barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

12
Islamic University C.C. Muumin 1 Barashada Cilmiga Dhaxalka Casharka Labaad

Upload: abdulkadir-mumin

Post on 15-Jan-2017

911 views

Category:

Education


115 download

TRANSCRIPT

Page 1: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

Islamic University C.C. Muumin 1

Barashada Cilmiga

DhaxalkaCasharka Labaad

Page 2: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

2

TIIRARKA DHAXALKA Dhaxalku waxa uu leeyahay seddax tiir oo haddii midkood la waayo aysan jirayn wax dhaxal ah. Waxayna yihiin sidan:-1.La dhaxle oo ah midka dhintay ee la dhaxlayo.2.Dhaxle oo ah midka mutaystay inuu wax dhaxlo.3.Waxa la dhaxlayo, taasoo ah hanti nool iyo moodba leh ee uu ka tagay qofka dhintay.

Islamic University C.C. Muumin

Page 3: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

3

SHURUUDAHA DHAXALKA  Dhaxalku waxa uu leeyahay saddex shardi:- 1.In la xaqiijiyo dhimashada qofka la dhaxlayo ama lagu xukumo dhimasho sida qofka la la’yahay ee raadkiisa la waayay muddo dheer, qaadiguna uu ku xukumay inuu dhintay. Qof nool lama dhaxlo.2.In la xqiijiyo nolosha dhaxlaha marka uu dhimanayay la dhaxlaha, ama la haleeshiiyo kuwa nool sida ilmaha uurka lagu sido.3.In la ogaado jihada uu wax ku dhaxlayo dhaxalaha sida Aabanimo, Walaalanimo, Wiilnimo, iwm.

Islamic University C.C. Muumin

Page 4: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

4

SABABAHA LA ISKU DHAXLO  Sababaha la isku dhaxlo waa saddex:- 1.Qaraabada ama Nasabka: waxaana loola jeedaa qaraabada qofka uu u nasab sheegto sida ilmaha, waalidka, Walaalaha, iyo Adeerada iyo ilmahooda 2.Nikaaxa: waa inuu ahaado mid saxiix ah loomana shardiyo isutagid (جماع).3.Walaha: kaasoo ah xoreyn, oo haddii uu qof xoreeyo addoon, uusanna lahayn qofkaasi la xureeyay qaraabo wax dhaxasha ama uu leeyahay laakiinse uu wax ka soo harayo maalkii, waxaa qofkaasi dhaxlaya maalkiisa dhammaan ama waxa soo hara, kii isaga xoreeyay ee walihiisa lahaa,

Islamic University C.C. Muumin

Page 5: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

5

WAXYAABAHA QOFKA U DIIDA DHAXAlKAQof wax dhaxli lahaa ayaan wax dhaxlayn hadii laga helo sifooyinkan seddexda ah:-1.ADDOONIMO: oo micnaheedu yahay qofka in la leeyahay oo uusan xor aheyn. Qofkan oo kale waxba ma dhaxlo. Haddii uu Aabe ka dhinto wiilkiisa oo addoon ah, wiilkaasi waxba kuma laha maalka Aabihii. Sidoo kale hadduu wiilku ka dhinto Aabihii oo adoon ah, Aabaha waxba kuma laha maalka uu ka tegay wiilkiisa. Qofka wax dhaxlaya waa inuu haystaa xorriyad buuxda waxna dhaxli maayo qof aanay xorriyaddiisu kaamil ahayn.2.DIL: qof hadduu dilo qofkuu dhaxli lahaa waxaa laga qadinayaa hantidiisa oo waxba ka dhaxli maayo; ula kac ha u dilo ama si gef ah ama sabab ha u noqdo dilkiisa.3.kala duwanaasho diineed: laba qof oo is dhaxli lahaa hadday ku kala duwanaadaan diinta iyaguna is dhaxli maayaan. Haddii uu Aabaha Muslim yahay wiilkiisana gaal yahay isma dhaxlayaan. Nabigeena suubanaa waxa uu yiri “ Muslimka gaal ma dhaxlo, gaalkana Muslim ma dhaxlo”.

Islamic University C.C. Muumin

Page 6: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

6

RAGGA WAX DHAXLA  Ragga leysku waafaqsan yahay inay wax dhaxlaan tiradoodu waa shan iyo toban:-1.Wiilka (االبن)2.Wiilka Wiilkiisa ( االبن hoosba ha u sii dego, oo wuxuu ,(ابنdhaxlayaa Awoowihiis fog ama Ayeeydiis fog marka la waayo Wiilka ay dhaleen. Waxaan waxba dhaxleyn Wiilka ay dhashay Gabadha waayo wuxuu ka mid yahay qaraabada aan wax dhaxleyn ee loo yaqaan kuwa raximka u saaxibka ah ( االرحام .(ذوي3.Aabaha (األب)4.Awoowe Aabe ( ألب haba fogaado sida Aabaha Aabihii (جدAabihii. Waxaan wax dhaxlayn Awoowaha xagga Hooyada waayo wuxuu ka mid yahay Dawil Arxaam.5.Walaal Aabe Hooyo( شقيق( .isu aabbe iyo Hooyo ah – (أخ6.Walaal Aabe ( ألب .isu Aabe ah – (أخ7.Walaal Hooyo ( الم .isu Hooyo ah – (أخ

Islamic University C.C. Muumin

Page 7: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

7

8. Wiil Walaal Aabe Hooyo ( شقيق أخ .(ابن9. Wiil Walaal Aabe ( ألب أخ .(ابن10. Adeer Aabe Hooyo ( شقيق .(عم11. Adeer Aabe ( ألب .(عم12. Ina Adeerka Aabe Hooyo ( شقيق ا عم بن ).13. Ina Adeerka Aabe ( ألب عم .(ابن14. Ninka (الزوج) wuxuu dhaxlayaa Naagtiisa.15. Xoreeye (معتق) wuxuu dhaxlayaa kii uu xoreeyay.

Sida aan u kala hormariyay ayay ugu kal dhow yihiin maydka. Dhammaan ragga wax dhaxla waxay wax ku dhaxlaan casabnimo marka laga reebo:-

Ninka oo farad wax ku dhaxla Walaal Hooyo oo isna farad wax ku dhaxla Aabaha iyo Awoowaha oo iyaguna wax ku dhaxla farad iyo casabnimo

labadaba.

Islamic University C.C. Muumin

Page 8: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

Islamic University C.C. Muumin 8

FAA’IIDO:- Haddii ay wada joogaan dhammaan ragga wax dhaxla, waxaa wax dhaxlaya saddex qofood oo kaliya, (Wiilka, Aabaha, iyo Ninka ay Naagta ka dhimatay.

Mas’aladana waxaa lagu dhisayaa 12 waayo waxaa kulmay rubicii Ninka iyo suduskii Aabaha.

Ninka rubuc ayuu qaatay waa 3, Aabahana sudus ayuu qaatay waa 2, Wiilkana wuxuu casabnimo ku qaatay 7-da soo hartay .

 

¼ Nin

12

3

1/6 Aabe 2

C Wiil 7

Page 9: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

Islamic University C.C. Muumin 9

DUMARKA WAX DHAXLA Dumarka wax dhaxla waa toban waxayna kala yihiin:-1.Gabadh (بنت) waxay dhaxashaa Aabaha iyo Hooyada.2. Gabadha-wiilka ( االبن waxay dhaxashaa Awoowahaeed iyo (بنتayeeyadeed haba fogaadeene waxaan waxba Dhaxleeyn Gabadha Gabdheeda waayo waa dawil arxaam.3.Hooyada (األم) waxay Dhaxashaa wiilkeeda iyo Gabadheeda. 4.Naagta (الزوجة) waxay Dhaxashaa Ninkeeda.5.Ayeeyo Hooyo ( ألم .(جدة6.Ayeeyo Aabe ( ألب .(جدة7.Walaasha Aabe Hooyo ( ألبوين .(أخت8.Walaasha Aabe ( ألب .(أخت9.Walaasha Hooyo ( ألم أ خت ).10.Xureyso (معتقة). Waxay Dhaxashaa cidda ay xureeysay oo wax Dhaxla la waayo, ama maalka maka aysan dhammeysan kuwa dhaxlayay.

Page 10: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

Islamic University C.C. Muumin 10

F.G: Dammaan Dumarkaasi Wax Dhaxlaya waxay wax ku Dhaxlaan oo kaliya Farad marka laga reebo tii wax Xureeysay oo wax ku Dhaxasha casabanimo.Walaashana hal ama wax kabadan waxay wax ku dhaxlaan Casabanimo marka ay la joogaan Gabadha ama Gabdhaha uu dhalay kan dhintay ama wiilkiisu dhalay.Walaashana hal ama wax kabadan waxay wax ku dhaxlaan Casabanimo marka ay la joogaan Gabadha ama Gabdhaha uu dhalay kan dhintay ama wiilkiisu dhalay ( مع األخوات

االبن بنات مع أو .(البنات

 

Page 11: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

Islamic University C.C. Muumin 11

FAA’IIDO:- haddii ay wada joogaan dhamaan Dumarka wax dhaxla waxaa wax Dhaxlaya Shan kaliya:- Gabadh, Gabadha-wiilka, Hooyo, Naag iyo Walaasha Aabe Hooyo. Mas’aladooda waxaa lagu salaynayaa 24, waayo waxaa ku jira thumun ay leedahay Naagta iyo Suduska Hooyada.Gabadha waxay leedahay Nus waa 12.Gabadha-wiilka waxay leedahay Sudus waa 4.Naagta waxay leedahay Thumun waa 3.Hooyada waxay leedahay Sudus waa 4.Walaasha Aabe Hooyo waxay leedahay halka soo haray waxeyna ku qaadatay Casabanimo.

 1/8 Naag

24

3

1/2 Gabadh 12

1/6 Gabadha - Wiilka 4

1/6 Hooyo 4

C Walaasha Aabe Hooyo 1

Page 12: Barashada cilmiga dhaxalka casharka 2aad

Islamic University C.C. Muumin 12

Hadii ay wada kulmaan kuwa wax dhaxla dhamaantood lab iyo dhedigba. Waxaa wax dhaxlaya Aabaha, Hooyada, Wiilka, gabadha, iyo Mid ka mid ah labada is qabay. Labadan mas'aladood ee is dhinac yaal eeg midda hore waxaa dhintay Ninka midda labaadna waxaa dhimatay Naagta.

1/6 Aabe

24

4

1/6 Hooyo 4

1/8 Naag 3

C Wiil13

Gabadh

72

12

12

9

26

13

3x

1/6 Aabe

12

2

1/6 Hooyo 2

1/4 Nin 3

C Wiil5

Gabadh

36

6

6

9

10

5

3x