xeerhoosaad golaha

23
1 XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILLADA DPL Qodobka 1-aad Xeer-Hoosaadka Golaha Wakiilada 1.1 Sida ku cad qodobka 63.2 ee dastuurka Goluhu wuxuu yeelanayaa xeer-hoosaad u gaar ah. 1.2 Xeer hoosaadka Golaha Wakiilladu waa xeer qaanuuni ah oo loo dejiyey qeexidda:- 1.2. b) Qaab dhismeedka Golaha 1.2. t ) Awoodaha Golaha 1.2. j) Hab dhaqanka xubnaha iyo hanaan u socodsiinta Howlaha Golaha. 1.2. x) Hab raaca shaqo ee Gudiyada Golaha Qodobka 2aad Dhaarta Xilka 2.1. Xildhibaanku intuusan bilaabin hawsha wuxuu maraayaa dhaarta soo socota waxaana dhaarinaysa Maxkamadda Sare wuxuuna u dhaaranayaa sidan:- Waxaan ku dhaaranyaa magaca Ilaahay in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka Dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego. 2.2 Xildhibaankii diida inuu maro dhaarta kor ku xusan wuxuu ku waayayaa xilka Xildhibaanimada Golaha Wakiilada. Qodobka 3aad Fadhiga koowaad ee Golaha 3.1 Fadhiga ugu horeeya ee Golaha cusub ee la doortay wuxuu ku ansaxayaa joogitaanka kooram 2/3 ee xubnihiisa. 32 Fadhiga ugu horeeya ee Golaha cusub ee la doortay waxaa la qabanayaa 30 cisho gudahood laga bilaabo maalinka Guddiga doorashadu ku dhawaaqo natiijada doorashada xildhibaanada xubnaha ka ah Golaha Wakiillada ee Dawlada Puntland Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Upload: a-m-salad

Post on 31-Mar-2016

237 views

Category:

Documents


2 download

DESCRIPTION

 

TRANSCRIPT

Page 1: Xeerhoosaad Golaha

1

XEER-HOOSAADKA GOLAHA WAKIILLADA DPL 

Qodobka 1-aadXeer-Hoosaadka Golaha Wakiilada

 1.1 Sida ku cad qodobka 63.2 ee dastuurka Goluhu wuxuu yeelanayaa xeer-hoosaad u

gaar ah.

1.2 Xeer hoosaadka Golaha Wakiilladu waa xeer qaanuuni ah oo loo dejiyey qeexidda:- 

1.2. b)  Qaab dhismeedka Golaha 1.2. t )  Awoodaha Golaha  1.2. j)  Hab dhaqanka xubnaha iyo hanaan u socodsiinta Howlaha Golaha. 1.2. x)    Hab raaca shaqo ee Gudiyada Golaha

Qodobka 2aadDhaarta Xilka

                                    2.1. Xildhibaanku intuusan bilaabin hawsha wuxuu maraayaa  dhaarta soo socota waxaana

dhaarinaysa Maxkamadda Sare wuxuuna u dhaaranayaa sidan:- Waxaan ku dhaaranyaa magaca Ilaahay in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka Dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.

2.2  Xildhibaankii diida inuu maro dhaarta kor ku xusan wuxuu ku waayayaa xilka Xildhibaanimada Golaha Wakiilada.

 Qodobka 3aad

Fadhiga koowaad ee Golaha 

3.1 Fadhiga ugu horeeya ee Golaha cusub ee la doortay wuxuu ku ansaxayaa joogitaanka kooram 2/3 ee xubnihiisa.32 Fadhiga ugu horeeya ee Golaha cusub ee la doortay waxaa la qabanayaa 30 cisho gudahood

laga bilaabo maalinka Guddiga doorashadu ku dhawaaqo natiijada doorashada xildhibaanada xubnaha ka ah Golaha Wakiillada ee Dawlada Puntland

3.3      Fadhiga koowaad Goluhu wuxuu u magacaabayaa Guddoomiye ku-meel gaar ah xildhibaanka ugu da’weyn Golaha, wuxuuna u kaashanayaa hawlaha Xafiiska Xoghayha Joogtada ah.

3.4       Xafiiska Guddoonka ee ku-meel gaar ahi wuxuu iclaaminayaa doorashada isagoo raacaya habka doorashada ee ku qoran qodobka 63.1 ee Dastuurka DPL, Markii la doorto Guddoomiyaha Golaha Wakiilada wuxuu la wareegayaa xilka xafiiska guddoonka, isagoo sii wadaya hab-raaca doorashada xubnaha xafiiska Guddoonka tirada ka dhimman.   

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 2: Xeerhoosaad Golaha

2

Qodobka 4-aadGolaha Wakiillada

  

4.1      Awoodda Xeer dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha Wakiiladda oo matala shacabka Puntland oo dhan sida ku cad Dastuurka Qodobka 60.1-aad.

4.2       Goluhu wuxuu ka kooban yahay 66 xubnood oo laga soo doortay Gobollada                 Puntland si toos ah.              4.3       Mudane kasta markuu gudanayo waajibaadkiisa shaqo wuxuu matalaa                shacabka Puntland oo dhan. 4.4       Jiritaanka Goluhu wuxuu ku egyahay mudada ku xusan qodobka 60.3 ee                       Dastuurka . 4.5       Xarunta Goluhu waa caasimadda Puntland ee Garoowe, sida ku cad qodobka 10.1-aad ee dastuurka.4.6     Goluhu wuxuu shirkiisa ku qabsan karaa meel kasta oo Puntland ka mid ah haddii ay dhacdo sabab loogu shiri kari waayo caasimadda

 

Qodobka 5-aadNabadgalyada Xarunta Golaha Wakiilada

 5.1   Nabadgalyada xarunta Golaha iyo tan fadhiyada waxaa u xilsaaran ciidanka

Nabadgalyada. 5.2     Xarunta Golaha waxaa ka reebban la gelidda hubka haddii aan loo haysan ruqsad 5.3         Ciidanka nabadgalyadu ma baari karo xubin kasta oo leh Xasaanad 5.4         Ciidanka Nabadgalyadu wuu baari karaa qofkii gelaya Xarunta Golaha oo aan lahayn Xasaanad.           5.5     Haddii qof aan ahayn Mudane ku af-lagaadoodo shirka marka hore Guddoonku wuxuu siinayaa Digniin, haddii uu wax ku qaadan waayo waxaa loo gudbinayaa Ciidanka Nabadgalyada.5.6    Inta lagu jiro doodaha haddii xildhibaan ka soo cawdo in sharaftiisa wax loo dhimay wuxuu codsan karaa in la dhegaysto. Shir-Guddoomiyuhu wuxuu u gudbin karaa Guddiga

anshaxa & arrimaha Golaha, hadduu u arko in arrintu mudantahay. Guddiguna wuxuu u soo celinayaa shir guddoonka aragtidiisa, guddoonka goluhuna wuxuu ka qadayaa tallaabada ku habboon iyadoo aan cod iyo dood midna la galin.

5.7       Haddii xildhibaan ku dhawaaqo waxyaabo aan ku habboonayn shirka, shir-Guddoonku wuu la hadlayaa isagoo magaciisa kor ugu dhawaaqaya.

5.8      Xildhibaan kasta oo loogu yeero inuu nidaamka dhawro oo raba inuu cudur-daar ka bixiyo waxaa la siin karaa hadalka markii shirku dhammaado ama isla waqtigaaba haddii shir-Guddoonku u ogolaado.

5.9      Haddii mar labaad canaan loo jeediyo isla fadhigaas ama arrin culus uu ku koco iyadoon loo fiirin canaantii hore shir-guddoonku wuxuu ku amarayaa inuu qolka shirka ka baxo inta fadhiga ka hartay Maalintaas, waxaa la mid ah hadduu afla-gaadeeyo xildhibaan kale ama uu caayo xubnaha Dawladda. 

5.10 Haddii xubin Golaha ka mid ahi u hogaansami weydo amarka, Guddoomiyaha Goluhu wuxuu xanibayaa kulanka, madasha kulanka dibada ayuu uga baxayaa, wuxuuna farayaa Guddiga anshaxa & arrimaha Golaha mas’uuliyadda fulinta amarkiisa.

 

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 3: Xeerhoosaad Golaha

3

5.11 Xubin kasta ee Golaha oo ku kacda gacan ka hadal, sawaxan ama aflagaadeeya Madaxweynaha, Golayaasha Dawladda ama shacabka, Guddoomiyaha Goluhu wuxuu u gudbinayaa Guddiga anshaxa & Arrimaha Golaha si ay Go’aan uga gaaraan

 

5.12         Haddii ay ka dhacaan falal aan waafaqsanayn nidaamka meel ka baxsan qolka shirarka, Guddoomiyuhu wuxuu u gudbinayaa Guddiga Arrimaha Golaha xildhibaanka falka uu galay sida ku xusan qodobka 5.11 

5.13         Wixii ka baxsan anshaxa iyo habsami u socodsiinta hawlaha Golaha lana xiriira fal –dambiyeed ku qoran xeerka ciqaabta waxaa loo gudbinayaa hay’adda garsoorka ee awoodda u leh iyadoo la raacayo nimaadka Dastuurka DPL. 

5.14    Hawlaha ama shirarka ay fulinayaan hay’ado ama Ururo aan ka tirsanayn Golaha Wakiilada laguma qaban karo Xarunta Golaha haddii aanu ogolaan Guddoomiyaha Goluhu isagoo qiimaynaya durufaha shaqo ee Golaha.

5.15     Xoogaga amniga oo ay ku jiraan booliiska baarista dembiyada ma geli karaan madasha Shirarka haddii aan Guddoomiyaha Goluhu amrin ka dib marka la xiro shirarkii socday.                                               

Qodobka 6-aadXilka iyo Waajibaadka Golaha Wakiiladda

 6.1        Xilka iyo waajibaadka Goluhu wuxuu ku cad yahay qodobada 63-aad iyo 64-aad   

ee Dastuurka DPL. 6.2      Diidmada, ogolaanshaha & wax ka bedelka heshiisyada dibadda ee Xukuumadu gasho

sida ku cad qodobka 64.4-aad ee Dastuurka.6.3       kormeerka iyo dabo galka barnaamijka wax qabad ee xukuumada sida ku cad qodobka

64.6-aad dastuurka.6.4 Curinta xeerar cusub, wax ka bedelka iyo burinta xeerar horey u jiray6.5       Go’aan ka gaadhida mooshinnada Golaha la horkeeno 6.6       Dabagalka iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda.6.7 Goluhu wuxuu u yeeri karaa hay’adaha kale ee Dawladda si uu su’aalo u weydiiyo, haddii

uu ku qanci waayo, wuxuu ka gaarayaa go’aan gole.6.8       Dabo galka & hubinta ku dhaqanka Xeerarka Goluhu Ansixiyey 6.9    Goluhu wuxuu ugu yeeri karaa Golayaasha ama masuuliyiinta kale ee dawlada fadhiga

Golaha haddii loo baahdo.6.10     Qoondaynta Miisaaniyada Golaha sanad kasta 6.11     Wax ka bedelidda Ajendaha Golaha la hor keeno 6.12     Qabashada & ka doodista cabashooyinka ka yimaada dadweynaha 6.13 Mudane kasta waxaa waajib ku ah dhowrista & ku dhaqanka Xeer-hoosaadka

 

Qodobka 7-aadXuquuqda Gaar ahaaneed ee Mudanaha

 7.1       Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay warqada aqoonsiga ee Xildhibaanimo 7.2       Mudanuhu wuxuu qaadi karaa dammaanad shaqsiyeed iyo mid Maaliyadeed oo macquul

ah marka laga reebo danbiyadda culus ee xeerka Ciqaabta.7.3       Mudane kasta waa inuu yeesho fayl u gaar ah.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 4: Xeerhoosaad Golaha

4

7.4       Mudanaha lama baari karo korkiisa, Gurigiisa, Xafiiskiisa iyo gaadiidka uu markaas wato, haddii aanu fal danbiyeed culus faraha kula jirin.

7.5       Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay Gunno Bileed, Gunno howleed, Gunno Xileed, Gunno Fadhi, Guri, Gaadhi iyo Daryeel Caafimaad sida ku cad shuruucda Baarlamaanadda.

7.6       Mudanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu ka helo hal-koobi Xeer kasta oo Goluhu ansixiyo. 

Qodobka 8-aadShuruudaha Lagu lumin karo Xubinnimada Golaha

Wakiiladda

Xubin Golaha ka mid ahi waxay xilkeeda ku lumin kartaa:-  

 

8.1 Haddii xubintu ay ka maqnaato labo kalfadhi oo caadi ah ee isku xiga sabab la’aan8.2      Haddii ay dhacaan shuruudaha lagu lumiyo xubin-nimada Golaha Wakiilladda qaar ka

mid ah sida ku cad qodobka 62-aad ee Dastuurka.8.3      Haddii mudanuhu ku xad gudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka si badheedh ah.

 

Qodobka 9-aadKalfadhiyada Golaha Wakiiladda

   9.1      Goluhu wuxuu yeelanayaa laba kalfadhi oo caadi ah kuna kala beegan 25-ka Oktoobar iyo 15 Juun sannad walba, waxaa kale oo la qaban karaa fadhiyo aan caadi ahayn haddii

baahidu keento. 9.2      Mudada kalfadhigu waa 45-casho, haddii baahi jirto waa la kordhin karaa.  9.3     Golaha waxaa loo soo gudbinayaa wax-qabadkii Guddiga Joogtada ah labada kalfadhi

dhexdooda iyo wixii warbixin ah oo uu hayo Guddoonku ee ka baxsan warbixinta Guddiyada.

  9.4    Goluhu wuxuu dhegaysanayaa warbixinta iyo macluumaadka ay soo uruuriyaan Guddiyadu muddo labo casho ah, iyadoo ay mid mid  u soo jeedinayaan Madax Gudiyeedyada ama ciddii ay wakiishaan.

   9.5    Golaha waxaa loo soo jeedinayaa wixii mooshin ah ee ka yimaada Golayaasha Dowlada iyo shacabkaba.

    9.6   Xubnaha Golaha waxaa loo gudbinayaa Ajenadaha & mudada shirka bil ka hor furitaanka kalfadhiga.

Qodobka 10-aadHabdhaqanka Xubnaha Golaha iyo Hanaan u

socodsiinta Hawlahooda  

  10.1  Xubnaha Golaha wakiiladdu waxay shaqada soo galayaan 8:00 subaxnimo, xilliga ka bixitaanka shaqaduna waxay noqonaysaa mid furan.

  10.2 Xubnaha Golaha wakiiladdu waxay saxiixayaan diiwaanka shaqada maalin walba intaan shirku furmin iyo biririfta ka dib .

  10.3  Waxaa la tiranayaa fadhi kasta inta Mudane ee ka soo qayb gashay iyadoo la qorayo Magacyada Xubnaha maqan iyo kuwa joogaba.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 5: Xeerhoosaad Golaha

5

   10.4 Xubnaha Golahu waxaa waajib ah inay ka soo wada qayb galaan shirka Golaha hadii aanay fadhiga ka hor u soo gudbin sabab macquul ah Guddoonka Golaha.

   10.5 Maalin walba intaan la dhexgelin hawl maalmeedka Golaha waxaa lagu bilaabayaa Aaydo Quraan ah

   10.6 Waxay yeelanayaan Biririf 10-subaxnimo ilaa 10:15 -subaxnimo    10.7 Mudanaha aan labada saxiix dhamaystirin wuxuu luminayaa guno maalmeedkiisa.    10.8 Madaxa Guddiga shuruucda iyo Xoghayaha Joogtada ah waa inay Wakiil kasta ka hayaan

saxiixa Rasmiga ah.     10.9     Mudanihii shan beri ka badan ka maqnaada Shirka fasax la’aan waxaa loo gudibanayaa

Guddiga Arrimaha Golaha.    10.10     Fasaxa Xubnaha Golaha waxaa bixin kara Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

 

10.11   Waxaa mudanaha ka reebban:- b. In uu sameeyo dhaq-dhaqaaq aan loo baahnayn ama uu ka baxo shirka iyada oo ay

doodi socoto t  In Mobilkiisu furnaado marka shirku socdo

j In mudane loo ogolaaday hadal ama dood mudane kale dhex geliyo hadal ama buuq. x. In ay ka muuqato caadifad qabiil iyo kala soocid dadka & dalka loo dhaariyey.

   10.12      Mudanihii ku kaca arrinta ku xusan 10.11 ee xeerkan waxaa loo gudbinayaa  Guddiga Arrimaha Golaha

 

    10.13     Mudahana ay la kulanto daruuf gaar ahaaneed wuxuu fasax weydiinaysaa Gudoomiyaha si Gacan taag ama qoraal ah

 

Qodobka 11-aadHabka Doodaha & Khudbadaha

 11.1     Afka Golaha looga doodayaa waa Afsoomaali, hadiise dad ajnabi ah Goluhu Marti qaado

way ku hadli karaan af-kale waxaase Golaha loogu turjumayaa af-soomaali.      11.2     Xubintii hadal ama dood qabta waa inay gacanta taagtaa si loo diiwaan geliyo.      11.3     Haddii ay furanto doodu xubnihii horey loo diiwaan geliyey laguma dari karo cid kale

11.4 Mudanuhu waxa uu hadalkiisa ku ekaynayaa hadba arrinka laga hadlayo, Guddoonkuna waa inuu ku ilaaliyo. 11.5 Xubintii horey u hadashay waxay codsan kartaa in ay caddeyn ka bixiso hadalkii ay soo jeedisay

      11.6     Mudanuhu wuxuu xaq u leedahay inuu hadlo mudo 3-daqiiqo ah.      11.7     Mudanuhu wuxuu warbixin soo jeedin karaa mudo 10-daqiiqo ah.

   11.8     Hadal qoraalka shirka waa la uruurinaya lana diiwaan gelinayaa.  

      11.9    Hadii gudoomiyuhu istaago Dooda oo socoto xubinta hadlaysa way fariisanaysaa inta Gudoomiyuhu ka dhamaynayo arrinka uu la kacay.11.10 Hadii aanay shirka albaabadu u xirneyn waxaa dadweynaha loo oggol yahay

gelidda iyo dhagaysiga shirka, iyagoo aan wax cod ah ku lahayn

11.11 Goluhu wuxuu yeelan karaa shir albaabadu u xiran yihiin haddii loo baahdo.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 6: Xeerhoosaad Golaha

6

Qodobka 12-aadAjandaha & Mooshinada Golaha

      12.1      Golaha Waxaa loo soo gubinayaa wixii Mooshino ah ee ka yimaada Golayaasha    

         Dawladda & shacabka, iyadoo la soo marinayo Guddiyada ku shaqadda leh      12.2      Mudanayaasha raba inay ajande keenaan waxay qoraal ugu soo gudbinayaan 

         Xoghayha Joogatda ah si uu ugu gudbiyo Guddoonka      12.3    Haddii Guddoonku u arko Ajande mudane soo gudbiyey maangal waxaa la diiwaan

gelinayaa magaca mudanaha si uu ugu soo jeediyo Golaha hortiisa.     12.4      Xeer kasta oo Golaha la keenay waa inuu yahay ugu yaraan 70 koobi si mudane kasta uga

baaraan dego      12.5     Xeer kasta oo Golaha la hor keeno waa inaanu ka hor imaanayn Shareecada Islaamka,

Dastuurka ama xeer horey u jiray 12.6          Mooshinnada Golaha waxaa soo jeedin kara ugu yaraan 6 mudane, waana inay isku

raacdaa ugu yaraan 22 mudane si looga doodo Go’aana looga gaaro, haddii aan dastuurku si kale u tilmaamin.

     12.7      Haddii uu jiro Mooshin aan Go’aan laga gaarin lama furi karo Mooshin cusub ilaa     laga meel mariyo kii hore 

Qodobka 13-aadHabka Codbixinta Golaha Wakiiladda

 13.1       Cod waxaa la qaadi karaa marka ay Golaha fadhiyaan (½+1) kala badh iyo hal

tirada xubnaha Golaha, wuxuuna ku meel maraa cod hal dheeri ah haddii aan dastuurku si kale u sheegin.

13.2  Marka codeynta la isku diyaarinayo ilaa ku dhawaaqida natiijada La gaarayo mudanayaasha waxaa ka reebban hadalka dhaqdhaqaaqa iyo Bixitaanka.

13.3  Qaabka Codeynta Goluhu waa gacan taag ama qarsoodi hadba Goluhu kay qaataan.13.4    Codka waxaa tirinaya Xoghayaha Joogtada ah iyo Hadba ciddii kaalinaysa.   13.5    Haddii tirinta codku khaldanto ama shaki galo Guddoomiyuhu Codeyn cusub ayuu ku

celinayaa13.6    Haddii codadku laba jeer is le’kaadaan Guddoomiyaha ayaa yeelanaya cod dheeri ah mar

saddexaadka 13.7     Natiijada Codeynta waxaa ku dhawaaqaya Guddoomiyaha Golaha13.8     Xeer Goluhu cod ku diiday waxaa golaha Dib loogu soo celin karaa kalfadhiga Xiga.

 Qodobka 14-aad

Geedi socodka Xeer samaynta

Mashruuc sharci waxaa Golaha Wakiillada horgeyn kara oo keli ah:-

b) Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wakiilada t) Golaha Xukuumada j) tiro muwaadidiin ah oo aan ka yarayn 5000 (shan kun) oo qof oo cod bixiyayaal ah

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 7: Xeerhoosaad Golaha

7

Marka Baarlamaanka la hor keeno mashruuc sharci wuxuu marayaa tallaabooyinka soo socda:-

14.1 Si guud ayaa loo akhrinayaa, iyadoo aan wax ka bedel lagu samayn, taasoo noqonaysa (akhriska 1-aad)

14.2 Waxaa la galinayaa coddeyn in laga doodo ama la diido.14.3 Haddii codadku u bataan in laga doodo wuxuu u gudbayaa heer guddi, iyadoo guddiga

ku shaqo lihi uu darsayo xeerka kalana tashanayo qeybta fulinta ee uu khuseeyo iyo daneeyayaasha bulshada kuna soo darayaan wax ka bedelka ay sameeyeen

14.4 Guddigu wuxuu Golaha u soo gudbinayaa talo bixintooda la xiriirta wax ka bedelkooda si uu Goluhu uga doodo codna loogu qaado, taasoo noqonaysa (akhriska 2-aad)

14.5 Haddiise codadku noqdaan haa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa saxiixaya.14.6 Marka Guddoomiyuhu saxiixo, Madaxweynaha waxaa u bannaan in uu ogolaado ama

diido.14.7 Haddii diido Madaxweynuhu waxaa Golaha Wakiilladu xaq u leeyahay inuu cod 2/3

(sadex meelood laba) ku jabiyo diidmada Madaxweynaha.14.8 Marka madaxweynuhu ogolaado mashruuca sharciga ee codka loo qaaday iyo marka

diidmada Madaxweynaha lagu jabiyo cod 2/3 tirada Xubnaha golaha, waxaa waajib noqonaysa in Madaxweynuhu xeerka saxiixo, faafinta rasmiga ahna lagu soo saaro, halkaas oo mashruurcii sharcigu si bedelayo xeer rasmi ah.

Qodobka 15-aadXilka Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda

Xilalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxay ka kooban yihiin:-

15.1                   Waa Madaxa ugu sarreeya hogaaminta iyo hawlaha Golaha.15.2                   Furridda, xiridda iyo hadal qaybinta hawl maalmeedka Golaha.15.3                   Wuxuu Saxiixaa Go’aamada Golaha.15.4                   Wuxuu Magaca Golaha ku qaabilaa Wufuudda booqashada ku timaada Dalka.15.5                   Diyaarinta Ajendayaasha kalfadhiyada isagoo la tashanaya Guddoomiye ku xigeennadda.15.6                   Magacaabida Guddiyo ka hawl gala Dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa, markii uu la                       Tashado Guddoomiye ku xigeennadda.15.7          Wuxuu isugu yeeri karaa Golaha Wakiilladda Kalfadhiyada caadiga ah ama aan caadiga

ahayn, sida ku cad qodobka 65-aad.ee Dastuurka DPL 15.8           Wuxuu shirka hakin karaa mudo 24-saac markuu maslaxad u arko isagoo la                      tashanaya Guddoomiye ku xigeenadda.. 15.9          Wuxuu u gudbinayaa Mudanihii ka horyimaada habsami u socodka howlaha   Golaha

Gudiga Arrimaha Golaha. 15.10       Wuxuu ka qayb galaa shirarka, Saxiixyada & heshiisyada khuseeya Golaha, iyadoo laga

ansixinayo Golaha.  

15.11        Wuxuu qoraal u diri karaa Golayaasha Dowlada ee Looga baahdo ka soo qayb galka Fadhiyada Golaha Wakiillada ama shirarka Gudiga joogtada ah, hawl qaran awgeed.

15.12        Wuxuu magacaabaa Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Markuu la tashado Guddoomiye ku xigeenadda. sida ku cad Dastuurka.

15.13        Wuxuu leeyahay soo gudbinta Miisaaniyadda Golaha markay soo diyaariyaan Guddiga Dhaqaalaha, Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka Golaha Wakiillada

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 8: Xeerhoosaad Golaha

8

15.14         Gudoomiyuhu wuxuu yeelan karaa Xoghayn u gaara. 15.15         Wuxuu magacaabi karaa la taliyayaal, isagoo la tashanaya Guddoomiye ku xigeenadda.15.16         Gudoomiyuhu wuxuu howsha Golaha u dalbi karaa garyaqaano Soomaali ah  ama ajnebi

ah oo ka kaaliya sharciyadda ama dib u eegista Dastuurka hadii loo baahdo. 15.17         Wuxuu ku wargeliyaa Golaha Xilliga iyo anjendaha kalfadhiga Bil ka hor. 15.18   Markuuu la tashado Guddoomiye ku xigeenadda.wuxuu madaxda Gudiyada  

(Gudd/Joogtada) ee xilkooda gudan waaya u soo gudbiyaa Golaha. 15.19         Gudoomiyuhu Wuxuu joojin karaa Mooshin aan waafaqsanayn Dastuurka iyo                   qawaaniinta Dalka Marka ay la qaataan Goluhu. 15.20        Haddan Goluhu u ogalaan xaq uma laha kala horumaritna ajandaha kadib markii uu

Goluhu Ansixiyey. 

Qodobka 16-aadXilka Gudoomiye ku xigeenada Kowaad iyo Labaad

  

16.1       Gudoomiye ku xigeennadu waxay si joogta ah uga kaaliyaan Guddoomiyaha hawlaha Golaha.

16.2     Markuu gudoomiyuhu hawsha ka maqan yahay waxaa dhamaan hawsha sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Kowaad, haday labaduba maqan yihiin waxaa dhammaan xilka sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

16.3 Haddii Guddomiyuhu dhinto, iscasilo ama Xilka laga qaado, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ayaa si ku-meel gaar ah u qabanaya xilka Guddoomiyaha ilaa doorashada Guddoomiye cusub, haddii xaaladaha kor ku xusani ku dhacaan labadaas mas’uulba Guddoomiye ku xigeen 2-aad ayaa si ku-meel gaar ah u haynaya xilka Guddoomiyaha inta laga dooranayo Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen 1-aad ee cusub.

16.4        Haddii gudoonkuba wada maqan yahay waxaa shaqada sii wadaya Gudoomiyaha Gudiga shuruucda.

Qodobka 17-aadShuruudaha Lagu lumin karo Xilka Guddoonka

Golaha

Guddoomiyaha & Guddoomiye ku xigeennada Golaha Wakiiladu waxay xilka ku lumin karaan:-

 17.1      Xil gudasho La’aan. 17.2      Jebiyo Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha si bareer ah. 

17.3      Gaar u isticmaalo awoodda Golaha 17.4      Lunsado hantida Golaha 17.5      Haddii ay dhacaan qodobkan faqradihiisa 1,2,3,4. midkood ama dhamaantood

waxay ku waayayaan xilkooda ½+1 (kala bar iyo hal) tirada Golaha Wakiillada markay isku raacdo.  

 

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 9: Xeerhoosaad Golaha

9

Qodobka 18-aadQaabka Doorashada Guddoonka iyo Madax

Guddiyeedyada Golaha Wakiillada. 

18.1    Musharax waliba wuxuu Barnaamijkiisa iyo taariikh nololeedkiisaba ka jeedinayaa Golaha Wakiiladda Hortooda muddo 10-daqiiqo ah.

18.2    Qaabka Codbixinta Doorashadu waa qarsoodi ama gacantaag midkood.18. 3  Codka waxaa tirinaya Xoghayaha Joogtada ah iyo Cidii ka kaalineysa.18.4    Codka waxaa la qaadayaa saddex wareeg, labada wareeg ee hore waa 2/3, kan 

saddexaadna waa haldheeri sida uu qabo Dastuurku.18.5    Musharixii ku guuleysto labada wareeg ee hore mid ka mid ah 2/3 ayaa ku guuleystay

Doorashada Guddoonka ama Madax Guddiyeedyada Golaha Wakiillada18.6   Wareega kowaad marka la wada galo wareega labaad waxaa u soo gudbi kara         

sadexda musharax ee ugu codka badan. 18.7   Wareega sadexaad oo hal dheeri ah waxaa u soo gudbi kara labada musharax eeugu 

codka badan.18.8    Musharaxu wuxuu keensan karaa qof codka u hubiya. 18.9 Ku dhawaaqista natiijada Doorashada marba heerka ay marayso waxaa leh  Guddoomiyaha

Golaha Wakiillada. 

Qodobka 19-aadGuddiga Joogtada ah

 Guddiga Joogtada ee Goluhu Wuxuu ka kooban yahay Guddoomiye labo Guddoomiye ku xigeen & Toban madax Gudiyeed oo kala ah:-  

19.1     Madaxa Guddiga Shuruucda iyo Caddaalada . 19.2 Madaxa Guddiga Siyaasadda & Xiriirka Caalamiga ah. 19.3     Madaxa Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.  19.4     Madaxa Guddiga Arrimaha Gudaha iyo D/hoose.19.5     Madaxa Guddiga Amniga iyo Nabadgalyada.19.6     Madaxa Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka. 19.7     Madaxa Guddiga Hawlaha Guud iyo Ganacsiga.  19.8     Madaxa Guddiga Arimaha Bulshada & Dhaqanka.19.9     Madaxa Guddiga Dhawrista Deegaanka & khayraadka dabiiciga ah.19.10   Madaxa Guddiga Xuquuqda aadanaha, Qoyska & horumarinta Haweenka.

Qodobka 20-aadWaajibaadka Shaqo ee Guddiga joogtada ah

  

20.1    Socodsiinta Hawlaha Golaha Wakiiladda Labada Kalfadhi dhexdooda 20.2    Ururinta Xogaha iyo dhacdooyinka Dalka Labada kalfadhi dhexdooda wuxuuna war bixin

sugan u soo gudbiyaa fadhiga Golaha. 20.3       La socodka iyo Kormeeridda dhaqangalka xeerarka DPL.20.4 Sugidda qorshihii Xukuumadda ee la ansixiyey in loo fuliyo sidii loogu talagalay

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 10: Xeerhoosaad Golaha

10

20.5         Waxay u yeeri karaan mas’uul kasta si ay wareysi, qoraal ama su’aalo  uga weydiiyaan Arrimaha la xirira hawshiisa.

20.6         Diyaarinta Qorsheyaal & barnaamijyo wax qabad oo ku abaaraan Golaha.20.7     Kala talinta dawladda siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. 20.8     Xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Golaha & Baarlmaanada Caalamka 20.9         Soo jeedinta mas’uuliyiinta Wasaaradaha & hay’adaha DPL dhaliil iyo ammaan        hadba kay mudan yihiin.20.10     Ka talo bixinta sugidda amniga DPL & dhawrista deris wanaagga  

20.11      Soo saarista baaqyo Baarlamaan markii ay jiraan duruufo dabiici ah & kuwo aadami-   nimo

  Qodobka 21-aadShirarka & Kulamada Guddiga Joogtada ah

 21.1      Guddoonka Guddiga joogtada ahi waa Guddoonka Golaha Wakiillada 21.2      Guddigu wuxuu yeelanayaa hal shir todobaadkiiba 21.3      Shirka Guddiga Joogtada ahi wuxuu ku furmayaa 2/3 (sadex meelood labo) xubnaha

Guddiga.21.4      Go’aamada Guddigu waxay ku ansaxayaan cod hal dheeri ah, haddiise laba jeer codku is

le’ekaado waxaa cod dheeri yeelanaya mar sedexaadka Guddoomiyaha  21.5      Shirka Guddiga waxaa ka qayb gelaya Xoghayaha Joogtada oo aan cod ku lahayn. 

Qododbka 22-aadShuruudaha Lagu lumin karo Xubinimada

Guddiga Joogtada ah     

22.1   Shuruudaha ku qoran qodobka 62-aad ee dastuurka 22.2   Xil gudasho la’aan. 22.3 Haddii xubin sabab la’aan ay ka maqnaato labo fadhi oo isku xiga ee Guddiga joogta ah22.4   Ku xad gudub Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.22.5 Haddii xubnuhu dhammaan qaban waayaan shirka labo fadhi oo caadi ah, oo isku xiga

sabab la’aan  

Qodobka 23-aadWaajibaadka Shaqo ee Guddiyadda Golaha

  

23.1     Guddiga Shuruucda iyo Cadaaladda   

            1.   Ilaalinta Dastuurka, Xeerarka dalka & go’aammada Goluhu ansixiyo             2.   Hubinta in xeerarkii Goluhu Ansixiyey lagu soo saaray faafinta rasmiga ah.               3.   Ururinta Xogaha la xiriira xeerarka aan hirgelin ama aan sidoodii loogu                            dhaqmin.             4.   Soo jeedinta cidii jabisa Dastuurka iyo Xeerarka dalka             5.   Soo jeedinta wax ka bedelka xeerarkii Goluhu hore u ansixiyey oo u baahan in                   wax laga bedelo.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 11: Xeerhoosaad Golaha

11

          6. Dhiiri galinta arimaha cadaalada iyo Garsoorka. 7. Fududeynta xeerarka Golaha la hor keeno. 8. Xaqiijinta la dagaalanka anshax xumada iyo mukhaadaraadka 9.   Ka talo bixinta wax ka bedelka Dastuurka DPL & soo jeedinta is-waafajinta kan Federaalka 10. U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Shuruucda iyo

caddaalada.

23.2   Guddiga Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamiga ah 

1)      la socodka & hubinta Habka wada shaqeynta DPL & Dawladda Federaalka..2)      Hubinta & ka qeyb galka hawlaha dib loogu dhisayo dalka 3)     Hubinta in Siyaasadda Dawladdu tahay mid ka turjumaysa danaha yo daryeelka

bulshadda DPL 4)      Ka tala bixinta Siyaasadda & is-taraatiijiyada wada shaqeynta qeybaha dawladda 5)      U soo gudbinta Golaha xaaladdaha siyaasadeed ee DPL & Dawladda Federaalka 6)      Hubinta habsami-u socodka qorshaha dawlada iyo xiriirka caalamiga ah.7)      Xaqiijinta & tala bixinta dhacdooyinka Arrimaha dibada ee ka hor imaanaya siyaasadda DPL.8)      La socodka siyaasadda dawladda ee ku wajahan socdaalka.9)      Ka tala bixinta wax wada qabsiga & deris wanaaga wadamada aan jaarka nahay 10)    Isku xirka DPL & Jaaliyadaha dibada 11)    Xoojinta xiriirka & wax wada qabsiga Golaha Wakiillada & Baarlamaanada Caalamka 12)     Ka tala bixinta arriamaha tirakoobka

13) U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Siyaasadda iyo Xiriirka Caaalamiga ah.

23.3  Guddiga Anshaxa iyo Arimaha Golaha  

                        1.  La socodka iyo hubinta habsami u socodka howlaha Golaha                        2.  Ilaalinta anshaxa iyo habdhaqanka suuban ee Golaha                        3.  La socodka & talo ka bixinta daryeelka Xubnaha Golaha                         4.  Ka go’aan qaadashada anshax marinta Xubnaha Golaha Wakiillada markii                                 Guddoonku u soo gudbiyo.                        5.  U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira arrimaha                                 Golaha & Anshaxa.

6. kor u qaadista aqoonta Xubnaha Golaha iyo Shaqaalaha. 7. U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Arrimaha Golaha.

23.4 Guddiga Arrimaha Gudaha & D/hoose 

                        1.  La socodka, Ururinta & ka tala bixinta Xaaladaha Gobollada iyo Degmooyinka 2. Hubinta & la socodka dhismayaasha Golayaasha deegaanka ee degmooyinka. 3. Kormeerka goobaha ay ka dheceen aafooyinka dabiiciga ah

                        4. Ka warbixinta dadka ku waxyeeloobay aafooyinka dabiiciga ah & la xisaabtanka hay’adaha qaabilsan .

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 12: Xeerhoosaad Golaha

12

5. U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira arrimaha gudaha, D/hoose iyo deegaannada.

                  23.5. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada 

1)      Kormeerka iyo la socodka xaaladda nabadgelyo iyo amni ee Dalka.2)      Uruurinta dhacdooyinka nabadgelyo iyo amni ee u baahan in deg deg wax looga qabto.3)      Kormeerka iyo talo-siinta hay'adaha qaabilsan amniga4)      Ka- war bixinta xaaladdaha nabadgelyo iyo amni ee gobollada & Degmooyinka dalka..5)      Xog-ogaal u noqoshada tirada & tayada Ciimadamada Puntland 6)      U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira amniga iyo

nabadgelyada 

23.6 Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka 

1)      La socodka siyaasadda dhaqaalaha & Xisaabaadka dawladda.2)      Hubinta ku dhaqanka Miisaaniyadda & beekhaaminta kharashyada Dawladda 3)      Ka warbixinta xaaladda dhaqaale ee Puntland 4)      Daba galka & la xisaabtanka Hay’adaha dhaqaalaha 5)      U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira arrimaha dhaqaalaha

iyo Xisaabaadka Dawladda.  

23.7 Guddiga Hawlaha Guud iyo Ganacsiga.

1) La socodka ganacsiga gudaha iyo dibada ee DPL.2) La socodka iyo xog-ogaal u noqoshada wax soo saarka warshadaha dalka.3) U kuurgelidda iyo kormeeridda xaaladda Garoomada diyaaradaha Puntland.4) Ka war haynta xaaladda ay ku sugan yihiin dekedaha, marsooyinka iyo gaadiidka badda.5) Kormeerrida hay’adaha qaabilsan horumarinta waddooyinka, biyaha iyo korontada 6) U gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Arrimaha hawlaha guud iyo

ganacsiga .

23.8 Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka

1) La socodka xaaladaha adeegyada bulshada, caafimaadka iyo waxbarashada iwm2) Soo jeedinta dhibaatooyinka arrimaha bulshada ee u baahan in degdeg wax looga qabto.3) Kormeerka, qiimeynta iyo ka tala bixinta adeegyada bulshada.4) Hubinta ku barbaarinta ubadka soo koraya dhaqanka suubban iyo maadi’da Diinta

Islaamka.5) La socodka xaalada shaqada iyo shaqaalaha.6) Dhiiri gelinta horumarinta dhalinyarada iyo isboortiga.7) Dhiiri gelinta saxaafadda iyo is-gaarsiinta casriga ah.8) U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Arrimaha bulshada iyo

dhaqanka.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 13: Xeerhoosaad Golaha

13

23.9 Guddiga Dhawrista Deegaanka & Khayraadka Dabiiciga ah1)      La socodka, ururinta & tala ka bixinta dhibaatooyinka ka jira deegaanka & Bey’adda.2)      Ka tala bixinta la dagaalanka xaalufinta dhirta, Xoolaha & duur-joogta 3) La talinta & soo jeedinta tilmaamo ama awaamiir lagaga hortagayo qashin warshadeed

halis ah oo lagu qubo ama lagu aaso badda iyo wasakhda hawada doorisa & dhammaan waxyaabaha dhawaca khayraadka dabiiciga ah & cimiladda

4)      Kormeeridda hay’adaha u xilsaaran Arrimaha deegaanka & Bey’adda5)      Ka qeyb galka wacyi-gelinta dadweynaha ee badbaadada deegaanka & bey’adda 6)      U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira arrimaha deegaanka &

khayraadka dabiiciga ah. 

23.10 Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Qoyska iyo Horumarinta Haweenka

 1) la socodka meel ka dhacyada xuquuqda aadanaha ee Puntland. 2) ka warbixinta meel ka dhacyda lidka ku ah xuquuqda aadanaha. 3) La socodka Arrimaha Qoyska iyo Horumarinta Haweenka.4)      U kuur-gelidda dhibaatooyinka haweenka & Qoyska  5)      Dhiiri gelinta waxbarashadda haweenka iyo Dhallaanka 6)      U doodista agoomaha & ubadka aan waalidka lahayn 7)      Dhiiri gelinta Naas-nuujinta iyo nafaqeynta carruurta 8)     U soo gudbinta Golaha Warbixinaha la xiriira Xuquuqda aadanaha, Qoyska &

horumarinta Haweenka.   

Qododbka 24-aadQaabdhismeedka & Kulamada Guddiyada Golaha:-

 

24.1  Guddiyada Goluhu waxay u dhisan yihiin Guddoomiye, Guddoomiye ku xigeen &  Xubno 24.2  Kulamada Guddiyada Golaha waxaa loo cuskanayaa Qodobka  22-aad faqradihiisa 3,4,5 ee xeerkan 

 

Qodobka 25-aadHabraaca Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda

  

25.1    Goluhu wuxuu yeelanayaa dhaqaale u gaar ah oo ku filan hawsha uu Dalka u hayo.25.2    Dhaqaalaha Golaha Wakiiladda waxaa ka mas’uul ah Guddoonka, Xoghayaha   Joogtada ah & Agaasimaha Waaxda Maamulka.25.3 Dhaqaalaha Golaha qoondayntiisa waxaa lagu salaynayaa qorshe-hawleedka Golaha Wakiillada25.4    Dhaqaalaha Golaha waxaa loo maamulayaa hab waafaqsan Nidaamka Dhaqaalaha oo ah

sidan: -

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 14: Xeerhoosaad Golaha

14

B. Waa in loo sameeyo dhammaan dukumintigii looga baahnaa Nimaadka              dhaqaalaha sida, Buugga Lacagta Diiwaanka kharash bixinta IWM.

T.   In dhaqaaluhu ku baxo xaashida lacag Bixinta ayna la socoto Xaashi caddaynaysa inuu sharciga waafaqsan yahay kharashkaasu.

J. Bil walba waa in lagu sameeyo xisaab xir dheeli tiran, loona gudbiyo Guddiga Dhaqaalaa Golaha & Xisaabaadka. X.   Diiwaanka waa in lagu cadeeyo Madaxa, Madax xigaha iyo xarafka  

      kharashku ka baxay. Kh. Kharash kasta oo ka baxay Xafiiska Golaha ama ku baxay amar waa in  

      diiwaanka lagu cadeeyo lambarka xaashida lacag bixinta, taariikhda             kharashka la bixiyey iyo waxa ay ku baxdey.

 

Qodobka 26-aadXoghayaha Joogtada ah

26.1  Xoghayaha Joogtada ah waa madaxa ugu sareeya Shaqaalaha Golaha.26.2  Wuxuu ururiyaa diiwaan geliyaana hadal qoraalka shirka 26.3  Waa mas’uul ka mid ah Mas’uuliyiinta dhaqaalaha Golaha 26.4  Fadhi maalmeed walba marka la furayo waa in Xoghayaha Joogtada ah sheegaa Xubnaha Fasaxa ah, Kuwa maqan iyo tirada fadhida 26.5  Wuxuu Diiwaan geliyaa xeerarka, Go’aamada kalfadhiyada, Qoraalada  iyo Go’aamada Guddiga Joogtada ah.26.6  Wuxuu Diiwaan geliyaa Hantida Golaha  26.7  Wuxuu Tiriyaa Cod bixina Golaha isagoo kaashanay shaqaalaha Golaha26.8  Wuxuu ka kaaliyaa Guddoonka hagidda shirka

 

Qododbka 27-aadShuruudaha Lagu Xulanayo Xoghayaha Joogtada ah

 27.1   Waa inuu yahay Somali Puntland u dhashay27.2   Waa inuu leeyahay Asluub wanaagsan 27.3   Waa inuu haystaa ugu yaraan Shahaado Dugsi Sare.27.4   Waa inuu yaqaano Af-somali, kuna hadli karaa Carabi iyo Ingiriisi27.5   Waa inuu leeyahay waayo aragnimo shaqo oo gaarsiisan ugu yaraan 5-sano 27.6   Waa inuu yahay Qof lagu aamini karo sirta & Dukumintiyada Golaha.

 

Qodobka 28-aadShaqaalaha Xarunta Golaha Wakiiladda

28.1 Shaqaalaha Golaha Wakiillada waxaa lagu dhaqayaa sharciga shaqada iyo shaqaalaha ee DPL. 28.2 Xilka iyo waajibaadka shaqaalaha Golaha Wakiillada waxaa lagu qeexayaa xeer

Qodobka 29-aad

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL

Page 15: Xeerhoosaad Golaha

15

Wax ka bedelka Xeer hoosaadka  Wax ka bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu wuxuu ku ansaxayaa marka ay Isku racaan ½ +1 (kala badh iyo hal) tirada Xubnaha Golaha.

Qododbka 30-aadDhaqan Galka Xeerka

 

Xeer-hoosaadku wuxuu dhaqan gelayaa marka Goluhu Oggolaado, Guddoomiyaha Golaha Wakiilladuna Saxiixo. 

Allaa Mahad Leh

Mr, Cabdirashiid Maxamed XirsiGuddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL