ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto? · waa maxay urur/naadi? ururu sida caadiga aha waa dad...
TRANSCRIPT
info
fold
er
1
DGI Inklusion
www.dgi.dk
Ma xiisaynaysaa inaad isboortiga ciyaarto?Buuga wargelinta –Ururada isboortiga
Horudhac
Inaad aado isboorti waxay suurtagal kaa-
ga dhigaysaa inaad yeelato macaarif, ood
hesho asxaab cusub, inaad barato luqada
iyo inaad fahanto dhaqanka daanishka.
Denmaark dadka badankiisa waxay caya-
araan isboortiga, waxayna aadaan meelo
loogo yeedho ururo ama naadiyo.
Buugan yar waxaa loogu talagalay inuu
ku haggo, maadaama aad ku cusub tahay
Deenmaark, oo aad xiisaynayso inaad
ciyaarto isboorti. Halkan waxaad ka he-
laysaa warbixino ku saabsan, habkii aad
ku heli lahayd isboortiga aad xiisaynayso.
Siddaad ku bilowi lahayd, iyo sidoo kale
jawaabaha ka imaan kara su’aalaha la
xidhiidha markaad bilaabayso isboortiga.
Buugan wuxuu ku siinayaa warbixino la
xidhiidha ururada ama naadiyadu sida
ay u dhisan yihiin, iyo shuruudaha ay ku
shaqeeyaan. Buugan waxaad isticmaali
kartaa, marka u tagayso kamuunaha, ama
aad la hadlayso naadiyada, oo aad kala
hadlayso inaad xiisaynayso isboortiga, iyo
sddii aad ku bilowi lahayd.
2
info
fold
er
3
1. XIISAYNTAADA.
Deenmaark waxaa ka jira fursado
badan, oo lagu caaýaari karo isboor-
tiga. Laakiin ugu horayn, waa inaad ka
fakirta waxa adiga ku xiiso gelinaya.
Ma waxaad xiisaynaysaa inaad ka
qayb qaadato cayaaraha wadjirka
loo sameeyo, dabaasha mise waxaad
xiisaynaysaa oo keliya inaad jimicsi iyo
orod uun samayso?
2. FURSADAHA
Ka bilow marka hore, inaad ogaato furs-
adaha ka jira meesha aad degan tahay.
Waydii macaariftaada ama la xidhiidh
kamuunaha qaybta nashaadaadka, si
aad u ogaato noocyada isboortiga ee
ka jira kamuunahaaga, iyo naadiyada
ka jira, ee aad ka qayb qaadan karto.
Siddee ayaa ilmahaaga ama adiguba ku heli kar-taan, inaad ciyaartaan is-boortiga Deenmaark
Ogaada waxa aad adiga ama ilmahaagu aad xiisaynaysaan.
GAADIIDKA: Adiga ama ilmahaaga waa inaad idinku tagtaan oo ka soo
noqotaan meesha isboortiga. Siddaa daraadeed, ka fikira gaadiidka taga
meesha, iyo intee bay u jirtaa meesha aad degan tahay.
� Ma u lugayn ama baaskiil u qaadan kartaa meesha isboortiga?
� Goorta ay tagaan basasku meesha, iyo haddii ay ku aadan yihiin xiliga la
samaynayo isboortiga/tababarka?
� Ma garanysaa qof, adiga ama ilmahaagu ay baabuur ku sii raaci karaan?
3. IMOW OO ARAG
Haddii ay kula noqota, si aad si fiican
oogu fahanta, waxaad dalban kartaa, in
laguu ogalado inaad soo aragto iyagoo
tababaranaya. Waxaa siddoo kale suur-
tagal kuu noqonaya, inaad la hadasho
tababaraha, oo aad kala hadasho sida
aad adiga laf ahaan, ama ilmahaagu
isboortiga u rabtaan.
4. WADA XIDHIIDHKA
Ka qaada taleefanka iyo e-mailka taba-
baraha ama gudoomiyaha naadiga, oo
meel ku qoro.
info
fold
er
4
Xidhiidka naadiyada/ururada.
5. WAQTIGA TABABARKA
Markaad hubsato, inaad adiga ama
ilmahaagu hesheen isboortiga idinku
haboon, waxaad la hadli kartaa guddiga
ama tababaraha naadiga, si aad ooga
ogaata goorta ay suutgal tahay inaad
bilowdaan tababarka. Waydii haddii
boos ka banaan yahay kooxda aad
rabto, iyo goorta aad bilaabayso.
6. QIIMAHA
Ogow, oo raadi qiimaha la bixinayo -
siddoo kale xusuusnow inaad waydiiso,
haddii ay suurtagal tahay inaad dhowr
mar tijaabo ahaan uga qayb qaadato ta-
babarka, ka hor intaadan go’aansan(tani
marwalba waa suutagal).
Deenmaark waxaa jira
shirkado taakuleeya
dhalinta iyo dadka wa-
awynba, hadaysan iska bixin karin
isboortiga…
Haddi aad iska bixin karin isboorti-
ga, waxaad la xiriiri kartaa kamuun-
ka ama DGI, si aad u ogato haddii
ay kaa bixin karaan
Raadso qof kaa caawiya, inuu kula
buuxiyo foomamka iyo warqadaha,
haday kugu adkaato inaad kaligaa
samaysato.
info
fold
er
5Tababarka ugu horeeya
7. GOOBTA KULANKA
Markaad hesho cinwaanka mesha
tababarka, hubso sidoo kale inaad way-
diiso goobta ay ku kulmaan tababarka
ka hor. Ma waxay ku kulmaan hoolka
ciyaarta gudihiisa, banaaka meesha
baabuurta la dhigto, ma meesha dharka
lagu badesho, mise qofl walbaa wuu
iska imaadaa? Hubso in tababarahu og
yahay, maalmaha aad imaanayso, isku
day haddaad heli karto in qof ka mid ah
kooxda uu ku caawin karo maalinka ugu
horaysa..
8. DHARKA TABABARKA
Dharka iyo kabaha tababarka mar wal-
baa wuxuu ku xiran yahay, meesha lagu
tababaranayo, ma gudahaa mise waa
banaanka, marka waydii meesha lagu
tababaranayo.
9. QALABKA
Ma waxaa lagaaga baahan yahay
qalb kale? Waxaa lag yaabaa inaad la
timaado ka lagu tuuro banooniga yar,
haddaad ciyaarayso baadmintoon?
Waxaa laga yaabaa in lagaaga baahan
yahay kabo khaas ah? Haddii aadan
haysan waxyaabaha lagaaga baahan
yahay, waxaa suurtagal ah inaad ka
amaahan karto naadiga, maalmaha
oogu horeeya.
Haddaad go’aansato inaad wado is-
boortigan, kamuunaha qaybta nashaa-
daadka ayaa kuu sheegaya, inaad
dalban karto in dhaqaale ahaan lagaa
caawiyo lacagta bilaha iyo qalabka
isboortiga aad u baahan tahay.
Markaad bilowdo:
10. WARBIXIN
Raadi inaad ogaato, siddi aad ku heli
lahay warbixinada la xidhiidha, marka
la baajiyo tababarka ama meel kale
laga dhigo. Ma tababaraha ayaa
soo dira fariin SMS, ama waxaa laga
yabaa inay leeyihiin facebook, ay ku
soo qoraan warbixinada? Xusuusnow,
inaad u sheegto tababarah, haddaadan
fahmayn luqada. Waxaa suurtagal ah
inuu fariinta SMS kuugu soo qoro, luqad
aad fahamayso, inta aad ka baranayso
luqada daanishka.
11. BAAJIN
Xusuusnow adigana siddoo kale, inaad
wargeliso, haddii aadan imaan karin ta-
babarka. Tababarah iyo kooxda inteeda
kaleba, way jecel yihiin inay ogaadaan,
haddii aadan imaan karin maalinkaa.
12. NASHAADAADKA KALE
Xusuusnow siddoo kale, inay jiri karaan
halkaa nashaadaad kale oo lagu wada
sameeyo naadiga, kuwan oo aad ka
qayb qaadan karto. Raadi inaad ogaato,
sida aad ku heli karto warbixinta la
xidhiidha kulamada uu qabto naadigu.
Waxaa suurtagal ah tusale ahaan, inay
qabtaan xaflad guud oo kulaylaha la
qabto, ama in naadigu u baahan yahay
inuu xayaysiin sameeyo.
info
fold
er
6 Waa maxay urur/naadi?
Ururu sida caadiga aha waa dad isu
tagay, dadkan oo xiiseeya wax isku
mid ah. Waxyaabahan ay xiisaynayaan
waxay noqon karaan.
Inkastoo ururku sida caadiga ah, uu ka
kooban yahay dad isku wax xiiseeyo,
haddan ururku ma hor istaagi karo,
cida xiisaynayso inay xubin ka noqoto.
Deenmaark waxaa shuruud ah, in urur
walbaa uu u furan yahay cid walba
oo xiisaynaysa inay xubin ka noqoto.
Waajib kuma aha ururka in qof walbaa
uu nashaad helo. Guddoonka ururka
ayaa go’aaminaya, nashaadaadka
ururka uu qabanayo, goorta iyo cida ka
qayb qaadanaysa nashaadkan.
Guddoonka
Gudoonka ururka waxaa lagu doortaa
shir guud oo la qabto. Shirka guud waa
in la qabtaa ugu yaran, sannadkii hal
ma, xubnahana waxay xaq u leeyihiin,
inay u codeeyaan cida gudoon noqo-
naysa.
Gudoonku wuxuu qabsadaa shirar,
ay ku go’aaminayaan, shaqada uu
qbanayo ururka. Tusaale ahaan, nooca
nashaadada uu qabanayo xili walba,
waxyaabihii iyo meelihii la isticmaali
lahaa, siddo kale waa inay ilaaliyaan,
fulinta waxyaabihii la isku raacay.
Xubnaha
Xubnaha waxay bixiyaan lacag bileed,
lacagtan tusaale ahaan waxaa lagu
isticmaalaa guriga, nalka/kulaylka, ala-
abooyinka, koorsooyinka, tartanada la
qbto iwm. Si aysan u badanaan lacagta
bisha la bixiyo,xubnaha ayaa si tadawuc
ah ooga shaqeeya ururka. Tusaale
ahaan, inay ka shaqeeyaan siddii loo
qaban lahaa kulamad la isugu yimaado,
iyo inay ka qayb qaataan diyaarinta
tartanada uu qbanayo ururka. Wa-
xyaabaha ay ka caawiyaan. Waalidiinta
siddoo kale waxay caruurta geeyaan
meesha lagu qabanayo tartanka.
info
fold
er
7
Ururka waxaa uu raadiyaa, inuu helo
tababare iyo meelihii lagu qaban lahaa
nashaadyada kala duwan, si xubnahu u
helaan meel ay ku cayaaraan isboor-
tiga.
Frqiga u dhexeeya ururada iyo shirka-
daha khaaska ah
Halkaas waxaa jira farqi u dhaxeeya
ururada iyo shirkadaha khaaska ah.
Ururka waxaad xubin ka tahay wax
guud, oo aad la wadagto xubnaha kale,
waxaana lagaa rabaa inaad
bixiso lacag bile ah. Dhaqaalaha dhe-
eradka ah, waxaa loo isticmaalaa ma-
amulka ururka shaqada ururka waxay
ku salaysan tahay mabda’ iskaa wax
uqabashada. Siddaa daraadeed, waxaa
lagaa sugayaa inaad ka qayb qaadato
shaqada ururka, marka ay suurtagal kuu
noqoto inaad qabato shaqadan. Mee-
laha jimcsiga oo kale (fitnesscentres-ka),
waa meelo shirkada khaas ah leeyihiin,
oo lacag laga sameeyo. Tanina waxay
ka mid tahay farqiga u dhaxeeya shir-
kadaha khaaska ah iyo ururada, waayo
ururudu waxay taakulayn ka helaan
kamuunka iyo sanduuqyada caawiya
ururada isboortiga.
Ururka iyo kamuunka
Marka koox dad ah, ay doonaaninay
samystaan urur, waa inay caddeeyaan
ujeeddada ururka. Si ururka uu ogola-
ansho u helana, waa in ujeeddadiisu ta-
hay, mid ay ka muuqato, kor u qaadida
wacyiga bulshada. Kamuunka ayaa u
xilsaaran ogolaanshaha ururka, kamu-
unkana siddoo kale wuu la soconayaa
ururada uu ogolaaday oo dhan.
info
fold
er
8Xiriirka:
Kamuunka:
DGI Iskudhafka:
Guddoomiyaha:
Tababaraha:
Kuwa kale:
Hab dhaqanka ururada daanishka
Ururadu waxay qaybwayn ka yihiin dhaqanka daanishka. Deenmaarka waxaa ka jira
in ka badan 1 milyan oo ururo ah. Sddaa daraadeed, waxaa hubaal ah, in kamuuna-
haaga ay ka ururo badan, oo kal duwa
Dadka daanishka ah badankooda, waxay qayb ka noqdaan urur ama ururo badan.
Sababta aan ugu faraxsan nahay ururada waxay tahay
� Ururada waxaa ka samaysanaa macaarif iyo asxaab cusub
� Ururada waxaa suurtagal noo noqota, inaan wada hadalo, wax is dhaafsano oo
kulano wada samaysano ku salaysan rabitaankaayaga.
� Ururada waxaan ku baranaa assaaska demuqraadiyada aan haysano.
� Ururuada waxaan ku baranaa is ixtiraamka, iyo hab dhaqameedka iyo qiyamka
bulshada ee kala duwan.
� Ururada waxay suuragalisaa, in xubnaha ay raad ku yeeshaan doorashada, wa-
xyaabaha raadku ku yeelanaya bulshadooda.
� Ururada waxay noo suurtgalinayaa, inaan ciyaaro nooca isboortiga aan xiisaynay-
no, oo la ciyaaro dadka kale ee aan isku waxa xiisayno.