dharaarihii khartuum - mangalool.files.wordpress.com · ah galabtii u dhegaysan jireen...
TRANSCRIPT
1 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Dharaarihii Khartuum
1. Fan-wadaagga Soomaalida iyo
Suudaanta
Hordhac
Soodaantu waa dad muuq ahaan aynnu isu dhow nahay. Dhererka, midabka iyo qaab-
dhismeedka duleed intaba waa aynnu iskaga eegnahay. Waxa ay ka kooban yihiin qoomiyado
iyo isirro kala duwan; qaar aad u mad-madow, qaar aad u dhaadheer, kuwo aad u timo-adag, dar
aad u san waaweyn iyo qaar qor-qoran oo qurux badan sida Soomaaliduba intaas oo kale u
leedahay. Qabaa’ilka qaarkood aad baynnu isugu eegnahay sida: Maxasta, Jacaliyiinta iyo
Shawaaggada oo Waqooyiga dega iyo Adaariibta oo bariga degta.
Badhtamihii 2010-kii ayaan nin Soodaani ah waydiiyay: sidee ayaad ku kala garataa Soodaanta
iyo Soomaalida? Waxa uu iigu jawaabay: sanka iyo koodadka ayaan ku kala soocaa. Waa runtii
oo waa ay innaga san iyo koodad waaweyn yihiin. Si kasta oo Soodaanigu u qurux badan yahay
Soomaaliga kuma gaadhayo san-qaroorka iyo wejiga shuban.
Dhulkoodu waxa uu isugu jiraa lama-degaan, lama-degaan-u-eke, kaymoley roobban, dhul
xeebeed iyo buuraley. Waxa ku meeraysta webiga Niil oo ay noloshoodu si wayn ugu tiirsan
tahay. Webiyo kale oo yaryar ayaa iyaguna dhex mara sida Gaash, Nahru Cadbara ikk. Juquraafi
ahaan dhulka Soomaaliduna intaas oo kale ayuu isugu jiraa marka laga reebo lama-degaanka
(banan yaryar ayaa se jira). Webiyaduna waa kuwo aan badnayn oo Webi-xilliyeedyo ah sida
Jubba iyo Shabeelle.
Magaalooyinka intooda badani waxa ay ku teedsan yihiin hareeraha webiyada maaddaama oo
noloshoodu si weyn ugu xidhan tahay beeraha iyo wax-soo-saarka dhulka. Raashinka ay cunaan
iyo khudradda iyaga ayaa la soo baxa, bulshaduna aad ayay ugu carbisan tahay dhaqanka beer-
falashada. Geel, adhi iyo lo’ba waa ay dhaqdaan walow xoolahoodu adhiga iyo lo’da u badan
yihiin, taas oo ah mid ay kaga geddisan yihiin Soomaalida oo geel-dhaqato u badan.
Qoomiyadaha xeebta waqooyiga dega iyo kuwa jiinka webiga raacsani iyagu waxa ay aad ugu
heellan yihiin kalluumaysiga.
2 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Siyaasad ahaan Soomaalida iyo Soodaantu aad bay isugu xidhnaayeen lixdanaadkii ilaa
siddeetanaadkii qarnigii tegay. Arrimaha dunida, kuwa Afrika iyo qaddiyadaha geeskaba
go’aanno isku mid ah ayay ka qaadan jireen sida qaddiyadda Niilka, qaddiyadda Itoobiya iyo
gooni-isu-taagga gobollo ka mid ah geeska Afrika. Shirarka Afrika iyo Jaamacadda Carabta isku
dhinac ayay ahaan jireen, sidaas darteed ayay dadka qaarkood ugu bixiyeen “Al Siin wa Saad”
oo ay uga jeedeen Soodaan iyo Soomaaliya sida ay labada eray isugu xigaan. Xilligan aynnu
joogno Soomaaliya waa ay burburtay, xukuumad dhexe oo taag lehina ka ma jirto, sidaas darteed
Soodaantu waxa ay ka caawisaa dhinacyada waxbarashada, siyaasadda iyo tabo-barka
ciidamada.
U ma socdo in aan idin ku qarqiyo bad-waynta Soomaalida ama idin ku hafiyo webiyada
Soodaan, umana jeedo in aan halkan Soodaan iyo Soomaaliya toona idin ku baro. U ma gol lehi
in aan lafa-guro isku-xidhnaanshaha dhinac walba leh ee labada shacab iyo is-garabsiga soo-
jireenka ah ee labada dal toona, waxa se aan si kooban uga faalloon doonaa xidhiidhkii faneed ee
labadooda ka dhexeeyay aniga oo qurubbo yaryar idiin ka soo garooci doona dhacdooyinkii
taariikhiga ahaa ee xidhiidhkaas iyo laba dhacdo oo aniga I soo maray iguna dhaliyay in aan
qormadan kooban qalinka u qaato.
Kediso
Waa dhammaadkii 1996-kii, ma xusuusan karo bishii iyo maalintii ay ahayd, waa se casar
gaaban oo qiyaastayda saacaddu 5:30 galabnimo tilmaamayso. Goobta aan fadhiyaa waa xafiiskii
malcaamadda aan dhigan jiray ee Al-najax (Inji) faraceedii magaalada Darroor. Xilligaa waxa
aan ahaa arday yar oo Quraanka dhigta. 20 jis ayaan xidhay, xisaabta iyo carabidana meel hoose
ayaan ka maraayaay.
Darroor waa magaalo ka tirsan gobolka Dhagax Buur (Jarar) Ee dawlad-deegaanka Soomaalida
Itoobiya. Tuulo yar ayay ahayd laakiin xilligaa waxa cammiray dadkii reer Somaalilaan ee
colaaddii sokeeye ee 1994-kii ka soo qaxay, gaar ahaan reer Hargeysa iyo reer Burco. Juquraafi
ahaan waa dhul sare oo Hawd ah. Haaro yar-yar iyo shiilo gaagaaban oo dhagaxoodu madaw
yahay ayaa sida burooyin filiqsan meel kasta ka muuqda. Ciiddeedu waa casaan, waxana ay caan
ku tahay saddex balli oo waawayn; Biyo Cadde oo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan,
Dhoolla-yare oo dhinaca Waqooyi kaga aaddan iyo Dhoobaale oo xerada ciidanka ee magaalada
koonaheeda ah ku dhegsan. Dacal kasta oo aad uga baxdo waxa aad galaysaa kaymo jiq ah oo
cagaaran. Daaqqa iyo biyuhu waa labada shay ee ay raacatadu goor iyo ayaan daba meerto, si
mayeedhaanka ay wataan aanu oon iyo abaar midna ugu le’an. Waligeed dhul baad iyo biyo loo
soo doonto ayay ahayd, horena waxa loo odhan jiray “Haro-dhiig”, colaado badan oo ka dhacay
awgeed. Alle ha u naxariistee abwaan Cabdi Iidaan Faarax ayaa igaga filan tilmaamidda bilicda
3 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
deegaan ee Darroor oo si fiican ugu xusay tuduca saddexaad ee heestiisii Cosob, waxana uu
yidhi:
[…] Cir onkoday hillaac iyo, Calcalyada xareedda ah, Ceelkii Darroor oo, Biyo cidhifka joogaan, Carro nabada reer negi, Dadkoo caano wada dhamay, Dhallintuna ciyaareen, Inaad qurux ku caan tahay, Cidi kuuma diidine, Casiyo midabka dhiinka ah, Waad I cajabisee, Adna aniga ila cugo, Inta dumar colaad qabo […]
Malcaamadda Inji waxa ay muddo dheer ka tirsanayd xaafadda Iftin (Inji) ee magaalada
Hargeysa (ilaa hadda Iftin ayay ka dhisan tahay), hasa-yeeshee, faracan Darroor waxa uu soo
raacay barakacii shacabka. Waxa maamule ka ahaa Macallin Maxamuud Macallin Aadan Cali.
Macallin Maxamuud waxa uu ahaa macallin malcaamadeed ruug caddaa ah, walow uu hadda
dugsiyada sare ee dalka wax ka dhigo, sidoo kale waa abwaan murtidiisu maanka oon tirto oo
maansooyin badan iyo riwaayado dhowr ah curiyay. Tixihiisii waxa aan ka xusuusan karaa: tixdii
qaadka, tixdii Soomaalilaan iyo tixdii Dalsan. Tixda Dalsan ayaan maansooyinkiisa ugu jeclaa,
sidaas darteed baan jeclaystay in aan soo qaato tuduca ugu caansan, waxa uu yidhi:
[…] Dalsan waa dhulkaygee, Meel kaloon daneeyoon, Diiqad li’i fadhiyayaa, Bal dalkayga mooyee, Miyay dunida kuba taal? […] Sidoo kale riwaayado wax-barashada iyo baraarujinta bulshada ku saabsan ayuu hal-abuuri jiray.
Riwaayadaha waxa uu ku googoyn jiray heeso wacyi-gelin ah oo dareen waddaninimo iyo mid
aqooneed wata. Gabi ahaanba riwaayadahiisa waxa jili jiray ardayda, gaar ahaan xilliyada ay
qalin jebinayaan iyo munaasabadaha kale ee madarasadda. Waa ay badnaayeen waxa se aan ka
xusuustaa labadan masrixiyadood:
Ninkii bartay iyo nin aan baranini miyay barbarroobi karayaan?
Aydhis cuuje warkiisu waa indhaha uun ku caddee!
4 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Abwaan Maxamuud waxa kale oo uu curin jiray riwaayado af-carbeed ah oo iyagana uu
nashiidooyin ku nashqadayn jiray, kuwaas baan anigu ka qayb qaadan jiray, waxana ka mid
ahayd masraxiyaddii “Al-safar” oo aan qudhaydu atoore ka ahaa. Waxa aan ku jilayay qof dalka
ka dhoofay oo Carriga Yamanta u doolay, kadibna dal-tabyooday oo ciiddiisii u soo hiloobay.
Samiir ayuu ahaa magaca aan riwaayadda ku metelayay, saddexda wiil ee kale ee ila jilayayna
waxa ay kala siteen magacyada kala ah: Saalim, Suhayb iyo Salmaan.
Bare sheeko badan oo maskax furan ayuu ahaa, kolka uu Quraanka noo dhigo kaddib waxa uu
noo raacin jiray sheeko xariirooyin dhaadheer oo taxane ah; sheekooyinkaas waxa wali sidii
maankayga ugu sii jira “Alfa layla wa layl” oo Sindibaad Al Baxri iyo Cali Baabaa ugu
caansanaayeen iyo sheeko kale oo jinni ku saabsanayd oo aan magaceedii hilmaamay.
Sheekooyinkii Cigaal Shiidaad iyo Juxe ayuu iyagana ku ladhi jiray. waxa kale oo uu caan ku
ahaa kaftanka iyo bixinta naanaysaha. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu na waydiiyay waxa loo
soo gaabiyay magaca haayadda UNHCR oo ahayd haayaddii raashinka kaalmada ah qaxoontiga
u keeni jirtay. Waxa aannu u sheegnay in loo soo gaabiyay sidan: “United Nations High
Commissioner for Refugees”, dabadeed waxa uu noogu jawaabay ma aydaan garane, waxa loo
soo gaabiyay: “Ururka Naanaabinta Haweenka iyo Carruurta Rafaadsan”. Waxa uu noo duur-
xulayay in ay haayaduhu na barayeen baryada, wax-qabsi la’aanta, dhaqan xumada iyo
liidashada, kolka laga reebo giraamkii1 yaraa ee ay keeni jireen.
Kooxo kubbadda cagta ah, kuwo ta laliska ah, kooxo wax jila iyo qaar kale oo wax-qabaddo
kala duwan ku hawlan ayay ardaydu u qaybsanayd. Malcaamaddu waxa ay u dhisnayd tacliin,
tabo-bar maskaxeed iyo barbaarin. Intaas baa igaga filan in aan Darroor, Macallin Maxamuud
iyo malcaamaddiisii is kiin baro.
Aan ku noqdo sheekadii aan wadaye, galabtaas aan xafiiska malcaamadda fadhiyay waxa aan
la joogay oo aan dhegaysanayay macallin Maxamuud iyo qaar kale oo ka mid ahaa
macallimiintii malcaamadda oo sheekaysanaya. Kulan awliyaad buu ahaa, anigana dareen gooni
ah ayuu ii samaynayay. Rikoodh noocii National-ka la odhan jiray ah baa xafiiska oolli jiray oo
ay macallimiintu BBC-da, tafsiirka Quraanka iyo gabayada ka dhegaysan jireen. Waxa ay si gaar
ah galabtii u dhegaysan jireen maansooyinkii Hadraawi, Gaarriye iyo Dhoodaan oo uu macallin
Maxamuud aad u jeclaa. Galabta se wax kale ayaa ka soo baxay. Waxa lagu riday cajalad hees
ah. Waligay maalintaas ka hor hees ma dhegaysan, ma fahmin, xiisena iima qaban, marka laga
reebo shan-jirkaygii oo aannu tuulada Raydab-khaatumo ka soo guurnay, Cadaaddana ku
soconno ayuu walaalkay oo tuurta igu siday qaaday heestii abwaan Maxamed Ayax ee ay
Maxamed Nuur Giriig iyo Faadumo Dhimbiil wada qaadaan.
[…] Soo mar, soo mar, soo mar Saafiya Luuleey, soo mar Soo mar, soo mar, soo mar Sidrigaad ku taallaa soo mar, Soo mar, soo mar, soo mar
1 Raashinkii.
5 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Waan ku sugeynee, soo mar […]
Aad baan u jeclaysanaayay maalintaa heesta uu walaalkay qaadayay, waxba se kama aan
fahmayne laxanka ayaan la dhacsanaa oo si gaar ah ii xiise-galinayay. “Soo Marta” uu sheegayo
waxa aan u qaatay suryooyinkii kaymaha ee aannu ka dhex dusaynay, Saafiya-luulna ma ba aan
garanayn cid ay tahay. Heestaa mooyee, hees kale hore uma maqal ama u ma dhegaysan.
Haddaba heestan galabta xafiiska laga daaray waa nooc kale. Waa laxan qalaad. Maxaa Cuud,
Darbuugo iyo Sagsoofan isku laba dhacaya. Saw tan macallimiinti madaxa ruxday. Saw kan
ardaygii yaraa muraaqooday. Saw tan aan heestii macaansaday ee durba aan midhaheedii eray
eray ka fahmay. Heestu waa af-carabi waana hees Soodaani ah oo uu qaadayo fannaankii caanka
ahaa ee Maxammed Wardi, magaceedana waxa la yidhaahdaa “Sudfa” oo macnaheedu
noqonayo “Kediso”. Waaba kediso caadi ah, saw tan anigii kedisada igu noqotay ee aan isla
maqanahay. Maalmahaasna jaceyl carruurnimo oo isla malcaamadda ka bilaabmay ayaa igu
marnaa, sidaas awgeed ayay heestani u noqotay hees waayadii dambe I xusuusisa dhacdo I soo
martay oo aan xusuusteeda marna xiiseeyo marna dhibsado.
13 sano kadib oo ku beegnayd badhtamihii 2009-kii oo aan joogay caasimadda dalka Suudaan
ee Khartuum, ayaan goor barqo ah jaamacadda ka soo rawaxay. Waxa aan ku leexday meherad
sharaabka iyo cuntooyinka fudud lagu iibiyo oo xaafadda Sharig ee Degmada Saxaafa ka
tirsanayd. Meheradda waxa iibinaysay gabadh Soodaaniyad ah. Koob sharaab ah iyo xabbad
Saanwayj ah baan ka dalbaday. Waa kulayl oo dhididka dhafoorradayda ka tif lihi dhulka ayuu
qooyay. Aniga oo biyo qabow iyo casiirkii wadnaha ku rushaynaya ayaan maqlay heestii “Sudfa”
oo meel agtayda ah ka dananaysa. Ma run baa mise waa riyo? Xaggee ayay ka baxaysaa? Ma
adigaa dawakhsan mise Darroor baa laga heesayaa? Dhan walba waan fiiriyay, mise sameecad
wayn oo sii jeedda ayay ka baxaysaa oo heestuba meheradda aan fadhiyo ayay ka daaran tahay.
Xusuus hore iyo seben la soo dhaafay ayay dib iigu celisay. Xiisihii yaraantii iyo jaceylkii
carruurnimo ayay igu soo laba kicisay, dabadeed aniga oo isla maqan ayaan inantii ku idhi:
“Walaal heestan kuu baxaysa ii dir”. Inta ay igu qososhay oo yaabtay ayay iigu jawaabtay:
“Idaacad bay ka baxaysaaye, iima duubna”. Cabbaar kolkii aannu is waraysannay ayaan ka
tegay oo xusuusta jaceyl beri hore ribbaday meel la jiifsaday. Maalmihiiba Internet-ka ayaan
heestii ka raadiyay oo ka la degay oo waliba Moobilka ku shubtay si aan boogtan damqatay ugu
dhayo, wixii se iga raacay iyo halka ay ila tagtay Alle ayuunbaa ogaa. Waxa aan heestan iyo
sheekadeeda u soo qaatay in aan muujiyo sida ilmaha yar ee Soomaaliga ah ee aan waligii hees
dhegaysani uu uga heli karo ama ay u soo jiidan karaan midhaha iyo laxanka hees Soodaani ah,
ka Soodaaniga ahina sidoo kale, sababta oo ah laxan-samaynta iyo qaab-masrixiyadeedkaba waa
aynu isaga dhow nahay. Dhinac kale haddii aan ka ifiyo, heesta Soodaan ka soo haadday ee
saxaraha, webiyada iyo buuraha dhaadheer inta ay ka soo lashay Hawd guntii lagu
dhegaysanayaa waxa ay muujinaysaa xiisaha Soomaalida qaarkeed u hayaan fanka Soodaanta,
waana tan heestii oo aan afkeedii hooyo ku soo min-guuriyay:
6 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
صدفة... صدفة ... صدفة
أجنل صدفة أنا يوم لاقيتها
أسعد يوم يومى اللى حييتها
نور عيوي يا ما حبيتها
****** ***** ******
الوبرات بريئة ومنزوجة بخجل... الوظرات بريئة
البزنات تضوئ ذي نور الأمل
وجهك بيه مزايرك ذى بدر اكتنل
.والشامة فى خديدك ذى طعم القبل
تزلر قلبى
تشعل حبى
اشهد ربى
.أنا باىواك
صدفة ... صدفة ... صدفة
أجنل صدفة أنا يوم لاقيتها
أسعد يوم يومى اللى حييتها
.نور عيوي يا ما حبيتها
****** ***** ******
ما قادر أقول ليك عه حبى اللبير
وصفه علي قاسى وعايس فى الضنير
قدر اللون ذا كله حبى أكبر بلثير
.ماللوى محيرنى شوف قلبى الأسير
اسألى قلبى
ينله يقدر
يشرح حبى
.أنا محتار
صدفة ... صدفة ... صدفة
أجنل صدفة أنا يوم لاقيتها
أسعد يوم يومى اللى حييتها
.نور عيوي يا ما حبيتها
7 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
****** ***** ******
صدفة عيونى شافت ليلى الباكى نور
يا أيام ربيعى عنرى معاكى أزىر
فيها الطير يغوي ومه ألحانى يزلر
.قلبي فراشة حولك وانتى شبابك أخضر
يا ما بأحبك
باعشق حبك
علشان حبك
.قلبى فداك
صدفة ... صدفة ... صدفة
أجنل صدفة أنا يوم لاقيتها
أسعد يوم يومى اللى حييتها
.نور عيوي يا ما حبيتها
18/2/2012 aniga oo safar waxbarasho (geological field trip) ku jooga tuulo Waqooyiga Soodaan
ku taalla oo la yidhaahdo Sabalooka ayaa goor caways ah tilifoonka la iiga soo sheegay in
Maxamed Wardi geeriyooday. Waxa qorshaha iigu jirtay in aan la kulmo inta aanan Soodaan dib
uga dhoofin, hasa-ahaatee qaddarka Alle ayaa sidan u qornaa oo la ma aan kulmin. 8 habeen ka
hor habeenkaas oo aan isla xeradan waxbarasho ku suganahay ayaa sidoo kale la ii soo sheegay
geeridii naxdinta lahayd ee Ibraahiim Fiqi oo Magaalada Qaahira ku dhintay. Ibraahim waxa uu
ahaa nin aan qoraalladiisa ku akhris bartay kolkii aan dugsiga sare ku jiray aadna aan u jeclaa
buugaagtiisa. Labadaas geeriyood ee Khartuum iyo Qaahira laga soo sheegay, waxa igaga
murugo badnaa war dhiillo ah oo Hargeysa la iiga soo tebiyay. Waa geeridii Ismaaciil Maxamed
Dubbad oo waxbarashadayda gacan xoog leh ka soo geystay, isla xilligan aan jaamacadda ku
jirayna dhaqaalaha ii soo diri jiray. Eebbe ha u naxariisto dhammaantood. Bishaas waxa aan u
bixiyay bishii murugada.
Webiyo isu Oomman
Khartuum waa caasimadda dalka Soodaan, waana magaalo aad u ballaadhan oo dad aad u tiro
badani ku nool yihiin. Saddex qaybood ayay magaaladu u qaybsan tahay: Khartuum, Baxri iyo
Ummu Durmaan, waana sababta loogu bixiyay caasimadda saddex geesoodka ah. Saddexda
daamood waxa kala qaybiya labada webi ee Niilka (ka cad iyo ka buluugga ah). Niilka Caddi
waxa uu ka soo fatahaa harada wayn ee Fiktooriya (Lake Victoria), dabadeed waxa uu soo dhex
jibaaxaa waddamada Tansaaniya, Kiiniya, Ruwaanda, Burundi, Koongo Kinshaasa iyo
Koonfurta Soodaan, kolkaas buu isaga oo xiimaya Khartuum dhanka Koonfureed ka soo galaa.
8 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Niilka Buluugga ahi se waxa uu ka soo bilaabmaa harada Taana ee Itoobiya. Buuroleyda sare
ayuu ka soo shalwadaa, dabadeed isaga oo shuurinaya ayuu Khartuum dhanka bari iskaga soo
shubaa. Jasiiradda Tuuti oo Khartuum badhtankeeda ah ayay labaduba isugu yimaaddaan waana
halka ay Soodaantu u taqaanno “Majmac Al Nahrayn”2 ama “Kulanka labada webi”, kaddibna
iyaga oo mid ah ayay dhanka dalka Masar u qulqulaan. Jasiiraddaas ayuu Alle ha u naxariistee
abwaan Xuseen Aw Faarax Dubbad tegay, kolkaas baa looga sheekeeyay barta ay labadan webi
ka soo burqadaan, waddamada ay soo maraan iyo in ay halkan isugu yimaaddaan oo mid isku
noqdaan. Biyaha buluugga ah iyo kuwa cad ee isku walaaqmaya ayuu arkay. Sheekadoodii ayuu
la yaabay, markaas buu curiyay heestiisii caanka ahayd ee “Webiyo isu oomman” oo ay Magool
qaaddo. Waxa uu sheekadii ku metaalay in ay labadan webi is caashaqeen, kadibna dhulal kala
fog iyo waddammo badan isu soo jiidheen, ugu dambayntiina inta ay is heleen oo gacmaha is
qabsadeen ku farxeen in ay is calfadeen. In ay xareeddii qaboobeyd wadnayaasha qaraxa ah ee
soo daalay isugu qaboojiyeen oo jaceylkoodi sidaas ku hirgalay. Isaga oo Soomaalidii dalka
joogtay u tebinaya wacdaraha uu arkay iyo mucjisada labadan Webi, ayaa uu yidhi:
Jaceyl waa wedkaagoo, Warmo kuu afaystoo, Waabey qadhaadh iyo, Sun uu kuu walaaquu, Weel kuugu shubayaa. Dadka weli hor joogaa, Wuxuu dilay u sabab oo, Qiyaamaha la wayddiin. Webiyo isu oommani, In ay wacad-tameenoo, Waayo badan is dooneen. In loo kala warramay oo, Wacdi laysu sheegiyo, Waano la gala quustay. Goortay is waayeen, Isu waalan gaadheen, Waligiin ma maqasheen?! Wax ku qaadan maysaan, Wacdaraha adduunkee, Waydiiya culimada.
2 Majmac al baxrayn-na waa loo yaqaan, oo ay baxrayn-ta uga jeedaan labada webi.
9 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
*** *** ***
In ay weer xidheenoo, Biyuu wayraxeenoo, Waddammo isu jiidheen. In la waabin waayoo, Iyaga oo wareer qaba, Isu soo wareegeen. Oo wanaag kalgacaluu, Way isu yimaaddeen, Waligiin ma maqasheen?! Wax ku qaadan maysaan, Wacdaraha adduunkee, Waydiiya culimada. *** *** *** In uu caashaq wadayooy, Is waraabiyeenooy, Xareddii wadaageen. Inay wehel is jeceloo, Wadnaha isu dhiibtoo, Wada jira noqdeenoo. Waddo qudha mareenooy, Kala weecan waayeen, Waligiin ma maqasheen?! Wax ku qaadan maysaan, Wacdaraha adduunkee, Waydiiya culimada.
Ballantii baaqatay !
Ballantan baaqatay waa dhacdo xaqiiq ah oo ku suntan taariikhdii dahabiga ahayd ee
abwaankii weynaa ee reer Falastiin Maxamed Xasiib Al-qaadi. Aan gabyaagan is kiin baro’e,
waxa uu 1935-kii ku dhashay gudaha carriga Falastiin, halkaas ayuu ku barbaaray oo qaybtii
hore ee noloshiisa ku qaatay kana hawl-galay. Waxa uu lixdameeyadii qarnigii 20aad
noqday
tifaf-tiraha suugaanta ee wargeyskii la odhan jiray “Akhbaaru Falastiin” ee magaalada Qasa ka
10 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
soo bixi jiray. waxa 1967-kii xidhay gumeysiga Yuhuudda ee xaq-darrada ku haysta ciidda
barakaysan ee Falastiin, shaqadii wargeyskana halkaas buu kaga tagay. Markii dambe ee la sii
daayay waxa uu u tallaabay dalka Masar, waxana uu ka qayb-qaatay unkiddii iyo aasaaskii
labadii idaacadood ee “Sawtul Caasifa” iyo “Sawtu Falastiin” ama Codkii Duufaanta iyo
Codkii Falastiin; labadaas idaacadood oo ka hawl-gali jiray magaalada Qaahira. Kaddib waxa uu
gaadhay in uu noqdo maamulihii idaacadda Falastiin ee sal-dhiggeedu ahaa Al-jeeriya iyo
Yemen gaar ahaan magaalada Sanca, waxa kale oo uu abwaan Maxamed Xasiib tifaf-tire ka
noqday jariidaddii “Al Ashbaal” ee Tuunis iyo Qubrus ka soo bixi jirtay.
Abwaanku waxa uu curiyay maansooyin badan oo badankooda loo hal-tebiyay afaf kale sida:
af-ingiriisi, af-talyaani, af-faarisi iyo af-bulgaari. Marka laga tago abaal-marinaha yar-yar ee uu
qaatay, waxa uu 1995-kii ku guuleystay billadda Qalinka ah ee gabyaaga dunida.
Heesaha uu hal-abuuray waxa ka mid ah heesta caanka ah ee “Laylatu Sabti” ama habeenkii
Sabtida. Midhaheeda oo aad u murti badan, laxanka iyo codka macaan ee uu ku ladhay
fannaankii reer Soodaan ee Salaax Ibnu Baadiya ayaa heestan ka dhigay mid ay Falastiiniyiinta,
Soodaanta iyo Soomaaliduba isku si u wada caashaqaan.
Ujeeddada uu abwaanku heesta u curiyay waxa lagu soo tebiyay laba sheeko oo isu dhow.
Sheekada hore waxa ay xusaysaa in heestu ku saabsanayd hawl-gal is-miidaamin ah oo ay
fulinaysay gabadh dhallin-yaro ah oo ka tirsanayd dhaqdhaqaaqii xoreynta Falastiin, hawl-
galkaas oo ku beegnaa habeen Sabti ah laakiin xilligiisii dib uga dhacay, abwaankuna uu fahmi
waayay sababta dib u ridday iyo musiibada inantii heshay. Tebinta labaadna waxa ay
tilmaamaysaa in uu abwaanku habeen Sabti ah la ballamay gabadh uu jeclaa oo uu rabay in ay
isa sii arkaan ka hor inta aanu bilaabmin hawl-gal Yuhuudda lagu weerarayay oo uu xubin ka
ahaa, habeenkaas oo inanti u iman wayday sababta negaysayna uu garan waayay. Hadal-tire ma
fiicnee, Waxa aan jeclaystay in aan idin ku hakiyo heestii oo af-carbeed ku qoran si aad u
dheehataan murtideeda, waxa uu abwaanku yidhi:
ليلة السبتطال انتظارى
يا حلوة العيويه يا أنت
أنزيتى وعدك باللقاء ىوا
كم مرة باهلل أوعدتى
ولأتفــه الأسباب فاتوتى
كم جئت امر وكم تعللت
لو قلت انك لزت آتية
أسلت في نيرانى لو قلت
عبر الندى عيوى مشردة
ترعى خيالك ربنا جئتى
11 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
تتهامر الأشواق آتية
وتصيح بى الأوىام له تأتى
ىل أبلغوك وشاية كذبا
يا حلوتى عوى فصدقت
أم خفت أعيه عازليه لوا
فى الحى ترقبوا فأحجنت
أم أّن ملروىا ألّم بك
لا قّدر النولى تأخرتى
فتصّورى ما بات يعصف بى
مه عاصٍف أشعلته أنتى
وجنعت باقات الزىور ىوا
وللم بأزىارى تزيوتى
ألقيتها بجوار مقعدنا الخالى
حزيوا اذ تخّلفتى
وبلى النزاء الوردى وارتعشت
كل الوجوم عشية الزبت
وحنلت أشواقى وعدت بها
.متلفعاً بالليل والصنت
Si kastaba ha ahaatee, dadka badankiisu waxa ay u fahmeen in heestu ka warramayso “ballan
jaceyl oo baaqatay”. Heestani si wayn ayay u gashay quluubta shacabka reer Soodaan.
Maankuba waa uu ka tagaa marka uu Salaax Ibnu Baadiya fagaare la soo is-taago ee uu cod qiiro
leh ku qaado. Soomaalida lafteeda ayaa miyir beeli gaadha kolka ay maqasho codka Salaax Ibnu
Baadiya.
Abwaan Bashiir Xaddi ayaa heestan midhaheeda iyo naaxiyaddeedaba aad ugu bogay,
dabadeedna abwaan Hadraawi ka codsaday in uu af-soomaali u turjumo. Hadraawina waa uu ka
yeelay oo heestii af-soomaali ayuu u beddelay. “Axaddii” ayaa uu u bixiyay. Axaddii waa hees
Soomaalida dhexdeeda caan ka ah oo weliba si xad-dhaaf ah loo jecel yahay. Marka bulshada
kale laga yimaaddo fannaaniinta Soomaaliyeed qudhooda ayaa aad u jecel oo ku faana in ay
qaadaan. Waxa ay noqotay hees hooballada lagu tijaabiyo islamarkaana Fannaaniin badan oo
Soomaali ah ayaa qaaday, kuwaas oo ay kamid yihiin: Xasan Aadan Samatar, Maxammed
Mooge Liibaan, Axmed Rabsha, Axmed Ishaar Olol, Sulfa iyo Cabdi Qaadir Bagaag.
12 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Mar labaad aan idiin oggolaado in aad ku hakataan heestan Axaddii, si aad
farshaxannimadeeda suugaaneed iyo murtida ay xambaarsan tahayba u dhuuxdaan, uguna
dhererisaan heesta hore ee “Laylatu Sabti”, Hadraawi waxa uu yidhi:
Waa lay addimay, Axaddii sidaan, Kuu eegayee. Araggeeda taan, Ku il-doogsadaay, Ma illawsan tahay, Axdigaad martiyo, Meeshaad I tidhi, Waan imanayaa. Imisaad farriin, Ergo soo dirtoo, Oontiyo biyaha, Hurdo aawaday, Uga soomanayd. Eed layga keeniyo, Midna amar Ilaahay, Kuma aad maqnaanine, Adigayska baaqday. Hadaad I tidhaahdo “Iman maayo” Ma aadeen, Halkaad ogsoontahay. Indhahaa habeenkii, Ku ilaalinaayoo, Dhammideed aduunyada, Afarteeda waaxyood, Hadba gees u eegee. Anigaa isla hadloo, Mar waxaan idhaahdaa, Ku illaawi maysee, Way imane sii joog. Marna waxaan idhaahdaa, Axdigaydun dhigateen, Kolna oofin maysee,
13 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Samir Eebbe qaadoo, Ka fogoow agteedaan, Uurkayga galiyaa. Aamusnoow habeenkii, Ugbaadka iyo dooggaa, Tiiraanyo ooyoo, Idilkood xiddigahaa, Afar-qaaday socodkee. Aramida jacayl baa, I hoggaaminaysoo, Misna kama adkaystoo, Kama hoydo aydoo, Naftu olol ma daysee. Ubax baan guroo, Soo ururiyoo, Amranoow golii, Ooddii marrayd, Ku ila-xidhoo, Ku ag daadiyoo, Weheshada idhee. Eedaanka diiggoo, Oogsaday salaaddiyo, Waagoo iftimaan, Keligay inaan ahay, Asaraarka saaroo, Addimada cuskadayoo, Igu soo arooree. Bal siday ahaataba, Laba eeftay caawee. Qof amaano lumiyoo, Iibsaday xilkeedii, Samaan ugama aayee. Aan kala war haynaan Ku af-gooyay heestee
14 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Maxay adiga kula tahay?3
Caweyskii Rabsha
Waa habeen caddo ah oo cirku saafi yahay, waana caweys cimilada magaalada Khartuum
deggen tahay oo kuleylkii lagu yaqaannay iyo qabow midna aanu jirin. Sidii caadada ii ahayd
waxa aan ka soo casheeyay hudheel noo dhawaa oo “Madcamu Adroob” la odhan jiray. kolkii
aan hudheelka ka soo fulay ayaan moobilka shitay oo geystay mawjadda ay ka hadasho
idaacadda Ummu Durmaan (Radio Um Durman). Waxa ka baxaysay hees cajiib ah oo aad
dareenkayga u soo dhufatay. Inta aan tallaabadii gaabiyay ayaan si deggen u dhegaystay. Sidii uu
megnad I qabsaday ayaan la dhaygagay. Waa maxay waxan ku qabsaday ee aad la qushuucsan
tahay? Weligaa hees waad maqlaysee maxay middani kuu mashquulisay? Ma fannaanka ayaad
garatay oo ah hoobal aad codkiisa jeclaysato? Ma heesta ayaad hore u maqashay oo aad xiiseyn
jirtay? Jawaabtu waa maya!. Haddaa maxay kuu qaadatay ee kuu deeqday? Mooyi, malaa codka
heesaaga, caynadda loo qaadayo iyo erayada ayuu midkood ku soo jiitay oo aad u bogtay. Si ay
ahaataba, waanigan gurigii soo gaadhay. “Ukaadi ha kuu dhammaatee, yaan dhallin-yartii guriga
joogtay kaa carsho-carshayne” sidaas inta aan naftayda ku la xanshashaqay ayaan garoon guriga
hortiisa ahaa istaagay oo heestii cabbaar ku dhegaystay. Wax aan macaansadaba waa kan codkii
inta uu hoos u sii gamaaray mar kaliya aamusay. Aaaah! Saw tan heestii dhammaatay. Ma
saylloon baa lagaa jaray mise surbiyaan baa lagaa qabtay? Oo ma saylloon bay ka dhacdaa saw
tii aad is dhaqdhaqaajin wayday intii ay kugu socotay. Saw tii dhiiggaaga xushay ee aad
macaansigeedii cidlada la kambadhuudhsatay. Markii ay heestu dhammaatayba gabadh baa
idaacaddii ka dhex hadashay oo tidhi: “Istamtac tum bi sawtil fannaan al kabiir Axmed Rabsha,
yamaniyul asli, Soomaaliyul jinsiyah, wa Suudaani bil intimaa!” ereyadaas oo haddii aan
afkeenna hooyo u hal-tebiyo u dhigmaya sidan: “waxa aad ku raaxaysateen codkii macaanaa ee
fannaankii waynaa ee Axmed Rabsha. Asalkiisu waa Yamani, dhalashadiisuna waa Soomaali,
waa se fannaan u tirsan dalka Soodaan”. Fanto dishay ma ka run baa mise way ciyaaraysaa?
Axmed Rabshuhu miyaanu kiinnii ahayn? Malaa way kaftamaysaa ee ka dhab ma aha. Oo ma
idaacad baa laga dhex kaftamaa? Axmed Rabshe ma af-carabi ayuu ku heesi jiray? goorma ayuu
se Soodaaniga noqday? Haddiiba uu isagii yahay ma sidan ayuu heesaha carabiga ah ugu cod
macaan yahay? War jiraaba Cakaara ayuu iman. Waxa aan baadhay sooyaalkii Axmed Rabshe,
dabadeed waxa ii soo baxday in uu dhalasho Soodaani ah qaatay oo uu ka qalin-jabiyay
kulliyadda fanka iyo muusiga ee magaalada Khartuum. Waxa kale oo aan xaqiijiyay in uu fanka
Soodaanta ku milmay oo dad badani aamminsan yihiinba in uu Soodaani ahaa. Ugu
dambayntiina waxa aan ogaaday in uu leeyahay alban dhan oo heeso Soodaani ah. Heesaha uu
qaado waxa ka mid ah: heestan aan dhegaysanayay oo la yidhaahdo “Wa tas’aliini yaa
Xabiibatii” iyo heeso kale oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku xusani:
1. Yaa faraaxi lawn
2. Damcatu shooq
3. Maa baynii wa baynik
3 Midhaha iyo laxanka ka fiiri: M.A Biixi (2015), Diiwaanka heesaha Soomaaliyeed ee Hoobal 1, dabcadda 1
aad,
bogga 190.
15 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
4. Shada sahar
5. Shaaqi ruuxii leeh ikk.
Erayadii heestaas aan habeenkaa dhegaystay oo af-carbeedkii uu ku qaadayay ku qorani iyaguna
waa kuwan hoose:
كيف الخريف فاتك: يا حبيبتىوتزأليوى
لاالبروق سهلت ولاالزحاب باح بالنطر
وددت لو يبوح يا سيدتى
كان الزحاب فى دمى
وكانت البروق فى عظامى
وعودما تلزع الخريف فى مزيره
ارتوت الجروف مه جراحى
ليت الشتاء لا يعود مسرعا
لأنوى بغير مه أحب
لا أستطيب ان ينر فوق جبهتى
ريح الشتاء باردا وموحشا
كيف الخريف فاتك: يا حبيبتىوتزأليوى
لاالبروق سهلت ولاالزحاب باح بالنطر
وكوت حيونا يعبرنى بزمهريره
أدفه فى تلال صدرىا عذابى
وتزتريح بعد ىجعة الزفار
فى عيونها أىدابى
وكوت مخنورا بعطرىا وسحرىا
وما عرفت حيونا أفقت
أنوى كتبت فى عيونها وداعى
Afar sano kaddib habeenkaas oo ku beegnayd 17/07/2015, habeenkii ciidul fidriga, ayaan 2:10
habeennimo furay jananka Al-Shuruuq ee Soodaan laga leeyahay. Waxa ka socday caweyskii iyo
dalabaadkii ciidda. Waxa istuudyaha fadhiyay abwaanno waawayn, qaar ka mid ah fannaaniintii
hore iyo kuwii dambe intaba. Xidhiidhiyihii barnaamijka ayaa fannaan da’ yar oo madasha
fadhiyay ka codsaday in uu ciidda barakaysan ku bilo mid ka mid ah heesihii Axmed Rabsha.
Waa heestii Baynii wa baynik ee uu Axmed Rabsha codkiisa candaleebka ahaa ku qaadi jiray.
Koox dhan oo gacan macaan ayaa badhkoodna dhex-yaraha iyo ushiisa isku xoqeen, qaar beyska
isku cel-celiyeen, kuwo kalena qalabka kale ee dananka kaga daryaamiyeen. Fannaan yar oo aad
u cod fiican buu ahaaye, judhii uu heesta bilaabayba dadkii waaweynaa ee goobta fadhiyay baa
xusuus awgeed muraaqooday oo qaarkood ilmo ku soo joogsatay. Qudhayda ayaa habeenkaas
xusuus iska baadhay oo codkii Rabsha ee aan dhegaysan jiray ku dherariyay sidan caawa
fannaanka yar ee Soodaaniga ahi u qaadayo. Kolka run lagu warramo Axmed Rabshe Soodaanta
16 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
dhiiggooda ayuu raacay sida uu Soomaalidaba dhuuxooda ugu aroorsan yahay, waxana uu ahaa
buundada isku xidha fanka Soodaanta iyo Soomaalida.
Dhambaalkii heesta dhalay! Fannaaniin badan oo Soomaaliyeed baa Soodaan tegi jiray oo ka soo heesi jiray. Maaddaama
oo sidii aan hore u soo sheegay aynnu laxanka iyo qaab-masrixiyadeedka isaga dhaw nahay,
Soodaantu aad bay u xiisayn jireen fannaaniinta iyo heesaha Soomaaliyeed. Fannaaniintii
Khartuum ka soo heestay ee Soodaanta fadhiga u diidday waxa ka mid ahaa: Maxamed
Saleebaan Tubeec, Maxamed Yuusuf Cabdi, Xasan Aadan Samatar, Axmed Naaji Sacad,
Xaliimo Khaliif Cumar (Magool), Faadumo Cabdilaahi Kaahin (Maandeeq), Maryan Mursal
Ciise, Qadiija Maxamuud (Qalanjo), Faynuus Sheekh Daahir Ikk. Hooballadaas aan kor ku soo
xusay qaar ka mid ahi waxa ay qaadeen heeso Suudaani ah sida: Magool oo qaadday heestii
“Asbaxa Subxu”4 iyo hees lahjadda Nuubiga ah, Faysal Cumar Mushteek oo dib u qaaday “Yaa
Naasiinaa” iyo “Qaasi calaya leeh?”, Dalxa oo isna qaaday “Yaa layla” iyo heeso ay koox
ahaan u qaadeen sida “Soomaalunaa Suudaanunaa”. Qaarkood Soodaan dhexdeeda ayay kaga
heeseen, qaarna dalka gudihiisa ayay ku qaadeen.
Si gaar ah haddii aan u tilmaamo Axmed Rabsha, Axmed Naaji Sacad iyo Maxamed Mooge
Liibaan, iyagu muddo dheer ayay Soodaan ku noolaayeen oo waxna ka barteen heesana ku
qaadeen. Axmed Rabsha toddobaatanaadkii ayuu Soodaan tegay. Kulliyadda Fanka iyo Muusiga
ayuu ka qalin jabiyay kaddibna dhalashada Suudaan ayuu qaatay. Abwaannada Soodaan baa
heeso badan u dhiibay oo uu qaaday, waana sidaas sababta ay dad badan oo reer Soodaan ahi
Axmed Rabsha ugu murmaan in uu Soodaani ahaa. Axmed Naaji isaguna sidaas oo kale ayuu
Soodaan u degay oo uu qaaday heeso badan oo ay hal-abuurka Soodaan curiyeen sida heestii uu
midhaheeda sameeyay Haashim Meerqani ee “Xaana safaaf”5. Maxamed Mooge Liibaan isagu
yaraantiisii ayuu tegay oo waxbarashada hoose ka bilaabay. Nashiidooyinkii uu daabuurka
subaxnimo ee dugsiga ka qaadi jiray ayuu heesahaba ka bilaabay. Kolka waxbarashada caadiga
ah laga yimaaddo, Maxamed Mooge waxa kale oo uu Soodaan ka soo bartay kamanka ama
Cuudka qofba sida uu u yaqaan. Waayadii dambena waxa uu qaaday heeso Soodaani ah, sida
heestii Salaax Ibnu Baadiya ee “Cumra Suhuur” Ikk.
Haddaba xilliyadaas fannaaniinta Soomaaliyeed Soodaan tegi jireen ayuu Fannaan Soodaani
ahi Magool caashaqay. Iyada oo habeen masrax ka heesaysa ayuu codkeedii iyo gole-
joogsigeedii u bogay. Indhihii ay war-wareejin jirtay baa soo jiitay oo isagii war-wareejiyay.
Qacdii hore ee uu indhaha ku dhuftay buu is qoonsaday. Qandhadii cishqiga ayuu u adkaysan
waayay kolkaas buu dhambaal jaceyl ah Magool u soo qoray. Warqaddii oo lalaysa ayaa carrigii
Soomaaliya soo gaadhay, waana tan tii oo dahaadhan Magool gacanta loo soo geliyay. Judhii ay
furtayba waxa ay u dhiibtay Abwaan Hadraawi oo golaha fadhiyay si uu af-carbeedkan ku qoran
ugu macneeyo maaddaama oo uu ahaa raggii Yaman wax ku soo bartay. Saw kan Hadraawiba
warqaddii muquurtay ee xarfaha ku qoran ka mid noqday. Saw tan abwaankiiba la waayay ee uu
4 Heesta Asbaxa Subxu: waxa curiyay Maxamed Faytuuri, waxana codkiisa ku qaaday Maxamed Wardi.
5 Heesaha kale ee Axmed Naaji qaaday waxa ka mid ah: qaaluu kasiir kalaam.
17 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
isla maqan yahay. Saw kan sidii qof suuxay indhaha uun dhaq-dhaqaajinaya ee hadal laga la’
yahay. Waxan abwaankii ka yaabiyay ee uu la fajacsan yahay waa maxay? Warqaddan baas
maxaa ku qoran? Khadka casna maxaa loogu qoray ma geeri bay sheegaysaa? Goor dambe ayuu
sidii wax soo miyirsaday dadkii u sheegay mucjisadii uu dhambaalka ku arkay. Erayada laab-
qaadka ah ee warqadda lagu qoray lama uu yaabine, waxa uu la amakaagsanaa tuduc qoraalka ka
mid ahaa “Haddii khadkan cas ee warqadda ku qoran aad qalin cas moodayso, ma aha! Xididkayga ayaan dalooliyay markaas baan dhiiggii ku shubay dhuuxa qalinka oo aan warqadda ku soo qoray”. Hadraawi waxa uu go’aansaday in uu ninkan ka yaabiyay kaga yaabiyo. In uu
tiriyo maanso hummaaggeedu midkan Soodaaniga ka sii sarreeyo oo aan hore loo maqal. Waa uu
kaga dhabeeyay waxana uu curiyay heestiisii “Jaceyl dhiig ma lagu qoray?!” Heestii Hadraawi
ayaa ninkii Soodaaniga ahaa gaadhay, aadna wuu uga yaabay. Beri dambe ayaa Hadraawi iyo
Soodaanigii la is-tusay oo midkoodba ka kale la yaabay. Anigaaba la yaabay naf-hurka
Soodaaniga iyo hummaagga Hadraawi labadaba. Haddii aan heestaa waxoogaa ka soo qaato,
waxa uu yidhi:
Jacayl dhiig ma lagu qoray? Weli dhuux ma loo shubay? Qofna saanta dhabarkiyo, Ma u dheegey feedhaha? Dhabannada cad laga jaray, Hadalkii ma lagu dhigay? Xinjir aan is dhalan rogin, Midabkeedu dhiin yahay, Laga dhuray halbowlaha, Weli dhiil ma lagu shubay? Laba mays dhansiiyeen, Sida dhayda xoolaha, Dhag-dhag maw wadaageen? Weli laba is dhaarsaday, Beryo dhacan nasiib iyo, Dhul ku kala cillaalnaa, Subax dharabku kowsadey, Dhedaduna cuddoon tahay, Cidla aan dhir mooyee, Wax dhaqaaqayaa jirin, Jabaq maysku dhaadeen?. Kulankii dhabta ahaa, Riyo dhiifi keentiyo, Dhalanteed ma moodeen?
18 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
Sidii ay dhadhabayaan, Dhowr jeer ma seleleen? Af dhabaan-dhab jamashada, Ma ka dhoofay hadalkii, Bal dhaqaaq na kay tahay, Dhihiddii ma waayeen? Ma ka dhabaqday xaajadu? Ilma dhalatay xiisuhu, Sida dhibic mahiigaan, Ma ka qubatay dhaayaha, Ma ku qoyey dharkoodii, Naxariis ma dhidideen, Iyagoo dhanqalankii, Dheel-dheelli mooyee, Dhegna aanay kaga jirin, Kolba erey dhex roorkiyo, Dhumucdii ka maqantahay, Dhitinaaya keligii, Ka dib toban dharaarood, Carrabkiyo dhanxanaggii, Dhirin-dhirin ma ku heleen, Laba guul u dhalatoo, Isu dhiganta weeyee, Dabadeed dhabeeshii, Hanadkii ku dheeraa, Dhudi mays bariidsheen.
Ma anigaa Soodaanta keenay?
Lixdanaadkii ilaa siddeetanaadkii qarnigii tegay, Soomaalidu aad bay u jeclaayeen heesaha iyo
fanka Soodaanta, sidaa darteed fannaaniin badan oo Soodaan ah ayaa Soomaaliya iman jirtay oo
bandhig-faneedyo ku qaban jiray. Xukuumadda, kooxaha fanka iyo fannaaniinta dhiggooda ah
ayaa soo dhawayn jiray. Goleyaasha madadaalada iyo masraxyada dalka ayaa lagu casuumi jiray,
si ay shacabka Soomaaliyeed saar-soodaaniga uga tumaan. Fannaaniintii ay Soomaalida
xidhiidhka dhow lahaayeen waxa laga xusi karaa: Maxamed Wardi, Salaax Ibnu Baadiya, Sayid
Khaliifa, Axmed Rayax, Axmed Al Mustafa iyo kooxdii hablaha ee Balaabil. Maxamed Wardi
iyo Ibnu Baadiye qaybaha hore ayaynnu ku soo aragnaye, aan Sayid Khaliifa wax yar idiinka
19 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
tilmaamo. Sayidku waxa uu ka soo jeeday magaalada Cadbara ee gobolka “Nahru Niil” ee
Waqooyiga Soodaan. Kolka uu heesaayo qiiro xad-dhaaf ah iyo xammaasad waalli ah ayuu
muujin jiray, masraxa uu ka heesayaana waxa uu u qaybsami jiray in is-ruxaysa iyo in qiiraysan.
Soomaalidu aad ayay Sayidka u jeclayd, waana tii inantii codkiisa ka heshay tidhi:
“Sawdkii Sayidkaa, I sara kiciyee Soomaalaay I geeya Suudaan!”. Heesihiisa waxa ka mid ahayd heestii caanka ahayd ee “Asayakum”, Soomaaliduna u taqaannay
“Sidee tihiin” ama “Muddo badan idin maan arag”. Heestani waa bariido iyo xaal-wareysi uu
fannaanku taageerayaashiisa la wadaagi jiray. Xilliga uu Soomaaliya joogana waxa uu ku darsan
jiray erayo af-soomaali ah sida sidee tihiin iyo muddo badan idin maan arag. Si kale haddii aan
u tilmaamo waxa ay u dhawayd heesta Xasan Aadan qaado ee ay meerisyadan hoose ka mid
yihiin:
[…] Beryaan kala maqnayn oo, Waan idiin basaasee, Bulsho yahay ma nabad baa? Barinaye ma barideen?! […] Soodaanta lafteedu aad bay ugu marqaami jireen fanka Soomaalida. Sida Xudaydi ka sheekeeyay
Koox Soodaan ah ayaa 1975-kii Muqdisho timid, dabadeed ninkii hoggaaminayay ayaa arkay
Axmed Cali Cigaal oo muusig tumaya. Waa uu la yaabay oo u qaadan waayay, waxana isu qaban
wayday da’da A.C Cigaal, laxanka uu sameynayo iyo in aanu jaamacad ka baranin. Soodaanigii
ayaa Xudaydi waydiiyay: ma isaga ayaa codkan iyo laxankan uu tumayo curiyay? Xudaydina
inta uu Soodaanigii gurigiisa ku casuumay ayuu A.C Cigaalna u yeedhay oo ku yidhi: ninkani
wacdaro ha aroko’e codkaaga iyo laxankaaga tus. Markii uu codkiisii maayadda sare u badnaa
iyo cuudka isu raaciyay ayaa uu Soodaanigi ilmeeyay isaga oo la dhacsan codka fannaanka. 6
Waayadaas ayay koox kale oo Soodaan ahi Hargeysa timid oo habeen Beerta Xorriyadda ka
tuntay. Dadkii reer Hargeysa, gaar ahaan dhallin-yartii meel ay kala fadhiistaan bay waayeen.
Sida dhaqanku ahaa kolka uu fannaanku taageerayaashiisa saarka ka soo rido waxa ay ku boobi
jireen dahab, lacag iyo alaabooyin kale oo qaali ah. Isaguna marka uu bandhiggu dhammaado
ayuu u soo celin jiray marka lacagta laga reebo. Habeenkaa hablo badan baa dahabkoodii
Soodaanta ka lulay. Saacadda loo xidhayo iyo siliska jeebka loogu ridayo malayn maysid.
Shacabka Soodaanba waa uu lahaa caadadan oo kale, laakiin iyagu wixii ay fannaanka u
hibeeyaan kaga ma noqdaan isaguna ma soo celiyo. Soodaantii habeenkaas wixii dahab loo
xidhay way la tageen. Nasiib-darrada hablihii Soomaaliyeed habeenkaas ku dhacday taas bay
noqotay. Dumarkii dahabkooda ku dal-dalay ayaa calaacal ka soo hadhay oo u baroortay
6 Waraysi laga qaaday Xudaydi.
20 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
dahabkii Soodaantu ka la tagtey, kolkaas ayuu raggu ku ilaaqay hal-hayska caanka noqday ee
“Ma anigaa Soodaanta keenay?”. Hal-hayskina waxa uu noqday mid ilaa maanta la adeegsado
oo loogu maahmaaho qofka xoolihiisa meel aanu hubin ku miidaamiya ee haddana goor dhow
calaacal miciinsada.
In fannaanka la maamuuso oo alaabooyin qiimo badan la huwiyo kolka uu masraxa taagan
yahay waa dhaqan wanaagsan, waxa se aragtidayda qofeed ila qalloocan in wixii lagu
karaameeyay dib looga soo ceshado. Waxa mudan in marka horeba lagu sharfo qalab laga
maarmi karo sida: lacag, saacad caadi ah, bakoorad, ubax, go shaal ah, cimaamad iwm. Dhanka
kale waa ay adag tahay in uu fannaanku kala garto dahabkii iyo alaabtii lagu karaameeyay oo
mid walba qofkii lahaa u celiyo gaar ahaan marka uu ajnabi yahay.
Kala-duwanaanshaha fanka Soomaalida iyo ka Soodaanta
Sidii aan hore u soo xusay waxa aynnu Soodaanta iska shabbahnaa gole-joogsiga (qaab-
masrixiyadeedka), cod-samaynta (laxanka), jilidda iyo qalabka la tumo. Arrimo badan ayaa se
aynnu ku kala geddisanahay oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku qorani:
o Soodaantu ma leh heeso talan-taalli ah oo ay wiil iyo gabadhi is-waydaarsanayaan
sideenna oo kale. Habluhu fannaanka waa ay u jiibin karaan, wiilashuna sidoo kale,
laakiin waxa aan jirin meerisyo la is-dhaafsanayo.
o Waa dhif in la arko fannaan Soodaani ah oo qaadaya hees foorjo ah. Heesahoodu waxa ay
u badan yihiin ammaan, calaacal iyo hilaw.
o Heesaha Soodaantu aad bay uga dhaadheer yihiin kuwa Soomaalida, taas oo aan uga
jeedo meerisyada heesahooda oo aad u badan marka loo eego kuweenna.
o Hablahahooda fannaaniinta ah loo ma oggola in ay xarrigaan (jaasaan) ama qaawanaani
ka muuqato kolka ay masraxa joogaan, sidoo kale fasax u ma haystaan in ay wiil iyo
gabadhi masraxa korkiisa is taaban karaan. Walow beryahan dambe ay qurbaha ka soo
heesaan kuwo qodobkaas jebiyay. Ciyaar-dhaqameedka oo kali ah ayaa loo oggol yahay
in ay jidhkooda si kasta u dhaqaajin karaan. Dhaqankani waa mid Soomaaliduba
leedahay, Soodaantu se aad bay ugu dheggen yihiin, waana go’aan dawladeed oo ciqaab
lagu muto.
o Inanta fannaanadda ahi kolka ay heesayso waxa masraxa soo fadhiisan kara aabbaheed,
walaalkeed iyo xubanaha qoyskeeda iyaga oo la dhacsan codka inantooda iyo guusha
faneed ee ay gaadhay, dhaqankaas oo Soomaalida dhexdeeda aan ka jirin. Hablaha
Soomaaliyeed dhib badan ayay u soo mareen in ay heesi karaan ama haddaba ku qabaan.
Fikradda ay fanka ka aamminsan yihiin oo ka geddisan ta Soomaalida awgeed baa
keentay in sidani dhacdo. Fanka iyo muusikada waxa ay u haystaan shay wanaagsan iyo
21 Fan-wadaagga Soomaalida & Soodaanta Aadan Cadde
hibo rabbaani ah oo fannaanku dadka dheer yahay, waana sababta ay carabtu ugu bixisay
“dalkii malyanka fannaan” halka Soomaalidana ay ku naanayseen “dalkii malyanka
madax-wayne”. Kolka Soodaan la joogo xaflad aan fannaan ka heesini xaflad ma aha,
munaasibad aan sida laama-lawshaha la ruxminina wax jira ma aha. Fanku dhiiggooda
ayuu raacay oo inta uu lafaha xulay buu dhuuxa u fadhiistay. Waa dhaqan aan ammaan
iyo wanaag lahayn in heesaha iyo muusigga sidaas oo kale loo caashaqo ama loogu
welfo.
o Fannaaniintoodu inta badan waxa ay ka soo baxaan kulliyadaha fanka iyo muusikada ama
meelo u dhigma, halka Soomaalidu hibadeeda uun adeegsato. Haddii Soomaalidu fanka
jaamacado uga soo bixi lahayd waxa ay noqon lahaayeen mucjisada fanka.
Aadan Daahir Cabdilaahi (Aadan Cadde)
Facebook: Aadan Cadde