dhaqdhaqaaq shaki leh oo loo gudbiyo FRC-da ama hay’ad kale oo
awood u leh. Ogeysiinta (sameynta ama dhihista wax kasta oo ogeysiin kara
qofka in looga shakisan yahay lacag-dhaqid), waa fal-dembiyeed sida ay
dhigayaan axkaamta xeerka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisadu.
24.3 Hay’adaha, agaasimayaashooda, madaxdooda, saraakiishooda, bah-
wadaagtooda, xirfadlayaashooda ama shaqaalahooda ee si niyadsami ah uga
33 | P a g e
warbixiya ama xog u bixiya si waafaqsan xeer-nidaamiyahan looma
raaci/arki karo inuu ku kacay faldembiyeed madani, maaliyadeed, anshax
ama maamul oo ku saabsan jebinta sirta bankiyada ama xirfadlenimo ama
heshiis.
Xeer-nidaamiyaha 25aad: Badeecadaha iyo Adeegyada Cusub
25.1 Ka hor inta aan la bilaabin farsamooyin, badeecado ama adeegyo cusub,
hay’adaha maaliyadeed waa inay dejiyaan shuruudaha lagu aqoonsanayo,
laguna qiimeynayo halisaha la xiriira, tallaabooyin habboonna waa inay
qaadaan sidii loo maareyn lahaa oo loo dhimi lahaa halisaha ML/TF ee soo
bixi kara ee la xiriira:
a) Hindisidda badeecadaha iyo dhaqannada ganacsi ee cusub.
b) Hababka bixinta badeecadaha iyo adeegyada cusub.
25.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay si joogto ah dib-u-eegis ugu sameeyaan
badeecadaha iyo adeegyada cusub iyo kuwii hore u jirayba.
Xeer-nidaamiyaha 26aad: Nidaamyada Xakameeyayaasha Gudaha, Mas’uulka U-hoggaansanka iyo Hantidhowrka
26.1 Madaxa U-hoggaansanka la magacaabayaa waa inuu lahaadaa khibrad iyo
aqoon ku habboon AML/CFT, iyo awoodda inuu si madaxbannaan u
shaqeeyo, iyo awoodda inuu warbixinta siiyo guddiga sare ee
agaasimayaasha ee hay’adda maaliyadeed iyo FRC.
26.2 Hay’ad kasta oo maaliyadeed waa inay FRC u gudbisaa faahfaahinta xogta
madaxooda u hoggaansanka, sida magaca, cinwaanka, lambarka lagala
xiriirayo, email-ka, aqoonta iyo tabobarrada xiriirka la leh shaqadiisa.
26.3 Madaxa u-hoggaansanka iyo shaqaalaha kale ee u-hoggaansanku waa inay
xilliga loo baahan yahay heli karaan xogta aqoonsiga macmiilka iyo xogta
kale ee CDD, diiwaannada dhaqdhaqaaqyada, iyo xogta kale ee la xiriirta.
26.4 Hay’adda maaliyadeed waa inay si dhakhso ah u ogeysiisaa FRC-da
isbeddel kasta oo ku yimaada mas’uulka u-hoggaansanka.
26.5 Hantidhowrka gudaha iyo guddiga sare ee agaasimayaasha hay’adda
maaliyadeed waa inay si joogto ah u qiimeeyaan u-hoggaansanka hay’adda
34 | P a g e
maaliyadeed ee axkaamta Xeerarka La-dagaalanka Lacag-dhaqidda iyo
Lacagaha Dembiyada Laga Helo iyo Xeer-nidaamiyahan.
26.6 Warbixinta qiimeynta waa uu ka mid ahaadaan bayaan ku saabsan
dhammaan dhaqdhaqaaqyada shakiga leh ee la ogaado, saameyntooda iyo
tallaabooyinka shaqaalaha u-hoggaansanku ka qaadeen xoojinta
siyaasadaha, habraacyada, nidaamyada iyo xakameeyayaaasha hay’adda
maaliyadeed ee AML/CFT.
26.7 Hay’adaha maaliyadeed waa inay shaqaalaysiiyaan hantidhowre
madaxbannaan oo aqoon leh si uu u hubiyo in madaxa u-hoggaansanka iyo
shaqaalihiisu ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan siyaasadaha,
habraacyada, nidaamyada iyo xakameeyayaasha gudaha ee hay’adda
maaliyadeed ee AML/CFT.
26.8 Hantidhowrayaasha dibadda ee hay’adaha maaliyadeed waa inay ka
warbixiyaan wax ku oolnimada nidaamyada xakameeyayaasha gudaha,
warbixintaas waa inay ku jiraan aragtiyo cad oo ku saabsan u-hoggaansanka
hay’adda ee xeer-nidaamiyayaasha FRC iyo sidoo kale siyaasadaha,
habraacyada, nidaamyada iyo xakameeyayaasha hay’adda maaliyadeed.
Warbixintan waa in la siiyaa FRC iyo CBS markay codsadaan.
26.9 Hay’adaha maaliyadeed waa inay dejiyaan habraacyo lagu kala
shaandheeyo shaqaalaha marka la qoraayo. Habraacyadaas kala-
shaandheyntu waa inay koobsadaan shuruudaha munaasibka ah ee la
dabbaqayo marka la qorayo shaqaalaha.
26.10 Shuruudaha u qalmista iyo habboonaanta oo adag ayaa loo baahan
yahay in lagu xiro shaqaalaha haya jagooyinka maaamul, ama shaqooyinka
loo arko inay aad ula kulmaan lacag-dhaqid ama maalgelin argagixiso.
Habraacyada kala shaandhaynta shaqaalaha iyo shuruudaha u qalmidda iyo
habboonaantu waa inay hubiyaan in:
a) Shaqaaluhu leeyihiin awood heer sare ah oo ay ku gutaan
waajibaadyadooda ay dhigayaan tilmaamaha shaqadu;
b) Shaqaaluhu leeyihiin awoodda ku habboon iyo hufnaanta/amaanada ay ku qabanayaan shaqooyinka bankiga ama hay’adaha maaliyadeed;
c) Xisaabta lagu darsado isku-dhacyada (iska-hor-imaadyada) danaha ee
suurtogalka ah, oo ay ka mid tahay khalfiyadda maaliyadeed ee shaqaalaha;
35 | P a g e
d) La qeexayaa shuruudaha u qalmidda iyo ku habboonaanta iyo xeerka anshaxa;
e) Dadka lagu riday xukunno ku lug leh khiyaano, daacadnimo la’aan,
lacag-dhaqid ama fal-dembiyeedyada la midka ah inaanay shaqaalaysiin bankiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee hoos imanaya sharciyada Soomaaliya.
CUTUBKA 7aad: HAYNTA DIIWAANNADA, TALLAABOOYINKA KA DHANKA AH IYO CAWAAQIBTA
Xeer-nidaamiyaha 27aad: Haynta Diiwaannada loo baahan yahay
27.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay dhawraan/hayaan dhammaan
diiwaannada lamahuraanka ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqyada, ee ay ka
mid yihiin natiijooyinka gorfayn kasta oo la sameeyo (tusaale ahaan
baaritaannada waxa ka dambeeya iyo ujeeddada dhaqdhaqaaqyada
waaweyn ee aan caadiga ahayn) ugu yaraan muddo shan sano ah oo ka
bilaabata taariikhda dhammaystirka dhaqdhaqaaqa.
27.2 Dhammaan diiwaannada xogta aqoonsiga ee lagu helo hannaanka CDD
(sida nuqullada dokumentiyada aqoonsiga, foomamka KYC, foomamka
furista xisaabta bankiga, dokumentiyada xaqiijinta iyo dokumentiyada kale
ee la socda faylasha xisaabta bankiga iyo wada-xiriirka ganacsi) waa in la
hayaa ugu yaraan shan sanno marka uu dhammaado xiriirka ganacsi.
27.3 Diiwaannada oo dhan waa in si ku filan loo kaydiyaa si ay suurtogal u
noqoto in la fahmo dhaqdhaqaaq kasta oo gaar ah taas oo ay ka mid tahay
(nooca iyo taariikhda dhaqdhaqaaqa, xaddiga iyo nooca lacagta, iyo nooca
iyo lambarka xaqiijinta xisaabta banki ee xiriirka la leh dhaqdhaqaaqa) si
looga helo, marka loo baahdo, caddaymo loo adeegsado maxkamadaynta fal
dembi.
27.4 Hay’adaha maaliyeed waa inay hayaan nuqullada dhammaan STRs ka ay u
direen FRC iyo dokumentiyada la xiriira ugu yaraan shan sannadood, iyo
warbixinnada kale iyo dokumentiyada la xiriira ugu yaraan shan sannadood
kadib taariikhda gudbinta warbixinta.
27.5 Hay’adaha maaliyadeed waa inay ka jawaabaan/ka soo baxaan weydiin
kasta ama amar kasta oo uga yimaadda hay’adaha awoodda u leh ee ay ka
36 | P a g e
mid yihiin hay’adaha sharci-fulinta, FRC ama CBS ee ku saabsan bixinta
xogta ama diiwaannada sida uu dhigayo sharcigu.
27.6 Haseyeeshee hay’adaha maaliyadeed waa inay sii hayaan diiwaannadaas
muddo ka badan intaas, marka dhaqdhaqaaqyada, macaamiisha ama
xisaabaadka banki ay ku lug leeyihiin dacwado, ama ay codsato maxkamadi
ama hay’ad awood u lihi.
Xeer-nidaamiyaha 28aad: Dalalka Halista BADAN
28.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay fiiro dhow u yeeshaan ganacsiyadooda
iyo laamaha ay ku leeyihiin dalalka FATF ama CBS u aqoonsadaan inay halis
badan yihiin, waa inay hubiyaan in ganacsiyadoodaas iyo laamahaasi ay u
hoggaansamaan siyaasadahooda AML/CFT.
28.2 Hay’adaha maaliyadeed waxaa looga baahan yahay inay fiiro dhow/gaar ah
u yeeshaan dhaqdhaqaaqyada iyo xiriirrada ganacsi ee ay la sameeyaan
dadka ka soo jeedda ama jooga dalalka tallaabooyinkooda AML/CFT ay
hooseeyaaan ama ku jira Bayaanka FATF (dalalka halista badan).
28.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay siyaasadahooda AML/CFT ku dhaqaan
laamahooda iyo ganacsiyada ay ku leeyihiin Soomaaliya dibaddeeda sida ay
dhigayaan shuruucda waddankaasi. Marka tallaabooyinka AML/CFT ee
dalkaasi ka geddisan yihiin kuwa Soomaaliya, hay’adda maaliyadeed waxaa
laga rabaa inay dhaqangeliso labada halbeeg kan sarreeya.
28.4 Haddii sharciyada iyo xeer-nidaamiyayaasha dalka laanta ama ganacsigu
deggan yihiin ay diidayaan u-hoggaansanka waajibaadkan, sababtu waxay
doonto ha noqotee, hay’adda maaliyadeed waa inay ku wargelisaa FRC-da,
oo qaadi karta tallaabooyin kormeer oo dheeraad ah.
28.5 Hay’adaha maaliyaddu waa inay FRC-da ku wargeliyaan mucaamalaadka
ay la yeeshaan dalalka FATF ama CBS u aqoonsadaan kuwo halis badan.
Xeer-nidaamiyaha 29aad: U-hoggaansanka xeer-nidaamiyaha AML/CFT ee Qabashada iyo La wareegista Hantida
29.1 Faa’iidada laga sameeyo fal-dembiyeed, kaash, qalabka loo adeegsado fal-
dembiyeedkaas, ama milkiyad aragixiso, waxaa lagu sameyn karaa qabasho
37 | P a g e
iyo la wareegis iyadoo loo marayo hay’adaha awoodda u leh sida ay
dhigayaan axkaamta Xeerka AML/CFT 2016.
29.2 Hay’adaha maaliyadeed waa inay sidaas darteed dejistaan oo hirgeliyaan
habraacyo lagu hubinayo u-hoggaansanka shuruudahan.
Shuruudahan waxaa ka mid ah, balse kuma koobna:
a) Habraacyo si degdeg ah loogu xayirayo lacagaha, milkiyadda, qalabka
la adeegsado iyo hantida ay hayso hay’adda maaliyadeed ee ka
falcelinaya amarrada uga yimaadda hay’adaha awoodda u leh.
b) Habraacyo lagula soconayo isku-dayga macaamiisha ee helidda
lacagaha, mulkiyadda ama hantida {xayiran}.
c) Habraacyo lagu oggolaanayo helidda lacagaha, milkiyadda ama
hantida la hayo oo ka falcelinaya/jawaabaya amarrada ka yimaada
hay’adaha awoodda u leh.
d) Lacagaha, faa’iidada laga sameeyo fal-dembiyeed, qalabka loo
adeegsaday fal-dembiyeedkaas, ama hanti kasta oo argagixiso oo ka
falcelinaya amarrada ka yimaada hay’adaha awoodda u leh.
29.3 Hay’adaha maaliyadeed waa inay si aan dibu-dhac lahayn ugu gudbiyaan
FRC-da warbixin ku saabsan isku-day kasta oo helitaanka lacagaha,
milkiyadda, qalabka loo adeegsaday fal-dembiyeedka ama hantida laga soo
saaray amar hoos imanaya qaybtan.
Xeer-nidaamiyaha 30aad: Ilaalinta/Dhawrista Sirta
30.1 Shaqaalaha hay’adaha maaliyadeed iyo agaasimayaashoodu waa inay
dhowraan sirta, oo ayna macaamiisha iyo cid kale u sheegin xogta la xiriirta
hawlgallada ka dhanka ah lacag-dhaqidda.
30.2 Hay’adaha maaliyadeed waxay hay’adaha maaliyadeed ee kale ama
ururradooda xirfadeed la wadaagi karaan xogta macmiil ama mucaamalaad
ay diideen.
30.3 Hay’adaha maaliyadeed waa in aanay macmiil u sheegin ama u tilmaamin
in ay ka gudbiyeen warbixin STR.
30.4 Hay’adaha maaliyadeed waxaa looga baahan yahay inay haystaan
ogeysiisyo cad oo sheegaya in sharcigu farayo ku wargeliyaan FRC-da
dhammaan LCT-yada. Shaqaaluhu waxay sidoo kale macaamiisha kala talin
karaan marka la bilaabayo mucaamalada.
Xeer-nidaamiyaha 31aad: Tabobarka iyo Wacyiga Macaamiisha
38 | P a g e
31.1 Hay’adaha maaliyadeed waa inay barnaamijyo tabobar oo munaasib ah
siiyaan shaqaalahooda iyo maamulka, taas oo ay tahay in la diiwaangeliyo,
si wax-ku-ool si loogu hirgeliyo shuruudaha xeer-nidaamiyaha iyo
siyaasadaha iyo habraacyada hay’adda ee AML/CFT. Sidoo kale, tabobarro
xasuusin ah waa in si joogto ah loo qabtaa, ugu yaraan sannadkiiba hal mar,
shaqaaluhu si aanay u ilaawin mas’uuliyaadkooda.
31.2 Tabobarka shaqaalaha hay’adaha maaliyadeed waa inuu si joogto ah oo wax-
ku-ool ah u cusboonaysiiyaa xirfadda shaqaalaha oo u saamaxaa inay
fahmaan waxyaabaha ku soo kordha farsamooyinka iyo hababka lacag-
dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
31.3 Tabobarka shaqaaluhu waa inuu koobsadaa tusaalayaal dhaqdhaqaaqyo
dhab ah oo lacag-dhaqid iyo maalgelin argagixiso, iyo wacyigelinta doorka
shaqaaluhu ku leeyihiin guud ahaan hannaanka qabsashada iyo ciqaabidda
dadka ku kaca lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
Xeer-nidaamiyaha 32aad: Kormeerka Goobta
32.1 Baarayaasha hay’adaha awoodda u lihi waa inay si joogto ah oo
wakhtiyaysan u qiimeeyaan u-hoggaansanka hay’adaha maaliyadda ee xeer-
nidaamiyahan iyo Xeerka AML/CFT 2016.
32.2 Natiijada baarayaasha ee muujinaysa in ay liitaan ama inaan si wanaagsan
loo dhaqangeln siyaasadaha, habraacyada iyo xakameeyayaasha hay’adda
maaliyadeed, waxaa ka dhalanaya calaamadin u-hoggaansan la’aan ah.
Haddii hay’adda maaliyadeed ku guulaysan waydo inay soo-jeedamaha
baarayaasha ku fuliso muddo cayiman, waxaa ka dhalanaysa in tallaabo
sharci fulin ah laga qaado hay’adda maaliyadeed.
32.3 Hay’ad maaliyadeed iyo qof kasta oo si ula-kac ah u carqaladeeya ama FRC-
da ama hay’ad awood u leh oo kale kala shaqeyn waaya in ay si sharci ah u
adeegsadaan awoooddooda waxa uu galay fal-dembiyeed, waxaana laga
qaadi karaa ganaax iyo ciqaab maamul, madani ama faldembiyeed oo ku
munaasib ah sida uu dhigayo Xeerka AML/CFT 2016.
32.4 Hay’adda maaliyadeed waxay codsan kartaa xogta sida dokumentiyada iyo
xogahadiiwaannada aqoonsiga ee lagu helo hannaanka CDD, sida nuqullada
dokumentiyada aqoonsiga, foomamka furashada xisaabta bankiga iyo KYC.
39 | P a g e
32.5 Hay’adaha maaliyadeed waa inay FRC-da iyo hay’adaha sharci fulinta
siiyaan dokumentiyadaas iyo diiwaannadaas marka ay ka codsadaan si ay u
hubiyaan u hoggaansanka xeer-nidaamiyadan.
Xeer-nidaamiyaha 33aad: La shaqaynta Sharci Fulinta
33.1 Hay’adaha maaliyadeed waa in laga helaa wadashaqayn la xiriirta arrimaha
khuseeya waxqabadyada AML/CFT, isku-duwaan arrimaha la xiriira
xayiraadda ama wareejinta dhigaalka macaamiisha si waafaqsan axkaamta
sharciga iyo xeer-nidaamiyahan.
33.2 Hay’adaha maaliyadeed waa in laga helaa wadashaqayn marka codsi uga
yimaado hay’adaha awoodda u leh.
33.3 Dembi-baarista in lala shaqeeyn waayo oo ay ka mid tahay carqaladaynta
ama diidista la shaqaynta FRC, CBS ama hay’adaha awoodda u leh, ama
diidista bixinta xog la codsaday iyadoo ayna jirin sabab macquul ahi waxaa
lagu gelayaa fal-dembiyeed, waxaana lagu muteysanayaa ganaaxyo iyo
ciqaabo munaasib ah oo maamul, madani ama fal-dembiyeed sida ay
dhigayso Qaybta VI ee Xeerku.
Xeer-nidaamiyaha 34aad: Ciqaabaha iyo Xukunnada
Shakhsi kasta oo dabiici ah ama qaanuuni ah oo jebiya amarrada ku xusan xeer-nidaamiyahan waxaa lagu qaadayaa xukunnada ku xusan Qodobada 27, 28 iyo 29 ee Xeerka AML/CFT 2016. Xukunnada iyo ciqaabaha lagu soo rogo hay’ad qaanuuni ama shakhsi dabiici ah waxay noqon karaan mid kamid ah ama dhammaan xukunnadaa iyo ciqaabaha oo la isu raaciyey sidii loo arko munaasib iyadoo la eegayo cuslaanta falka jebinta xeerka.
34.1 (a) Ciqaabaha shakhsiyaadka dabiiciga ah
Ciqaabo dembiyeed ayaa lagu ridi karaa shakhsiyaadka dabiiciga ah ee xiriirka
la leh gelista dembiyada sharcigu sheegay, marka laga yimaado ciqaabaha
ML/CFT:
a) Xarig aan ka yareyn hal sano;
b) Ganaax lacageed oo aan ka yarayn USD $1,000 ama lacag kale oo u
dhiganta, iyo saddex laab lacagta la dhaqay;
c) Ciqaabtu waxay noqon kartaa mid ka mid ah labadaas ama
labadoodaba oo la isku daray.
40 | P a g e
34.2(b) Ciqaabaha madaniga ah ama maamulka ah ee ku munaasibka ah
cuslaanta dembiga:
a) Ganaax lacageed oo aan ka yareyn USD $1,000 ama lacag u dhiganta
iyo saddex laabka lacagta la dhaqay.
b) Laalista rukhsadda ama oggolaanshaha ku dhisan shuruudaha
diiwaangelinta oo dhammaystiran ama ku-meel-gaar ah.
c) Ka cayrin shaqada oo ku-meel-gaar ah ama dhammaystiran haddii
qofku u shaqeeyo ama uu u ganacsado sidii hay’ad maaliyadeed oo
madax bannaan.
d) Dhammaan waxaas oo dhan ama isku-darka qaar ka mid ah.
34.2 Ciqaabaha hay’adaha maaliyadeed iyo maamulkooda
Hay’adaha maaliyadeed iyo maamulkooda ama agaasimayaashooda lagu helo
inay ka gaabiyeen u-hoggaansanka xeer-nidaamiyahan waxay FRC-du ka
codsanaysaa inay muddo cayiman ku saxaan gaabiskooda. Intaas waxaa dheer in
hay’adaha sharci fulintu ka qaadi karaan tallaabooyin sharci fulineed oo ay ka
mid yihiin, balse aan ku koobnayn:
a) Dhammaan ciqaabaha iyo ganaaxyada sare lagu xusay ee ashkhaasta
dabiiciga ah.
b) Xarigga mas’uuliyiinta, agaasimayaasha, maamulayaasha ama xubnaha guddiga sare ee dayacay mas’uuliyaddoodi mamnuucidda, ka hortagga dembiyadaas, iyo hirgelinta nidaamyo waxtar leh oo lagu ogaado oo lagaga hortago xadgudubyadaas.
c) Ganaaxyo lacageed oo aan ka yareyn USD $25,000 ama lacag kale oo u dhiganta oo aan ka badnayn toban laab lacagta la dhaqay.
34.3 Xadgudubyada u-hoggaansami la’aanta xeer-nidaamyada ML/TF ee keeni
kara tallaabooyinka sharci fulin ee sare lagu xusay waxaa ka mid ah, balse
kuma koobna, kuwan soo socda:
a) Ka gaabinta dejinta xakameeyayaal gudaha ah oo waxtar leh oo ku
saabsan AML/CFT.
b) Ka gaabinta magacaabista mas’uul u-hoggaansan oo wax ku ool ah.
c) Ka gaabinta si munaasib ah in loo sameeyo habraacyada KYC iyo CDD.
d) Ka gaabinta haynta xogta xisaabaadka bankiga iyo diiwaannada
dhaqdhaqaaqyda ee macaamiisha iyo cusboonaysiinta xogtaas.
e) Ka gaabinta in warbixinnada LCT-yada iyo STR-yada loo gudbiyo FRC,
sida loo baahan yahay.
41 | P a g e
f) Si ula-kac ah ama danayn la’aan ah uga qayb-qaadashada lacag-dhaqid
ama maalgelinta argagixisada.
g) Ku wargelinta macaamiisha in FRC-da ama hay’ado kale oo awood u
leh looga gudbiyey warbixinno.
Xeer-nidaamiyaha 35aad: Hay’adaha Maaliyadeed ee Shisheeye ee Rukhsadda ka haysta Soomaaliya
35.1 Hay’adaha maaliyadeed ee rukhsadda u haysta inay ka shaqeeyaan
Soomaaliya waa inay la shaqeeyaan oo hay’adaha sharci fulinta ee dalka ka
kaalmeeyaan dadaalkooda la-dagaalanka lacag-dhaqidda, sida uu dhigayo
sharciga dalku.
35.2 Hay’adaha maaliyadeed ee shisheeye waa inay u hoggaansamaan axkaamta
sharciyada la-dagaalanka lacag-dhaqidda ee dalka ama gobolka ay deggan
yihiin.
Xeer-nidaamiyaha 36aad: Mas’uuliyaadka Ururrada Xirfadeed ee Hay’adaha Maaliyadeed
36.1 Dallad kasta ama urur kasta oo metalaaya bankiyada ama ganacsiyada
rukhsadda haystaa waxay xubnahooda usoo saari karaan hagayaal si loo
hubiyo in xubnahoodu ay hirgelinayaan xeer-nidaamiyayaasha AML/CFT.
36.2 Ururka xirfadeed waxa uu anshax-marin ku qaadi karaa ama laali karaa
xubinnimada hay’ad maaliyadeed oo kasta oo aan u-hoggaansamin
hagayaashooda shaqada iyo xeer-nidaamiyaha AML/CFT.
36.3 Ururka xirfadeed waxaa sidoo kale laga filayaa in uu dhiirigeliyo xog
isweydaarsiga xubnihiisa ee ku saabsan xogta macaamiisha ama
dhaqdhaqaaqyada gaar ah ee la diiday ama laga hor istaagay xiriirka
ganacsi.
42 | P a g e
Lifaaq I: Dadka Laga Yaabo inay Siyaasadda Ku lug leeyihiin (PEPS)
PEPs waa ashkhaasta haya ama hore u hayn jiray xilalka sare ee dowladda Soomaaliya ama dal kale, iyo dadka xiriirka la leh. Tusaale waxaa u ah, iyadoo aan ku koobnayn, dadkan soo socda:
SrNo Xilalka Dadka Laga Yaabo inay Siyaasadda ku Lug Leeyihiin (PEPs)
1. Madaxda Dowladda (madaxweyne) ama Xukuumadda
2. Wasiirrada Dowladda
3. Siyaasiyiinta
4. Mas’uuliyiinta sare ee xisbiyada siyaasadda; iyo
5. Shakhsi aan dabiici ahayn oo ku leg leh siyaasadda (shakhsi qaanuuni ah oo uu leeyahay qof
dabiici ah oo ah PEP)
6. Shaqaalaha sare ee dowladda
7. Mas’uuliyiinta sare ee garsoorka
8. Saraakiisha sare ee ciidanka
9. Maareeyayaasha shirkadaha dowladdu leedahay
10. Qoyska iyo dadka xiriirka dhow la leh PEP
LIFAAQA II:DOKUMENTIYADA UGU YAR EE LOOGA BAAHAN YAHAY MACAAMIISHA KALA DUWAN SIDA AY DHIGAYAAN XEER-NIDAAMIYAYAASHA AML/CFT
Tiro Tax Nooca macmiilka Xogta/Dokumentiyada laga qaadayo
1. Ashkhaasta/Qofka dabiiciga ah
1. Magaca oo dhammaystiran, Magaca aabbaha oo ay ku jirto magacyada kale ee loo yaqaanno. 3. Jinsiga 4. Kaarka aqoonsiga qaranka ama baasaboorka. 5. Cinwaanka joogtada ah/email 6. Magaca ganacsiga (ganacsade keli ah marka uu yahay). 7. Taariikhda dhalashada 8. Jinsiyadda. 9. Shaqada. 10. Dakhliga iyo isha dakhliga. 11. Lambarka telefoonka 12. Sawir.
2. Ganacsade kaligii ah/ Milkiilaha keliya
1- 1. Xogta/dokumentiyada ee Tixraac Lr. 1 ee milkiilaha keliya. 2- 2. Magaca ganacsiga. 3- 3. Shahaaddada diiwaangelinta – ganacsiyada diiwaangashan.
43 | P a g e
4- 3. Diiwaangelinta canshuurta ganacsiga – meesha ay khusayso. 5- 4. Shahaadada ama caddaynta ka mid ahaanshaha ururrada
ganacsiga iwm, markay khusayso. 6- 5. Shaacinta milkiyadda keliya warqadda ganacsiga xaggeeda sare. 7- 6. Codsiga furashada xisaabta banki oo ku qoran warqad ganacsi.
3. Shuraako
1. Dokumentiyada aqoonsiga dhammaan dadka shuraakada ah iyo
dadka awoodda u leh inay saxiixaan sida ku xusan Tixraac lr.1 ee sare.
2. Caddaynta “Heshiiska Shuraakada” oo ay saxiixeen dhammaan dadka ku shuraakoobay shirkadda ama ganacsiga.
3. Nuqulka Shahaaddada ka Diiwaangelinta Diiwaanka Shirkadaha (Wasaaradda Ganacsiga). Marka shuraakanimada ganacsigu aanay diiwaangashanayn, xaqiiqadan waa in si cad loogu sheegaa Foomka Furashada Xisaabta Banki.
4. Warqad awood oo ka socota shuraakada oo dhan, oo nuqul asal ah.
4. Shirkadaha ah kuwo xaddidan (Limited Companies) iyo Sharikadaha Waaweyn
1. Caddaynta Go’aanka Guddiga Sare Agaasimayaasha ee furitaanka xisaabta, oo awoodsiinaya ashkhaasta inay furaan oo maamulaan xisaabta.
2. Heshiiska iyo Xeer hoosaadka shirkadda.
3. Shahaaddada Shirkadaynta, haddii ay ku dabbaqmayso;
4. Shahaadada Bilaabista Ganacsiga, mar kasta oo ay ku dabbaqmayso;
5. Liiska agaasimayaasha shirkadda;
6. Dokumentiyada aqoonsiga ee Tixraac Lr.1 dhigaayo ee dhammaan agaasimayaasha iyo ashkhaasta awoodda u leh furitaanka iyo maamulka xisaabta.
5. Laanta ama Xafiisyada xiriirada ee Shirkadaha Shisheeye
7. Nuqulka warqadda oggolaanshaha ee maamulka awoodda u leh sida Guddiga Sare ee Maalgashiga;
8. Nuqulka baasaboorrada saxda ah ee dhammaan dadka ku saxiixan xisaabta.
9. Liiska agaasimayaasha oo ku qoran warqadda rasmiga ah ee shirkadda.
10. Liiska agaasimayaasha ee shirkadda.
11. Dokumentiyada aqoonsiga ee Tixraac Lr.1 dhigaayo ee dhammaan agaasimayaasha iyo ashkhaasta awoodda u leh furitaanka iyo maamulka xisaabta.
6. Ammaanooyinka/kalsoonida, Bulshooyinka, iwm
5. Nuqulka shahaadada diiwaangelinta Ammaanada/kalsoonida 6. Go’aanka Hay’adda Maamulaysa/Guddiga Sare ee Ammaano
Hayayaasha/Guddida Fulinta oo qofka awood u siinaya furista iyo maamulka xisaabta.
7. Nuqulka dokumentiyada aqoonsiga ee uu dhigayo Tixraac lr. 1 ee sare ee dadka awoodda loo siiyay iyo xubnaha Hay’adda
44 | P a g e
Maamulaysa/Guddiga Sare ee Ammaano Hayayaasha/Guddida Fulinta.
7.
Ururrada aan Dowliga Ahayn/ Ururrada aan Faa’iido Doonka Ahayn/ Hay’adaha Khayriga Ah (NGOs/ NPOs)
12. Magaca NGO/NPO
13. Cinwaanka oo dhammaystiran, Lr. Taleefoonka, iyo email-ka.
14. Shahaadada diiwaangelinta. 15. Dastuurka NPO. 16. Magacyada iyo cinwaanka Guddiga Fulinta. 17. Go’aanka Guddiga Fulinta ee furista xisaabta. 18. Dokumentiyada aqoonsiga ee agaasimayaasha/mas’uuliyiinta
sare ee NPO-ga. 19. Oggolaanshaha maamulka xisaabta iyo dhaqdhaqaaqyada
maaliyadeed. 20. Dokumentiyada aqoonsiga ee qofka/dadka awoodda loo siiyay
inay NPO-ga ku metalaan la tacaamulka bankiga/hay’adda maaliyadeed.
21. Shahaadadii ugu dambaysay ee canshuurta iyo dokumentiyada la xiriira.
22. Bayaankii maaliyadeed ee ugu dambeeyay.
8. Xisaabta Wakiilka
1. Shahaaddada diiwaangelinta. Nuqul ansaxsan oo ah heshiishka wakiilnimo (awoodda qareenka)
2. Nuqulka dokuementiyada aqoonsiga ee uu dhigayo Tx. Lr. 1 ee wakiilka.
3. Dokumentiyada ku saabsan/waraaqaha ee Tx Lr. 2 ilaa 7 haddii wakiilku aanu ahayn shakhsi dabiici ah.
LIFAAQ III-TUSAALAYAASHA XAALADAHA HALISTA BADAN IYO KUWA HALISTA YAR EE U BAAAHAN KA DIGTOONAANSHO HUFAN OO ADEEGGA MACMIILKA EE LA SII XOOJIYAY AMA LA FUDAYDIYAY
Marka la qiimeynayo halisaha ML iyo TF ee xiriirka la leh nocyada macaamiisha, dalalka ama aagagga juquraafi iyo badeecadaha, adeegyada, dhaqdhaqaaqyada ama hilinnada adeeg-bixinta ee gaarka ah, hay’adaha maaliyadeed waxay tixgelin karaan xaaladahan halista badan yeelan kara ee u baahan adeegsiga CDD la sii xoojiyay: Tusaalayaasha Xaaladaha Halista Badan ee u Baahan CDD la sii xoojiyay
SrNo
Noocyada Qodobbada Halista
CDD-ga la sii xoojjiyay ee loo baahan yahay
1. Macmiil 1. Xiriirka ganacsi in lagu sameeyo duruuf aan caadi ahayn (tusaale ahaan, masaafo dheer oo u dhaxaysa hay’adda maaliyadeed iyo macmiilka oo aan la filanaynin). 2. Macaamiisha aan deegaanka ahayn.
45 | P a g e
3. Shakhsiyaadka sharciga ah ama heshiisyada maamula hantida dhinacyada saddexaad. 4. Shirkadaha leh saamilayda magaca ah ama saamiyada qofka sitaa leeyahay. 5. Qaab-dhismeedka shirkaddu wuxuu u muuqdaa mid aan caadi ahayn ama mid aan lahayn ujeeddo dhaqaale oo muuqata marka la eego dabeecadda ganacsiga shirkadda. 7. Xiriirrada ganacsi iyo mucaamalaadka aan tooska ahayn. 8. PEP-yo ama macaamiil xiriir la leh PEP-yo. 10. Macaamiisha hantida badan, ama kuwa ayna caddayn ilaha dakhligoodu. 10.Hay’daha iyo dalalka FRC, CBS ama FATF u aqoonsato inay sarrayso halistooda ML/TF. 11. Xiriiirada ganacsi ee lala sameeyo ama ka qabsooma dalalka lagu tilmaamay Qaybta 10 ee sare.
2. Halista Dalka 1. Dalalka ay ilo lagu kalsoon yahay, sida warbixinnada is-qiimeynta ama warbixinnada daba-socdaa, u aqoonsadaan inaanay lahayn nidaamyo AML/CFT oo ku filan. 2. Dalalka CBS ama FATF u aqoonsadaan inay yihiin kuwo halis badan. 3. Dalalka ay saaranyihiin cunoqabataymo, go’doomin ama tallaabooyin lamid ah oo ay soo rogto, tusaale ahaan Qaramada Midoobay. 4. Dalalka ay ilaha lagu kalsoon yihiin ku tilmaamaan inay leeyihiin heer musuqmaasuq oo aad u sarreeya. 5. Dalalka ama aagagga juquraafi ee ilaha lagu kalsoon yahay u aqoonsadaan inay lacago iyo taageero siiyaan argagixisada, ama kuwa ay ka jiraan ururro argagixiso.
3. Qodobbada halista ee badeecad, adeeg, dhaqdhaqaaq ama hilin adeeg bixin
1. Adeegyada banki ee gaarka ah. 2. Dhaqdhaqaaqyada qarsoon (ee ay ku jiri karaan kaashku) 3. Xisaabaadka la furay, xiriirrada ganacsi ama mucaamalaadka lala sameeyay macaamiisha aan joogin si loo aqoonsado. 4. Lacag bixinta ka timaadda dhinacyada saddexaad ee aan la garanaynin ama aan xiriirka lala lahayn. 5. Badeecadaha maalgelinta ganacsiga ee isku-dhafan.
Marka la qiimeynayo halisaha ML iyo TF ee ku saabsan noocyada macaamiisha, dalalka ama aagagga juquraafi iyo badeecadaha, adeegyada iyo dhaqdhaqaaqyda ama hillinnada adeeg-bixinta ee gaarka ah, hay’adaha maaliyadeed waxay tixgelin siin karaan inay xaaladahan halisaha yar ee soo socda u adeeegsadaan CDD la fudaydiyaya:
Tusaalayaasha xaalado halis yar oo u baahan CDD la fudaydiyay
Sr No
Noocyada qodobada halista
CDD-ga la fudaydiyay ee loo baahan yahay
1. Macmiil
1. Hay’adaha iyo Ganacsiyada La magaacaabay ee aan ahayn hay’adaha iyo Xirfadaha maaliyadeed– marka ay hoos yimaaddaan shuraadaha la dagaalanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee waafaqsan soo-jeedimaha FATF, ay si waxtar leh u hirgeliyeen shuruudahaas, si wax
46 | P a g e
ku ool ahna loo kormeero ama loola socdo si waafaqsan Soo-jeedimahaas, si loo hubiyo u hoggaansanka shuruudahaas. 2. Shirkadaha ku jira suuqa hanti-iskubedelka (stock exchange) ee hoos yimaadda shuuradaha shaacinta (ama sharci, ama xeerarka suuqa hanta-iskubedelka (stock exchange) ama hagayaal iyo tilmaamo kale oo qabanaaya), ee qeexaaya shardiga shaacinta milkiyadda faa’iidaysa. 3. Shirkadaha dowladda/shacabku leeyahay.
2. Badeecad, adeeg, dhaqdhaqaaq ama hilin adeeg bixin
Badeecadaha ama dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee la sugay in halistooda lacag-dhaqidda ama maalgelinta argagixisadu yar tahay, ee dembiyadaas dhacaan xaalado kooban iyo duruuf la fasiri karo oo xiriir la leh hay’ad maaliyadeed oo gaar ah, ama dhaqdhaqaaq maaliyadeed oo uu sameeyo qof dabiici ah ama qof sharci ah marar keliya ama si aad u kooban, sidaas darteedna ay yartahay halista lacag dhaqidda ama maalgelinta argagixisada, ee loo sameeyo macmiil halis yar sababo ka-qaybgelin maaliyadeed awgeed.
3. Dal 1. Dalalka ay ilaha lagu kalsoon yahay, sida warbixinnada is-qiimeynta, u aqoonsadaan inay leeyihiin nidaamyo AML/CFT oo wax ku ool ah. 2. Dalalka ay ilaha lagu kalsoon yahay, u aqoonsadaan inay hooseeyaan heerarkooda musuqmaasuqu ama dembiyada kale.
47 | P a g e
LifaaqaIV: Lacag-dhigista iyo Maalgelinta Argagixisada (Calamada Cas) Sr.
No Xaaladaha Lacag Dhaqidda iyo Maalgelinta Aragagixisada (Calamada
Cas)
1. Dhaqdhaqaaqyada loo aqoonsan karo kuwo shaki leh
1. Dhaqdhaqaaqyada ay ku jiraan dalalka halista badan, goobaha u nugul/jilicsan ML. 2. Dhaqdhaqaaqyada ay ku jiraan bankiyada/shirkadaha qolfoofka ah. 3. Mucaamalaadka lala sameynayo wakiillada loo aqoonsado inay halis badan yihiin. 4. LCT-yada ku baxaaya agabyo lacageed sida jeegagga musaafirka, lacag saaris banki, amar lacageed. 5. Dhaqdhaqaaqyada xaddiga lacagtu in yar uun ka hoosayso xaddigii loogu talogalay ka warbixinta, ama su’aala u muuqda in lagu tijaabinayo xadka xakameeyayaasha gudaha ee hay’adda.
2. Lacag-
dhaqidda loo
adeegsanayo
dhaqdhaqaaq
yo kaash
1. Korodhka weyn ee lacag dhigashada macmiilka ee kaashka ah iyadoo ayna jirin sabab cad, iyo ta ka sii muhiimsan oo ah in dhigaalladaas muddo kooban loogu xawilo meel aan sida caadiga ah xiriir la lahayn macmiilka. 2. Dhaqdhaqaaq lacag caddaan ah oo badan oo uu sameeyo macaamiilka – kaas oo ganacsigiisa caadiga ahi inta badan isticmaalo Jeeg ama farsamooyinka kale ee aan ahayn lacagta caddaanka ah. 3. Macaamiisha marar kala duwan oo wakhti yar u dhaxayso bankiga dhiga lacago kaash yaryar, balse marka la isu geeyo aad u weyn. 4. Macaamiisha lacagta ay bankiga dhiganayaan ay ku jirto lacag foojari ah. 5. Laamaha bankiyada ee sameeya dhaqdhaqaaqyo kaash/ lacag caddaan ah oo aad uga badan inta caadiga ah. 6. Macaamiisha lacagaha badan kasoo xawilaya ama u diraya dibadda, iyagoo codsanaya in lacagta lagu bixiyo kaash.
3. Lacag-
dhaqidda loo
adeegsanayo
hay’adaha
maaliyadeed
Mucaamalaadkan soo socdaa waxay tilmaami karaan lacag-dhaqid, gaar ahaan haddii ayna waafaqsanayn ganacsiga sharciga ah ee macmiilka: 1. Xog yar, ama mid madmadaw leh ama been ah in macmiilku ka bixiyo dhaqdhaqaaqa, taas oo hay’adda maaliyadeed xaqiijn kari waydo.. 2. Macmiilka oo aan doonayn in uu bixiyo dokumentiyada aqoonsiga ee looga baahan yahay marka uu codsanayo furashada xisaab banki. 3. Macmiilka oo xisaabaad banki oo dhawr ah ku leh hay’ad maaliyadeed ama dhawr hay’adood oo kala duwan, iyada oo aysan jirin sabab sharci ah oo muuqataa. 4. La bixista kaash badan iyadoo aysan jirin sabab cad, ama ayna waafaqsanayn dabeecadda ganacsiga. 5. Macaamiisha marar badan lacag dhigta xisaabaadkooda, isla markiibana codsada in lacagta loo xawilo ama kaash inay la baxaan. Dhaqdhaqaaqyadan waxaa suurtogal ah inaanay waafaqsanayn baahiyaha sharciga ah ee ganacsiga macmiilka.
48 | P a g e
6. Koror aan la filaynin oo ku yimaadda dhaqdhaqaaqa xisaabta bankiga. Inta badan, xisaabtan waxaa lagu furaa lacag yar, taas oo marka dambe dhakhso aad ugu kordha. 7. Ganacsiyada bankiga dhigta jeegaga ama kaash badan balse ay yartahay la bixistooda ama ayna jirin si ay u daboolaan baahiyaha caadiga ah ee ganacsiga. 8. Macaamiisha xirfadlayaasha ee kaash aad u badan dhiga xisaabaadka macaamiishooda ama kalsoonida. 9. Kaash badan oo laga saaro xisaab banki oo aan shaqayn jirin, ama xisaab hadda uun heshay deyn ballaaran, gaar ahaan mid ka timid dibadda. 10. Korodh laxaad leh oo ku yimaadda lacagta kaashka ah ee shirkad xirfadeed dhigayo bankiga, iyadoo adeegsanaysa xisaabta macmiilka ama ta kalsoonida/amaanada, gaar ahaan haddii lacagtaas dhakhso loo kala xawilo xisaabaadka shirkad kale oo macmiil ah iyo ka amaanada. 11. Dad tiro badan oo lacag ku bixinaya xisaab banki oo keli ah iyadoo ayna jirin sharraxaad waafi ah. 12. Xawaare sare oo ka turjumaysa lacagta xaddiga weyn ee dhexmaraysa xisaabta. 13. Xisaabta sarrifle rukhsad haysta oo lacag dhigasho aan caadi ahayn uga timaaddo dhinac saddexaad. 14. Xisaab lagu maamulo magaca shirkad dibadeed (offshore) oo leh dhaqdhaqaaq lacageed oo habaysan.
4. Lacag-dhaqid
ku salaysan
gancsi
1. Qaansheegadka adeegyada iyo alaabta oo ka badan ama ka yar xaqiiqada. 2. Qaansheegashada adeegyada iyo alaabta oo la soo celceliyo dhawr jeer. 3. Tilmaamo been ah in laga bixiyo alaabaha iyo adeegyada iyo marka qofka dhoofinaya alaabtu aanu rarin alaab, iyadoo la bixiyay lacagtii. 4. Alaabta la raray markay ka duwan tahay dabeecadda ganacsiga caadiga ah ee macmiilka, dhaqdhaqaaquna ma laha sababayn dhaqaale oo cad. 5. Qaab-dhismeedka dhaqdhaqaaqa ayaa u muuqda mid isku-dhafan sabab la’aan, iyo in loogu talogalay in lagu qariyo dabeecadda dhabta ah ee dhaqdhaqaaqa. 6. Macmiilka codsaday in faa’iidada la siiyo dhinac saddexaad oo aan xiriir la lahayn. h. Waraaqaha Amaahda (LC) oo si weyn wax looga bedelay sabab la’aan, ama la bedelay qofka faa’iidaya ama goobta lacagta lagu bixinayo.
5. Maalgelinta
Argagixisada
(Calammo
Cas)
1. Dadka mucaamaladdu ka dhaxayso waxay wadaagaan cinwaan ama lambar taleefan. 2. Dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee ay sameynayso hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo khayri ah, oo ay u muuqato in aan xiriir ka dhaxaynin waxqabadka hay’addu sheegtay iyo dhinacyada kale ee dhaqdhaqaaqa. 3. In badan oo kamid ah lacagaha baxaaya ama imayaa waxay soo maraan xisaab banki oo uu leeyahay ganacsi, kaas oo ay muuqato inaanay jirin ganacsi macquul ah ama ujeeddo dhaqaale oo dhaqdhaqaaqyadu leeyihiin, gaar ahaan marka ay dhaqdhaqaaqyadan maaliyadeed ka
49 | P a g e
dhacayaan/kulugleeyihiin dalalka ama gobollada loo aqoonsan yahay kuwo halis badan. 4. Nooca shaqada macmiilka iyo xirfaddiisu isma laha iyo nooca iyo heerka dhaqdhaqaaq ee xisaabtiisu. 5. Macmiilka ma doonayo inuu dhaqdhaqaaqa soo raaciyo xogta loo baahan yahay ee cidda ay ka timid iyo cidda loo sameynayo. 5. Xisaabaad shaksi iyo kuwo ganacsi oo badan, ama xisaabta hay’adda aan faa’do doonka ahayn ama khayriga ah ayaa loo adeegsadaa in lagu uruuriyo, loona diro lacagaha xisaabaad shisheeye oo kooban (tiroyar).
6. Tallaabooyin
kale oo aan
caadi ahayn
ama shaki leh
1. Shaqaalaha oo ay ka muuqato lacag badan oo aan lagu fasiri karin dakhligiisa ama mushaharkiisa. 2. Shaqaalaha oo aan u hoggansamin halbeegga shaqada ee hay’adda maaliyadeed. 3. Shaqaalaha oo aan ogolayn in uu qaato fasixiisa sanadlaha ah. 4. Macmiilka oo u adeegsada xisaab shakhsi ah hawlaha ganacsiga ee caadiga ah. 5. Shaqada dowladda ee rasmiga ah oo lagu qabto xisaab banki oo shakhsi ah. 6. Shaqada rasmiga ah ee Safaaradda oo lagu qabto xisaabaad banki oo shakhsi ah. 7. Xisaabaadka Safaaradda oo lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyo lacageed oo laxaad leh. 8. Xisaabaadka banki ee Safaaradda oo maalgelisa xisaabaadka hay’ado amaashkaash shisheeye iyadoo ayna jirin sababo cad cadi.
Lifaaqa V: Qeexitaanka Ereyada Sharciga
Ereyada iyo erey-bixinnada ku jira Xeer-nidaamiyahani waxay qaadanayaan isla macnaha ay Xeerka AM/CFT 2016, haddii mawduuca iyo siyaaqu aanu macno kale siinin.
Ereyada Sharciga ah
Qeexitaanka Ereyga
Milkiilaha Faa’iidaya
Ee ku saabsan macmiil banki ama MTB, waxaa looga jeedaa qofka
dabiiciga ah ee ugu dambayn iska leh ama maamula macmiil ama qofka
loo sameynayo dhaqdhaqaaqa, waxaana ku jira dadka leh awoodda
maamul ee qof ama dad ha noqdaan kuwo la shirkadeeyay ama yayna
noqonin.
Qofka faa’iidaya Waxaa loola jeedaa qofka isaga ama faa’iidadiisa loo soo diray lacagta
ama loo dhigay banki ama MTBs.
Hay’adda Faa’iidaysa
Waxaa loola jeedaa hay’adda maaliyadeed ee helaysa lacagta iyadoo metalaysa qofka ka faa’iidaya lacagta la soo diray.
50 | P a g e
Maamul Ee ku saabsan shakhsi sharci ah, waxaa loola jeeda awoodda qof u
leeyahay in uu saameeyo maamulka ama siyaasadaha hawlgalka, marka
ay ku saabsan tahay saamiyadana, waxay ka dhigan tahay awoodda
adeegsiga saamaynta cod ee saamiyadaas.
Bankiga wakiilka ah Waxaa looga jeedaa bankiga ku yaalla Soomaaliya ee siiya banki ama hay’ad maaliyadeed oo dibadda ku taalla u qabta adeegyo wakiilasho iyo cagsigeeda.
Wakiilasho banki Waxaa looga jeedaa in banki (wakiil) uu adeegyo u qabto banki kale (wakiilanaya), oo ay kamid tahy balse aan ku koobnayn furashada iyo haynta xisaabaadka ee lacagaha kale, xawilaadda lacagaha, bixinta jeegagga, ku bixinta xisaabta banki, sarifka lacagaha qalaad, iyo adeegyada banki ee la hal maala.
Xawilaad elektroonig ah oo ka gudbaysa xuduuddada
Waxay ka dhigan tahay xawilaad qaabka elektrooniga ah oo hay’adda amraysaa iyo hay’adda faa’iidaysaa ay ku kala yaallaan dalal kala duwan.
Warbixinta Dhaqdhaqaaqa lacagta (CTR)
Waxay ka dhigan tahay sida loogu qeexayXeerka AML/CFT, 2016.
9.
Macmiil Waxaa looga jeedaa qof xiriir la leh hay’ad maaliyadeed
Ka taxadarka hufan ee adeegga macmiilka (CDD)
. Waxay ka dhigan tahay Ka Taxadarka Hufan ee Adeegga Macmiilka
sida loogu qeexay Xeerka AML/CFT 2016.
Xawilaad dalka gudihiisa
Waxay ka dhigan tahahy xawlaad kasta oo qaab elektroonig ah oo
hay’adda ay ka timid iyo ta faa’iidaysaaba ay deggan yihiin Soomaaliya,
iyadoon la eegaynin in nidaamka loo adeegsaday xawilaaddu uu deggan
yahay Somaaliya iyo in kale.
Xisaab aan shaqaynin
Waxay ka dhigantahay in xisaab aan dhaqdhaqaaq sameynin laga soo
bilaabo sanadkii hore.
Soo-jeedimaha FATF Waxaa looga jeedaa soo-jeedimaha Guddida Farsamo ee Hawlgallada
Maaliyadeed ee wax laga bedelo muddadiiba.
Lacag xawilid/ xawilaad qaab elektroonig ah
Waxaa looga jeedaa dhaqdhaqaaqa hay’ad maaliyadeed u samayso cidda
lacagtu ka timid, ha noqoto qaab elektroonig ah ama nooc kale, si lacag
loo siiyo qofka faa’iidaya oo ka helaya hay’ad kale oo faa’iidaysa,
iyadoon la eegaynin in qofka lacagtu ka timid iyo ka faa’iidayaa yihiin
isla hal qof.
Hay’ad dowladeed Waxay ka dhigan tahay dowladda federaalka ama mid gobol, wasaarad
ka tirsan dowladdaas, dowlad hoose ama hay’ad ay samaysay
dowladahaas mid kamid ahi, ama wakaalad, urur ama shirkad ay
leedahay ama maamusho dowladdaasi sida uu dhigayo sharciga
dowladdaas federaalka ama gobolka ama hoose.
51 | P a g e
Hay’ad dhexe/dhexdhexaad ah
Waxaa looga jeedaa inay ku dhex jirto hannaanka lacag bixinta; lacagta
ka qabato hay’adda amraysa, u dirto ta faa’iidaysa, ama hay’ad kale oo
dhexe.
Xaddiga lacagaha Lagu sheegay doollarka Maraykanka, waxaa la socda tixraac lacagaha
kale ee u dhigma.
Lacag-dhaqid Isla macnaha lagu sheegay Xeerka AML/CFT, 2016.
Macmiilka marmarka
Qofka marmar mucaamalaad loo sameeyo, balse aan ahayn macmiil;
xiriir la leh hay’adda maaliyadeed.
Macmiilka marmarka ah ama macmiilka marka keliya
Dhaqdhaqaaq uu sameeyo ama loo sameeyo qof aan macmiil ahayn; xiriir la leh hay’adda maaliyaded.
Dhaqdhaqaaq online ah
Waxaa looga jeeda lacag-dhigista ama la bixista iyadoo la adeegsanayo laamo kala duwan oo hay’adda maaliyadda ah.
Hay’adda amraysa Waxaa looga jeedaa hay’adda maaliyadeed ee bilaabta xawilaadda qaabka elektroonniga ah iyagoo raacaya tilmaamha cidda ay lacagtu ka timid ee xawilaadda lacagtaas.
Cidda ay ka timid W Waxaa looga jeedaa qof kasa oo ogolaada ama codsada in lacag loo
xawilo/xawilaad elektroonig ah, ama mid online ah.
Ku bixin xisaab banki
Waxaa looga jeedaa xisaabaadka banki ee wakiilka ah ee ay toos u
adeegsadaan dhinacyada saddexaad si mucaamalaad loogu sameeyo.
Qof Waxaa ku jira ashkhaasta dabiiciga ah iyo kuwa sharciga ah ee qeexayo
Xeerka AML/CFT
Dadka Siyaasadda Kulugta Leh ama PEPs
Waa shaqsiyaadka lagu aaminay shaqo dowladeed- mas’uuliyadaasi
h ahaato waddanka gudihiisa ah ama waddanka dibaddiisa ah amase
urur caalami.
Bankiga Wakiilka ah
Waxaa looga jeedaa bankiga ama hay’adda maaliyadeed ee ku yaal
Soomaaliya meel ka baxsan ee loo qabanayo/isna qabanaya
adeegyada banki ee wakiilashada ah.
Halis Waxaa looga jeedaa halista la xiriirta lacag-dhaqid iyo maalgelinta
argagixisada.
Maamul Sare Maamulka sare waxa uu ka kooban yahay dadka u shaqeeya
hay’adaha maaliyadeed ee leh mas’uuliyaadka maamul ee sare.
Mas’uuliyaadka sare ee maamul waxaa looga jeedaa mas’uuliyadda
koowaad.
Qofka ka tanaasulaya
Waxaa looga jeedaa qofka wareejinaya mulkiyadda hantidiisa, ee ku
wareejinaya qofka haya ammaanada, heshiish ammaano ama qaab
kale.
52 | P a g e
Banki qolfoof ah Banki aan degganayn dalka lagu abuuray ama uu rukhsadda ka
haysto, kaas oo/ama aan ka tirsanayn adeeg maaliyadeed oo
nidaamin leh.
Warbixnta Dhaqdhaqaaq Shaki Leh ama STR
Waxaa looga jeedaa sida loogu qeexay Xeerka AML/CFT, 2016.
34. “Warbixinta Xadka (Warbixinta DhaqdhaqaaqaKaashka ee Weeyn )”
waxaa looga jeedaa ka warbixinta dhaqdhaqaaqyo gaar ah (lacag
dhigis, la bixis ama xawilaad) ee dhaafsiisan xaddi lagu cayimay xeer-
nidaamiyahan ama xeer-nidaamiyaal kale oo ku dabbaqmaya.
Maalgelinta argagixiso
Fal-dembiyeedka lagu qeexayXeerka AML/CFT, 2016.
Cidda ammaanada haysa
Cidda ammaanada haysaa waxay noqon karaysaa xirfadle (sida
iyadoo ku xidhan dalka, qareen ama shirkad ammano) haddii lacag
lagu siiyo in uu noqdo qofka ammaanada haya inta uu jiro
ganacsigiisa, ama qof aan xirfadle ahayn (qof aan qoysku magdhaw
ku siinayn shaqadaas).
Sharciga/Xeerka Waxaa looga jeeda XeerkaAML/CFT, 2016
53 | P a g e
LifaaqaVI: Foomka Warbixinta Dhaqdhaqaaqa Shakiga leh (STRs)
QAYBTA 1: Dhinaca Warbixinaya
1. MAGACA HAY’ADDA
2. TAFAASIISHA XIRIIRKA EE XAFIISKA WEYN
Cinwaan
Degmo
Boosto
Lambarka Taleefanka
3. CINWAANKA IYO XIRIIRKA LAANTA - "Halka mucaamaladu / dhaqdhaqqauka dhacday"
Cinwaan
Degmo
Boosto
Lambarka Taleefanka
QAYBTA II: QOFKA LAGA GUDBINAYO WARBIXINTA
4. FAAHFAAHINTA QOFKA
Magaca Qoyska
Magaca Koowaad
Magaca Dhexe
Magac(yo)kale/loo yaqaanno
Taariikhda Dhalashada
Goobta Dhalashada Cinwaanka Diiwaangashan
Lambarka Baasaaboorka Jinsiyadda
Lambarka ID Shaqada
Magaca Loo-shaqeeyaha
Haddii cidda laga gudbinayow warbixntu ay tahay shirkad, buuxi jaantuskan hoose
5. XOGTA SHIRKADDA
Magaca
Cinwaanka Diiwaangashan
Lambarka abuuritaanka
Nooca Ganacsiga
Haddii cidda laga gudbinayow warbixntu ay tahay Ammaano, buuxi jaantuskan hoose
6. XOGTA AMMAANADA
Magaca ammaanada Dabeecadda iyo ujeeddada
ammaanda Taariikhda yagleelka
Aqoonsiga qofka tanaasulay(s) Aqoonsiga cidda ilaalinaysa(s)
Faa’iidaha/Cidda faa’iidaysa
54 | P a g e
QAYBTA III: Xisaabta (aha) laga warbixnayo
7. XOGTA XISAABTA
Lambarka Xisaabta
Magaca cidda xisaabta leh
Nooca / sumadda bankiga
Nooca xisaabta
Lacagta Xisaabta
Taariikhda lacagta Xisaabta
Taariikha la furay
Taariikha la xiray
PART IV: Cidda xiriirka la leh cidda warbixintu ku saabsan tahay
Haddii cidi xiriir la leedahay cidda warbixintu ku saabsan tahay
8. XOGTA QOFKA XIRIIRKA LA LEH(haddii uu yahy qof)
Magaca Qoyska
Magaca Koowaad
Magaca Dhexe
Magac(yo)kale/loo yaqaanno
Taariikhda Dhalashada
Goobta Dhalashada Cinwaanka Diiwaangashan
Lambarka Baasaaboorka Jinsiyadda
Lambarka ID Shaqada
Xiriirka uu la leeyahay cidda warbixintu ku saabsan tahay
9. XOGTA CIDDA XIRIIRKA LA LEH(Haddii ay shirkad tahay)
Magaca Cinwaanka u diiwaangashan
Lambarka abuurka Nooca ganacsiga
Xiriirka ay la leedahay cida warbixintu ku saabsan tahay
10. XOGTA CIDDA XIRIIRKA LA LEH(Haddii ay tahay ammaano)
Magaca ammaanada Dabeecadda iyo ujeeddada
ammaanada Taariikhda la yagleela
Aqoonsiga qofka tanaasulay(s) Aqoonsiga ilaaliyaha(s)
Cidda faa’iidaysa Xiriirka ay la leedahay cidda warbixintu ku saabsan tahay
QAYBTA V: XOG KU SAABSAN DHAQDHAQAAQA SHAKIGA LEH
11. DHAQDHAQAAQ SHAKI LEH (SARs) AMAMUCAAMALO SHAKI LEH(STRs)
Taariikhda STR /SARs
Nooca dhaqdhaqaaqa
Xaddiga lacagta Tilmaamta dhaqdhaqaaqa
shakiga leh
55 | P a g e
Lacagtu xagga ay ka timid Lambarka Xisaabta Bankiga
Magaxa Xisaabta Bankiga Nooc/sumadda bankiga
Magaca hay’adda
Meesha ay ku socoto lacagtu Lambarka Xisaabta Bankiga
Magaxa Xisaabta Bankiga Nooc/sumadda bankiga
Magaca hay’adda
Wuxu tuhunku ku salaysan yahay
Tallaabo kasta oo laga qaaday
Liiska dokumentiyada la hayo
Qaybta VI: Tafaasiisha Mas’uulka Warbixinaaya 12. Mas’uulka warbixinaya
Magaca oo dhammaystiran Jagada/booska/xilka
Saxiixa Taariikhda