warbixin ku saabsan qiimeynta khilaafka ee dowlad ... · gaar ahaan madaxweynaha iyo ku...
TRANSCRIPT
© Berghof Foundation Operations gGmbH 2019. All rights reserved.
Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka ee
Dowlad Goboledka Galmudug Falanqayn Ku Saabsan Deeganka Aragtidooda
Abass Kassim Sheikh, Janel B. Galvanek & Pascal Grimm
Nuxurka Warbixinta Laga bilaabo 6 ilaa 23 July 2019, waxay Hayàdda Berghof Foundation Gobolka Galmudug ka fulisay
hawlgal indha indheyn ah si ay u soo ogaato khilaafaadka maxalliga ah, waxa sababa iyo saameynta
ay ku leyihiin shacabka reer Galmudug. Kooxda cilmi baarista waxay wareysiyo ka qaadeen wakiillo
mataleysa magaalooyinka Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Cadaado, Cabuudwaq iyo magaala madaxda
Muqdishu.
Waxyaabaha ugu badan ee dhaliya khilaafaadka Galmudug waa muran dhul beereed iyo
soohdin/xuduud. Maadaama aysan jirin warqada sax ah oo caddeynaaya lahaansha dhulka, iyo
xuduudaha oo aanan sugnayn ayaa waxaa ka dhasha in dad kala duwan oo bulshada ka mid ah ay
isku qab qabsadaan dhul uu dhenac kasta sheeganaaya. Khilaafaad kuwaa la mid ah ayaa waxay ka
dhalan karaan muran biyo ama dhul daaqsineed, gaar ahaan wakhtiyada abaaraha oo ay kordhaan
xiisadaha u dhaxeeyo beelaha kala duwan. Dhamaan afarta degmo ee Gobolka Galmudug ee la
booqday, waxay dadka la wareystay sheegeen in aanooyin qabiil ay ka mid yihiin asbaabaha
khilaafka. Tani waa mid ilaa wakhti dheer soo jiri jirtay. Weerarrada aargoosiga ah nasiib darro waa
kuwo ay bulshada caadeysatay.
Waxaa kale oo jira khilaaf siyaasad salka ku haya kaas oo rabshadaha ka dhasha aysan aad u badnayn.
Tan iyo intii la sameyay Dowlad Goboleedka Galmudug sanadkii 2015, loolanka ku aadan awoodaha
iyo siyaasadda oo korodhay ayaa waxuu horseeday khilaaf beeleed. Is-aamin laàanta beelaha ka dhex
jirta ayaa siyaasiyiin badan waxay ugu faaìdeystaan danahooda gaarka ah. Dadka qaar waxay u
arkaan in heshiisyadii dhex maray Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf iyo Ahlu Sunna Wal-Ja-
maaca (ASWJ) iyo ka soo wareejintii barlamaankii Galmudug oo la keenay Dhuusamareeb ay xaaladda
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
2
sii qastay. Dowlad daciif ah, hayàda aanan waxtar lahayn, saboolinimo, shaqa laàan iyo wax barasha
laàan ayaa khilaafka uga sii daray. Shacabka ayaa ah dadka inta badan ay khilaafaadka Galmudug
saameyaan. Dhimasho, barakac, hab-nololeed iyo hanti lunto ayaa waxay ka mid yihiin qaar saame-
ynta khilaafka. Intaa waxaa dheer in khilaafku uu sabab u yahay naceyb bulshada ku dhex faafa.
Dad badan oo ku baahsan dhamaan gobolka ayaa waxay sheegeen in siyaasiyiinta iyo ganacsatada ay
yihiin kuwa khilaafka hormuudka ka ah. Waxaa kale oo jira, in fikradda laga qaba jilayaasha khilaafka
ay tahay mid ay ku kala duwan yihiin dadka deegaannada iyo qeybaha bulshada. Dadkii wareysiga
laga qaaday waxay sheegeen in madax dhaqameedyada iyo culumada ay nabadda Galmudug hor-
muud ka yihiin. Kooxaha dhalinyarada ayaa waxay si gaar ah u tilmaameen doorka aan caddeen ama
uu mugdiga ku jiro oo laga yaabo in ay odayaasha ka qaataan khilaafaadka beelaha. Si kastaba ha
ahaatee, dadkii la wareystay intooda badan waxay wali u arkaan in madax dhaqameedku yihiin
kooxda ay masùuliyadda koobaad ka saarantahay hogaaminta hawlaha dib u heshiisiineed. Nidaamka
loo yaqaano Xeer ayaa ah mid wali kaalin muhiim ah ka ciyaara bulshada reer Galmudug, laakin
dhinacyada uu daciifka ka yahay – sida dhameystir laàanta iyo wax qabad darrida – ayaa ahaa waxy-
aabihii la tilmaamay. Gaar ahaan kooxaha dhalinyarada iyo dumarka ayaa waxay xoogga saareen kar-
tida ay u leeyihiin ololaha wacyi gelinta iyo dhaqdhaqaaqyada dib u heshiisiineed in ay door muhiim
ah ka ciyaaraan. Tan waxaa xaqiijiyay dad ka tirsan kooxahii meelaha kale oo gobolka ka tirsan war-
eysiga looga qaaday, ayagoo caddeeyay kaalinta dhameystika ah ee ay dhalinyarada iyo dumarka ku
soo kordhin karaan xallinta khilaafaadka.
In kasta oo siyaasiyiinta, odayaasha iyo ganacsatada ay guud ahaan geedi-socodka siyaasadda u
arkaan mid furan oo loo dhanyahay, dhalinyarada iyo gaar ahaan dumarka waxay tilmaameen in
ayaga inta badan la baal-maro. Nidaamka 4.5 ayaa dhamaan dadkii la wareystay waxay u arkeen in
uu yahay mid aan fiicneyn. Isla fikraddaas xun ayaa Federaalka laga qabaa, in kasta oo dad badan ay
tilmaameen in run ahaanti dadku aysan aqoon buuxda u lahayn micnah Federaalka.
Dad badan oo la wareystay ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la sameyo
dhaqdhaqaaqya badan oo ku aadan dib u heshiisiin is-dabajoog ah. Wakhtigaan la joogo, dhaqaala
laàan ayaa waxay ka mid tahay caqabadaha ugu weyn ee hor taagan dib u heshiisiinta. Waxaa kale oo
carqaladahaas ka mid ah amaan darro, maamulka dowladeed oo daciif ah iyo, xaaladaha qaarkood,
rabitaankii dib u heshiineed oo meesha ka maqan. Si loo helo dib u heshiisiin guuleysata, waxaa loo
baahanyahay wada hadal, hayàda dowladeed oo xooggan, dadka bulshada ka midka ah ee nabadda
ka shaqeya oo la siiya awooda iyo xirfada ay ku hormaraan, iyo olola ku aadan kor u qaadista wacyi
gelinta bulshada.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
3
Mahadnaq
Waxaa mahadnaq mudan kooxdii warbixintaan suurto gelisay, ayaga oo kala ah: Abass Kassim
Sheikh, Sharif Abukar Ahmed, Mohamed Hassan, Zainab Mohamed iyo Mohamud Hassan Abdi.
Waxaa kale oo aan u mahadnaqeynaa Wasiirrada Dowlad Goboleedka Galmudug ee kala ah: Wasiirka
Dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka Mudane Saleh A. Mohamed, Wasiirka Qorsheynta Mudane
Abdi Kaafi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Mohamud Mohamed Samatar “Durraan”, kuwaas oo
dhamaantood si weyn u taageeray kooxdii cilmi-baarista bishii July 2019. Sidoo kale, waxaan si weyn
ugu mahad naqeynaa Hayàdda Heritage oo mashruucaan nala wadaagta, ayada oo cilmi-baaristaan u
fidisay taageero iyo talooyin wax ku ool leh. Ugu dambeyntii waxaan si gaar ah ugu mahadnaqeynaa
dadkii faraha badnaa ee deegaannada Galmudug wareysiyada nagula wadaagay, ayaga oo cilmi-
baaristaan wakhti iyo juhdi badan u soo hureen si ay noola kulmaan oo ay fikradahooda noola wadaa-
gaan. Cilmi baaristan waxaa si wacan u maal galisay Wasaarada Arimaha Dibada ee Jarmalka.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
4
Jadwalka Tusmada
Nuxurka Warbixinta ..............................................................................................................1
Mahadnaq ............................................................................................................................3
Jadwalka Tusmada ................................................................................................................4
Gogoldhig ............................................................................................................................5
Habka ...................................................................................................................................6
Xaddidaada iyo Caqabadaha Daraasadda soo Wajahay ................................................................ 7
Natiijooyinka uga muhiimsan ...............................................................................................7
1. Noocyacda iyo Asbaabta Khilaafka Galmudug .......................................................................... 7
1.1 Khilaaf ka dhashay Lahaansha Dhuleed ................................................................................................ 7
1.2. Khilaaf ku Saleysan Kheyraadka .......................................................................................................... 8
1.3. Khilaafaad ka dhashay Aana qabiil ...................................................................................................... 9
1.4. Khilaafaadka ka dhasha Siyaasadda .................................................................................................. 10
1.5. Waxyaabo kale oo khilaafka dhaliyo .................................................................................................. 11
2. Saameynta Khilaafka ............................................................................................................. 12
3. Jilayaasha Khilaafaadka iyo Nabadeynta Galmudug ............................................................... 13
4. Qaababka xallinta khilaafaadka Galmudug ............................................................................ 14
5. Ka qeybgalka Siyaasadda iyo Habka Awood Qeybsiga Beelaha Galmudug .............................. 16
6. Aragtida Federaalka laga qabo ............................................................................................... 17
7. Caqabadaha iyo Baahiyaha Dib u Heshiisiinta Galmudug ....................................................... 18
7.1. Caqabadaha Horyaalla dib u Heshiisiinta ........................................................................................... 18
7.2. Baahida loo qabo dib u heshiisiin ...................................................................................................... 20
Gunaanad iyo talooyin ...................................................................................................... 21
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
5
Gogoldhig
Dowlad Goboleedka Galmudug waxay magaala madaxda Muqdisho kaga aadan tahay waqooyi-
galbeed, ayada oo ka dhashay markii ay isku darsameen deegaanada Galgaduud iyo Mudug sanadkii
2015. Hannanka mideynta waxuu ahaa mid xanuun badan. In kasta oo 11ka beelood ee Galmudug1
ay ugu dambeystii gaareen is-fahan ku aadan awood-qeybsiga, gobolka iyo beelaha labaduba waxay
ahaayeen kuwo siddii hore u kala qeybsan. Waxaa xusid mudan kooxda Suufiyada hubeysan ee Ahl
Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) oo diiday in ay ku biirto maamulka Galkmudug, sidaa darteedna ay ban-
naanka ka martay dismaha heykalka dowladnimo. Xaladaas waxay is-badashay sandkii 2017 markaas
oo ay ASWJ Dowlad Goboleedka Galmudug oo uu matalaaya Ahmad Duale Gelle “Xaaf” la saxiixatay
heshiis awood-qeybsi ah. Ula jeedada heshiiskaas waxuu ahaa in la is waafajiyo oo ay isku milmaan
hayàdaha labada maamul ee is barbar socdo, dastuurrada iyo ciidamada amniga ee maamulka Galmu-
dug iyo kuwa ASWJ in ay isku biiraan. Arintu si kastaba ha ahaatee, ugu dambeyntii, heshiiskii awood-
qeybsiga waxuu uga sii daray kala qeybsanaanti dhex taalay madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug,
gaar ahaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, Mohamed Xashi Abdi, taas oo Duusamareeb iyo
Cadaado ka dhex abuurtay loolan hor leh oo dhanka awoodda ah.
Nidaamka federaalka oo Soomaaliyaa laga hirgeliyay sanadkii 2012, ayaa waxuu keenay khilaaf nooc
cusuban ah, ayada oo sida la ogsoon yahay wadanka uu ahaa mid ay horay khilaafaad u aafeeyeen.
Arrinta ku saabsan awood-qeybsi cadaalad ah, iyo caasimada Dowlad Goboleedka oo Dhuusamareeb
loo wareejiyay kadib markii la saxiixay heshiiskii 2017, dhamaan arrimahaas ayaa waxay sii huriyeen
khilaafaadkii horay u jiray ayagoo isla mar ahaantiina kuwo hor leh ka dhex abuuray beelaha Galmu-
dug. Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka dhanka awoodaha siyaasadeed ku aadan ee ay isku haystaan
ASWJ iyo kooxaha kale ee siyaasiyiinta, ayaa ah kuwa ugu cad cad ee saameynta ku leh Dowlad Go-
boleedka Galmudug iyo shacankeeda. Waxaa jira cabashooyin badan, walwal iyo cabsi ay bulshada
qabta, arrimahaas oo uu dhammaantood xiriir ka dhexeeya.
Si loo fahmo khilaafaadka cakiran ee meesha ka socdo, waxaa loo baahanyahay in la dhageysta dadka
uu khilaafka sida tooska ah u saameeyay, oo isla markaana la tixgeliyo aragtidooda gaarka ah.
Hayàdda Berghof waxay cilmi-baaris ka sameysay gobolka Galmudug, ayada oo ulajeedadu ahayd in
dhamaan qeybaha bulshada goobo kala duwan lagu wareysto si loo fahmo baahiyahay iyo
caqabadaha haysta bulsha reer Galmudug. Markaa ka dib ayaa macluumaadkii la soo uruuriyay waxaa
loo falanqeeyay ayada oo la eegaaya goobta iyo mujtamaca qeybahiisa la wareystay, si khilaafka go-
balka ka jira looga helo fahan fiican iyo sawir guud. Warbixintaan waxay soo koobeysaa natiijooyinkii
inoo soo baxay.
1 Sida laga soo xigtay habka awood-qeybsiga Galmudug loo adeegsaday, meeshaas waxaa degan 11 beelood: Saleebaan, Sacad, Ceer,
Duduble, Marreexaan, Murursade, Dir, Saruur, Waceysle, Sheekhaal iyo Madhibaan, Tumaal, Xaskul. Habka 11kaan beelood loo qorsheeyay waa mid si aad ah la isugu maan dhaafay, ayada oo beelaha qaarkood ay ka soo horjeesteen. Beelahaas waxay u arkeen in qorshahaas uu yahay mid u adeegaya beelo tiri yar oo leh awood badan.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
6
Habka
Daraasadaan waxay baaris ku sameysay nooca iyo habka is rogrogidda khilaafaadka Galmudug.
Qiimeyntu waxay baartay khilaafaad kala duwan oo gobolka ka dhex jira iyo jilayaasha doorka ugu
muhiimsan. Waxaa kale oo ay qiimeyntu baartay habkii horay khilaafka Galmudug loogu xallin jiray,
iyo jilayaasha doorka muhiimka ah ka ciyaara xallinta khilaafka iyo geedi-socodka dib u heshiisiinta.
Intaa waxaa dheer in aan baarnay fikrada iyo aragtiyo ay ka mid yihiin federaal, nidaamka 4.5 iyo
guud ahaan ka qeybgalka siyaasadda Galmudug. Ugu dambeyntii, daraasadaan waxay baartay
caqabada kala duwan oo ku gudban xallinta khilaafka iyo geedi-socodka dib u heshiisiinta, iyo sidoo
kale, baahida deg degga ah ee uu shacabka reer Galmudug qabo markii loo eego nabad iyo khilaaf.
Daraasaddaan waxaa lagu saleyay habka noociyadda ah2, ayada oo si gaar ah diiradda u saareysaa
dood wadareed iyo kuwa ugu muhiimsan oo ah wareysiyo la qaaday, taas oo ka qeybgalayaasha u
suurto gelineysa in ay si faahfaahsan u cabiraan ràyigooda ku aadan khilaafaadka deegaankooda.
Doodaha koox kooxda ah waxaa lala yeeshay qeybo kala duwan oo bulshada ka tirsan sida madax
dhaqameedyada, culumada, madaxda ganacsatada, ururrada haweenka, kooxaha dhalinyarada iyo
xubnaha ururrada bulshada rayidka ah, ayada oo isla markaana wareysiyada ugu muhiimsan laga
qaaday daneyayaasha muhiimka ah ee Galmudug, kuwa dowliga ah iyo kuwa aanan dowliga ahayn
labaduba. Waxaa ka mid ah Gudoomiyayaal degmooyin, Duq magaalo, Wasiiro muhiim ah ee ka socdo
maamulka Galmudug, siyaasiyiin sida Xubnaha barlamaanka oo isugu jira heer gobol iyo heer feder-
aal, iyo xubnaha ururrada bulshada rayidka ah sida wariyayaasha iyo aqoonyannada. Isu geeynti 187
qof ayaa wareysi laga qaaday intii u dhaxeysay 6 ilaa 23 July 2019: 40 madax dhaqameed, 40 dumar
ah, 41 dhalinyaro ah (oo isugu jira rag iyo dumar), 23 qof oo ka tirsan ganacsatada, 25 jilayaal ka
tirsan ururrada bulsha iyo xirfadlayaal, iyo 9 qof oo ah saraakiil dowladeed.
Qiimeyntu waxaa laga sameyay afar degmo oo Galmudug ka tirsan kuwaas oo joqraafi ahaan ku kale
duwan – Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Cadaado iyo Cabuudwaaq – iyo jilayaasha reer Galmudug ee
hadda Muqdishu ku sugan oo ayaguna wareysi laga qaaday si fahan firfircoon looga helo waxyaabaha
la aaminsanyahay iyo xaqiiqada khilaafaadka meesha ka jira. Goobaha daraasadda markii la
xulanaayay waxaa la eegay suurto galnimada ah in halkaas laga gaari karo dhamaan deegaamada
11ka beelood ee Galmudug iyo sida khilaafaadka ay degmooyinkaa iyo agagaarkooda ugu baahsan
yihiin. Goobahaas waxaa la doortay ka dib markii wada tashi badan lala yeeshay maamulka Galmudug
iyo qeybaha kale ee mashruuca nala wadaaga.
Ka hor inta aanan daraasadda la sameynin, Hayàdda Berghof waxay tababar farsamo siisay koox ka
kooban shan xubnood, kuwaas oo loo diyaariyay qaabkii iyo hab dhaqankii ay ku hagi lahaayeen da-
raasadda cilmi-baarista goobaha. Waxaa kale oo ay kooxdu dib u eegid ku sameysay suàalihii warey-
siyadii qorsheysanaa. Markaa ka dib ayaa suàalaha waxaa kooxda diiradda la saaraya loogu turjumay
af-Soomaali si habka loogu helo ka qeybgal wanaagsa.
2 Daraasadda noociyadda ah waa mid ka mid hababka lagu fuliya cilmi baarista bulsgada. Habkaan ayaa baaruhu waxuu mar hore xog ka soo uruuriyaa kooxda ama goobta uu diiradda saaraya, ka dibna falanqeyaa si uu fahan ijtimaaci/bulsho uga helo.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
7
Xaddidaada iyo Caqabadaha Daraasadda soo Wajahay
Balama wareysi oo la baajiyay: Waxaa jirtay in degmooyinka qaar, dakii la wareysan lahaa ay
balamihii dib u dhigeen oo nasiib darro ay baajiyeen wareysiyadii la qorsheeyay, taas oo ay ka
xumaadeen kooxdii cilmi-baarista.
Amni darro: Wakhtigii ay cilmi barista socotay, waxaa degmooyinka qaarkood ka dhacay wee-
rarro iyo dilal qorsheysan, taas oo cabsi iyo welwel abuurtay.
Muddada doodaha: Ayada oo ay ugu wacneyd baaxadda qiimeynta, ayaa wareysiyada qaar
waxay qaateen muddo intii la filaayay ka dheer, taas oo sababtay in qaar ka mid ah dadkii la wa-
reysanaayay uu dulqaadkii ka yaraado ka dibna ay wareysigii joojiyeen. Marka ay xaalada noo-
caas oo kale ah dhacaan, cilmi-baaruhu waxuu diiradda saaraa suàalah ugu muhiimsan.
Natiijooyinka uga muhiimsan
1. Noocyacda iyo Asbaabta Khilaafka Galmudug
Khilaafka ka dhaca afarta degmo ee Galmudug ee la booqday wakhtigii cilmi-baaristii goobaha, guud
ahaan waa mid ka dhasha lahaansha dhuleed, soohdin dhuleed, tartan loogu jiro ilaha kooban ee
dhaqaale sida biyaha, dhul daaqsineed, dilal aana qabiil ah, iyo muran ka dhasha qaybsashada awoo-
daha iyo dhaqaalaha, ama amar ku taagleyn beelo deegaanka ah. Dhamaan goobihii la booqday fa-
lanqeyntu waxay muujisay in khilaafaadka ay inta badan ku bilowdaan is afgaranwaa ka dhex dhaca
labo qof oo arrin isku maandhaaftay, kadibna u sii gudba heer beeleed halka xubnaha beesha ay hiillo
ugu soo gurmadaan dhinacii ayaga ka tirsanaa. Kadib khilaafaadka waxay u sii gudbaan colaad
rabshada watto oo ay kooxo maleeshiyaad beeleed ah ka qeybqaataan (ayaga oo magaca beeshooda
safka hore uga dagaalamayaan) oo isla markaana taageera dhaqaale iyo mid qalab ah intuba ka
helayaan xubnaha kale ee beelahooda. Ku luglahaanshaha dhinacyada waxaa inta badan loo arkaa
masùuliyad wadareed lagu difaacaya sareynta [magaca] beesha. Khilaafaadka Noocyadiisa hoos ku
xusan ayaa waxaa liis ku soo qoray kooxdii ka qeybqaadatay falanqeynta cilmi-baarista iyo kuwii kale
ee la wareystay:
1.1 Khilaaf ka dhashay Lahaansha Dhuleed
Dhamaan afarta goobood ee la booqday, qiimeyntu waxay daaha ka qaaday in sababta ugu badan ee
dhalisa khilaafka ay tahay muran iyo is qab qabsi ku saabsan lahaansha dhuleed iyo soohdin [bee-
reed]. Asbaabo ay ka mid yihiin warqadihii lahaanshaha oo aanan la hayning iyo soodimihii oo aanan
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
8
si cad u muuqan ayaa waxay horseedeen in xubno bulshada ka mid ah isku qabsadaan lahaansha
dhuleed, ayada oo qaarkood ay ka tahay dhul balaarsi, halka qaar kalena ay isku haystaan xuduud,
taas oo sababta khilaaf beeleed iyo rabshada. Sida laga soo xigtay dadkii wada hadallada ka soo qey-
bgalay, khilaafaadka ku saleysan lahaanshaha dhulka, waa mid Galmudug sanada badan ka dhici
jiray, taas oo ay beryihii dambe bulshada qaarkeed caadeysatay in dad kala duwan ay lahaansha
dhuleed wada sheegtaan, ula jeedada oo ah dhul-balaarsi iyo in ay kor u qaadaan kaalinta saameyn-
tooda. Si kastaba ha ahaatee, waxaa xusid mudan in intooda badan khilaafaadka noocaan ah ay ka
dhacaan hareeraha tuulooyinka dibadda ka ah ee afarta degmo oo ay cilmi baarista ka socotay.
Sarkaal sare oo dowladda ka tirsan, ayaa waxuu wareysigii laga lala yeesha ku sheekay ràyigiisa ah in
tartanka dhanka lahaansha dhulka ay sababtiisu tahay fikradda la aaminsanyahay ee ah in awoodda
gorgortanka awood-qeysiga siyaasadda ay ku xirantahay hadba inta uu la egyahay baaxadda dhulka
bulshada ama beeshu leedahay. Arinkaas ayaa tartanka dhulka waxuu ka dhigayaa mid [hadafkiisu]
uu dhankaas u jan jeero.
Faqradaha soo socdo ayaa waxay muujinayaan tusaalooyin ka mid ah khilaafaadka la xiriira dulalka
ee dhamaan Dowlad Goboleedka Galmudug3:
Dagmada Gaalkacyo, waxay dadkii wadahadlaayay in badan ku soo celceliyeen khilaaf u
dhaxeeya reer Nimcaale oo ka tirsan beesha Sacad ee Habargidir iyo Suleymaan Cabdalla oo ah
Jilib ka tirsan beesha Surre-Dir [oo dagan] tuulooyinka Af Barwaaqo iyo Towfiiq (oo isu jira 8 kii-
lomitir), ayaga oo isku haysta dhul beereed. Khilaafkaan waxuu billowday sanadkii 2003, isagoo
sababay dhimasho iyo barakac badan iyo waliba hanti badan oo ku burburtay. Waxaa suurto gal
ah in uu khilaafkaas mar kale soo laabto.
Degmada Dhuusamareeb, ayaa waxaa dhawaan ka dhacay khilaaf u dhaxeeya beesha Duduble
iyo Jilib ka tirsan beesha Ceyr oo la yiraahdo Cabsiye, tuulada Bulacale, kuwaas oo isku qabsaday
dhul degaan ah. Isku dhaca waxuu ka billowday markii ay beesha Duduble soo dagtay tuulada
Bulacale halkaas oo ay ku badan yihiin Cabsiye. Isku dhacaas waxuu sababay dhimashada 14
ruux halka ay in kaloo badanna ku baragaceen. Markaa kadib ayaa dad ka tirsan beesha Duduble
waxay si aargoosi ah weerar ugu soo qaadeen meel tuulo ah oo ay shinnida malabka ku sameysa
oo ahayd meherad uu lahaa nin Absiye ah, ayaga oo halkaas ku dilay dad ka tirsan beesha Raxan-
weyn – kuwaas oo wakhtigii weerarka uu dhacaayay halkaas ku sugnaayeen – ayaga oo u male-
yay in ay ahaayeen beeshii uu dagaalka ka dhaxeeyay ee Absiye. Weerarkaan ayaa waxuu sii huri-
yay khilaafkii horay u jiray.
1.2. Khilaaf ku Saleysan Kheyraadka
Soomaalidu dhaqan ahaan waa dad xoolo raacata ah, oo caan ku ah in ay hadba meeshii biyo iyo daaq
3 Macluumaadka warbixintaan ee la xiriira khilaafaadka halkaa loogu hadlay, waxaa la uruuriyay July 2019, xaaladuna sidaas ayaa wakh-tigaas ahayd. Waxaa la arkaa in khilaafku uu is-badalay kadib markii xogtaan la soo ururiyay.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
9
leh u guuraan, gaar ahaan wakhtiyada abaaraha, ayada oo wadaaggidda kheyraadka uu yahay shey
macruuf ka ah mujtamaca Soomaaliyeed. Arrinka si kastaba ha ahaadee, in kasta oo qeybsashada
kheyraadka yahay shey xaqiiqi ah, misane waxaa Galmudug caadi ka ah in uu dhaco khilaaf ku
saleysan qaybsiga kheyraadka, marka ay yaraadaan kheyraadka sida biyaha iyo daaqsinka.4 Tan ayaa
waxaa ka dhasha isku dhacya rabshada wata oo dhex mara beelaha iyo jilibyada hoose ee qabaaìlka
Gobolka degan. Khilaafaadka Galmudug ka dhaca ee ku saleysan qeybsiga kheyraadka, waxay
dhacaan markii ay xubno beel ka tirsan si ku meel gaar ah u soo dhaweyaan beel kale, ayagoo u ogo-
laada in ay ka faaìdeystaan biyaha iyo daaqqa. Beeshii la soo dhaweyay ayaa sida badan ballanta jibisa
oo meeshi si rasmi ah u dagta ayaga oo goobtii ceelal ka qotto. Ceel la qotto guud ahaan waxuu
caddeen u yahay degenaansha rasmi ah, taas oo ay sida badan ka dhashaan isku dhacya rabshada
wato iyo in beeshii martida ahayd dhulkii laga ceyriya. Hoos waxaa ku xusan tusaalooyin khilaaf
asalkiisu yahay kheyraadka kaas oo dhawaan ka dhacay deegaanka Galmudug5:
Degmada Gaalkacyo ayaa waxuu isku dhac ku dhex maray reer Jalaf oo ka tirsan beesha
Habargidir-Sacad iyo Wagardhac oo ka tirsan beesha Mareexaan, halkaas oo ahayd tuula la
yiraahdo Kaxandhaale oo ku taalla xuduudka Itoobiya, ayaga oo isku qabtay arrin ku saabsan
biyo. Iska hor imaadya ayaa waxay qarxeen markii ay reer Jalaf isku dayeen in ay isticmaalaan
ceel uu iskaleeyahay qof Wagardhac ah ayaga oo aanan ogolaansho haysan, taas oo sababtay
dagaal ay 35 ruux ku dhinteen.
Khilaaf ka dhacay Galinsoor, ayaa waxuu ka qarxay markii ay isku dhaceen laba nin oo ka kala
tirsan beelaha Mareexaan iyo Habargidir, taas oo markii dambe u gudubtay heer beeleed. Asalka
khilaafka uu ku bilowday waxay ahayd biyo, ayada oo isku dhacaas uu sababay dhimashada
dhowr ruux, barakaca dad badan iyo burbur hantiyeed.
1.3. Khilaafaad ka dhashay Aana qabiil
Khilaafaadka ka dhashay weerarray aargoosiga ah, ayaa waxaa lagu tilmaamay in ay yihiin asbaabta
ugu badan ee isku dhacyada afarta goobood ee la booqday ee ka tirsan Galmudug. In yar markii kaga
reebo, dadkii ka qeybqaateen doodihii degmada Gaalkacyo ka dhacay waxay daboolka ka qaadeen in
khilaafaadka ka dhasha aargoosiga ay degmada macruuf ka yihiin. Tani waa mid ilaa sanada hore
deegaannada Mudug iyo Galgaduud ka soo dhici jirtay, taas oo nasiib darro bulshada caada u noqotay.
Ayada oo ay sabab u tahay cabashooyin qotto dheer oo ka dhashay dhacdooyin hore, ayaa qaar ka mid
ah bulshada, gaar ahaan xubnaha qoyska sida wiilasha iyo walaalaha dhibanayaasha waxay
qaadayaan masùuliyadda ah in ay dadkii la dilay u soo aargudaan. Beelaha qaarkood ceeb ayay u
arkaan in qof la dilay loo soo aargudi waayo. Tani ayaa waxay dhiirrigelineysaa in dadkii [qof laga
dilay] weerar qaadaan, taas oo horseedeysa in dilalka iyo isku dhacyada noqdaan kuwo joogta ah,
4 Maadaama khilaafka ugu daran ee rabshadah watto (oo ku saabsan dhulka iyo kheyraadka) uu yahay mid guud ahaan ka dhex dhaca bulshada xoola dhaqatada ah, ayaa waxaan warbixintaan diiradda ku saarnay klaafaadka noocaas ah, badalkii aan ka hadli lahayn
khilaafaadka ka dhex dhaca magaalooyinka Galmudug ka tirsan. 5 Macluumaadka warbixintaan ee la xiriira khilaafaadka halkaa loogu hadlay, waxaa la uruuriyay July 2019, xaaladuna sidaas ayaa wakh-tigaas ahayd. Waxaa la arkaa in khilaafku uu is-badalay kadib markii xogtaan la soo ururiyay.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
10
sidaa darteedna ay xallinta khilaafaadka noqoto mid aad u adag. Qof ka mid ah dadkii Cadaado lagu
wareystay ayaa wuxuu sheegay in bulshadu ay dhiirrigelineysa xubnaha reerka in ay u soo aargudaan
dadkii ayaga ku abtirsanaayay ee dagaaladii dhaceen sanada ka hore lagu dilay, lagu kufsaday ama
lagu naafeyay:
“… wiilasha dhibanaha ayaa waxaa lagu dhiirrigeliyaa in ay u soo aargudaan aabahood ama
hooyadood, kuwaas oo laga yaabo in la dilay 20 ama 30 sano ka hor, taas oo sababta in khilaaf-
kii uu dib u soo noolaado”
Mararka qaar, bulshooyinka waxay sameyaan wax loo yaqaanno dilka “la qiimeeyay”, kaas oo uu mic-
nahiisu yahay in ruuxii la dilay loogu aargudo qof aanan waxba galabsan oo “la qiimo ah” kii horay
ayaga looga dilay [tus. bulshada caan ka ah].
Dadkii wadahadallada ka qeybgaleen intoodii badneyd iyo kuwii wareysiyada laga qaaday waxay
muujiyeen in weerarrada aargudashada ah ay deegaanka dhib weyn ku hayaan oo ay u baahan yihiin
in laga foojignaado, maadaamo mar kasta oo ay aargudasha dhacdo ay khilaafaadkii dib u soo lab
kacleeyaan. Dilalka noocaan ah waxay bulshada ku leyihiin saameyn dhimashada ka sii xeel dheer,
maadaamo dadka ku soo dhaca dabinkaas meertada ah aysan sameyn karin wax dhaqdhaqaaq ah ama
aysan si xur ah u socon karin, sababtoo ah ma ogaan karaan goorta ay la kulmi doonaan weerar aar-
goosi ah. Arrinkaas waxaa muujiyay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Galmudug:
“…ma awoodo in aan si xur ah magaalada ugu dhex socdo maxaa yeelay waxaa laigu bar-til-
maameedsanayaa dambi ay geysteen xubno ka mid ah beesha aan ka dhashay. Sidaa darteed,
waa in aan foojignaada”.
1.4. Khilaafaadka ka dhasha Siyaasadda
In kasta oo aysan jirin khilaafaad rabshada watta oo mudooyinkii dhawaa ka dhacay deegaanka,
hadana waxay dadkii wadahadallada ka soo qeybgalay iyo kuwii wareysiyada laga qaaday intuba
muujiyeen in siyaasaddu (tus. Tartan ay siyaasiyiinta ugu jiro awood raadin iyo ila dhaqaale) ay sabab
u tahay cadaawadda iyo kala qeybsanaanta badan ee dhex taalla bulshada Galmudug. Laga bilaabo
markii dagmada Cadaado lagu sameyay Dowlad Goboleedka Galmudug ee uu muranka badan ka jiray
sanadii 2015, tartankaas [kor ku xusan] mar kasta wuu sii badanaayay, ayada oo ay koox kasta
dooneyso in ay awoodda iyo kheyraadka ayada qeybta ugu badan ka hesho. Sida laga soo xigtay dadkii
wareysiyada laga qaaday, tani waxay sababtay in beel ama bulsho kasta ay tan kale eedda korka uga
tuurto ayad oo tuhunsan in awooddi iyo kheyraadki intuba beelaha kale urursadeen.
Ka qeybgalayaal badan ayaa ràyigoodu waxuu ahaa in siyaasadda Maamul Goboleedka Galmudug ee
uu hogaamiyo Madaxweyne Xaaf uu isbaddal ku dhacay ka dib markii uu ASWJ Jabuuti heshiis kula
galay bishii December 2017, oo ay wada kir u sameysteen maamul loo wada dhan yahay. Arrimihii
heshiiska lagu gaaray, sida magaala madaxda Dowlad Goboleedka iyo halka barlamaanka fadhigiisa
uu noqonaaya, ayaa waxay sii adkeeyeen is rogroggidda siyaasadda. Tusaale ahaan, bulshada Ca-
daado waxay sheegteen in fariisinkii barlamaanka laga badalay magaaladooda oo la geeyay Dhuusa-
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
11
marreeb ayaga oo aanan wax wada tashi ah lagala yeelan. Madaxweynaha wadanka Mudane Mo-
hamed Abdullahi Farmajo markii uu January 2018 deegaanka soo booqday, waxuu bulshada Cadaado
u ballan qaaday in magaaladooda laga dhigi doono fariinsinka barlamaanka, taas oo khilaafsan
heshiiskii Jabuuti lagu soo galay. Sida laga soo xigtay kooxdii diiradda la saaray [ee cilmi baarista] iyo
dadkii degmada Cadaado lagu wareystay, heshiiskii dhawaa Dowladda Dhexe ay la gashay ASWJ, kaas
oo si rasmi ah qalinka loogu duugay in barlamaanka loo raro degmada Dhuusamarreeb, ayaa waxuu
niyad-jab ku noqday bulshada [Cadaado].
Intaa waxaa dheer, sababo ay ka mid yihiin aargoosi iyo tartan loogu jiro awoodda iyo kheyraadka
aawadood ayaa dadkii doodda ku jiray ee degmooyinka Cabuudwaaq iyo Cadaado waxay aaminsa-
naayeen in tagitaanka Dhuusamareeb (oo wakhtigaan magaalo madax u ah Galmudug) aaysan u
sahlaneyn dadka ka yimid magaalooyinka kale. Qaar ka mid ah bulshada ku nool degmada Cabuud-
waaq iyo meelo kale, gaar ahaan kuwa degmada Hurshe, ayaa waxay dareensanayeen in aanan laga
soo dhaweyn doonin magaala madaxda ayaga oo taas u aaneyay cabsi ay ka qabaan aargoosi kaga
yimaada dhanka maamulka ASWJ. Sida ay kooxdaas (degmada Cabuudwaaq) la tahay, bulshada
Hurshe waxay ASWJ ku eedeeyeen in ay uga hiiliyaan beesha ay is-hayaan ee Hirale. Isla dadkaas ku
nool degmada Cabuudwaaq, ayaa waxay ku doodayaan in ay jirto baahi loo qabo dib u heshiisiin dhab
ah oo dhex marta ayaga iyo bulshada Dhuusamareeb – gaar ahaan ASWJ – si markaa ka dib ay ugu
suurta gasho in si xur ah ay caasimadda u dhex maraan.
1.5. Waxyaabo kale oo khilaafka dhaliyo
Khliaafka Galmudug waxuu sidoo kale sabab u ahaa maamulka oo daciif ah, iyo meesha oo ay ka ma-
qan yihiin hayàda dowli ah oo wax tar leh oo xoojiya sharciga iyo gala dambeynta. Maadaama
hayàdahii dowliga ahaa ay ku burbureen dagaaladii sokeeye, waxaa meesha ka baxay awood wax ku
ool ah oo khilaafka lagu xalliyo oo lagula tacaamulo waxii raad ah ee [ay colaadu] reebtay. Dakii la
wareystay, sida culamada, madax dhaqameedka, iyo sidoo kale masùuliyiinta dowladda ee ku sugnaa
dhowr degmo, waxay isku raaceen awood laàanta dowladda ka haysatay dhanka fulinta heshiisyadii
lagu gaaray wakhtigii ay socotay dhex dhexaadinta. Mid ka mid ah dadkii la wareystay oo ku sugnaa
magaalada Cadaado ayaa xusay in haddii la kordhin lahaa awoodda hayàdaha dowladda ee ku aadan
la tacaamulka khilaafaadka, ay markaasi joojin kari lahaayeen khilaafka inta aysan rabshadihiisu sii
faafin:
“…dhawaan ayaa ciidamada amaanka ee Danab waxay heshiisiiyeen laba qeybood oo bulshada
ka tirsan ayaga oo aasay ceel biyood, kaas oo ahaa waxa khilaafka dhaliyay… Sida ay aniga ila
tahay, tani waxay ahayd xalka ugu wanaagsan khilaafkaas, maxaa yeelay dhinacyada khilaafka
uu ka dhaxeeya markay arkaan ciidan awood u leh sugidda sharciga iyo kala dambeynta, waxay
istaajiyeen dagaalki”.
Tiro ka mid ah ka qeybgalayaahsii wadahadallada ee ku sugnaa degmooyinka Gaalkacyo, Dhuusa-
marreeb, Cadaado iyo Muqdusho ayaa waxay shaaca ka qaadeen in saboolnimada iyo shaqa laàanta
haysata ay ka mid yihiin waxyaabaha khilaafka dhaliya. Waxaa hadalkaa ayaguna ku raacay xubno
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
12
ka tirsan barlamaanka hoose ee Gaalkacyo iyo kann federaaka ah ee uu Muqdishu fadhigiisu yahay.
Dadkii la wareystay oo ay ka midka ahaayeen culumada iyo dhalinyarada ee ku sugnaa dhowr
degmo ayaa waxay qabeen fikrad taas la mid ah. Sida laga soo xigtay qof ka mid ah dadka siyaa-
sadda falanqeeya oo Cadaado ku sugnaa, fursadaha shaqa oo gobolka ka maqan ayaa waxay abuur-
tay xaalad rajo la’àan dhalinyarada ka dhex jirta, sidaas darteena waxay u nuglaadaan ku biiraanka
kooxaha mintidka ah.
Qabiileysiga iyo maleshiyaad beeleedka loo sameyay in ay danaha reerahooda difaacaan, ayaa sidoo
kale waxay qeyb ka yihiin asbaabta khilaafaadka rabshadaha wato ee ka dhaca Galmudug. Qaar ba-
dan oo ka mid ah dadkii wadahadallada ka qeybgalay ayaa waxay sheegeen in xubnaha beesha si ay
u difaacaan sarreynta qabiilkooda iyo martabadda ay mujtamaca ku leyihiin, waxay sameystaan ma-
leeshiyaad hubeysan oo loogu talagalay in ay wakhtiyada colaadaha ku dagaalamaan magaca
beesha. Sida laga soo xigtay kooxdii wadahadalla, arrinkaas waxuu kordhiyay khilaafka iyo tartanka
guud ee beelaha.
2. Saameynta Khilaafka
Sida ay colaad caada u leedahay, dhibanaha ugu horreya ee ku waxyeelooba waa shacabka gobolka
Galmudug. Sida laga soo xigtay badankood kooxahii wadahadallada ee ku sugnaa shanta goobood ee
la booqday, khilaafaadku waxay saameyn ballaaran ku yeesheen shacabka degaanka, saameyntaas
oo ay ka mid yihiin dhimasho, barakac, hab-nololeed iyo hanti burburtay. Kooxdii wadahadallada
waxay si joogta ah u xuseen dil, dhaawac iyo barakac in ay yihiin saameynta ugu weyn ee ay colaadaha
geystaan, gaar ahaan dumarka iyo carruurta, sida ay sheegeen kooxaha dumarka ee dhowr degmo
lagula kulmay. Intaa waxaa dheer, in dadkii la wareystay qaarkood, sida xubnaha barlamaan de-
gaanka iyo saraakiishi ka socday maamulka Galmudug, iyo sidoo kale dhalinyarada iyo culamada ay
intuba tilmaameen in khilaafaadka maxalliga ah uu bulshada naceyb iyo cadaawad ka dhex abuuray
kadib markii ay geysteen dhimasho iyo burbur. Khilaafad kale oo maxalli ah ayaa waxay saameyeen
dhaqaalahii degmooyinka ay colaadu ka dhacday; tan ayaa sida badan waxay dacdaa markii alaabihii
ay ganacsatada sooqa u soo wadeen ay colaadu saameysa.
Sida laga soo xigtay kooxdii wareysiga looga qaaday degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo, saame-
ynta colaadda waa mid ku xiran hubka la isu adeegsaday. Waxay aaminsanyihiin in markii hubka
fudud ee sida qoryaha darandoorriga u dhaca la isticmaalo uu ka dhasha burbur iso dhimasha badan.
Si kastabe ha ahaatee, waxaa xusid mudan in khilaafaadka ka dhasha tartanka dhanka kheyraadka
iyo kan uu sababa aargoosiga, ay ka waxyeello badan yihiin khilaafka siyaasadda ka dhasha.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
13
3. Jilayaasha Khilaafaadka iyo Nabadeynta Galmudug
Xaaladda Galmudug hadda waa mid cakiran – sida ay sheegeen dad badan oo goobahaas ku sugnaa
wakhtigii ay cilmi baaristaan socotay. Dad ka tirsan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxay
horseed ka yihiin hurinta khilaafaadka, halka qaar kale ay nabadda u ololeyaan, ayada oo isla
markaana ay jiraan kuwo kale oo labada dhinacba jilayaal ka ah. Kooxihii la wareystay waxaa la
weydiiyay aragtidooda ku aadan cidda ay u arkaan in ay yihiin jilayaasha koobaad ee khilaafka.
Waxaa kale oo la weydiiyay cidda door muhiim ah ka ciyaari karta xallinta khilaafadka. Markii la
weydiiyay suàasha hore ee ku saabsan cidda ay u arkaan in ay yihiin dagaal oogayaasha degaankooda,
dhamaan afartii degmo waxay muujiyeen fikrada kala duwan. Wadahadallada waxay cadeeyeen
kalsooni darridii iyo is qab qabsigii ka dhex jiray dhanka ijtimaaciga ee bulshada Galmudug. Koox
kasta waxay inta badan khilaafka ku eedeysaa dhanka kale, ayaga oo aanan wax dareen ah ka
muujinin doorka laga yaabo in ayaga laf ahaantoodu ku leeyihiin khilaafka. Kala qeybsanaantaas waa
mid ka muuqatay dhamaan goobaha.
Dadkii la wareystay ee ku sugnaa dhamaan goobihii cilmi baarista waxay si joogta ah u sheegeen in
siyaasiyiinta ay ka mid yihiib asaasayaasha khilaafka dhaliya. Si ay u helaan saameyn dhanka siyaa-
sadda ah iyo aqoonsi, kuwa qaar waxay maal geliyaan horinta khilaafaadka ayaga oo beelahooda soo
abaabulo. Qaar badan oo ayaga ka mid ah ayaa waxaa loo arkaa in ay yihiin dad ku dhaqda
musumaasuq oo daba orda danahooda gaarka ah iyo danaha beelahooda oo kali ah – halkii ay ka
shaqeyn lahaayeen danah bulshada dhamaanteed.
Ganacsatada ayaa loo arkay in ay yihiin qeybta labaad ee hormuudka ka ah hurinta khilaafaadka Gal-
mudug. Dad badan oo ay ka mid yihiin dhalinyaro iyo wakiillo ka socoda siyaasiyiinta matalaaya dha-
maan gobolka, ayaa sheegay in qaar ganacsatada ka mid ah ay khilaafaad kiciyaan si ay dhaqaala
ahaan uga faaìdeystaan – sababta ha ahaato iibinta hubka iyo raashiinka la cuno ama guudahaan
qiimaha cuntada oo korodho xilliyada colaadaha. Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale la sheegay
in ay [ganacsatada] yihiin jilayaal muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada dib u heshiisiineed, maadaama
wakiillo ganacsatada ka tirsan ay maalgeliyaan shirarka iyo sugidda amaanka kulamada khilaafaadka
lagu xalliyo. Maalgelintooda laàanteed, shirarka noocaas ah suurto gal ma noqdeen.
Kooxdii la wareystay intooda badan waxay ASWJ u arkaan in ay ka mid yihiin jilayaasha muhiimka ah
ee Galmudug. Hase yeeshee, doorka ay kooxdu ku leedahay khilaafka gobolka waa mid dadka de-
gaanka ay si aad ah ugu kala ràyi duwan yihiin. Gaar ahaan Cadaado iyo Gaalkacyo, ASWJ waxaa loo
arkaa in ay ka mid yihiin kuwa safka hore ugu jira hurinta khilaafka. Inta badan dadkii Cadaado lagu
wareystay, ASWJ ayay ugu horreyntiba soo sheeg qaadeen makii wax laga weydiiyay cidda nabadda
carqaladeysa, ayada oo dadka qaar ay sheegeen in ASWJ ay Dhuusabareeb dad kaga afduubteen. ASWJ
waxaa inta badan loo arkaa in ay yihiin dad awood raadis ah oo waliba ah urur danaha beeshooda u
hugiyo (ku qariyo) sawir diineed been ah.
Odayaasha dhaqanka iyo culumada ayay dakii la wareystay badankood u arkeen in ay masùul ka
yihiin anshaxa bulshada. Sidaa darteed, dhaqan ahaan waxay leyihiin awood iyo saameyn badan, taas
oo ay u adeegsan karaan colaadda iyo nabadda labada dhanba. Odayaasha dhaqanka iyo culumada
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
14
labaduba waxaa inta badan lagu sheegay in ay hurmuud ka yihiin xallinta khilaafka iyo dib u heshiisi-
inta. Dadkii la wareystay badankood oo ay u dhamaayeen qeybaha bulshada waxay carrabka ku ad-
keeyeen muhimadda ay odayaasha dhaqanka u leeyihiin nidaamka Xeerka. Hase yeeshee, odayaasha
dhaqanka waxaa kale oo ay awoodaan in ay colaad huriyaan oo ay xubnaha beeshooda dagaal ku
dhiirigeliyaan. Gaar ahaan, kooxaha dhalinyarada ayaa waxay shaki ka muujiyeen, awoodda dhanka
anshaxa ah ee ay leeyihiin qaar odayaasha ka mid ah, ayaga oo marar badan soo sheeg qaaday in
odayaasha qaarkood yihiin kuwa colaadda huriya.
Dadkii la wareystay qaar ayaa waxay tilmaameen – gaar ahaan dumarka – in dhalinyarada ay ka mid
yihiin jilayaasha ugu horeeya ee khilaafaadka maadaama ay ayagu yihiin kuwa inta badan dagaalama.
Dad badan ayaa waxay sheegeen in dhalinyarada oo ay haysato shaqa laàan iyo raja xumi ay fududda-
hay in dagaal lagu qalqaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo la wareystay ayaa waxay qireen
awoodda ay dhalinyarada u leedahay xallinta khilaafka iyo dib u heshiisiinta. Gaar ahaan, ururrada
dhalinyarada ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen doorka ay ka ciyaari karaan – ama ay horay uga
ciyaareen – hawlaha dib u heshiisiinta. Dhaliyaro firfircoon ayaa waxay door muhiim ah ka ciyaaraan
ololaha wac gellinta kor loogu qaadaya, iyo ku qancinta asaxaabtooda in ay dagaalka joojiyaan.
Waxaa kale oo ay ku dadaalayaan sidii dhaliyara badan ka qeybgalka siyaaasadda loogu soo dari
lahaa.
In yar ma ahane dumarku laguma sheegin in ay qeyb ka yihiin dadka khilaafaadka kiciya, lakin dad
badan ayaa waxay sheegeen doorka ay ka qaadan karaan abaabulka nabadda iyo dib u heshiisiinta.
Dumarka laf ahaantood sidii dhalinyarada oo kale ayaa marar badan waxay carrabka ku adkeeyeen
doorka muhiimka ah ee ay ciyaari karaan, oo ay tahay in ay ka ciyaaraan xaaladaha khilaafka iyo in
ay u raadsadaan madashii ay hawshaas ku fulin lahaayeen. Kooxta ugu dambeysa ee la soo sheeg
qaaday waa gabyaaga, kuwaas oo dhaqan ahaan mujtamaca Soomaali door muhiim ah ku leh. Si
kastaba ha ahaatee, dadkii la wareystay ee gabyaaga soo sheeg qaadeen, waxay cadeeyeen in saame-
yntooda ay beryahaan dambe yaraatay.
4. Qaababka xallinta khilaafaadka Galmudug
Markii la weydiiyay habka hadda khilaafaadka lagu xalliyo, waxaa si joogta ah loo soo sheeg
qaadaayay nidaamka dhaqanka Soomaali ee ay odayaasha adeegsadaan – Nidaamka Xeerka6 – dha-
maan degaannada. Odayaasha dhaqanka ee beelaha kala duwan, ayaa nidaamkaan ka qeybqaadata,
ayada oo dadkii afarta degmo lagu wareystay intoodi badneyd ay qireen in odayaashu ay door muhiim
ah ka ciyaaraan xallinta khilaafaadka bulshada ka dhex dhaca. Cilmigooda iyo xikmaddoda ayaa lagu
xushay oo bulshadu ay xaakin uga dhigatay. Markii laba beelood uu khilaaf ka dhex dhaco, odayaasha
6 Hab dhaqameedka Soomaaliyeed ee khilaafka lagu maareeyo, waxaa loo yaqaanaa Xeer. Odayaasha dhaqanka ayaa ah kuwan xeerka
gacanta ku haya una adeegsada in ay si fudud ugu fulliyaan xallinta arrimaha qaanuuniga ah ee bulshada dhax yeela. Nidaam dhaqan-eedkaan waa mid si balaaran loogu aqoonsaday in uu yahay mid xambaarsan qodobbada anshaxa ee lagu xalliyo khilaafaadka laguna ilaaliyo naba- gelyada beelaha iyo xubnaha bulshada.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
15
dhaqanka ee beelaha kale ee degaanka ayaa soo kala dhex gala, ayagoo ah gacan saddexaad oo
khilaafka xallineysa.
Si kastaba ha ahaatee, kooxaha qaarkood oo la wareystay, waxay caddeeyeen in nidaamka Xeerka
uusan ahayn mid mar kasta saameyn yeesha, oo isla mar ahaantiina aan dhameystirnayn maxaa
yeelay, tusaale ahan, ma aha mid mar kasta loo adeegsan karo qabaaìlka dhamaantood. Intaa waxaa
u dheer in uusan ka hadlin wax yaabaha khilaafka dhaliya ee asalka u ah. In kasta oo ay kooxaha
odayaasha ee ku sugnaa dhamaan goobaha [cilmi baarista], ay carrabka ku adkeeyeen doorka ugu
aadan hawlaha dib u heshiisiinta, qaarkood waxaa kale oo ay sheegeen in Xeerka loo adeegsan karo
khilaafaadka ka dhex dhaca jilibyada hoose ee beesha oo kali ah, kaalin haddeertaan la jooga ma jira
hab Xeerku qabaaìlka guud loogu isticmaali karo. Dhamaan qaanuunka Xeerka waxaa asal u ah oraah
ay jiilasha qarni ka qarni u soo kala wariyeen, sidaa darteed ayay beelaha kala duwan mid kasta u soo
kala dhaxashay qaanuun iyo mabaadì u gaar ah oo aan khasab ahayn in qolooyinka kale lagu fuliyo.
Gaar ahaan kooxaha dhalinyarada ah waxay dood ka soo jeediyeen nidaamka Xeerka qaabka uu
hadda yahay. Qof dhalinyarada ka mid ah ayaa muujiyay baahida loo qabo in Xeerka beelaha Gal-
mudug la mideeya si uu u noqdo mid si wanaagsan loogu xalliyo khilaafaadka gobolka. Isla mar
ahaantii dhalinyaro kale ayaa waxay sheegeen in odayaasha qaarkood ay Xeerka u isticmaalaan dana-
hooda khaaska ah si ay dhaqaale uga helaan, sidaa darteed kuwaasi waa kuwa colaadda huriya.
Ràyiga ay dadka ka qabaan nidaamka Xeerka markii xagga laìska dhiga, dad badan oo la wareystay
waxay si cad u muujiyeen in dadaaladii ay sameeyeen odayaasha dhaqanka iyo culumada si ay ugu
maareyaan uguna xalliyaan khilaafaadka, aysan noqonin mid ku filnaaday dhalan-rogidda khilaafka,
taas oo khilaafaadkii ka dhigtay mid aaan xallismin oo mar kale soo laba kacleeya. Sababta ay da-
daallada odayaasha dhaqanka iyo culumada ugu filnaan weyday xallinta khilaafka, ayaa dhici karta
in ay tahay ayada oo aan asbaabtii dhalisay laga hadlin, lakin taa baddalkeedi ay odayaashi ayagoo
ka duulaaya dhaqanka Soomaali iyo Islaamka dadkii is haystay kula taliyaan kuna dhiirri geliyaan is-
cafis.
Dad badan oo ay ka mid yihiin odayaasha, ayaa waxay caddeyeen muhimadda iyo firfircoonida
dhalinyarada iyo dumarka ee ku aadan ololaha sare loogu qaadaaya waci gelinta gobolka.
Dhalinyarada waxay door muhiim ah ka qaataan in ay saaxibadood ku dhiirrigeliyaan joojinta
dagaalka iyo u ololeynta nabad ku wada noolanshaha bulshooyinka. Si kastaba ha ahaatee, da-
linyarada iyo dumarka caadi ahaan lagama qeybgeliya shirarka iyo fadhiyada dib u heshiisiineed ee
[dhaqan ahaan] ay odayaasha hogaamiyaan. Isku soo wada duuboo, qaab dhismeedka habka xallinta
khilaafaadka ayaa u muuqda mit inta badan iska cad: Odayaasha waxa laga doonayaa in ay hawsha
hogaamiyaan, halka dadka intooda kale ay yihiin kuwo markii loo baahda ayaga caawi – inta badan
kor u qaadidda wacyi gelinta (dhalinyarada iyo dumarka) ama maalgelin (ganacsatada).
Intaa waxaa dheer, in colaadda sii hureysa ee Galmudug loo aaneyn karo maqnaanshaha hab waxtar
leh oo wax looga qabto asbaabta khilaafka. Sida laga so xigtay dhalinyartii dhowr goobood doodaha
ugu qeyb galay iyo waliba qaar ka mid ah saraakiisha dowladda, gobolka Galmudug kama jiro guddi
nabadeed oo wax qabad leh, ayada oo dhanka kalena odayaashii dhaqanka ee hogaanka u hayay
geedi-socodka dib u heshiisiinta aysan haysanin awooddii wax looga qaban lahaa asbaabtii dhalisay
khilaafaadka. Qaar ka mid ah dhalinyartii doodaha ka qeybgashay ayaa waxaa kale oo ay cabasha ka
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
16
muujiyeen guud ahaayn cilmigii iyo xirfadihii loo adeegsan lahaa xallinta khilaafaadka oo ka maqan
xubnaha bulshada Soomaaliyeed. Dhalinyarta qaarkood iyo sidoo kale xubnaha labada barlamaan ee
kala ag Gobolka iyo Federaalka, ayaa kororka khilaafaadka ku eedeyay faafidda hubka ee gobolka iyo
maamulka oo aanan lahayn awood uu ku meel mariyo heshiisyadii la gaaray wakhtigii dhex dhexaa-
dinta.
Qaar badan oo la wareystay ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo hawl dib u heshiisi-
ineed oo dhameystiran iyo hayàda dowladeed oo awood leh. Ugu dambeyntii, dhowr qof oo gooba kala
duwan lagu wareystay ayaa xuseen in khilaafaadka bulshada Galmudug ka qarxa ay u sabab yihiin
ayada oo aysan jirin hab wacyi gelinta kor loogu qaada [oo lagu ogeysiiyo] muhimmadda ay leedahay
nabad ku wadan noolanshaha, ayag oo ah jiiraan kheyraadka si cadaalad ah u wadaagaan.
5. Ka qeybgalka Siyaasadda iyo Habka Awood Qeybsiga Beelaha
Galmudug
Dadka markii wax laga weydiiyay suurto galnimada ka qeybqaadashada siyaasadda Galmudug, waxay
bixiyeen jawaabo kala duwan. Siyaasiyiinta, odayaasha iyo ganacsatada waxay intooda badan
sheegeen in hannaanka siyaasadda uu yahay mid qof kasta u furan oo loo wada dhan yahay, halka ay
kooxaha dhalinyarada iyo dumarka had iyo jeer tilmaameen in ayagu geeska lagu reexay oo laga ree-
bay in ay kaalin mug leh ka qaataan geedi-socodka siyaasadda. Gaar ahaan ururrada haweenka ayaa
waxay carrabka ku adkeeyeen in loola dhaqday habkii dadka laga tirada badan yahay loola dha-
maayay, ayaga oo wacad ku maray in ay xuquuqdooda raadsan doonaa si codkooda loo maqlo. Tirada
ah boqolkiiba 25 ee haweenka siyaasadda loogu qoondeeyay waa in ay noqotaa mid bollow ah.
Haweenku waa in aysan joojinin xawaraha ay hadda ku sodcaan ilaa ay ka helayaan dhamaan
xuquuqda ay ku leyihiin nidaamka siyaasadda. Koox dhalinyarada ka mid ah ayaa waxay xaqiijiyeen
in gaar ahaan dumarka aanan lagu dhiiri gelinin ka qeybgalka siyaasadda, in kasta oo uusan jirin wax
qaanuun ah oo ka hor istaagaya in ay codsadaan jagooyin siyaasadeed.
Markii la eego qaacidada 4.57 ee awood qeybsiga siyaasadda iyo in uu yahay nidaam macquul ah,
arrinkaas dadki la wareystay waxay si wada jir ah ugu bixiyeen jawaab adag. Ka qeybgalayaasha dha-
maantood goob kasta oo ay ku sugnaayeen, waxay isku raaceen in nidaamka 4.5 uusan fiicnayn, mana
jirin hal ruux oo wax wanaag ah ka sheegay. Taa lidkeeda waxaa ahayd, in hadalla intoodii badnayd
ay ahaayeen kuwo tilmaamaayay dhinaca xun ee nadaamkaas. Dad badan oo kala duwan oo ka soo
kala jeeda dhamaan bulshada qeybaheeda ayaa ka caawda arinka ah in nidaamka 4.5 uu yahay mid
muddada sidaan u dheer lagu dhaqmaayay, inkasta oo markii hore loogu talagalay in uu ahaado xal
7 Qaacidada 4.5, waa nidaam ah matalaad goàn oo ay beelaha Soomaaliyeed ku qeybsanayaan awoodaha siyaasadda. Afarta beelood ee waaweyn ayaa waxay leeyihiin min hal saami, halka saami barkii loo qoondeeyay beelaha yar yar iyo haweenka. Qaacidadaan waxaa lagu
isticmaalay matalaadda shirarkii nabadda ee la qaban jiray sanadihii badnaa ee la soo dhhafay, iyo sidoo kale dowladihii ku meelgaarka ahaa, ilaa maantana waa la adeegsadaa. Qaacidada 4.5 wali waa mit lagu tiirsan yahay oo loo isticmaalo awood qeybsashada heerar kala duwan oo dowladda ah, in kasta oo ay diidma xoogan uga imaaneysa bulshada dhexdeeda.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
17
ku meel-gaar ah. Dadkii xaqiiqada iyo xaaladda ka hadlaayay waxay yiraahdeen “wakhtigaas xal ayuu
ahaa” waana in la adeegsada ilaa laga helaaya wax badal oo asaga dhaama. Kuwa kale ayaa sheegeen
in nidaamka 4.5 uusan waligiiba xal noqonin, ayaga oo weydiiyeen suàasha ah: maxaa intaas oo sane
kadib wali loo adeegsanayaa?
Wxaa cad in dadka reer Galmudug ay nidaamka 4.5 u arkaan inuu yahay mid aan caadil ahayn. Waxay
soo dhaweynayaan wixii kale ee nidaamkaas lagu badalaaya. Dad ka kala tirsan kooxaha kala duwan
ayaa waxay sheegeen in nidaamka hal-qof hal-cod uu baddal noqon karo in kasta oo rajada laga qabo
arinkaas hirgelintiisa ay yartay. Dad badan oo la wareystay – gaar ahaan odayaasha, haweenka iyo
dhalinyarada – waxay dareensanaayeen in qaacidada 4.5 ay dadka Soomaaliyeed u kala qeybisay “si
aanan horay loo arag“, kaas oo bulshadi kala qoqobay. Intaa waxaa sii dheer, dadka oo ka xun in
nidaamka oo dadka qaar ugu yeera “kuwa kale“ taas oo “niyad jab“ ku ah ama “mugdi gelineysa ka
qeybgal kooda siyaasadda“. Sidaas markii loo dhigo, waxay ka qeybgalayaasha qaarkood sheegeen in
nidaamkaas uu diinta Islaamka iyo daqanka Soomaaliyeed labaduba ka soo horjeeda.
Qaar yar oo ka qeybgalayaasha ka mid ah, gaar ahaan kuwii matalaayay dowladda iyo ganacsatada,
ayaa waxay sheegeen in nidaamka 4.5 uusan ahayn mid Galmudug lagu isticmaali karo, taa bad-
dalkeedu waxaa wax loo qeybsaday nidaamka 11 beelood oo gobolka degan. Nidaamka 11 beelood,
ayaa marar badan lagu shegay in uu yahay midka ballan qaadaya in ay beel kasta oo Galmugug ku
nool hesho matalaad wanaagsan, ayad oo jagooyin qaarkood loo qoomdeyay beela qaarkood. Isla mar
ahaantaas, qaar badan oo la wareystay nidaamkaan uma arkaan mid keeni karo xal waara, laakin
waxay la tahay in uu xaqiiqada hadda joogta xal u yahay ilaa iyo intii wax badala laga helaaya. Dad
badan waxay raja weyn ka muujiyeen nidaamka hal-qof hal-cod, iyo nidaamka xisbiyada badan kaas
oo laga yaabo in lagu dhaqmo sanadka 2021. Gaar ahaan dadka reer Cadaada waxay isu arkaan in
lagu liiday nidaamka siyaasadeed ee hadda Galmudug ka jira, ayaga oo isla markaana dareensanaa in
jilayaal kale ay caburin ku hayaan. In casta oo nidaamka 11 beelood uu fikrad ahaan xaqiijinaaya in
beel kasta ay hesha dad matala. Dad badan waxay darensan yihiin in beelaha waaweyn ay kuwa laga
tirada badan yahay sad bursi ku sameyn doonaan, ayada oo xaqiiqdu tahay in jagooyinka [muhiimka
ah] ay gaar u yihiin beelaha waaweyn ee saameynta leh.
6. Aragtida Federaalka laga qabo
Si la mid ah jawaabihii laga bixiyay qaacidada 4.5, dadka reer Galmudug ee la wareystay waxay ni-
daamka federaalka iyo habka waddanka looga fulinaaya ee ah nidaamka kor-hoos ka bixiyeen jaabo
diidma ah. Dad badan ayaa waxay sheegeen in systemka federaalka ah uu Soomaalidu beela u kala
qoqobay. Saameynta kale ee uu nidaamkaan yeeshay ayaa waxay sheegeen in ay tahay in awooddi
Gobolka ay gacanta ugu jirto beelo kooban. Taas aya waxay sababtay xaalad ah in dadka qaar
dhaqdhaqaaqoodu uu xaddidmo, maadaama beelaha qaarkood ay tahay in ay ku koobnaadaan go-
bollo gaar ah ayaga oo aanan laga soo dhaweyneynin gobollada kale.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
18
Markii laga hadllo Federaal, fal-celinta ugu badan waxay ahayd in ay jirto fahan darri ku aadan fikrada
Federaal la ahaanteeda. Dad badan oo la wareystay waxay fikradoodu ahayd in guud ahaan dadku
aysan Federaalka fahmin loona baahan yahay waci gelin iyo aqoon kororsi dheeraad ah. Koox ka mid
ah ururrada haweenka ayaa cabiray dareenkooda ah in Federaalku yahay wax fiican laakiin Soo-
maalidu ay si xun u macneysatay, taas oo jahawareer dhalisay. Dad badan oo la wareystay, gaar ahaan
dhalinyaradii degmooyinka ku sugnayd, aya waxay sheegeen in hirgelintii Federaalka uu ka dhashay
khilaafaad u dhexeeya dowlaadda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah. Waajibaadka iyo
masùuliyadda ay kala leyihiin dowladaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ma aha mid cad,
ayada oo uu jiro tartan badan iyo is qabqabsi aan muhiim ahayn.
Ugu dambeyntii, dad badan ayaa waxay muujiyeen dareenkooda ah in Federaalku uusan ahayn mid
Soomaalidu anfacaaya – maxaa yeelay waxaa loo sameyay wadan leh dad kala duwan halka ay Soo-
maalidu dhamaantood yihiin kuwo wadaaga af iyo dhaqan – ama waxay dareemeen in fikraddu tahay
mid lagu khasbay (ajnabi ku khasbay), ayaga oo aanan waxba laga weydiini. Dhowr qof ayaa ku doo-
day in loo baahan yahay dowlad dhexe oo awood badan. Waxaa xiiso leh in fikradda xun ee laga hay-
sta Federaalka ay ahayd mid ku baahsaneyd dhamaan kooxaha kala duwan ee la wareystay, ayada oo
dadkii sida aadka ah u mucaaradaayeen ay ka mid ahaayeen masùuliyiinta dowlladda iyo
dhalinyarada.
7. Caqabadaha iyo Baahiyaha Dib u Heshiisiinta Galmudug
7.1. Caqabadaha Horyaalla dib u Heshiisiinta
In kasta oo dadka reer Galmudug intooda badan ay fikradaha awood qeysiga ku kala duwan yihiin,
kaalinta dowladda Feeraalka ayaa cabashooyin laga muujiyay. Cabashoyin la fahansanyahay iyo xalal
la soo jeediyay oo ku aadan khilaafaadka kala duwan, markii ay timaado ka hadalka caqabadaha iyo
baahida loo qabo dib u heshiisiin, fal celinta dhamaan dad ku kala duwan degaan ahaan iyo tiro ahaan
ayaa si muuqata isku mid u ahayd.
Caqabadda marar badan lagu soo celceliyay waa maalgelintii loogu baahnaa in lagu fuliyo hawlaha
dib u heshiisiinta oo meesha ka maqan. Taas waxaa lagu micneyn karaa kharashkii loogu safri lahaa
meelaha ay colaadu ka jirta ama la isugu keeni lahaa dhinacyada is khilaafsan oo aan la haynin.
Sadexda kooxood oo caqabaddaan sheegtay waa odayaasha, masùuliyiinta dowladda iyo ganacsa-
tada, taas oo la fahmi kara maxaa yeelay markii uu khilaaf dhaco waa odayaasha iyo dowladda kuwa
ugu horreeya ee loogu yeero si ay wax uga qabtaan, laakin inta badan ma haystaan awooddii ay ar-
rinkaas ku fulin lahaayeen. Sidaa darteed ganacsatada ayaa cadaadis la saaraa si ay hawsha dhanka
dhaqaalaha uga taageeraan.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
19
Caqabadda kale ee dib u heshiisiinta hor taagan oo ayaduna marar iyo meelo badan lagu sheegay waa
amni darrida guud iyo xaqiiqada ah in kooxaha iyo afraadda ku hawlan nabadeynta ay naftoodu kha-
tar ku jirto. Waxaa jirta khatar dhab ah oo ku aadan in wax yeeleyn lala doonaaya dadka ka shaqeya
nabadeynta Galmudug. Arinkaan waa mid xiisa leh markii la eego xaqiiqada ah in dadka reer Gal-
mudug ay ka dhaadhacsantahay in amniga guud ee gobolkoodu uu fiican yahay. Laakin khatarta ku
wajahan dadka nabadeynta ku hawlan waa mid dhab ah. Waxaa kale oo xusid mudan in gaar ahaan
dhalanyaradu yihiin kuwii ugu badnaa ee sheegay caqabadaas kor ku xusan, taas oo tilmaan ka bix-
ineysa khatarta gaar ahaan dhalinyaradu wajahayaan markii ay muujiyaan dadaalla nabadda lagu
dhiiri gelinaaya. Tusaale ahaan, koox dhalanyarada Gaalkacyo ka tirsan ayaa sharraxay weerar loogu
geystay bar koontorool mar ay u safreen meel magaalada ka baxsan si ay ula soo hadlaan koox
maleshiya ah kuwaas oo is-baara dhigteen waddada aadeysa Cadaado.
Amaan darridaan waxay asal ahaan xiriir la leedahay qabadda labaad ee aadka loo sheegay, taas oo
lagu soo koobi karo maamul xumo, xukunka sharciga iyo hay`adihii dowladda oo meesha ka maqan.
Tan waxay dadki la wareystay u sharxeen habab kala duwan, laakin waa mid tilmaameysa awood
laàan baahsan oo ka jirta dhanka dowladda, ha noqoto ka falcelin markay colaad dhacda, meel
marinta heshiisyadii nabadda ama in ay keenta hindisa khilaafaadka lagu xallinaaya. Waxaa xiisa leh,
in sheegidda caqabaddaan ay marar badan ku soo celceliyeen dadka reer Dhuusamarreeb iyo Ca-
daado, halkii ay meel kale ka ahaan lahayd, ayada oo ay dhalinyarada iyo odayaasha yihiin kuwa inta
badan [caqabaddaas] sheegay.
Caqabadda ugu dambeysa oo ay sheegeen dhamaan dadkii la wareystay goob kasta oo ay joogeen waa
isu tanaasul laàan iyo/ama rabitaankii dib u heshiisiinta oo meesha ka maqan. Waxaa nasiib darro ah,
in macluumaadkii ay bixiyeen Dadkii la wareystay uusan ahayn mid ku filan in laga fahmo cidda loo
arko in ay dhab ahaanti dib u heshiisiin dooneynin, lakin waxaa cad in caqabadahaani sababeen bur-
buka heshiisyo nabadeed maadaama aanan la ixtiraamin qodobadii heshiiska ka soo baxay. Caqaba-
dahaan dhamaantood oo is biirsaday aya sababay in khilaafaadka ay soo laba kacleeyaan, maadaama
aanan laisku dayin in khilaafaadkii hore loo xalliyo si buuxdo oo lagu qanacsan yahay. Sidaa
darteedna ayaa waxay sabab u noqdeen dhibaatooyin cusub oo hor leh.
Markii laga gudbo arrimahaan isku aragtida la qabo, waxaa jira kuwa kale oo ay dadka reer Galmudug
ku kala aragti duwan yihiin, sida caqabadaha ku hor gudban dib u heshiisiinta iyo suàasha ah: maxay
tahay sabata ay colaadda Galmudug sida aadka ah ugu baahsantahay. Dadka qaar ayaa waxay la tahay
in arrinkaas uu xirriir la leeyahay habka xallinta khilaafka oo daciif ah – nidaamka Xeerka ma aha mid
ku wajahan in uu xalliyo asbaabta khilaafka (sida ay gaar ahaan ku doodeen qaar ka mid ah kooxaha
dhalinyarada) mise mag dhawga lagu xukumo in ay reereha bixiyaan ayaa aad u sarreya – halka qaar
kale ay u nisbeeyeen dadka nabadeynta wada oo aan lahayn kartidii iyo xirfadihii looga baahanaa.
Qaar kale oo badan waxay la tahay, in is aaminaad laàanta ka dhex jirta afraadda iyo bulshada gobolka
aay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn. Isku soo wada duuboo, wax barasha laàan,
dhaqaalaha oo hooseeya iyo sinaan laàan iyo cadaalad darro ayaa ahaa caqabadaha kale ee la sheegay
in ay u baahan yihiin in laga gudbo si dib u heshiisiintu u suurta gasho.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
20
7.2. Baahida loo qabo dib u heshiisiin
Markii kooxaha iyo afraadda Galmudug la weydiiyay fikradahooda ku aadan baahida deg degta ah ee
loo qabo in gobolka laga hirgeliyo dib u heshiisiin dhab ah, jawaabta ugu badneyd oo si aad ah u
faahfaahsaneyd waa in la helo wada xaajood. Dadkii jawaabaha bixinaayay arrinkaas si kala duwan
ayay u sharxeen – “goobo lagu kulmo“, “dadka oo la siiya fursad ay cabashooyinkooda kaga hadlaan“,
“wada tashi dadka dhex maro“ – hadan waxaa meesha ka caddeed hal arrin oo muhiim u ahayd dha-
maan qeybaha bulshada, taas oo ah in la helo meel ay dadka ku kulmi karaan kuna wada hadli karaan.
Arrinkaan ayaa dadkii kala duwanaa ee ku sugnaa dhamaan magaalooyinkii ay wareysiyadu ka
dhaceen soo sheeg qaadeen. Kooxda kali ah ee si la yaab leh dadkaas uga duwaneyd waa siyaasiyiinta
iyo jilayaasha dhanka Maamul Goboleedka kuwaas oo aanan soo sheeg qaadin in arrinkaas [meel lagu
kulmo] uu yahay mid dib u heshiisiinta muhiim u ah.
Baahida taa ku xigta ee inta badan la sheegay [in ay dib u heshiisiinta muhiim u tahay] waa xoojinta
hayàdaha dowliga ah, oo ay ku jiraan kuwa ilaaliya sharciga iyo kala dambeynta, nidaamka garsoorka
iyo maamullada hoose iyo in waliba la kordhiyo awoodda wasaaradaha muhiimka ah. Arrinkaa waxuu
aad muhiim ugu ahaa ganacsatada, aqoonyannada iyo jilayaasha dowladda/siyaasiyiinta ee ku
sugnaa Dhuusabareeb iyo Cadaado, si ka duwan meelaha ama kooxaha kale.
Arrinka kale oo dadka reer Galmudug aad muhiimka ugu aha waa baahida loo qabo in la kordhiyo
tayada dadka nabad-doonada ah. Lama weynin afraad ama kooxo diyaar u ah in ay nabadda ka
shaqeyaan, lakin waa in ay helaan tababarradii ay xirfadooda kor ugu qaadi lahaayeen. Intaa waxaa
dheer, kaalinta gaarka ah ee ay kooxaha qaar ciyaaraan – tusaale ahaan, odayaasha iyo guddiga nab-
adda – ayaa la xoojin lahaa ama laga dhigi lahaa mid muuqata. Waxaa halkaan in lagu xuso ay muhiim
tahay, in dhamaan kooxihii la wareystay ee joogay degmooyinka kala duwan ay sheegeen baahidaas
[kor ku xusan].
Waxa kale oo aan tayeynta nabaddoonada ka liidanin waa baahida loo qabo in kor loo qaado wacyi
gelinta bulshada– wacyi gelin ku saabsan cawaaqib xumada ay colaadda leedahay, baahida loo qabo
nabad ku wada noolaanshaha iyo fursadaha ay leedahay dib u heshiisiinta. In kasta oo ay kooxa badan
sheegeen, ururrada haweenka iyo xirfadla yaasha (macalimiinta, barafasoorada iwm.) ayaa si gaar ah
ugu xamaaseysanaa kor u qaadidda wacyi gellinta. Taas waxa dhici karta in ay sabab u tahay
maadaama ay darensan yihiin in arrinkaas uu yahay masùuliyad bulshada ka saaran oo ay ku khasban
yihiin in ay qaadaan horayna ay wakhtigooda ugu hureen.
Baahida balaaran ee waxbarashada, horumarka iyo fursadaha shaqo ayaa ayaguna marar badan la
sheegay, in kasta oo baahiyahaan ay munaasab u yihiin horumarka guud, dhismaha dowladnimo iyo
hanaanka nabadda Soomaaliya, ma ahan baahi u gaar ah dib u heshiisiinta. Si kastaba ha noqotee,
waxaa cad in sida ay dad badan oo Galmudug ku nool la tahay, filashada in ay timaado dib u heshiin
dhab ah waa mid riyo ah maadaama xaaladda dhaqaale iyo heerka wax barasha ay sidaan u hoos-
eyaan.
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
21
Gunaanad iyo talooyin
Daraasaddaan waxay baartay fikradaha ay Soomalida ku nool degmooyinka Galmudug qaarkood ka
qabaan khilaafka, gaar ahaan jilayaasha ku hawlan hurinta khilaafka iyo kuwa ka shaqeya nabadda,
habka khilaafka lagu xalliyo, caqabadaha ku hor gudban xallinta khilaafka iyo sidoo kale baahida ay
dadku u qabaan dib u heshiisiinta. Sawirka ay dadka ka haystaan mowdhuucyada sida nidaamka 4.5,
Federaalka iyo ka qeyb galka siyaasadda ayaa la baaray, si fahan wanaagsan looga helo is rogrogga
khilaafka gobolka ka jira. In kasta oo ay adkeed in la booqdo goob kasta oo Galmudug ka tirsan, baar-
ayaashu waxay ku qanacsan yihiin in maadaama ay baaxadda daraasaddaan aad u balaarneyd, fikra-
daha warbixintaan ku xusan waa kuwo ka turjumaaya dadka ku nool Gobolka oo dhan. Falanqeyayaa-
sha waxay daraasadda ku soo kordhiyeen aragti mug leh oo ku aadan arimo muhiim ah oo Galmudug
ka taagan.
Waxaa natiijooyinka ku cad in khilaafka iyo saameyntiisa uu raad weyn ku yeeshay dadka reer Gal-
mudug. Dhimasho, barakac iyo hanti burburta ayaa ah saameynta muuqata ee ay khilaafaadka ree-
been. Saameynta aadka u xun ee uu dhaqaalaha ku yeeshay, cabsida aan dhamaadka lahayn iyo is
aamin laàanta ka dhex jirta bulshooyinka iyo beelaha ayaa ayaguna ah wax yaalaha kale ee dadka reer
Galmudug ku qasbanaadeen in ay si joogta ah u noqdaan dhibanayaasha khilaafka iyo raad reeebkiisa.
Sidaa darteed, dadku waxay si aad ah u daneynayaan in khilaafaadka socda si kama dambeys ah loo
xalliyo, oo kuwa soo socdana inta aysan qarxi laga hortago. Waxaa kale oo xusid mudan in ay jiraan
dad badan oo qiimo leh oo diyaar u ah awoodna u leh in ay ka shaqeyaan oo ay dhisaan nabadda
gobolka Galmudug. Dadkaas waxaa ka mid ah, haween, dhalinyaro, culumo, odayaal dhaqameed, ga-
nacsato iyo maamulka. Kooxahaan dhamaantood waxay la daalaa-dacayaan sidii ay wadajir ama qof
qof khilaafaadka u xallin lahaayeen maadaama gobolka uusan haysanin dhaqaalihii iyo awooddii
[wax lagu qaban lahaa].
Si dadka hadda nabadda ka shaqeeya iyo kuwa mustaqbalka loogu abuuro jawi munaasib u ah xallinta
khilaafka oo xaqiijineysa dib u heshiisiin bulshada ka dhex dhacda, iyo si jilayaasha kala duwan loogu
ogolaada in ay iska kaashadaan sidii khilaafka xal waara loogu heli lahaa, ayaa Hayàdda Berghof
waxay soo jeedineysaa talooyinkaan hoos ku xusa:
Dadka reer Galmudug waan in loo helaa fursada dheeraad ah oo ay ku wada hadlaan oo ay
arrimo gaar ah kaga xaajoodaan. Taasi waxay lahaan kartaa hab rasmi ah iyo mid aan rasmi
ahayn oo ku aadan hawlaha dib u heshiisiinta, dib u heshiisiin dhex marta maamulka iyo sha-
cabka, ama shir iska caadi ah oo dadka u suurto galinaaya in ay aragtiyadooda iyo fikradahooda
dadka kale la wadaagaan. Arrinka ah Goob wadahadal waxaa fududeyn karo maamulka Gal-
mudug, ururrada rayidka ah ama bulshada laf ahaanteeda. Ayada oo aan la helin fursad arri-
maha deg degga ah si deggan oo xushmad leh loogu wada hadlo, waxaa si sahlan u dhici kara
khilaaf rabshada wato.
Waxaa lagama maarmaan ah in la dhiso tayadii hayàdaha maamulka goboleedka, si ay awood
ugu yeeshaan in ay colaadda wakhti munaasib ah ka falceliyaan, in ay xal waara keenaan iyo in
Berghof Foundation | Warbixin ku saabsan Qiimeynta Khilaafka | Galmudug | 2019
22
ay la socdaan heshiisyadii la gaaray wakhtiyadii dhex dhexaadinta ama dib u heshiisiinta. Si ar-
rinkaan loo dhabeyo, jilayaasha siyaasadda gobolka waa in ay u soo jeestaan awood-qeybsi (oo ay
ka mid tahay in beelaha laga tirada badan yahay iy dumarka qoondo loo reebo) ku saleysan
wada-xaajood loo dhan yahay si loo dhiso maamul shaqeyo oo ixtiraam ka haysta jilayaasha Gal-
mudug dhamaantood. Ka dib waa in xoogga la saaraa waaxaha garsoorka iyo amniga, iyo sidoo
kale Wasaaradda dib u Heshiisiinta iyo Arrimaha Federaalka.
Waxyaabah dhaliya khilaafaadka gobolka Galmudug waa in loo wajahaa si dhameystiran oo
wax ku ool leh – halkii diiradda la saari lahaa joojinta colaadda oo kali ah – si looga hortago in
isla khilaafki uu mar kale soo rogaal celiyo. Maadaama khilaafaadka rabshadaha wato ee Gal-
mudug ay u badan yihiin dhul laisku haysto, asbaabta oo la waajaha waxay horseedeysa in
maamulka Galmudug uu hagaajiyo siyaasadda iyo xeerarka dhulka. Tan waxaa ka mid ah, in
dhulka loo sameyo diiwaan gelin wanaagsan oo cadeyneysa lahaansha dhuleed iyo soohdin/xad
abuuraaya xeerarka xuquuqda daaqsinka oo hufan, gaar ahaan kan u dhaxeya bulshooyin dha-
waan soo degay iyo kuwa martida loo yahay wakhtiyada abaaraha, iyo in la helo goobo rasmi ah
oo dhinacyada is khilaafsan lagu dhex dhexaadiyo.
Xirfadaha ashkhaasta ku hawlan dhismaha nabadda iyo sidoo kale, awoodda habka
khilaafka lagu xallinaaya labaduba waa in la xoojiyaa oo lasii hormariyaa. Tan waxaa lagu
hirgelin karaa ayada oo si dhow loola shaqeynaya dadka hadda nabadeynta ku hawlan, ayadoo la
siinaaya tababarro iyo aqoon is weydaarsi ku aadan dhex dhexaadinta iyo hababka xallinta
khilaafaadka, iyo sidoo kale in la dhiiri geliyo wax wada qabsi dhanka xallinta khilaafaadka ah
oo dhex mara maamulka iyo ashkhaasta nabaddoonnada aha sida odayaasha dhaqanka iyo
dhalinyarada.
Waa in la dhiirrin geliyaa olola wacyi gelineed oo ku aadan saameynta uu khilaafka leeyahay,
gaar ahaan dilalka ku saleysan aanada qabiil ee ka dhaca Galmudug. Dilalka aanada qabiil waa
dhib soo noqnoqdo oo dhaqanka ku saleysan waana mid mudan in si dhab ah loo wajaho, ayada
oo [dadaaladaas] ay taageerayaan jilayaal kala duwan oo gobolka ah, sida culamada, odayaasha
dhaqanka iyo dhalinyarada.
Shacabka reer Galmudug waa in micnaha fikradda federaalka laga siiyaa macluumaad dheeraad
ah iyo sida hadda Soomaaliyaa looga hirgelinaaya. Dowladda waa in ay arimahaas shacabka ka
wacyi gelisaa oo ay bulshooyinka la yeelataa wadahadalla balaaran oo qeyb ka ah geedi-socodka
federaaleynta. Taas waxay xaqiijineysaa in la fahmo nidaanka dowliga ah ee ay dadka ku dhaq-
maan iyo habka laga doonaaya in dhismaha maamul hoosaadka uu u shaqeyo.