dr. cabduraxman baadiyow suaallo iyo jawaab (2)

8
Dr. Cabduraxman Baadiyow Su’aallo iyo Jawaab 1. Ismaaciil Yusuf: Nairobi: Maxay kukal duwn yihiin Ururka Islaax iyo Itixaad? Jawaab: Walaal, su’aashaan jawaab dheer ayey u baahantahay, laakiin haddii aan si gaaban u sheego, Itixaad waa urur la asaasay 1983 markii la mideeyay labo urur oo kala ah Jaamca Islaamiyah iyo Waxdada. Xarakada waxaa sal u noqday fikirka Salafinimada. Waxaa muhiim ah in la kala sooco salafinimada ku dhisan in Islaamka loo fahmo sidii ay u fahmeen culumadii nooleedeed sedexdii qarni ee hore iyo manhajkii ay diinta fasiraadeeda u raad-raaceen iyo Ururada la baxay salafinimada. Sida la wada arkay, salafiyada Somaalidu inteeda badan waxey si xoog leh ugu mashquulsanyihiin la dagaalanka waxyaabaha ay u arkaan bidco iyo culumada suufiyada ayaga oo weliba si xikmad la’aan ah arinkaas u sameynaya. Waxey aaminsanyihiin iney ayaga kaliya sida saxda ah Islaamka u fahamsanyihiin. Intaas waxaa la jira, Xarakada Itixaad waxaa ku dhexdhuuntay Al-Qacidda 1991 oo gelisay dagaallo isdaba joog ah. Waxaa si dhuumaaleysi ah arinkaas u waday raga hadda hor-boodaya Shabaabka qaar ka mid ah. Waxaa hadda matila Itixaad Xarakada Ictisaam. Al- 1

Upload: dr-abdurahman-m-abdullahi-baadiyow

Post on 25-Jun-2015

442 views

Category:

Documents


4 download

DESCRIPTION

This is public questions and answers from Dr. Abdurahman Baadiyow

TRANSCRIPT

Page 1: Dr. Cabduraxman Baadiyow Suaallo Iyo Jawaab (2)

Dr. Cabduraxman Baadiyow

Su’aallo iyo Jawaab

1. Ismaaciil Yusuf: Nairobi:

Maxay kukal duwn yihiin Ururka Islaax iyo Itixaad?

 

Jawaab: Walaal, su’aashaan jawaab dheer ayey u baahantahay, laakiin haddii aan si

gaaban u sheego, Itixaad waa urur la asaasay 1983 markii la mideeyay labo urur oo kala

ah Jaamca Islaamiyah iyo Waxdada. Xarakada waxaa sal u noqday fikirka Salafinimada.

Waxaa muhiim ah in la kala sooco salafinimada ku dhisan in Islaamka loo fahmo sidii ay

u fahmeen culumadii nooleedeed sedexdii qarni ee hore iyo manhajkii ay diinta

fasiraadeeda u raad-raaceen iyo Ururada la baxay salafinimada. Sida la wada arkay,

salafiyada Somaalidu inteeda badan waxey si xoog leh ugu mashquulsanyihiin la

dagaalanka waxyaabaha ay u arkaan bidco iyo culumada suufiyada ayaga oo weliba si

xikmad la’aan ah arinkaas u sameynaya. Waxey aaminsanyihiin iney ayaga kaliya sida

saxda ah Islaamka u fahamsanyihiin. Intaas waxaa la jira, Xarakada Itixaad waxaa ku

dhexdhuuntay Al-Qacidda 1991 oo gelisay dagaallo isdaba joog ah. Waxaa si

dhuumaaleysi ah arinkaas u waday raga hadda hor-boodaya Shabaabka qaar ka mid ah.

Waxaa hadda matila Itixaad Xarakada Ictisaam. Al-Shabab iyo Hizbul-Islaam waxey

iyaguna ku abtisdaan Salafinimada.

Dhanka kale, Islaax waa xarako la asaasay 1978 , waxeyna ku dhisantahay fikirka

Ikhwaan Al-Muslimiinka oo aaminsan in si degan oo miir-qab ah isbedel loogu sameeyo

bushada si ay u aqbasho ku dhaqanka Islaamka. Lama ogola in adeegsado xogg iyo qoray

caaradiis oo waxaa la rabaa in si nabad ah isbedelkaas ku yimaado. Sidaas ayaa Islaax u

diiday iney ka qeybgasho hawl kasta oo ku dhisan in diig Somaaliyeed la daadiyo oo ay

ugu dambeysay Midawga Maxkamadaha Islaamka. Waxaa kale oo Islaax caan ku tahay

fikirka dhexdhexaadka ah oo la dagaalameyn suufiyada iyo salafiyada intaba oo ku

dhisan in laga wada shaqeeyo wixii la isku raacsanyahay, wixii la isku khilaafsanyahayna

la isku dulqaato. Suufiyadda waxey ka aaminsanyihiim iney yihiim waalid, macalimiin

1

Page 2: Dr. Cabduraxman Baadiyow Suaallo Iyo Jawaab (2)

iyo culimadii dalka soo gaarsiisay Islaamka, ka hortagtatay Isticmaarka. Sidaas darteed

Waxaa lagama maarmaan ah in la ixtiraamo oo si weyn loo qadariyo.

 

2. Xassan Cali (London, UK)

Madaama aad uruka Islaax ugu xilsaarantahay xagga siyaasadda iyo dib u heshiisiinta ma jiraa isku day ah inaad kala dhex gasho DKM ah iyo ururada kasoo horjeeda ee magaca diinta Islaamka kula dagaalamaya? Maxaa horjooga in la isku doono, lana mideeyo ururada iyo shaqsiyaadka rumeysan fakar sidaas ah ee jooga Soomaaliya?

Jawaab : Walaal Xassan, dib-u-heshiisiintu waxey ku dhisantahay in labada dhinac ay

rabaan iney heshiiyaan, ruuxa ama kooxda kala dhexdhexaadineysana ay raali ka yihiin.

Labada dhinac ee Somaaliya isku hayaa dib-u-heshiisiin ma rabaan, diyaarna uma aha.

Dhanka kale, wax caqli ah oo horjooga in la isku keeno ururdadda iyo shaqsiyaadka

rumeysan fikirka ikhwaanka ma jiraan. In la isku keeno mudoo dheer ayaa laga

shaqeynayay, waxna waa ka suuragaleen, laakiin heerkii la rabay lama gaariin. Ururada

fikirka Ikhwaanka ku dhismay waxey sameemeen marxaladii cabsida ku dhismeed ee

dawladii militriga jirtay. Waxaa caadi ah iney dhib badantahay mideynta uruirada oo

waxaa sameysmayaa dhaqan urureedyo kala duwan, hogaanno kale duwan, saaxibo kala

duwan iyo barnaamijyo kale duwan. Haddana, mar kasta waxaa loo baahanyahay

iskaashi, wada shaqeyn iyo intii wada shaqeyn karta la isku keeno. Xagga shaqsiyaadka,

waxaa laga rabaa iney ku biraan mid ka m id ah ururada ay ku qancaan inuu la shaqeyn

karo.

3. Dalmar (Hargeysa)

Waxaan ahaan jiray Xarakadii Waxdada, imminkana waxaa ka tirsanahay Xisbiga

kulmiye. Somaliland ka go’ídeeda maxey ka qabtaa Islaax?

 

Jawaab: Xarakada Islaax waxey ka amba qaadaa fikirka Islaamka oo ku dhisan

midnimada Muslimiinta. Shabciga Somaaliyeed asaga ayaa si madax banaan oo jeclaan

ku dheehantahay u midoobay in 1960. Dhibaatadii weyneed ee ka dhalatay xukunkii

kali-taliska ahaa uu madaxa ka ahaa Maxamad Siyaad, burburintii magaalooyinka

2

Page 3: Dr. Cabduraxman Baadiyow Suaallo Iyo Jawaab (2)

waaweyn sida Hargeysa, dilalkii aan kala sooca laheyn ee ciidamada Somaaliya geysteen,

waxey keentay caro weyn iyo qeybsanaanta dadka. Waxaa dabkaas sii huriyay Jabhadihii

saldhigaha ka sameystay Itoobiya. Tallo-xumada Somaliyeed, xukuumad iyo

mucaaradba, waxey sabab u noqotay burburka dawladda Somaaliya iyo kala

qeybsanaanta shacabka. Dhibaatadaas waa socotaa oo welli caqli sax ah oo lagu xaliyo

dhalka Somaaliya ka jira guud ahaan lama helin. Xarakada Islaax waxey aaminsantahay

iney suugal tahay in dadka Somaaliyeed sidii ay shalay ayaga oo is jecel u midowbeen in

haddana midoobi karaa haddii ay helaan hogaamiayayaal sax ah oo arinkaas dariiqeeda

saxda ah u qaada.

4.Shukri Sh Xasan ( Imaaraadka Carabta)

Waxaan ka mid ahay dadka aadka uula socda barnaamijkaaga aad ka bixiso Onkod waaxaan ku waydiinayaa maxaa loola jeedaa magaca la yiraado “A Tacaamul Macal waaqic”? Waxaan Joogay Shirkii Carta, waxaan maqlyay qaar ka mid ah Madaxdii Ururkiina in ay ku soo galeen dawlada 4.5, tafaasiil ma iga siin kartaa arinkaas? 

Jawaab: “Tacaamul maca al-Waaqic” waa eray Carabi ah oo micnihiisu yahay “la

falgelidda xaaladda taagan”. Eraygaan waxaa la sameeyay markii la arkay in

dhalinyarada Islaamiyiinta ah ay ka go’sanyihiin bulshadooda. Waa mabd’a waafaqasn

Islaamka oo ah in la qabato wixii la kari karo ayada oo la tixgelinayo duruufta iyo

xaaladda taagan markaas ayada oo aan marna la khilaafeyn mabaadi’da Islaamka. Waa

mabd’a ku dhisan fiqiga iyo fahmka saxda ah ee Islaamka. Sidaas darteed, markii la

waayay qaab xukunka Somaalida loogu qeynbiyo sida doorashooyinka, ayaa waxaa lagu

heshiiyay in reernimo wax loogu qeybiyo. Waxaa lagu heshiiyay in 4.5 wax loogu

qeybiyo inta laga gaarayo doorashooyinka. Dadka badan ee ka soo horjeeda in qaab

beeleed wax loogu qeybiyo Somaalida inta gaarayo doorashooyin, waxaa laga rabaa iney

soo bandhigaan tallo kale oo wax lagu qeynsan karo. Xubnaha Xarakada Islaax waxey ka

mid yihiin dadkooda, ruuxii reerkiisu soo doortana baaralamaanka ayuu soo galay.

5. Ali macow ( London, UK)

 Sida aan la socono Xaaladda dalka meesha ay mareeso waan u wada jeednaa magacii wadaadadana waxaa qarxiyay waa nimanka sheektay in ay yihiin Culumo marka sidee dadka uuga gadi kartaan Siyaasadiina

3

Page 4: Dr. Cabduraxman Baadiyow Suaallo Iyo Jawaab (2)

  Jawaab: Waa runtaa in macaga Islaamka loo adeegsaday ujeedooyin guracan oo

macagana laga dilay dadka rabaa in la dhaqan geliyo Islaamka. Laakiin, diinta Islaamku

waa tii Ilaahey, koox ama ruux si khaldan u adeegsadayna looma daynayo. Sida muuqata

dadka Somaaliyeed waxey kala fahmayaan Islaamka saxda ah iyo kuwa ku daneysanaya

oo diigga dadka daadintiisu ayan waxba ugu fadhin. Waxaa dhici karta in arinkaasu kor u

qaado fahamka saxda Islaamka. Sidaas darteed, Xarakada Islaax ayada oo xikmad

adeegsaneysa waxey sii wadeysaa iney horseeddo ku dhaqanka Islaamka iyo

humumarinbta fahamka sax ah ee dhexdhexaadka ah.

 

3. Fartuun Sh cali (Nairobi)

Su’aal: Waxaan ka mid ahaa ardaydii wax ka baratay Schoolka Mujamac Umul Quraa waxaan hadda deganahay Nairobi. Sidee u araktaa khilaafka Sh. Shariif iyo Cumar Cabdi Rashiid? Waxaan maqalnay in aad ka mid noqon doontid dowlada la soo dhisi doono, ma runbaa?.

Jawaab: Khilaafka Madaxda dawladu wuxuu la midyahay kuwii ka horeeyay oo markii

fashal siyaasadeed la arko farta la isku fiiqijiray. Haddii ay heshiiyaan iyo haddii ay

diriraan, waxba kuma soo kordhin karaan arinta murugsan ee Somaaliya. Waa Muuqataa

ineysan qaadin waddadii dawaldnimada oo ay ku socdaan waddii fashalka oo hore ay u

qaadeen madaxdii ka horeysay. Tan ku saabsan inan ka mid noqon doono dawladda la

soo dhisi doono, waa sheekada suuqa taalla, laakiin waxaan ka warqabo ma aha.

4. Walaal waxaan ka mid  ahaan jiray wasiiradii Dowladii KMG ee Cabdullahi Yusuf. Waxaan ku waydiinayaa wafdigii aad hogaaminaysay ee u kala dab qaadayay dowladii KMG iyo Maxaakiimtii Islaamka sida ay u dhaceen iyo tafasiil dheeraad ah hadaa naga siin kartaa? 

Jawaab: Walaal, arinkaasu hadda ma laha waxaan aheyn qiimo taariikheed. Aniga oo

madax u ah guddi xarakada Islaax u xilsaartay inuu dhexdhexaadiyo dawladda KMG iyo

Maxaakimta ayaan la xiriirnay labada dhinac. Haseeyeeshee, nasiib-darro, Maxaakimtii

waa diiday wada hadalka. Musaalaxada Islaax waxey ku dhisneed inaan loo baahneyn in

lagu wada hadlo dalalka ajnabiga ee lagu shiro magaaladda Buur-Hakaba. Waxaa warqad

4

Page 5: Dr. Cabduraxman Baadiyow Suaallo Iyo Jawaab (2)

u soo qoray Islaax Sheikh Shariif oo markaas ahaa guddomiyaha Maxaakimta oo

gashanka ku dhuftay in hawshaas la galo.

5. Jaamac Cabdullahi (Haydarabad, India)

 

Walaalayaal ma Urur siyaasi baad tihiin misi NGO bal noo noo kal qaada waxaad tihiin anagu ilaa iyo haad maanan maqlin Islaaxaa wadanka badbaadisay? Walaal Jaamac ku so dhwoow barashada Islaax. In kasta oo raadka iyo hawl qabadka

Xaraka Islaax meel kasta lagu arko, hadana dadka oo dhan ma wada yaqaaniin. Waxaan

ka hadlayaa hawlaheeda dacwada, horumarka iyo xubnaheeda. Haddii aad rabto inaad

wax badan ka ogaato fadlan booqo websidkeeda www. Islaax.org. Sidaas oo kale websid-

ka google ka raadi Islaax, “Islah in Somalia”, waxaad heleysaa waxyaaba badan oo dad

kala duwan ka qoreen Islaax. Waxey iskugu jiraan dad jecel iyo neceb iyo kuwa aan welii

maqlin sida adiga oo kale.

6. Sheikh Cabdixakim Baadi-Cadde (Helsinki, Finland)

Horta yaa madax ka ah Islaax waligayba waxaan maqli jiray Dr. Dasuuqi ee bal ma noo sheegi karata 5 uugu sareesa? 

Jawaab: Dr. Ibrahim Al-Dasuuqi weligiis madax kama noqon Xarakada Islaax ee waa

Sheikh iyo dakhtar caan ah oo dawdada Islaamka ka dhex-muuqda. Waxaa xarakada

Islaax madax ka ah Dr. Cali Bashai Cumar oo ah dhextar caan ah. Tafaasiisha

asaasyaasha xarakada ee mabaadi’deeda ka aqriso websit-ka xarakada www. Islaax.org.

5