new news letter · 2013. 1. 14. · 2012 eeg bogga 5aad qeexida qabyaalada ... eeg bogga 9aad boga...
TRANSCRIPT
-
Sh.Cabdisalaan
Abuubakar
Mawduucayga ugalin inaan
inigu salamo salaanta is-
laamka oo aha ASALAMU
ALIKUM WARAHMATU-
LAHI WABARAKAATU-
HU, salaam ka bacdi waxaan
jecelahay in aan manta halkan
ku soo bandhigo mowduuc
aad in badan ka bogggan
dontaan ……… eeg booga
2aad
A llaah ayaa ma-
had le ina-
gadhigay
umad I
slaam inaguna manaystay
nimcad iimaanka iyo naba-
dan, waxaan marlabaad u
mahadnaqayaa dhamaan
akhristayaasha iyo majalada
Anaatid in uu bar-
naamukani yahay bar-
naamuj abaal marintiisu
dhantahay $20, wakhtiyadii
uu soo baxayna Abaal ma-
rinihiisii dad badani ku
guulaysteen hadaba ku soo
dhawaada
su‟aalaha
A khristayaal waa markale iyo barnaamu-
jkeenii Midhihii
Aqoontiyo Mas-
kaxdaada Ti-
jaabi, Waa bar-
naamuj aan si
joogta ah markasta
iniigu soo gudbino
warsidaha Himilo News
Letter Caddadiisa Kala du-
wana, Barnamujkan waxa aad
sidaad la wada socotaan mar-
kasta ku soo qaadanaa su‟aalo
waxyaalo farabadan ka turju-
maya, waxa iyana muhiiima
inaad akhristow ku baraarugs
Himilo news letter oo bul-
shada ku soo kordhisay
wax loo baahnaa runtii
waxa lagu farxo ah in la
helo majalad sidan oo kala
ah waxaanan ku boorinaya
inay ku dhiiradaan oo aa-
nay ka daalin wanaagaa ay
bilaabeen intaa ka bacdi
akhriste/akhristayaaal waxa
aan jecelanahay inta aan
S heekadani waxay ka dhacay gayiga somali-da bari hore , waxaana
sheekada iiga sheekeysay
hooyaday.Bari baryahay ka
mida ayaa waxa dhacday in
gabadhi ay socdaal gashay
oo ay deegaan u kala
Midhahaga Aqoontiyo Maskaxdaada Tijaabe
Gardaro Libaax iyo Gaari dumar
Bogga 2aad
Tell: +2522 24077370+ 2522 24504501| 4459908 4502651 [email protected] | himilonewsletter.webs.com
Maxa lagu xasuusan doonaa sanadkii
2012
Eeg Bogga 5aad
Qeexida Qabyaalada ...
Eeg Bogga 9aad
Wajibook
EEG boga 5aad
Dhadhanso xiisaha nolosha
..EEG BOGA 8AAAD
gudbaysay. Hada-
ba gabadhu
siday safar
ugu jirtay
ayaa goor
casar
dabadii ah
ay ku leex-
atay ceel, si
ay uga cabto
maadaama oon uu
qabtay oo maalin oo dhan
ay soo lugaynaysay. Inta
badan dadka reer miyigu
waxay … ……..galinka
Eeg .Bogga 6aad ...
Sanad Wacan
Akhriste Ma
Qorshaysatay
waxad
qabanlahayd
2013
Wixii La Qoraa Quruuma Hadhee…Hadal Muxuu Qiimo leeyahay
HIMILO NEWS LETTER
Kaynuun Cismaan Cumar
-
.
January 2013 | Issue 7 | Himilo 02
Himilonewsletter.wordpress.com
Sh.Cabdisalaan
Abuubakar
Abdiaziz Ibrahim Cige
L ABO QOFKA QALBIGIISA KUMA WA-DA KULMAAN 1.Cabsida iyo jacaylka macaasid
QOFKA FAQRI KU DHACO WAXA UGU
SHAR BADAN
1.inuu diinta ka caydhoobo
2. inuu caqliga ka caydhoobo
3.inuu sabirka ka caydhoobo
CILMIGU WAXA UU KU XASILAAA SAD-
DEX
2.In la xafdiyo wixii la barto
2.In la barto wax aan la aqoon
3.In la bixiyo wixii la barto( la sii dhigo)
Nimacadu waxay ku xasishaa saddex
1.In lagu shugriyo
2.In laga faa’idaysto
3.In la dhaqaalaysto ama la ilaashado
Wacdinta dadka la wacdiyo waxaa laga helaa
saddex
1.In qalbigaagu qoyo
2.In carabkaagu laylyamo
3.Inaad barato dabciga dadka
Maalka waxa laga ilaaliyaa saddex
1.In la ururiyo aadan dulmi ku urursanayn
2.in la bixiyo iyadoon lagu xad gudbayn
3.in la xajiyo iyadoon bakhayl ku n oqonayn
Labo sifo dadka illahay aybaa kugu jeclaada
1.cabsidiisa iyo akhlaaqda wanaagsan
Labo sifo dadkaa kugu jeclada
1.sakhinimada iyo usama falka
Labo sifo walalahaaba kugu jeclaada
1.wanaagooda oo aad sheegto iyo xumantoda oo
aad dhaafto
Dadka waxaa ugu shar badan labo
1.Caalim cilmigiisa aan ku dhaqmin
2.xaakim bilaa cadaalad ah
………..Mahadsanid….
X anuunka aynu u naqaano macaanka (DAIBETES0) waa xanuun halis ah oo
mudooyin kan dambe kusii
badanaya dadwaynaha
caalamka khaas ahaan soo-
maalida .dad kuna waxay is
arkaan uun inay macaan leeyiin
marka uu xanuunku bado
xaalad halis ah oo ku keenta in
si deg deg ah u xis koodu uguu-
ro madaama anay dadkeenu la
socsoconin xaladooda
caafimaad saddexdii bilood ba
mar ,xanuunkani wuxuu leeya-
hay dhibatooyin farabadan oo
qofka ku keeni kara in u
waayo naftiisa dhan, balse dad-
keenu way kadhoohanyi-
in ,xanuun kani sida dadkeenu
uhaystaan maaha midkataga
qofka bani aadam ka ah ee waa
mid qof kulanoolanayo ilaa inta
uu noolyahay balse xanuunkani
waxa labartaa sida loola
noolaado ee looxa kameeyo si
aanu ku badin dhimasha-
da.Waxaana ugu fiican ee aad
umaamulikartaa waa inaad
kuxidh naato xarun caafimaad
islamarka lagugu sheego
macaanka aanad ku dhaqanto
dariiqoyinka dhakhtar ku kugu
lataliyo waxakale oo muhiim ah
inaad malin kasta lasocoto heer-
ka u taagan yahay ee aanad
odhan bishii uunsbaan mar is
eegi Xanuunkani waa xanuun
aad u dhiban wuxuuna ku
dhacaa halka laga maamulo
macaan ka ku jira jidhkeena
iyo inta aanu baahanahay ee
dhiigeena dhexmari karta
meeshaana waxaloo yaqaanaa
BEERYAR (PANCREAS).
Waxaana khal khala ooshaqa-
diisii meesh ka baxdaa dhee-
caan loo yaqaan (insulin) ee
lagasoodaayo beer yarta
(pancreas)marka ay sidani
dhacdo qofku wuxuu qaadayaa
xanuunkaloo yaqaano
macaanka .calaamadaha qofku
isku arko mar ka uu macaanka
yeesho waxa kamida
1 )haraad farabadan ,cunto cu-
nid faraban iyo kaadi farabadan
xanuun kan
waxa la iskaga xakamayn karaa
inaad si fiican ufuliso
dhakhaatiirta taladooda ,inaad
fadhiga badan iska ilaaliso oo
aad soc socoto
cun tooyin ka mac macaana is-
kayarayso hadaba cawaaqib
xumada ka iman karta xanuun
kan looyaqaano macaanka
waxaakmid ah qof waxaakataga
dareenka qof xataa madareemo
hadii ay wax mudaan wuxuu
arkaa isaga oo naburo yeeshay
hadii uunabur gaadho uma bog-
sado si dhakhso ah ,Illahayaw
ka caafi cida uu haleelay allaw
kabadbaadikuwa caafimaad ka
qaba ee muslimmintaada
ah...aamiin
Macaanka(diabetes)
-
W ajibook
(Facebook) waa
aalad casri ah oo
hoostagta aalada isku xira
bulshawaynta aduunka oo ay
ugu badanyihiin dhalinta loo
yaqaano dhalinta casriyeysan
(digital generation). Wajibook
waxaa la aasaasay sanadkii
2004ta iyada oo uu ku
faroyaryaraystay wiil dhalin
ah oo wax ka baranayey xil-
igaasi Jaamacada jaamaca-
daha caalamka hogaamisa ee
University of Hartford. Wiil-
kan oo gamaciisa la yiraahdo
Mark Zuckerberg waxaa uu
kala kulmay caqabado gudiga
anshaxa ee Jaamacada Hart-
ford iyada oo ay dacwado ku
soo oogeen qaybta ho-
rumarinta programming
Jaamacada Hartford u qaabil-
sanayd taasi oo keentay inuu
Mark Zuckerberg isaga tago
waxbarashdiisii una faaruqo
ka midho dhalinta hamigiisa
wajibook.
Hadaba soo bixitaankii
wajibook iyo ku guulaysasha-
da uu ku guulaystay quluubta
dhalinta caalamka ba-
dankoodii gaar ahaan dhalinta
dunida Islaamka iyo wadamo
badan oo maraykanku dano
gaar ah kalahaa waxay ku soo
jeedisay indhaha ciidamada
sirdoonka Maraykan ee loo
yaqaano CIA iyo FBI. Taasi-
na waxay keentay in
Wajibook iyo Mark Zucker-
berg ay gacanta u galaan ci-
idamada sirdoonka maraykanka.
Hadaba maxay ciidamada
sirdoonka Maraykanku ka
rabaan Wajibook?
Iyada oo su‟aashaasi ka ja-
waabayo madax ku xigeenka
labaad ee ciidamada sirdoonka
maraykana ee CIA xaflad lagu
gudoonsiinayey shahaado
sharafta ugu saraysa ee ci-
idamada sirdoonka maraykanku
bixiyaan ee loo yaqaano “in
honor of those members of the
Central intelligence Agency,
their lives in the service of their
country” mulkiilaha wajibook
ayaa waxa uu yiri madax ku
xigeenka labaad ee ciidamada
sirdoonka maraykana ee CIA “
waxaa ciidamada Maraykanka
sirdoonka ku qaadatay mudo
qarniyaal ah in ay helaan aalad
casriyeysan oo hanata quluubta
dadwaynaha caalamka taasi oo
ay dadwaynuhu hibaynayaa
addreskooda, sawirkooda,
magacoodii oo saddexan, qaraa-
badooda iyo cida ay saaxiibka
la yihiin, runtii waa riyo u
rumowday ciidamada sirdoonka
maraykanka, Mark zukerberna
waa halyey ga riyadaasi noo
rumeeyey”
Ciidamda sirdoonka
maraykanku dhowr jeer oo hore
ayey isku dayeen inay iyagu
gacantooda ku sameeyaan aalad
sida wajibook oo kale u
shaqaysa waxaana ka mid ahaa
Friendster, Myspace iyo
qaarkale oo dhicisoobay intii
aanan suuqa la soo galin, laaki-
in dadwaynihii ay rabeen ayaa
ku soo xirmiwaayey Friendster
iyo Myspace, iyada oo fea-
tureskiisu ama designkoodu
aanu cajabin dadka ay da-
naynaynayaan ciidamada sir-
doonka Maraykanku.
Hadaba maxay ahayd dhibta
haysatay Ciidamada sirdoon-
ka maraykanka ee uu mul-
kiilaha Wajibook ka xaliyey?
Ciidamada sirdoonku waxay
sheegeen in hadii ay u
baahdaan qof ay tuhunsanyihi-
in xogtiisa inay helaan in ay
kaga baxdo lacag aad u faroba-
dan iyo wakhti dheer oo ay
geliyaan si ay maclu-
umaadkaasi oo kaliya u so
helaan. Tusaale ahaan hadii ay
u baahdaan qof jooga dalka
Yemen waa inay cid arintaasi
u xilsaaraan ka tirsan ciidama-
da sirdoonka maraykan, waa in
cidaasi loo qoondeeyaa kha-
rashkii uu ku hawl gali lahaa
waa inuu qofkaasi diyaarad
soo raacaa, kana soo dagaa
dalka Yemen, waa inuu Hotel
degaa dabadeedna xog raadin
uu gala iyada oo aan la ogayn
mudada ay ku qaadan doonto
helida xogta sugan ee qofkaasi
la raadinayo. Wajibook hadaba
waxa uu u sahlay ciidamada
sirdoonka maraykanka in ay
helaan xogtii qofkaasi ay u
baahanyihiin iyaga oo fadhiya
xarunta ay ku leeyihiin
wadankooda dhexdiisa iyaga
oo isticmaalaalaya aalada
wajibook waa hadii qofku lee-
yahay oo uu isticmaalo
wajibook. Arintaasi darteed
ayaa wadamo badan oo ka
tirsan aduunka ayna ishayaan
dalka Maraykan waxa ay sab-
abtay in ay wadamadooda ka
mamnuucaan isticmaalka Fa-
cebook waxaana wadamadaasi
ka mida wadanka China oo
isagu gabihaanba xayiray istic-
maalida Wajibook una
sameeyey mid gaar u ah dad-
kiisa. Faransiiska iyo kuuri-
yada waqooyi ayaa iyagu wad-
amadooda ka xayiray wajibook
istimaalidiisa
Wadamo kale waxay uga faai-
idaystaan Wajibook sida
Maraykanka oo kale oo waxay
ku baaraan cida wadanka
danbiyada ka gasha waxaana
ka mida ciidamada sirdoonka
Ruushka ee “The Federal Se-
curity Service of the Russian
Federation
Hadaba akhristow adiga oo
Soomali ah shakhsi Mus-
limana ah maxaa kula gud-
boon?
Wajibook Soomalida ba-
dankeedu way isticmaashaa
marka laga reebo inta xoolaha
iyo beeraha ku mashquulsan
markaa anigu waxaan tolo
kuugu soo jeedin lahaa marka
hore ogow in lagula socdo oo
lagu daawanayo
dhadhaqaaqaaga Wajibook.
Marka labaad waa inaad
yaraysaa xogta aad wajibook
la wadaagto ee ay ka midka
tahay meesha aad wax ka dhi-
gato, meesha aad ka
shaqayso, wadanka aad joogto
inkastoo taasi si by default ah
kaaga diiwaangashadeen.
Magaalada aad joogto iyo in
aad akhyaartaada wajibook u
kala saarto dadka qoskaaga ah
(Families), saaxibadaada kuu
dhow (close friends) iyo dad-
ka aad istaqaaniin
(acquaintances). Ta sadexaad
oo ah ta ugu muhiimsan waa
inaad had iyo jeer istic-
maashaa camaliyaadka ay ugu
talageen in uu qofku ku xididi
karo cida xogtiisa raadraaci
karta (privacy settings).
Fouad Osman (Mogue)
. Xog
january 2013 | Issue 7 | Himilo 03
Wajibook (Facebook) iyo ciidamada sirdoonka
Maraykanka
Fu’aad Osman( Mogue)
Ka faa’idayso barnamujka
su’alaha ee himilo
newsletter ka jawaab
sualaha ka dibna ku
guulayso jaa’isadan, adigoo
jawabahaga ku soo diraya
emailka :
Sidoo kale hadad fursad u
waydo inaad jawabahaga
ku soo dirto emailkaas
waxad naga la soo xidhiidhi
kartaa numberadas
4077370 4504501
4459908 4502651
Ku guulayso $20
-
M axaad ka taqaanaa
suuriya juquraafi
ahaan, taariikh
ahaan, siyaasad ahaan, waxba-
rasho ahaan, iyo cimiladiisa?.
1.juquraafi: Suuriya juquraafi ahaan
waxay
ku
dhacdaa qaaarada Asiya gaar
ahaan bariga dhexe wuxuu
xad la wadaagaaa shan wadan.
1.lebonen iyo badda, medi-
terianka dhinaca galbeedka
ayey ka xigtaa xad dharerkiisu
leegyahay 375km
2.Turkiga oo dhinaca
waqooyi ka xiga Xad
dharerkiisu gaadhaayo 822km
3.Ciraaq oo ka xigta beriga
xad dhererkiisu gaadhaayo
608km 4. Urdun oo jihada
koonfureed ka xigta xad
dhererkiisu gaadhaayo 375km
5.Falastiin oo yuhuudi hay-
sato dhinaca koonfur galbeed
xad dhererkiisu gadhaayo
193km.
Magaaldaa ugu wayn
wadanka wa ELepo balse cas-
imada wadanku wa DIMIS-
HIQ. Cabirka dhulka Suuriya
waa 185180km2 oo dhul ah
iyo 1550km2 biyo ah.
2.Tirada Dadka
(Population ) Tirada dadka suuriya waxa
lagu qiyaasaa 22,530,746 oo qof waa
qiyaastii ugu danbaysay ee la
sameeyey oo himilo news letter soo
heshay. Jinsiyadaha wadanka suuri-
ya waxay u kala baxaan
1.CARAB 90.3%
2. KURDIYIIN IYO AR-
MAANIYIIN iyo kuwo kale oo isku
noqonaya 9.3%
3. LUUQADA(LANGUAGE)
Luuqada rasmiga ah ee lagaga hadlo
waa ARABI balse waxa kale oo
iyadna so raaca luuqada kurdishka,
Armenian,Aramaic,circassian iyo
waliba fransiska iyo English
4. DIINTA(RELIGION )
Diimaha wadanka suuriya waxay
iskugu jiraan 74% muslim sunniya,
shiico calawiyiin twelvers iyo is-
laamiyiin iskugu jira oo isku
noqonaya 12% , Christian10% iyo
diimo kale oo ay aaminsanyihin oo
gaadhaayo 4%
5. WAXBARASHADA
(EDUCATION) Waxbarashada dalka suuriya waxay
u kala baxdaa saddex qaybood
-Waxbarasho hoose 1_6
-Waxbarasho secondary hoose
7_9
-Waxbarasho secondry sare10_11
Ka dib waxa loo gudbaa jaamaca-
daha Wadanka suuriya waxaa ka jira
ilaa 21 jaamacadood , Lix ka mid
ah dowlada ayaa maamusha shan
iyo tobanka kale gaar ayaa loo lee-
yahay
6) TAARIIKH DA SUURIYA
(HISTORICAL) Taariikhda suuriya aad ayey u fog-
tahay tan iyo xiligii dowladii
cusmaaniyiintu burburtay . waxaa
xukumi jiray franciska waxay xorni-
mada ka qaadatay 17 april 1946
Wadanka suuriya waxay la midow-
day dalka Masar sanadkii 1958 si ay
u sameeyaan jamhuuriyad car-
beed oo midoobay. Waxay dib u
kala go‟een oo ay labo dal kala
Doortay HASHIM
ALETASI 28 FEB 1954 _ 6
SEP 1655
6)SHUKRI ALQUWATLI
6 SEP 1955__22 FER 1958
ka dib waxaa dhacday
doorasho uu maamulayey
7)HASHIM ALETASIAY
waxa loo doortay madax-
weyne ALQUWATLI
8.CIMILADA
DHulka suuriya intiisa bada-
ni waa lama dagaan kulayl
oo engagan xiliyada Decem-
ber ilaa febraayo waxa da‟a
roobab goobaha xeebaha u
dhow waxaa yaraada isku
socodka haayadaha caalami-
ga ah iyo kuwa dowliga ah
xiliyada ay jiraan kulaylaha
badan..magala madaxda
dimishiq waa qabow baraf
ka da‟o ..
9) LACAGTA SUURIYA
Waxaa loo yaqaanaa SYRI-
AN POUND (SYP) halka
$1=65.15 syp
Waxaa halkaas inoogu dhan
nuqulka mid ah taariikhda
suuriya oo ay himilo news-
letter soo heshay qaybtii
koowaad la soco qaybtii
labaaad oo aynu ka bilaabi
doono wixii ka danbeeyey
1960
WAA QALINKII
Mohamed Hussein Muse
AWDAL__BORAMA
buuraha loo yaqaan
JUULAAN (GOLAN
HIGHTS), halkaas oo ay
hada yimadaan dalxiisa-
yaal gaadhaya ilaa 3mi-
lyan oo qof buuraha
juulaan waxay maraan
Lebonen,Urdun, iyo is-
real ,cabirka buuraha
juulaan waa 15km2
7.MADAXDII SOO
QABATAY DALKA
SUURIYA KA DIB
XORNIMADII Dalka suuriya waxaa
soo waajahay qalalaso
siyaasadeed oo u badnaa
inqilaab milatari intii u
dhexaysay sanadii 1946
_1958 1)SHUKRI AL
QUWATLI 17
April 1946 _30
march 1949
HUSNI ALZAIM
30 march 1949_____14
august 1949 waxa uu
ahaa ninkii ugu horee-
yey ee dalka suuriya
inqilaab ku qabsada
2)SAMI ALHINDAWI
14 AUGOST 1949 _15
AUGOST 194 waxaa
hadana dib u inqilaabay
HUSNI ALZAIM
3)HASHIM
ALATESAWI wuxuu
yahay 1949 _2december
1951
4)ADIB SHISHAKALI
2 DEC 1951 ____3DEC
1951
5) FOWZI SELU 3
DEC 1951___11 JULY
1953 waxaa hadana
inqilaab ku qabsaday
ADIB SHISHAKELI
ADIB SHIHAKELI 11
JULY 1953 _______2
FER 1954
Maamuun ALKUZBA-
RI 26 FER 1954/28 feb
Himilo newsletter
January 2013 | Issue 7 | Himilo 04
taaariikhda
Mohamed Hussein muse
-
M axaa lagu
xasuustaa sanadkii
tagay
Sida aynu wada ogsoonahaay
akhristayaasha sharafta lahaw
waxaynu ku noolnahay duni
ay soomareen qarniyo iyo
quruumo kala duwan, oo
qarni walba watay sooyaal
kiisa taariikheed akhriste
ogow waakasta oo baryaa
wuxuu wataa waayihiisa,
hadaba himilo news letter
waxay leedahay caalamka,
cadeedii soo baxdaaba waxa
cadaata taariikh cusub.
Taariihduna waa silsilad
taxana sikastaba ha ahaatee
sanadkii 2012 waxaa dhacay
isbedelo badan oo dhinacyada
nolosha ah subax kasta iyo ha-
been walba waxa natooda
waayaa ay ku jiraan isbedelo
kala duwan
Halkan ka akhri qaar kamida ah
dhacdooyinkii dhacay 2012
Bilawgii january waxaa dalka
masar ka dhacay doorashadii
golaha baarlaman waxaana
aqlabiyada helay xisibul xaakim-
ka ee al xoriya walcadaala sidoo
kale badhtamihi sanadkan iyada-
na labilaabay siyaasiyiin tiro ba-
dan oo ay kimid yihiin mahomed
mursi,camar muse, Mohamed
albaraadici iyo siyaasiyiin kale
doorashada qaadatay labo
wareeg waxaa 24-06-2012 ku
guulaystay madaxwaynaha Mo-
hamed mursi ciise cayaad.
01/09/2012 waxa dhacday
doorashadii gudoomiyaha baarla-
maanka soomaaliya waxaana
ladoortay prof.jaawari
10/09/2012 waxa dhacday
doorashadii madaxtooyada soo-
maliya waxay qadatay labo
wareeg waxa kugulaystay
xasan sh.maxamud calasow.
10-10-2012 wuxuu soo maga-
caabay raysal wasaaraha cab-
di farax shirdoon waxa kale
sanadka laxasuustaa, dhi-
mashada shakhsiyaad caanka
oo ka midyahay alla ha unax-
ariistee abwaanka caanka
ahaa ee abwan gaariye, iyo c/
laahi yuusuf iyo dadkale oo
badan sida wariya yaal aqoon-
yahayo siyaasiyiin waxa kale
oo isbedal ka dhacay dalka
ethopia , badhtamihii malas
sanawi taasi oo sababtaay
isbedel siyaadadeed oo kad-
hacay waxa hada raisal
wasaare kam ah, Haile mar-
yan
28/11/2012 waxa jamhuuri-
yada Somaliland kadhacday
dooroshooyinka dowlada ha
hoose waxay u dhacday sina-
badgalyo waxa kale oo ay
doorasho kadhacday dalka
maraykan/America waxa ku
guulaystay marlabaad madax-
waynaha Obama.
15-12-2012 waxaa dalka
masar la ansixiyay dastuurka
ay yeelanayso masar.
Maxaa Lagu Xasuusan Doonaa Sanadki
Tagay Ee 2012
Sidookale waxaa lax-
asuustaa sanadka bilihii
ugu danbaysay in tahriibku
aad ugu siyaaday gobolada
s/land .
29-12-2012 waxaana lagu
xasuustaa in gaaadhi kuwa
tahriibayaasha ah oo ka
tagay sudan ilaa usocday
liibiya oo ku geeriyadeen
ilaa 20 qof qaarkaloo ba-
dan way ku dhaawacmeen .
Isku wada duuduuboo
marka dib loo eego,
dhacdooyinkaa sanadkii
2012 waxay ahaayeen
kuwo ay taariikhda siyaabo
kala duwan u xusto.
Hadaba intaasi waa qaar ka
mida xasuus qorka himilo
news letter waxay leedahay
waa kasta oo baryaa
waayihiisuu wataa.
Waa qalinkiii
Mohamed Hussein Muse
Xog
K U Soo dhawaada su‟aalihii aan nooga barateen ee “Midhihii
Aqontiyo Tijaabi Mas-
kaxdaada” Oo aalaaba ka
daalacataan Himilo News
Letter taasi oo guulay-
stayaashana la gudoonsiiyo
jawaa‟is kooban waloow
aan rajaynayno mustaqbal-
ka dhaw in aan ka dhigno mid
aad u balaadhan Jaa‟isa-
dahaasi …. Akhriste tijaabi
maskaxdaada iskuna day in
aad garatid Jawaabaha
su‟aalahani
1. sheeg Asxaabigii uu nabigu
ugu duceeyay ducadan
“Allahayow Diinta
Fahansii” ?
2. sheeg magacyada kale ee
suurada “AL-NAASICAAD”?
3. imisa jeer ayuu ku jiraa
magaca “jibriil” kitaabka
Qur‟aanka kariimka?
4. sheeg suurada lagu sheegay
loxooxda ?
5. sheeg imisa jeer ayaa lagu
sheegay qur‟aanka Nebi
DALKIFLI magaciisa?
6. goorma ayaa ladhisay
masjidu QUBAA ?
7. imisa sano ayay muslim-
iintu xakumayeen dhulkii
loo yaqaanay ANDULAS?
8. Halxidhaale: “sheega
shayga hilibkiisu dibadda
kuyaalo, timihiisuna
gudaha kagayaalaan ?
9. sheeg shayga aan bar
bilaw iyo bar dhamaad aan
lahayn?
10. Halxidhaale: sheeg
magac dawladeed oo Had-
dii magaca xarafka uhoree-
ya laga jaro soo baxaya
lambarka 8-eed oo carabi
ah?
Hadaba si aaad ugu guulaysatid
Jaa‟isad kooban fadlan jawaabaha
oo dhamaystiran ku soo dir Email-
kan:
Waxaana jaa‟isada heli dona qofka
ugu so hor jawaaba ee jawaabihiisu
dhamaystiranyihiin …. Guul ayan
ini rajaynayaa ….
Midhihii aqoontiyo tijaabi maskaxdaada
January 2013 | Issue 7 | Himilo 05
Mohamed Hussein Muse
Ku Guulayso $20.00 Saxardiid
-
Gardaro Libaax iyo Gaari dumar
Himilo news letter
January 2013 | Issue 7 | Himilo 06
Sheeko
Kaynuun Cismaan Cumar
Sheekadani waxay ka dhacday gayi-ga somalida bari hore , waxaana sheeka-
da iiga sheekeeyay hooyaday.Bari bar-
yahay ka mida ayaa waxa dhacday in
gabadhi ay socdaal gashay oo ay dee-
gaan u kala gudbaysay. Hadaba gabadhu
siday safar ugu jirtay ayaa goor casar
dabadii ah ay ku leexatay ceel, si ay uga
cabto maadaama oon uu qabtay oo maal-
in oo dhan ay soo lugaynaysay. Inta ba-
dan dadka reer miyigu waxay soo
arooraan galinka hore ilaa duhurka,
laakiin wakhtiga dambe xayawaanka
duur joogta ah ayaa kusoo qulqusha si
ay iguna uga cabaan. Markaa hadaba
gabdhii ceel ayay kusoo
dhaadhacday kaas oo cagtii dadku ka
joogsatay maadaama ay wakhti dambe
ahayd.
Gabadhii ceelkii ayay mudo yar ka cab-
tay markaa ayay ka soo laabatay si ay
usii wadato socodkeedii dheeraa.
Markay ceelkii kasoo fushay ayaa nasiib
wado yar oo qof maro ay iskaga hor
yimaadeen libaax aad u dagdagsan, kaas
oo isaga laftiisu ahaa biyo doon. Li-
baaxii iyo gabadhii mudo ayay is yara
eegeen,kadib libaaxii ayaa inta uu garab-
ka ku dhuftay gabadhii iska dhaafay.
Maadaama uu libaaxu aad ugu baahnaa
biyo waxba far ma dhaqaajin, kadibna
uu iska gudbay oo ceelkii ayuu ku
daadagay. Gabadhii iyada oo aad ula
yaaban ayay iyadna soo gudubtay ilaa
dhinacii ay u socotay. Kadib markay
inyar kasoo fogaatay libaaxii ayaa
waxay aragtay in reeraha ugu soo dhaw
ay aad uga fogyihiin oo aanay libaaxa ka
hortagi karayn. Gabadhu waxay ahayd
qof caqli badan, markaa inta ay joog-
satay ayaa ay nafteedi la hadashay oo ay
tidhi ” libaaxan ishiisa ayaan arkoo caa-
wa way adagtahay sida aan ku
dhaafaaye, maxaad samaysaa reerahana
ka gaadhi mayside”.
Gabadhii geed dheer ayay raadsatay oo
markaa ayay korka uga baxday, maro ay
wadatayna inta ay jeexday ayay isku
xidhay, si aanay ugasoo dhicid geedka
haday naxdo. Odaygii libaax ayaa isaga
oo orod dhagaha nabaya oo isle gabadhii
caawa inayna ku dhaafin wadadii isna
kusoo dhacay.
Markaa ayuu isaga oo raadkii guraya soo maray meesha. laakiin siduu raadka ugu
joogay ayaa markuu geedkii dhaafay raadkii
go‟ay, kadibna dib ayuu usoo laabtay. Mudo
markuu raadkii meel uu uraaco garan
waayay ayaa uu isku meeraystay, kadib
raadkii ayaa siduu usoo waday geedkii hoos
keenay, markaa ayuu kor fiiriyay wuxuuna
arkay gabadhii oo geedka saraan.
Bal hadaba intaanan sheekada qaybta kale u
gudo galin is waydii;
Libaaxa maxaad ka filaysaa markuu gabad-
hii oo geedka saran arkay?
.ma kula tahay in gabadha la cuni doona oo
wadkeedii soo galay?
. Gabadha dareenkeedu side ayuu noqon
doonaa?
. adigu akhristoow maxaad samayn lahayd
hadaad gabadhaa tahay si aad libaaxa uga
badbaado?…..Hadaba qaybtii 2aad waatan
ee ila soco Libaaxii markii uu arkay gabadhii
oo geed aad u dheer saaran ayaa inta uu
cadho iskala garan waayay uu geedkii ku
booday, markaa ayuu geedkii gilgilay oo uu
lulay. Waxa uu mudo inta uu boodo laamaha
dhexe ee geedka ruxaba, waa kari waayay
inuu gabdhii kasoo rido geedkii. Libaaxii
intaa uun kuma joogine, waxa uu bilaabay
inuu boodh qaso, qaylo bilaabo iyo waliba
afka u kala qaadqaado si ay gabadhu u nax-
do oo geedka ugasoo dhacdo. Laakiin gabad-
hii kama soo dhicin geedkii, , ilayn gabadhu
maryaheedii inta ay jeexday ayay isku xi-
dhay markaa way adagtahay sida ay ugasoo
dhacdaa .
Libaaxii habeeenkii oo dhan ayaa wax walba
uu sameeyay si uu gabadha geedka uga soo
rido, laakiin waxba waa tari waayay. Markii
uu libaaxii daalay ayuu geedkii iska hoos
fadhiistay si uu u sugo ilaa inta ay kasoo
dagayso. Gabadhii iyaduna siday habeen oo
dhan gaadh iskaga haysay ayaa waagi
dilaacay, markaa ayay cadceedii soo baxday.
Libaaxii wali halkii ayuu ku sugayaa, ilayn
sheekhu waa isa siiyay gabadha sidaa
darteed ayuu u quusan waayay.
Qoraxdii markii ay nin joogii soo baxday
ayaa waxa soo had-hadlay dadkii deegaanka
oo wadada kusoo socda. .
Markaa ayay gabadhii u dhawaaqday
dadkii oo ay tidhi ” waar dib u laabta
meeshan libaax ayaa jooge oo ana
xalay ayaan u dhaxay halkane. Rag
badan intaad isku soo kaxaysataan
meeshan iga kaxeeya”. Ragii iyaga
oo 10 nin ah ayay gabdhii u yimaa-
deen oo markaa ayuu libaaxii geedkii
ka hoos kacay Gabadhii ayaa
waxay ku tidhi ragii ” waar ani-
ga libaaxan calooshiisa ayaan
ku jiraaye 10 nin iskuma aami-
nayo ee raga soo biiriya”, Ragii
ayaa waxay ku yidhaahdeen
anaga ayaa ku filan. Markaa
ayay 5 nin gabadhii soo daji-
yeen, 5 kalena libaaxii ayay
fogeeyeen.Gabadhii markii
geedka kasoo dag is tidhi ayaa
libaaxii oo meel dheer ka eega-
nayay isa soo qaaday ragiina
soo jiidhay,laakiin gabadhii
geedkii ayay dib ugu laabatay
markaa ayay tidhi ” maxaan idi-
in sheegayay”. Kadib ragii ayaa
10 kale kusoo daray markaa
ayaa 10 nin ay libaaxii inta ay
hub u qaateen buuraha ka saa-
reen, 10 kalena ay gabadhii
hareehaha ka mareen. Sidaa
ayaana gabadhii lagaga badbaa-
diyay libaaxii oo lagu geeyay
reerihii.
……..DHAMAAD…..
-
H
•Ehelunaarka Adduunka •Dunidu maskaxdey magan u tahay Alla ha unaxariistee abwaan Xasan Sheekh Muumin Go-rod Wuxu ku dhashay magaalada Saylac 25-Dec-1932kii halkaas oo uu ku barbaaray kana bilaabay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd. Abwaan Muumin wuxu noloshiisa inta badan ku soo qaatay Somaliya. Fiiro gaar ah:Sidaan cin-waanka ku xusnay qorma-dani waa taariikh kooban oon ka wada turjumi karin noloshiisii: Sanadkii 1968- 1976kii wuxu hal abuur iyo daadiye ka noqday Radio Muqdisho, wuxu samayn jirey barnaamujkii caanka ahaa ee hidaha iyo dhaqan-ka Somaliyeed. Wuxu ka mid noqday shaqaalihii wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta. Abwaan Xasan sheekh Muumin wuxu maareeye guud ka noqday golaha murtida iyo madadaalada ee Hargeysa. Abwaanku wuxu dabayaaqadii todo-baatanaadkii suugaan baaris utegay machadka “Institut Superieur d’Etudes et de recherche Scienntifiques” oo ku yaal dalka Jabuuti. Maansadii faraha badnayd ee uu abwaanku alifay waxa dadweynaha loogu soo gud-bin jiray idaacadda ama masraxyada wadama Soma-liya iyo Jibouti. Abwaan Xasan Sh.Muumin wuxu ahaa qof macaan oo shakhsiyad leh, ehelu karam ah. Anigu abwaanka lama soo macaamilin oo isku maqaam iyo isku mileyba mannaan ahayn, marka laga reebo aragti iyo aqoon guud oon ulahaa. Hadaan laga tegin sanadkii udanbeeyey
noloshiisa ayaan xidhiidh telefoon oo joogto ah la lalahaa si aan wax uga korodhsado. Run ahaantii wuxu iisoo dhaweyn jirey sidii wiilkiisa oo kale aniguna waxan xidhiidh-kiisa u xiiseyn jirey si wayn. Waayo wuxu ahaa Philosopher maqaam sare kaga jira bulshada oo cilmi rabaani ah la cokan. Dhanka kalana wuxu na-gala qeyb qaadan jirey hawsha qaadhaan uru-rinta iyo qeylo dhaanta ah ee ururka Gurmad ugu jiray dhismaha garoonka kubadda cagta Borama ee loogu magac daray isagoo qayb libaax ka qaatay dhiirri galinta iyo dhaqaajinta hawsha ga-roonka. Abwaanku wuxu nagala soo qeyb gali jirey ku-lamada telefoonka( Tele-confernce) Abwaanka waxa qorshaha ugu jirtay inuu wadamo badan oo yurub ka mid ah iyo wadanka Amerikaba so-cod kusoo maro si uu muxaadarooyin ama luc-ture uga jeediyo. Ab-waanku Wuxu ku talo ji-rey inuu Ka jawaabo su’aalihii sarbeebta ahaa ee xikmadda wayn ku fadhiyey ee ku jirey ri-waayadiisii Shabeel naagood, Kuwaas oo uu iisheegay inuu 40 sano ka hor dadweynaha waydiiyey. Waxa kale oo uu iishegay abwaanku inuu diyaariyey Riwaayad uu ugu magacdarey Labi Daayeer iyo qaar kale. Isku soo wada duuboo tii Allaa ka sokeysay” Hamatul baciid mowtul qariib” Alle ha unaxar-iistee abwaan Xasan Sh.Muumin Arbaca Jan-16-2008.
Abaara 7:00 fiidnimo saacada yurub wuxu ku geeriyooday caasimada dalka Norwey ee Oslo.(9:00 fiidnimo Afrikada bari) Abwaan Xasan sheekh Muumin wuxu ka mid ahaa macalimiintii fanka dhidibada u taagay wuxu ahaa Hal abuur, Fanaan, jilaa, gabayaa, Ganacsade,iyo Macalin aad looga ixtiraamo bulshada dhexdeeda. Sida taariikhdu xustay Ab-waan Muumin wuxu fanka bilaabay isagoo yar, wakhtigii gobanimo doonka heesihii ugu horeeyey ee uu kaga qayb galay oo ahaa bilowgii iyo baraarujintii gobanimada waxay ahayeen kuwo Af ca-rabi iyo Afsomali isugu jira. Waxa ka mid ahayd heestan wadaniga ah Hees wadani ah 1) Yaa ayuuha soomaliyu Saluu calaa Nabi wa aalihii wasaxbihii Yaa taabical wadanii Nin islaana oo Aqalkuu lahaa Eeyar loogu soo galayoo Iiga baxa yiri baan ahayoo Aflagaado loo rogayee. Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxu jilaa ka noqday Riwaayadii ugu horeysay ee laga dhigey goboladii waqooyi ee soomaliya iyo guud ahaanba Somaliya, Ri-waayadaas oo la oran jiray Qaadi Mowlaana Oo ku baxday Af-carabi. Riwaaya-daa waxa sameeyey abwaan Bullaale Boorama. Ri-yaawadan waxa laga dhigay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco sanadihii afartameeya-dii. Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxu lahaa suugaan aad u tiro badan iyo waliba sheekooyin xiiso leh. Anigu ma soo koobi karo hadii aan kun maalmood qalinka kor uhayo. La soco(……………)
A lle ha unaxariistee ab-waan xasan Sheekh Muumin wuxu nasiib uyeeshay dhowr amuurood oo la xidhiidha fanka iyo doorkiisa oo aan lala wadaagin. 1. Wuxu wax ka jiley ri-waayadii ugu horeysay ee dalka Somaliya lagu dhigo.(Qaadi mowlaana) 2. Wuxu lahaa riwaayadii lagu furey Tiyaatarka wayn ee muqdisho((National The-atre) 3.Wuxu allufay riwaayadii u horeysay ee la qoro. 4.Wuxu allifay riwaayadii noqotey horyaalka ri-waaydaha Soomlida. 5. Wuxu lahaa heesta astaanta riwaayadaha So-maliya (Halkan waxad utimaadeen caawaad naga helaysaan). 6.Wuxu ahaa abwaankii Sameeyey heesta astaanta ee calanka Somaliland. Abwaanka waxaynu ku xasuusan doonnaa Mur-tidii,Maaweeladii,Maansadii,Mullaaxdii,Midhihihii Miiddii iyo mahadhooyinkii uu macalinka inoogu ahaa sida: Aragtidiisii fogeyd ee cilmiga ku dhisnayd iyo waliba sugantiisii cusleyd iyo Riwaayadihii qiimiga badnaa ee uu allufay. Sida: Riyawaayadihii ay ka mid ahaayeen. •Hubsiimo Hal baa la siistaa •Shabeel-naagood •Gaaraabidhaan
Ayuuu Ahaa Xasan Sh. muuMin
Xasan Mohamed
himilo
January 2013 | Issue 7 | Himilo 07
Suugaanta
-
D HADHANSO XIISAHA NO-LOSHA.
TACAB IYO RAAXO
RUN IYO BEEN
DHARAG IYO GAAJO
AQOON IYO JAHLI-
IFTIIN IYO MADOW
CUDUR IYO
CAAFIMAAD
OROD IYO SOCOD
FADHI IYO JIIF
WALWAL IYO DA-
GANAANSHO
MACAAN IYO
QADHAADH
Qofkasta oo bili,aadan ah
inta uu joogo nolosha
dunida korkeeda waxa uu
la kulmaa waxyaaabo kala
duwan, waxa uuna maraa
dabaqado kala duwan, wuxuu-
na ku dhexnoolyahay mawja-
do iyo hirar nololeed oo
dhadhano kala duwan
usameeeya:
Marba waxa soo mara arin iyo
amuur ay wadato sunaha no-
loleed ee kawniga ah.
Marbaa waxa uu dareema
raaxo iyo farxad. Markalana
tacab iyo daal.
Marbaa waxa la arkaa isaga
oo faraxsan oo bashaashi ah.
Markalana isaga oo naxsan,
cadhaysan, oo aamusana.
Marbuu lakulmaa hirar iyo
mawjado culus oo kacsan oo
cidhiidhi galiya
Markalana waxa soo marta
hawo iyo neecow soo dha-
waysa oo kor uqaada.
Marba la arkaa hamigiisa iyo
hididiiladiisa oo toosan oo
dheer.
Markalana isaga oo walwal
iyo walbahaarsan oo luudaya.
Marbaa waxa uu dhad-
hamiyaa qadhaadhka no-
losha . markalana waxa uu
dhamaa macaankeeda.
Hadaba iyada oo heerarka iyo
xaaladaha nolosha dadku
maraayi ay sidaa u kala du-
wantahay, waxaan rabaa inaan
halkan majalada Himilo News
leter iniigu soo gudbiyo intii
illaahay iga karsiiyo maqaalo
taxane ah oo siwayn utaaba-
naya nolosha bili,aadanka
guud ahaan sigaarana inaga
inoo khuseeya
Waxaana ukala qaadi
doonaa labo mawduuc oo
aad u balbalaadhan oo kala
ah:
1-WAXYAABAHA
DHADHANKA IYO
XIISAHA UYEELA NO-
LOSHA QOFKA BI-
LI,AADANKA AH.
2-WAXYAABAHA
CADAWGA KU AH EE
CIDHIIDHIGA GALIYA
NOLOSHA QOFKA.
Hadaba midwalba oo kami-
da labadan mawduuc waxa
hoos imandoona cinwaano
dhawr ah oo aan kaga hadli
doono waxyaabaha khu-
seeya mawduuca. Waxana
qoraalkayga ka keenayaa
dhinacyo dhawr ah oo kala
ah:
1-Waxaan ka keeno mas-
kaxdayda iyo aragtidayda
2-Iyo waxaan baadhitaan ku
sameeyo oo aan lakaasha-
nayo .. dadka waayo araga
ah
Aqoonyahanka culumada
iyo
3-Buugaagta qoran.
Waxanan ku horaynaynaa
ciwaanka koobaad oo ah:
DHADHANSO XIISAHA
NOLOSHA
h Gorfayn
WAXYAABAHA
DHADHANKA IYO
XIISAHA USAMEEYA
NOLOSHA QOFKA BI-
LI,AADANKA AH.
Waxaanan usoo qaadan
doonaa mid-mid ciwaanada
hoos ku qoran hadii allaha
awooda leh uu inoo ogo-
laado
Waxaanan iska taagi doona
sida saamaynta uu ugu kee-
naya iyo farxada mid-
walaayiba.
-IIMAANKA IYO
CAMALKA FIICAN
-CAAFIMAADKA IYO
RAJADA
-HOOYADA IYO
AABAHA
-MAALKA IYO
CARUURTA
-SAAXIIBKA IYO
AQOONTA
-JACAYLKA IYO
GUURKA
-NABADA IYO
WADDANKA
-ROOBKA IYO
BARWAAQADA.
Waa qalinkii:
Mustafe Muuin Aadan
Mustafe Mumin Aadan
January 2013 | Issue 7 | Himilo 08
N in waayeel ah dhex deganaa beer uu lahaa ayaa
markuu waaberiga soo
koco meel hadh ah ku
aqrisan jiray Quraanka
subax kasta.
marka maxaan ka faa’iida
aqrintiisa?
Marka muu isku waaline
awoowihii intuu salad ama
danbiil dhuxusha ay kusoo
gadan jireen u dhiibay
ayuu ku yiri:
EEG BOGGA 11AAD
waxaana dad kala joogay wiil
uu awoowe u yahay oo jeclaa
sida awoowgiis inuu noqdo qof
ALLE ka cabsi badan, diintana u
yaqaana sida awoowgiis.Maalin
maalmaha ka mid ah ayuu
weydiiyey awoowgiis: Awoowe
waxaan jeclahay inaan
Quraanka u aqriyo maalin kas-
ta saad u aqriso, balse mar
kastoon isku dayo inaan aqriyo
ma fahmayo macnihiis, hadaan
wax yar ka fahmana isla
markiiba waan hilmaama.
Himilonewletter.wordpress.com
FAAIDADA AQRINTA QUR'AANKA OO LA JOOGTEEYO
(SHEEKO WAXKU QAADASHO LEH
Zainab sh.Ali Aadan
-
Qeexida Qabyaalada Runtii qabyaalada dadka Soo-
malidu ku dhaqmaan waa wax
aad u fogaatay si sahlana aan
loo joojin karin, lakiin waa lay-
arayn karaa.
Marka hore waxaad kala fahan
taa Qabiil iyo Qabyaalad, hadii
aynu sharax yar oo gaaban ka
bixino waa laba wax oo aad u
kala duwan intabadana dadka
qaar iskaga khaldama.
Qabiil Qabiil waa koox bulshada ka
mid ah kuwaas oo wadaaga ab-
tirsiin kooban, waxaanay u si
qaybsamaan Jilibo, Qoysas ugu
danbayn waxaa kala baydha oo
reero kala noqda laba Nin oo
walaalo ah markay inama badan
dhalaan ee inamadiina caruuro
sii yeeshaan. Markastoo tirada
abtirsiinta qoysku gaadho laba
saddex awoow waxay isku ba-
dashaa jilib yar oo hoose, dadka
walaalaha ahi markay guur-
sadaan ee ay caruur sii dhalaan
caruurtoodu waxay isku
noqdaan ilmaadeer1, ilmaa-
deer2, Ilmaadeer3 xaga aabaha.
Kadib wixii intaas ka danbeeya
waxay isku ba-
dashaa "Tol" halkaas oo hada-
na qabiilkii kor uga unkamo oo
uu marka hore noqdo jilib yar
oo hoose deedna Qolo,Qabiil.
Badanaa is xidhiidhinta qaraa-
bonimo & iscaawintu wuxuu
isku taagaa ilmaadeerka 3aad
wixii intaas ka danbeeyana
waxa laysku noqdaa uun tol taas
oo micnaheedu yahay waxaa
yimid habkii Qabiilka oo magta
iyo xeerarka qabiilka uun
lawadaago. ilaahay (SWT)
isagoo ka hadlaaya qabiilka
wuxuu yidhi:Dadoow
waxaan idiinka abuuray
lab iyo dhadig, waxaana
idiinka yeelnay shucuub iyo
qabiilooyin si aad isugu
aqoonsataan, ruuxiise ugu
sharaf badan Eebe agtiisa
waa ka idiinku dhawr-
son”49:13
Qabyaalad Qabyaaladu waa hab Soma-
lidu caadeysatay oo ay mudo
dheer ku soo dhaqmayeen
kaas oo lagu amaanaayo qoys
ama qabiil, qabiil kalana lagu
yasaayo laguna caayaayo oo
lagu fogeeynaayo. Marka
qabyaalada la‟oogaayo waa
marka larabo in qolo kale la
dulmiyo laguna hamiyo jiri-
taanka qabiilka aad tahay oo
qudha lagana diriro jiritaanka
bulshada inteeda kale. Qofku
malaha ma'adi uu isagu
rumaysanyahay inay sax
tahay iyo nadaam bulsho oo
kale midna ee wixii qabiil
kiisa ka soo fula ayuun buu
sax u arkaa waxa umada
kalena qalad.
Dhibaatooyinka ay arintaasi
abuurto waa dhibaato aad u
weyn waxana kamida ari-
mahan soo socda:
-Bulshada oo noqota umad
dulmi iyo darxumo ku
noolaata waligeed.
-Jaahilnimada oo noqota
mid lagu faano.
-Xaqa & Cadaalda oo
noqota in daciifnimo loo
arko.
-Bulshada oo aan waligood
is aaminin shakina kala
qabta markasta.
- Danta guud iyo Dawladni-
mada oon waligeed si
daacada loogu heshiin,
qofkastaana diido cidii -
-madax loo doorto hadii
anu qabiilkiisa ahayn, kuna
diido qabiilkiisa awgii, iya-
doo laga yaabo ka reer
kooda ah ee uu jagada la-
rabo in uu yahay mid aan
xilka loo dhiibayo u qalmin.
-Marka ay dorasho noqoto
in qofku dantiisa ilaawo oo
uu ka fikiro dan qof kale
oon waxba ka quseyn do-
rashadana qof qabiil ku
doorto halkaasna dantiisii
iyo xornimadiisii ku waayo.
-Hogaamiyaha dalka loo
doorto & Masuuliyiinta
kalaba inay waxay doonaan
oo xumaan ah, sameeyaan
cidna ka baqiwaayaan illayn
waa umad qabyaaladi
qaybisay oo awoodi iyo
sharaftiiba ka qaadaye.
Hadaba qabyaaladu waa
isxaqirid, isdulmin, iyo sharci-
ga islaamka oo la jabiyo taasi-
na waa xaaraan cad oo cidii
sidaas u dhaqanta ama ku
fikirta uu ifka dulmi iyo duli
ku noolaanayo akhirana ca-
daabta jahanama tagaayo
siduu ilahay inoo sheegay.
Allahna (SW) wuxu inoo
sheegay in umada muslimiinta
ahi ay dhamaan walaalo yihi-
in, markaas dad isku qabiila
oo wada dhashayna ha-
dalkoodaba daa.
Akhristow miyaad qodobada
xaga sare ku qoran & kuma-
naan kale oo aanan halkan ku
soo koobi karin igu di-
idantahay? Waxaan aamin
sanahay inay jawaabtu tahay
maya. Hadaba marka aynnu
ogsoonahay waxa dawladni-
madeena iyo horumarka
dalkeena hortaagani inuu ya-
hay qabyaaladda iyo qabiil-
laysiga uu qof walba iyo
qabiil walba wax ku doonaayo
ay tahay, ee inaga oo wadani-
yiintii wadanka iska lahayd
ah, maxaa sababay in kolba ka
madax weynaha aynu u doora-
no uu inoo khiyaameeyaa? ee
hantidada umada oo dhami ka
gaajoonayso uu siduu doono
ugu tagrifalaa? ama inanka
yar ee aynu xafiiska cashuu-
raha ama meel illaha
dhaqaalaha ah u dhiibanaa uu
xaqeena u lunsadaa? ma
ma iswaydiiseen su'aalahan? mise
waxaabad tahay ka aan ka
sheekaynaayo?.
Runtii waxa aan sheegaayo oo
dhami waa wax jira oo aan soo
xaqiijiyay, waxba kama helaayo
inaan madaxda dalkayga iyo ma-
suuliiinta dalkayga fadeexadeeyo.
Xaqiiqadu waxaa weeye inaynu
maanta dhibaatada ina haysta
hadii aynu soomali nahay dhanka
aad doonto kasoojeedo, waxaa
inala gudboon in aynu si dhab ah
ugu fiirsano mushkilada ina haysa-
ta ee waligeedna soo jirtay, oo ka
talino bal aayaha ubadka kobab-
keena ku jira, kolay inagu no-
lasheenii baabi'inaye.
Waxaad moodaa inaynaan laba
socon caalamkan casriga ah. Wali
waxaynu ku jirnaa meel mugdi iyo
jaahilnimo ah oo dunidu boqolaal
sano ka hor soo dhaaftay taas oo
ah, qabiil-qabiil & qabyaalad indha
la'aan ah. Umada inay ku dhacdo
mushkilad ah in ay qofkii ay xilka u
dhiibteen khaladka uu galaayo ka
joojin kari waayaan ama kalidii
taliye qabsado (Dictatorship) waxaa
u sabab ah in shicibku kala
qaybsan yahay oo iska soo hor-
jeedo. shicibkuna hadii aanu is
raacsanayn oo danta guud & daw-
ladnimada ka midaysnayn, cid
kastaa gumaysan karta oo xukumi
karta, waxay doontana ku samayn
karta. Umad midaysan kuma
dhacdo dhibaatada ina haysta oo
kale.
Gabogabo, walaalayaal aynu si
wanaagsan oo caafimaad qabta u
fahano dhibta inoogu xun ee dhi-
baatadeena u salka ahi inay tahay
Qabyaalada aynu ku dhaqmayno
iyo siday wax inoo yeelayso ee ay
ula fal galayso ficil kasta oo aynu
sameeyno, hadii ay dawlad tahay,
Dhamad
hadii ay diin tahay, cadaalad dara-
da ina haysata dhan walba waxa
nolasheena hortaagani waa
qabyaalada iyo qayb qaybsanaanta
anu midna kakale waxba u ogalayn.
Qabiilka iyo is haybsigu dhib
malaha sidaynu horeba u soo
sheegnay.
lasoco qaybaha danbe.
ilahay xaqa ha ina waafajiyo.
Waa qalinkii:max’ed shabeele
January 2013 | Issue 7 /Himilo 09
Maxamed Shabeeele
Qeexida Qabyalada
ARIMAHA BULSHADA HIMILO NEWS LETTER
-
NOLASHA MAANTA
January 2013 | Issue 7 | Himilo 10
HIMILO NEWLETTER
Sheekada tukaaxa
M arka hore ILAAHAYE
ayaa mahad iska leh,
iina fudaydiyay inaan
sheekadan kasheekeeyo aan ku
qoray qalinkayga ,marka xigtana
waa tan sheekadu siday udhacaday
kuna bilaamatay tufaaxa!!!
Waxaa layidhi qarnigii kowaad ee
hijriyada ayaa waxaa jiray wiil
dhaliyaro ah oo ilaahay kacabsi
badan, cilmigana aad u raaci jiray
howlo oo dhanna faraha uga
qaaday siduu uu cilmi diineed u
korodhsan lahaa,hasee yeeshee
wiilkaasi faqiir ayuu ahaa,waxa
hadaba dhacday inuu maalin aad u
gaajooday,oo markii uu gaajadii
xamili waayey ayuu gurigiisii
iskaga baxay isagoo halkii ku
toosnayd uun iska qaaday.siduu
usocday ayuu markii dambe
wuxuu ku soo baxay beer bustaana
ah oo ay ka buuxaan geedo tu-
faaxa ah oo wada bislaaday,
Dabadeed mid kamid ah ayaa
laamaha tufaaxu dibadda usoo
laalaadeen , markaasuu wuxuu
naftiisii ugu sheekayay xabada
tufaax haddaad ka goosato laama-
han bannaanka soo jira gaajada
waykaa bi‟in doonaan,sidii ayuu
yeelay markaasuu intuu xabbad
tufaax ah ka goostay laantii iskana
cunay,gaajadii gubaysayna ka
yaraatay… haddaba markii uu
gurigiisii ku noqday ayay mas-
kaxdiisii dib ugu fikirtay falkii uu
xabbadda tufaaxa ahaa kaga
goosatay beertii uu agmarayey
isagoon ka fasax qaadan ninkii
beerta lahaa, taasoo ah dareenka
qofka muslinka ahi uu did usoo
gocdo dambigii uu
sameeyay.wiilkii dhanliyarada
ahaa wuxuu goostay inuu raadiyo
ninkii bustaankan lahaa waydiista-
na inuu saamaxo xabbaddii tufaax
ahaa ee uu ka goostay beertiisa,
markii uu soo raadiyay ayuu ninkii
beerta lahaa helay waxaanu ku
yidhi “ adeer shalay ayay gaajo
xun I qabatay markaas anigoo
beertaadan ag maraya waxan
arkay laan tufaax ku taala oo xag-
ga bannaanka usoo laalaada
markaasaan xabbad tufaaxa ani-
goo kaa fasax qaadan ka goostay
ee isaamax” ninkii beertalahaa
waxa uu ku yidhi “Ilaahay baan ku
dhaartaye inaan kuu saamaxaynin
maalinta qiyaamahana Ilaahay
agtiisan waan kugu soo ooga-
yaa”wiilkii ayay talo ku caddaatay
markaasaa isagoo ooyaya uu bar-
yay ninkii beerta lahaa isagoo ku
odhanaya waxkasta oo aad iga
dalabato diyaar baan u ahay iga
saamax xabbadii tufaaxa
ahayd,hasa yeeshee ninkii beerta
lahaa marba marka ka dambaysa
ayuu kusii adkaystaa intaa ninkii
beerta lahaa kuma ekaanine wiilkii
oo baryootamaya ayuu iskaga
dhaqaaqay ,wiilkiina kama uusan
hadhine wuu daba galay isagoo
baryootamaya oo ooyaya ilaa uu
ninkii gurigiisii ka galay.wiilkii
albaabkii guriga ninka ayuu iska
fadhiistay isagoo sugaya balmarka
uu salaadda casar usoo baxo inuu
haddana baryo inuu ka saamaxo.
Salaadii casar markii loo eedaa-
may ayuu ninkii gurigiisa ka soo
baxay isagoo xagga masaajidka u
socda markaasaa wuxuu arkay
wiilkii oo wali halkii taagan oo
oohin gadhkiisii
qoysay,markaasuu wiilkii
dhalinyarada ahaa arkay ninkii
beerta lahaa wuxuu ku yidhi‟‟
adeer waxaan diyaar u ahay inaan
beerta kaaga shaqeeyo inta cim-
rigayga ka hadhsan anigoo waxba
kaa rabin waxan kaloon diyaar u
ahay inaan fuliyo wax kasta oo
aad igu xukunto laakiin
isaamax”,ninkii beerta lahaa intuu
hoos u foorarsaday yarana fikiray
ayuu ku yidhi wiilkii, “
wiilkaygiiyow waxaan diyaar u
ahay inaan hadda ku saamaxo”
laakin shardi ayaan kugu xi-
dhayaa,wiilkii ayaa intuu aad u
farxay yidhi shardi kasta iyo wax
kastaba diyaar baan adeer u
ahay……………..ninkii beerta
laahaa ayaa yidhi „‟shardigaygu
waxa weeyi inaad gabadhayda
guursato” wiilkii ayaa markuu
shardigaasi maqlay dhulku la
wareegay wuxuu ku hadlana garan
waaayey!!!!!!,ninkii ayaad sheeka-
dii sii watayoo wuxuu sii raaciyey
hasa yeeshee wiilkaygoow ogow
inantaydu way dhago laadahay
wayna indho laadahay ,hadalkuna
wuu ka xidhan yahay intaasna
waxa udheer waa curyaan,muddo
badanna caruus ku habboon oo
aan ku aamino kuna oggolaaada
tilmaamaha ay leedahay ayaan u
raadinayey waana u waayey,
markaasi shardigaygaas hadii aad
ogalaato xabaddii tufaaxa waan ee
aad cuntay waaan kaaa
saamaxayaa.wiilkii oo shardigii
gabadhayda guurso ahaa la
Dhakafaarsan wixii uu ka odhan
lahaa inanta tilmaamaheedii
odaygu u sheegay madaxii bal-
laadhay waxaan maskaxdiisa
markaliya buuxisay jawaabo is
khilaafsan,
Waxaana jawaabtii uu odhan
lahaaba kaga waynaaday bal sidii
uu u la noolan karilahaa gabadhan
duruufaha aduunku xadhkaha ku
xidhxidheen isagoo nin dhaliyaro
ah iyo bal sidee bay talow ugu
shaqayn dooni kartaa illayn dhinac
kasta waatan ka xidhane!!!.
Dhinac kasta markuu arrintii ka
eegay wiilkii wuxuu talo ku
gaadhay inuu adduun iskaga sabro
oo gabadhan caynkaasa guursado
si uu uga nabadgalo qaanta iyo
dambiga ay leedahaye xabadan
tufaaxa ahi, waxaana uu odaygii
beerta lahaa ku yidhi „‟ adeer
waan kaa oggolaadaye inaan
gabadhaada guursado waxaan
ilaahay ka baryayaa inuu igu abaal
mariyo niyadayda wanaagsan
iiguna badalo dhibaatadani adduun
khayr agtiisa”
Waxa lagu ballamay in maalini-
mada khamiista ah uu dhaco guur-
ku,wiilkuna uu guriga odayga
yimaado, waxuuna odaygu ku
ballanqaaday, inuu isagu bixin
doono kharashka ku baxaya
xafladda arooska gabadhiis………
Maalinimadii khamiista markii la
gaadhay ayaa wiilkii oo cagajiid
ahi usoo dhaqaaqay gurigii loogu
meherinayay gabadhii odaygu
tilmaamaheedu usheegaye isagoo
aad moddo inbuur laga saaray,
murugaysan oo aan faraxddii nin
aroosaya ku muuqan lahayed
wajigiisa ka fogtahye, guuur uma
arkee wuxuu ugu xilanayaa
dambiga xabadda tufaaxa ah inuu
kaga badbaado kaliya ayaa ku
kaliftaye…..
Gurigii ayuu garaacaye waxaan ka
furay odaygii oo goorahaaba
sugayay…
meherkiibaa dhacay odaygiibaa
intuu wiilkii si kalgacal leh usa-
laamay uguna duceeyay in ilaahay
iskugu barakeeyo khayrna
dhexdooda kayeelo ayuu xaggii
qolka gabdhu joogaytay u ka xee-
yay,markuu albaabkii hor gee-
yayna iskaga soo noqdaye...!!!!
Wiilkii ayaa qolkii si cagajiida ah
ku galay albaabkii uu galayba
intuuna soona xidhin ayuu arkay
wax aanu filanayen!!! Qolka waxa
dhex fadhida gabdh ilaaahan jog
iyo jamaalba u dhaliyay ,intay soo
kacdaye ayay hadal naxariisii ku
jirto ku tidhi‟‟ saygaygiiyo soo
dhawoow” Sidii isagoo dhimbiil daba ku joog-
saday oo kale ayuu dib u booday , wixii uu malaysanayay iyo siday
xaqiiqdu noqotay ayaa laba aan is
laahayn ku noqotay, hadalkii ayaa ka soo bixi kari waayey waxa ka soo
hadhay amakaag iyo yaab, quruxda iyo
jooga gabadha ayaad moodaysay inay tahay xuural cantii janada oo dhulka
loo soo dejiyey, waxakalo uu qaadan
laayahay tilmaantii odaygu ka siiyay gabadha iyo waliba waxa uu is waydi-
inayay talow maxaa ku kalifay inuu
timaantan bixiyo!!!!????
Gabadhii markay aragtay sida uu
saygeedu iskugu buuqsan yahay
ayey dareentay waxa madixiisa ku
wareegaya markaasay inta ay
xaggiisa usoo dhaqaaday ayey ku
tidhi‟‟ waan ka indho laayahay
inaan xaraan eego, waanan ka
dhego laayahay xaraan inaan
maqlo,waana ka hadal laayahay
inaan waxa xaraan ah ku hadlo,
lugahayguna waxa kareeban inaan
xaraan ugu dhaqaaqo,”
Aabahayna kaligay ayuu dhalay
sanado badan ayuuna iiraadinayay
say wanaagsan oo idhaqi kara,
markaa markii aad ugu timid
adigoo xabad tufaaxa uga fasax
qaadanaya una ooyaya arrin-
teeda,ayuu aabahay yidhi qofka
cunista xabbad tufaax oo uu xa-
raan ku cunay ka baqanay
dambigeeda,inuu ilaahaye dartii
gabadhayda u daryeeli doono,
markaa waan kuugu hanbalynayaa
inaad saygayga noqoto,aabahayna
waxaan ugu hambalyaynayaa
xididnimada aad layeelatay…
Sanad kaddib gabadhaasi waxay
ninkeedii u dhashay wiil ka mid
noqday hormoodada cilmiga ee
umaadda islaamku leeyahay
……..ma garanaysaa wiilkaasi
kuu ahaa???? Wuxuu ahaa ABII
XANIIFA oo ka mid ahaa afartii
imaam ee mad-habaha waawayn
ee muslimuutu ku dhaqmaan waa
mad-habta xanafiyada… ( sheeka-
dan waxbadan ka faa‟idaysata
dhamaantiin).
……..DHAMAAD……...
Rahma Abdinasir miisaan
-
U jeedooyinka ay hi-igsanayso Xarakada Ikhwan-almuslimiin, ay ka-
na shaqaynayso hirgalin-
teeda waxaa loo qaybin
karaa laba qayboo oo kala
ah
1- Ujeedooyinka dhaw
2- Iyo ujeedooyinka fog
Haddaba aan ku horaynno
qaybta koobaad ee ah
ujeedooyinka dhaw .
Ujeedooyinka dhaw ee
Xarakadu waa:
1-In la tarbiyeeyo qof mus-
lin ah oo naftiisa wanaajiya,
jidhkiisa dhisa, dhaqan suu-
ban leh, aqoon leh,
shaqaysan kara,
caqiidadiisu fiicantahay,
cibaadadiisu toosantahay,
waqtigiisa ka faa‟iiday-
sta, hawlihiisa habeeya,
dadka kalena wax tara.
2- In la sameeyo guri
muslim ah oo ku dhisan
istixgalin, iyo dhawridda
dhaqanka suuban ee is-
laamka, kuna toosiya
dhamman ciyaalkiisa
dhaqan wanaag iyo dad la
dhaqan fiican, kana
fogeeya dhaqamada xun
ee islaamku diiday.
3-In la hanoonniyo bul-
shada looguna baaqo
khayrka iyo wanaaga,
loogana digo xumaanta,
lagu dhiiri galiyo samaha,
lana amro waxa fiican,
dhamman dadkana loo
soo jeediyo xagga jacayl-
ka islaamka iyo sidii ay
uga dhigan lahaayeen
islaamka hab-nololeed
haga dhaqanka bulshada.
4-In la hagaajiyo daw-
ladaha kajira waddannada
muslimiita si ay u
noqdaan dawlado ku
dhaqma islaamka,
hirgaliyana shareeca il-
lahay, ummaddana ugu
shaqeeya si daacad ah
dantoodana ilaasha.
aTilmaamah looga baa-
hanyahay dawlada waxaa
kamid ah: Naxariis, cad-
daalad, dhawrsooni, d-
hexdhexaadnimo.
b Waajibaadka saaran
dawladda waxaa kamid
ah: ilaalinta amniga, fu-
linta xeerka, faafinta
aqoonta, fidinta dacwada
iyo diinta islamka,
dhawrista caafimaadka,
horumarinta iyo habaynta
hantida ummadda, iyo
diyaarinta ciidan awood
leh oo difaaca dalka.
C- Xaqa ay dawladu ku
leedahay shacabka marka
ay ka soo baxdo waajib
ka saran waxaa kamid
ah: in la adeeco oo
amarkeeda la qaato, la-
guna taageero naf iyo
maalba, laguna caawiyo
hoo iyo hiilba, iyo in la
hiilba, iyo in la waaniyo haddii
ay ka leexato dariiqa toosan.
Qaybta labaad ee ah
ujeedooyinka fog ee Xarakada
Ikhwan-almuslimiin wxaa ka
mid ah:
1-Soo celinta awoodii dawladii
muslinka ee la dumiyay iyo dib
u soo noolayta isku duub-
naashihii muslimiinta iyo mi-
daynta waddanada muslimiinta
iyo baabbeen xuduudaha
gumaystuhu sameeyay ee uu ku
kala qaybiyay ummadda is-
laamka sidaa darteed ayaa
ikhwaanku ay ka dhigteen
shicaarkuuda
)أينما ذكر اسم هللا من بلد اعدت (ارجائه من لب أوطاني
2-In loo gudbiyo lana gaadhsi-
iyo diinta islaamka dunnida
dhamaanteed, laguna fidiyo
shareecadda islaamka daafyaha
adduunka oo dhan si uu u diinka
ilaahay ka laguxukumo dunnida
idaylkeed, oo aan barno
caalamka wanaaga islaamka iyo
naxariista ku dhexjirta أستادية(. العالم(
XULASHO
Abuubakar Sh.Xuseen Aadan
Taariikhdii baraaruga
islaamka
( تاريخ الصحوة االسالمية)
danbiishan qaad, webiga in-
taad tagto biyo iigu soo
qaad?deetana inankii inta isa
sii daayey ayuu yeelay siduu
awoowgiis ka dalbaday, balse
wax biya ah kuma jirin markii
uu awoowgiis u yimid isaga
oo danbiishii kor u sida.
Wuxuu ku yiri awoowgiis,
awoowe biyaha ma celineyso
danbiishu oo way ka daada-
nayaan.Awoowihii oo dhoola
cadeynaya: Marka xiga biyaha
markaad kusoo darto
danbiisha soo orod si aad iila
soo gaarto iyadoo biyuhu ku
jiraan.Kadib wiilkii biyihii ayuu
mar kale kusoo qaaday,
cagaha ayuuna wax kasoo
deyey si uu ula soo gaaro
biyaha danbiisha ku jira
awoowihiis balse danbiishii
oo maran ayuu mar kale
awoowihiis u keenay waayo
danbiisha biyuhu way ka
dusayaan oo biyo ma celin
karto.Inankii intuu carooday
ayuu awoowgiis ku yiri:
awoowe sidan suura gal
maahan oo danbiishan biyo
ma celineyso, marka hada
ayaan weel qaadayaa oon
biyo kuugu keenayaa.
Awoowihii: maya anigu
danbiil ayaan ku iri marka
waxaan u maleynayaa
inaadan muujin dadaal
dheeri ah marka anaa ku
raacaye ina kexee. Kadibna
way is raaceen Inankii iyo
awoowgiis, markii ay wabi-
ga jiinkeesa ama geeskiisa
tageen ayuu wiilkii biyo soo
daray danbiishii oo ku
yiri:awoowe anigu sow ku-
ma dhihin danbiisha biyaha
way ka daadanayaan oo
waxaba lagama faa’iidayo!
Awoowihii: Kaalay oo eeg
danbiisha, ma waxay kula
tahay inaadan waxaba
faa’iidin?Inankii markuu eegay
wuxuu ogaaday in danbiishii
uu dhuxusha kusoo gadi jiray
oo wasaq badneyd
ay hada
nadiif tahay.Awoowihii oo hadalkiisa
sii wata ayaa yiri: Quraanka markaad
aqrineyso oo aad hilmaameyso intaad
ka xifdiday ama macnihiisa aadan
aqoon waa sidan oo kale ayaad xu-
manta iyo danbiyada nadiif uga
noqoneysa Awoowihii: Kaalay oo eeg
danbiisha, ma waxay kula tahay
inaadan waxba faa’iidin?Inankii markuu
eegay wuxuu ogaaday in danbiishii uu
dhuxusha kusoo gadi jiray oo wasaq
badneyd ay hada nadiif tahay.
Awoowihii oo hadalkiisa sii wata
ayaa yiri: Quraanka markaad
aqrineyso oo aad hilmaameyso intaad
ka xifdiday ama macnihiisa aadan
aqoon waa sidan oo kale ayaad
xumanta iyo danbiyada nadiif uga
noqoneysa …..DHAMAAD
January 2013 | Issue 7 | Himilo 11
HIMILO NEWSLETTER
KA YIMID BOGA 8AAD
-
Qoraa Marwo wadaad
waxa ay ka mid tahay ar-
dayda wax ka barata Dug-
siga hoose dhexe ee Al-
nour School, waxa ay ka
mid tahay dadka ku
sifoobay dadaalka iyo
wax soosaarka, marwa o
hada da‟deedu tahay 13jir
waxa ay soo saartay buug
ay iyadu qortay, waxa
xusid mudan In marwo
buugaa ay qortay aanu
ahayn mid ku qoran af-
keega hooyo waxase uu
ku qoranyahay Luqada
afka carabiga ah, hadaba
guushan usoo hoyatay
manta Qoraa marwo maa-
han mid si fudud ku
timidwaxase ay qaadatay
in ay buugaan so
bandhigto ama ay soo
saarto waqti farabadan
dabcan juhdi dheeraad ah
oo ay galisay, mar aanu
wax ka waydiinay Dadka
aqonta u leh xirfada wax
qorista iyo alifaad kutubta
ayaa waxa ay xaqijiyeen
in ay marwo soo hoysay
guul aad u wayn, hadi ay
sidaa ku sii wadana ay
bilow kitaabkan u noqon
doono duni daboolan oo
ay faydo, Hadaba akhriste
waxa su‟aasha meesha
taala ay tahay in wax la
qoraa micno intee leeg
ayaay inoo samaynaysa
Nolosha tan aynu ku
noolnahay??? Wa su‟aal
aan jecelahay in aan la
wadaago dhamaan
akhristayaasha himilo
news letter, hadaan se ja-
waabta su‟aasha u soo
noqdo waxa aan kaga ta-
gaya maankiina inaad ka
shaqysaan kana so saar-
taan jawaabta su‟aashan
manta aan cadadka hal-
donka uga dhigna waxa
aan marlabaad iyo mar-
sadexaad hambalyo
leenahay Qora
Marwo Hamud Ibrahim
Qoraa Marwo xamud wadaad
HIMILO NEWS LETTER
January 2013 | Issue 7 | Himilo 12
MAXAAD II BIXIN LAHAYD
Juxa aya nin maalin maalmaha ka mid ah u
yimid markaasu is waraysteen, sheeko ka
bacdi ayuu waydiiyay ninkii juxa, juxoow
dadkii inaga horeeyaya ee wanaagsana
waxa loo bixin jiray magacaan ay ka mid
yihiiin “Muctasim Bilaah Mutawikil
bilaahi” ee bal aniga hadaan dadkaa
wanaagsan ka mid noqon lahaa maxaad ii
bixin lahayd markaasu juxa ku yidhi
waxan kuu bixin laha ACUUDU BILAAH
HADALO GOOS GOOS AH 1 Marka aad qof caawinayso, xaqiiqdii waxaad caawi-
naysaa NAFTAADA; sobobtoo ah:
waa marka 1aad: Farxad baad dareentay aanay lacag
kuugoyseen
Waa marka 2aad: waxaad heshay Sadaqo
Waa marka 3aad: waxaad xususatay inad qof muhima
tahay.
Waa marka 4aad: waxaad xusuusani NIMCADA aad
ku jirto
Waa marka 5aad: waxay kugu caawini inad ku xamdi-
do
Waa marka 6aad: Allaah ayaa ka shaqaynaya
caawintaada
Waa marka 7aad: Nimcadii iyo wanaagii aad ku jirtay
baa kuu siyaadi (La'in shakartum la'aziidanakum).
Email
: Him
ilo012
@hotm
ail.co
m | hi
milon
ewsle
ter.we
bs.com
Tell: +
252 24
525511
+ 252
24512
628