buuga agro vet ka
TRANSCRIPT
Waxqabadka kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha ee
jaamacada Jazeeara
Coos ciid la’aan labeerayo
Tijaabo ay sameyeen ardayda kuliyada beeraha iyo xananada xoolaha , kadib markii ay ka soo
dhambasheen isku dayo hore loosameeyey.
Cooska caro la’aanta la beerayo wuxuu faaido mugwayn u leeyahay dalkeena soomaaliyeed oo
leh keed wayn dhanka xoolaha la dhaqdo, sida ay cadaynayso tiro koobyo lasameeyey isku darka
Geela, Lo;da,Ariga. Iyo Idaha waxa ay gaarayaan wadartooda 38,901,930 oo neef.
Sidaan la socono xiliyadii danbe waxaa soo lab laabtay roob yari isu dhow dhow oo keentay
xoolo badan inay dhintaa, qooysas badanina barakacaan iyagoo la daalo dhacaya cuno yari iyo
calaf la’aan , iyagoo soo buux dhaafiya magaalooyinka waawayn .
Hadaba kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha ee jaamacad Jazeera waxay u istaagtay inay
raadiso xal wixii u noqon lahaa dhibaatadan ragaadisay dad iyo duunyo , islamarkaasna soo
noqnoqotay .
Macalimiinta iyo ardayda kuliyadu waxay bilaabeen inay tijaabiyaan coos caro laan labeerayo ,
oo ruux walba qolkiisa jiif ama qolalka kale uu ku beeri karo, mudo todobo cisho gudahooduna
ay ku guran karaan cooskii ay beereen iyoagoo adeegsanaaya biyo aad u yar , miraha ay
beeraana waylaba laabmayaan, “tusaale hal kilo oo abuurka labeero todobo maalmood kadib
wuxuu gaarayaa 5 ilaa 6 kiilo culees ahaan .
Faahfaahinta talaabooyin tijaabada
Diyaarita calafka caro la’aan
1- Waa inaad soo diyaarsataa miraha ama abuurka aad beeri lahayd , sida “Masagada,
Galayda,Qamadiga,sareenka, Alfalfa iyo kuwa balkoda xooluhu ay cunaan
2- Miruhu ama abuurka waa inuu noqdaa mid cusub, wax jajabna uusan lahayn
3- Waa inaad soo diyaarsataa weelasha aad wax kubeeri lahayd , sida “ sida caaga
beeshanka oo salkooda duleelo yaryar laga sameeyey
4- Waa inaad diyaarsataa jeermis dille sida (Dettol ) oo magaca kiimikaal ahaan kasameesan
chloroxylenol (C8H9ClO)
5- Jeermis dilaha waxaa lagu dhaqayaa weelasha wax lagu beerayo, sababtoo ah si uusan u
qurmin salko hoose ee cooska soo bixidoona
6- Waa inaad ku dhaqdaa miraha ama abuurka labeeri doono biyo nadiif ah
7- Miraha ama abuurka ladhig biyo mudo 24 saac
8- Kadib 24 saac ka daadi biyihii aad ladhigtay
9- Kushub miraha weelashii aad horay usoo diyaarsatay “beshinadii hoosta aad ka dul
duleelisay”
10- Waa inuu weelkasta leeyahay duleelo ay biyuhu kabixi karaan goorta la waraabinayo
miruhuse aysan kabixi karin
11- Weelka gudihiisa kusin miraha ilaa 3cm oo kor ah
12- Kadib waa inaad dhigtaa meel iftiin ah oo aan cadceed ama qorax lahay
13- Mudadii aad guran lahayd xoolahana aad siin lahayd waxay qaadanaysaa ilaa 7
maalmood iyadoo siimaraysa maalinkastaba heer, maalinta 7 baad, dhiririka cooska
wuxuu gaarayaa ilaa 20-25 cm ,” hadii aad iska dhaafto ma sii dheeraanayo”, kadib sitoos
ah ayaa loo siinayaa xoolaha noocyadooda kala gadisan.
Coos caro la’aan labeerayo, oo jaamacada jazeera ay tijaabisay
FG: Cooskan qaabkaan loo beero kayd magalo oo sitoos ah ayaa loo siiyaa xoolaha,
hadii halkiilo oo badar ah aad beerti waxay kuu noqonaysaa ilaa 6-7 kiilo oo coos ah , 50
oo badar ah waxaad kudhufataa lix ama todobo 50×7= 350 kiilo oo coos ah , maalintii
halkii neef oo ari ah waxaa kufilan 3 kiilo oo coos ah .
Tijaabooyinka la sameeyey waxay cadaynayaan, xooluhu inaysan awoodin si buuxda
inay u dheefshiidaan badarka ama miraha ayagoo sidooda ah, balse goortii qaabka aan
kor kusoo xusnay loo beero miraha ama badarka , boqolkiiba sagaashan ayeey dheef
shiidi karaan jirkooduna uu kafaa’ideesan karaa , wax soosaarkoda cad iyo caanaba sare
ayuu u kacaa.
Aragtida fog iyo tan dhow
Kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha waxay u taagantahay oo ay hiigsanaysaa inay
joogtayso oo ay noqoto hurmuudka aqoonta, cilmibaarista iyo tababarada taasoo ku jaan
go’an hurumarka umadda somaaliyeed
Yoolka kuliyada ay beegsanayso
Inay door kaciyaarto si wax ku’ool ah Hormarinta khayraadka beeraha iyo
xanaanada xoolaha iyadoo la’isku xiraayo tiknoolojiyada iyo warshadaha si
lookobciyo dhaqaalaha dalka
In lasoo saaro gabdho iyo wiilal dhisan xirfad iyo aqoon ahaan , waxna laqaybsan
kara dunida inteeda kale , dalkana kusoo kordhiya wax wayn iyagoo baahinaya
aqoontooda
In la’abuuro bulsho sugan aqoon iyo akhlaaq ahaanba, oo kheeraadka alle
dalkeena ku galadeestay ka faa’ideesta
Nidaamka kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha
Ardayda kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha waxay wadaagayaa afarta simistar ee ugu
horaysa koorsooyinka ka dhaxeeya , kadib arday walba waxaa u furan inuu doorto beeraha ama
xanaanada xoolaha afarta simistar ee danbe .
Ardayga wuxuu helayaa inta koorsooyinka ay socdaan siminaaro iyo tababaro kor u bilaaya
aqoontiisa xirfadeed .
Sidookale ardaydu waxay helayaan baraatiko loo aadi doono beeraha , maxjadara iyo
warshadaha cunooyinka soosaara , waxaa kaloo intaas u sii dheer shaybaar guud oo ka dhaxeeya
kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha oo arday walba fursad uu u heli doona inuu ku
baraatikeyo
Sawirka: ardayda oo baraatiko qaadanaysa (afgoye)
Calaaqada kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha
Kuliyadu waxay calaaqo xoogan la leedahay :
SATG (filsan) (Somali agricultural Technical Group)
SAGA ( Somali Agricultural girls Association)
Iyo xiriiro kale oo soo dhameestirmi raba
Macmalka kuliyada iyo baraatikadiisa
Kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha ee jaamacad jazeera waxay leedahay macmal ama lab
ay ardaydu baraatiko ku sameeyaan, kaasoo sanadba sanadka xiga qalab cusub lagu soo kordhiyo
Ardayda kuliyada oo baaraysa unugyada dhirta
Macmalka guud ee kuliyada
Ardayda oo macmalka guud ku baraatikenayso
Wuxuuna ka koobanyahay :
1- Qaybta cilmiga suntan beeraha
2- Qaybta cilmiga xayawaanka lagu diraaseeyo; sida xunbana xoolaha, cayayaanka dulinta
ah iyo kuwa dheefta leh
3- Qaybta tijaabada abuurka iyo abla ableynta dalagyada kala gedisan
4- Qaybta ciida iyo tayeenteeda
5- Qaybta calafka xoolaha iyo tayeentooda nafaqo ahaan
6- Qaybta diraaseenta noolayaasha ilma qabatada
Waxaa lagu soo kordhin doonaa qaybo kale haduu alle idmo
Barayaasha kuliyada
Kuliyada beeraha iyo xanaanada xoolaha waxay kuu haysaa macalimiin wata shahadoyin sare
(Msc, Phd) aqoontoodana ku faradhuuban
Seminaarada Kuliyadu ay qabato
Diktoreso. Shariifi Cali Cilmi iyo dr. Qaasim Cabdi Macalin oo soo jedinaysay seminar cineaankiisu aha (Saameenta ay ku
leedahay caafimaadka xoolaha waxsoo saarkooda ee Somaliya)
Beerta SAGA Somali Agricultural Girls Association
Basaka jaamacad ee baraatikada aardayda loogu qaado
Dr.Ibraahiim Cali Dhaqane ; oo bixinaya siminaar kusaabsan aqoonta beeraha doorka ay ku leeyihiin dumarka somaliyeed
Siminaar kusaabsan coos caro la’aan la beeraayo
Maama cudbi oo ardayda kuliyada usameesay siminaar kusaabsan hiigsiga ardayga iyo nolasha siduu ugu guuleesan lahaa