xeerarka iskaashatada marwosom qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee...
TRANSCRIPT
CONTACTS
Website: www.marwosom.com
Email: [email protected]
Mobile: +252 63 4709322 AMA +252 633519046
XEERARKA ISKAASHATADA MARWOSOM MARWOSOM COOPERATIVE ARTICLES OF ASSOCIATION
GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN
TOGETHER WE CAN DO BETTER
XEERARKA ISKAASHATADA
MARWOSOM COOPERATIVE
GACMO WADAJIR BEY WAX KU GOOYAAN
Qodobka 1aad
Magaca Shirkadda iyo xarunta guud
1. Magacu waa MarwoSom cooperative (Iskaashato Marwosom), waana nooca loo
yaqaan Cooperatives ama Iskaashatooyinka.
2. Iskaashato MarwoSom waxaa la aasaasay sannadka hijriga ah 1437 bisha Ramadaan
oo waafaqsan sannadka miilaadiga ah 2016 bisha 6aad.
3. Astaanta shirkaddu (logo) waa tan xagga sare ka muuqata
4. Iskaashatada MarwoSom waxay leedahay shakhsiyad qaanuuni ah (legal
personality). Magaceeda ayaa lagu dacweyn karaa ama kuna dacwoon kartaa.
5. Xarunta guud ee shirkadda waxay noqon doontaa magaalada Hargaisa.
6. Iskaashatadu waxa ay xarumo ku yeelan doontaa dhammaan magaalooyinka
muhiimka ah ee dalka iyadoo ilaalineysa sharciga islaamka iyo xeerarka ganacsiga ee
u yaalla meelahaas ay ka furanayso laamaha.
7. Hawl kasta oo loo qabanayo Iskaashatada waxaa lagu qaban doonaa magaca
Iskaashatada gudaha iyo dibaddaba, marka laga reebo wixii hawl ah ee maamulka
Iskaashatadu uu u idmado cid kale.
XEERARKA ISKAASHATADA
Qodobka 2aad
Nooc-shirkadeedka
1. Waa nooca loo yaqaanno Iskaashatooyinka ama af carabiga lagu yiraahdo Al
tacaawuniyaat (cooperatives), masuuliyadda saamile kasta waxay ku xaddidan tahay
inta uu la eg yahay saamiga uu ku leeyahay shirkadda.
2. Marwosom Cooperative waxaa aassaasay shakhsiyaadka hoos ku qoran:
a- XXfarax Cabdillaahi Axmed (Guddoomiye) mobile: 0634709322
b- Sumiya Maxamed Axmed (Ku-xigeen) mobile: 0633519046
c- Saynab Ibrahim Cismaan (La taliye) mobile: 0634475873
d- XXXXCabdalla Sh. Maxammed (Xoghayaha guud) mobile: 06335
e-
Qodobka 3aad
Hadafka Iskaashatada
1- Iskaashatada Marwosom waa Iskaashato macaashka ay hesho si toos ah dib ugu
celin doonta saamilayaasha hadafkeeda ganacsina wuxuu ku salaysan yahay inay ka
shaqayso danaha iyo manaafacaadka xubnaha ka tirsan Iskaashatada iyo ummadda
kalaba islamarkaana shaqooyin ka abuurto dalka oo dhan.
2- Iskaashatadu waxay qorsheyneysaa inay qabato hawlo kala duwan oo ganacsi
iyadoo baaxadda hawlahaas ay ku xiran tahay tirada saamilayaasha ka soo qeyb geli
doona.
3- Iskaashatadu waxay hawleheeda u qeybin doontaa mashaariic, mashruuca ugu
horreeya waxaa la hirgelin doonaa – haddii allah uu idmo - muddo saddex bilood ah
gudahood, kadib marka la dhammaystiro hawlaha aasaaska iskaashatada.
4- Mashruuca koowaad ee shirkadda waxaa lagu magacaabay Marwosom Bakeries
oo shaqadiisu noqon doonto soo saaridda iyo qeybinta roodhida iwm.
5- Iskaashatadu waxay magacyo u bixin doontaa dhammaan mashaariicda ay bilaabi
doonto. Dhammaan mashaariicdaas waxay si toos ah uga tirsanaan doonaan
Marwosom Cooperative.
XEERARKA ISKAASHATADA
6- Iskaashatada waxaa u bannaan inay ku iibiso jumlad iyo tafaariiqba wax
soosaarkeeda iyo waxyaabaha ay soo iibsato labadaba.
7- Hadafka Iskaashatadu waxaa wax ka baddeli kara Guddiga Agaasinka (Board of
Directors) ka dib markay afti ka qaadaan ugu yaraan 2/3 saamileyda Iskaashatada.
Qodobka 4aad
Raasumaalka Iskaashatada
1- Saamiyada Iskaashatadu yeelan doonto waa kuwo furan qiimaha halkii saami waa 5
usd ah qofkuna wuxuu ku darsan karaa inta uu awoodo bil walba 10, 15, 20…. sidaa
darteed raasumaalka guud ee shirkaddu wuxuu noqonayaa tirada saamilayaasha oo
lagu dhuftay inta saami ee ay iibsadaan.
2- Lacagta bil walba uu bixinayo saamiluhu khasab ma aha in ay isku mid ahaato ee
waxaa muhiim ah inaysan ka yaraanin xadka ugu hooseeya.
3- Haddii uu saamiluhu uu awoodi waayo bilaha qaarkood inuu wax ku darsado wax
dhib ah malaha waxay saameyn ku yeelanaysaa uun tirada saamiyada uu ku
leeyahay iskaashatada.
4- Qofna si gaar ah uma yeelan karo wax ka badan 20% saamiga guud ee
Iskaashatada.
5- Raasumaalka Iskaashatada waa la kordhin karaa ama la dhimi karaa marka Board of
Directors-ku ay cod ogolaansho ka helaan ugu yaraan 2/3 saamilaaysha
Iskaashatada.
Qodobka 5aad
Caddaynta saamiyada saamilaha (Shahaado)
1- Qof kasta oo Iskaashatada ku leh saami waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo shahaado
(certificate) taas oo caddeyn doonta isugeynta saamiyada uu Iskaashatada ku
leeyahay, shahaadada waxaa saxiixi doona agaasinka shirkadda.
XEERARKA ISKAASHATADA
2- Saamiluhu wuu wareejin karaa ama iibin karaa saamiyadii uu lahaa waxaana ay si
rasmi ah ugu wareegi doontaa iibsadaha oo Iskaashatadu ay u samayn doonto
shahaado cusub.
3- Saamilaha go’aansada inuu iibiyo ama wareejiyo dhammaan ama qayb ka mid ah
saamiyadii uu Iskaashatada ku lahaa waa inuu bil ka hor qoraal ogeysiis ah u soo
qoraa maamulka Iskaashatada si loo ansixiyo xubinta cusub ee ku soo biireysa
Iskaashatada.
4- Haddii shahaadadu ay lunto ama ay googo’do Iskaashatadu waxay samayn doontaa
beddelkeeda (duplicate).
5- Iskaashatadu waxay diiwaangelin (registration) ku samayn doontaa milkiyadda ama
lahaanshaha saamilayaasha iyo isbedelada ku dhaca lahaanshahaas si uu u noqdo
diiwaankaasu meesha laga eegayo haddii uu dhoco muran ku saabsan lahaanshaha
ama milkiyadda saamiyada.
Qodobka 6aad
Mudada jiritaanka Iskaashatada
1- Mudada ay jiri doonto Iskaashatadu ma xadidna.
Qodobka 7aad
Maamulka Iskaashatada iyo qaab-dhismeedkeeda
Gudiga agaasinka Iskaashatada (Board of Directors)
1- Saamilayaasha Iskaashatadu waxay si xor ah u dooran doonaan Guddiga agaasinka
Iskaashatada (Board of Directors)
2- Gudiga agaasinku waxay iska dhex dooranayaan Guddoomiyaha (president), ku-
xigeen ka guddoomiyaha (vice president), iyo Xoghayaha guud (Secretary general).
3- Mudada xilka ee madaxda Iskaashatada waxaa lagu caddeyn doonaa xeer
hoosaadyada Iskaashatada.
XEERARKA ISKAASHATADA
4- Guddoomiyaha Golaha agaasinka (Head of Board of Directors) iyo xubnaha Golaha
agaasinka (Members of board of directors) waa la casili karaa haddii ay sidaa isla
gartaan 2/3 saamilayaasha Iskaashatada.
5- Maamulka Iskaashatadu wuxuu mas’uul ka yahay fulinta go’aanda Golaha agaasinka
ee la xiriira hawlaha Iskaashatada.
6- Maamulka Iskaashatadu waxay u xilsaaran yihiin socodsiinta hawl maalmeed ka
Iskaashatada sida wax soo saarka, wax soo iibinta, wax sii iibinta, qorsheynta,
xisaab xidh ka iyo dhammaan warbixinnada (reports) ka loo baahan yahay ee
Iskaashatada.
7- Dhammaan xubnaha maamulka iyo kuwa goluhu waxay xaq u leeyihiin inay qaataan
tababarro la xiriira hawlaha laga sugayo inay qabtaan si hawlaha Iskaashatadu ay
ugu socdaan sidii loogu tala galay.
8- Waxaa Iskaashatada u bannaan inay ay u idmato hawleheeda kala duwan ciddii u
leh aqoonta loo baahan yahay sida maamulayaal iyo xisaabiyayaal khibrad leh iyo
xirfadlayaal kalaba oo iyagu mushaar ku qaadanaya hawsha loo idmaday.
Qodobka 8aad
Masuuliyadda iyo awoodda Golaha agaasinka (board of directors) iyo guddoomiyaha
golaha
1. Goluhu wuxuu mas’uul ka yahay dejinta qorshayaasha mudada dheer ee lagu
gaarayo hadafka shirkadda.
2. Guddoomiyaha iyo ciddii uu u idmado waxay matalayaan shirkadda gudaha iyo
dibeddaba
3. Guddoomiyuhu waa shir guddoonka Golaha
4. Goluhu wuxuu dabagal ku samaynayaa fulinta go’aamada ee maamulka shirkadda
XEERARKA ISKAASHATADA
Qodobka 9aad
Kulamada Golaha agaasinka
1. Kulanka goluhu wuxuu dhici doonaa afartii biloodba mar.
2. Kulan Ku wuxuu qabsoomi karaa marka ay goob joog ahaadaan kala badh iyo hal
xubnaha Golaha agaasinka.
3. Marka ay jirto xaalad deg deg ah waxaa la qaban karaa kulan aan caadi ahayn.
4. Sannad xisaabeed kasta marka uu dhammaado waxaa qabsoomi doona shir
sannadeed waxaana ka soo qeyb geli doona dhammaan saamilayaasha
Iskaashatada. Kulankaas waxaa loogu yeedhi doonaa (Kulanka guud).
5. Kulanka guud waxaa lagu soo bandhigi doonaa warbixin ku saabsan halka ay
marayso xaaladda dhaqaale ee Iskaashatada iyo istaraatiijiyadda mustaqbalka dhow
iyo kan fog ee Iskaashatada.
6. Kulanka guud ee saamileyda wuxuu qabsoomayaa marka ay soo xaadiraan 51%
saamilayaasha Iskaashatada
Qodobka 10aad
Xuquuqda saamileyda
1. Saamiluhu wuxuu xaq u leeyahay in si rasmi ah loogu marti qaado kulanka guud ee
sannadlaha ah.
2. Saamiluhu wuxuu leeyahay cod talo-bixineed.
3. Saamiluhu wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xisaab-xidh sax ah oo ku saabsan
saamiyadiisa gaarka u ah dhammaadka sannad kasta
4. Saamiluhu wuxuu xaq u leeyahay in loo sheego marka la iibinayo saamiyo guud,
haddii aanu jirin qodob sharci ah oo ka reebaya.
XEERARKA ISKAASHATADA
5. Saamilaha waxaa uu leeyahay mudnaanta koowaad haddii uu doonayo inuu
shaqaale u noqdo Iskaashatada waase haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xidhan
shaqadaas iyada ah.
6. Saamile kasta wuxuu xaq u leeyahay in lala socodsiiyo faa’iidada saafiga ah ee uu
helay sannadkaas isla markaasna isagaa ikhtiyaar u leh inuu qaato iyo in uu dib ugu
iibsado saamiyo cusub.
Qodobka 11aad
Lataliye Sharci ah (Legal/professional advisor)
1. Iskaashatadu waxay yeelanaysaa la taliyeyaal sharci ah oo si joogta ah ugala
taliya Iskaashatada dhammaan wixii ku saabsan sharciyada Iskaashatooyinka.
2. La taliyaha dhinaca shareecada islaamka ah wuxuuna noqon doonaa
Sheekh Maxamed Cali Jaamac
3. La taliyayaasha dhinacyada hawlaha kale ee farsamo ee Iskaashatada, waxaa
lagu dooran doonaa aqoonta iyo khibradda ay u leeyahiyiin hawshaas iyada ah.
Qodobka 12aad
Sannad maaliyadeedka Iskaashatada
1. Sannad maaliyadeedka (financial year) Iskaashatadu wuxuu ka billaabmaa bisha
Dulqicdah – bisha 11aad ee hijriga- waxaanu ku dhammaadaa bisha Shawwaal.
2. Saannad maaliyadeed kasta waxaa la keeni doonaa warbixinta maamulka
Iskaashatada, xisaabaadkeeda, faa’iido iyo khasaare, warbixinta hanti dhawrka
Iskaashatada. Warbixinnada waxaa loo gudbin doonaa saamileyda ugu yaraan 10
cisho ka hor shirka sannadlaha ah.
3. Sannad kasta waxay Iskaashatadu u gudan doontaa zakada waajibka ah ee islaamka
si waafaqsan shareecada islaamka.
4. Waxaa Iskaashatada u bannaan in % kiiba in ka mid ah faa’iidada guud ay ku
taageerto dacwadda islaamka ah sida dhisidda masaajidda iyo goobaha lagu
daryeelo agoonta iwm.
XEERARKA ISKAASHATADA
Qodobka 13aad
Dabagalka xisaabaadka iyo maaliyadda (auditing)
1. Golaha agaasinku (board of directors) waxa ay magacaabi doonaan hanti-dhawre
(auditor) baadha isla markaana xaqiijiya xisaab-xidhka iyo warbixinnada maaliyadeed
ee Iskaashatada.
2. Si hanti-dhowrku u gutaan hawshooda waa inuu jiraa nidaam xisaabeed (accounting
system) sax ah oo la raad raaci karo.
3. Hanti dhawruhu waa inuu noqdaa qof ka madax bannaan maamulka Iskaashatada
oo isla markaana aan wax dan ah oo gaar ah ka yeelan Karin hawsha loo idmaday.
Qodobka 14aad
Qeybsashada faa’iidada iyo khasaaraha
1. Kadib marka la soo bandhigo xisaab-xidhka oo la ogaado in faa’iido la helay waxaa
khiyaar la gelin doonaa saamilaha in uu qaato faa’iidada qeybtiisa iyo inuu ku iibsado
saamiyo cusub.
2. Boqolkiiba in go’an ayaa laga jari doonaa faa’iidada saafiga ah ee Iskaashatada si
loogu daboolo kharajyada kala duwan ee Iskaashatada.
3. Waxaa faa’iido qeybsigu noqon doonaa bisha u danbeysa sannad maaliyadeedka
(financial year)
4. Saamile walba wuxuu heli doonaa faa’iido u dhiganta tirada samiyada uu ku
leeyahay Iskaashatada ee hawl gashay muddo faa’iido looga xisaabin karo.
5. Khasaaraha waxaa isagana lagu qeybsan doonaa tirada saamiyada uu saamile walba
leeyahay.
6. Abaal marinta la siin karo cidda mutaysata ee qabatay shaqo dheeraad ah waxaa
go’aamin doona golaga agaasinka (board of directors)
XEERARKA ISKAASHATADA
Qodobka 15aad
Xalinta Khilaafaadka
1. Haddii khilaaf yimaado waxaa loo dhammeeynayaa si hoose iyadoo loo saarayo
guddi dhexdhexaad ah haddii loo baahdo.
2. Haddii labadaa qaab ay shaqayn waayaan waxaa lama huraan noqon doonta in lagu
kala boxo maxkamadda shareecada islaamka.
Qodobka 16aad
Habka anshax marinta
1. Qofkasta oo ka tirsan saamilayaasha ama maamulka Iskaashatada oo ku kaca
waxyaabo ka dhan ah Iskaashatada iyo hadafkeeda waxaa xukun anshax marin ah
ka qaadaya guddi uu magacaabayo Golaha agaasinka ee shirkadda.
2. Xukunka anshax marinta ah wuxuu yeelan karaa qaabkan soo socda:
a- In digniin la siiyo lana garowsiiyo dambigiisa.
b- in laga qaado magdhaw u dhigma waxyeeladii uu geystay
c- in xannibaad (suspension) laga saaro maalgashiga Iskaashatada muddo go’an
d- In laga saaro Iskaashatada
e- Saamilaha laga saaro Iskaashatada waxa uu xaq u leeyahay inuu helo faa’iidadii
saamigiisa muddadii ka horreysay xilligii laga saaray Iskaashatada.
Qodobka 17aad
Ka bixidda Iskaashatada iyo iibinta saamiga
1. Qofkii doonaya inuu saamiyadiisa kala boxo Iskaashatada waa inuu codsi qoraal ah
ku soo gudbiyaa laba bilood ka hor xisaab-xidhka guud ee sannadka
2. Sida ka muuqata qodobka sare saamiluhu lama bixi karo saamigiisa inta lagu jiro
sannad xisabeedka.
XEERARKA ISKAASHATADA
3. Saamile kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu iibyo dhammaan ama qeyb ka mid ah
saamiyadii uu ku lahaa Iskaashatada, wuxuuse marka hore u bandhigayaa
saamilayaasha Iskaashatada hore ugu jiray.
4. Haddii la waayo cid Iskaashatada ka tirsan oo iibsata saamiyada iibka ah waa in
saamiluhu keenaa cid iibsaneysa oo uu maamulkuna ogolaaday inay shirkadda ku
soo biiri karaan.
5. Dhammaan saamilayaasha Iskaashatada waxay xaq u leeyihiin in lagu war geliyo
saamiyada iibka ah
6. Haddii ay maxkamadi xukun xayiraad ah saarto mid ka mid ah saamilayaasha oo
laga xayiro isticmaalka hantidiisa deyn lagu leeyahay darteed, wuxuu Golaha
agaasinku go’aan ka gaadhayaa xubin nimada qofkaa xayiraadda la saaray.
Qodobka 18aad
Baabi’inta shirkadda
1. Haddii uu burbur ku yimaado Iskaashatada sababtuu doono ha lahaadee waxay
noqoneysaa in si rasmi ah loo baabi’iyo Iskaashatada sida in laga saaro
diiwaanka xukuumadda lana xidho xisaabaadka bangiyada.
2. Xaaladda korku xusan marka ay dhacdo waxaa waajib ah in la qeybiyo hantida
soo hartay ee Iskaashatada iyadoo qeybtana lagu saleyn doono tirada
saamiyada.
Qodobka 19aad
Marjiciyadda sharciga ah iyo luqadda heshiiska
1. Luqadda koowaad ee heshiiskan waa afka soomaaliga.
2. Marjaca sharciga ah ee Iskaashatada waa shareecada islaamka
3. Sharcigan wixii fasiraad dheeraad ah ee uu u baahdo waxaa loola noqonayaa
sharciyaqaanada iyadoo lala kaashanayo la taliyaha sharciga ee shirkadda
XEERARKA ISKAASHATADA
Qodobka 20aad
Aasaasayaasha iyo Liiska Xubnaha Joogtada ah
Aasaasayaasha Iskaashatada
1- Farax Abdillaahi Axmed
2- Sumaya Mohamed Ahmed
3- Saynab Ibrahim Osman
4- XXCabdiraxmaan Cumar
Saxeexa Xubnaha Joogtada ah
1-Naciima Cabdi Cismaan ……………………………….
2-Muna Jaamac Baxnaan ………………………………..
3-Faaduma Cabdi Cismaan ………………………………..
4-Caasha Faarax Ducaale ……………………………….
5-Saynab Cabdillahi Axmed ………………………………
6-Saynab Ibrahim Cismaan ……………………………….
7-Sahra Xasan Xaashi ………………………………
XEERARKA ISKAASHATADA
Nidaamka kala sarreynta maamulka sare ee Iskaashato Marwosom
Ilaah baa mahadleh isagaana wakiil inooga ah waxaan saxeexeyno iyo heshiiskaba.
Waxaad Iskaashatada kala soo xiriiri kartaan:
Website: www.marwosom.com Email: [email protected]
Mobile: +252 63 4709322 AMA +252 633519046
Board Of Directors
Executive comittee
Executive Directors
Secretary General
Marketting Manager
Sales Assistant Manager
Finance Manager
Accountant Cashier
Operations Manager
Personnel Manager