warsidaha arrimaha bulshadda { 6biloodle}...soomaliland maxamed cilmi aadan ilkacase ayaa manta usoo...
TRANSCRIPT
Warsidaha Arrimaha Bulshadda { 6Biloodle}
Gudaha Warsidaha
PAGE 3
Bogga Arrimaha Bulshadda
PAGE 5
Bogga Arrimaha Shaqo abuurka
PAGE 8
Bogga Arrimaha Qoyska
PAGE 10
Bogga arrimaha Naafadda
PAGE 11
Bogga hirgelinta mucaawinooyinka wasaaradda
Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska
Jamhuuriyadda soomaliland Waxay ka Koobantahay
Waaxdda Arrimaha Bulshadda.
Waaxdda Arrimaha Qoyska
Waaxdda Shaqo Abuurka
Waaxdda Shaqo Gelinta
Waaxdda Horumarinta Naafadda
Goboladda ay wasaaraddu ka hawl gasho
1. Maroodi Jeex -Hargaysa{Xarunta Dhexe}
2. Togdheer-Burco
3. Awdal- Boorama/Xariirad/Lawyo-cado
4. Saaxil- Berbera
5. Sanaag- Ceerigaabo/ Garadag/Ceelafwayn
6. Gebilay- Gebilay/Wajaale
7. Sool- Laascaanood
8. Saraar- Caynaba
9. Daadmadheedh- Oodwayne
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 1
Mudanayaal iyo marwooyin wasaaradda
shaqo Gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo
qoyska Jamhuuriyadda soomaliland.
Waxay u taagan tahay wax ka qabashadda
Arrimaha Bulshadda Iyo qoysa sida ku
xusan Jaangoynta wasaaradda.
Mudanayaal waxyaabaha u qabsoomay
Wasaaradda waxaad ka dheegan kartaan
Baraha ay ku leedahay goobaha warfaafineed
Wasaaraddu.
Waxaananu muhiimadda saarna amase ka
Shaqaynaa dadka inta ugu jilicsan bulshadda
oo Aan ugu adeegna goob walba gaar ahaan
Dhamaanba gobolada dalka.
Oo aanu xafiisyo ku leenahay dhamaantoodba.
Kelmadda Wasiirka. Kelmadda Wasiirka
Xoojinta Xafiisyadda ay wasaaraddu ku leedahay
goboladda dalka.
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 2
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani wasiirka
wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo
Qoyska Somaliland aya maanta Ku wareejisay
isuduwaha wasaaradda shaqo gelinta Arrimaha
Bulshada iyo Qoyska ee gobolka saaxil gaadh i
Gaadhigaaso uu Ku qaban doono hawlaha shaqo ee
wasaaraddu u hayso Guud ahaanba qaranka Somaliland
Maaha markii ugu horaysay oo gadiid ay
wasaaradu gudoon siiso xafiisyadda gobolada
dalka.
Xoojinta Wada Shaqaynta Wasaaradda Iyo daneeyayaasha.
Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi
Gaani aya maanta daah furtay kulanka xoojinta daneeyayasha la shaqeeya wasaaradda.
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya ugu horayntiiba uga mahadcelisay kaso qayb galayaasha ajiibista
madashan iyo siday wakhtigooda qaaliga ahba uguso hureen.
Wasiir Hinda aya Ku dheeratay muhiimada ay leedahay ilaalinta iyo daryeelka dadka jilicsan oo ay u
horeeyan caruurta ayna Mudanyihiin haayadaha kala shaqeeya Arrimaha bulshada siiba caruurta inay ka
wasaarad ahaan u mahad celiyan
Ugu danbayntii wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland aya shahaado
sharaf Ku Maamuustay haayadaha iyo NGO yada kala shaqeeya Arrimaha Bulshada.
Bogga Arrimaha Bulshada.
Tobabar Guddiyada Ilaalinta Caruurta :
Wasaarada Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo
Qoyska Somaliland ayaa Tobabar Kor Loogu
Qaadayo aqoonta Guddiyada Ilaalinta Xaquuqda
Caruurta u qabatay Lixda Degmo Ee Magaalo
Madaxda dalka, Hargiesa
Tobabarkan ayaa socon doona mudo laba cisho ah
Isaga oo diiradda lagu saarayo kordhinta aqooneed
ee gudiyadu u leeyihiin ilaalinta caruurta.
Taakulaynta Dadka Nugul:
Wasiirka Wasaarada Shaqo-Galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya Booqatay hoyga ay ka deganyihiin magaalada Burco qoys danyara isla markaana la ildaran xanuuno maskaxda ah iyo xanuuno kale.
Qoyskan oo Ku sugan magaalada Burco gaar ahaan Xaafada jarmalka.
Kadib markii uu soo gaadhsiiyay baahida qoyska
duqii hore ee gobolka togdheer
Marwo Hinda aya ilaahay uga bariday inu
caafmad siiyo qoyska la isha daran xanuunada.
Wasiirka ayaa gudoonsiisay qoyskan aduun
lacageed oo dhan $1000.
Xeraynta Caruurta Darba jiifka ah Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha
Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa
Hawlgal balaadhan ka fulisay maagalo
madaxda Somaliland.
Hawl galkaaso lagu daryeelayey caruurta darba
jiifka ah.
Waxay Wasaaradda u samaysay adeegyada
caafmad 39 caruura oo Darba jiifa laguna xereeyey
Xarunta dhaqan celinta Maxamed Moge ee ay
Wasaaradu gacanta Ku hayso.
Caawinta dhalinyaro xukun ku
dhacay:
Wasiirka Wasaarada Shaqo-Galinta iyo Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta oo ay taarikhdu tahay 21/2/2019 amba bixisay guddi xaqiiqo raadina oo u kuur geli doonta dhalinyaro dhawaan xukun Ku
dhacay oo Ku sugan Jeelka mandheera .
Wasiirka ayaa geesta kale dhalinyarada u dirtay
deeq isugu jira Timir Buskul Sharaab iyo
qaybaha kale ee maciishada.
kk
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 3
Cawinta dadka wax ka qaba dhimirka
Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha
Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa maanta
Booqatay Xarunta Dhimirka Ee cisbitalka
Hargaysa Xarunta TB da iyo Xarunta Sahan Ee
lagu daryeelo dadka dhimirka ka jiran
Xarumahaa oo ay wasiirku gaadhsiisay deeq isugu
jirta Xoolo ,Raashin ,Timir ,Dhar iyo Kabo.
Waxaana booqashada Wasiirka Ku wehelinayey
Xubno kamida Agaasime Waaxedyada
Wasaaradda iyo shaqaalaha Wasaaradda &
Ururka haweenka qaranka ee NOW oo isna
dhankiisa ka caawinayey dadka u laso dersay
xanuunku Ugu danbayntiina
Wasiirka aya ilaahay uga bariday dadka ay lasoo
daristay caafmad daradu in ALLE ka kor qaado
xanuunka siiyona caafmad
Caawinta dadka ku wax yeeloobay
xaafadda barakacayaasha Istanbul.
Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland aya gurmad degdega gaadhsiisay kaamka barakacayaasha Istanbul oo habeenimadi xalay dab xoogani ka kacay
Gurmadkaso isugu jira qaybaha kala duwan ee
maacunta , Timir , Booyado Biyo ah ,Bustayaal
Dhar iyo Bacaha Guryaha la saaro.
Kuwaso ay wasaaradu kaga qayb qaadanayso
gurmadka qaran ee dadkaas loo fidinaayo
Maaha markii koobad ee ay Wasaaraddu gurmad
caynkan oo kale ah gaadhsiiso kaamka
barakacaysha Istanbul balse ay uun kala
duwanaayen marxaladaha hadba kaamkani Ku
sugnaa.
Wasiirka aya ugu danbayn ilaahay uga bariday
dadki Ku nafwaayey dabka in alle u naxariisto inti
Ku dhaawacantayna ilaahay u booga dhayo
Dhiiri Gelinta Caruurta uu qaranku gacanta ku hayo
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 4
wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Waxay daboosha dhamaanba
baahiyaadka ay qabaan caruurta ay wasaaraddu gacanta ku hayso waxayna u noolyihiin sida
caruurta dhigooda dhinacwalba oo nololeed
Bogga Arrimaha shaqo Abuurka.
Dhiiri Gelinta Xirfadlayaasha:
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani Wasiirka
Wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha
Bulshada iyo Qoyska Somaliland ayaa manta
oo ay taariikhdu tahay 19/2/2019 magaalada
Burco kaga qayb gashay Xaflada qalin jebinta
arday gaadhaysa 125 oo bartay xirfadaha
gacanta ayna tobabareen Ururka
Somaliland Youth Development And voluntary
Organization SOYDAVO
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya ugu
horaynba bogaadisay SOYDAVO iyo dhalinta
gaadhaysa 125 Arday Ee maanta ka qalin jebisay
barashada farsamadda gacanta
Wasiir Hinda aya dhalinta maanta qalin Jebisay u
xaqiijisay inaanay marnaba farsamada ay barteen
aanay camal Ku waayeyn hubaalna ay tahay inay
anfacaysa iyaga iyo qoysaskoodaba
Wasiir Hinda aya ardayda maanta qalin jebisay
siisay dhiiri gelin una hoga tusaalaysay muhiimada
ay qaranka Bulshada iyo gobolkoodaba ay kuso
kordhinayan.
ay qaranka Bulshada iyo gobolkoodaba ay kuso
kordhinayan
noloshoda. Kulanka daneeyayaasha arrimaha
shaqo abuurka
Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha Bulshada iyo qoysku waxay maanta ku
Qaabishay xafiiskeda wafdi sarre oo ka socda Midowga Yurub oo booqosho rasmi ah ugu yimid.
Waxaa wefdiga iyo wasiirku dood dheer ka
yeesheen sidii loo horumarin lahaa mashaariicaha
midowga yurub ka fuliyaan dalka somaliland siiba
mashaariicda wax ku oolka ah ee dhalinyaradda
dalka kor loogu qaadayo xirfadahooda shaqo
abuur. Waxaa kale oo wasiirku iyo wafdigu isla
garteen in xarunta shaqodoon ee Wasaaradda ay
soo indho-indheeyaan
waxay qabato iyo sida ay u shaqeyso. Waxaa kale
oo ay wasiirku ku boorisay wefdiga in ay
dardargelin xoogan ku sameeyaan mashaaricdooda
dhanka LAMAANAHA ama GENDERKA.
ugu dembeyntii wuxuu ku soo.dhamaaday
shirkaasi guul iyo is afgarad.
20 Qoys oo danyara lona sameeyey shaqo abuur:
Wasiirka wasaaradda Shaqo gelinta
Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland
aya maanta xarunta Wasaaradda Ku
qaabishay 20 Qoys o Danyara oo ay
Wasaaraddu Shaqo abuur u samaysay.
Qoysaskan ayaa loo sameeyey ganacsiyadda
yaryar ganacsigaso ay ku deberayaan
noloshoda maalin laha ah.
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 5
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska
Soomaliland Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase ayaa manta usoo xidhay 70arday oo baratay
xifadaha shaqo ee kala duwan.
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 6
Tobabarka dhalinyaradda shaqa
doonka ah:
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta
oo taariikhdu tahay 18/3/2019
Gudoonsiisay shahaadoyin arday lagu
tobabaray Horumarinta Ganacsiga iyo
xirfadaha Shaqo kuwaso tobabarka Ku qaatay
xarunta Shaqo doon ee ay wasaaraddu
maamusho
Wasiirka aya guud ahaanba u mahadnaqday
macalimiinta ardaydan siinayey tobabarka mudadi
ay uso samrayeen Gacan qabashada ardaydan ayna
hayaan midho dhalkoodi
Xog waraysi iyo iskaashi lala sameeyo
wadamadda ka horumaray shaqaalaha
aya door wayn ka qaadan kara in xal
waara lo helo shaqo la,aanta.
Wasiirka Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya maanta Xafiiskeda Ku qaabishay Shirkada shirkada SUNDUS Ee dalka Emirateska u qaabilsan shaqo Gelinta.
Shirkadu waxay wasiirka sharaxaad dheer ka
siiyen qaababka ay u shaqeeyan una qabtaan
waxyaabaha la xidhiidha Arrimaha shaqo Gelinta
Wasiir Hinda iyo shirkada Sundus Ee fadhigeedu
yahay isu taga imaaratka carabta una qaabilsan
shaqo Gelinta waxay isla af garteen wada shaqayn
joogta ah
Dhiiri Gelinta dhalinyaradda baratay xirfadaha kala duwan.
Safar ay wasiirka wasaaradda shaqo Gelinta
Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska Soomaliland
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ay ku tagtay dalka
kenya ayaa waxa ay kula kulantay daneeyayaasha
arrimaha soomaliland oo ay kamid yihiin dalalka.
CANADA,SWEDEN, ITALY,JAPAN, GERMANY
Iyo xubno kalo ka socda Baanka Horumarinta Africa
Wasiirku waxay kala hadashay horumarka ay
somaliland ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha,
dimuqraadiyada iyo amniga buuxa ee ka jira Guud
ahaanba Somaliland.
Wadda shaqaynta Ururka ay ku
midaysan yihiin ururadda shaqaalaha
rayidka ah.
Wasiirka Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya
kormeertay ugu horaynba xafiisyada kala duwan
ee urukani leeyahay
Kormeerna kuso samaysay qalab ay Wasaaradu
Gaadhsiisay xarunta ururka
Dhanka kale Gudomiyaha xidhiidhka ururada
shaqaalaha aya Wasiirka uga mahadceliyay
qalabaynta ay Ku samaysay xarunta ay Ku
shaqeeyan
Iyo dadaalka dheer ee ay ugu jirto isku xidhka
ururada shaqaalaha
Ururkaaso la aasasay 2002 wuxuuna
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 7
Bogga Arrimaha Qoyska
Wasaaradda shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska jamhuuriyadda soomaliland ayaa soo
qaban qaabisay Xuska maalinta haweenka Aduunka.
Waxaana madashas kaso qayb galay Madaxwayne Ku xigeenka jamhuuriyadda soomaliland
Mudane cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil saylici iyo xubno ka kala socday golayaasha
qaranka.
Xuskaaso ay kaso qayb galeen haween waynaha jamhuuriyadda soomaliland Ururada ay ku
midaysan yihiin iyo dalahooda kala duwan.
Joojinta gudniinka fircooniga ah. Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase Agaasimaha Guud Ee
Wasaaradda shaqo gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
Somaliland aya maanta furay xuska maalinta Gudniinka
Fircooniga ah
Xuskaso ay kaso qayb qaateen
Haayadaha qaramada midoobay iyo ururo caalamiya
Dhamaantodna waxay ku dheeradeen dhibaatada uu leeyahay
Gudniinka fircooniga ahi
Tobabarka Haweenka.
marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani aya
magaalada caynaba kaga qayb gashay
kulano dhawr ah kuwaso kala ah tobabarka
Haweenka Hanka leh ,Tacadiyada ka dhanka
ah dadka Nugul,iyo dumar lagu tobabarayo
farsamada Gacanta
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 8
Wacyi Gelinta gudniinka firconiga ah
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani ayaa maanta furtay kulan lagaga wacyi gelinaayo haweenka gudniinka fircooniga ah.
Wasiirka ayaa ku dheeratay dhibaatada uu haweenka ku hayo gudniinka fircooniga ah oo aan diiniyan banaanayn Waxaanay hooyoyinka uga digtay inaanay dhibkàas kula kicin ubadkooda amase hablahooda
Dardar Gelinta iyo wada shaqaynta
haayadaha ka shaqeeya arrimaha
haweenka.
marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani Wasiirka
Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshada
Iyo Qoyska ayaa maanta kulan la yeelatay
Madaxa ugu sareeya Haayada UNFPA
Wasiirka aya ugu horaynba kala hadashay
masuuliyiinta UNFP dardar gelinta hawlaha
shaqo ee ay kawada shaqeeyan wasaaradda iyo
haayada UNFPA
Oo ay ugu horeeyan Arrimaha Haweenka
Ka qayb galka doorashooyinka. Tacadiyadda
kadhanka ah haweenka
Ugu danbayn wasiirku waxay uga mahadnaqday
madaxda haayadda UNFPA sida habsami u
socodka ah ee ay u wada shaqaynayaan iyo
iskaashiga wanaagsan ee ka dhaxeeya
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 9
Marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani Wasiirka Wasaaradda Shaqo
Gelinta Arrimaha Bulshada Iyo Qoyska iyo agaasimaha Guud Ee
wasaaradda ayaa maanta kulan la Qaatay Madaxa ugu sareeya
Haayada UNFPA
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 10
Bogga Arrimaha Naafadda
Kulan xogogaal waraysiya oo ay wasiirka wasaaraddu la qaadatay Dalada
guud ee naafadda qaranka.
Kulankaso ay so qaban qaabisay waaxdda naafadda ee wasaaradda .
wasiirka wasaaradda Shaqo
gelinta Arrimaha Bulshada iyo
Qoyska iyo Agaasimaha Guud
Ee wasaaradda aya maanta si
Rasmiya u furay shir lagaga
arinsanayo sidii wax loogu
qabanlaha dadka dhimirka
naafada ka ah.
Hirgelinta barnaamijyo bisha barakaysan Ee Ramadaan ay
wasaaraddu Gaadhsiiso dadka nugul kana fuliso goboladda
Wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska jamhuuriyadda Soomaliland
Waxay bilaha barakaysan caawimo gaadhsiisa goboladda dalka qaarkood iyada oo ka
dareen celinaysa hadba baahiyaha ay la il daran yihiin dadka nugul.
Wasaraadu waxay bisha barakaysan ee ramadaan deeq min 50 qoys halka qoyskiiba
la siiyey Bariis Baasto Daqiiq Timir Saliid Iyo Shaah madaw Qoysaskaas oo ku kala
nool goboladda dalka sida maroodijeex Togdheer Boorama iyo Gebilay iyada oo ay
ramadaanta danbe u qorshaysan tahay gaadhsiinta deeqdaas mid lamida gobolada
Sanaag Sool Oodwayne.
Guud ahaan wadarta guud ee deeqdani gaadhay bishan barakaysan ee ramadaan
ayaa dhan 250 qoy oo la gudoonsiiyay raashin ku filan hal bil.
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 11
Quudinta Dadka Dhimirka ka jiran iyo caruurta Bisha barakaysan Ee ramadaan
Wasaaradda Shaqo gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska jamhuuriyadda Soomaliland
Wxay bisha ramadaan oo dhan quudisaa dadka nugul sida dadka dhimirka ah amase maankoodii
alle ka qaaday iyo caruurta kudayacan laamiyadda caasimadda amase shaaracyadda waawayn ee
Caasimadda Waxayna maalin walba gaadhsiisa qado dhamays tiran in ka badan 300 oo kamida
dadkaa nugul qadadaas oo ka kooban Rooti Kaluun Iyo Biyo.
Maadaama oo ay ka xidhmeen hudheeladii ay ka heli lahaayeen quutal daruuriga
Iyada oo ay hawshan wasaaraddu waday mudo ah laba ramadaana ayna wadi doonto sida
qorshaha wasaaradda ku xusan
Wasaaraddu waxay si maalin le ah uga jawaabtaa baahiyaadka ay la mkulmaan dadka nugul
haday tahay goboladda dalka guud ahaamba.
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 12
Kelmadda Tafatiraha Bogga Mudanayaal iyo marwooyin Waxaan ka wasaarad ahaan si sharaf leh
idiinka codsanaynaa wixii Talo ah amase Tusaale ah inaad nooguso
Hagaajisaan mareegahan aanu hoos ku xusnay.
Guud ahaamba shaqooyinka aanu qaranka u haynaa waa masuuliyad
Balaadhan isla markaana aanu ku waajahayno talo badsi iyo dabaqidda
Balanqaadyadii madaxwaynaha qaranka mudane muuse Biixi Cabdi
Iyo hirgelinta barnaamijyadda horumarineed ee qarankani leeyahay
W a r s i d a h a A r r i m a h a B u l s h a d a E e l i x b i l o o d k a a h . A r r i m a h a Page 13